-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa goor dhaweyd Shiirkolo soo gaaray Siyaasiyiin iyo Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Mudulood, waxaa kaloo weheliyey Odoyaal iyo Ciidan Tikniko wata oo ay wadada kusoo mareen. Ergadaan ayaa booqasho ugu tagay Saadiq Joon iyo Beesha Habar gidir, Xalay ayaa Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Habar Gudir ah ay shir jaraa’id ku qabteen Xarunta Saraakiisha ee Shiirkolo Officialle. Kulamada noocaan ah waxay muujinayaan in Madaxweyne Farmaajo ay talo farahiisa ka baxdey, wixii Kulamadaas kasoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandi.com Facebook iyo Teitterkaba Puntlandi.com Muqdisho The post Saraakiil, Xildhibaano iyo Odoyaal Reer Mudulood ah oo gaaray Shiirkolo appeared first on . Source
-
Jeneral Dhawaan Farmaajo shaqadii ciidan ka Eryay oo Dhufeysyo ka qotay Xaafado ka mida Muqdisho+Xiisad Dagaal oo aloosan+Sawirro Xaafada Shiirkole ee magaalada Muqdisho ayaa xiligan gashay jawi ka duwan sidii hore, waxaana xaafadaasi hada isku bedeshay aag dagaal oo laga cabsi qabo in xili kasta dagaal uu ka qarxi karo. Taliyihii hire ee ciidanka booliiska gobolka Banaadir Janaraal Saadaq Joon oo wata ciidamo badan iyo gaadiidka dagaalka ayaa saldhig ka dhigtay xaafada Shiirkole oo ku badan yihiin beesha uu kasoo jeedo. Saadaq Joon iyo ciidankiisa ayaana hada xaafada qeybo kamid ah ka sameestay dhufeesyo iyagoona wadooyin badan oo xaafadaasi soo gala ku xiray caro tuur si ay difaac uga galaan hadii weerar lagu soo qaado. Dadka degan xaafada Shiirkole waxaa lasoo darsay wal wal xoogan, iyagoona ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaalamo, dadkan ayaana qaar badan oo kamid ah xalay isaga qaxeen guryahooda kadib xiisad dagaal oo halkaasi laga dareemay. Taliye hore Saadaq Joon oo xiligan mucaarad ku ah dowlada Soomaaliya ayaa u muuqda mid dabada la galay deegaanka Shiirkole oo beeshiisa ku badan tahay si uu gabaad uga dhigto gurmadna u helo hadii ciidamada dowlada weerar kusoo qaadaan. Dowlada Soomaaliya ayaana xalay shaacisay in aysan duulaan ku aheyn Saadaq Joon iyo xaafada Shiirkole, waxa uuna sheegay Wasiirka Amniga in warka duulaanka ay yihiin kuwa ay abuurayaan siyaasiyiin uu sheegay in dano gaar ah leeyihiin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda Beelaha Mogadishu Clan, gaar ahaan Mudullood iyo Murusade ayaa galabta gaaray xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan oo maalmahan ay xiisad colaadeed ka taagan tahay. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha iyo xildhibaanadan ay u tageen Shiirkole inay garab is-taag iyo taageero u muujiyaan Jeneral Saadaq Joon iyo xildhibaadana beesha Habargidir ee halkaas ku sugan, oo ay is-hayaan ciidamada dowladda. Xildhibaanada iyo saraakiishan ayaa la filayaa, sida aan xogta ku helnay inay ka qeyb-galaan shir jaraa’id oo ay si wadajir ah halkaas ugu qabanayaan xildhibaanada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan. Xubnahan ayaa watay gaadiid dagaal iyo ciidan aad u badan, sida ay sheegeen dad ku sugan xaafadda Shiirkole, taasi oo sii kordhineysa ciidanka tirada badan ee horey halkaas ugu sugnaa. Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa 50 tikniko ah ay halkaas gaareen. Xaafadda Shiirkole ayaa waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay isku day ay dowladda ku dooneyso inay kusoo qabato Jeneral Saadaq, kaasi oo fashilmay markii ciidamo badan iyo xildhibaano ay garab istaageen. Xildhibaanada beesha Habar-gidir oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Cabdi Saabir Shuuriye, oo ay wehliyaan odayaasha beesha, ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay xaafadda Shiirkole, ayaga oo ka digay in lasoo weeraro Saadaq Joon. Xildhibaanada ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Muqdisho inay u diyaar garoobaan inay iska difaacaan Farmaajo, oo ay ugu wada yeereen “hoggaamiye kooxeed sharci-darro” ku jooga Villa Somalia. The post Xildhibaano iyo saraakiil ciiidan oo kasoo jeeda beelaha Mogadishu Clan oo gaaray Shiirkole appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxeysa shir u dhexeeya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka oo ka socda teendhada Afisyoone ee xerada Xalane. Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan uu ahaa mid ay dalbadeen wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+, kuwaas oo Farmaajo ugu yeeray inuu yimaado teendhada Afisyoone. Xogta ana helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in wakiilada beesha caalamka ay Farmaajo u gudbinayaan farriin adag oo kama dambeys ah oo la xiriira go’aanka ay ka qaateen muddo korosiga uu sameystay, kaasi oo ay billaabi doonaan dhaqan-gelintiisa haddii aanu ka laaban muddo kororsiga. Waxaa sidoo kale Farmaajo kulanka loogu gudbinayaa nooca cunaqabateyn ee ay wajihi doonto dowladda federaalka, iyo xayiraadaha ay wajahayaan shaqsiyaadka ku lugta leh muddo kororsiga, oo uu ku jiro isaga. Waxaa sidoo kale xayiraadaha wajahaya guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad, oo Farmaajo siiyey muddo kororsiga sharci-darrada ah. Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa la sheegay inaysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi, ayaga oo rumeysan inay taasi horseedi karto dagaal ka qarxa Muqdisho iyo dowladda fedreraalka ay gebi ahana burburto oo caasimadda laga eryo. The post Xog: Farriinta Farmaajo loogu gudbinayo kulanka beesha caalamka appeared first on Caasimada Online.
-
Barlamaanka Puntland ayaa sheegay In uu cod ugu qaaday Fadhi xiran oo uu maanta lahaa muddo kordhinta aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka ee wakhtigiisu dhamaaday uu u sameeyay Golayaasha DFS. Mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin mudda kordhinta Golaha shacabka u sameeyen Farmaajo. Kulanka oo cod gacan taag ah loogu qaaday mudda kordhinta farmaayo ayaa Fadhiga oo ay joogeen 52 xildhibaan ay 49 ka mid ah u codeyeen in aan la Aqbali karin oo ay sharci daro tahay Mudda kordhinta Puntland , halka Laba xildhibaan ay diiday midna uu ka amuusay. Source: goobjoog.com
-
Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ay dood dheer ka dib qaadaceen muddo kordhinta golayaasha dowladda federaalka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in 49 xildhibaan ay diideen muddo kordhinta faderaalka, 1 mudane ogolaaday, 2 ka aamuseen. Saxaafadda ayaa maanta laga saaray fadhigii Golaha Wakiillada Puntland oo horyimaadeen madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in uu ahaa is-xogwareysi iyo wada-tashi ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kordhinta dowladda federaalka. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo qaadacay muddo kordhinta federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Maamulka Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa go’aan ka gaaray muddo korosiga Farmaajo kadib cod ay arrintaas u qaadeen. Kulanka baarlamaanka Puntland ayaa ugu horeyn waxaa khudbad ka hadleysay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka ku jiro iyo khilaafka doorashada ka taagan u jeediyey madaxweyne Saciid Deni. Kadib khudbadda uu Saciid Deni, ayaa wuxuu guddoonka ku dhawaaaqay in cod loo qaadayo go’aanka maamulka ee ku aadan muddo kororsiga uu sameystay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Kulanka Baarlamaanka Puntland ayaa waxa soo xaadiray ilaa 52 mudane, waxaana qaadacay muddo kordhinta uu sameeyey Baarlamaanka Soomaaliya 49 mudane, 1 Xildhibaan ayaa diiday halka 2 Xildhibaan ay ka aamustay. Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil iyo labadiisa ku xigeen ee Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame. Waxaa weli socda la tashiyo Madaxweynaha Dowladda Puntland la leeyahay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Iyadoo dhowaan Puntland soo saari doonto mowqifkeeda ku aadan muddo kordhinta uu sameystay Madaxweynihii DFS ee Wakhtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Beesha Caalamka ay Xalana uga wacday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isla markaasna lagu wargeliyey go’aanka ugu dambeeyo ee beesha Caalamka oo ah in dalka ka dhacdo doorasho lana aqbali doonin muddo kordhin haddii ay taas dhacdana la saari doono cuna-qabateyn aan weli nooceeda si rasmi ah loo ogaana. The post Baarlamanka Puntland oo go’aan kasoo saaray muddo kororsiga Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh khaliil Cabdillaahi ayaa Imaamada Masaajidada Magalada Hargeysa u qaybiyaay afsaab iyo Dareeraha Jermisdilaha oo ay ku deeqday hay’adda Samafalka ee Sahamiye, Munaasibad kooban oo loo qabtay Qaybiinta agabkaa ayaa waxa ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilahi Axmed. Wax iyguna madashaa ka Hadlay Qaar ka mida Imaamada Masaajida Magalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Laascaanood)-Xaalada deegaanka Dhabardalool ee degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaa degan maanta kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ka socdey dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha gobolka Sool ayaa u baxay deegaanka dhabardalool, si loo joojiyo Colaada ka socota deegaankasi, Sidoo kale Ciidamada Milatariga Somaliland iyo Ergooyin nabadeed oo shalay ilaa maanta gaadhay deegaankaasi, ayaa ku guuleystey in ay kala raraan maleeshiyaad beeleedkii ku dagaalamay deegaanka Dhabardalool. Source
-
(SLT-Asmara)-Dowladda Eritrea ayaa qirtay in ciidamadeeda ay ka qeybgaleen dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia laakin waxa ay wacad ku martay in ay la soo bixi doonto xilli uu sii kordhayo cadaadis caalami ah. Qiraalka cad oo ah kii ugu horreeyay ee kaalinta Eritrea ee dagaalka ayaa lagu sheegay warqad uu daabacay habeennimadii Jimcaha wasiirka warfaafinta ee dalkaas, oo ay qortay safiirka Eritrea u fadhisa xarunta Qaramada Midoobay una dirtay Golaha Amniga. Raysal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa bishii November ciidamo u diray gobolka Tigray si ay hubka uga dhigaan una xidhaan hogaamiyaasha xisbi siyaasadeedkii gobolka maamuli jiray ee TPLF. Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea ayaa muddo bilo ah waxa ay beeninayeen in Eritrea ay ku lug lahayd dagaalkaasi, taas oo ka soo horjeeda marag-furka ka imanaya dadka deegaanka, ururada xuquuqda, shaqaalaha gargaarka, diblomaasiyiinta iyo xitaa qaar ka mid ah saraakiisha rayidka ah iyo militariga ee Ethiopia. Abiy ayaa ugu dambeyntii waxa uu bishii March qiray joogitaanka Eretria mar uu la hadlayay xildhibaannada, wuxuuna ballan qaaday in ay ay ka bixin doonaan. Waraaqda Jimcihii ka timid Eretria ayaa lagu sheegay in iyadoo kooxda TPLF “si weyn loo fashiliyay”, Asmara iyo Addis Ababa “ay ku heshiiyeen in ay la bilaabo bixitaanka ciidamada Eritrea iyo in ciidamada Ethiopia lagu daadgureeyo xuduudda caalamiga ah.” Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa Khamiistii u sheegay Golaha Ammaanka in inkastoo Aby uu sameeyay ballanqaad, haddana aysan jirin wax caddeynaya in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan gobolka. Wuxuu kaloo sheegay in shaqaalaha gargaarka ay soo warinayaan xadgudubyo cusub oo ay sheegeen in ay geysanayaan Ciidamada Difaaca Eritrea. Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa bartiisa Twitter-ka Sabtida maanta ah ku qoray in Asmara ay u yeertay isku-duwaha QM ee Eritrea iyo madaxa xafiiska isku dubarridka gargaarka bani’aadamnimo ee QM ee dalkaasi si ay uga ashtakooto “dhaqammada qaldan iyo warbixinnada been abuurka ah.” Dadka deegaanka Tigray ayaa dhowr jeer oo hore Eriteriyaanka ku eedeeyay kufsi wadareed iyo xasuuq, oo ka dhacay goobo ay ka mid yihiin magaalooyinka Axum iyo Dengolat. AFP Source
-
Mareykanka iyo Japan oo iska kaashanaya caqabadaha China Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in isaga iyo Ra’isul Wasaaraha Japan Yoshihide Suga ay ka go’antahay inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan ka hortagga caqabadaha Shiinaha iyo Kuuriyada Woqooyi, kaddib shirkii ugu horreeyay ee Biden uu Aqalka Cad ku martigaliyo hoggaamiye shisheeye. Biden ayaa suxuufiyiinta u sheeegay kaddib kulankii uu la qaatay Suga inay isla meel dhigeen in dhidibada loo adkeeyo isbaheysiga labada dal, wuxuuna caddeeyay inay ka wada shaqeyn doonaan wajahitaanka caqabadaha ka iman kara China, sida arrimaha badda bariga iyo koofurta China, iyo sidoo kale Kuuriyada Woqooyi. Madaxweynaha Mareykanku wuxuu ku tilmaamay wadahadalladan inay ahaayeen “kuwo miro dhal ah” wuxuuna sheegay in Mareykanka iyo Japan ay sidoo kale isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan sidii loo taageeri lahaa dadaallada tallaalka caalamiga ah ee COVID-19 iyo sidoo kale in sare loo qaado horumarka cusub ee teknolojiyadda, oo ay ka mid yihiin adeegga 5G iyo aalada sirdoonka. Ra’isul Wasaare Suga waa hogaamiyihii ugu horreeyay ee shisheeye ee wadahadal fool ka fool ah la yeesha Biden tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo. Intii aan wadahadalku bilaaban jimcihii, Biden wuxuu weriyeyaasha ugu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyo hoggaamiyaha dal uu ugu yeeray ‘Wehel iyo Saaxiib wanaagsan”. Kahor kulanka labada hoggaamiye, Wasaarada Arrimaha Dibadda ee China ayaa Japan uga digtay arrin ay ugu yeertay “in lagu marin habaabiyo wadamada qaar ee aragtida eexda ah ka qaba Shiinaha.” Japan waxay martigalisaa qiyaastii 55,000 oo Ciidamada Mareykanka ah, waxayna labada dhinac si joogto ah ugu sifeeyaan isbahaysigooda inuu yahay mid udub dhexaad u ah nabadda iyo xasilloonida Qaaradda Asia. Qaran News
-
Dawlada Eritrea oo qiratay Tacadiyo & Eedaymo ay in badan diidaneyd Dowladda Eritrea ayaa qirtay in ciidamadeeda ay ka qeybgaleen dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia laakin waxa ay wacad ku martay in ay la soo bixi doonto xilli uu sii kordhayo cadaadis caalami ah. Qiraalka cad oo ah kii ugu horreeyay ee kaalinta Eritrea ee dagaalka ayaa lagu sheegay warqad uu daabacay habeennimadii Jimcaha wasiirka warfaafinta ee dalkaas, oo ay qortay safiirka Eritrea u fadhisa xarunta Qaramada Midoobay una dirtay Golaha Amniga. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa bishii November ciidamo u diray gobolka Tigray si ay hubka uga dhigaan una xiraan hogaamiyaasha xisbi siyaasadeedkii gobolka maamuli jiray ee TPLF. Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea ayaa muddo bilo ah waxa ay beeninayeen in Eritrea ay ku lug lahayd dagaalkaasi, taas oo ka soo horjeeda marag-furka ka imanaya dadka deegaanka, ururada xuquuqda, shaqaalaha gargaarka, diblomaasiyiinta iyo xittaa qaar ka mid ah saraakiisha rayidka ah iyo militariga ee Ethiopia. Abiy ayaa ugu dambeyntii waxa uu bishii March qiray joogitaanka Eretria mar uu la hadlayay xildhibaannada, wuxuuna ballan qaaday in ay ay ka bixin doonaan. Waraaqda Jimcihii ka timid Eretria ayaa lagu sheegay in iyadoo kooxda TPLF “si weyn loo fashiliyay”, Asmara iyo Addis Ababa “ay ku heshiiyeen in ay la bilaabo bixitaanka ciidamada Eritrea iyo in ciidamada Ethiopia lagu daadgureeyo xuduudda caalamiga ah.” Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa Khamiistii u sheegay Golaha Ammaanka in inkastoo Aby uu sameeyay ballanqaad, haddana aysan jirin wax caddeynaya in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan gobolka. Wuxuu kaloo sheegay in shaqaalaha gargaarka ay soo warinayaan xadgudubyo cusub oo ay sheegeen in ay geysanayaan Ciidamada Difaaca Eritrea. Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa bartiisa Twitter-ka Sabtida maanta ah ku qoray in Asmara ay u yeertay isku-duwaha QM ee Eritrea iyo madaxa xafiiska isku dubarridka gargaarka bani’aadamnimo ee QM ee dalkaasi si ay uga ashtakooto “dhaqammada qaldan iyo warbixinnada been abuurka ah.” Dadka deegaanka Tigray ayaa dhowr jeer oo hore Eriteriyaanka ku eedeeyay kufsi wadareed iyo xasuuq, oo ka dhacay goobo ay ka mid yihiin magaalooyinka Axum iyo Dengolat. Qaran News
-
Madaxweyne Farmaajo Waa Inuu Wadahadal La Galo ‘Mucaaradka’
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Boosaaso (Faallo) — Mid ka mid ah doodaha ay soo jeediyeen xildhibaannada u doodaya Saadaq John waa in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo eex sameeyay markuu cafis siiyay Cabdirashiid Janan oo gaboodfal loo haysto oo baxsad ah, halka uu weerar la damacsan yahay sarkaal uu xilka ka xayuubiyay. Waa dood adag. Muqdisho waa magaalo uu amarka dowladdu ka socdo; magaalo ay kaabayaasheedu (dekedda iyo gegida diyaaradaha) ay dowladdu maamusho. Waa horumar uu ka dhaxlay maamulkii ka horreeyay. Maanta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid u baahan dareen ah in dalku naga dhexeeyo; in madaxdu ay la timaaddo mowqif dadka lagaga badbaadinayo inay dhibbaneyaal u noqdaan hanka siyaasiga. Madaxweyne Farmaajo wuxuu u sheegay Telefishinka Shabelle in wadahadalku dastuuri yahay? Maxaa ka hortaagan in uu murrashixiinta ku martiqaado Madaxtooyada oo kala hadlo sida Soomaaliya looga ilaalin karo inay mar kale burbur siyaasadeed lugaha la gasho? Muddo kororsigu wuxuu sii murjiyay ismariwaaga siyaasadeed. Wadahadal wuxuu horseedi karaa in meel dhexe la iskugu yimaado. Waa dhab in Baarlamaanku leeyahay awoodo dastuuri ah laakiin adeegsiga awoodahaas waxaa sal u ah heshiis siyaasadeed waayo dalkeennu waa dal heerkan ku soo gaaray heshiisyo siyaasadeed — waa sida dal leh dastuur aan qorneyn. Waa dal ku tiirsan yabooh shisheeye bixiyo. Xaaladda siyaasdeed ee Soomaaliya waa mid xitaa dhaawici karta doodda dacwada badda: dal soo kabanaya oo ciidammo nabad-ilaalin ku tiirsani wuu ku sii wiiqmaa ismariwaa keeni kara kala irdhoobid siyaasadeed. Madaxweyne Farmaajo waa inuu danta qaranka ka fekero oo uu siyaasiyiinta kale kala shaqeeyo samatabixinta Soomaaliya. Soomaaliya waa dal aan weli ka kaban burburkii 1991kii. W.Q. Daahir Cali Aadan (Xaydar) The post Madaxweyne Farmaajo Waa Inuu Wadahadal La Galo ‘Mucaaradka’ appeared first on Puntland Post. -
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha ciidanka Booliska maamulkaasi, ku xigeenkiisa iyo agaasimaha hay’adda nabad sugida. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale taliyeyaal cusub u magacaabay xilal kaasi, kadib wareegto maanta kasoo baxday xafiiskiisa. Taliyaha guud ee Booliska Jubbaland ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku xigeenkiisa laga dhigay Maxamed Guuleed Xasan. Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa agaasimaha hay’adda nabad sugida u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, sida lagu sheegay digreetada. Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo ciidamada ayaa la faray inay la shaqeeyaan taliyeyaasha cusub ee la magacaabay, kuwaas oo la amray inay xilka la wareegaan. Wareegtada uu soo saaray Axmed Madoobe laguma shaacin sababta ka dambeysa is-bedalka lama filaanka ah ee lagu sameeyey taliyeyaasha ciidanka maamulka Jubbaland. The post Axmed Madoobe oo xilalka ka qaaday taliyeyaal ciidan appeared first on Caasimada Online.
-
Kadib markii Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland uu u goostay Villa Soomaaliya Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu badalay Taliyaasha Ciidamada qaarkood. Sareeye Guure Maxamed Cabdi Sheikh waxaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Jubbaland Gaashaanle Sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye Xigeenka Booliska Jubbaland Maxamed Axmed Dabriye Waxaa loo magacaabay Taliyaha JISA , Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland. Hoos ka Akhriso Wareegtada lagu magacaabay The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo Taliyayaal Ciidan Magacaabay appeared first on . Source
-
Waxaa goor dhawayd uu kulan u bilowdey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xildhibaanada Puntland, Kulankasoo Albaabadu u xiran yihiin wuxuu ka socdaa Aqalka Baarlamaanka. Madaxweynuhu wuxuu kulankaan oo kale uu Xalay la yeeshay Waxgaradka, Aqoonyahanada, Dumarka, Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada. Sida ay Xogta ku hayaan Puntlandi.com Madaxweynuhu wuxuu Baarlamaanka u jeedinayaa Khudbad uu uga xogwaramay Safarkiisii Muqdisho bilow ilaa dhamaad wuxuu kala kulmay. Kadib Madaxweynuhu wuxuu Xildhibaanada hordhigayaan Talaabada ay Puntland ka qaadayso Madaxweynaha Xilka laga Fujinwaayay Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Go’aanka Puntland ka gaarayso Hadii dhib ka dhasho Mudada uu Madaxweyne Farmaajo kororsadey. Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Madaxweyne Deni wuxuu Baarlamaanka ka dalbanayaa Qodob u fasaxaya inuu Kalsoonida Madaxweynanimada kala laabto Madaxweyne Farmaajo iyo inuu si dhow Puntland ay si dhow ula shaqaynayso Jubbaland iyo Musharixiinta si Dalka looga badbaadiyo Boob xukun iyo Burbur. Warar waxaa jira iyana aan helayno oo sheegaya in Madaxweyne Deni uu Afurka kadib la hadli doono Shacabka Puntland. Puntlandi.com The post Madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka oo is Xog waraysanaya, Saxaafada oo banaanka loo jafay appeared first on . Source
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan ku sugan xerada Afisyooni ee Xalane isaga oo halkaasi kulamo ku leh. Farmaajo oo saaka ku kallahay xerada Xalane ayaa la sheegayaa inuu kulan kula leeyahay xubno ka tirsan beesha caalamka oo uu ku jiri safiirka Mareykanka. Kulanka Farmaajo iyo reer galbeedka ayaa imaanaya kadib markii ay Muqdisho qasneyd saacadihii lasoo dhaafay sababo la xiriira bartilmaameedsiga dowladda ee Saadaq John iyo weliba maalmo kadib markii uu Farmaajo iskiis ku darsaday labo sano. Midowga Yurub iyo Mareykanka oo ka falcelinaya muddo kordhinta Farmaajo ee labada sano ayaa ku hanjabay in aqoonsiga kala laaban doonaan Soomaaliya isla markaana ay cunaqabateyn doonaan saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulkiisa. Lama oga ujeedka kulanka uu Farmaajo lala leeyahay Mareykanka laakin waxaa la filayaa in looga hadlo muddo kordhinta, iyada oo reer galbeedka ay wadaan cadaadis la xiriira in lagu laabto Afisyooni, lana ambaqaado dhaqangelinta heshiiska September 17. Wararka kulanka kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shuruudda soonka waxa ka mid ah qofka soomayaa in uu awoodda soomidda leeyahay, sidaa darteed qofka aan awood u lahayn laguma laha soon. Qofka ay u soo gashay ramadaan isagoo xanuunsanaya, dabadeed xanuunka ku geeriyooda soon laguma laha, fidyo-afurinna laguma laha. Qofka ramadaan xanuunsaday oo aan soomin, xanuunkiina ka kacay, ramadaanna ay baxday isagoo caafimaadqaba, deeto geeriyooda isaga oo aan gudin soonkii lagu lahaa ayey su’aal ka taagan tahay malaga soomayaa? Qofkaas in laga soomayo waxa daliil u ah labada xadiis ee sugan. Xadiiska kowaad ee ay warinayso Caasha waa in nebigu yidhi, “Qofka geeriyooda isaga oo soon lagu leeyahay waxa ka soomaya xigtadiisa.” Xadiiska waxa soosaaray Bukhaari iyo Muslim. Xadiiska labaad waxa wariyey Cabdillaahi Ibnu Cabbaas oo leh: nebiga wiil dhallinyaraa waydiiyey hooyadii oo geeriyootay soonna lagu lahaa in uu ka soomayo. Nebigu wiilkii wuxuu ku yidhi, “Hooyadaa deyn haddii lagu lahaan lahaa soo kamaad bixiseen? Deynta Ilaahay baa mudan in layska gudo.” Xadiiska waxa soosaaray Bukhaari. Axaadiistani waxay sugayaan in laga soomayo qofka geeriyooday isagoo soon lagu leeyahay. Laakiin fahanka axaadiistan ee madaahiibta fiqigaa ayaa dood keenay, dooddaas oo ah ka soomiddu qofka xigtadaa waajib kuma aha. Madaahiibta Xanafiyada, Maalikiyada iyo Xanaabilada waa in aan xigtada lagu lahayn ka soomidda qofka geeriyooday isagoo soon lagu leeyahay. Shaaficiyadu way isku khilaafeen, khilaafkana waxa u sabab ah imaam Shaafici oo mar fatwooday in laga soomayo, mar dambe na fatwooday in aan laga soomayn. Imaam Nawawi kitaabkiisa Majmuuca ah wuxu ku yidhi, “Arrinkan Shaaficiyadu laba hadal ayey ka leeyihiin: hadalka hore waa in laga soomayo, midka dambena waa in aan laga soomayn laakiin fidyo-afurin laga bixinayo.” Axmed Ibnu Xambal, Lays, Isaxaaq iyo abu Cabayd waxay leeyihiin xadiisku cidda uu leeyahay halaga soomo waa cidda nidar ku gashay in ay soomi doonto, laakiin geeriyootay iyada oo aan fulin nidarkaa, sidaa darteed aan loo jeedin soonka Ramadaan. xadiiska sheegaya in laga soomayo qofka geeriyooday isagoo soon lagu leeyahay waxay kala soo baxeen fahan ah in xadiisku sheegayo cidda soon ku nidartay ee aan oofin in laga soomayo laakiin aanu xadiisku sheegayn soonka Ramadaan. Aqoonyahanka xadiiska iyo qayb ka mid ah salafkii hore iyagu waxay leeyihiin axaadiista hala dhaqangeliyo oo yaan dood la gelin. Axaadiistuna waxay tilmaamayaan in laga soomayo qofka geeriyooday isagoo soon lagu lahaa. Qaradaawi oo ah aqoonyahanka ugu tunka weyn fuqahada casriga ayaa isku dayey isu keenidda labada aragtiyood ee ay masalada ka kala haystaan fuqahada iyo xadiisyahannadu. Sheekh Qaradaawi wuxuu leeyahay, “Caasha xadiiskeeda sheegaya qofka geeriyooda isagoo soon lagu leeyahay in xigtadiisu ka soomayso waxa dabasocda hadal aanay soosaarin Bukhaari iyo Muslim oo ah (Haddii uu doono) sannadkaas oo sannad xasana ah. Midda labaad ee caddaynta u baahan waa in soonka xigtadu yahay samafal ee aanu waajib ku ahayn. Quraanku wuxuu sheegay in aan qofna loo qabsanayn wax qof kale gaystay, haddii u ka gudana waa samafal iyo waalid-addeecnimo uu sameeyey. Aragtida saxda ahi waa in laga soomo, iyadoon waajib ahayn, waana deyn ka qaadid qofka geeriyooday.” Qaradaawi wuxuu sheegay in ay bannaan tahay Qofka deynta soon lagu leeyahay in lagaga bixin karo fidyo-afurin. Xarunta Fatwada Masar-Daaru Iftaa waxay Qaradaawi la qabaan in aanay waajib xigtada ku ahayn ka soomiddu laakiin ay wanaagsan tahay in meydka culayska deynta ka dulqadaan. Daaru Iftaa waxay fatwodeen in xigtadu soonka u wakiilan karaan cid aan ehelka ahayn in ay ka soomaan. Ugu dambayn labada xadiis ee sugan waxay caddeeyeen in laga soomayo qofka geeriyooday ee soon lagu lahaa, fahanka fuqahada ee in aan laga soomayn ama aanay waajib ahayn waxa looga tagayaa axaadiista sugan. Dhowrsanaantu waxay ku jirtaa in xigtadu ka soonto waalidkood, walaalkood iyo ehelladooda soonka lagu leeyahay, si isna culayska uga dulqaadaan iyaguna samafalka waalidnimo, walaalnimo iyo xigtannimo u gutaan. W/Q Cabdirisaaq Rakuub Source
-
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam madoobe ayaa Taliyayaal cusub u magacaabay Booliiska iyo Nabad Sugidda Jubbaland . Axmed Madoobe ayaaa Taliyaha Booliiska Guud ee Jubbaland u magacabay S/G Maxamed Cabdi Seekh , halka taliye ku xigeenka Booliiska ayaa loo magacabay S/G Maxamed Guuleed Xasan . Madaxweeynaha Jubbaland ayaa Taliyaha Nabad Sugidda Jubbaland iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa loo Magacaabay Maxamed Axmed Sabriye . Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Madaxweynaha . Source: goobjoog.com