-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ergada uu Rooble u saaray xalinta guddiyadii lagu muransanaa waxaa soo gaaray 67 xubin oo lagu eedeeyey (1). Iney yihiin ciidamo (2). Iney ka tirsan yihiin shaqaalaha dowladda (3). Iney taageero u yihiin Farmaajo. Kooxdan oo ka kala tirsan FIAT iyo SIAT, waxaa gudbiyey Midowga musharaxiinta iyo labada xafiis ee baarlamaanka sida guddoonada aqalka sare iyo golaha shacabka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa agaasimayaal loogu magacaabay Wasaaradaha Gaanshaandhigga iyo Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya. Rooble ayaa agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashandhigga Xukuumada Soomaaliya u magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, waxaana xilkaas laga qaaday Maxamuud Axmed Cali Fanax oo si ku meel gaar ah u hayey kadib markii wasiirka Gaanshaandhigga uu xilkii agaasimaha guud ka qaaday Axmed Cabdi Kooshin. Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga ayaa Soomaaliya safiir uga soo noqday wadamo badan, sidoo kalana wuxuu mar u tartamay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug. Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim, waxaana xilka laga qaaday Cabdullahi Xaashi Cali . Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.” Magacaabista uu sameeyey Rooble ayaa imaaneyso kadib markii dhawaan Ra’iisul wasaaraha uu awooddii ay xilal ku magacaabi lahaayeen ka qaaday wasiirada Xukuumaddiisa. “Iyada oo la tix-gelinayo marxladda uu dalku ku jiro lana dardargelinayo habsami u socodka iyo iska warqabka laamaha Dowladda, si loo fududeeyo wadashaqeyntooda, ayaa waxaa la farayaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda oo ay warqaddaani sida tooska ugu socoto In aan la gaari karin lana shaacin karin go’aan cusub oo aan oggolaasho looga helin xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri waraaq 26-kii May kasoo baxday Xafiiska Rooble. Rooble ayaa warqaddiisa ku caddeeyay in go’aankaan uu fududeynayo wada-shaqeynta & isla xisaabtanka Laamaha Dowladda si Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ula socdo howlaha la qabanayo. “Go’aankani wuxuu fududeynayaa wada-shaqeynta iyo isla-xisaabtanka laamaha Dowladda iyo in aan la qaadan xilligan go,aano ku yeelan kara dalka saameyn Siyaasadeed, amni, maamul iyo mid dhaqaale, wuxuuna xaqiijinayaa in aanu dhicin xad gudub ku saleysan ku takrifal awoodeed” ayaa sidoo kale lagu yiri waraaqda. The post Rooble oo magacaabay xilal cusub, kuwa kalena ka qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Wararka PP) — Guddiga Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga muujiyay ee ku jira guddiyada doorashooyinka ee federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa soo badhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen dhinacyada siyaasadda iyo noocyada cabashada laga muujiyay. Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay in ay soo gaareen 67 xubnood oo isugu jira saddexda guddi heer federaal, heer dowlad goboleed iyo khilaafaadka oo ay u soo gudbiyeen dhinacyada siyaasadda. Waxa uu sheegay in 61 kamid ah xubnahaas ay cabasho ka keeneen Midowga Musharrixiinta, halka 4 xubnood uu cabasho ka keenay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, 2-da xubnood oo kalana ay cabasho ka qabaan guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale Afhayeenka guddiga ayaa sheegay in xubnahan lagu eedeeyay saddex arrimood oo kala ah in ay qaar ka tirsan yihiin ciidamada, qaarna shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo kuwa lagu soo eedeeyay in ay taageerayaal siyaasiyiin yihiin. Hoos ka akhriso magacyada xubnaha la soo bandhigay PUNTLAND POST The post Xubnaha guddiyada doorashada ee cabashada laga muujiyay oo la soo bandhigay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Wararka PP) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka & Daryeelka Bulshada. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa loo magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim. Magacaabista ayaa kusoo aadaysa, iyada oo shalay Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray warqad uu golihiisa wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda uga joojiyay magacaabista xilalka iyo in ay gaaran go’aan uusan ogayn xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Go’aankaas ayaa lagu sheegay in uu fududeynayo wadashaqeynta, isla-xisaabtanka laamaha amniga dowladda iyo in aan la qaadan go’aan saameyn siyaasadeed ku yeelan kara dalka, xiligaan lagu kala guurka. PUNTLAND POST The post Rooble oo magacaabay Agaasimeyaal cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga uu Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen Midowga Musharaxiinta. Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay inay soo gaartay magacyada illaa 67 xubnood oo uu sheegay in cabasho laga soo gudbiyey. Wasiir Al-Cadaalla ayaa sheegay in 67 qof ee loo soo gudbiyey lagu soo eedeeyey seddex eedeyn oo kala duwan oo ah: 1- In ay ka tirsan yihiin ciidamada qaranka dowladda federaalka Soomaaliya. 2- In ay ka mid yihiin shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya. 3- Iyo inay yihiin siyaasiyiin iyo xubno daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Afhayeenka Guddiga ayaa sheegay inay baaritan ku sameyn doonaan eedeymaha loo soo jeediyey xubnahaas ayna soo kala saari doonaan maalmaha soo socdo, kadibna ay soo gudbin doonaan natiijada rasmiga ah ee baaritaankooda. Al-Cadaalla ayaa xusay in hubinta xubnahaan ay u adeegsan doonaan qodobo ay saxiixayaashii heshiiskii 27 May ka dhacay Muqdisho u dajiyeen xubnaha kamid noqonayo guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer gobol. Liiskaa ayaa waxaa dhawaan Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyey xubnaha midowga musharixiinta, sida uu dhigayey heshiiskii ay Muqdisho ku gaareyn Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada. Halkaan hoose ka akhriso liiska magacyada The post Xukuumadda oo shaacisay liiska magacyada xubnaha guddiga doorashada ee cabashada laga keenay appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali military on Tuesday claimed to have killed 25 al-Qaeda-affiliated al-Shabaab terrorists in the central Hiraan province. Source: Hiiraan Online
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdo naxdin leh oo maanta ka dhacday xaafad ka tirsan degamada dharkiinley, kadib markii gabar yar oo muddo la baadi goobayay laga helay meydkeeda digsi dhexdiisa. Gabadhan yar oo magacaabo Nafisa Cumar C/llaahi oo la baafinayey labadi maalin ee la soo dhaafay ,kadib markii la waayey Axadii 30-ka May 2021, balse maanta waxaa la yaab noqotay in laga dhex helay Digsi weyn oo Gurigooda yaallay, kaasoo lagu riday, laguna daboolay, waxayna arrintan argagax ku abuurtay qoyska gabadha iyo dadka deriska la ahaa. Meydka gabadha oo hadda la geeyay laanta dambi baarista ee CID ayaa la sheegay in la baarayo qaabkii ay u dhimatay gabadha iyo cidii ka dambeysay dilkeeda . Guriga ay ku nooleyd ayaa la sheegay inuu ahaa guri ay dad badan la deganayeen, isla markaana dhammaan dadkii deganaa lagu xiray xabsiga saldhiga Dharkeynley ee Gobolka Banaadir. Ilaa 7 qof oo ka mida Qoyskeeda iyo dadkii guriga ku sugnaa ayaa loo xiray kiiskan, Falkan ayaa ka dhacay waaxda Kaawo Godey ee degmada Dharkenlay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Doorashada goleyaasha wakiiladda iyo deegaanka ee Somaliland ayaa shalay si habsami leh usoo gaba-gabowday, waxaana xalay fiidkii hore bilaabatay tirinta codadka oo ilaa hadda socota, sida ay ogaatay Caasimada Online. Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee goboladda qaar, waxayna si hordhac ah u shaacin doonaan natiijada doorashada oo si weyn loo wada sugayo. Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan Komishanka doorashooyinka Somaliland, ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashada goleyaasha wakiilada iyo deegaanka ayaa qaadan karta in ka badan 7-maalmood, balse waxa uu guddigu si hordhac ah u shaacin doona natiijada doorashada. Doorashada ayaa nooceedu ahaa mid ku cusub Somaliland, maadama ay dadweynaha halmar u wada codeeyen xubnaha deegaanka iyo wakiilada, waxaana xusid mudan in doorashooyinkaan ay dhowr jeer ku yimaadeen dib u dhacyo. Ilaa iyo hadda majirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleystay aqlabiyadda kuraastii loo tartamay, hase yeeshe waxaa soo baxaya warar sheegaya in xisbul xaakimka Kulmiye iyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ay codad isku dhow ka helayaan doorashada. Doorashadii shalay oo aheyd mid si weyn u soo jiidatay indhaha caalamka ayaa waxay qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaan-galiyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir, waxayna xogta tibaaxeysa in 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka ay 47% dumar ahaayeen dadka codeeyay shalay. Waxaa ka qeyb qaatay doorashada dad ka badan hal milyan oo qof, waxayna socotay codeyntu hal maalin oo keliya, midaasi oo xiiso gaar ah u yeeshay doorashada, ayada oo ay kor-joogteynayeen wakiilo ka socday beesha caalamka. The post Wararkii ugu dambeeyay ee tirinta codadka doorashada Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Mourners attend a funeral for unclaimed people who died of extreme weather, in Karachi, Pakistan, after a devastating heat wave that struck southern Pakistan in June, 2015.AP More than one-third of the world’s heat deaths each year are due directly to global warming, according to the latest study to calculate the human cost of climate change. But scientists say that’s only a sliver of climate’s overall toll — even more people die from other extreme weather amplified by global warming such as storms, flooding and drought — and the heat death numbers will grow exponentially with rising temperatures. Dozens of researchers who looked at heat deaths in 732 cities around the globe from 1991 to 2018 calculated that 37 percent were caused by higher temperatures from human-caused warming, according to a study Monday in the journal Nature Climate Change. That amounts to about 9,700 people a year from just those cities, but it is much more worldwide, the study’s lead author said. “These are deaths related to heat that actually can be prevented. It is something we directly cause,” said Ana Vicedo-Cabrera, an epidemiologist at the Institute of Social and Preventative Medicine at the University of Bern in Switzerland. The highest percentages of heat deaths caused by climate change were in cities in South America. Vicedo-Cabrera pointed to southern Europe and southern Asia as other hot spots for climate change-related heat deaths. Sao Paulo, Brazil, has the most climate-related heat deaths, averaging 239 a year, researchers found. About 35 percent of heat deaths in the United States can be blamed on climate change, the study found. That’s a total of more than 1,100 deaths a year in about 200 US cities, topped by 141 in New York. Honolulu had the highest portion of heat deaths attributable to climate change, 82 percent. Scientists used decades of mortality data in the 732 cities to plot curves detailing how each city’s death rate changes with temperature and how the heat-death curves vary from city to city. Some cities adapt to heat better than others because of air conditioning, cultural factors and environmental conditions, Vicedo-Cabrera said. Then researchers took observed temperatures and compared them with 10 computer models simulating a world without climate change. The difference is warming humans caused. By applying that scientifically accepted technique to the individualized heat-death curves for the 732 cities, the scientists calculated extra heat deaths from climate change. “People continue to ask for proof that climate change is already affecting our health. This attribution study directly answers that question using state-of-the-science epidemiological methods and the amount of data the authors have amassed for analysis is impressive,” said Dr. Jonathan Patz, director of the Global Health Institute at the University of Wisconsin. Patz, who wasn’t part of the study, said it was one of the first to detail climate change-related heat deaths now, rather than in the future. Source: Associated Press The post Study blames climate change for 37% of global heat deaths appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay Ethiopia u gacan gelisay saddex sarkaal oo ka tirsan ururka TPLF ee uu dagaalka la galay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed. Saddexda Nin ee ay dhiibtay dowladda Jabuuti waxaa si weyn u raadineysay xukuumadda Abiy oo ayadu dagaal qaraar la gashay maamulka TPLF, kadib xurguf siyaasadeed oo soo kala dhex-gashay. Xubnaha ayaa isugu jira saraakiil ciidan iyo rayid, waxaana laga dejiyay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia, waxaana lagu wadaa in lasoo taago maxkamad. Saddexda Nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Habtom Gebresellaase, Masalle Tammane iyo Maxamed Barihu Nuur. Dowladda Itoobiya oo si kooban uga hadashay saraakiisha TPLF ee loo gacan geliyay ayaa sheegtay inay ragaas cadaalada la horgeyn doono, ayada oo lagula xisaabtamayo dambiyada loo haysto. Wararka ayaa intaas kusii daraya in raggaan loo haysto inay ahaayeen argagixiso qayb ka ah weerarkii lagu qaaday saldhigga Waqooyi ee ciidanka Itoobiya, bishii November. Xubnahaan ayaa ka tirsanaa ururka TPLF oo ay mamnuucday dowladda Ethiopia, ururkaasi oo maamuli jirey gobolka Tigray oo dagaal qaraar ku dhex-maray ciidamada maamulkaas iyo xukuumadda Abiy Ahmed. Ethiopia ayaa kal hore xayiraad kusoo rogtay 12 taliye oo hore uga tirsanaan jirey millateriga dalkaas, kadib markii ay ku biireen ururka la mamnuucay ee TPLF, waxayna baadi-goob ugu jirtaa hogaamiyeyaasha ururkaas. The post Jabuuti oo saraakiil ka tirsan TPLF u gacan gelisay Ethiopia + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Wararka PP) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda dalalka ku bahoobay Midowga Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u yimid indho indhaynta doorashooyinkii golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay. Xubnaha safiirrada iyo diblomaasiyiinta isugu jira ee la kulmay madaxweynaha Somaliland waxa kamid ahaa safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay Midowga Yurub. Muuse Biixi ayaa xubnaha wafdiga uga mahadnaqay imaanshiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen golayaashii meteli lahaa. Dhankooda safiirada iyo diblomaasiyiinta ayaa bogaadiyey nidaamkii loo agaasimay doorashooyinkii ka qabsoomay Somaliland iyo bisaylka iyo dulqaadka siyaasadeed ee ka muuqday shacabka iyo xisbiyada siyaasadda. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo la kulmay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo UK appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gabar yar oo muddo laba maalin ah la raadinayey ayaa ugu dambeyntii Maanta meydkeeda laga helay digsi weyn oo yaalla qol kamid ah gurigii ay ku nooleyd oo ku yaalla degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waaxda Kaawo Godey. Gabadha meydkeeda la helay oo labadii maalmood ee ugu dambeysay nolol iyo geeri laga baafinayey baraha Bulshada ayaa waxaa lagu magacaabaa Nafisa Cumar Cabdullaahi, waxaana meydkeeda laga helay digsi weyn oo dusha laga sii saaray digsi kale iyo Joodari si aan loo dareemin. Ciidamada Booliska oo gaaray guriga falkaan uu ka dhacay ayaa sheegay in gabadha jirkeeda uu ka muuqday jir dil, sidoo kalana laga xiray gacmaha iyo lugaha, halka afka loo geliyey caagga lagu shubo biyaha la warshadeeyo ee halka Liitar ah. Gabadha oo da’deeda lagu sheegay 10 sano jir ayaa Meydkeeda la ogaaday inuu ku jiro digsiga kadib ur laga dareemay guriga oo dhan taasoo keentay in baaritaan lagu sameeyo qeybaha guriga iyo alaabta taalo. Guriga laga helay meydka gabadha ayaa wuxuu ahaa guriga ay kula nooleyd hooyadeed iyo aabaheed waxaana sidoo kalana la daganaa dad kale, waxaana dhammaantood lagu xiray saldhigga Booliska degmada Dharkeynley. Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Guhaad Sheekh Xasan oo goobta meydka laga helay kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaan uu ahaa mid aad looga naxo, wuxuuna sheegay in meydka gabadha yar la geynayo Xarunta Dambi baarista CID. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in la xiray dhammaan dadkii guriga meydka laga helay ku noolaa oo ay kamid yihiin hooyada iyo aabaha dhalay gabadha la dilay. Dadka la xiray ayaa waxay isugu jiraan ehelka gabadha iyo dad kale oo la sheegay inay guriga la daganaayen, welina faahfaahin lagama helin qaabka uu u dhacay dilka gabadha yar iyo waxa sababay. Muddooyinkaan dambe waxaa Soomaaliya kusoo badanayey dilalka naxdinta leh ee loo geysanayo gabdhaha yar yar, waxayna dilalkaas qaarkood ahaayeen kuwa ay ka horreeyeen falal kufis ah inkastoo aan la xaqiijin karin in gabadhaan la kufsaday ka hor inta aan la dilin. The post Daawo: Gabar lagu la’aa Muqdisho oo meydkeeda laga dhex helay digsi weyn appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH ahna Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta ka qeyb galay olalaha diiwaan gelinta doorashooyinka golaha deegaanka Qardho . Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka codeynaya deegaanka Qardho ayaa iska diiwaan geliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho . Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Guddiga Doorashada iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaangelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafada. Wuxuuna ku dhiirigeliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada qeybqaato hirgelinta qorshaha Dowladda ee ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan. Puntland ayaa sanadkaan qabaneysa markii ugu horeysay doorashooyinka golaha deegaanka ee maamulka puntland oo qof iyo cod ah . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Halkan ka Daawo Muqaalka Warka:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Diblomaasiyiin Ka Socday Dalalka Midowga Yurub Iyo UK Oo Dalka U Yimi Indho Indhaynta Doorashooyinka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudune Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u yimi indho indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga uga mahadnaqay imaanshiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, waxana uu tilmaamay inay Somaliland tahay dal ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu. Madaxweynuhu waxa uu xubnaha Safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira u caddeeyey inay Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga u sheegay in shacabka Somaliland yihiin shacab bislaaday oo dhawraya nabaddooda iyo deggenaanshaha qarankooda, islamarkaana ay taasi ka muuqatay hannaankii nabadgelyada lahaa ee ay codkooda ku dhiibteen iyo sidii lexejeclada lahayd ee ay u weeleeyeen dardaaranadii kala duwanaa ee uga soo yeedhayey madaxdooda maalmihii doorashada ka horraysay. Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu u sheegay xubnaha ka socday dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub iyo UK in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax-bannaanayd in ka badan muddadii ay Soomaaliya midnimadu ka dhaxaysay, waxaanu madaxweynuhu xusay sidii uu horeba dunida uu uga sheegay shirkii wada hadalada ee Jabuuti in aanay Somaliland marnaba ka suurageli karin inay dib ugu laabato midnimadii guul-darraysatay ee ay shacabka Somaliland ku hungoobeen 1960-kii. Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee muujiyey bisaylka iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin doorashooyinka qof iyo codka ah ee caalamku inagu majeerto, hay’adaha amniga oo xil weyn iska saaray in doorashooyinkii shalay inoogu qabsoomaan qaab nabadgelyo ah, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay xisbiyada Qaranka oo kaalin muhiima ka qaatay in ay inoo dhacdo Doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanku, waxa kale oo madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan u diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay in dalka ay ka qabsoonto laba doorasho oo is-barkan. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay goobjoogayaashii caalamiga, diblomaasiyiinta iyo safiirada, saxaafadda maxaliga ah iyo ta caalamiga ah sidii quruxda badanyd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinka is-barkan. Dhinaca Safiirada iyo diblumaasiyiinta oo dhammaantood hadlay ayaa bogaadiyey nidaamkii loo agaasimay doorashooyinka ka qabsoomay Jamhuuuriyadda Somaliland guud ahaan iyo bisaylka dulqaadka siyaasadeed ee ka muuqday shacbiga Somaliland ee u dareeray doorashooyinka inay indhahooda ku soo arkeen shacbi kala duwan oo rag iyo haween leh, xisbiyo kala geddisanna taageersan oo safaf dhaadheer ugu jira in qof walba codkiisa si nabadgelyo ah u dhiibtaan, iyadoo aanay saamaynayn xisbiga qofku uu yahay. Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaagashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada Militeriga, Booliiska, Asluubta iyo Sirdoonka. Xubnaha safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira ee uu madaxweynuhu qaabilay, ayaa waxa kamid ahaa:- Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka waddanka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay midowga Yurub. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Diinta ee Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii difaacay amar muran dhaliyey oo lagu xaddiday mugga dhawaqa sameecadaha Masaajidada, isaga oo sheegay inuu ka dhashay cabasho ka timid shacabka. Wasaaradad Arrimaha Diinta ayaa siyaasad culus oo ay qadaatay toddobaadkii tegay waxay ku amartay in sameecadaha laga maqlayo aadaanka aan laga dheereyn karin saddex meelood meel ka mid ah muggooda ama 33%. Amarka oo sidoo kale isticmaalka sameecadaha ku xaddiday kaliya aadaanka, kana reebay khudbadaha iyo wacdiga kale, ayaa horseeday in si weyn looga falceliyo baraha bulshada. Wasiirka Arrimaha Diinta Abdullatif al-Sheikh ayaa sheegay in amarkan uu jawaab u ahaa cabasho ka timid muwaadiniinta qaar oo aheyd in maqalka dheer uu carqalad ku yahay caruurta iyo dadka da’da ah. “Kuwa doonaya inay tukadaan uma baahna inay sugaan….aadaanka Imaamka,” ayuu al-Sheikh ku yiri muuqaal uu baahiyey taleefishinka dowladda. “Waa inay Masjidka sii joogaan kahor,” ayuu ku daray. Sidoo kale dhowr taleefishin ayaa baahiya aadaanka iyo qur’aanka, ayuu sheegay al-Sheikh, isaga oo soo jeediyey in sameecadaha ay leeyihiin ujeedooyin kooban oo kaliya. Sacuudiga oo ah dal ay ku yaallaan kumanaan Masjid, ayaa dad badan waxay soo dhoweeyeen tallaabada ay dowladda ku yareysay dhererka sameecadaha, hase yeeshee sidoo kale dad badan ayaa aad ugu dhaliilay baraha bulshada. Sheikh ayaa sheegay in camaabreynta siyaasaddan ay faafinayaan “cadowga boqortooyada” kuwaas “oo doonaya inay kiciyaan ra’yiga dadweynaha. AFP + VOA The post Sacuudiga oo go’aan yaab leh ka qaatay sameecadaha Masaajidada iyo aadaanka appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladda Jabuuti oo Itoobiya u gacan-gelisay 3 nin oo ka tirsan Jabhada Tigray Dawladda Jabuuti ayaa Itoobiya u gacan-gelisay 3 nin ‘oo ka tirsan Ururka Xoreynta Tigray ee TPLF Itoobiya waxa ay sheegtay in raggan oo xalay fiidkii laga dejiyay Addis Ababa ay ahaayeen kuwo aad loogu baahnaa. Magacyada ragga la qabtay: Habtom Gebresellaase Masalle Tammane Maxamed Barihu Nuur. Waxa lagu eedeeyay in ay ahaayeen argagixiso qayb ka ah weerarkii lagu qaaday saldhigga Waqooyi ee ciidanka Itoobiya, bishii November. Qaran News
-
Muqdisho (Wararka PP) — Shirkadda DP World ayaa go’aansatay inay saamiyo iibiso si ay u kobciso dhaqaalaheeda, sida uu wariyay warsidaha Indian Ocean Newsletter. Shirkaddu waxay diiradda saaraysaa maalgeliyayaasha Afrikaanka ah. Dekedaha Berbera iyo Boosaaso ayay DP World u adeegsanaysaa ololaha ay ku kordhinayso raasamaalkeeda. Warbixin hantidhowr oo ay shirkaddu soo saartay bishii Maarso 2021 ayay ku xustay in faa’iidada ay samayso uu ku yimid hoos-u-dhac 29%. DP World waxay kale oo olole sharciyeed ka waddaa Maraykanka si go’aankii dhexdhexaadinta ka soo baxay dhexdhexaadiyeyaal ka tirsan maxkamad London ku taalla u noqdo mid ka fula Maraykanka si hanti Jabuuti leedahay loo siiyo DP World oo ku doodday in Jabuuti heshiis ka baxday. Sanadkii hore ayay DP World gabi ahaanba ka baxday sayladda saamiyada lagu kala iibsado ee Nasdaq. Ma cadda sida shirkaddu ugu guuleysan karto saami iibinta xilli ay bannaanka ka joogto sayladaha waaweyn. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiddan heshiisyada DP World la gashay maamullada Puntland iyo Somaliland. © Puntland Post, 2021 The post DP Word Oo Iibinaysa Saamiyo appeared first on Puntland Post.
-
Sacuudiga oo ka hadlay Go’aan muran dhaliyey oo la xidhiidha Eedanka,Muxaadarooyinka & Sameecadaha Masaajidada Abdullatif Al-Sheikh Wasiirka Arrimaha Diinta ee Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii difaacay amar muran dhaliyey oo lagu xaddiday mugga dhawaqa sameecadaha Masaajidada, isaga oo sheegay inuu ka dhashay cabasho ka timid shacabka. Wasaaradad Arrimaha Diinta ayaa siyaasad culus oo ay qadaatay toddobaadkii tegay waxay ku amartay in sameecadaha aan laga dheereyn karin saddex meelood meel ka mid ah muggooda ama 33%. Amarka oo sidoo kale isticmaalka sameecadaha ku xaddiday kaliya aadaanka, kana reebay khudbadaha iyo wacdiga kale, ayaa horseeday in si weyn looga falceliyo baraha bulshada. Wasiirka Arrimaha Diinta Abdullatif al-Sheikh ayaa sheegay in amarkan uu jawaab u ahaa cabasho ka timid muwaadiniinta qaar oo aheyd in maqalka dheer uu carqalad ku yahay caruurta iyo dadka da’da ah. “Kuwa doonaya inay tukadaan uma baahna inay sugaan….aadaanka Imaamka,” ayuu al-Sheikh ku yiri muuqaal uu baahiyey taleefishinka dowladda. “Waa inay Masjidka sii joogaan kahor,” ayuu ku daray. Sidoo kale dhowr taleefishin ayaa baahiya aadaanka iyo qur’aanka, ayuu sheegay al-Sheikh, isaga oo soo jeediyey in sameecadaha ay leeyihiin ujeedooyin kooban oo kaliya. Sacuudiga oo ah dal ay ku yaallaan kumanaan Masjid, ayaa dad badan waxay soo dhoweeyeen tallaabada ay dowladda ku yareysay dhererka sameecadaha, hase yeeshee sidoo kale dad badan ayaa aad ugu dhaliilay baraha bulshada. Sheikh ayaa sheegay in camaabreynta siyaasaddan ay faafinayaan “cadowga boqortooyada” kuwaas “oo doonaya inay kiciyaan ra’yiga dadweynaha. Qaran News
-
Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Uganda, horeyna u ahaa talyihii ciidanka difaaca ee dalkaasi, Gen. Katumba Wamala ayaa saaka lagu weeraray bartamaha magaalada Kampala, gaar ahaan xaafadda Kisota, isagoo kasoo baxay gurigiisa. Gaariga wasiirka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in rasaas xoogan oo khasaare dhalisay lagu furay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee Kampala waxaa weerarkan dhaawac halis ah uu ka soo gaaray wasiirka la wareeray, sidoo kale waxaa ku dhintay gabar uu dhalay iyo darawalkiisa, iyada oo dhaawaca wasiir Katumba Wamala oo daran loola cararay isbitaalka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan oo ay fuliyeen dabley hubeysan, gaar ahaan afar nin oo watay mootooyin nooca dhug-dhugleda ah, kuwaas oo goobta ka baxsaday. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo milatari ah oo si deg deg ah ugu gurmaday Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Uganda oo bartilmaameedka uu ahaa in la khaarijiyo. General Katumba Wamala ayaa horey uga soo shaqeeyey Soomaaliya, wuxuuna mar hoggaanka usoo qabtay Ciidamada Lugta Uganda ee ka tirsan howl-galka AMISOM. Jananka ayaa sidoo kale sanadii 2005-tii illaa sanadkii 2013-kii soo ahaa taliyaha Ciidanka Lugta ee wadanka Uganda. Dowladda Uganda weli kama aysan hadlin weerarka la doonayey in lagu khaarijiyo wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka ee dalkaas ee saaka dhacay caasimada Kampala. The post Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Uganda oo lagu weeraray Kampala + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Boqolaal qof ayaa Isniintii shalay aheyd isugu soo baxay magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ay u xusaan boqol sano guuradii kasoo wareegtay dil wadareed loo geystay boqolaal ruux oo kamid ah dadka madow ee Meraykan 31 May sanadkii 1921-kii. Dadkaan oo ka kala socday bulshooyinka heysta diimaha kala duwan ayaa munaasabad duco ah ugu sameeyay kaniisad ku taall magaalada Tulsa. Boqol sano kahor shalay oo kale ayaa bulshada caddaanka ay dileen in ka badan 300 ruux oo dadka madow ah, iyagoo gubay islamarkaana burburiyay xarumo ganacsi iyo guryo badan oo ku yaallay xaafaddii ay dadkaasi dagganaayeen oo ahaa kuwa barwaaqo ah, laguna naaneysi jiray xaafadda Wall Street ee dadka madow. Wall Street ayaa hadda ah suuqa ugu weyn ee dhaqaalaha Mareykanka, kuna yaal magaalada New York. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan magaalada Tulsa, si uu u xuso xasuuqii argagaxa badnaa. PUNTLAND POST The post Xuska xasuuqii Tulsa 100 sano kaddib appeared first on Puntland Post.
