-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU, SOMALIA - The Federation of Somali Journalists has launched a campaign to combat the spread of false information, fake news, hate speech and propaganda. The federation says Somalia is already seeing a huge spike in social media misinformation campaigns ahead of elections expected before the end of July. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – James Richard Crawford oo ka mid ahaa garsoorayaashii dhageystay kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ee Maxkamadda ICJ ayaa geeriyooday. Crawford, oo dhashay 14-kii November 1948-kii, ayaa garsoore ka ahaa maxkamadda ICJ, tan iyo Febraayo 2015, waxaana uu kursiga sii fadhin lahaa illaa Febraayo 2024. Bayaan kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa lagu sheegay in garsoorahan u dhashay dalka Australia uu geeriyooday 31-kii May. Crawford ayaa ka mid ahaa 15-ka garsoore ee dhageystay kiiska Soomaaliya iyo Kenya, oo Muqdisho ay isku dayeyso inay Kenya uga soo ceshato dhul badeed ka badan 100,000 oo isku-wareeg km ah oo Nairobi ay dooneyso inay boobto. Geeridiisa ayaan la fileyn inay wax saameyn ah ku yeelato kiiska, ayada oo garsoorayaasha ay goor-horeba qoreen kana tageen go’aankooda. Sidoo kale, go’aanka Maxkamadda ayaa lagu saleeyaa aqlabiyad. Go’aanka Maxkamadda ayaa hadda sugaya kaliya in lagu dhowaaqo, waxaana taas la filayaa gudaha sanadkan. Dowladda Kenya ayaa diiday inay ka qeyb-gasho dhageysi oraaheedkii dacwadda ee dhacay 15-18 March, inkasta oo ay hab qoraal ah ay dooddeeda u gudbisay. Go’aan kasta oo kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa ah mid kama dambeys ah, oo aan dib loogu laabaneyn, mana lahan wax racfaan ah, ama maxkamad kale oo lala aadi karo. The post Mid kamid ah garsoorayaashii kiiska Somalia iyo Kenya oo dhintay – Maxaa isbedelaya? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa xalay Kormeer u kuur-gelid ah ku tagay qaybaha kala-duwan ee Dekedda weyn ee Boosaso. Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen Maamulaha Furdada Dekadda Boosaaso Maxamed Yuusuf iyo saraakiisha amniga. Guddiga ayaa ka xog wareystay shaqooyinka Dekadda, habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyeen masuuliyiinta arrimahaas. Xildhibaannada ayaana kula dardaarmay masuuliyiinta ay la kulmeen in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh, waxaana Kormeerkan Guddiga uu qeyb ka yahay shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka. PUNTLAND POST The post Guddi ka tirsan Baarlamanka Puntland oo booqday Dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu wasiirka Maaliyadda Soomaaliya sheegay in dowladda ay wajaheyso dhaqaalo la’aan xoog leh, waxaa jiray in lacagta qaar laga goostay wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysaa in dhamaan wasaaradaha Xukuuda iyo xafiisyada kale ee dowladda qaarkood laga joojiyay lacagtii la siin jiray ee socodsiinta shaqada qaranka (Running Cost), waxaana sababta lagu sheegay in aysan dowladda awoodin. “Ma jirin wax lacag ah oo ka badan mushaarka shaqaalaha oo aan helnay labadii bil ee ugu dambeysay, ugu dambeynna waxaa naloo sheegay in aysan dowladda awoodin qarashaadka lagu bixiyo shaqooyinka wasaaradaha,” ayuu yiri mid kamid ah agaasimiyaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin. Lama oga saameynta ay shaqada dowladda ku yeelan karto lacagaha loo waayay wasaaradaha dowladda oo shaqooyin kala duwan qabta. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya bishii April ee sanadkaan warbaahinta ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo la’aan xoog leh wajaheyso isagoo yiri “sag-xadda ayaa joognaa wax lacag ah ma heyno.” Caasimada Online ayaa ogaatay in Bankiga Adduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, murankii siyaasadeed ee doroashada iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay sameysay dowladda Soomaaliya. Dowladda Sacuudiga ayaa hore sidaan oo kale u joojisay miisaaniyad 10 Milyan oo ay siin jirtay Soomaaliya markii uu socday go’doomintii Qatar, hase waxay dib u soo celisay markii uu hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo lacagtiina ka dhigtay 5 Milyan oo dollar. Ayada ooh adda heshiis laga gaaray doorashada, ma cadda haddii dalalka Reer Galbeedka ay dib u fasaxi doonaan dhaqaalihii ay ku kabi jireen miisaaniyadda dowladda. The post Xog: Wasaaradaha dowladda oo laga jaray lacagtii socod-siinta shaqada + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Cod sir ah oo laga duubay Abiy Axmed oo la baahiyey+Jawaabta Dawlada Itoobiya Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay cod uu muuqday in laga soo duubay Abiy Axmed oo sheegayay in geeri uu ka xigo in uu xilka wareeriyo. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in codkaas uu been yahay. Codka ayaa waxaa daabacday shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka oo la yiraahdo Kello Media – taas oo sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha laga soo duubay codka xilli uu ka qeybgalayay shir ay lahaayeen xubnaha xisbiga haya talada Itoobiya ee PP. Codka oo u muuqday in laga soo duubay Abiy Axmed ayaa u dhignaa sidatan, “Waxaan idiin sheegayaa in wax shaki ah uusan ku jirin- in aan ku guuleysannay doorashada” “Ma jirto cid awood u yeelan karta in dowlad ay soo dhisto 10-ka sano ee soo socota, geeri ayaana ka xigaa intii aan xilka wareejin lahaa” waxaana codka laga maqlayay sawaxan iyo sacab. Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in codka uu yahay mid laisugu kan keenay iyadoo la adeegsanayo codad kala duwan. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in codkaas uu yahay waxbo kama jiraan. “Codka loo maleynayo in laga soo duubay Ra’iisul Wasaaraha xilli uu ku sugnaa shirka xisbiga haya talada toddobaadkii lasoo dhaafay, codkaas waa mid been ah oo laisu geeyay, waxaana laga soo qaatay codad kala duwan oo kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha, isbaddalo badan ayaa lagu sameeyay si looga dhigo hal cod” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Abiy. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay “inay ka feejignaadaan wararka marinhabaabinta ah ee ku saabsan ololaha noocan ah” Saraakiisha dowladda iyo taageerayaasha Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaantood waxay sheegeen in codkaas uu been yahay isla markaana waxay isku dayayeen inay hor istaagaan in la baahiyo qeybo kamid ah khubadihii uu horey u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha. Warbaahinta Kello Media ayaanan weli ka hadlin arrintan. BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto in codkan uu yahay mid been ah ama mid dhab ah. Doorashada Itoobiya ayaa marar kala duwan dib loo dhigay, waxaana la filaya in la qabto 21-ka bisha Juun. Dib u dhac ku soo food leh doorashada Itoobiya ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii huriso xiisadda siyaasadeed ee dalkaas ka jirta. Kulan ay bartimihii bishan la qaateen saraakiil ka socotay dhowr xisbi siyaasadeed, madaxa guddiga doorashooyinka Birtukan Mideksa, ayay mas’uuliyiinta Xisbiyada ugu sheegtay in weli ay jiraan caqabado la xiriira diiwaangelinta codbixiyayaasha, tababarka shaqaalaha doorashada, iyo waraaqaha codbixinta. Qaran News
-
Gabadh 11 jir ahayd oo meydkeeda laga helay digsi lagu dhex qariyay Dhacdo argagax ah ayaa laga soo sheegayaa magaalada Muqdisho ka dib markii meydka gabadh yar laga helay digsi weyn oo lagu dhex qariyay. Wararka waxay sheegayaan in qoyska gabadhan ay dhawaanahanba raadinayeen, waxaana sawirradeeda lagu baahiyay baraha bulshada. Meydka Nafisa Cumar Cabdullaahi oo ah gabadh 11 sano jir ahayd, ayaa maanta laga dhex helay gurigooda. Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley, Guhaad Sheekh Xasan, ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhan muddo saddex maalmood ah la baafinayay. “Runtii mucjso ayaan maanta meeshan ku aragnay, saddexdii maalin ee ugu dambeysay waxaa la baafinayay gabar yar. Saaka meydka gabadha waxaa lagu dhex arkay digsi weyn oo ah kuwa Sabta (lagu kariyo cuntada badan ee ducada ama martiqaadka). Digsi weyn oo kale na uu kor saaran yahay, joodariyeyaal iyo alaab na ka koreyso”. Wuxuu faahfaahin ka bixiyay dhacdadan iyo sida ay xaaladda aheyd, “Laakiin markii la galay waxaa arkay gabadhii la baafinayay oo googo’day, oo meesha ku jirto. Waxyaabaha mucjisada ah waxaa ka mid ahaa inay xirxirneyd oo lugaha iyo gacmaha ayay ka xirneyd”. Guhaad Sheekh Xasan, ayaa sidoo kale sheegay in gabadha la ceejiyay iyadoo guriga ay ka maqnaayeen waaliddiinteeda. “Runtii tuhun ayaa jiro oo qoladii dambi baarista ayaa imaadday. Ma goowracneyn gabadha laakiin fal kale in uu dhib ku dhacay ayaa loo maleynayaa, maadama guriga ay hooyadeed iyo aabeheed ka maqnaayeen. Guriga cidlo ayuu ahaa”. Wuxuu intaas ku daray in ilaa iyo hadda aanan la ogaanin sababta ka dambeysay dilka gabadhan balse ay baarayaan waxa ka dambeeyay falkan gurucan. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo ka amar qaato Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Abuukar Maadey ayaa shalay xirtay buundada Liiq Liiqato oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Magaalada Beledweyne. Sababta ay ciidamadaan ula wareegeyn Buundada Liiq Liiqato ayaa lagu sheegay inay ka dhalatay khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Gobolkaas Abuukar Maadey. Khilaafka u dhaxeeyo labadaan Mas’uul oo muddooyinkii dambe soo jiitamayey ayaa hadda noqday mid saameyn xoog leh ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee Magaalada Beledweyne, waxaana laga cabsi qabaa inuu sababo dagaal ka qarxo Magaalada dhexdeeda. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, khilaafka labada Mas’uul ayaa salka ku hayo sida loo maamulayo lacagaha kasoo xaroodo Gobolkaas, taasoo ugu dambeyn keentay in khilaafkooda laga dareemo magaalada oo dhan . Lacagaha laga qaado gaadiidka isticmaalo Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay bishii 400 Kun oo Dollar, mana jirto wax loogu qabto shacabka Magaalada Beledweyne oo sanad kasta dhibaato kala kulmo fatahaadaha wabiga. Lacagta kasoo xarooto Gobolka ayaa la sheegay inaysan soo dhaafin gacanta madaxda ugu sarreeyo Maamulkaas, waxayna hadda u muuqataa in dhexdooda ay ku heshiin la’yihiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in qoysas badan oo aan heysan adeegyada aas aasiga ee nolosha ay ku dhibaataysan yihiin magaalada Beledweyne, Deegaano iyo dagmooyin hoostaga gobolka Hiiraan. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaalada Beledweyne ayaa wado waawaan la doonayo in buundada looga qaado ciidamada xirtay kuwaas oo saaka lagu waabariistay iyagoo halkaas ku sugan, sidoo kalana waxaa socdo dadaal lagu doonayo in labadaan mas’uul la isugu soo dhaweeyo inkastoo khilaafkooda uu gaaray meel aad u sarreeyo. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaan weli ka hadlin khilaafka ka taagan Gobolka Hiiraan oo ah mid isku xiraa Koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, iyadoona ay ka baxaan maalintiiba gaadiid qaada xoolaha iyo bagaashka nuucyadiisa kala duwan kuwaas oo geeya gobollada dalka. Maahan markii ugu horeysay oo ay Beledweyne marti gelso khilaaf u dhaxeeyo madaxda Maamulka Hiiraan, waxaana mar kasta khilaafka dhaliyo musuq maasuqa ay mas’uuliyiinta ugu sareeyo ku sameeyaan lacagaha kasoo xaroodo Gobolkaas oo ah mid muhiim u ah Hirshabelle. The post Ciidamo la wareegay buundo muhiim ah iyo xiisad culus oo ka taagan Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Israel ayaa sheegtay in safiirka Imaaraatka u jooga Israel uu Booqday Guriga madaxa Golaha Wadaadada Caqiidada Tawraat ee Israel . Wargeys ku Hadla afka Wasaaradda Arimaha Dibeda ee Israel oo arrintan ka warramay, ayaa laga soo xigtay in Safiirku ka ducaystay Wadaadka ugu sarreeya Golaha Caqiiqada Tawraat-ka oo lagu magacaabo Shalom Cohen. Wargeyska ayaa intaas ku daray in safiirka imaaraatka Maxamed Al Khaja iyo Raahibka ugu sareeya Caqiidada Tawreed uu ku saabsanaa Dardargelinta heshiisyadii Ibraahiimiyada , ugu Dambayntiina waxay is dhaafsadeen hadiyado. Safiirka imaaraatka Maxamed Al Khaja ayaa ku casuumay Shalom Cohen oo ah Wadaadka ugu sareeya Golaha CaqiidadaTawraat inuu kasoo kaqeyb galo furitaanka Macbadka Saddexda Diimood ee Abraham ee Laga furayo Magaalada Abu Dubai. PUNTLAND POST The post Safiirka Imaaraadka Carabta oo booqday wadaadka u sareeya Israel appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaanka Ceelbacad ee degmada Buula-burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan Taliyaha Qaybta 27-aad ee ciidamada Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Gen. Tareedhisho, ayaa warbaahinta u sheegay hawlgalkaas qorshaysan lagu beegsaday dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo khasaare kala duwan la gaarsiiyay. Gen. Tareedhisho ayaa tilmaamay in hawlgalka lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo Al-shabaab ah, halka tiro kalena lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ay kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay lahaayeen Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen xubno badan oo Shabaab ah appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u yimid indho-indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay. Muuse Biixi ayaa ugu horeyntii xubnaha wafdiga uga mahad-naqay imaanshiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, isagoona tilmaamay in Somaliland tahay dal ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu. Madaxweynaha ayaa waxa uu wakiilada beesha caalamka u caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Somaliland, midaasi oo aheyd farriin uu wakiilada ugu dhiibay inay gaarsiiyan dalalkooda. Sidoo kale waxa uu xubnaha ka socday dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub iyo UK u sheegay in Somaliland ay madax-bannaaneyd in ka badan muddadii ay Soomaaliya midnimadu ka dhaxaysay, isagoona xusay in aanay Somaliland marnaba ka suuro-geli karin inay dib ugu laabato midnimadii guul-darraysatay ee ay shacabka Somaliland ku hungoobeen 1960-kii. “Waxaa u mahadnaqayaa shacbiga Jamhuuriyada Somaliland ee muujiyey bisaylka iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin doorashooyinka qof iyo codka ah ee caalamku inagu majeerto, hay’adaha amniga oo xil weyn iska saaray in doorashooyinkii shalay inoogu qabsoomaan qaab nabad-gelyo ah,” ayuu yiri. “Sidoo kale waxa u mahadnaqayaa xisbiyada qaranka oo kaalin muhiima ka qaatay inay inoo dhacdo doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanku, iyo weliba Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kaalin lama illaawan ah ka qaatay in dalka ay ka qabsoonto laba doorasho oo is-barkan.” Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha uga mahad-celiyay goob-joogayaashii caalamiga, diblomaasiyiinta iyo safiirada, saxaafadda maxaliga ah iyo ta caalamiga ah sidii quruxda badanyd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinka is-barkan ee shalay ka dhacay deegaanada Somaliland. Dhinaca kale, Safiirada iyo diblumaasiyiinta oo ayaguna dhammaantood hadlay ayaa bogaadiyey nidaamkii loo agaasimay doorashooyinka ka qabsoomay Somaliland guud ahaan iyo bisaylka dulqaadka siyaasadeed ee ka muuqday shacbiga Somaliland ee u dareeray doorashooyinka inay indhahooda ku soo arkeen shacbi kala duwan oo rag iyo haween leh, xisbiyo kala geddisanna taageersan oo safaf dhaadheer ugu jira in qof walba codkiisa si nabadgelyo ah u dhiibtaan, iyadoo aanay saamaynayn xisbiga qofku uu yahay. Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaagashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada Militeriga, Booliiska, Asluubta iyo Sirdoonka. Xubnaha safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira ee uu madaxweynuhu qaabilay, ayaa waxa kamid ahaa:- Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka waddanka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay midowga Yurub. The post Biixi oo farriin xasaasi ah u gudbiyey wakiilada beesha caalamka ee tagay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay miinooyin lagu aasay gudaha magaalada Kismaayo. Hay’adda Nabad Sugidda Jubaland ayaa sheegtay in miinooyinkan laga soo saaray xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo gaar ahaanna waaxda Kuuba. Jubaland waxay Al-shabaab ku eedaysay in ay qaraxyadan maleegayeen si weeraro looga fuliyo gudaha Kismaayo. PUNTLAND POST The post Nabad-sugidda Jubaland oo qaraxyo fashiliyay appeared first on Puntland Post.
-
When colonialists arrived on the East African shores, they found ethnic Somalis living in a region that is today divided into four countries: Kenya, Somalia, Djibouti and Ethiopia Source: Hiiraan Online
-
Qardho: Dad safaf ugu jira isdiiwaangelinta Diiwaangalinta codbixinta degmada Qardho ee gobolka Karkaar oo soo bilaamatay 16-kii May ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana la gudageli doonaan tirinta dadka isdiiwaangeshay iyo samaynta kaararkooda. Madaxweyne Deni oo isdiiwaangeliyay Madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha urur siyaasadeedka Kaah, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kamid ahaa dadkii iska diiwaangeliyey xaafada Kaambo ee degmada Qardho, si uu codkiisa uga dhiibto doorashada hordhaha goleyaasha deegaanka oo la filayo in ay dhacdo bartamaha sanadkan. Hadal uu jeediyay M. Deni, markii uu isdiiwaageliyay ka dib Dhanka kale degmooyinka Eyl iyo Uffeyn ayaa weli si habsamiya uga socotaa diiwaangelinta codbixinta. Guddiga ku meelgaar ah doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay maalmaha diiwaangelinta codbixinta saddexda degmo. Eyl: Dad safaf ugu jira diiwaangelinta Diiwaangelinta ayaa markii hore loo qoryeeshay labo todobaad, waxaase markii dambe degmo walba loogu daray afar maalmood, markii ay aad u bateen dadka isdiiwaangelinaya. Reer guuraa habeen la diiwaangelinayo Kooxaha guurguura ee shaqaalaha diiwaangelinta ayaa mararka qaar reer guuraaga diiwaangelinayay xili habeen ah, maadaama qaar kamid ah reer miyigu aysan maalin fursad la hayn oo xoolo raacato yihiin. Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax oo kamid ah dadka iska diiwaangeliyay Uffeyn Mudadii ay socotay diiwaangelinta dad badan ayaa ka safray magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, kuwaas oo deegaan doorashooyinkoodu yihiin degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffeyn. Dhawaan ayaa la filayaa in xubnaha sare ee guddiga TPEC ka fariistaan astaynta mudada ay qabsoomi doonto doorashada hordhaca ah ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffayn. PUNTLND POST The post Puntland: Xagee maraysaa diiwaangelinta codbixinta doorashada hordhaca? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa warbaahinta dowladda siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, kaas oo uu uga hadlay dhinacyada doorashooyinka, arrimaha gobolka, khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo arrimo kale. Doorashooyinka: Ugu horeyn wasiirka oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in waxii dhacay oo dhan hadda la iska cafiyey, isla markaana la gaaray heshiis la isku haleyn karo, isagoo tusaale u soo qaatay cafiskii ay xafladii saxiixa heshiiska ay ku dalbadeen guddoomiyaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif iyo madaxweyne Farmaajo. Isagoo ka hadlay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka dalka waxa uu sheegay in loo dhigi doono seddax weji oo kala ah, mid ay bixiso dowladdu, mid ka soo xarooneysa musharaxiinta iyo qeyb ay ku kabeyso beesha caalamka. Xiiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti: Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo wax laga weydiiyey mad-madowga soo dhex galay xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay in Jabuuti ay muhiim u tahay Soomaaliya, balse ay jirto cabasho la kala tirsanayo. “Jabuuti waa dal aan walaalo nahay, deris nahay oo aan Soomaali isla nahay, ma rabno in mararka qaar warar xanaf leh oo dowladuhu is dhaafsadaan ay sameyn ku yeeshaan shacabka walaalaha ah ee labada dal, waa jirtay in Jabuuti warbixin qortay, kadib markii guddi xaqiiqo raadin ah ay soo dirtay, taas oo dowladda Soomaaliyeed aysan ku farxin, markaasna jahadii nala gudbooneed ayaan marsiinay, laakiin Jabuuti xiriir aad u wanaagsan ayaa naga dhaxeeya, waatii Ra’iisul wasaaruhu caleemo-saarkii madaxweynaha Jabuuti ka qeyb galay, waa la kala caban karaa, taasna jidkii noo furnaa ayaan u marnay,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya: Wasiirka oo wax laga weydiiyey kaalinta dowladda Qatar ee soo celinta xiriirka labada dalka iyo waxa ka jira warar sheegaya in Qatar ay abuureyso fursad la xariirta in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan kheyraadka ku jira badda la isku heysto ayaa sheegay in Soomaaliya ay sugeyso oo kaliya go’aanka Maxkamadda ICJ oo wax gorgortan ah uusan ka furneyn arrinta badda, isagoo qiray inuu jiro dadaal la xariira ariintaas oo ay Qatar wado. “Waa jirtay in Ergey ka socday Qatar uu yimid Soomaaliya, kaas oo ka shaqeynayey sidii labada dal ay u soo ceshan lahaayeen xiriirkooda, kaas oo Amiirka Qatar uu soo diray, anaga kaliyana nooma soo dirine, Kenyana waa loo diray, labada dal arrintaas waa ka jawaabeen, waana ogolaadeen in xiriirka la soo celiyo,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in hadda ay socdaan dadaallo lagu xalinayo khilaafka weli jira ee labada dal, “Waxaan xaqiijinayaa in dadaadalaas ay socdaan oo mar hore ay soo bilaawdeen.” Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo wareysigaan uga hadlay arrimaha Geeska Afrika iyo kaalinta ay Soomaaliya uga jirto ayaa sheegay in dalkeena oo door muhiim ah ku lahaa aas-aaskii urur goboleedka IGAD uu hadda kaalin firfircoon ku leeyahay wax wada qabsiga wadamada ku bahoobay ururkan. Hoos ka Daawo wareysigan The post Wareysi: Wasiirka arrimaha dibadda DF oo xog cusub ka bixiyey xiriirka Soomaaliya ee Jabuuti iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta waxa uu u soo gudbiyay xubaha maamulka Jubaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka. Axmed Madoobe ayaa wareegtada uu ku magacaabay 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii September. Guddi uu dhawaan Ra’iisul wasaare u xil saaray inay soo baaraan liiska xubno ku jira guddiyada doorashada ee horay loo soo magacaabay, isla markaana ay cabasho ka soo gudbiyeen musharaxiinta mucaaradka ah ayaa galabta shaaciyey liiska 67 xubnood oo la doonayo in la bedelo. Jubbaland ayaa noqotay maamulkii u horeeyey ee qaaday tallaabo lagu fulinayo heshiiskii maalmo ka hor lagu kala saxiixday Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya. Hoos ka akhriso magacyada xubnaha laga soo magacaabay Jubaland The post Aqriso magacyada: Axmed Madoobe oo R/W Rooble u gudbiyey xubnaha Jubaland ee guddiyada doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa soo magacabay guddiyadiisa doorashada heer federaal, heer dowlad gobaleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka. Axmed Madoobe ayaa wareegtada magacaabista guddiyada u diray ra’iisul wasaare rooble . Source: goobjoog.com
-
(SLT-Australia)-Shirkada JBS ee ugu weyn dunida ee iibisa hilibka ayaa lagu qasbey in ay joojiso howleheedii Australia iyo Waqooyiga America Isniintii shalay. Shirkadan ayaa waxaa loo gaystey weerar dhinaca Internet-ka dhammaadkii todobaadkii tegey, sida ay sheeegeen mas’uuliyiinta shirkadda ee ku sugan xafiiska weyn ee dalka Brazil. Shirkadda ayaa sheegtey in ay ka shaqeyneyso xalinta dhibaatadan. Shirkadan hilibka ee JBS oo ay Mareykanku dhaqaale ahaan kabaan ayaa soo saartey qoraal ay ku sheegtay inay tallaabo deg deg ah qaadi doonto, ay fadhiisin doonto dhamaanba qeybihii uu weerarkan saameeyey, wargelin doonaan mas’uuliyiinta, ayna xalinayaan qalabkoodii la dhibaateeyey. Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtey inay awood gelin doonaan nidaamkoodii teknoolajiyadda iyagoo adeegsan doona khubarada shirkado kale. Qaar ka mida wax iibsigii macaamiisha iyo shirkadaha hilibka bixinayey ayaa laga yaabaa inuu dib u dhac ku yimaado weerarkan dhanka internet-ka ah awgiis sida lagu sheegey qoraalka shirkadda. Ma jirto cadeymo muujinaya in xogihii dadka macaamiisha ahaa loo dhacay iyo shirkadihii ka shaqeynayey qeybinta dalabaadka hilibka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudune Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u yimi indho indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga uga mahadnaqay imaanshiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, waxana uu tilmaamay inay Somaliland tahay dal ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu. Madaxweynuhu waxa uu xubnaha Safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira u caddeeyey inay Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga u sheegay in shacabka Somaliland yihiin shacab bislaaday oo dhawraya nabaddooda iyo deggenaanshaha qarankooda, islamarkaana ay taasi ka muuqatay hannaankii nabadgelyada lahaa ee ay codkooda ku dhiibteen iyo sidii lexejeclada lahayd ee ay u weeleeyeen dardaaranadii kala duwanaa ee uga soo yeedhayey madaxdooda maalmihii doorashada ka horraysay. Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu u sheegay xubnaha ka socday dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub iyo UK in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax-bannaanayd in ka badan muddadii ay Soomaaliya midnimadu ka dhaxaysay, waxaanu madaxweynuhu xusay sidii uu horeba dunida uu uga sheegay shirkii wada hadalada ee Jabuuti in aanay Somaliland marnaba ka suurageli karin inay dib ugu laabato midnimadii guul-darraysatay ee ay shacabka Somaliland ku hungoobeen 1960-kii. Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee muujiyey bisaylka iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin doorashooyinka qof iyo codka ah ee caalamku inagu majeerto, hay’adaha amniga oo xil weyn iska saaray in doorashooyinkii shalay inoogu qabsoomaan qaab nabadgelyo ah, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay xisbiyada Qaranka oo kaalin muhiima ka qaatay in ay inoo dhacdo Doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanku, waxa kale oo madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan u diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay in dalka ay ka qabsoonto laba doorasho oo is-barkan. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay goobjoogayaashii caalamiga, diblomaasiyiinta iyo safiirada, saxaafadda maxaliga ah iyo ta caalamiga ah sidii quruxda badanyd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinka is-barkan. Dhinaca Safiirada iyo diblumaasiyiinta oo dhammaantood hadlay ayaa bogaadiyey nidaamkii loo agaasimay doorashooyinka ka qabsoomay Jamhuuuriyadda Somaliland guud ahaan iyo bisaylka dulqaadka siyaasadeed ee ka muuqday shacbiga Somaliland ee u dareeray doorashooyinka inay indhahooda ku soo arkeen shacbi kala duwan oo rag iyo haween leh, xisbiyo kala geddisanna taageersan oo safaf dhaadheer ugu jira in qof walba codkiisa si nabadgelyo ah u dhiibtaan, iyadoo aanay saamaynayn xisbiga qofku uu yahay. Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaagashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada Militeriga, Booliiska, Asluubta iyo Sirdoonka. Xubnaha safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira ee uu madaxweynuhu qaabilay, ayaa waxa kamid ahaa:- Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka waddanka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay midowga Yurub. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
-
Somaliland held its seventh elections in 30 years yesterday. More than one million citizens registered to vote, a process that, for the second time in three years, included processing for biometric iris scans in order to secure the process. Nearly 800 candidates are seeking seats on local councils or in parliament. There are 2,709 polling stations, a 61 percent increase from the previous elections in 2017. More than 30,000 people staffed the polls or worked to ensure election integrity. Somaliland gave free rein to international election observers. Photos from not only the capital Hargeisa and major port Berbera, but also peripheral towns like Tuqarak show heavy turnout. Even though Somaliland is one of the poorest nations on earth and has a budget of only $339 million, it shouldered 70 percent of the $21.8 million cost of the polls, with the remainder picked up by the United Kingdom, European Union, Sweden, and Taiwan. Ten European ambassadors and a European Union ambassador came to Hargeisa to show support and see the elections. No American diplomat bothered to show up, however, to celebrate democracy in one of Africa’s most peaceful and western-leaning albeit unrecognized states. Even this, however, requires an asterisk. Somaliland, a former British protectorate, gained independence in 1960 and received recognition from all five members of the UN Security Council and 30 other states. It voluntarily entered a union with Italian Somaliland to form what would become Somalia. It was an unhappy union. Somali dictator Siad Barre pursued genocide against the Isaaq clan and destroyed 80 percent of Hargeisa. After Somalia collapsed into state failure, Somaliland reasserted its independence. While no country resumed recognition, Somaliland bypassed the fighting, chaos, corruption, terrorism, and looting which long paralyzed the rest of Somalia. The irony is that the State Department and broader international community has poured hundreds of millions of dollars into Somalia in order to hold the sort of one-person, one-vote elections that Somaliland now holds regularly at a fraction of the expense. Most recently, Somalia President Mohamed Farmajo sought to retain power while postponing those elections for two years, nearly bringing Somalia back to civil war. When, on May 27, 2021, after squandering so much money for elections that did not happen, Somali leaders agreed to hold a selection in which a few hundred clan elders would select a new government, the State Department tweeted its applause. Fully democratic elections in Somaliland, though? Crickets from Foggy Bottom. Perhaps the State Department feels that to recognize democracy in Somaliland or to set foot in the region would somehow imbue it with formal recognition. This is nonsense. American officials have long visited Taiwan, and U.S. diplomats have traveled to Iraqi Kurdistan for decades and Syrian Kurdistan for years without implying recognition. European diplomats and African officials—including the former president of Sierra Leone—visit without implying any such claim. While U.S. Ambassador Donald Yamamoto has largely stopped his staff from visiting Somaliland, his predecessors imposed no such restrictions. Rather, the issue comes down to neglect and disinterest and perhaps Yamamoto’s own hostility, something about which many other diplomats stationed in Somalia now comment. Regardless, Freedom House has described “democracy in retreat” and “democracy under siege.” Somaliland is a happy exception, which the State Department should uphold as an example for Somalia proper and countries across the Horn of Africa like Ethiopia and Eritrea where democracy is in short supply. Unfortunately, the State Department’s failure to send any diplomat to witness the event shows once again that, when it comes to Africa, the United States is absent without leave. Michael Rubin is a senior fellow at the American Enterprise Institute and a 19FortyFive Contributing Editor. WRITTEN BY Michael Rubin Michael Rubin is a resident scholar at the American Enterprise Institute, where he specializes in Iran, Turkey, and the broader Middle East. He also regularly teaches classes at sea about Middle East conflicts, culture, terrorism, and the Horn of Africa to deployed US Navy and Marine units. Source State Department Qaran News
-
Taiwan congratulates African ally for holding By Kelvin Chen, Taiwan News, Staff Writer 2021/06/01 Somalilanders line up to vote. (Taiwan Representative Office in Somaliland photo) TAIPEI (Taiwan News) — Taiwan’s envoy to Somaliland, Allen C. Lou (羅震華), on Monday (May 31) congratulated the East African nation for successfully holding its first elections since 2005. This landmark event was a two-in-one parliamentary and local government election that saw 1.06 million registered voters and a total of 798 candidates. Lou pointed out that Somalilanders were so eager to cast their votes that they lined outside voting stations before sunrise. Everyone followed the instructions of staff and entered stations in an orderly manner. Party representatives, non-governmental organizations, international friends, and the media were present to observe the election, Liberty Times reported. The Taiwanese diplomat said in a tweet, “It is impressive to go to the polling station to see the Somaliland people to vote for peace,” adding that people’s eyes were filled with joy and hope. Luo also said that the fact Somaliland can still successfully hold fair, just, and open elections despite being in a politically tumultuous region is admirable and fully demonstrates the country’s determination to develop and consolidate its democratic system. Just days before this particular election, Taiwan donated 2500 sets of Iris Biometric Voter Verification Systems (IBVVS) to complement Somaliland’s existing biometric systems to prevent voter fraud. Somaliland was the first country in the world to use IBVVS technology during its 2017 presidential election Qaran News
