Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saudi Arabia announced on Sunday that foreign visitors arriving by air from most countries will no longer need to quarantine if they have been vaccinated against Covid-19. Source: Hiiraan Online
  2. Ciidamada Israa’iil ayaa saaka oo Isniin ah mar kale duqaymo culus ku qaaday marinka GAZA ee dhulka Reer Falastiin. Duqaymaha ayaa lagu beegsaday xaafado ay deggan yihiin dadka Rayidka ah ee Falastiiniyiinta iyo dhul beereed ku yaalla magaalada GAZA, halkaas oo khasaare kala duwan ka dhashay. Duqaymaha ayaa burbur xooggan u gaystay dhismayaal iyo guryo ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta waxaana gebi ahaanba go’day korontada xaafado kamid ah GAZA, inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarka. Ciidamada israa’iil ayaa todobaadyadii u dambeeyay duqaymo xiriir ah ku waday marinka GAZA iyo qayba kamid ah daanta Galbeed, iyadoo xoogaga XAMMAAS ay dhankooda madaafiic ku rideen magaalooyinka Israa’iil. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo saaka duqaymo culus ku qaaday marinka GAZA appeared first on Puntland Post.
  3. Extortionists, who began targeting domestic workers in 2020 for ‘protection’ money, have stepped up their racket as Guptas and Boko Haram gangsters fight for greater control. Source: Hiiraan Online
  4. Recently promoted Uganda army officers currently serving under the African Union Mission in Somalia, AMISOM, have received their new rank insignia while in Mogadishu, Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sabtidii ka baaqday ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, arrintaas oo noqotay hadalheynta bulshada, su’aalana la iska weydiiyey sababta iney noqon karto go’doomin. Farmaajo sanadkii ugu dambeeyey waxaa uu isku koobay Eritrea iyo Ethiopia taasi oo keentay in Soomaaliya ay noqoto saxiib iyo olog la’aan dunida, gobolka iyo ugu dambeyntii qas gudaha ah. Farmaajo iyo Gobolka: Soomaaliya waxaa daris la ah saddexda dal ee kala ah Kenya, Itoobiya iyo Djibouti, labada madaxweyne ee Uhuru Kenyatta iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicna xiriirka ay la leeyihiin Farmaajo, isaga oo Nairobi xiriirka u jaray Hiil-walaalka ugaba hiililiey Asmara, una arko Djibouti dal cadow ku ah masaalixda Soomaaliya. Farmaajo iyo Afrika: Midowga Afrika hey’adihiisa kala duwan oo ay ku jiraan golaha amniga oo fadhigoodu yahay Adis Ababa, xafiiska midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xataa hawlgalka AMISOM waxay si cad uga hor yimaadeen damaca Farmaajo ee muddo kordhinta, iyada oo ergay gaar u magacaabay Soomaaliya si loo helo wada hadal saamileyda ah, loona qabto doorasho degdeg ah. Farmaajo iyo Beesha Caalamka: Marka laga soo tago inuu Farmaajo ku hungoobey iskudey kasta oo uu galaangal ugu sameyn lahaa gudaha Mareykanka, kuna booqan lahaa dalkaasi. Farmaajo markii uu labo sano ku darsaday, waxaa ay isku dhaceen diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, taas oo keentay labo tillaabo iney qaadaan reer galbeedka gaar ahaan dalalka biila maamulkiisa, bixiyana kabka miisaaniyadda 60%. (1). In laga goosto kabkii la siin jiray (2). In loogu hanjabo cunaqabateyn. Arrimahan oo ka dhigay inuu la kulmay go’aamin ka dhan reer galbeedka ah. Farmaajo iyo Maamullada Soomaaliya: Soomaaliya waxaa ka dhisan lix maamul marka lagu daro Somaliland, waxaa xusid mudan in saddex ka mid ah maamulladaasi kana taliya dhulka ugu weyn Soomaaliya aaney Farmaajo salaanta iska qaadin, taasi oo ku tuseysa siyaasadiisa arrimaha gudaha heerka ay joogto. Farmaajo iyo Baarlamaanka: Hey’adaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka federaalka waa uu kala jabay sababtana waxaa lahaa Farmaajo, aqalka sare oo ka mid ah baarlamaanka wax xiriir lama laha halka golaha shacabka uu ka dhigay meel uu ka sameysto sida uu doono. Farmaajo iyo Ciidanka: Burburkii kadib, waxaa markii ugu horeysay la arkay ciidamo ku gadooday madaxweyne, taliyaha booliiska gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamo ku sugnaa labada shabeelle iyo ciidamo kale gaar ahaa, ilaa Villa Somalia loo jirsaday hal kiilomitir, laguna qasbay inuu ka noqdo muddo kordhinta, ilaa hadda ciidamada lama mideyn. Farmaajo iyo Musharaxiinta: Waxaa intaasi dheer, waxaa ka aamin baxay musharaxiintii la tartamayey iyaga oo u arka inuu yahay keligii taliye aan ogoleyn inuu qabto doorasho hufan, oo xor iyo xalaal ah. Ugu dambeyntii, ka baaqashada Farmaajo ee caleemo-saarka madaxweyne Djibouti waxa ay xiriir la leeyahay go’doomintaas uu kala kulmay dunida, gobolka iyo dunida isaga oo maanta ay kusoo hareen oo keliya la taliyeyashii gaarsiiyey heerkaas. Xigasho: Goobjoog News The post Ka qeybgal la’aanta Farmaajo ee caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle, ma go’doon siyaasadeed mise Ikhtiyaar? appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Kenay oo ku yaala deegaanka May-gaay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya. Weerarka kadib, waxaa bilowday iska hor-imaad dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaal-yahanada weerarka kusoo qaaday ee Al-Shabaab, kaasi oo qaatay in kabadan labo saac, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online. Dagaalka ayaa argagax hor leh ku abuuray dadka ku nool aaga deegaankaas, ayada oo hubka labada dhinac isku adeegsanayeen ay qaarkood ku dhaceen xaafadaha deegaanka May-gaay ee gobolka Lamu. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, marka laga imaado khasaaraha bulshada deegaanka kasoo gaaray dagaalkaas oo markii hore ku bilowday weerar ay Saldhiga kusoo qaadeen dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Taliska ciidamada Kenya ee gobolka Lamu iyo kooxda Al-Shabaab ayaa weli wax faah-faahin ah kasoo saarin dagaalkaas oo saacado qaatay, waxaana lasoo warinaya inuu jiro khasaare labada dhinac. Weerarka ayaa kusoo aadaya maalin ka hor un weerar noocan ah oo xili habeen ah ku qaadeen dagaal-yahano Shabaab ah Saldhiga ciidamada Kenya ee gobolka Wajeer. The post Dagaal saacado qaatay oo LAMU ku dhex maray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xuseen Cadow oo ka mid ahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howl-galka caasimada, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa. Marxuumka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa gudaha magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay isbitaalka Yardameli ,kadib wadno xanuun kusoo booday. Geerida naxtinta leh ee ku timid marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyey bahda saxaafadda oo tacsi tiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada Ex-Wariye Axmed Xuseen Cadow. Sidoo kale waxaa geerida ku timid wariyaha ka hadlay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, isaga oo bahda saxaafadda iyo ehellada marxuumka u tacsiyeeyey. Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso. Marxuum Axmed ayaa ifka uga tegay Xaas iyo saddex Carrruur ah, wuxuuna hadda ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho. The post Wariye Axmed Xuseen oo ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddida Anshax-marinta & Xalinta khilafaadka Arimaha Doorashooyinka S/land oo digniin Culus u diray Qaar ka mida ah Murashaxiinta Golayaasha Wakiilada & Degaanka Guddida Anshax-marinta iyo Xalinta khilaafaadka ayaa digniin u diray qaar ka mida murashaxiinta oo ay sheegeen in ay bilaabeen ollole aan wakhtigiisi la gaadhin.Warmurtiyeed ay guddidu soo saartay ayaa lagu sheegay in murashaxa olloleeya ka hor mudadda ollolaha uu wajihi doono ciqaab sharci. War-murtiyeedka ayaa u dhignaa sidan: – Qaran News
  9. Midowga Musharixiinta oo Shaki & Walaac weyn ka muujiyay Dhexdhexaadnimada RW Rooble ee Arimaha Doorashada Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa shaki galiyay Howlaha hogaaminta arimaha doorashada ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Warsaxaafadeed ku qornaa luuqadda Ingiriiska oo kasoo baxay Midowga Musharixiinta isla markaana loo diray Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay Golaha uu walaac ka qabo in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad ka noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanaya dibadda. Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha in uu muujiyo Madax banaanidiisa hirgelinta arimaha Doorashada ee dhaaftay wakhtigii loogu talagalay iyagoo ugu baaqay in uu joojiyo safarada dibadda ee aan muhiimka ahayn isla markaana uu si deg deg ah u guda galo howlaha doorashada. Horaantii Bishan May ayay ahayd markii uu Ra’iisul Wasaare Rooble sheegay in uu la wareegay howlihii doorashada xiligaas oo uu balan qaaday in uu si hufan oo deg deg ah u maareyn doono hirgelinta doorashada dalka. Warka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa kusoo beegmaya xili 20-ka bishan oo Afar cisho ayna naga xigaan ay ku asteysan tahay xilligii uu Ra’iisal Wasaaraha Xil-gaarsiinta Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iclaamiyay in shir ay Muqdisho isugu imaanayaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Xukuumadda laguna dardar gelinayo hirgelinta heshiis laga gaaro arimaha Doorashooyinka. Qaran News
  10. Somalia faces a political crisis because its leaders have been unable to hold elections after President Mohamed Abdullahi Mohamed’s term of office expired in February. In the absence of elections, his term was extended for two years by the Lower House of the country’s Parliament in April. This decision was condemned by international partners and triggered protests and clashes in the capital Mogadishu later that month. Mohamed, popularly known as Farmajo, has since backed down on the term extension. He has committed to a dialogue process and designated Prime Minister Mohamed Hussein Roble to oversee the implementation and security of the elections. The president’s latest move has defused tensions and allowed the space for various actors to work towards reconciling stakeholders. But will the choice of Roble to spearhead the election process address the deadlock and pave the way for polls in Somalia? Somali politicians cautiously welcomed Roble’s role, as he brings numerous advantages to the position. First, he is Mogadishu Clan – the same clan as most of the country’s leading opposition figures and most of the soldiers in the capital. Second, he’s a newcomer in politics, so doesn’t carry the same baggage as other politicians. To some, this gives hope for securing opposition buy-in. Roble has promised not to take sides in the elections and has committed to delivering a credible poll acceptable to both sides of the political divide. However, since he was given the task by the president, some wonder if he can escape the influence of Villa Somalia. Another question is whether he can steer the election process with independence, given its high-stakes nature for the central government and the opposition. The biggest challenge is the management of stakeholder trust in the elections. When he became president in 2017, Farmajo promised to work towards ‘one person, one vote’ rather than the clan-based indirect election, which brought him to office. However, inadequate preparations and al-Shabaab violence across Somalia in the latter part of his four-year term made it clear that universal suffrage wasn’t feasible. The federal government of Somalia and the five federal member states then agreed on a revised election model. The new approach was based on the 17 September 2020 agreement that provides wider participation than previous elections. However, implementation failed due to mistrust primarily between the federal government and member states. The latter worried about the central government’s interference in state-level politics and Farmajo’s perceived centralisation of power. The lack of consensus on the type of federalism Somalia needs has made implementing the current election model difficult. While the federal government increasingly works towards more power at the centre, the member states prefer a more devolved approach. Amid this dichotomy, the opposition and some federal states blame Farmajo for interfering with some states’ elections – notably in Hirshabelle, Galmudug and the South West regions. They also accuse him of creating tensions in the other states, particularly Jubaland. Here, central government opposition to Jubaland President Ahmed Mohamed Islaam Madobe in the 2019 elections soured relations between Mogadishu and Kismayo, Jubaland’s commercial capital. Another source of mistrust has been the use of security forces against the opposition. In his four years of office, Farmajo has been accused of attacking the opposition, breaking up peaceful demonstrations and replacing airport security with a force known for attacking his opponents. He has also allegedly interfered with the security of Puntland and Jubaland delegations and side-stepped the Upper House of Parliament. Also, one of the reasons for the deadlock in implementing the September 2020 agreement is Jubaland’s security issue. The presence of Farmajo’s troops in one of the two cities in Jubaland where elections are to take place – Garbaharey in Gedo – is seen by the Jubaland leadership as an attempt to interfere with state-level polls. Despite the cancellation of Farmajo’s presidential term extension, mistrust and frustration have continued to grow in the processes that he has led. The 25 April fighting that followed shows the opposition’s capacity to oppose the president’s choices. If the problems that stoke mistrust aren’t resolved, key stakeholders such as Jubaland and Puntland could boycott the dialogue for its lack of transparency and accountability. This may cause the new political process to stall, perpetuate stakeholder apathy, further fragment the security sector and allow violence to resume. Roble has however swung into action, with a dialogue among stakeholders scheduled for 20 May. Already many praise his management of the troop withdrawals from Mogadishu and his intentions to meet with opposition members. For an inclusive dialogue to deliver results, Roble must win the trust of all political actors. To do this, he needs to take full control and tackle concerns around the electoral process. Any perception of Roble’s lack of independence from Farmajo could worsen tensions. Roble’s task is substantial – failure to deliver impartial and timely elections will undermine Somalia’s transitional process. International partners like the United States, United Nations, European Union and Middle East, along with the Intergovernmental Authority on Development and the African Union, must work together to secure the support of all Somali stakeholders. Achieving this will require political compromise from leaders at all levels within the country. Selam Tadesse Demissie, Research Officer and Andrews Atta-Asamoah, Programme Head, ISS Addis Ababa. The post Trust deficit keeps Somalia’s leaders at loggerheads appeared first on Caasimada Online.
  11. Jilaa Sooraan oo Cusbitaal Burco ku Yaal la Dhigay ka dib markuu uu haleelay Xanuunka….. Jilaaga Reer Burco ee Ibraahim Ismaaciil Sugulle oo loo garan og yahay “Sooraan” ayaa la dhigay Cisbitaalka gaarka u ah bukaanka uu asiibay Xanuunka Safmarka ah ee COVID_19 ee ku yaalla Magaalada Burco. Jilaa Sooraan Ismaciil Sugule ayaa u jiifa Xanuunka Covid19 oo haleelay, Waxaana xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayaa cisbitaalka ku yaalla Burco. Qaran News
  12. Nuxurka Kulan dhexmaray Komishanka doorashooyinka S/land & Safiirka Midowga Yurub Komiishanka doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midawga Yurub iyo xubno xafiiskiisa ka tirsan, kuwaas oo Komishanka ku-soo-booqday xaruntooda Hargeysa. Xubnaha Komiishanka doorashooyinka Qaranka ayaa safiirka uga waramay horumarka laga gaadhay diyaargarawga qabashada doorashooyinka Isku-sidkan ee golayaasha wakiiladda iyo deegaanada JSL. Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa safiirka u sheegay in Komiishanki ay soo saareen liiskii codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, ee sida gaarka ahna loogu galayo doorashooyinka isku sidkan ee wakiilladda iyo deegaanka waxaa kale oo gudoomiyuhu caddeeyay inay soo gaadheen dalka waraaqihii codbixinta doorashooyinka Somaliland. Kulanka ayaa ugu dambayntii ku soo idlaaday Isgarad buuxa iyo iskaashiga iyo wada-shaqaynta in la sii xoojiyo. Safiirka ayaa Komiishanka doorashooyinka Qaranka iyo guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland-ba ku ammaanay dedaalka, midnimada iyo isfahamka ay dhexdooda muujiyeen iyo siday isugu tashadeen uguna guntadeen ka midho-dhalinta hannaanka tisqaadka ah ee doorashooyinka iyo Dimoqraadiyadda Somaliland. Qaran News
  13. Dawlada Qatar oo si kulul uga hadashay weerarada ku socda Gaza Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar ayaa Sabtidii la kulmay madaxda siyaasadda ee Xamas, wuxuuna ku baaqay in Israel ay joojiso duqeymaha ay ka waddo Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. “Bulshada caalamka waa inay deg deg ugu dhaqaaqdaa in lasoo geba-gebeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza iyo masjidka Al-Aqsa ee Qudus,” ayuu Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ku yiri bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee QNA. Waxa uu sidoo kale u xaqiijiyey hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh taagerada Qatar ee “walaalaheeda Falastiin”. Kulankooda ayaa yimid ayada oo Israel ay maalmo duqeymo ka waddo magaalada Gaza oo ay ku xoogan yihiin Xamas, ayaga oo ka jawaabaya gantaallo ay kooxdan ku weerareyso Israel. Rabshadaha ayaa markii koowaad ka dhashay isku dhac masjidka Al-Aqsa ku dhex-maray dibad-baxayaal Falastiiniyiin ah iyo ciidamada Israel. Xamas ayaa Israel u qabatay waqti kama dambeys ah oo ay ciidamadeeda uga saarato Masjidka, waxayna markii ay sameyn weyday ay ku billaabeen weeraro gantaallo ah. “Waan uga dignay in Masjidka Al-Aqsa uu yahay qad cas, waana u sheegnay Netanyahu: ‘ha ku cayaarin dab’,” ayuu yiri Haniyeh oo dibad-joog ku ah Doha, isaga oo la hadlay boqolaal dibad-baxayaal ah oo taageerayey Falastiin. Qatar ayaa taageerta Xamas ayada oo gargaar iyo deymo malaayiin dollar ah siisa, sidoo kalena mararka qaar dhex-dhexaadisa ayaga iyo Israel. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku shaaciyey goorta ay dib u bilaabanayaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn oo ay qaadi jireen maxkamadaha dalka, kuwaas oo kol hore loo hakiyey Coronavirus dartiis. 16-ka May ayuu amray guddoomiye Baashe in dib loo furo dacwadaha aan ciqaabta aheyn, sidoo kale rafcaanadda wakhtigoodu dhacay intii ay dacwaduhu hakadka ku jireen ayuu amray in loo ogolaado wakhti ay dib ugu furan karaan rafcaanadda wakhtigoodu dhacay. “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS, isaga oo tixgalinaya baahida loo qabo in dib loo bilaabo dacwadaha aan ciqaabta ahayn ee muddada hakadka ku jiray xanuunka Covid-19 dartiis, bulshaduna u hesho adeegyadda cadaaladeed ee ay u baahntahay. Waxa uu soo saaray go’aanadan.” 1 – Laga bilaabo 16/05/2021 waxaa dib loo furay dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn ee muddada hakadka ku jiray xanuunka Covid-19 dartiis. 2 – Waxaa la farayaa garsooreyaasha iyo shaqaalaha kale ee Garsoorka inay si buuxda shaqadooda ugu soo laabtaan, una bilaabaan mudeynta iyo gar-maqaladda dacwadaha aan ciqaabta ahayn laga bilaabo maalinta Axadda ah ee 16/05/2021. 3 – Dhammaan rafcaanada wakhtigoodu dhacay muddadii ay dacwaduhu hakadka ku jireen waa in loo ogolaado wakhti ay dib ugu furan karaan rafcaanadda wakhtigoodu dhacay. 4 – Si loo dhawro badqabka bahda Garsoorka iyo bulshada loo adeegayo, loogana taxadaro faafida xanuunka Covid-19, waa in loo hogaansamo awaamiirta Wasaaradda Caafimaadka XFS, lana qaado talaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortaga faafitaanka xanuunka. The post Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo soo saaray afar qodob (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  15. War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Boqortooyada ay go’aan ku gaartay la socodka dhaq-dhaqaaqa Ajaanibta Duullimaadka iyo safarka dhulka ah ku gala dalkaas. Wasaaradda ayaa shaacisay liiska Dalalka ugu socodka badan muwaadiniintooda dhanka Boqortooyada Sacuudiga ee u baahan in lala socdo dhaq-dhaqaaqooda si aysan sabab ugu noqon gudbinta faafitaanka xannuunka nuuca cusub. Hay’adaha ammaanka, kuwa caafimaadka iyo ilaalada soohdinta waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada Sacuudiga ku adkeysay in ay ula socdaan qul-qulatooyinka soogalootiga nolol maalmeedka u raadsanaya Dalkaas. Sacuudiga ayaa difaac adag ka galay xaaladda Covid-19, waxa ay boqortooyadu xakameysay goobaha isu imaatinka sida Magaalooyinka Barakeysan oo martigeliya Kumanaan Muslimiin ah oo u cibaado tagta. PUNTLAND POST The post Sacuudiga oo xakamaynaya socodka muhaajiriinta appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay dil si arxan darro ah magaalada Muqdisho loogu geystay askari ka tirsanaa ciidankii Badbaado Qaran ee ka hor tagay mudo kororsigii Farmaajo iyo gabar Weriye ah oo maanta ay jir dileen Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne iyo askar uu watay. Senatorka oo fariin u diray ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka dalbaday inuu jawaab deg deg ah ka bixiyo labadaas dhacdo ee mid lagu dilay askariga, midna lagu jir dilay Weriyaha. “Waxan leeyahay ra’iisul wasaareheena, amniyaad balan qaaday, nin askari ah ayaa la dilay oo qashin-qub la dhex dhigay, markii aad amniga balan qaaday kadib, gabar Weriye ah ayuu gacanta ula tegay taliyaha saldhigga Xamarweyne oo qalabkii ka jejebiyey, labadaas dembi ra’iisul wasaare adigaa laguu heystaa,” ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi. Waxa uu sheegay in hadii uu Rooble tallaabo ka qaado ragii geystay labadaas dembi ee dilka iyo jir dilka kala ah uu noqonayo in ka soo baxay balantii uu ka qaaday shacabka, laakiin hadii uu wax ka qaban waayo uu noqonayo nin gadaashiisa uu Farmaajo wax uga dheelaayo. Sidoo kale Sanetorka ayaa xasuusiyey ra’iisul wasaaraha in dhamaan dadka Soomaliyeed ay wada adeeceen markii uu balan qaadyada u sameeyey. “Waxaa soo haray xoolahaan loogu deeqaayo ciidanka Badbaado Qaran istaagi maayaan, ra’iisul wasaare ciidankii magaalada waan ka saarnay, jidadka waan furnay, howsha waan kaaga dambeynaa, laakiin Farmaajo oo meesha aan ka bixin Geellu joogsa maayo, Iduhu joogsan maayaan, lana seexan maayo,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow. Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu qeyb ka qaatay dadaalladii looga hor tegayey mudo kororsigii fashilmay ee Farmaajo, waxaana shalay meydkiisa laga helay goob qashin-qub ah oo u dhaw dugsiga tababarrada booliska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye. Sidoo kale askar uu watay Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne ayaa maanta Talada Xaawo-taako ee afaafka hore ee madaxtooyada ku jir dishay Weriye Fardowso Maxamuud Sahal oo ka tirsan shaqaalaha Radio Kulmiye, xilli ay ku howlaneed tebinta dibadbaxyo ay dhigayeen waalidiinta askartii la waayey ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea. Weriye Fardowso ayaa sheegay inay dhaawacyo ka soo gaareen gacanta iyo sinta, kadib markii ay laamiga ku garaaceen askartii uu watay taliyaha saldhigga Xamarweyne, sidoo kale Taliyaha ayey sheegtay inuu gacantiisa uga qaaday talefoonkeedii iyo qalabkii ay ku howlgaleysay ee warbaahinta. Senator Muuse Suudi ayaa amarka falalkaas ku eedeeyey inuu bixiyey madaxweyne Farmaajo, isagoo ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday inuu ka hor tago aar gudasha uu Farmaajo ka wado gadaashiisa. Hoos ka Daawo The post Daawo: Muuse Suudi oo sheegay cidda loo haysto askarigii badbaado qaran ee Muqdisho lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  17. Marxuum, Gen. Cali Ismaaciil Maxamed Madaxweymaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gen. Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey Turkiga. Bayaan tacsi ah oo uu soo saaray madaxweyne Deni ayuu ku yiri “Waxaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaanba shacabka Puntland, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Gen. Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey Turkiga”. “Gen. Cali Ismaaciil Maxamed waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyey muddo dheer xilligii dowladdii Kacaanka, burburkii kadib waxa uu door muhiim ah ka qaatay dhismaha dowladnimada Puntland” ayuu ku sii yiri bayaanka. Madaxweynaha Puntland ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Gen. Cali Ismaaciil Maxamed appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shirkad ka diiwaan-gashan Kenya ka mamnuucday inay mar dambe ka howlgasho dalka kadib markii ay Hargeysa ka dejisay qalab loogu talo-galay doorashooyinka Somaliland oo ay ka qaaday Nairobi. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkadda oo lagu magacaabo Astral Aviation la mamnuucay kadib markii ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya, oo ay Hargeysa tagtay ayada oo aan ogolaansho haysan. Dowladda Kenya ayaa 14-kii May u fasaxday laba diyaaradood inay dalkeeda ka baxaan oo ay qalab electronic ah geeyaan Somaliland, inkasta oo ay mamnuucday duulimaadyada dalkeeda ka aadaya iyo kuwa uga imanaya Soomaaliya. Diyaaradahan oo lagu fasaxay amar Khamiistii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo tirsigiisu yahay MFA/PRO.91/002 (052), ayaa lagu sheegay in laba diyaarad oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation loo ogolaaday inay qalab ka qaadaan garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, inta u dhaxeysa May 13 illaa 15. Labada diyaarad ayaa noocoodu yahay MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F, waxayna ka diiwaan-gashan yihiin Kenya. Kenya ayaa toddobaadkii tegay joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya, marka laga reebo kuwa caafimaad iyo gargaarka bani’aadannimo ayada oo la rumeysan yahay inay kaga jawaabeyso qaadka Kenya oo ay Soomaaliya mamnuucday. The post DF oo dalka ka mamnuucday shirkad diyaaradeed oo Kenyan ah oo ka degtay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah ayaa soo saaray qoraal uu talooyin shan qodob ah ugu soo jeediyey ra’iisul wasaare Rooble, kuwaas oo uu sheegay inay lama huraan tahay inuu wax ka bedelo marka la gaaro 20-ka bishan oo loo balan san yahay shir xal looga gaarayo khilaafka doorashada Soomaaliya. “Waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu shan arrimood ogaado kahor inta uusan tagin shirka 20ka May,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Daahir Geelle. Shanta qodob ee Daahir Geelle uu kula taliyey Rooble ayaa kala ah: 1- In uu ogaado in aan laga aqbali doonin wixii Farmaajo laga diiday. 2- In uu ogaado in heshiiski 17ka September uu kaliya aasaas yahay, balse ay tahay in laga heshiiyo waxa la isku haayo oo dhan. 3- In uu ogaado in taageerada uu ka haysto mucaaradka, ciidamada, beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada ay tahay mid shardiyaysan oo uu ku kasbaday in uu ka leexaday waddadii hore loogu lumay. 4- In uu ogaado in arrinta aan sheegi jirnay ee ahayd in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato uu micnaheedu yahay in ay ku dhamaato miis loo dhan yahay oon lagu kala maqnayn. 5- In uu ogaado in miiska oo saamilayda loo diido, kuwa fadhiyana looga kaco uu yahay habdhaqan hore loogu hungoobay laguna fashilmay. Ugu danbayntii Daahir Maxamuud Geelle ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Walaalkeey Ra’iisalwasaare Rooble waxaan leeyahay si aad u guulaysatid waa in aad guul-darrooyinkii hore wax ka baratid.” 20-ka bishan May waxaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka furmo shir ay khilaafka doorashada uga arrinsanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxuuna mucaaradku Rooble ka dalbanayaa in shirkaas la balaariyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan ra’iisul wasaaraha ku wareejiyey mas’uuliyadda doorashooyinka dalka, kadib markii uu ku guul dareystay inuu kala heshiiyo saamileyda kale, waxaana laga dhur sugayaa sida uu Rooble u maareeyo arrintaas. The post Rooble oo loogu baaqay inuu shan arrin ogaado ka hor inta uusan tagin shirka 20-ka May appeared first on Caasimada Online.
  20. MOGADISHU (HOL) - Somalia has banned a Kenyan registered airline from future operations in the country following its deployment by Somaliland to transport election materials from Nairobi. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilo ka socda dowlad goboleedyada, oo qaban qaabinaya shirka Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, ayada oo la filayo in shirkaas uu furmo 20-ka bishan May. Guddiga qaban qaabada shirka la filayo inuu Muqdisho ka furmo ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxayna uga wada hadleen qaabka ugu fudud ee uu ku furmi karo shirka. Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay inuu muqdisho ka socdo qaban qaabada shirka uu iclaamiyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “U diyaar garowga Shirka 20 May oo ay kaqayb galayaan dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa socda, waxaana Gudiga qaban qaabada ee ka socda Maamul goboleedyada ay maanta soo gaareen Magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Macalimuu Diyaar garowga loogu jiro shirka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa imanaya ayada Golaha Midowga Musharaxiinta ay maanta sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin inuu Rooble ka leexday dhex-dhaxaadnimadii. “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta. “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” The post Wararkii ugu dambeeyey ee shirka DF iyo dowlad goboleedyada iyo xubno soo gaaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay jeceshay inay iskaashi iyo amni kula macaamisho dalalka ay oodwadaagta iyo dariska yihiin, waxaana ay muddo dheer ahayd deyr sharka iyo shiddada kaga gudban dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo soohdin ay la wadaagto. Somaliland oo ku taalla bogcad istaraataji ah, waxay xidhiidh saaxiibtinimo iyo iskaashi la leedahay dalalka Mandaqada oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay saddexdaas dalba ku leedahay Xafiisyo Wakiillo diblomaasiyadeed, iyadoo Jabuuti iyo Itoobiyana ay ku leeyihiin Hargeysa qunsuliyado,halka Kenya ay dhawaan magacowday Wakiil u fadhiyi doona Somaliland. Xukuumadda Somaliland waxa ay xoojisay xawaarihii uu ku socday dedaalka loogu jiro aqoonsi raadinta Somaliland. Waxa kaloo ay jabisay derbigii muddada dheer ka hortaagnaa inay kasbato maalgashiga caalamiga ah iyadoo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay $442 Milyan oo Doolar ku casriyeynayso marsadda Berbera oo loo diyaarinayo inay noqoto marin weyn oo ganacsi oo isku xidha Geeska iyo Bariga Afrika. Waxa mashaariicdaas horumarinta ee dekedda Berbera doorkeeda ka qaadanaysa Itoobiya oo maalgelinta dekedda ku leh saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban. Sidoo kalena waxa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ka wada shaqeynayaan jidka hawlbowlaha ah ee Berbera Corridor oo isku xidhaya marsadda Berbera illaa Magaalada Wajaale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi wuxuu jimcihii Toddobaadkii hore uu socdaal ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu kaga qaybgalay xafladii dhaarinta iyo caleemo-saarka Madaxweyne Geelle,waxana madaarka Jabuuti meeqaamkii ugu sareeyey ugu qaabilay Ra’iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed. Sidoo kale, waxa Sabtidii uu madaxweynaha Somaliland ku biiray Madaxdii ka socotay Afrika iyo caalamka ee lagu soo martiqaaday xafladaas waxaanu madaxweynuhu kulanno gooni gooni ah la yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxdii kale ee xafladaas goobjooga ka ahaa oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha Kenya, Guinea Conakry, Uhuru Kenyatta iyo Alpha Condé iyo Ra’iisul-waasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ruwanda. Madaxweynaha Somaliland waxa ka go’an inuu ka faa’iideeyo fursad kasta oo danaha dalku ku jiraan isla markaana uu cagaha dhigo madal kasta oo Hoggaamiyeyaasha Afrika iskugu imanayaan si uu u dhacsiiyo Qaddiyadda Qarannimada Somaliland. Waxa xafladii caleemo-saarka madaxweyne Geelle uu madaxweynaha Somaliland u noqotay fursad uu guul diblomaasiyadeed kaga gaadhay yoolkii uu ka lahaa socdaalkaas qaatay saddexda maalmood ee uu ku tagay Jabuuti, taasi oo cadowga JSL ku noqotay tumaati siyaasadeed oo aanay filaynaynin. Ra’yul-caamka bulshada reer Somaliland ayaa aad u soo dhaweeyey socdaalka madaxweynaha oo ay ku tilmaameen mid muhiim ahaa oo madaxweynuhu uu ka faa’iidaystay jaanis siyaasiya. Ugu dambeyn, Dadka la socda siyaasadda ayaa aaminsan in hab maamuuska ay dawladda Jabuuti ku qaabishay Weftiga Madaxweynaha Somaliland uu calaamad u yahay isbeddel xoog leh oo duruuftu keentay oo Jabuuti ku garwaaqsatay in masaalixda jaarnimo ee ka dhexeeya Somaliland uu ka muhiimsan yahay cilaaqaadka dhexeeya Soomaaliya oo ka abaal ka dhacday gogoshii iyo maalkii soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay Jabuuti la garab taagnayd si loo xasiliyo dalkaas qalalaasuhu hadheeyey. Qore Cumar Maxamed Faarax Source
  23. Shacab Gadoodsan oo maanta mudharaad ka dhan ah Xukumada Farmaajo ka istaadhey Muqdisho +Sababta kelifay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta debad-bax ka dhan ah Xukumada Farmaajo ka dhigay boqolaal shacaba oo aad u gadoodsan. Dibad-baxa oo ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ka qeyb-galay dhalinyaro iyo waalidiin ka cabanayey caruur ay dowladda u qaaday Ereteriya , si loo soo askareeyo. Dadka dhigayey debad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxda Xukumada federaalka, iyaga oo shaaciyey in caruurtoodii ay la’yihiin nolol & geeri. Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, si dalkooda dib loogu soo celiyo caruurtaasi. Waalidiinta oo wejiyadooda ay ka muuqaatay murug aad u xoogan ayaa sheegay inay ka waalacsan yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin caruurtooda oo muddo dheer ka maqan. Si kastaba cabashada waalidiintan ayaa bilihii u dambeysay isa soo tareysay, kadib markii la sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyey Ereteriya ay ka qeyb-galeen dagaalladii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaaan gobolka Tigray ee waqooyiga wadankaasi. Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey jawaabahay aan is-waafaqsaneyn ee dowladda federaalka ee ku aadan is-mari waaga hanaanka doorashada, waxayna ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Rooble inuu ka leexanayo dhex-dhexaadnimada. “Markii hore dowladda waxay codsatay in Midowga Afrika uu soo faro-geliyey qalalaasaha, ayada oo ku doodeyso ‘In xal Afrikan ah loo helo dhibaatooyinka Afrika’ ayada oo ujeedko yahay in laga weecdo shaqada wakiilada beesha caalamka ee Xalane,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Golaha. “Kadib magacaabistii wakiilka sare ee Midowga Afrika si uu mas’uul uga noqdo hanaanka, dowladda waxay ka laabatay codsigeedii hore ayada oo sheegeysa in Rooble uu bisha May 20-keeda qabanayo kulan la sheegay in lagu xalinayo arrimaha taagan.” Golaha ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay inuu Rooble ka leexday dhex-dhaxaadnimadii. “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta. “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” Eedeynta Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa imaneysa xilli bilowgii horeba la rumeysnaa in Rooble uusan laheyn karti iyo go’aan uu uga madax-banaanaado Farmaajo, waxayna tani abuuri kartaa xiisad cusub, haddii aanu kasoo bixin xeendaabka madaxtooyada. The post Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey in Rooble uu ka leexday dhex-dhexaadnimadii appeared first on Caasimada Online.