-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saddex wiil oo dhallinyaro ah ayaa todobaadkan gudihiisa liqeen ceelasha togga Ligle ee koonfurta magaalada Garowe. Mursal Cabdirisaaq Cali Shirwac ayaa maanta ku geeriyooday ceel ku yaalla togga Ligle, halka sabtidii la soo dhaafay ay ku dhinteen labo wiil oo lagu kala magacaabo Cabduqaadir Jaamac Ciise iyo Cabdiqaadir Khaliif Abshir, sida ay xaqiijiyeen Booliska gobolka Nugaal. Saddex wiil ee todobaadkan gudihiisa ku geeriyooday ceelasha togga Ligle ayaa da’doodu u dhaxaysay 14 ilaa 17 sano jir. Xiliga roobabku da’aan ayaa dhallinyaro badan u babaal tagaan togga Ligle ee koonfurta Garowe oo leh ceelal dad lig ah, xiliga biyuhu maraan. PUNTLAND POST The post Garowe: Saddex wiil oo todobaadkan ku dhintay ceelasha Ligle appeared first on Puntland Post.
-
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken aya sheegay in labada dhinac ee Israa’iil iyo Falastiin looga baahan yahay in ay qaboojiyaan xiisadda iyo rabashadaha. “Dhammaan dhincyada waxaa looga baahan yahay inay qaboojiyaan xiisadda – rabashadaha waa inay u dhammaadaan si deg deg ah” ayuu ku yiri Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Baaqa Blinken ayaa yimid kadib markii uu wasiirka arrimaha dibedda Masar taleefon kala hadlay xiisadda Israel, Gaza iyo Daanta Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ololaha Gaza uu awood buuxda ku socdo, ayna qasab tahay in lagu guuleysto ka hor-tagga dagaal mustaqbalka lala galo Xamas. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo baaq ka soo saaray xiisadda Israa’iil iyo Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
Abiy oo sheegay in dalkiisa ay fara galin ku hayaan quwado shisheeye Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay inaanu oggolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ENA. Wuxuu intaa ku darey ra’iisal wasaaraha in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan un dadka Itoobiyaanka ah, isagoo u digay ajnabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa. Abiy ayaa eedeeyey dalal awood badan oo aannu carab dhabin, kuwaasoo ku haya dalkiisa olole lid ku ah danahoodda oo xoogan. Dalalka fara gelinta ku haya, ayuu ku tilmaamey Abiy iney yihiin hey’addo iyo dalal dhaqaalahooddu xoogan yahay, kuwaasoo doonaya iney u yeeriyaan Itoobiya habka ay u noolaanayaan. Ra’iisal wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in Itoobiya aaney u wiiqmi doonin turun turooyinkaas, laga soo maleegayo dalalka dibadda, sida uu hadalka u dhigay. Qaran News
-
Qaabkuu u shaqeeyo hannaanka difaaca gantaallada ee Israel “Iron Dome” Hannaanka Iron Dome oo ka hortagaya gantaallada looga soo rigay Gaza. Dagaalkii ugu ba’naa ee muddo sanado ah dhexmara Isaar’iil iyo Gaza ayaa waxa uu muuqaal kale u yeelay samada gobolkaas. Muddo san maalmood gudahood ah, ururka Xamaas iyo xooggaga kale ee Falastiiniyiinta ayaa in ka badan 2,000 oo gantaal u ganay dhanka Israa’iil. Ku dhawaad 90% gantaalladaas ayaa waxaa ka hortagay hannaanka difaaca hawada ee loo yaqaan Iron Dome, sida uu sheegay milateriga Israa’iil. Iron Dome ayaa loo nashqadeeyay si uu uga hortago gantaallada ridada dhow ee khatarta ku ah Israa’iil. Waxaa qorshaha hannaankan uu bilowday kadib dagaalkii ay Israa’iil la gashay Xisbullah sanadkii 2006, xilligaas oo gantaallada uga soo dhacay Lubnaan ay khasaare badan oo isugu jirta naf iyo mal ka geysteen gudaha dalkaas. Israa’iil ayaa dagaalka kadib shaacisay inay sameysan doonto hannaan cusub oo ka hortagga gantaallada lagu soo gano. Hannaanka Iron Dome oo ay wadajir u dhiseen shirkadaha Rafael Advanced Defense Systems iyo Israel Aerospace Industries ayaa la hawlgeliyay sanadkii 2011. Qalabkan oo la rumaysan yahay inuu kamid yahay kuwa ugu horumarsan caalamka ayaa isticmaala raadaar si uu u aqoonsado isla markaana u burburiyo gantaallada ku socda Israa’iil ka hor inta aanay khasaare geysan. Hannaankan oo ku shaqeeya jawi kasta ayaa si gaar ah loogu qaabeeyay in uu ka hortago hubka ridada gaaban, gaar ahaan gantaallada laga soo gano Gaza. Kharash badan ayaa ku baxay sameynta Iron Dome, balse shirkadaha dhisay ayaa sheegay in faa’iidadiisa ugu weyn ay tahay in uu kala sooci karo gantaallada ku dhici kara deegaannada ay dadka ku badan yihiin iyo kuwa kale. Hannaanka ayaa beegsada oo keliya gantaallada loo arko inay khatartayihiin. Gantaallada Xamaas Toban sano kadib markii la hawlgeliyay Iron Dome, Israa’iil ayaa hadda haysata toban xabo oo hannaankaas difaaca gantaallada ah, kuwaas oo la dhigay qeybo kala duwan oo dalkaas ah. Mid kasta oo kamid ah waxaa ku xiran saddex ama afar gane oo midkiiba uu ridi karo 20 gantaal oo ka hortag sameeya. “Tirada Israa’iiliyiinta dhintay ama dhaawacmay ayaa aad u badan lahayd haddii uusan jirin Iron Dome, kaasoo badbaayiyay nafteena,” ayuu yiri Gaashaanle dhexe onathan Conricus oo ah afhayeenka milateriga Israa’iil. Hase yeeshee khubarada qaar ayaa sheegay in tirada badan ee gantaalka ay Gaza ka soo ridayaan xooggaga Falastiiniyiinta uu yahay isku-day ay ku daalinayaan hannaanka Iron Dome, taasoo dhalisay walaac ah caqabadaha uu wajihi karo qalabka. Colaadda Gaza Tan iyo 2014, waxaa marar badan sare u kacday xiisadda labada dhinac, balse waxaa guulaystay dhowr xabbad joojin oo ay dhexdhexaadintooda lahaayeen Masar, Qatar iyo Qaramada Midoobay. Inkastoo ay weli go’doonsan tahay Gaza, ururka Xamaas ayaa sii xajistay maamulka marinkaas, waxaana uu tayeeyay hubkiisa gantaallada ah. Xaaladda bani’aadannimo ee shacabka labada milyan ah ee ku nool Gaza ayaa ka sii daraysa. Waxa ay dadkaas wajahaan gabaabsi dhanka biyaha, dawada iyo korontada ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadad Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweyne Sheekh Shariif. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaana looga wada-hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Madaxda shirka ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxay kulankooda diirada ku saareen wada-hadalada la filayo inay dhawaan ka furmaan magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka ag-dhow. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii Ra’iisal wasaare Rooble loogu gacan siin lahaa dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka ee loo xil-saaray, xili qaar kamid ah musharaxiinta mucaaridka ay walaac ka muujinayaan. Qaar ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa hore walaac uga muujiyey dhex-dhexaadnimada ra’iisal wasaare Rooble, inkasta oo qoraalkaas aysan isku wada raacin dhammaan musharaxiinta “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu kala jabay oo kusoo baxay magaca Golaha Musharaxiinta. “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalkaas. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore kalsooni u muujiyey ra’iisal wasaare Rooble, ayada oo xubnaha ugu sareeya ee Golaha ay ku adkeysanayaan in weli fursad la siiyo Rooble, xili ay maalmo kooban ka harsan-yihiin furitaanka shirkii uu isugu yeeray maamulada dalka iyo gobolka Benaadir. The post Madaxweynayaashii hore iyo xildhibaano shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Miraa traders want the government to restore diplomatic ties with Somalia to secure the Sh16 million a day market. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (HOL) - Miraa traders want the government to restore diplomatic ties with Somalia to secure the Sh16 million a day market. Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa markale dib usoo cusbooneysiisay go’aan dalal ay ku jirto Soomaaliya uga mamnuucday inay u safraan muwaadiniinteeda, si loo xakameeyo faafista cudurka saf-marka ah ee Covid-19. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in muwaadiniintooda aysan u socdaali karin illaa 13 wadan oo ay ku jirto Somalia. Wadamada uu saameynayo go’aankan ayaa kala ah:- Soomaaliya, Siiriya, Libya, lubnaan, Turkiga, Yemen, Iiraan, Belarus, Armenia, Hidniya, Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo iyo Afghanistan. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xittaa muwaadiniinta Sacuudiyaanka ah aysan 13-kaasi wadan ogolaansho la’aan ku tegi karin duulimad toos ah iyo mid aan toos aheyn. Horay dowladda Sacuudiga ayaa Bishii Febaraayo ee sanadkan 2021-ka usoo rogtay go’aan lagu karantiilayo muwaadiniinta ka imaanaya 20 dal oo ay ku jirto Soomaaliya. Si kastaba weli dowladaha caalamka ayaa la tacaalaya xakameynta cudurka safmarka ah ee Coronavirus oo mar labaad kusoo laba kacleeyey dalal badan oo ku yaalla caalamka. The post Sacuudiga oo dadkiisa ka mamnuucay inay u safraan Soomaaliya + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sabtidii ka baaqday ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, arrintaas oo noqotay hadalheynta bulshada, su’aalana la iska weydiiyey sababta iney noqon karto go’doomin. Farmaajo sannadkii ugu dambeeyey waxaa uu isku koobay Eritrea iyo Ethiopia taasi oo keentay in Soomaaliya ay noqoto saxiib la’aan dunida, gobolka iyo ugu dambeyntii qas gudaha ah. Farmaajo iyo Gobolka: Soomaaliya waxaa daris la ah saddexda dal ee kala ah Kenya, iyo Itoobiya, labada madaxweyne ee Uhuru Kenyatta iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicna xidhiidhka ay la leeyihiin Farmaajo, isaga oo Nairobi xidhiidhka u jaray Hiil-walaalka ugaba hiililiey Asmara, una arko Djibouti dal cadow ku ah masaalixda Soomaaliya. Farmaajo iyo Afrika: Midowga Afrika hey’adihiisa kala duwan oo ay ku jiraan golaha amniga oo fadhigoodu yahay Adis Ababa, xafiiska midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xataa hawlgalka AMISOM waxay si cad uga hor yimaadeen damaca Farmaajo ee muddo kordhinta, iyada oo ergay gaar u magacaabay Soomaaliya si loo helo wada hadal saamileyda ah, loona qabto doorasho degdeg ah. Farmaajo iyo Beesha Caalamka: Marka laga soo tago inuu Farmaajo ku hungoobey iskudey kasta oo uu galaangal ugu sameyn lahaa gudaha Mareykanka, kuna booqan lahaa dalkaasi. Farmaajo markii uu laba sanno ku darsaday, waxaa ay isku dhaceen diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, taas oo keentay labo tillaabo iney qaadaan reer galbeedka gaar ahaan dalalka taageera maamulkiisa, bixiyana kabka miisaaniyadda 60%. (1). In laga goosto kabkii la siin jiray (2). In loogu hanjabo cunaqabateyn. Arrimahan oo ka dhigay inuu la kulmay go’aamin ka dhan reer galbeedka ah. Farmaajo iyo Maamullada Soomaaliya: Soomaaliya waxaa ka dhisan shan maamul, waxaa xusid mudan in laba ka mid ah maamulladaasi kana taliya dhulka ugu weyn Soomaaliya aaney Farmaajo salaanta iska qaadin, taasi oo ku tuseysa siyaasadiisa arrimaha gudaha heerka ay joogto. Farmaajo iyo Baarlamaanka: Hey’adaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka federaalka waa uu kala jabay sababtana waxaa lahaa Farmaajo, aqalka sare oo ka mid ah baarlamaanka wax xiriir lama laha halka golaha shacabka uu ka dhigay meel uu ka sameysto sida uu doono. Farmaajo iyo Ciidanka: Burburkii kadib, waxaa markii ugu horeysay la arkay ciidamo ku gadooday madaxweyne, taliyaha booliiska gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamo ku sugnaa labada shabeelle iyo ciidamo kale gaar ahaa, ilaa Villa Somalia loo jirsaday hal kiilomitir, laguna qasbay inuu ka noqdo muddo kordhinta, ilaa hadda ciidamada lama mideyn. Farmaajo iyo Musharaxiinta: Waxaa intaasi dheer, waxaa ka aamin baxay musharaxiintii la tartamayey iyaga oo u arka inuu yahay keligii taliye aan ogoleyn inuu qabto doorasho hufan, oo xor iyo xalaal ah. Ugu dambeyntii, ka baaqashada Farmaajo ee caleemo-saarka madaxweyne Djibouti waxa ay xidhiidh la leeyahay go’doomintaas uu kala kulmay dunida, gobolka iyo dunida isaga oo maanta ay kusoo hadheen oo keliya la taliyeyashii gaadhsiiyey heerkaas. Source
-
Munaasabada hadhimo sharafeeda ah oo lagu tageerayo Musharraxa Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex Cumar Aw Faarax Cabdilaahi iyo Musharraxa Golaha Deegaanka ee degmadda Hargeysa Mustafe Cabdi Cali oo kamid ah Musharraxiinta Xisbiga xaakimka KULMIYE ayaa ka qab-soontay Huteelka Green Plaza ee Magaalada Hargeysa. Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay,isla markaana uu hadhimo sharafeedkaa ku maamuusay labadaa Musharrax Xildhibaan Xasan Shahar oo kamid ah xildhibaanadda Golaha degaanka ee degmadda Hargeysa ,ayaa waxa ka soo qayb-galay madax-dhaqameed, haween, dhallinyarro, siyaasiyiin miisaan ku leh saaxada siyaasadda Somaliland oo uu ka mid ahaa Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Sameele iyo taageerayaasha musharraxiinta oo tiro badan. Siyaasi Muxumed Aw Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Waa Xildhibaankii Saddexaad ee intii waddanka la soo galay aynu soo sharraxno,anniga ayaa ugu horeeyey Cabdicasiis ayaa igu soo xigay kursigii aanu labadayaddaasi soo fadhinay inuu bannaanaado waa nusqaan dhan oo la yidhaah kursigii meesha wuu ka baxay, magaca in la ilaaliyo .”ayuu yidhi Dhanka kale Suldaan Axmed Cumar ayaa sheegay in loo baahan-yahay in beeshu ay dhex-da u xidhato sidii cod iyo cuud-ba ay ula garab istaagi lahayd labadaa Musharrax ee ay soo xulatay,isla markaana lagu dedaalo sidii ay aqlabiyada ugu soo bixi lahayeen tartanka doorashada “waxa la ina soo saaray inteenan meesha joogta iyo inta maqan labadaa nin ayaa dhabarka la inoo saaray,annaguna waanu ansixinay haddii aanu nahay Salaadiintii.”ayuu sheegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isna munaasabada ka hadlay,waxaanu halkaas ka jeediyey haddalo dar-daaran iyo duco iyo guubaabo iskugu jira”Maanta waxa taagan oo kawaanka reerkeena saraan oo doorasho in cod iyo xoolo la siiyo u baahan labadaa walaal ee Sheekh Cumar iyo Mustafe,qofka maanta hagradaa berri ka maalin qiimo ma leh.”ayuu yidhi Samaale. Geesta kalena Xildhibaan Xasan Shahar oo isagu munaasabada hadhimo sharafeedka ku maamuusay labadan Musharrax ayaa isna ugu baaqay tageerayaaasha labadan Musharrax inay is muujiyaan, isla markaana ay mid-nimada reerka ku gaadhi karraan guusha 31 May 2021-ka “Fadhiga ha laga kaco yeynaan is xag-xaganin xinkeenu yuu noqon mid aynu inagu isku reebno ee xingeeno ha noqdo mid aynu walaaladeen ku gaadhayno waxa wanaagsan waa lagu daydaa waxa xuna waa laga baydhaa ,waa in aynu isu tanaasulno oo aynu is raacno xafladan munaasabadan waxay daaran tahay, waa midaynta beel weynta Cabdle Abokor .”Xildhibaan Xasan Shahar. Waxa iyana halkaas haddalo mahad-naqa ka jeediyey Musharrax Cumar Aw Faarax oo isagu u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Musharrax Mustafe Cabdi Cali oo isna u tartamaya Golaha degaanka Hargeysa, waxaanay si wada jir ah ugu booriyeen tageerayaashooda inay dedaal muujiyaan isla markaana ay isku diyaariyaan doorashadda sidii ay guulo uga gaadhi lahayeen “Goobtan aynu ku noolnahay ee Geeska Afrika xiddigata ka iftiimaysaa waa Somaliland, haddii aynu beerano tacab weynu gaadhi,umma malaynayo in aynu meel kale ku kale tegi doonno,maddaama oo aynu inteenaasu meel kali iskugu nimi oo isku ujeedo nahay, hawl baddan ayaa inoo taal ee aynu dedaalno.”ayey sheegeen. Gunaanadkii Munaasabadan ayaa ku soo dhammaaday jawigii farxadeed,waxaanay dadkii maddasha ka hadlay ay tageero mug iyo miisaan leh u muujiyeen labadaa Musharrax ee Cumar Aw Faarax oo isagu u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Musharrax Mustafe Cabdi Cali oo isna u tartamaya Golaha degaanka Hargeysa. Source
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland political associations will receive $90,000 every month to cover expenses. Puntland Vice President Ahmed Elmi, who launched voter registration event for pilot local elections, told reporters in Qardho that Puntland Government was committed to the democratisation process and that the monthly stipend for political associations would go a long way to deepen the democratic process that will replace the tradition-bound political arrangements in Puntland. Ten political associations will contest pilot local elections in three designated districts. There are unsubstantiated reports that one political association had merged with Kaah, the political association led by Puntland President Said A. Deni, making the number of political associations eligible for monthly stipend nine. Three political associations will graduate to political parties after TPEC publicises local government election results. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Government Allocates Monthly StIpend for Political Associations appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa magaalada Muqdisho kulan isugu yimaaday guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee madaxda dowaldda federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Guddigan oo isugu yimid Hotel ku yaallo magaalada Muqdisho ayaa ka kooban xubna ka kala socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xubna ka socda madaxda shanta dowlad gobaleed . shirka guddigan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka, xilli guddigan ay ku guda jiraan diyaarintii ugu dambeysay ee shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay sheegay in uu qabsoomi doono shirka 20 bisha oo ku beegan Arbacada soo aaddan , xilli ay soo baxayeen shaki la gelinayo in madaxda qaar ay ka caga jiidayaan imaanshaha shirka . Xukuumadda ayaa bilawgii bishaan si rasmi ah loogu wareejiyay daadejinta iyo qorsheynta howlaha doorashooyinka kadib markii uu fashilmay isku daygii Farmaajo ee mudda kordhinta isaga iyo xildhibaanada taageersan ay ku dhufsadeen . GoobJoog Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka Ridwaan Xirsi Maxamed oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka, gaar ahaan arrimaha ay isku hayaan iyaga iyo ra’iisul wasaaraha xilka siihaya ee Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Qaar ka mid ah musharaxiinta ayaa shalay soo saaray qoraal aan la isku wada raacin oo ay ku dhaliileen Rooble, waxaana uu Ridwaan sharraxaad ka bixiyey dhaliilaha xoogan ee ay u jeediyeen xukuumaddda ee ku aadan qabsoomida shirka wada-hadallada doorashooyinka ee dhacaya 20-ka bishan. Afhayeenka musharraxiinta ayaa ku eedeeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka caga-jiidayo isu keenida madaxdii saxiixday heshiiskii 17-kii September oo la doonayo inuu saldhig u noqdo dadaallada socda iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu aad u hooseeyo abaabulka Rooble ee ku aadan qabsoomida shirka loo ballansan oo ay haatan ka harsan tahay muddo saddex cisho ah. “Waxa aan dooneynaa in wadahadalka uusan dib uga dhicin 20-ka May, balse waxa aan saluugsanahay dedaalka isu keenidda Madaxda ee Ra’iisul Wasaaraha oo si gaabis ah ku socda, waxa aan aaminsanahay in sidii laga rabay howsha Rooble xagal-daac uu ku socdo, waxa uu labo jeer galay safar iyada oo ay taagan tahay arrinta Doorashada,” ayuu yiri. Shalay ayey aheyd markii musharraxiinta mucaaradka ay shaaciyeen in ra’iisul wasaaruhu ka leexday dhex-dhexaadnimadii uu waday, maadaama loo xil-saaray doorashooyinka. The post Maxay isku hayaan Rooble iyo qaar ka mid ah golaha Midowga Musharaxiinta? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga qaadista imtixaaanaadka Dugsiyada kaas oo uu goob joog ka ahaa taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka boliiska Soomaaliyeed. Shirkaan ayaa loogu hadlay Amniga guud ee Caasimada, iyadoo halkaasi loogu hambalyeeyay isla markaana lagu boogaadiyay howlaha sugida Amniga oo ay qabteen Saraakiisha iyo Askarta qeybahooda kala gedisan intii lagu jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Maalmihii Ciida,Waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir. Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay u diyaar garowga sugida Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga oo Todobaadka soo socda ka bilaabmaya Magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Cape Town – At least 24 Somali shopkeepers and owners have been killed since January, according to the Somali Community Board of South Africa, which blames police inaction for the unabated extortion of foreign-owned businesses and killings in the townships. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The Council of Presidential Candidates (CPC) has called on Somalia's Prime Minister to avoid the international jet-setting and begin the preparations for upcoming electoral consultative meetings. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Doha)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar ayaa Sabtidii la kulmay madaxda siyaasadda ee Xamas, wuxuuna ku baaqay in Israaa’iil ay joojiso duqeymaha ay ka waddo Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. “Bulshada caalamka waa inay deg deg ugu dhaqaaqdaa in lasoo geba-gebeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza iyo masjidka Al-Aqsa ee Qudus,” ayuu Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ku yidhi bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee QNA. Waxa uu sidoo kale u xaqiijiyey hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh taagerada Qatar ee “walaalaheeda Falastiin”. Kulankooda ayaa yimid ayada oo Israel ay maalmo duqeymo ka waddo magaalada Gaza oo ay ku xoogan yihiin Xamas, ayaga oo ka jawaabaya gantaallo ay kooxdan ku weerareyso Israel. Rabshadaha ayaa markii koowaad ka dhashay isku dhac masjidka Al-Aqsa ku dhex-maray dibad-baxayaal Falastiiniyiin ah iyo ciidamada Israel. Xamas ayaa Israel u qabatay waqti kama dambeys ah oo ay ciidamadeeda uga saarato Masjidka, waxayna markii ay sameyn weyday ay ku billaabeen weeraro gantaallo ah. “Waan uga dignay in Masjidka Al-Aqsa uu yahay qad cas, waana u sheegnay Netanyahu: ‘ha ku cayaarin dab’,” ayuu yidhi Haniyeh oo dibad-joog ku ah Doha, isaga oo la hadlay boqolaal dibad-baxayaal ah oo taageerayey Falastiin. Qatar ayaa taageerta Xamas ayada oo gargaar iyo deymo malaayiin dollar ah siisa, sidoo kalena mararka qaar dhex-dhexaadisa ayaga iyo Israel. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sameeyey arrin cajiib ah oo ay uga hortegayaan falalka dhaca ah ee ay xilliyada habeenkii ah ay kooxo hubeysan ka geystaan degmooyinka gobolka Banaadir. Dadka deegaanka ee waaxda Horseed oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sameeyey qorshahan oo ay ragga burcadda ah uga hor istaagayaan xaafaddaasi, iyaga oo Salaadda Maqrib, kadib xira dhammaan wadooyinka soo gala waaxdaasi. Ujeedada loo xiro wadooyinka jidcadayaasha ah ayey shacabku ku sheegeen in laga hor-istaago mootooyinka Bajaajta oo inta badan lagu geysto falalka amni darrada sida dhaca. Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dhowr habeen ay gudaha usoo galeen waaxda Horseed rag hubeysan, isla-markaana ay dhac baahsan u geysteen dadka shacabka ah, isaga oo tilmaamay in falalkaasi oo ahaa kuwa xiriir ah ay wax ka qaban waayeen laamaha ammaanka iyo maamulka degmada. “Meeshaan waxaa ka dhacday dhowr habeen oo is xig-xiga tuugana ay ka qaraabanayaan in ilmihii ay mobeelada ka qaadanayaan inay guryihii soo galayaan wax naga qabanaayana aysan jirin,” ayuu yiri Oday ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay iyagu bilaabeen inay isku tashadaan, isla-markaana ay iska xireen dhammadaan jidadka soo gala xaafadaasi,. “Anaga hub ma heysano waxaan door-bidnay inaan iska xirno waddooyinka marka habeenkii noqoto, si aysan noo soo gelin tuugo waxaa timid qoryo bistooladooyin wata oo mootooyin wato xaafadda ayey soo galayaan wax alla waxa ay arkaan way qaadanayaan, ayuu sii raaciyey. Arrinatan la yaabka leh ayaa timid, ka gadaal markii ay si xoogeysteen falalka dhaca ah ee xilliyada habeenkii ah shacabka loogu geysanayo gudaha magaalada Muqdisho. The post Shacabka Muqdisho oo billaabay hab cajiib ah oo dhaca looga hortegayo appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in tuulooyin ka tirsan degmadaas ay xalay dab qabad-siiyeen malayshiyaad hubaysan. Tuulooyinkaas ayaa sida la sheegayo waxa maalmihii u dambeeyay ka aloosnaa xiisad ku salaysan dagaal beeleed, waxaana isku hor-fadhiyay laba malayshiya-beeleed. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in shacabkii ku noolaa tuulooyinka xalay la gubay ay isaga barakaceen, kadib markii guryahooda dab la qabadsiiyay. Maas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan weli kama hadlin Guryaha la gubay ee ku yaal tuulooyin hoostaga magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Tuulooyin ka tirsan magaalada Beledweyne oo xalay la gubay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa isku khilaafay warqad shalay kusoo baxday magaca golaha oo ku eedeysay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka leexday dhex-dhexaadnimadii, sida ay ogaatay Caasimada Online. Warqaddaas ayaa lagu yiri “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo.” Wuxuu qoraalka intaas ku daray “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” Warqadda ayaa waxaa barahooda bulshada ku baahiyey dhowr musharax oo ay ka mid yihiin Cabdulqaadir Cosoble iyo Cabdinuur Sheekh, inkasta oo aysan caddeyn inay ayaga qoreyn iyo in kale, balse waxaa hadda soo baxeysa in xubnaha golaha oo dhan aysan isku waafaqsaneyn warqaddan. Xubno ku dhow Golaha, ayaa sheegay inaysan ka war-hayn warqaddaas oo ay la yaabeen markii ay ka arkeen warbaahinta. Sidoo kale, Shadoor Xaaji oo ka tirsan xisbiga Wadajir ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay inaan warqadda loo dhameyn. “Qof ayaa inuu warqad iska soo qorto isagoo magaca Midowga Musharaxiinta ku hadlaya eedeeyn aan loo meel-dayin iska soo ridaya. Ra’iisul Wasaare Rooble waa in waqti la siiyaa laguna kalsoonaadaa. Waxaan uga mahad-celinayaa Midowga Musharaxiinta sida habsamida leh ay ugu heelan yihiin garab-siinta Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Shadoor. Inta badan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inaan la gaarin waqti la eedeeyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo xitaa aan la gaarin 20-ka May oo ah xilliga loo ballamay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxayna ku baaqeen in waqti la siiyo ra’iisul wasaaraha. The post Xog: Midowga Musharaxiinta oo aan isku raacin qoraalkii lagu eedeeyey R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in hadda kadib dib loo bilaabi doono qaadista dacwadaha aan ciqaabta ka dhalaneyn oo horay maxkamadda ay u joojisay kadib sanad ka hor dalka uu soo gaaray xanuunka Corona Virus . Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare xalay ayaa lagu sheegay in 16 bishaan dib maxkamadaha ay u bilaabayaan qaadista dacwadaha aan ciqaabta ka dhalaneyn sidoo kale waxa uu gudoomiyaha amray in racfaanadii waqtiga ay ka dhaceen inta xayiradda lagu guda jiray dib loo ogonaayo in ay ay soo dalbadaan dadkii uu racfaankooda dhamaaday . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Source: goobjoog.com