-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) - At least four soldiers, including a commander, have been killed in a roadside bomb attack in Jowhar on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qaraxa nooca Miinada ah uu ka dhacay deegaanka Buur-kaama bareeye ee magaaladaas, kaasi oo lala eegtay Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida ay Caasimada Online u sheegen goobjoogayaal qaraxaas ayaa waxa uu haleelay ciidamo la socday kolonyo gurmad ah oo uu hogaaminayay guddoomiyaha, xiligaas oo Ciidamo kale oo duleedka magalada kula dagaalamayay Maleeshiyaadka macawiisleyda. Qaraxa Miino ayaa waxa ku geeriyooday askar ka tirsan ilaalada guddoomiyaha oo ilaa inta la xaqiijiyey dhan saddex askari, halka kuwa kalena ay ku dhawaacmeen. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka la qarxiyay ay ahaayeen kuwo lugeynaya cabsi ay ka qabeen Qaraxyo dhulka la geliyay, kuwaasoo midkood haleelay ciidankii lugeynayay. Qaraxaan ayaa waxa uu kusoo aadaya xili uu socday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda ee Haramcad, Boolis iyo ciidanka Danab oo dhinac ah iyo maleeshiyaad macawiisleey ah oo ka careeysan taliyahooda oo la xiray. Dagaalka oo xoogiisa ka dhacay xaafadda Hanti-Wadaag ee magaaladaasi, ayaa yimid kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Macawisley ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin halkaasi, iyada oo la’isku adeegsaday huka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas lagu dilay Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle HirShabelle, iyadoo sidoo kale uu dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada HirShabelle. Sidoo kale khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu intaasi ka badan yahay, balse ma jiro wax faah faahin ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Jowhar. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfdhiya dhinacyada ku dagaalamay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. The post Qarax ka dhacay Jowhar oo lala beegsaday Kolonyo gurmad ah (Faah-faahin) appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia has denied reports that the resumption of diplomatic relations with Kenya stems from an oil-sharing agreement on the offshore. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Ministry for Environment, Agriculture and Climate Charge yesterday designated Cado-dheere and Laba-dulley as no-free range zones for fifteen days. The decision will bar nomads from letting their herd graze at the two areas. Puntland Government cited overgrazing as the main reason for the decision seen by environmentalists as a heightened awareness about impact of growing livestock population in a decreasing vegetation consumed by goats, sheep and camels. Caddo-dheero Valley (File photo) The new natural resource management policy will pave the way for preparedness for the dry season when low rainfall forces nomads to migrate in search of pastures for their livestock. Other plans the Environment Ministry explores include training nomads in how to prepare animal feeds before a drought drastically reduces the availability of pastures. “At last our nomads are realising that the natural habitat offers limited grazing opportunities that can only me maintained through range management techniques. They now know that owning more livestock means less pasture” said Hassan Mohamud, a former employee of the National Range Agency. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Temporarily Limits Free Range Zones for Livestock appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay war uu baahiyey wargeyska The Star, ee Kenya uu ku sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku gaareen heshiis ah inay si siman u qeyb-sadaan dakhliga dhul badeedka lagu muransan-yahay. Wargeyska The Star ayaa qoray inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaya saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxiixo Doha, kaasi oo meesha ka saaraya kiiskii yaalay maxkamadda ICJ, sida uu sheegay. Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska uu sheegay wargeyska, kaasi oo labada dal si siman ugu qeyb-sanayaan 50:50 kheyraadka badda lagu muransan-yahay. Mahdi ayaa hoosta ka xariiqay in marnaba kiiska badda aan looga xaajoon karin meel ka baxsan maxkamadda ICJ, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya sugeyso go’aanka maxkamadda. Sidoo kale, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed ayaa asaguna wararka heshiiskaas ku tilmaamay mid ay dowladda Kenya ka leedahay ujeedo siyaasadeed, ayna ku rabto in bulshadeeda ku indho-sarcaado, maadama looga adkaaday kiiska badda. Waxa uu ku tilmaamay heshiiska uu The Star baahiyey “maaweelo cusub oo dowladda Kenya ku jahwareerinayso bulshada”, sida uu hadalka u dhigay. “Markii Dowladd Kenya ay u shaqeyn wayday damacii waalnaa ee ahaa annagaa iska leh badda, hadda waxay shacabkeeda u diyaarinaysaa inay ka tirtirto cajaladdaas, kuna maaweeliso dheefta ayaan wax ku leenahay haddii dacwadda nalooga adkaado,” ayuu yiri. Warbaahinta Kenya, gaar ahaan wargeyska The Star ayaa hore u baahiyey in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaareen muranka Badda, kaasi oo ay dowladda Qatar gadaal ka riixeyso, oo ayadu kal hore dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal. Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee ENI, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xirmooyin ku yaalla dhulka muranka ay gelisay Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya. Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee TOTAL, taasi oo ayada oo ay wehliso ENI ay leeyihiin 25% xirmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-badeedka ay muranka gelisay Kenya. Xirmooyinka shidaal ee ENI ay ka iibisay Qatar ayaa la rumeysan yahay in cabirkooda uu dhan yahay 15,000 oo isku wareeg feet ah. Qatar ayaa qorsheysay inay shidaal sahmin ka sameyso dhulkaas sanadkii tegay, hase yeeshee waxay ka laabatay qorshahaas ayada oo aan si rasmi ah u shaacin sababta. Dowladda Qatar ayaa la fahamsan yahay inay dooneyso in kiiska badda ay labada dal ka gaaran heshiis, taasi oo meesha ka saareysa dacwadda taalla maxkamadda, si ay dhakhso ugu bilowdo sahminta shidaalka iyo ka shaqeysiinta saamiyada shidaal ee ay ku leedahay aaga lagu muransan yahay, hase yeeshe waxaa ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn halka ay ku biyo shuban doonaan dadaaladaas. The post DF oo jawaab kulul ka bixisay warka ay faafisay Kenya ee la xiriira ‘heshiiska’ badda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle. Dagaalkan oo uu xoogiisu ka dhacay xaafadda Hanti-Wadaag ee magaaladaasi, ayaa yimid kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Macawisley ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin halkaasi, iyada oo la’isku adeegsaday huka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan lagu dilay Cali Axmed Goodaad (Cali Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle HirShabelle, iyadoo sidoo kale uu dhaawacmay Ciise Nuur oo ka mid ah shaqaalaha barotakoolka madaxtooyada HirShabelle. Sidoo kale khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu intaasi ka badan yahay, balse ma jiro wax faah faahin ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Jowhar. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfdhiya dhinacyada ku dagaalamay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalkan ayaa daba socda xarig loo geystay taliyihii maleeshiyaadka Macwiisley oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin oo loo yaqaano (Dufaarow) iyo afar ka mid ah askartiisa, kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii la’isku qabtay lacago ay ka qaadayeen gaadiidka. Si kastaba Jowhar ayaa waxa ay horey ula daala-dhaceysay xaalad ka dhalatay fataahad wabiga Shabelle uu ka geystay magaaladaasi iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Jowhar iyo sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada HirShabeelle oo lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka oo war cusub soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka oo lagu wado beri oo ku beegan 20-ka May inuu dhaco magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Afhayeenka golaha midowga musharraxiinta mucaaradka, Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday in marka hore ka gole ahaan ay taageerayaan dadaallada xoogan ee uu wado ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee mudane Maxamed Xuseen Rooble. Geelle ayaa sidoo kale dalbaday in musharraxiinta laga qeyb-geliyo shirkaasi, maadaama looga hadlayo is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka. Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirkaasi iyo wada-hadallada u bilaabanaya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. “Midowga Musharixiinta waxa uu taageerayaa go’aanka uu Ra’iisu Wasaaraha ula wareegay qabsoomidda Doorashooyinka iyo wadahadalka balse shaqsi ma taageerin, rajo wanaagsan ayaa ka muujineynaa wadahadalka lagu ballansan yahay, waana in ay ka qaybgalaan Musharixiinta, Bulshada rayidka & dadka yaqaan dowladnimada kana soo shaqeeyay, miiska waa in laga dhigaa mid loo wada dhan yahay,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ra’iisul Wasaaraha aragtidiisu way nala qumaneed oo si wanaagsan ayuu usoo bandhigay, awoodda aan leenahay waxa aan rabnaa in uu guuleysto wadahadalkaas”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo beri oo Khamiis ah qorshuhu yahay inuu furmo shirka arrimaha doorashooyinka ee uu horey u iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaari doono muranka hareeyey doorashooyinka dalka. Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey wajaheysay xaalad hubanti la’aan ah, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxda dowladda, iyadoo aan heshiis laga gaarin hannaanka loo wajahayo doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya sanadkan 2021-ka. The post Muxuu yahay dalabka musharraxiinta ee shirka 20-ka May? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga qaban-qaabada shirka Muqdisho Saacadaha soo socda waxaa magaalada Muqdisho soo gaari doona madaxda dowlad goboleedyada oo ka qeybgalaya shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo berri furmaya. Guddiyadda farsamada oo maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa diyaarinta shirka arrimaha doorashooyinka Dalka ayaa la sheegay inta badan soo gabagabeeyeen howlihii ay wadeen. Shirka berri ka furmaya Muqdisho waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo xubno matalaya Midowga Musharaxiinta ayaa la filayaa in ay qeyb ka noqdaan shirka. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaannada iyo Senatarrada ka hor doorashada Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Qaban-qaabada shirka berri ee arrimaha doorashada oo ka socota Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, ayaa laga soo weriyay iska hor-imaad kooban oo saaka ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo kooxda la baxday Macawisleeyda oo doonayay in ay maxaabiis kala baxaan xabsi ku yaalla magaalada. Sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray, Cali Axmed Goodaad ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday iska hor-imaadka, halka uu ku dhaawacmay mid kamid ah shaqaalaha madaxtooyada Hirshabeelle. Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaan weli faahfaahin dhammaystiran laga helin iyadoo aysan weli ka hadlin mas’uuliyiinta Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle oo ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
Afhayeen u hadlay dacwad oogaha sare ee gobolka, Letitia James, ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameeyay shirkadda Mr Trump in uusan sii ahaan doonin mid madani ah. Ms James ayaa sheegtay in baaritaanka lagu hayo hantida madaxweynihii hore uu bilowday ka hor inta uusan xafiiska imaanin. Trump ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay isagoo sheegay in dacwadan ay wadaan xeer ilaaliyaha dimoqraadiga ah ay siyaasad ka dambeyso. Bayaan ka soo baxay waaxda caddaaladda laguma sheegin in baaritaanka uu ahaa madani sidoo kalena lagama sheegin madaxweynaha qudhiisa eedaha wax ku leeyihiin, badanaa kiisaska madaniga ah shakhsiga ama hantidiisa gaarka ah ayay khuseysaa dacwadda. Xeer ilaaliyaha New York Ms James ayaa baaritaanka bilowday bishii Maarso kolkaas oo Trump hantidiisa ka been sheegay si uu amaah ugu qaato bankiyada isla markaana hoos u dhigo heerka canshuurta. PUNTLAND POST The post Shirkadaha gaarka ah ee Donald Trump oo baaritaan lagu samaynayo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Ankara)-Warbaahin laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa wax ka qortay xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabta. Warbaahinta T54.com oo ka mid ah Warbaahinta Turkiga ee Habka Online-ka Wararka ku soo tebisa, ayaa War-bixin dheer ka qortay Taariikhda Dalka Imaaraadka Carabta, galaangalka siyaasadeed ee ay ku leedahay dunida Carabta, Waqooyiga iyo Bariga Afrika. Wuxuu ka warramay dagaalka siyaasadeed iyo ka Ciidan ee sida Dadban uga dhexeeya Imaaraadka iyo Turkiga, isagoo Tusaale u soo qaatay Taageeradii uu Turkigu u fidiyey Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Dalka Liibiya iyo Taageeradii Xulafada Imaaraadku ka midka yahay siiyaan Generaal Khaliifa Xaftar oo Liibiya ka wada dagaal uu kaga soo horjeeda Dawladda Fadhigeedu yahay Tripoli. Wuxuu sheegay in dagaalka siyaasadeed ee labada Dawladood ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ka dhexeeyaa ku koobnayn oo keliya Taageerada Milletari ee siiyaan dhinacyada iskaga soo horjeeda Liibiya, balse uu dagaalkoodu xidhiidhsan yahay illaa Soomaaliya. Warbaahinta T54.com, waxay sheegtay in Imaaraadku ka dagaalamayo in Turkigu awooddiisa ku fidiyo Gobolka Geeska Afrika, sidaasi darteed markii Turkigu uu Saldhigga Ciidan ka hirgeliyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uu Imaaraadkuna uu Saldhig Ciidan ka samaystay Magaalada Berbera, maaddaama oo uu xidhiidh la leeyahay Somaliland oo 1991-kii Xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya. “Juquraafi ahaan, Imaaraadku wuxuu sii waday inuu Milletari ahaan iskugu fidiyo dhul fog, si uu u sii joogteeyo dib u dhaca Turkiga..” ayuu War-bixintiisa ku sheegay T54.com, waxayna intaa u dartay “Turkigu intuu isku muujinayey Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Imaaraadku wuxuu Saldhig Ciidan ka dhistay Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed, isagoo taageeraya Somaliland oo Madax-banaanideeda ku dhawaaqday 1991..” Source
-
Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Shirka Madaxda uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep, sidoo kalena looga wada hadli doono xalinta khilaadka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa. Waxaa uu sheegay in Shirka ay kasoo qeyb geli doonaan dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta looga baahan yahay hoggaaminta Shirkaas ka dhacaya Muqdisho. Sidoo kale Daahir Geelle ayaa tilmaamay inay doonayaan ka qeyb galka Shirka Madaxda, isla markaana caddeeyay inay weli Ra’iisul Wasaare Rooble ku taageerayaan daadihiinta hanaanka doorashooyinka dalka. Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada Shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada, waxaana uu sheegay in shirkaas uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep ee horey u gaareen Madaxda. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo ka hadlay Shirka Arrimaha doorashooyinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi ( Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya saacadihii lasoo dhaafay lagula eegtay gobolka Xeebta Laamu ee dalkaasi. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Baure oo ka tirsan Lamu. Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee qaaday weerarkan oo ah mid dhabo-gal ah. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin xoogan, kadib dagaalka ay la galeen kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale ciidmada Kenya ayaa sameeyey qaraxa, kadib howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi oo meesha ka baxsaday. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan labo askari, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka tirsan ciidmada Kenya, kuwaas oo dhaawacyadooda loo qaaday magaalada Narlirobi. Al-Shabaab oo dhankeeda guulo ka sheegtay weerarkan waxay shaacisay in sidoo kale ay kusoo furatay saanad milatari oo ay lahaayeen ciidamada la weeraray. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi. The post Qarax lagu dilay Askar Kenyaan ah oo ka dhacay gobolka Laamu appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal culus oo ka qarxay JOWHAR iyo wararkii ugu dambeeyey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ee Jowhar ayaa ku warramaya in goor dhow dagaal culus uu ka qarxay banaanka magaaladaasi, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inuu dagaalkan u dhexeeyo ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo dhinac iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda magac-baxday Macawisley ee ka dagaalanta deegaano hoostaga maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad fara badan oo ka tirsan kooxda Macawiisley ay saacadihii lasoo dhaafay buux dhaafiyeen deegaano dhaca duleedka magaalada Jowhar, kuwaas oo ka yimid dhinaca xiga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Booliiska maamulka HirShabelle iyaguna ay bilaabeen inay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay wado kooxdaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka u dhexeeya labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi xoogleh ka muujinayaan inuu saameyn ballaaran ku yeesho dagaalkaasi, maadaama lagu kor dirirayo. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya saraakiisha ciidamada dowladda iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka ka socda magaalada Jowhar oo xarun u ah gobolka Sh/ Dhexe. Dagaalkan ayaa daba socda xarig loo geystay taliyihii maleeshiyaadka Macwiisley oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin oo loo yaqaano (Dufaarow) iyo afar ka mid ah askartiisa, kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii la’isku qabtay lacago ay ka qaadayeen gaadiidka. Si kastaba Jowhar ayaa waxa ay horey ula daala-dhaceysay xaalad ka dhalatay fataahad wabiga Shabelle uu ka geystay magaaladaasi iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada. The post Dagaal culus oo ka qarxay JOWHAR iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka dalka. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa wuxuu ku sheegay inuu muhiim yahay shirka wada-tashiga doorashooyinka ee lagu wado inuu 20-ka bishan oo beri ku beegan uu ka dhaco Muqdisho.. Nicolas Berlanga ayaa uga digay hoggaamiyeesha Soomaalida fashil horleh oo ku yimaada shirkan, sida wada-hadalladii ka dhacay Afisyoone iyo kuwii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shirkan uu yahay fursaddii ugu dambeysay, loona baahan yahay in la muujiyo tanaasul, si looga gudbo caqabadaha hareeyey doorashooyinka Somalia oo aad uga daahay waqtigii loo asteeyey, sababo la xiriira khilaafka ka jira dalka. “Dhacdooyinkii usbuucyadii la soo dhaafay waxay muujinayaan shir-madaxeedka soo socdaa inuu yahay fursadda keliya ee hartay ee lagu muujiyo sida looga go’an yahay mustaqbalka Soomaaliya. Cidna ma ahan in ay kharibto ama ay ishortaagto heshiis,” ayuu yiri Nicolás Berlanga oo ah wakiilka Midowga Yurub ee u qaabilsan Soomaaliya. Digniintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo aysan weli magaalada Muqdisho soo gaarin madax goboleedyada dalka ee lagu casuumay shirka 20-ka May oo ay xukuumadda federaalka Soomaaliya shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah u furmayo beri oo ah maalin Khamiis ah. Si kastaba shalay aheyd markii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qaabilay wakiilada beesha caalamka, isaga oo ka hor ballan qaaday in uusan dib u dhici doonin shirka loo madalsan yahay ee arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada. The post Midowga Yurub oo soo saaray digniin la xiriirta shirka 20-ka May appeared first on Caasimada Online.
-
Berri oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shirka doorashada looga hadlayo ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada. Shirkan oo uu horay isaga baxay Farmaajo 7-badii April ayaa rajo laga qabaa in raísul wasaare Rooble ku guuleysto wixii uu ku guuldareystay ninka isaga magacaabay, isla markaana uu la yimaado aragti hoggaan iyo go’áan qaadasho adag. Maxaa Keenay Fashilka Shirkii hore ee Afisyooni: Inta aanu sidoo kale Farmaajo isaga bixin shirkii ka horeeyey midka Afisyooni ee Dhuusamareeb 4 horraantii February, isla markaana uu ahaa madaxweyne sharci ah, waxaa uu wadahadalka doorashada joogay saddex qodob oo dhameystir u ah heshiiskii September 17 kuwaas oo kala ahaa: (1). Gedo in lagu celiyo gacanta Jubbaland (2). Somaliland inuu hoggaamiyo Cabdi Xaashi oo ah guddoomiyaha aqalka sare (3). Guddiga doorashada in laga saaro shaqaalaha xafiisyada Farmaajo iyo Rooble iyo ciidanka, iyada oo xataa arrimahaas xal looga gaaray shir farsamo oo ka dhacay Baydhabo February 16. Haddaba, markii uu Farmaajo shirkaasi kasoo tagay, waxaa ka dhacay sharciyaddii madaxweynnimo, si awoodihiisa u sii jiraan waxaa uu ku dhaqaaqay tallaabooyin loo arkin colaad iyo kursi isku dhejin, waxaa uuna hortagay golaha shacabka, gudbiyana gar naqsi iyo dacwo ka dhan maamul goboleedyada tiiyo keentay in waxa uu rabo ka sameysto golaha, waxaana xigay qalalaaso agu bar tilmaameedsaday musharaxiinta madaxweynaha, taasi oo soo dedejisay in markii April la yimid Afisyooni lagu daro saddexdii qodob ee shirkii Dhuusamareeb 4 ilaa Todobo qodob oo kale kuwaas oo kala ahaa: 1: In Baarlamaanku uu noqdo kusime, isla markaana aanu wax shaqo dastuuri ah qaban. 2: In Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu qoro warqad uu ku cadeynayo in uu kusime yahay, uuna laalo awoodaha dastuuriga ah ee madaxweynnimo. 3: Xukuumaddu noqoto xil gaarsiin oo aysan qaadan qaraaro mustaqbalka sameyn yeesha 4: In Beesha Caalamka ay damaanad qaade ka noqoto heshiiska dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada 5: In shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada ee qeeybta ka ahaa weerarkii 19 February Muqdisho ka dhacay , ee loo geystay madaxweeynayaashi hore . 6. in Shirka ka qeybgalaan saamileyda siyaasadda, oo aan lagu koobin oo keliya DF iyo dowlad goboleedyada. 7. In aan la siyaasadeyn ciidanka, isla markaana amniga doorashada lagu wareejiyo booliis iyo AMISOM. Arrimahaas oo uu Farmaajo ka biyo diiday, isagana baxay shirka Afisyooni iyada oo ay joogaan maamul goboleedyada. Haddaba, mar haddii maamulka shirkan 20-ka bisha iyo guud ahaan doorashada uu la wareegay raísul wasaare Maxamed Rooble, waxaa la gudboon in dabacsanaan uu ka muujiyo arrimaha horay la isugu diiday, tashina aanu kula laaban Farmaajo oo uu isugu go’áan qaato, isla markaana uu ogaado in markan ay tahay rajadii ugu dambeysay ee arrimaha doorashada 2021-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nairobi)-Warbaahinta Kenya ayaa werineysa in Soomaaliya iyo Kenya ay gaadheen heshiis ay Qatar ka shaqeysay oo ay si siman ugu wadaagayaan dakhliga kasoo xarooda shidaalka iyo gaaska laga soo saaro dhul baddeedka Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin. Wargeyska The Star ayaa qoray inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaya saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxeexo Doha, sida uu sheegay. Dowladda Soomaaliya weli kama hadal heshiiskan la sheegay, hase yeeshee waxay hore u beenisay in madaxweyne Farmaajo uu kulan ku saabsan arrinta badda Doha kula yeelanayo Uhuru Kenyatta. Waxay sidoo kale sheegtay in kiiska badda iyo xidhiidhka lasoo celiyey ee Kenya ayna isku xidhneyn. Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee Eni, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xidhmooyin ku yaalla dhulka ay ku mursan sanyihiin Soomaaliya iyo Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya. Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee Total, taasi oo iyada oo ay wehliso Eni ay leeyihiin 25% xidhmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-baddeedka lagu muransan yahay. Xidhmooyinka shidaal ee Eni ay ka iibisay Qatar ayaa la rumeysan yahay in cabirkooda uu dhan yahay 15,000 oo isku wareeg feet ah. Qatar ayaa qorsheysay inay shidaal sahmin ka sameyso dhulkaas sannadkii tegay, hase yeeshee ka laabatay qorshahaas ayada oo aan shaacin sababta. Qatar ayaa laba toddobaad ka hor ku guuleysatay inay dib usoo celiso xidhiidhkii diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya. Si kastaba, diblomaasi Qatari ah oo ku usgan Nairobi, islamarkaana codsaday inaan la magacaabin, ayaa The Star u sheegay in Qatar ayna sidaas u sameyn si ay u ilaashato danaheeda shidaalka ee dhul-baddeedka. “Waa run in Qatar Petroleum ay 2019-kii iibsatay saddex xidhmo oo shidaal laga sahminayo kuna yaalla badweyne Indian Ocean, kana tirsan Kenya. Si kastaba, xidhmooyinkaas kama mid ahan dhul-baddeedka ay ku loolamayaan kenya iyo Sooomaaliya,” ayuu yidhi. Waxa uu intaas ku daray in Qatar ay xidhiidh ganacsi la leedahay labada dal, islamarkaana khilaaf kasta oo dhex-mara aanu u wanaagsaneyn. Source
-
Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo falalka arxan darrada ah ee ay Israa’iil kula kaceyso dadka rayidka ah ee marinka Gaza ku nool. Bayaan ka soo baxay hay’addda Amnesty International ayaa lagu sheegay in weerarada cirka ah ee Israa’iil ay ku dhinteen carruur, haween iyo dad badan oo rayid ah oo qaarkood isku qoys yihiin. Bayaanka ayaa intaas ku daray in Israa’iil duqeysay dhismooyin waa weyn oo xafiisyo u ahaa shirkado kala duwan iyo guryo ay degganaayeen dad rayid ah. Hay’adda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la baaro weerarada Israa’iil, iyadoo la eegayo dembiyada ka dhanka ah beni’aadannimada ee ay ku kaceen ciidamada Israa’iil. PUNTLAND POST The post Amnesty International oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dowladda Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
South African President Cyril Ramaphosa tells FRANCE 24 that the situation in Gaza reminds him of the apartheid era in his own country, with Israeli actions against the Palestinians evocative of an apartheid state. He said South Africa stands by the Palestinians but urged both sides to sit down and negotiate as was done in South Africa in the early 1990s. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Ilo-wareedyo lagu kalsoon ayaa sheegay in dhallinyaro Soomaali ah oo ka badan 10 qof ay xoog uga soo baxsadeen xeradii tababarka ee dalka Eritrea kadib markii ay ka gadoodeen muddo dheer oo ay halkaas joogaan. Dhalinyarada soo baxsatay ayaa la sheegay in qaarkood ay ku geeriyoodeen jidka intii ay safarka soo haayeen halka qaar kalane ay ku dhinteen rabshado ay kala kulmeen Qowmiyadda Canfarta, iyadoo tiro kooban ay safar dhulka ah ku soo gaadheen dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dhallinyaradaan ay soo galeen gudaha Soomaaliya balse ay jiraan iskaashi ay sameeyeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu baadi goobayo dhalinyaradaan. Sida aan kasoo xiganay dad ehel la ah, qaar kamid ah dhalinyaradaan oo soo galay gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay la soo hadleen dad ku xidhan Villa Somalia oo lacag badan u ballan-qaaday si ayna warbaahinta uga hadal, uguna yimaadaan dowladda. Waxay sidoo kale sheegeen in loo hanjabay markii ay diideen yaboohyadii loo sameeyey, welina ay hadda ku jiraan baxsad ayna raadinayaan xubno kamid ah sirdoonka Itoobiya. Villa Somalia ayaa dadaal kasta u mareysa in dhallinyaradaas ayna warbaahinta ka hadal, taasi oo haddii ay dhacdo banaanka keeni doonto sirtii sannado badan la qarinayey ee ku gadaaman dhallinyarada askar ahaanta loo geeyey Asmara. Waalidiin badan ayaa maalmahan Muqdisho ka dhigayay banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego carruurta kaga maqan dalka Eritrea oo ay dowladda Soomaaliya ugu qaaday in shaqo ilaalo ah loo gaynayo Qatar. Source