Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ee Jowhar ayaa ku warramaya in goor dhow dagaal culus uu ka qarxay banaanka magaaladaasi, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inuu dagaalkan u dhexeeyo ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo dhinac iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda magac-baxday Macawisley ee ka dagaalanta deegaano hoostaga maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad fara badan oo ka tirsan kooxda Macawiisley ay saacadihii lasoo dhaafay buux dhaafiyeen deegaano dhaca duleedka magaalada Jowhar, kuwaas oo ka yimid dhinaca xiga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Booliiska maamulka HirShabelle iyaguna ay bilaabeen inay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay wado kooxdaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka u dhexeeya labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi xoogleh ka muujinayaan inuu saameyn ballaaran ku yeesho dagaalkaasi, maadaama lagu kor dirirayo. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya saraakiisha ciidamada dowladda iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka ka socda magaalada Jowhar oo xarun u ah gobolka Sh/ Dhexe. Dagaalkan ayaa daba socda xarig loo geystay taliyihii maleeshiyaadka Macwiisley oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin oo loo yaqaano (Dufaarow) iyo afar ka mid ah askartiisa, kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii la’isku qabtay lacago ay ka qaadayeen gaadiidka. Si kastaba Jowhar ayaa waxa ay horey ula daala-dhaceysay xaalad ka dhalatay fataahad wabiga Shabelle uu ka geystay magaaladaasi iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada. The post Dagaal culus oo ka qarxay JOWHAR iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka dalka. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa wuxuu ku sheegay inuu muhiim yahay shirka wada-tashiga doorashooyinka ee lagu wado inuu 20-ka bishan oo beri ku beegan uu ka dhaco Muqdisho.. Nicolas Berlanga ayaa uga digay hoggaamiyeesha Soomaalida fashil horleh oo ku yimaada shirkan, sida wada-hadalladii ka dhacay Afisyoone iyo kuwii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shirkan uu yahay fursaddii ugu dambeysay, loona baahan yahay in la muujiyo tanaasul, si looga gudbo caqabadaha hareeyey doorashooyinka Somalia oo aad uga daahay waqtigii loo asteeyey, sababo la xiriira khilaafka ka jira dalka. “Dhacdooyinkii usbuucyadii la soo dhaafay waxay muujinayaan shir-madaxeedka soo socdaa inuu yahay fursadda keliya ee hartay ee lagu muujiyo sida looga go’an yahay mustaqbalka Soomaaliya. Cidna ma ahan in ay kharibto ama ay ishortaagto heshiis,” ayuu yiri Nicolás Berlanga oo ah wakiilka Midowga Yurub ee u qaabilsan Soomaaliya. Digniintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo aysan weli magaalada Muqdisho soo gaarin madax goboleedyada dalka ee lagu casuumay shirka 20-ka May oo ay xukuumadda federaalka Soomaaliya shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah u furmayo beri oo ah maalin Khamiis ah. Si kastaba shalay aheyd markii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qaabilay wakiilada beesha caalamka, isaga oo ka hor ballan qaaday in uusan dib u dhici doonin shirka loo madalsan yahay ee arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada. The post Midowga Yurub oo soo saaray digniin la xiriirta shirka 20-ka May appeared first on Caasimada Online.
  3. Berri oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shirka doorashada looga hadlayo ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada. Shirkan oo uu horay isaga baxay Farmaajo 7-badii April ayaa rajo laga qabaa in raísul wasaare Rooble ku guuleysto wixii uu ku guuldareystay ninka isaga magacaabay, isla markaana uu la yimaado aragti hoggaan iyo go’áan qaadasho adag. Maxaa Keenay Fashilka Shirkii hore ee Afisyooni: Inta aanu sidoo kale Farmaajo isaga bixin shirkii ka horeeyey midka Afisyooni ee Dhuusamareeb 4 horraantii February, isla markaana uu ahaa madaxweyne sharci ah, waxaa uu wadahadalka doorashada joogay saddex qodob oo dhameystir u ah heshiiskii September 17 kuwaas oo kala ahaa: (1). Gedo in lagu celiyo gacanta Jubbaland (2). Somaliland inuu hoggaamiyo Cabdi Xaashi oo ah guddoomiyaha aqalka sare (3). Guddiga doorashada in laga saaro shaqaalaha xafiisyada Farmaajo iyo Rooble iyo ciidanka, iyada oo xataa arrimahaas xal looga gaaray shir farsamo oo ka dhacay Baydhabo February 16. Haddaba, markii uu Farmaajo shirkaasi kasoo tagay, waxaa ka dhacay sharciyaddii madaxweynnimo, si awoodihiisa u sii jiraan waxaa uu ku dhaqaaqay tallaabooyin loo arkin colaad iyo kursi isku dhejin, waxaa uuna hortagay golaha shacabka, gudbiyana gar naqsi iyo dacwo ka dhan maamul goboleedyada tiiyo keentay in waxa uu rabo ka sameysto golaha, waxaana xigay qalalaaso agu bar tilmaameedsaday musharaxiinta madaxweynaha, taasi oo soo dedejisay in markii April la yimid Afisyooni lagu daro saddexdii qodob ee shirkii Dhuusamareeb 4 ilaa Todobo qodob oo kale kuwaas oo kala ahaa: 1: In Baarlamaanku uu noqdo kusime, isla markaana aanu wax shaqo dastuuri ah qaban. 2: In Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu qoro warqad uu ku cadeynayo in uu kusime yahay, uuna laalo awoodaha dastuuriga ah ee madaxweynnimo. 3: Xukuumaddu noqoto xil gaarsiin oo aysan qaadan qaraaro mustaqbalka sameyn yeesha 4: In Beesha Caalamka ay damaanad qaade ka noqoto heshiiska dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada 5: In shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada ee qeeybta ka ahaa weerarkii 19 February Muqdisho ka dhacay , ee loo geystay madaxweeynayaashi hore . 6. in Shirka ka qeybgalaan saamileyda siyaasadda, oo aan lagu koobin oo keliya DF iyo dowlad goboleedyada. 7. In aan la siyaasadeyn ciidanka, isla markaana amniga doorashada lagu wareejiyo booliis iyo AMISOM. Arrimahaas oo uu Farmaajo ka biyo diiday, isagana baxay shirka Afisyooni iyada oo ay joogaan maamul goboleedyada. Haddaba, mar haddii maamulka shirkan 20-ka bisha iyo guud ahaan doorashada uu la wareegay raísul wasaare Maxamed Rooble, waxaa la gudboon in dabacsanaan uu ka muujiyo arrimaha horay la isugu diiday, tashina aanu kula laaban Farmaajo oo uu isugu go’áan qaato, isla markaana uu ogaado in markan ay tahay rajadii ugu dambeysay ee arrimaha doorashada 2021-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Nairobi)-Warbaahinta Kenya ayaa werineysa in Soomaaliya iyo Kenya ay gaadheen heshiis ay Qatar ka shaqeysay oo ay si siman ugu wadaagayaan dakhliga kasoo xarooda shidaalka iyo gaaska laga soo saaro dhul baddeedka Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin. Wargeyska The Star ayaa qoray inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaya saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxeexo Doha, sida uu sheegay. Dowladda Soomaaliya weli kama hadal heshiiskan la sheegay, hase yeeshee waxay hore u beenisay in madaxweyne Farmaajo uu kulan ku saabsan arrinta badda Doha kula yeelanayo Uhuru Kenyatta. Waxay sidoo kale sheegtay in kiiska badda iyo xidhiidhka lasoo celiyey ee Kenya ayna isku xidhneyn. Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee Eni, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xidhmooyin ku yaalla dhulka ay ku mursan sanyihiin Soomaaliya iyo Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya. Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee Total, taasi oo iyada oo ay wehliso Eni ay leeyihiin 25% xidhmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-baddeedka lagu muransan yahay. Xidhmooyinka shidaal ee Eni ay ka iibisay Qatar ayaa la rumeysan yahay in cabirkooda uu dhan yahay 15,000 oo isku wareeg feet ah. Qatar ayaa qorsheysay inay shidaal sahmin ka sameyso dhulkaas sannadkii tegay, hase yeeshee ka laabatay qorshahaas ayada oo aan shaacin sababta. Qatar ayaa laba toddobaad ka hor ku guuleysatay inay dib usoo celiso xidhiidhkii diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya. Si kastaba, diblomaasi Qatari ah oo ku usgan Nairobi, islamarkaana codsaday inaan la magacaabin, ayaa The Star u sheegay in Qatar ayna sidaas u sameyn si ay u ilaashato danaheeda shidaalka ee dhul-baddeedka. “Waa run in Qatar Petroleum ay 2019-kii iibsatay saddex xidhmo oo shidaal laga sahminayo kuna yaalla badweyne Indian Ocean, kana tirsan Kenya. Si kastaba, xidhmooyinkaas kama mid ahan dhul-baddeedka ay ku loolamayaan kenya iyo Sooomaaliya,” ayuu yidhi. Waxa uu intaas ku daray in Qatar ay xidhiidh ganacsi la leedahay labada dal, islamarkaana khilaaf kasta oo dhex-mara aanu u wanaagsaneyn. Source
  5. Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo falalka arxan darrada ah ee ay Israa’iil kula kaceyso dadka rayidka ah ee marinka Gaza ku nool. Bayaan ka soo baxay hay’addda Amnesty International ayaa lagu sheegay in weerarada cirka ah ee Israa’iil ay ku dhinteen carruur, haween iyo dad badan oo rayid ah oo qaarkood isku qoys yihiin. Bayaanka ayaa intaas ku daray in Israa’iil duqeysay dhismooyin waa weyn oo xafiisyo u ahaa shirkado kala duwan iyo guryo ay degganaayeen dad rayid ah. Hay’adda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la baaro weerarada Israa’iil, iyadoo la eegayo dembiyada ka dhanka ah beni’aadannimada ee ay ku kaceen ciidamada Israa’iil. PUNTLAND POST The post Amnesty International oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dowladda Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  6. South African President Cyril Ramaphosa tells FRANCE 24 that the situation in Gaza reminds him of the apartheid era in his own country, with Israeli actions against the Palestinians evocative of an apartheid state. He said South Africa stands by the Palestinians but urged both sides to sit down and negotiate as was done in South Africa in the early 1990s. Source: Hiiraan Online
  7. At least two security personnel were on Tuesday killed and three injured after their lorry drove over an Improvised Eplosive Device in Baure area, Lamu county. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Hargeysa)-Ilo-wareedyo lagu kalsoon ayaa sheegay in dhallinyaro Soomaali ah oo ka badan 10 qof ay xoog uga soo baxsadeen xeradii tababarka ee dalka Eritrea kadib markii ay ka gadoodeen muddo dheer oo ay halkaas joogaan. Dhalinyarada soo baxsatay ayaa la sheegay in qaarkood ay ku geeriyoodeen jidka intii ay safarka soo haayeen halka qaar kalane ay ku dhinteen rabshado ay kala kulmeen Qowmiyadda Canfarta, iyadoo tiro kooban ay safar dhulka ah ku soo gaadheen dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dhallinyaradaan ay soo galeen gudaha Soomaaliya balse ay jiraan iskaashi ay sameeyeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu baadi goobayo dhalinyaradaan. Sida aan kasoo xiganay dad ehel la ah, qaar kamid ah dhalinyaradaan oo soo galay gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay la soo hadleen dad ku xidhan Villa Somalia oo lacag badan u ballan-qaaday si ayna warbaahinta uga hadal, uguna yimaadaan dowladda. Waxay sidoo kale sheegeen in loo hanjabay markii ay diideen yaboohyadii loo sameeyey, welina ay hadda ku jiraan baxsad ayna raadinayaan xubno kamid ah sirdoonka Itoobiya. Villa Somalia ayaa dadaal kasta u mareysa in dhallinyaradaas ayna warbaahinta ka hadal, taasi oo haddii ay dhacdo banaanka keeni doonto sirtii sannado badan la qarinayey ee ku gadaaman dhallinyarada askar ahaanta loo geeyey Asmara. Waalidiin badan ayaa maalmahan Muqdisho ka dhigayay banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego carruurta kaga maqan dalka Eritrea oo ay dowladda Soomaaliya ugu qaaday in shaqo ilaalo ah loo gaynayo Qatar. Source
  9. Laba ruux ayaa sida la xaqiijiyay ku dhintay qarax xalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana ku dhaawacmay hal qof oo kale. Labada qof ee dhintay iyo kan dhaawacmay ayaa la sheegay in ay wateen mooto bajaaj qaraxyo laga soo buuxiyay taas oo iyagii ku qaraxday. Lama soo werin cid kale oo wax ku noqotay qaraxa waxaana laamaha Amniga Galmudug bilaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadaas. Sidoo kale hay’adaha Amniga Galmudug waxay xireen dad kala duwan lagu tuhunsanyahay in ay xiriir la leeyihiin kuwii qaraxa watay. PUNTLAND POST The post Qarax dad ku dhinteen oo ka dhacay koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxda dowlad gobaleedyada dalka ayaa saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho, oo ay beri kaga qeyb galayaan shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Dhamaan madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka ayaa la filaya in ay soo caga dhigtaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka . Madaxdan ayaana berri oo khamiis ah waxaa magaalada Muqdisho uga furmayo shirka wadatashiga doorashooyinka dalka oo mudda dhowr bil ah dib u dhacayay . Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilawgii bishaan markii lagu warejiyay hirgelinta arrimaha doorashooyinka dalka waxa uu madaxda dowlad gobaleedyada dalka ugu baaqay in ay 20 May shir muqdisho isugu yimaadan si loo soo afjaro khilaafaadka doorashada loogana heshiiyo waqtiga doorashooyinka dalka ay dhacayaan . Xubnaha mucaaradka ayaa dhankooda rajo wanaagsan ka muujiyay shirka berri uga furmaya Muqdisho madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka . Shirkan xukuumadda ay garwadeenka ka tahay ayaa yimid kadib markii la fashiliyay qorsha Farmaajo uu mudda kordhin ku sameystay. GoobJoog News Source: goobjoog.com
  11. Two teenagers wearing hijabs were walking home from a school bus stop in 2017 when they said a man shouted at them and told them to go back to their country. The same man is accused of attacking their father with a knife when he stepped in to defend them. Source: Hiiraan Online
  12. The self-declared country of Somaliland remains largely unrecognized by the rest of the world. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa iska riixay isku day ay madaxtooyada ku dooneysay inay kusoo faro-geliso howshiisa la xiriirta hoggaaminta arrimaha doorashooyinka dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu diiday soo-jeedin ka timid madaxtooyada oo aheyd in Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, loo soo wareejiyo xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka 20-ka May ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Rooble ayaa tallaabada madaxtooyada u arkay isku day saameyn loogu dhex-yeelanayo, taasi oo dhaawici kartay kalsoonida ay ku qabaan mucaraadka iyo maamul goboleedyada kale oo weli u arka inuu yahay dhex-dhexaad. Ma cadda, sababta ujeedka ay madaxtooyada ka laheyd qorshaha Cabdi Cali Raage loogu soo darayey kooxda ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee Farmaajo ayaa horey loogu eedeeyey inuusan dooneyn inuu fursad siiyo, oo uu howlihiisa u madax baneeyo Rooble. “Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Ra’iisal Wasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato. Haddaba Ra’iisl Wasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu qaado tallaabooyin xoojinaya filashada laga qabo ee ah in uu Farmaajo fariinka u qabto, xeeriyana danta shacbaka Soomaaliyeed, muujiyana in uu ka madax bannaan yahay saameynta taban ee Farmaajo iyo kooxdiisa,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabidraxmaan Cabdishakuur. Tallaabada uu qaaday Rooble ee uu ku diiday Cabdi Cali Raage ayaa sii xoojin karta kalsoonida ay ku qabaan Midowga Musharaxiinta, oo maalmihii ugu dambeeyey taageero xooggan u muujinayey ra’iisu wasaaraha, waxaana ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay sheegay inuu kalsooni ku qabo Rooble. “Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaallada socda ee xal u helidda arrimaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Shariif. The post Xog: Rooble oo diiday qorshe ay Villa Somalia ugu soo wareejin laheyd Cabdi Cali Raage appeared first on Caasimada Online.
  14. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Galkacayo ee xarunta gobalka Mudug gaar ahaan dhina Galmudug. Qaraxan inta badan jugtiisa xaafadaha magaalada laga maqlay ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Hotel Embassy oo ku yaalla gudaha magaalada . Taliska ciidamada booliiska magaalada Galkacayo ayaa sheegay in Rag watay jaakad laga soo buuxiyay waxyabaha qaraxa oo saarnaa moota Bajaaj uu la qarxay qaraxii ay wateen sida ay hadalka u dhigeen . Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa kuwas oo la sheegay in ay ahaayeen raggii qarax waday, waxa ayna laamaha amniga magaalada Gaalkacayo ay sheegen in aysan jirin cid kale oo khasaaro ay ka soo gaartay Qaraxa . Sikastaba magaalada Galkacayo iyo deeganada kale ee maamulka galmudug ayaa tiro dhowr jeer ah oo hora ay ka dhaceen qaraxyo noocan oo kale ah . GoobJoog Source: goobjoog.com
  15. The suspects dumped the body of the victim, Jama Said Farah, near a hotel close to the Delhi Airport and took away his luggage to ensure be couldn’t be identified. Source: Hiiraan Online
  16. Beledweyne (HOL) - A delegation of federal ministers, parliamentarians, and government officials arrived in Beledweyne on Monday to mediate inter-clan conflicts that broke out in the town's western suburbs. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - Police in Galkayo town say they thwarted a suicide bomb attack on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  18. I read your article yesterday on Foreign Policy with keen eyes and interest. While whining from public officials does not deserve response from any sensible citizen of the Republic of Somalia, Source: Hiiraan Online
  19. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa ka hadashay hadal dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku saabsanaa colaadda Israa’iil iyo Falastiin. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Erdogan u adeegsaday ereyo ka dhan ah dadka Yuhuudda, isla markaana ay si xooggan u cambaareynayaan hadalladaas foosha xun. Madaxweyne Erdogan wuxuu Israa’iil ku tilmaamay ‘dal dilaa ah’ xilli uu Isniintii ka hadlay dagaalka Israa’iil iyo Falastiin. Wuxuu sheegay in go’aanka uu Mareykanka ku shaaciyay in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil ay sare u qaadi karto damaca Israa’iil ay dhiig badan ku daadin karto. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo cambaareeyay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Turkiga appeared first on Puntland Post.
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya ayaa werineysa in Soomaaliya iyo Kenya ay gaareen heshiis ay Qatar ka shaqeysay oo ay si siman ugu wadaagayaan dakhliga kasoo xarooda shidaalka iyo gaaska laga soo saaro dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay muranka gelisay. Wargeyska The Star ayaa qoray inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaya saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxiixo Doha, sida uu sheegay. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadal heshiiskan la sheegay, hase yeeshee waxay horey u beenisay in madaxweyne Farmaajo uu kulan ku saabsan arrinta badda Doha kula yeelanayo Uhuru Kenyatta. Waxay sidoo kale sheegtay in kiiska badda iyo xiriirka lasoo celiyey ee Kenya aysan isku xirneyn. Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee Eni, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xirmooyin ku yaalla dhulka muranka ay gelisay Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya. Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee Total, taasi oo ayada oo ay wehliso Eni ay leeyihiin 25% xirmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-badeedka ay muranka gelisay Kenya. Xirmooyinka shidaal ee Eni ay ka iibisay Qatar ayaa la rumeysan yahay in cabirkooda uu dhan yahay 15,000 oo isku wareeg feet ah. Qatar ayaa qorsheysay inay shidaal sahmin ka sameyso dhulkaas sanadkii tegay, hase yeeshee ka laabatay qorshahaas ayada oo aan shaacin sababta. Qatar ayaa laba toddobaad kahor ku guuleysatay inay dib usoo celiso xiriirkii diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya. Si kastaba, diblomaasi Qatari ah oo ku usgan Nairobi, islamarkaana codsaday inaan la magacaabin, ayaa The Star u sheegay in Qatar aysan sidaas u sameyn si ay u ilaashato danaheeda shidaalka ee dhul-badeedka. “Waa run in Qatar Petroleum ay 2019-kii iibsatay saddex xirmo oo shidaal laga sahminayo kuna yaalla badweyne Indian Ocean, kana tirsan Kenya. Si kastaba, xirmooyinkaas kama mid ahan dhul-badeedka ay ku loolamayaan kenya iyo Sooomaaliya,” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in Qatar ay xiriir ganacsi la leedahay labada dal, islamarkaana khilaaf kasta oo dhex-mara aanu u wanaagsaneyn. The post Warbaahinta dalka Kenya oo werineysa in Soomaaliya iyo Kenya ay KIISKA BADDA ka gaareen heshiis ah 50:50 appeared first on Caasimada Online.
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shalay si weyn ugu dalaal degtay xuska 18-ka May oo ah markii la aas-aasay maamulkaasi, muddo hadda laga joogo 30-sano, waxaana tan markaas ay xukuumadda Hargeysa raadineysaa Ictiraaf gooni ah. Madaxweyne Muuse Biixi oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad dabaal-deg ah oo lagu qabtay gudaha magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey caqabadda hortaagan inay aqoonsi hesho Somaliland, wuxuuna shaaca ka qaaday inay tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay kasoo horjeedo horumarkooda, sida uu hadalka u dhigay. Biixi ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dowladda kaliya ee kasoo horjeedo qaranimadooda marka la eego dhammaan dowladaha ka jira caalamka. “Maanta dalalka boqol iyo dhowr iyo sagaashanka dowladood ee aduunka jira dowladda qudha ah ee aan ogleyn ee ka soo horjeeda qaranimada Somaliland waa dowladda Xamar ka dhisan ee watigeeda dhamaaday,” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Muuse Biixi. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ka xukuumad ah ay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii ay Somaliland ku heli laheyd ictiraaf gooni ah, isla-markaana ay waqti iyo dhaqaalaba ku bixin doonaan jiritaan iyo sidoo kale madax banaanida ‘qaranimada’ Somaliland. “Yoolkeena kowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada golayaasha caalamiga ah oo aysan cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo,qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiigii loo soo daadiyay mid ka badan ayaanu u daadinaynaa hadii ictiraafka loo baahdo,” ayuu markale yiri madaxweynaha Somaliland. Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay dooneyso inay dowladaha caalamka iyo kuwa gobolka ay kula noolaato nabad iyo xasilooni, si loo wada ilaaliyo darisnimada iyo wax wada qeybsiga ee ka dhexeeya dhammaan dowladaha caalamka. Si kastaba, Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, welina ma helin aqoonsi gooni ah, waxaana soo maray dhowr madaxweyneyaal oo dadaal ku bixiyey qaddiyada Somaliland, balse ma jirto wax natiijo oo kasoo baxay damacaas iyo dadaalka ay Somaliland ku dooneyso madax banaanideeda. The post Yaa hortaagan aqoonsiga Somaliland, 30 sano kadib? appeared first on Caasimada Online.
  22. Munaasibada xuska 30-aad ee 18-ka May oo si Mug & Miisaanle looga Xusay Gobollada Sool & Awdal Munaasibada 30 guurada xuska maalinta Qaran ee 18-ka May ayaa laga xusay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana ka qayb galay maamulka gobolka Sool, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Xuska munaasibadan waxaa hadalo ka jeediyay, odayaasha, waxgaradka, waayeelka iyo sulaadiinta gobolkaasi, waxaanay bulshada ku waaniyeen inay ilaashadaan xasiloonida, iyo wada jirka maaddama Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ay sodon sano jirsatay. Sidoo kale waxaa ay xuseen in Somaliland uu ka tisqaaday horumar dhinacyo badan taabanaya, waaanay bulshada ugu hanbalyeeyeen xuska munaasibada 18-ka May. Taliyaha aaga bari ee ciidanka Qaranka Somaliland sarreeyo guuto Cali Barre Xuseen iyo taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Sool gaashaanle sare Axmed Cabdillaahi Cabdi, ayaa iyaguna waxaa ay ku boggaadiyeen gud ahaan ciidamada kala duwan ee gobolkaasi xuska maalinta Qaran ee 18-ka May, waxaanay ku ammaaneen ciidanka sida ay markasta hegaanka ugu yihiin ilaalinta nabada iyo difaaca Qaranka Somaliland. Guddoomiyaha gobolka Sool, mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo duqa degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa bulshada ku nool gobolka Sool iyo degmada Laascaanood u diray hanbalyo la xidhiidha xuska maalinta Qaran ee 18-ka May, iyaga oo ugu baaqay in ay si wada jira uga wada shaqeeyaan horumarka Somaliland. Geesta kalena xuska soddon guurada Qaran ee 18-ka May ayaa laga xusay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, iyada oo xuska maalintan ay bulshadaasi kala qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Isu duwaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee gobolka Awdal Marwo Farduus Sheekh Siciid iyo guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka ee NOW, ee gobolkaasi Marwo Safiya Hufane ayaa shacabka gobolka Awdal ku boggaadiyay isla markaana ku ammaanay sida ay u weyneeyeen xuska munaasibada 18-ka may. Guddoomiyaha gobolka Awdal iyo duqa degmada Borama ayaa bulshaweynta gobolka Awdal ayaa ku boggaadiyay sida maalinta Qaranimada Somaliland ee 30 jirsatay ay u xuseen. Dhanka kale wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Badde ayaa sheegay in Somaliland muddada sodonka sano ah ay gaadhay horumar la taaban karo, taasi oo ay saldhig u tahay nabadgelyadu, isaga oo intaas raaciyay in Somaliland ay ku naalooneyso horumar iyo doorashooyin ku dhaca si xor iyo xallaal ah. Qaran News