Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (PP News Desk) — Horseed, a Puntland-based political association led by former Puntland President Abdirahman Farole, had accused Mideeye, a rival political association, of spreading unsubstantiated allegations against Puntland Government. Axmed Siciid Aw Nuur, a member of Mideeye, yesterday criticised Kaah, the political association led by Puntland President Said Abdullahi Deni, for using public resources for campaigning. Puntland State government has allocated US$ 90,000 for nine political associations to cover campaign expenses ahead of local pilot elections to be conducted at Qardho, Eyl and Ufayn. “Horseed has governed Puntland and introduced the democratisation process. It will oversee the government’s handling of the democratisation process” reads Horseed’s statement. Horseed’s remit does not place it above other political associations to oversee the democratisation process nor has it ever become a political party ever to govern Puntland. Neither the Transitional Puntland Electoral Commission nor Puntland State government has commented on Horseed’s claim. Horseed said it was committed to the Puntland’s transition to a multiparty system twenty two years after Somalia’s first autonomous administration was formed in Garowe after a grand consultative conference. © Puntland Post, 2021 The post Horseed and Mideeye Lock Horns Over Financing Puntland Democratisation Process appeared first on Puntland Post.
  2. Accra (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa warqad uu u qoray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uga laabtay aqabalaaddiisii aheyd inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee xal u helidda is-mari waaga doorashada Soomaaliya. Mahama ayaa warqaddiisa ku sheegay in muhiimadda siyaasadeed ee sare ee shaqada loo igmaday ay u baahan tahay in ergeyga uu helo taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya. Go’aanka uu qaatay Mahama ayaa yimid kadib markii dowladda federaalka ay kasoo horjeesatay magacaabistiisa ayada oo sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale warqad ay u qortay Midowga Afrika ku sheegtay in kulanka uu ra’iisul wasaare Rooble isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho uu ka dhiggan yahay inaan loo baahneyn ergeyga Midowga Afrika. Mahama ayaa warqadda uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat waxa uu ku sheegay in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto hanaanka oo idil, islamarkaana waxyeeleyn karto rajada dunida ay dhan ay ka qabto inuu nabad kusoo dabaalo Soomaaliya. Mahama ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu taageero aragtida Midowga Afrika ee ku aadan Afrika oo is-dhexgasha, barwaaqo iyo nabad ah, oo Soomaaliya-na ay ku jirto. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in inkasta oo Midowga Afrika uu u diyaarsanaa inuusan ka laaban magacaabista Mahama, haddana Mahama uu garowsaday inuusan Soomaaliya ka shaqeyn karin, ayada oo aysan aqbalsaneyn dowladda federaalka. Ma cadda, tallaabada xigta ee uu Midowga Afrika qaadi doono, waxaana suurta-gal ah inuu sugo shirka ka furmaya Muqdisho, oo haddii heshiis lagu gaaro aanu soo magacaabin ergey kale. The post Mahama oo ka laabtay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen uga digay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada inay lumiyaan fursadda muhiimka ah ee shirka Muqdisho ka furmaya. Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.” “Waxaan ku bogaadinaynaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.” Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay soo dhoweyneyso ballanqaadka dhammaan madaxda maamul goboleedyada ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah. “Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyada inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Shirka lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, oo uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dib u dhacay, ayada oo weli madaxweynayaasha HirShabelle iyo Puntland ay ka maqan yihiin magaalada caasimadda ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay u badan tahay in shirka uu furmo maalinta Sabtida oo ay taariikhud tahay 22-ka bisha May, lana filayo in madaxda maqan ay berri soo gaaraan caasimadda. Qoraalka beesha caalamka ayaa waxaa wadajir usoo saary: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha caalamka oo soo saartay digniin ku socota madaxda Soomaalida kahor shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. Kaysar Maxamed Wasiir ku xigeenkii hore ee Qorsheynta Somaliland ayaa qoray:- “Aniga oo Xisbiga KULMIYE ka tirsan, haddii aan Dalka joogi lahaa maalinta Doorashada waxaan Codkayga siin lahaa Murashax Barkhad Batuun” Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Asalaamu Calaykum. Ma aha oo keliya inuu yahay Muwaadin Somalilander ah oo Hargeysa ku dhashay, ku dhaqmay oo ku dhismay, balse Barkhad waxa uu Tusaale iyo Higsi ifiya u yahay Boqolaal kun oo Dhalinyaro ah oo bahda laga saaray oo loo sheegay inaanay han yeelan karin, madaxa kor u qaadi karin oo aanay higsan karin yoolal sare, Barkhad waxa uu rejo geliyay bulsho Takoor xaqdarro ah lagu hayay kumanaan sanadood, taasoo sababtay in ay dhiirran waayaan dhalinyarada muwaadiniinta ah ee ka soo jeeda Beelaha la hayb sooco. Saddexda Xisbi Qaran iyaga oo fahamsan in Quruxda iyo Qabka Somaliland uu ku jiro in la helo Gole Baarlamaan oo Beelaha Somaliland oo dhami ay ka dhex muuqdaan, ayay go’aansadeen in Muwaadin Barkhad Batuun aan laga garab sharrixin cid kale oo deegaankiisa ka soo jeeda, si uu u helo Codka Beeshiisa oo middaysan iyo codadka kale ee uu heli karaba. Foolxumo aad u weyn ayay Ummada reer Somaliland ku ahayd in Beelaha la hayb soocaa aanay Xubin keliya ku lahayn Golaha Wakiilada Somaliland. Waxa kale oo Foolxumo weyn inagu ahayd in Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa oo ka koobnaa 25 Xubnood aanu ku jirin xubin keliya oo Beeshaas ka soo jeedaa, inaga oo weliba ogosoon in Caasimada Hargeysa ay tahay meesha ugu balaadhan ee ay beeshaasi degto, sidoo kale ma jiro Badhasaab keliya oo ay Beeshaasi ku leedahay Dalka. Si aynu usoo noolayno Sharaftii Ummada Somaliland, isla markaasna u dhisano Baarlamaan Qurux badan oo Ummada reer Somaliland oo dhan wada metela, waxaan ugu baaqayaa Muwaadiniinta Gobolka Maroodi-jeex inay Codkooda iyo Cududooda ku soo saaraan Muwaadin Barkhad Jaamac Batuun oo horseed u noqon doona kumanaan dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah iyo weliba dhalinyarada ka soo jeeda Beelaha la hayb sooco oo Barkhad u noqon doono Tusaale ay ku daydaan, isla markaasna ay fahmi doonaan in Dalku uu Dalkoodii yahay, xaqna u leeyihiin gaadhista Yool kasta oo ay doonaan inay gaadhaan. Ugu danbayn haddii Nasiibku ii saamixi lahaa inaan Dalka joogo maalinta Doorashada, waxaan codkayga siin lahaa Barkhad Jaamac aniga oon u eegin Xisbiga uu ku jiro iyo Qabiilka uu ka soo jeedo midna, balse u eegaya inaynu helno Somaliland Qurux badan oo dadkeedu siman yahay. Source
  5. ODOROSKA NATIIJADA DOORASHADA WAKIILADA Waxa Qoray: Cali Gurey Doorashadii hore ee 2005tii 82ka kursi ee wakiilada waxay sadexda xisbi u kala heleen sidan: UDUB 33 kursi KULMIYE 28 kursi UCID. 21 kursi Isugeyn. 82 kursi Doorashadan lafteeda ayaa laga yaabaa in wax badani aanay iska bedeli doonin marka aynu eegno odoroskan oo ah qiyaas shakhsi. Doorashadan qiyaastii sadexda xisbi waxa ay u kala heli karaan 82ka kursi sidan: Kulmiye. 34 kursi Waddani 29 kursi Ucid. 19 kursi FAAHFAAHINTA LIXDA GOBOL-DOORASHO AWDAL 13 KURSI Kulmiye 6 Waddani. 4 Ucid. 3 MAROODIJEEX 20 KURSI Kulmiye 9 Waddani. 7 Ucid. 4 SAAXIL 10 KURSI Kulmiye 4 Waddani. 3 Ucid. 3 TOGDHEER-15 KURSI Kulmiye. 5 Waddani. 7 Ucid. 3 SOOL. 12 KURSI Kulmiye 5 Waddani. 4 Ucid. 3 SANAAG. 12 KURSI Kulmiye 5 Waddani. 4 Ucid. 3 والله يعلم و نحن لا نعلم Source
  6. Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Abdinasir Buuni ayaa yidhi;- “Xisbiga Wadani wuxu soo sharaxay nin aan cod ku haysan Gobolka Maroodi jeex oo ah Afhayeenka xisbiga Waddani (Barkhad Batuun) reerkiisu ma degaan Somaliland, waxay dagan yihiin Puntland, Suldan Naasir waaka halkaas soo joogee waa loo diiday in lasoo sharaxo cid kale, anagu waanu tix galinay labada xisbi mucaarad inaanan cid kale ka garab sharaxin si aanay cod u waayin . Marka xisbiyada mucaaradku wixii ay gudahooda ka sameeyeen yaanay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kula war wareegin mucaaridku waxay khalad sameeyaan “. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka lagu wado inuu ka furmo Muqdisho ee arrimaha doorashada. Axmed Madoobe ayaa mas’uuliyiintii soo dhaweysay iyo bulshada Soomaaliyeed ugu bushaarayey in waxsan ay kasoo bixi doonaan shirka uu hore u iclaamiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, kadib markii ay maamulada dalka qaarkood ka aamin baxeen madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. “Waxaa ugu mahad-celinayna anaga oo imaaneynay gurigeena inay nasoo dhaweeyaan, waxaan rabaa in aan idhaahdo abshir, soo dhoweyntiina insha-allaha lagu khasaari maayo, halka shey ee muhiimka ah waxa uu yahay in aan ka baxno xaalada aan ku jirno,” ayuu yiri. “Waa garaneyna waxaa soo marnay, waana garaneyna waxa naga horeeya iyo waxa dhacay waxa uu keeni karo, waa in aan taas niyada wada gashano. Qof walba qofka kale wanaag ha u maleeyo oo kheyrka ha la kala maleysto.” Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn isku hayeen Farmaajo oo guddoominayay shirarkii hore ee doorashada, ayaa markaan u muuqda mid la dhacsan doorka Rooble ee xalinta khilaafka doorashooyinka, oo asagu la wareegay arrimaha doorashooda iyo amnigeeda. Shirka ka furmaya magaalada Muqdisho maalinta Sabtida ayaa lagu wadaa in xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka doorashada ee muddooyinkii dambe taagna, kaasi oo kal hore gaaray heer gacan ka hadal ah. Waxaa si weyn u socota qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran, waxaana magaalada Muqdisho ku sugan inta badan madaxda dowlad goboleedyada, halka kuwa dhimana lagu wado inay soo gaaran galinka dambe ee maanta. The post Rajada Axmed Madoobe ee shirka Muqdisho, kadib safarkiisa maanta + Video appeared first on Caasimada Online.
  8. MOGADISHU - At least six al-Shabab militants were killed on Thursday in an operation in the southern region of Lower Shabelle, a military officer confirmed. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in xifaaltanka siyaasadeed ee dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta uu gaaray meeshii u sareysay, xili ay ku loolamayaan gudaha dalka Soomaaliya. Warbaahinta T54 ee Turkiga ayaa sheegay in dagaalka siyaasadeed ee labada dowladood ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ka dhexeeyaa uusan ku koobnayn oo keliya taageerada Millatari ee siiyaan dhinacyada iskaga soo horjeeda Liibiya, balse uu dagaalkoodu xiriirsan yahay illaa Soomaaliya. Imaaraadka ayaa ka dagaalamaya in Turkigu awooddiisa ku fidiyo gobolka Geeska Afrika, sidaasi darteed markii Turkiga uu saldhiga Ciidan ka hirgeliyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu Imaaraadkuna uu Saldhig Ciidan ka samaystay Magaalada Berbera, sida ay sheegtay warbaahinta T54. Imaaraadka oo xiriir fiican la leh Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day dalka intiisa kale, ayaa waxa uu uga faa’iideysanayaan xifaaltanka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Turkiga oo asagu dhinaca saaray dowladda federaalka Soomaaliya. “Turkiga intuu isku muujinayey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Imaaraadku wuxuu Saldhig Ciidan ka dhistay Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed, isagoo taageeraya Somaliland oo Madax-banaanideeda ku dhawaaqday 1991,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Juquraafi ahaan, Imaaraadku wuxuu sii waday inuu Millatari ahaan iskugu fidiyo dhul fog, si uu u sii joogteeyo dib u dhaca Turkiga.” Dagaalka siyaasadeed iyo ka ciidan ee Imaaraadka iyo Turkiga ayaa si weyn u soo if-baxay markii ay labada dowladood kala taageereen dagaalka Liibiya, oo Turkiga uu taageero u fidiyey dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee dalkaas, halka Imaaraadka uu dhinaca saaray Generaal Khaliifa Xaftar. The post Loolanka u dhaxeeya Turkey iyo Imaaraadka Carabta oo lugaha la galay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) The United Nations urges all Somali leaders to participate in good faith in implementing the September 17 agreement. Source: Hiiraan Online
  11. MOGADISHU (HOL) - Efforts to mitigate the impact of floods in Somalia got a boost Wednesday thanks to a partnership between FAO and the French Government which will leverage technology to respond to perennial floods. Source: Hiiraan Online
  12. Shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo lagu waday inuu maanta oo Khamiis ah ka furmo Muqdsho ayaa dib u dhacay, iyadoo qaar kamid ah madaxda dowladd goboleedyadu aysan weli soo gaarin Muqdisho. Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in shirku uu dib u dhacay ilaa maalinta Sabtida ee todobaadka dambe, kadib markii qaar kamid ah madaxda ka qeyb-galaysa aysan weli iman Muqdisho. Madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay iyo maanta soo gaaray Muqdisho, halka madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle ay weli ka maqan yihiin Muqdisho. Shirka Muqdisho oo ka dhici doona Teendhada Afisyoone waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u sheegay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo xubno matalaya Midowga Musharaxiinta ayaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan shirka Muqdisho ka furmaya horraanta todobaadka dambe. Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dib u dhac ku yimid shirkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Shirkii arrimaha doorashada ee lagu waday in uu maanta oo khamiis ah ka furmo Muqdisho, ayaa u dhacay sabtida kadib markii aanay wada imaanin madaxda maamul gobaleedyada . Illa iyo hadda madaxda soo gaartay caasimadda waxaa ka mid ah madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubbaland, halka saacadaha soo socda la filayo madaxweynaha Puntland Saciid Deni in uu soo gaaro magaalada Muqdisho. Dhanka kale waxaan la ogeyn imaanshiyaha madaxweynaha maamul gobaleedka Hirshabeelle, oo khalalaaso ay ka dhaceen deeganadiisa , taas oo dad badan ay ku nafwaayeen. GoobJoog News Source: goobjoog.com
  14. Beesha Caalamka ayaa sheegtay in shirka Muqdisho ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya. War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa loogu baaqay dhamaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay sameeyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan heshiiskii 17kii Sebtember. Beesha Caalamka waxay soo dhaweeyay ballanqaadka dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ee ka-qaybgalka shirka si shuruud la’aan ah. Ra’iisul Wasaare Rooble ayay Beesha Caalamku ku bogaadisay qabashada shirka Muqdisho, waxayna u rajeysay in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ka hadashay shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo shirka wada-tashiga ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay taageero buuxdo siineyso ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isugu leh qaban-qaabada shirkaasi iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed ee ka qeyb-galeyso, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwa miro-dhal ah. “Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed waxay heystaan taageerada Qaramada Midoobay ee ku aadan guuleysiga shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka ee ay Soomaalidu hoggaamineyso,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay QM. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa looga dalbaday madaxda Soomaaliyeed inay si daacadnimo ah uga qeyb-galaan shirka, si heshiis dhab ah looga gaaro doorashooyinka. “Waxaan ku dhiiro-gelinay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay si daacadnimo leh uga qeyb-galaan shirka Muqdisho ka dhacaya, si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay. Ugu dambeyn xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay tanaasul muujiyaan, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan lagu jiro, si ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya horey ugu sii socoto. “Tanaasul iyo is-afgarad ayaa loo baahanyahay, si Soomaaliya ay horey ugu sii socoto, uguna faa’iideystaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta QM. Bayaankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka furmo shirka doorashooyinka ee dowladda iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu waday inuu maanta si rasmi ah u bilowdo, balse uu ku yimid dib u dhac ay sababeen arimo farsamo. The post QM oo soo bandhigtay laba arrin oo uu ku guuleysan karo shirka ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah shacabka caasimadda. Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
  17. Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu mamnuuc ka yihiin siyaasadda, xukuumadiisuna ay arrintaas fulinayso. “Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi. Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkan ka jeediyay shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland oo looga hadlayay diyaargarowga iyo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan 31-ka bishan May 2021. Dhanka kale Muuse Biixi ayaa sheegay in ay hawlgeliyeen 11,000 askari oo ammaankooda sugaya 2,800 goobood oo ay ka dhacayaan doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka Somaliland. Hoos ka daawo Muuse Biixi oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi: Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada waa ka mamnuuc siyaasadda appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare. “Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka. Jaamacadaha ay wasaaradu soo bandhigtay ayaa waxaa ka dhex muuqday jaamacadaha Simad, Muqdisho, Benaadir, Hormuud iyo Jamhuuriya. Sidoo kale Jaamacada ay soo bandhigtay waxaa ku jira Camuud iyo Eelo oo ku yaala Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal. Liiska cusub ee ay ku shaacineyso wasaaraddu jaamacadaha ay aqoonsatay ayaa imanaya xili ay xalay digniin u dirtay labaatameeyo jamaacadood oo ku yaala dalka. Ogeysiis xalay kasoo baxay Gudigga Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray in ka badan 20 ka mid ah Jaamacadaha dalka, kuwaas oo lagu war-geliyey inay sida uga dhaqsiyaha badan ula soo xariiraan gudigga, si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda. Qoraalka guddiga waxaa lagu sheegay in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay oo ay jaamacadaha loo yeeray heystaan, maadaama afar jeer oo hore loo yeeray oo aysan imaan, sida ku cad qoraalka guddiga. “Waxaan u sheegeynaa Jaamacadaha magacyadooda liiska ku qoran yahiin in ay tahay fursadii ugu danbeysay ee ay hesytaan kuna imaadaan sida ugu deg dega badan xarunta dhexe ee gudigga Qaranka Tacliinta sare uu ku leeyahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS km5 Zoobe,” ayaa lagu yiri qoraalkaas. Liiska uu xalay soo saaray guddigu waxaa ku xusan magacyada 21 jaamacadood oo ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo lagu war-geliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono hadii aysan la soo xariirin guddiga inta u dhaxeysa 19-ka bishan May ilaa 5-ta bisha dambe ee June. Hoos ka akhriso Liiska Jaamacadaha 41-ka ah ee ay wasaaradu aqoonsatay iyo kuwa kale ee 21-ka ah ee loo digay. The post DF oo shaacisay magacyada 41 Jaamacad oo ay aqoonsan tahay appeared first on Caasimada Online.
  19. Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire. Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa kala ah. 1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye ) 2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin ) 3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin) 4. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin) 5. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin ) 6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin) 7. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin) 8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin) 9. Guddoomiyaha Degmada Garoowe Axmed Siciid (Axmed Barre ) (Xubin). Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Puntland oo guddi u magacowday aaska Madaxweyne Ku-xigeenkii hore appeared first on Puntland Post.
  20. Dhamaan shaqaalaha iyo maamulka guud ee shabakada caalamiga ah ee Qarannews, waxa ay hambalyo meher u dirayaan Samad Maxamed Cartan iyo Safa Farxaan Adan Haybe oo maanta meher qaali ahi uu uga dhacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Waxa aanu duco iyo hambalyo aan la soo koobi karin aanu hawada u marinaynaa lamaanaha iyo labada qoys ee ay ka soo kala jeedaanba Qaran News
  21. Madaxweyne-xigeenkii hore ee Puntland oo geeriyooday Kornayl Abdisemed Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland General Cabdisamad Cali Shire ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay. Alle ha u naxariistee General Cabdisamad ayaa ka mid ahaa ciidamada xoogga dalka, isagoo xilal dhowr ahna ka soo qabtay dowladdii Kacaanka. Wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland intii u dhexeysay 2009-2014, isagoo ka mid ahaa aas-aaseyaasheedii. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka mid ahaa madaxdii ka tacsiyeeysay geeridiisa. Farmaajo ayaa in Marxuum Cabdisamed Cali Shire uu kaalin mug leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo kan dhismaha Dowlad Goboleedka Puntland. Cabdisamad Cali Shire ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Xilligii Dowladdii dhexe, isaga oo noqday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii saddexaad ee soo mara Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Qaran News