-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kenya:Ganacsade Soomaaliya oo da’ yar oo la la’yahay Raq & Ruux? Ganacsade Bashiir Maxamuud Bashiir Maxamuud oo ah ganacsade ayaa muddo todobaad ah la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse waxaa labo maalmood kahor duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay. Bashiir oo ah Soomaali Mareykan 35 sano jir ah, ayaan ilaa iyo hadda lagu heynin nolol iyo geeri. Ninkan oo ay qareennadiisa ku sheegeen inuu yahay qof furfuran ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baaraya. Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah. Cabdullaahi Xasan oo ah qareenka Bashiir ayaa BBC-da u sheegay in markii ugu dambeysay ee ganacsadaha la arko ay ahayd 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale. “Mar ayuu isku dayay inuu xaaskiisa waco, wuu ka go’ay telefoonka, way walwashay, marka waa la raadiyay labo maalin dhan ayaa la raadinayay, kaddib waxaa la helay sawirro laga soo qaaday gaari nooca Range Rover ah oo lagu gubay meel Kibiku la dhaho, markaas ayuu walwal na galay,” ayuu yiri qareen Cabdullaahi. Wuxuu sheegay inay arrintaas ku war geliyeen dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Qolofka gaariga la rumaysan yahay inuu leeyahay Bashiir ayaa isla markiiba laga qaatay goobtii lagu gubay, sida uu sheegay qareenka. Booliiska ayaa sidoo kale baaraya sida loo gubay gaariga Bashiir, saddex maalmood kaddib markii la waayay, isla markaana sida loo qaatay qolofka gaariga wax ka yar saacad markii uu sarkaal booliis ah oo ka socday saldhigga Kibiku uu booqday goobtaas. Qareenka ayaa BBC-da u sheegay in la qariyay wax walba oo lagu ogaan karay sida ay wax u dhaceen, balse ay ka war sugayaan lana shaqeynayaan dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka. “Warqad ayaan u qornay, jawaab ayaan ka sugeynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi. Wuxuu Bashiir ku tilmaamay in uu ahaa nin aad u fiican una dedaal badan, isla markaana uu ku guda jiray howlaha dhismaha, isagoo mashaariic waaweyn ka heystay dowladda Kenya. Bashiir ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay dalka, sida uu sheega Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Bashiir Maxamuud oo ah ganacsade ayaa muddo todobaad ah la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse waxaa labo maalmood kahor duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay. Bashiir oo ah Soomaali Mareykan 35 sano jir ah, ayaan ilaa iyo hadda lagu heynin nolol iyo geeri. Ninkan oo ay qareennadiisa ku sheegeen inuu yahay qof furfuran ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baaraya. Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah. Cabdullaahi Xasan oo ah qareenka Bashiir ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee ganacsadaha la arko ay ahayd 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale. “Mar ayuu isku dayay inuu xaaskiisa waco, wuu ka go’ay telefoonka, way walwashay, marka waa la raadiyay labo maalin dhan ayaa la raadinayay, kaddib waxaa la helay sawirro laga soo qaaday gaari nooca Range Rover ah oo lagu gubay meel Kibiku la dhaho, markaas ayuu walwal na galay,” ayuu yiri qareen Cabdullaahi. Wuxuu sheegay inay arrintaas ku war geliyeen dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Qolofka gaariga la rumaysan yahay inuu leeyahay Bashiir ayaa isla markiiba laga qaatay goobtii lagu gubay, sida uu sheegay qareenka. Booliiska ayaa sidoo kale baaraya sida loo gubay gaariga Bashiir, saddex maalmood kaddib markii la waayay, isla markaana sida loo qaatay qolofka gaariga wax ka yar saacad markii uu sarkaal booliis ah oo ka socday saldhigga Kibiku uu booqday goobtaas. Qareenka ayaa sheegay in la qariyay wax walba oo lagu ogaan karay sida ay wax u dhaceen, balse ay ka war sugayaan lana shaqeynayaan dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka. “Warqad ayaan u qornay, jawaab ayaan ka sugeynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi. Wuxuu Bashiir ku tilmaamay in uu ahaa nin aad u fiican una dedaal badan, isla markaana uu ku guda jiray howlaha dhismaha, isagoo mashaariic waaweyn ka heystay dowladda Kenya. Bashiir ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay dalka, sida uu sheegay qareenkiisa. ISHA: BBC The post Ganacsade Soomaali ah oo lagu la’yahay magaalada Nairobi appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland Cabdi Samad Cali Shire ayaa waxaa uu xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Cali Shire oo waxaa uu horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenka Puntland wixii ka horeeyey 2014-kii xilligii madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Waxaa tacsi u diray marxuumka, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah, madax hore iyo qaar maamul gobleedyada ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Lafta-gareen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyoon ka tirsan dowladda dhexe. Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Genaraal Cabdisamad Cali Shire. Farmaajo ayaa sheegay in marxuumka uu kaalin mug-leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale dhismaha dowlad goboleedka Puntland. “Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Cabdisamad Cali shire waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Sidoo kale wuxuu u duceeyey marxuumka, isaga Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. “Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo,” ayuu sii raaciyey madaxweynuhu. AUN Genaral Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo masuuliyado kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee Kacaanka. Marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo la aaso, waxaana haatan socota qaban qaabada aaska loo sameynayo oo ay ka qeyb-geli doonaan mas’uuliyin kala duwan The post Farmaajo oo war kasoo saaray geerida ku timid General Cabdisamad Cali appeared first on Caasimada Online.
-
Marxuum, Cabdisamad Cali Shire Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo saaka ku geeriyooday Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa qoraal tacsi ah oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan tiiraanyada iyo xanuunka geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Marxuum Cabdisamad Cali Shire la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay”. “Marxuumku waxa uu ahaa Janaraal Soomaaliyeed oo kamid ahaa ciidanka xoogga dalka, waxa uu mas’uuliyado badan kasoo qabtay Dowladdii dhexe ee Kacaanka, burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa haldooradii bud-dhigga u ahaa dhismihii Puntland, sanadihii 2009 -2014 waxa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, hadda oo tii Alle utimi waxa uu ka mid ahaa Guddiga Dib u Habaynta Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland” ayaa qoraalka tacsida raaciyay. Madaxweynaha Puntland ayaa Marxuum Janaraal Cabdisamad Cali Shire Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo noqday madaxweynihii labaad ee soo gaara caasimada, waxaana kasoo horreeyey madaxweynaha Galmudug. Lafta Gareen ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee uu dhowaanm iclaamiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, si looga wada-tasho hannaanka doorashooyinka dalka. Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa gudaha garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, sida wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan. Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in iyana Caasimada ay soo gaaraan madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada HirShabelle, Jubbaland iyo Puntland. Sida muuqata dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka shirkan, maadaama inta bada madax goboleedyada dalka ay ka maqan yihiin Muqdisho oo lagu ballamay inuu shirka dhaco. Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in shirka ay u badan tahay inuu furmo maalinta Sabtida ah, maadaama berri ay Jimco tahay. Si kastaba, qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkaan xal loogu helo doorashada. The post Madaxweyne goboleedkii labaad oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Dad badan ayaa iweydiiyey fakarkayga ku aadan arinka Soomaaliland. Arin igu cusub maha oo maqaalo badan ayan mawducan ka qoray. Dood cilmiyeedna waxa ay na dhexmartay Professor Iqbal Jazbahi oo ah Hindi South Afrikan ah oo ku takhasusa dawladnimada Soomaaliland. Doodaasi (2007) waxa aan la shir tagay maqaal aan ku daabacay “The Horn of African Journal” oo ciwaankiisu ahaa “Local and Global Norms: Somaliland’s Unilateral Secession,” oo la micno aha “Xeerarka Aduunka: gooni isutaaga Soomaaliland.” Maqaalkaasi waxaan ku xusay qowaaniinta ay dhigteen dawladaha ku midoobay Qaramada Midoobay. Waxa kale oon ku xusay 14 dhibcood uu soo dajiyey Woodrow Wilson oo ahaa madweynhii Mareykanka 1920hii. Dhibcahan 14 ah ayaa sal looga dhiga waxa hada la yidhaa “The right of Nations to Self-dermination,” ama xaquuqada ay qowmiyaduhu u leeyihiin aayo ka taliska.” Qodoba kale ayaa jiraa oo Iyana xoojinaya ilaalinta iyo jiritaanka dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Waa labada qodob ee dhinacyada kala duwan hal qabsi ka dhigtaan. Hadaba sodon sano oo gooni isu tag ah Soomaaliland side loo qiimayn karaa? Soomaaliland waxay dhistay dawladnimo ka daganaansho roon tan Soomaaliya ka jirta; waxay sugtay nabadii iyo kala dambayntii; waxa ay qabatay doorasooyin la odhan karo waa nadiif xor ah (free and fair elections). Intaasi astaamood Soomaaliya South wey ku guul dareysatay. Su’asho ma aha Soomaaliland ma goosatay ama gooni ma isu taagtay, waxa la rabaa in diirada la sooro maxaa ka hortaagan Soomaaliland badeecada siyaasadeed ay 30ka sono raadinayso, taasi oo ah ICTIRAAF? Laba arimood ayaa ka hortaagan: 1 waa qawaaniinta aan soo sheegay ee u dhigan kala go’ ama wada jirka dal mid ahaa rabani in ay kala baxaan ama wada joogaan. Arinka 2aad ee hortaagan Soomaliland ICTIRAAFKiida waa dawlada Fedealka Soomaaliya oo weli sheeganaysa in ay iyadu mulkiile ka tahay Soomaaliland, budhkii madax banaaninda Soomali ee Democratic Republic (oo hada noqotay Federal Somali Republic) weli South Somaliya caganta ugu jiro. Dalal ka gudbay shuruucda aduunka oo helay ICTIRAAF ayaa jira: 1. Bangaladhesh oo Pakistaan ka go’day waxa is garab taagay Hindiya oo xiligaas Ruushka garabka ka haysatay. Culays la saarey Pakistaan ayaa horseeday in Paakistaan raali ka noqot kala baxa Bangaladhish iyo Pakistaan. 2. Eriteria waxa raali ka noqotay Itoobiya xiligii Meles. Arinkaasi waxa kaanay kadib markuu ogaaday in aanu tawaan iyo taag uu Eriteria ku soo celiyo aanu lahayn, 3. Koonfurta Suudaan waxa u ololeeyey kiniisadaha Mareykanka oo siyaasad ahaan gaca saar la leh Xisbiga Jamuuriga. Kiniisadaha ayaa taageerada ay siiyaan Jamhuuriga ku xujeeyey in Koonfur Suudaan laga jaro Suudaan. Ficiliyan, sodon sano (30) oo Koonfurta Soomaaliya dil iyo dibin daabyo ka socotay ayey Soomaaliland heshay waxa la odhan karo maamul wanaag, xasilooni, nabad lagu naaloodo, iyo doorashoyin dhidibada u aasay nidaamka dowlada furan (liberal democratic system). Su’ashu waxay tahay baadi goobkii bedaacada siyaasadeed ee ICTIRAAF layidhaa Soomaaliland ma ku dhowdahay in ay soo afjarto? Dacaska siyaasadeed ay Soomaaliya gashay ma u horseedi karaa in dalaka tunka weyn mid ka mid kafaalo qaato arinta Soomaaliland kana furdaamiyo xeerarka ilaa hadeer xakameeyey Soomaaliland? Dad baa qaba in saansaanta helida ICTIRAAKU aanay fogeyn. Waxa cuskanayaan sida madaxweynaha Soomaaliland loogu soo dhaweeyo fagaarayaasha siyaada ee Africa iyo Aasiya. Maamuustii uu MW Biixi ka helay xiligii caleema saarkii MW Ismaaciil Cumar Geeli ayan inaba la hilmaami karin. Intaasi waxa dheer arinta heshiiska DP ee ku aadan Dakada Berbera iyo xaflada Sanad guurada May loogu qabtay Guriga Ummada ee magaalada Kardif oo ku taal dalka Ingiriiska. Dad badan oo reer-galbeedka siyaasadeeda gacantu ku hayaa ayaa haad suuban u muujinaya Soomaaliland. Foosha Soomaaliland in ay dhali doont iyo in kale xili aan fogeyn ayaa la kala ogaan doonaa. W/Q Aqoonyahan Faysal Rooble Source
-
Midowga Yurub ayaa ka hadlay 13 Baabuur oo ay ugu deeqeen dhawaan Hay’adaha Amniga iyo kuwa Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Warmurtiyeed la soo baxay Midowga Yurub oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu Gaadiidkaas Somaliland u soo mariyey UNDP. Waxa ay caddeeyeen in lix baabuur loogu talo galay in Ciidanka Boolisku ka hawlgalaan lix gobol,halka baabuurta soo hadhayna la siiyey Hay’adaha Garsoorka. Safiirku Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Nicolas Berlanga, ayaa sheegay EU-da ay ka go’an tahay inay taageeraan Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana 13kaas Gaadhi ay u asteeyeen in lagaga shaqeeyo Ammaanka doorashada iyo la socodka iyo qabanqaabada Doorashooyinka. Wasiir ku–xigeenka Arrimaha Gudaha Naasir Caydiid Maxamed, ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub waxaanu sheegay inay Gaadiidkaas lagaga shaqeyn doono sugida Nabadgelyada Doorashada. Source
-
A Kenyan national who had travelled to India for treatment was found murdered near the Indira Gandhi International airport (IGI), which serves as the international aviation hub of the Indian capital of New Delhi. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Nairobi)-Gaadhi uu lahaa ganacsade Somali-Mareykan ah oo fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi laguna magacaabo Bashiir Maxmuud ayaa la helay isagoo si xun loo gubay. Bashiir ayaa markii ugu dambeysay ee la arko wuxuu ku sugnaa goob lagu caweeyo oo ku taalla Miale, oo katirsan xaafadda Lavington ee Nairobi 13-kii May. Booliska dalka Kenya ayaa Qolofka gaadhigiisa oo ahaa Range Rover oo la gubay ka helay deegaanka Kibiku ee degmada Kajiado. Qareenada u doodaya ganacsadahan iyo qoyskiisa ayaa su’aalo ka keenay sababta lama filaanka ah ee gaadhiga loo gubay, waxayna booliska ka dalbadeen in baadhitaan adag la sameeyo. Nuru Saciid oo katirsan garyaqaanada Bashiir ayaa sheegay in Bashiir maalintii la waayay uu qorsheynayay inuu la kulmo dad gaar ah si uu ula qaato kulan ganacsiga ku saabsan. “Maadaama Bashiir uu yahay muwaadin Mareykan ah, waxaan sidoo kale warqad u qori doonnaa safaaradda Maraykanka ee Nairobi si ay u soo farageliyaan,” ayuu yidhi qareenkiisa. Bashiir Maxamuud wuxuu ahaa qandaraasle gacanta ku hayay mashaariic dhowr ah oo dowladda Kenya ay ka waddo gudaha dalkeeda. Waxaa hore sawir looga qaaday isaga oo ay wehliyaan mas’uuliyiin xilal sare ka haya dowladda oo ay ka mid yihiin madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto. Source
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa ku dhawaaqay golahiisa cusub ee Wasiirada. Xukuumadda madaxweeynaha ayaa waxaa ka soo muuqday wasiiro cusub iyo kuwa horay uga tirsanaa xukuumadiisa. Ku dhawaaqidda golaha wasiirada Axmed Madoobe ayaa timid kadib doorashadiisii oo ay mudda dheer ka soo waregatay. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, ayaa saaka oo Khamiis ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Qoyskiisa. Marxuum Cabdisamad Cali Shire, oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa Hargeysa, ayaa markii dambe loo qaaday dhinaca Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday. Marxuumka ayaa xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay, isagoo soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014). PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa labo sano kaddib ku dhowaaqay liiska golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi, kadib wareegto xalay kasoo baxday xafiiskiisa. Liiska wasiirada Jubbaland ee lagu dhowaaqay ayaa waxaa intooda badan kasoo muuqday xubno cusub, halka qaar ka mid ah wasiiradii hore loo wareejiyey wasaarado kale. Wasiirada uu shaaciyey Axmed Madoobe ayaa gaaraya 23 wasiir, 22 wasiir ku xigeen iyo sidoo kale 5 wasiir dowli, sida ku cad wareegtada kasoo baxday madaxtooyada. Sidoo kale liiska wasiirada cusub ayaa waxaa kasoo muuqday, siyaasiga caanka ah ee Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa xubnaha is-bedalka doonka ee Jubbaland, waxaana loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulkaasi. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland u magacaabay General Yuusuf Xuseen Cismaan, kadib markii wasiirkii hore ee amniga, Cabdirashiid Janan uu usoo goostay dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa magacaabistan kadib lagu wadaa inuu soo aado magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirka arrimaha doorashooyinka ee ka dhacaya caasimada Si kastaba, magacaabistan ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatay is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka. The post A/Madoobe oo shaaciyey liiska wasiirada Jubbaland, xilna u magacaabay Seeraar appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa deeq isugu jirta raashin iyo agab kale ku wareejisay madaxda Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, kaasi oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa uu saameeyay fatahaadda ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa deeqda ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Marwo, Khadiijo Maxamed Diiriye kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika AMISOM ee Xalane. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa xusay in dad gaaraya 5.9 Milayn oo Soomaali ah ay xilligan u baahanyihiin gar gaar beni’aadannimo, taasi oo ka badan tirada dadka sanadkii hore 2020 oo ahayd 5.2 Milyan. Wasiirka Garkaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa uga mahadcelisay kaalmada ay ciidamada AMISOM soo gaarsiiyeen, waxaana ay intaa ku dartay in deeqda la gaarsiin doono dadka u nugul ee u baahan xilligan in loo gurmado. Madaxa arrimaha beni’aadannimada AMISOM Abdul Diabagate, ayaa sheegay in agabka ay maanta ku wareejiyeen Wasaaradda loogu talagalay in la gaarsiiyo 42,000 oo qof, isagoo intaa ku daray agabka ay ka koobanyihiin, Bariis, Saliid, Sokor, baco, mara kaneecooyin iyo buskut. PUNTLAND POST The post AMISOM oo gargaar banii’adanimo ku wareejisay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
War rasmiya oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubaland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe,) uu maanta ku wajahanyahay magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo la soo geliyay barta Facebook ee madaxtooyada Jubalad, ayaa lagu xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu maanta ku sii jeedo Muqdisho, halkaas oo uu kaga qayb-galayo shirka arrimaha doorashooyinka dalka. “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kusii jeeda Magaalada Muqdisho, isagoo ka qeybgalaya shirka lagaga hadlayo arimaha Doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Jubaland oo war ka soo saartay safarka Axmed Madoobe ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Af-hayeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow, oo wareysi siiyy BBC-da, ayaa ka faahfaahin ka bixiyay shirka arrimaha doorashooyinka oo lagu wado in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho. Af-hayeenka ayaa xaqiijiyay in shirku uu wakhtigiisa ku furmi doono, islamarkaana qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb-galaysa ay durba gaareen magaalada Muqdisho, halka kuwa harsana ay maanta gaari doonaan. “Insha allah haddii uu eebe idmo maanta wuu furmayaa shirka 20 May lagu ballamay, maqribadii waxaa yimid madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay,” ayuu yiri Macallimow. Sidoo kale, wuxu sheegay in maanta gelinka hore ay Muqdisho soo gaarayaan madaxweynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, halka madaxweynaha Hirshabeelle uu hal maalin diba uga dhacay shirka. “Sidoo kale galinka hore ee saaka waxaa la filayaa inay magaalada yimaadaan madaxwaynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed soomaaliya iyo madaxwayne Saciid Cabdulahi Dani,”ayuu intaa ku daray. PUNTLAND POST The post Macallimow: Shirka Muqdisho maanta ayuu furmayaa wax dib u dhac ah ma jiro appeared first on Puntland Post.
-
At 5:23pm on May 13 , CCTV footage at Miale entertainment lounge in Nairobi show businessman Bashir Mohamed Mahmoud entering the establishment in his black Range Rover. Bfore he alights, he is seen dishing out money.... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay badankood maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, oo lagu wado inuu ka furmo shirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Banaadir. Shirka ayaa dib u dhac uu ku yimid, mana muuqato inuu maanta furmi doono, ayada oo madaxweyne goboleedka kaliya ee magaalada ku sugan uu yahay kan Galmudug Axmed Qoor Qoor, oo xalay caasimadda soo gaaray. Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shirka ay u badan tahay inuu furmo maalinta Sabtida ah, maadaama berri ay Jimce tahay. Qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkaan xal loogu helo is-mari-waaga doorashada oo muddo badan soo jiitamayey, inkasta oo ay ku gadaaman yihiin caqabado hor leh. Shirkaan ayaa waxaa ku baaqay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii madaxweynaha uu waqtigiisa uu dhamaaday uu kowdii bishan May ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga. Go’aanka Farmaajo ayaa yimid kadib markii Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya uu ka noqday qaraarkii uu mudada ugu kordhiyay hay’adaha dowladda 12-kii April, taas oo ay ka soo horjeesteen maamul goboleeyada Puntland, Jubaland, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo beesha Caalamka. Muddo kororsigii fashilmay ayaa dalka ka riday qalaalase siyasaadeed, ayada oo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay gashay maalmo dagaal oo dhinacyada ku kala aragtida duwan doorashada ay isku faro-saareen. Shirka la filayo inuu furmo ayaa waxaa uu dib usoo nooleynaya rajada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada, maadama shirkii Afisyoon ee bishii April horraanteedii natiijo la’aan kusoo dhammaaday. Shirkii Afisyooni ayaa fashilkiisa waxaa shaacisay dowlada oo dusha u saartay Jubbaland iyo Puntland, hase yeeshe madaxda labadaas maamul ayaa iska fogeeyay eedeynta xiligaas ay dowladda u jeedisay, wuxuuna dalka xiligaas wixii ka dambeeyay galay xaaladan hubanti la’aan ah dib looga soo kabtay. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku howlan sidii dhinacyada ku kala tagay shirkii hore ka hor midka Khamiista uu ka dhex dhaliyo kalsooni, si loo helo is aaminaad iyo wada-shaqeyn horseed u noqon karta xal laga gaaro is-mari-waaga mudada soo jiitamay. The post Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.