Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay bam-gacmeed xalay lagu weeraray bar-kantarool oo ku taalla magaalada Kismaayo, sida laga soo xigtay laamaha Amniga Jubaland. Bam-gacmeedka ayaa sida wararku sheegayan fiidnimadii xalay lagu tuuray Isgooyska Soomaali Istaar ee gudaha Kismaayo, halkaas oo ah bar-kantarool oo laga sugo Amniga magaalada. Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay, todoba kalena waa ku dhaawacmeen bam-gacmeedka, waxaana durba goobta hawlgal ku tegay ciidanka Booliiska Jubaland. Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan inta badan weerarada ka dhaca magaalada Kismaayo. The post Weerar khasaare gaystay oo ka dhacay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  2. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle. Socdaalka Ra’iiusul wasaare Rooble iyo wefdigiisa, ayaa ku saabsan u kuur-gelidda xaaladda banii’aadanimo ee ka dhalatay fatahaadda webigu ka sameeyay degaanno ka tirsan magaalada Jowhar. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu halkaas u tegi doono arrima la xiriira xallinta khilaafaad siyaasadeed oo ka jira gudaha Hirshabeelle. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa isna shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Jowhar appeared first on Puntland Post.
  3. Somali journalists in Mogadishu, Somalia December 29, 2019. Picture taken December 29, 2019. REUTERS/Feisal Omar MOGADISHU, SOMALIA – The Federation of Somali Journalists has launched a campaign to combat the spread of false information, fake news, hate speech and propaganda. The federation says Somalia is already seeing a huge spike in social media misinformation campaigns ahead of elections expected before the end of July. The country’s chronic internal conflict and political instability has made Somalia a fertile ground for the spread of misinformation. The growing number of young Somalis who connect and share news on social media platforms has become a prime target for this tide of fake news. One example is a news headline that said the Somali Parliament wanted to oust the prime minister after he objected to a term extension for President Mohamed Abdullahi Farmajo. It later turned out to be fake news. To curb the growing challenge for media workers in the country, the Federation of Somali Journalists has launched what it calls a Disinformation Lab to combat the spread of lies, myths and distortions ahead of upcoming elections. The lead researcher and director of the lab, Mohamed Abdimalik, says they will give journalists the necessary skills and knowledge to detect fake news during polls. “The lab’s researchers will support journalists with digital tools, training and other resources to detect, analyze and flag false election-related news in real-time fashion,” Abdimalik said. “In a fragile environment where trust is so low, safeguarding the election process from fake news is as crucial as saving the country from descending into civil war again.” Journalists, key bloggers and social media influencers in Somalia say there is a need for extra caution during the presidential and parliamentary election process. “As journalists, bloggers and social media influencers, we have extra responsibility, especially during elections, to inform the public about the crucial process,” said Hassan Osman Istiila, a journalist in Somalia. “Thus, we need to be very careful not to run news that (is) not verified, because it will be irresponsible. Better late news than fake news.” The Somali government, which has a poor record when it comes to press freedom in the country, says it will play its part in reducing fake news during the polls by giving access to journalists in the voting centers so they can get firsthand information. Abdirahim Isse Adow, who is the director of media training at the Ministry of Information, says the ministry will also boost awareness campaigns about fake news through state media and in collaboration with civil society groups and religious leaders. Meanwhile, Somali political leaders have appealed to the media to perform their duties professionally and responsibly as the Horn of Africa nation gears up for what promises to be a competitive presidential election. Source: VOA The post Somali Journalists Launch ‘Disinformation Lab’ to Combat Spread of Fake News appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in markii uu Madaxweynaha dhegaystay talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, isla markaana uu tixgeliyay aqoonta uu u leeyahay howshan, uu Cumar Daa’uud Khaliif u magacaabay in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa faray mas’uulkan la magacaabay inuu si hufan u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabid sameeyay appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax Madaxweyne ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dib u soo dhejiyey boorarkii ololaha doorashada ee magaalada Muqdisho muddo ka badan bil kadib markii uu fujiyey, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga. Qoraalka ayaa lagu yiri “Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta dib u soo dhejiyey boorarkii ololaha doorashada. Bil kahor ayey ahayd markii uu sheegay Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir in uu hakiyey ololihii doorashada, dejiyeyna boorarkii xayeysiinta kaddib markii Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo uu ku dhawaaqay labo sanno oo muddo kororsi ah.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xilligaas sheegay in ay dhamaatay rajadii laga lahaa in doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya, sidaas darteedna uu Muqdisho kasoo fuqsaday boorarkii musharaxnimadiisa, kadib markii uu ogaaday in aysan muuqan ififaalo muujinaya doorasho. Si kastaba, wixii markaas ka dambeeyey waxaa laga laabtay muddo kororsigii, waxaana Muqdisho lagu saxiixay 27-kii May heshiis ay gaareen ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka, oo dhigaya in 60 maalmood gudahood ay dalka doorasho uga dhacdo. Waxaa hadda Muqdisho ka billowday ololaha doorashada ayada oo ay dhismayaan isbaheysi cusub oo badankood ku saleysan hab beeleed. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shalay qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay inuu kulan talo wadaag ah la yeeshay murashaxiinta kala ah Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamad, oo ay kasoo wada jeedaan beesha Habar-gidir. “Waxaan isdhaafsanay ra’yi iyo talo lagu xoojinayo wadashaqayteena iyo fursadaha doorashada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. The post Sawirro: CC Shakuur oo dib usoo celiyey boorarkiisa xilli uu billowday is-xulufeysi appeared first on Caasimada Online.
  6. Natiijada Golayaasha Degaanka Degmada Sheekh & Ceel-afweyn+Sida Xisbiyada u kala heleen& Liiska Magacyada Xildhibaanada Guulaystay Natiijada Golaha Degaanka Degmada Sheekh. Ucid 3 Kulmiye 3 Waddani 3 Natiijadda Golaha Deegaanka Degmadda Ceel- afweyn+Magacyadda Xildhibaannadda Guulaystay. Xisbiga Kulmiye 5 Xisbiga Waddani 3. Xisbiga Ucid 3 KULMIYE. 1:Warsame Jamac 2:Axmed Maxamed Xuseen 3:Saleebaan Xuseen Cige 4:jaamac Cumar Guuleed 5:Axmed Maxamed Magan WADDANI. 1:Maxamed Jaamac Liiban 2:Abayan Axmed Abyan 3:Cabdilaahi Maxamed Cali UCID. 1:Axmed Cabdilaahi Axmed (Biixi 2:Cige Xuseen Siciid 3:maxamed Aadan Digaale. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadashay halka ay ka imaanayaan dhaqaalaha doorashooyinka, oo lagu qabanayo doorashooyinka dhawaan heshiiska looga gaaray magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaalaha doorashada uu ka imaan doono dowladda federaalka, musharaxiinta iyo beesha caalamka, oo kaalinta u weyn ka qaadaneysa bixinta dhaqaalahaas. “Doorasho waa arrin aad u kharash badan, sida aan filayo hadda ilaa 15.5-Milyan ayay ku kici doonta doorashada qiyaastii, qaar waxay ka imaan doonta is-diiwaan-gelinta musharaxiinta, qaar waxaa kabi doonto dowladda, waxaa weli banaanan doona gaab ay ka qeyb-qaadan doonto beesha caalamka oo lagu casuumi doono,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Waxa uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in la helo dhaqaalaha doorashada, maadama socod-siinteeda ay ku baxeyso dhaqaale badan oo uu ku sheegay qiyaastii lacag kor u dhaafeysa 15-Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Beesha caalamka oo la rumeysan yahay inay bixineyso dhaqaalaha ugu badan ee ku baxaya doorashada, ayaa billooyinka soo socda dowladda soo gaarsiin doonta, xili heshiis rasmi ah laga gaaray khilaafkii mudada dheer taagna ee doorashooyinka. Dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda ayaa saxiixay heshiis dhigaya in doorashada lagu qabto wax aan ka badneyn labo bilood, wuxuuna dalka u jiheystay dhankaa iyo doorasho, kadib xaalad hubanti la’aan ah oo uu galay dalku. The post DF oo shaaca ka qaadday cidda bixineysa dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  8. Siday Madaxweynayaasha Afrika Wiilashooda xukunka ugu barbaariyaan uguna diyaariyaan Madaxweynaha Congo-Brazzaville, Denis Sassou-Nguesso ayaa wiilkiisa Denis-Christel u magacaabay wasiir – waa tallaabo ay warbaahinta u fasirteen in niyadda uu ku hayo inuu isaga baddelo. Denis Sassou-Nguesso ayaa markale dib loo doortay bishii Maarso ka dib markii uu dalkaasi xukumayay, tan iyo intii xornimada uu qaatay dalkaas, balse ilaa iyo hadda ma muuqato caalamado muujinaya in 77 sano jirkan uu baneynayo xilka. Waxaa loo arkaa in wiilkiisa Denis uu qaadayo tallaabadii uu aabihii xukunka ugala wareegi lahaa. Dhanka kale dalka dariska la ah ee Gabon waxaa madaxweyne ka ah Ali Bongo Ondimba, waa wiilka uu dhalay Omar Bongo oo dalkaasi xukumayay laga soo bilaabo sannadkii 1976-dii ilaa 2009-kii, halka dalka Jamhuuiyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo uu muddo 17 sano ah uu xukumayay Joseph Kabila oo aabihii Laurent-Désiré, oo la dilay, uu xilka kala wareegay sannadkii 2001-dii. Madaxweynaha Equatorial Guinea, Teodoro Obiang, oo talada dalkaasi hayay tan sannadkii 1979-kii oo xukunka kala wareegay adeerkii, Macías Nguema, ayaa hadana wiilkiisa Teodoro Nguema Obiang Mangue, ka dhigay madaxweyne ku xigeen, taas oo macneheedu yahay inuu isaga kala wareegi doono xilka. Ka dib markii uu geeriyooday madaxweynihii Chad, Idriss Déby, bishii la soo dhaafay, wiilkiisa Mahamat oo ah janaraal afar xidigle ah, ayaa durbadiiba noqday hogaamiyaha militariga xilgaarsiinta ee dalkaas. Iyada oo ay jirto jilicsanaanta siyaasadeed ee Chad oo toddobaadyo ka hor lagu dilay keli taliye Idiris Déby, oo xukumayay muddo soddon sano ah, haddana caqabado waaweyn ayuu wajahay wiilkiisa Mahamat. Dalka Cameroon, waxaa la soo sheegayaa suurtogalnimada ah in madaxweyne Paul Biya, oo 88 sanno jir, uu xilka ku wareejin doono wiilkiisa Franck Biya. Arrintan ayaa soo shaacbaxday ka dib markii sawirka Franck Biya ay muwaadiniinta bilaabeen in ay baraha bulshada ku wadaagaan si ay olole ugu sameeyaan. dhanka dalka Uganda na, haatan waxaa baraha bulshada lagu arkayaa olole loo sameeynayo Janaraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweyne Yoweri Museveni. Janaraalka ayaa la sheegayaa inuu noqon doono qofka doorashada soo socota ee 2026-ka xisbiga talada haya u noqon doono musharaxa xilka madaxweynaha. Gabon: Qorshaha qoyska kowaad Kaliye maahan arrimahan kuwa iyaga gaar u ah. Doorashadii Gabon ee sannadkii 2016-kii, Cali Bongo waxa uu wajahay wasiirkii hore ee arrimaha dibada ahaan jiray madaxa guddiga midowga afrika, Jean Ping. Si kastaba ha noqotee, Ping wuxuu keenay ujeedo siyaasadeed oo aasaasi ah, isagoo sheegay in uu yahay nin dowlad ah oo wajahaya mucaaradnimo oo kormeeri kara dib-u-habeynta iyo dimuqraadiyadda dhabta ah. Shan sano ka dib, wali ma uusan qiranin guuldaradii uu kala kulmay tartankaas, iyada oo ay jiraan su’aalo culus oo ku saabsan kalsoonida lagu qabo natiijada codbixintii ugu dambeysay oo si ciriiri ah u go’aamisay natiijada madaxweynaha. Laacibka u dhashay Aregntina Messi oo 2015-kii booqday Gabon ka dinb casuumaad uu ka helay madaxweyne Cali Bonga. Baaritaanka musuqmaasuqa Faransiiska Sidoo kale Dhibaatooyin noocyo kale duwan ah ayaa hareeyay xukunka Equatorial Guinea, oo weli gebi ahaanba awood badan leh, laakiin waxay bartilmaameed muhiim ah u ahayd baaritaanka garsoorka Faransiiska ee ku saabsan eedeymaha ah in hantida, qoysaska lagu iibsaday Faransiiska lacagta musuqmaasuqa. Labada Bongo iyo Nguessos, labaduba waa la bartilmaameedsaday 13-ka qof ee sida rasmiga ah baaritaanka loogu sameeyay waxaana sidoo kale ku jira qareen u shaqeyn jiray Madaxweynihii geeriyooday ee Omar Bongo iyo dhowr muwaadiniin Faransiis ah. Sannadkii 2015-kii, garsoorayaasha Faransiisku waxay amreen in lala wareego laba guri oo ku yaal Paris oo milkiilahooda dhabta ah ay rumeysnaayeen inuu ahaa Mr Sassou-Nguesso adeerkiis, Wilfrid Nguesso, waxay horey u amreen in lala wareego ku dhawaad ​​15 gaari oo nooca raaxada ah. Madaxweynihii hore ee Chad, Idriss Déby (bidix) oo la sawirran madaxweynaha Congo-Brazzaville Denis Sassou-Nguesso, sannadkii 2019 Sannadkii 2016-kii Mr Sassou-Nguesso wuxuu bilaabay tallaabo sharci ah oo uu ku doonayo in kiisaska isaga la xiriira la tuuro, halka afhayeenka dowladda uu ku tilmaamay kiisaska in ay yihiin “wax is daba marin ballaaran” oo loola jeeday in lagu sumcad xumeeyo madaxweynaha. Equatorial Guinea iyo gawaarida raaxada Waa madaxweyne ku xigeenka Equatorial Guinea, Teodoro, oo soo jiitay dareenka ugu badan, iyadoo booliisku ay harareeyeen hoygiisa qaaliga ah ee ku yaal Waddada 42-aad ee Foch ee magaalada Paris, waxayna qabteen dhowr baabuur, oo ay ku jiraan laba Bugatti Veyrons iyo Rolls Royce. Teodoro ayaa ugu dambeyn lagu xukumay inuu bixiyo $37 milyan oo dollar oo ganaax ah. Si kastaba ha noqotee, bishii Diseembar ee la soo dhaafay, Maxkamad ayaa diiday in uu bixiyo ganaaxas. Sharciga ay meelmariyeen baarlamaanka Faransiiska ayaa bixin doona dakhliga ka soo xarooda hantida noocan oo kale ah in meel loo dhigo loona isticmaalo maalgalinta mashaariicda horumarineed ee wadanka ay khuseyso. Haddana qabanqaabooyinka noocan oo kale ah waxay u baahan doonaan in si adag loo qaabeeyo. Ka dib markii maamulka magaalada Geneva, ay bilaabeen talaabo sharci ah oo ka dhan ah Teodoro iyo laba shaqsi oo kale oo lagu eedeeyay in ay lacago musuqmaasuqeen iyo ku takrifal hantida dadweynaha. Kiiska ayaa ugu dambeyntii la dhammeeyay bishii Sebtember, 2019-kii. Shan bilood ka dib, 22-kii Febraayo ee sannadkii hore, sawir hadda la tirtiray ayaa lagu baahiyay barta Instagram-ka. Wuxuu ahaa Teodoro oo muujinaya isaga oo baabuur ku dhex wataya waddooyinka caasimada Equatorial Guinea ee Malabo Qaran News
  9. Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa rajeyneysa inay sare u qaado Iskaashiga Masar iyo dalalka Khaliijka ayada oo lagu saleynayo “guul labada dhinac ah”, waxaa sidaas Talaadadii sheegay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Ankara ayaa ka shaqeyneysa inay hagaajiso xiriirka xumaaday ee kala dhaxeeya Qaahira iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka kadib sanado xiisad ah. Xiriirka Ankara ee Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa u xumaaday arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin mowqifyo is-diidan oo ay kala taagan yihiin Islaamka siyaasiga ah, dagaalka Libya, iyo dilkii Jamaal Khaashuqji ee October 2018 ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Turkey ayaa bilihii dhowaa isku dayeysay inay hagaajiso xiriirka, waxayna wafdi u dirta Qaahira, halka wasiirka arirmaha dibedda Mevlut Cavusoglu uu dhiggiisa Sacuudiga wada-hadallo kula yeeshay Riyadh. “Damaceena waa inaan fursadahan u adeegsano iskaashi heerka ugu sarreeya ah, oo aan hormarino xiriirkeena si ku dhisan guul labada dhinac ah…waxayna xaaladdan sidoo kale ku dabaqdaa dalalka Khaliijka,” ayuu Erdogan u sheegay taleefishinta dowladda ee TRT. “Waxaan jirta suurta-galnimada iskaashi dhab oo aan Masar kala yeelano arrimo ay ka mid yihiin badda Mediterranean illaa Libya,” ayuu yiri, isaga oo ku daray “inuu jecel yahay” dadka Masar. “Sidaas darteed, waxaa naga go’an inaan hanaankan dib u billowno.” Turkey ayaa bishii tagtay wafdi u dirtay Qaahira, halkaasi oo labada dhinac ay wada-hadallo ku yeesheen, taasi oo aheyd xiriirkii ugu horreeyey ee toos ah ee dhex-mara labada dhinac tan iyo markii afgambi militari xukunka looga tuuray madaxweynihii Masar Maxamed Mursal, 2013-kii. Sidoo kale, Ankara ayaa hoos u dhigtay cambaareyntii ay u jeedin jirtay Sacuudiag ee la xiriirtay dilkii Khaashuqji, xilli Sacuudiga ay joojiyeen inay badeecdaha kasoo dhoofsadaan Turkey. Kadib wada-hadalladii uu Riyadh kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan, Cavusoglu ayaa sheegay in wada-hadallada ay sii socon doonaan. VOA + Reuters The post Maxay tahay farriinta uu madaxweyne Erdogan u diray dalalka Khaliijka iyo Masar? appeared first on Caasimada Online.
  10. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in aysan ula kac ahayn rasaastii lagu furay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Taliyaha Asluubta ayaa tilmaamay in rasaastaas si kedis ah oo aan ula kac ahayn u fureen ciidamo ka tirsan Asluubta Soomaaliya oo ilaalo hayay. Sidoo kale Gen. Mahad ayaa raalli-gelin ka bixiyay rasaasta ay ciidamada Asluubtu ku rideen gaadiid uu la socday Xasan Shiikh Maxamuud. PUNTLAND POST The post DFS oo ka hadashay rasaas lagu riday gaadiid uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.
  11. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu mar kale u tartami doonaa xukunka dalka, waxayna noqon doontaa markii seddexaad oo uu tartamayo. Halmar isagaa adkaaday, marna waa laga adkaaday labadii doorasho ee uu horey usoo galay, wuxuuna damac uga jiraa inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo laba jeer la doorto. Inuu doorashadan ku adkaan karo shaki badan ayaa ku jira, wuxuuse xambaarsan yahay dabeecad ka duwan musharixiinta kale ee kasoo horjeeda oo la filayo inay ku tartamaan doorashada dhawaan ka dhici doonto Soomaaliya, waana inuu isticmaalay siyaasad aamusan ah. Waa dhaqan curdun ah oo uu Farmaajo la yimid, dal wax badan uma tari karto dabeecadda noocaan ah, weliba dal dhibaato kasoo kabanaya sida Soomaaliya, balse shakhsiyadda Farmaajo wax badan ayey ka tartay arrintaan. Sheekadaan waxaan ku eegi doonaa sida uu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ugu liibaanay siyaasadiisa ku dhisan aamusnaanta. Farmaajo wuxuu noqday madaxweynihii ugu hadalka yaraa ee qabta Villa Somalia, intuu xafiiska joogay waa kooban yihiin shirarkiisa jaraa’id, khudbooyinkii uu Shacabka u jeediyey iyo wareysiyadii uu bixiyey. Dowladdiisa waxay inta badan isticmaaleysay wareegtooyin qoran, waxaa in badan caawisay hadal jeedintii joogtada aheyd ee Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, laakin xataa markuu kheyre baxay Farmaajo wuu sii waday inuu afka u xirnaado. Muxuu ka faa’iday arrintaan? Farmaajo waxay dabeecadaan hareer marisay eedihii dowladdiisa, markay dowladda qalad ku kacdo inta badan dadka waxay ku doodaan inuusan Farmaajo laheyn dhaqanka noocaan, balse ay dabeecadan tahay mid ka timid dadka ka hooseeya. Aamusnaantiisa waxa ay keentay in mararka qaar dad kale si aanan fileyn dusha u saartaan eedaha loo heysto xafiiskiisa, wuxuu abuuray dad isku dhigayo eedaha dowladdiisa isaga oo aan hadleyn. Waxaa weli loo arkaa dhibane siyaasadeed, Waxay arrintaan xoogaa u difaacday aragtiisa lagu daday wadaniyadda. Siyaasadda afgaambnida ku dheehan tahay ee Farmaajo waxay sababtay in la fahmi waayo biyo dhiciisa, waxa uu damacsan yahay iyo cidda uu ogol yahay ama uu diidan yahay. Inkastoo ay jiraan dad badan oo ka laabtay taageerada aragtida Farmaajiisamka, haddana siyaasadaan aamusan ayaa la aamisan yahay inay Farmaajo u xafiday taageerayaal badan oo illaa maanta ku doodayo inuu Farmaajo yahay hoggaamiye wanaagsan balse uusan weli helin ciddii fahmi laheyd. Inkastsoo dadka qaar ay arrintaan u sababeeyeen hadal helista oo ku yar, haddana xitaa waxaa yar war-saxaafadeedyada uu soo saaray xafiiskiisa inta uu xilka hayey, waxaa kaloo arrintaan khafiifineysa inuu Farmaajo inta badan hadli jiray wareysiyana bixin jiray markii uu mucaaradka ahaa. Hadal yarantiisa aad uma caawin bulshada Soomaalida oo u baahan in la jiheeyo, laakiin shakhsiyan waxaa la aamisan yahay inay isaga ka dhigtay siyaasi nadiif ah oo weli rajo iska qaba. Maamul ahaan dowladdii Farmaajo wax badan ayey ku hafatay, laakiin dulucda sheekadeena waa inuu isaga si shakhsiyan ah ugu liiban inuusan inta badan hadlin. Tani waa sababta ay weli u jiraan dad badan oo weli aaminsan inuu Farmaajo mudan yahay inuu afar sano oo kale dalka xukumo, waxayna dad badan qabaan inay arrintaan wax badan u tari karto xilligaan oo uu bilowday ololaha doorashada. Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Sidee Farmaajo uga faa’iiday siyaasadiisa aamusnaanta? appeared first on Caasimada Online.
  12. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay Natiijada horu-dhaca ah ee degmada Sheekh. Natiijada guddiga ku dhawaaqeen ayeey xisbiyada Somaliland ay tira isku mid ah ka keenen. Natiijada Degmada Sheekh . ● Ucid 3 ● Kulmiye 3 ●Waddani 3 Kala soco Goobjoog News Wararka natiinada doorashada . Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Qodobkii ugu horreeyey ee kamid ahaa qodobadii ay 27-kii bishii May ku heshiiyeen dowladda federaalka Soomaaliya, duqa Muqdisho iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa ku fuli waayey waqtii loogu talagalay. Qodobka ku fuli waayey waqtigii loogu talagalay ayaa ah qodobka ku saabsan xalinta dooda kasoo laabatay guddiyada doorashada, waxaana heshiiskii ay kala saxiixdeen dhinacyadu ku xusnaa in 3-maalmood lagu soo gudbiyo xubnaha guddiyada doorashada ee tabashada laga qabo, kadibna guddi uu u saaro Ra’iisal wasaare Rooble, iyadoo guddigaasna loo qorsheeyey in laba maalmood gudahood ay ku soo gudbiyaan cidii soo magacawday si ay u keenaan bedelkooda, laguna shaaciyo laba maalin gudahooda. Waqtiga loogu tala-galay fulinta qodobkaan oo aheyd muddo shan maalin ah ayaa ku ekeyd 31-kii bishii dhamaatay ee May, waxayna shalay guddigii uu arrintaan u saaray Rooble shaaciyeen magacyada 67-qof oo dood laga keenay, waxaana weli sii dhiman in guddiga uu xubnahaan baaritaan ku sameeyo, kadibna dib loogu celiyo cidii soo magacowday, si loo bedelo. Howsha u taalla guddiga uu magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa laga yaabaa inay sii qaadato waqti dheeri ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn, waxayna taas saameyn ku yeelan doontaa muddadii ay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu ku heshiiyeen in doorashada lagu qabto oo aheyd 60-maalmood gudahood. Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aamisan in doorashada Soomaaliya ay ku dhici karto 6 ilaa 7 Bilood marka la fiiriyo duruufaha dalka ka jira iyo waqtiga ay u baahan tahay in lagu xaliyo doodaha ka imaan doono doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose oo ah meesha ugu badan ee uu loolanka doorashada ka dhici doono. Dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayaa haatan qanacsan, maadaama dalka uu galay doorasho, waxaana la qiyaasayaa in aysan dood weyn ka imaan waqtiga ay qaadaneyso qabashada doorashada marba haddii uu dalka galay jawi doorasho, horayna loo soo bartay in doorashada ay dhaafto waqtigii looga talagalay. Halkaan hoose ka akhriso qodobka waqtigiisa ku fuli waayey ee kamid ahaa qodobadii ay ku heshiiyeen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada. Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah. The post Mid ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen Rooble iyo madax goboleedyada oo waqtigiisa ku fuli waayey appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Puntland, kuwaas oo gaaraya sided xubnood. Warqadda uu madaxweyne Deni ku soo magacaabay xubnahan ayaa lagu socodsiiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo lagu cadeeyey in ogaansho ay ka heysato xafiiska madaxweyne Farmaajo. “Mudane Ra’iisul wasaare, waxaan halkaan kugula wadaagayaa magacyada xubnaha Puntland ku meteli doona guddiga doorashooyinka heer federaal (SIEIT),” ayaa lagu yiri warqadan ka soo baxday xafiiska madaxweyaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Xubnaha Guddiga oo ka kooban sideed ayaa kala ah: 1. Cabdikariin Muuse Maxamuud 2. Mouse Cabdiqaadir Ducaale 3. Axmed Cabdi Maxamuud 4. Ceynaanshe Yuusuf Xuseen 5. Caydaruus Axmed Faarax 6. Cabdirisaaq Cabdulle Faarax 7. Farxiya Xuseen Maxamuud 8. Canab Xaaji Saleebaan Warsame Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa dhankooda xalay iyo maanta soo kala magacaabay xubnihii laga sugayay ee guddiyada doorashooyinka. Axmed Madoobe ayaa xalay soo magacaabay 12-xubnood oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi uu maanta soo magacaabay 6-xubnood oo ah kala bar xubnaha guddiyada doorashooyinka ku meteli doona gobollada waqooyi ee Somaliland. Jubaland, Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa noqonaya dhinacyadii u horeeyay ee qaada tallaabo lagu fulinayo heshiiskii maalmo ka hor lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya. The post Aqriso Magacyada: Saciid Deni oo Rooble u gudbiyey xubnaha gudiga doorashada appeared first on Caasimada Online.
  15. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay Natiijada horu-dhaca ah ee golayaasha deegaanka Buuhoodle . Natiijada hordhaca ah ee degmada Buuhoodle ee golaha deegaanka ee Somaliland ayaa xisbiyada ay kale heleen: Waddani 5 Kulmiye 4 Ucid 2 Kalasoco Goobjoog News Wararkii ugu dambeyay ee natiijooyinka doorashooyinka Golaha wakiilada iyo deegaanka Somaliland . Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay rasaas galabta lagu furay baabuur uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay aheyd shil oo aysan ku talo-gal aheyn, isla markaana loo xil saaray guddi soo baara sida ay wax u dhaceen, kaas oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan. “Maanta waxaa dhacay shil dhex-martay ciidan Asluubta ka tirsan iyo ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxuuna ahaa shil si qaldan u dhacay, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in ciidanka Asluubta aysan si ku talgal ah u geysan shilkaas,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed. Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Arrintaas hadda waxaan u xilsaarnay guddi uu Taliyaha horkacayo, cidii uu ku cadaado qalad noocaan ahna, waxaan hor keeni doonaa sharciga, qaladkaas oo kale in uusan nagu soo laabana waan ku dadaaleynaa, sida loo maamulayo baraha controlna waan ka wadahadalnay taliyaha, waana la hagaaji doonaa, waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan ciidamada mas’uuliyad ayaa saaran, qalad waa dhici karaa, laakiin muhiimadu waa in laga daba tago oo la saxo, madaxweyne Xasana waxaan uga mahad naqeynaa, sida uu u xakameeyey arrintaan, waana ka raali gelineynaa.” Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa galabta waxa mar qura la huwiyey rasaas xoog leh, waxaana la sheegay in ilaaladii la socotay madaxweyanha aysan rasaastaas ka bixin wax jawaab celin ah, sida aan xogta ku helnay, taas oo baajisay iska hor-imaad dhex-mari lahaa labada ciidan. Wararka ayaa intaas kusii daraya in rasaasta lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh aysan wax khasaare ah ka dhalan, kadib markii uu madaxweynaha amray ilaaladiisa inay is-xakameeyaan, isla markaana aysan ka jawaabin rasaasta lagu furay, waxaana la sheegay in xabadaha ugu badan ay ku dhaceen gaariga madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka yimid shir nabad-gelyo oo ka dhacay Elite Hotel ee xeebta, isagoona u socday shir ay lahaayeen Midowga Musharaxiinta, xiliga ay ciidamada dowladda ku fureen xabadaha. Waxaa xusid mudan in goobta lagu rasaaseeyay madaxweyne Xasan Sheekh kal hore lagu rasaaseeyay kolonyo la socday Imaam Maxamed Yuusuf, midaasi oo uu hore raali-gelin uga bixiyey ra’iisal wasaaraha. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo war kasoo saartay rasaastii lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa soo magacabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal. Deni ayaa xafiiska ra’iisul wasaaraha u diray 8 xubnood oo ka mid noqonaya guddiga doorashooyinka heer federaal. Puntland ayaa noqoneysa maamulkii labaad oo si rasmi ah xubnaha guddiga doorashada u soo magacaba kaddib Jubbaland. Hoos Ka Akhriso magacyada xubnaha guddiga Puntland Source: goobjoog.com
  18. Dadka magacyadoodu hoos ku xusanyihiin waxa ka tacsiyadeynayaan qoyska reer Xasan Cabdi Carwo geerida ku timid Amina XasanCabdi Carwo oo bishan Juune1, 2021 ku geeriyootay magaalada Hargeysa, JSL. Ehelada, asxaabtaba, Ubadkeedii,iyo dhammaan walaaleheed ilaahay samir iyo iimaan ka innaga siiyo marxuumadan rabi jannaatul firdow ha ka waraabiyo,kitaabkeeda midigta Allah ha uga dhiibo. Axmed Yusuf Ducaale Yasmin Axmed Yusuf Abdi-fatah Ahmed Yusuf Fadumo Xasan Cali Basma Axmed Yusuf Axmed Cali Ibrahim Mahdi Muxumed Nuur Adam Muxamed Cige Xasan Cisman Cabdi Cumar Muxumed Xasan Cali Cabdi Jama Cabditrashiid Xasan Axmed Cabdirashiid Cali Xasan Sheikh Cabdiraxmaan Xaashi Muxamed Aw Cismaan Xasan Cabdi Xaaji Muxumed Suleekha Younis Xuseen Rashid Axmed Osman Cabdillahi Maxamuud Osman Cali Musa Cabdi Xasan Osman Guleed Jirde Ismaaciil Cabdalla Axmed Cabdillahi Ismail Yassein Cabdi Xassan Virus-free. www.avast.com Qaran News
  19. Artificial Intelligence (AI) ama Caqliga La Farsameeyay wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu xiisaha badan teknolojiyada maanta, mana dhici karto in Soomaaliya ay ka harto ama dib uga dhacdo. Maanta, dadka inta badan Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (HOL) - Somali government has rejected claims Wednesday it had fallen out with Djibouti following the February report which exonerated Kenya of violation of Somalia’s territorial integrity. Source: Hiiraan Online
  21. Natiijadda Hor-dhaca Ee Liiska Golaha Deegaanka Buuhoodle sida Xisbiyada u kala heleen Oo Lagu Dhawaaqay. 1- Xisbiga Waddani 5 2- Xisbiga Kulmiye 4 3- Xisbiga Ucid 2 Qaran News