-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Doorashada wakiillada iyo deegaanka Somaliland ayaa dhacday 31 May 2021 Waxaa ilaa hadda la shaaciyay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Somaliland Shan (5) gobol oo kala ah Sanaag, Togdheer, Saaxil, Awdal iyo Sool. Waddani oo hoggaaminaya kuraasta shanta gobol ayaa helay 24 kursi, halka Kulmiye uu helay 22 kursi, sidoo kale Ucid ayaa ka helay 16 kursi, iyadoo Golaha Wakiillada Somaliland ay yihiin 82 xubnood. Waxaa xusid mudan in 62 xubnood ee Golaha Wakiillada Somaliland ee la shaaciyay aysan ku jirin wax haweena. Weli waxaa la sugayaa natiijada gobollada dhiman, oo lagu wado in lagu dhawaaqo saacadaha soo socdo. Sanaag Waddani: 5 Kulmiye: 4 Ucid: 3 Tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiillada Sanaag waa 12 xildhibaan. Awdal Kulmiye: 5 Waddani: 5 Ucid: 3 Tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiillada Awdal waa 13 xildhibaan. Togdheer Waddani: 7 Kulmiye: 4 Ucid: 4 Tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiillada Togdheer waa 15 xildhibaan. Saaxil Kulmiye: 4 Waddani: 3 Ucid: 3 Tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiillada Saaxil waa 10 xildhibaan. Sool Kulmiye: 5 Waddani: 4 Ucid: 3 Tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiillada Sool waa 12 xildhibaan. Dhanka kale natiijada hordhaca ah ee golaha deegaanka Somailand ayaa inta badan la shaaciyay, waxaana loo kala helay sidan. Burco Waddani: 5 Kulmiye: 4 Ucid: 4 Berbera Kulmiye: 6 Waddani: 4 Ucid: 3 Boorama Waddani: 5 Kulmiye: 5 Ucid: 3 Baligubadle Kulmiye: 4 Waddani: 3 Ucid: 2 Oodwayne Waddani: 6 Kulmiye: 4 Ucid: 1 Buuhoodle Waddani: 5 Kulmiye: 4 Ucid: 2 Sheekh Waddani: 3 Kulmiye: 3 Ucid: 3 Baki Waddani: 5 Kulmiye: 3 Ucid: 1 Laascaanood Waddani: 5 Kulmiye: 5 Ucid: 3 Caynaba Kulmiye: 4 Ucid: 3 Waddani: 2 Taleex Kulmiye: 6 Waddani: 3 Ucid: 0 Xudun Kulmiye: 7 Waddani: 2 Ucid: 0 Ceerigaabo Waddani: 6 Kulmiye: 5 Ucid: 2 Ceel-afwayn Kulmiye: 5 Ucid: 3 Waddani: 3 Gar-adag Kulmiye : 4 Waddani: 3 Ucid: 2 Sallaxley Kulmiye: 4 Ucid: 3 Waddani: 2 Saylac Kulmiye: 4 Waddani: 4 Ucid: 3 Lughaya Kulmiye: 5 Waddani: 2 Ucid: 2 PUNTLAND POST The post Doorashada Somaliland: Sidee loogu kala guuleystay kuraasta wakiillada iyo deegaanka? appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya oo ka hadashay duqeymo ay Kenya ka geysatay Gedo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymo la sheegay in shalay diyaaradaha Kenya ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Gedo oo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerar cirka ah oo Ciidanka Kenya ka geysteen Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo 3-dii bishan uu keenay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in howlgallada Ciidanka Kenya ay yihiin kuwo ka baxsan hanaanka Ciidanka AMISOM, islamarrkaana aysan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah. Waxay tilmaantay in howlgallada ay Ciidanka Kenya ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ay yihiin kuwo aan wax ku soo kordhin doonin dadaallada loogu jiro xasilinta iyo ka hortagga xagjirnimada, laakiin ay yihiin kuwo sii xagjiraynaya dadka taageera xag-jirnimada. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka hadashay duqeymo ay Kenya ka geysatay Gedo appeared first on Puntland Post. -
(SLT-Hargeysa)-Boqor Osman Buurmadow ayaa hambalyeeyay doorashada ka qabsoontay Somaliland iyo doorka beeshiisu ka qaadatay. Waxa uu xisbiyada mucaaridka ugu baaqay inay shirguddoonka geeyaan cid u qalanta. Qoraal uu bartiisa Facebook ku baahiyay ayaa u dhignaa sidan: Waxaan sikal iyo laab ah u hambalyaynayaa dhamaan bulshada soomaaliland guusha iyo nabadgelyada soomaaliland ee doorashada labada gole waxaan sigaar ah ugu hambalyaynayaa beelaha East Burco Clan oo guul kasoo hooyey doorashadii dalka kaqabsoontay. Waxaa lagaadhay wakhtigii hogaanka baarlamaanka lagu hubsanlahaa Cid uqalanta Hogaaminta golaha labada xisbi mucaarad Waa inay umidoobaan dhisida hogaan Adag waxaan si aan gabasho lahayn utaageerayaa cabdirisaaq khaliif axmed doodir Kuxigeenka waxaan ku talin lahaa inlasiiyo Xisbiga ucid guulbaan urajaynayaa soomaliland Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah garabka mucaaridka ayaa si weyn usoo dhaweeyay tallaabo uu sheegay inuu qaaday ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, kadib dalab ay u direen xildhibaano uu kamid yahay. Mahad ayaa sheegay in Rooble uu ka dambeeyo amarka uu taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed uu maanta ku bedelay qaar kamid ah ciidamadii Asluubta ee ku sugnaa xarumaha dowladda iyo kontoroolo muhiim ah. “Waxaan bogaadinayaa ugana mahadcelinaynaa RW Maxamed Xuseen Rooble tilaabada uu ka qaaday Ciidamadii Asluubta ee joogay wada hormarta Kawaanka Malayga, Maxkamadaha, Xabsiga Dhexe iyo Dekadda ee maalin dhawayd xabadeeyay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri. “Waxaa naga go’an in aan si buuxda ula shaqayno RW Rooble si looga mirodhaliyo dadaaladiisa ku aadan xassiloonida dalka iyo qabashada doorasho xor ah oo loo dhanyahay.” Sidoo kale, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa soo dhoweeyey tallaabaday uu qaaday Rooble. “Cagaarkii waxaa bedelay kaaki, xabaddiina Faataxo ayaa bedeshay!.! Waa ku mahadsan yahay Raysul wasaare Rooble abuuridda xasilooni siyaasadeed iyo kala danbayn.” Hadalka Mahad Salaad ayaa imanaya saacado un kadib markii maanta Ciidamada booliska la geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn, kuwaasi oo laga qaaday ciidankii hore u joogey ee Asluubta. Ciidamada Asluubta ayaa dhowr jeer qaaday tallaabooyin muran badan dhaliyay, kuwaasi oo lagula kacay mas’uuliyiin uu ugu dambeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay rasaas ku fureen xili uu marayay aaga maxkamadda gobolka Benaadir. The post Mucaaradka oo bogaadiyey tallaabadii uu maanta qaaday Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha la magac baxay Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa digniin culus hawada usoo mariyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. enaraal Xuud ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaare Rooble uga digaayo inuu Beledweyne yimaado isaga oo uu la socdo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo uu sheegay inaysan aqoonsaneyn. “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaan u sheegayaa haddii uu Beledweyne yimaado isaga oo uu la socdo Cali Guudlaawe wixii dhibaato ah oo ka dhasha mas’uuliyadeeda inuu isaga qaadan doono, balse isaga iyo wafdigiisa kale ay imaan karaan Beledweyne,” ayuu yiri Jenaraal Xuud. General Xuud ayaa sidoo kale ka hadlay dadaallada uu Rooble ku doonayo in lagu xaliyo tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan qaab dhismeedka Maamul Hirshabelle, wuxuuna sheegay inay si weyn usoo dhaweenayaan arrintaas. Generaalka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in shirkii wadatashiga qaran ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya aan marnaba lagu soo hadal qaadin arrinta Hiiraan halka waqti badan la geliyey sidii loo xallin lahaa xiisadda ka jirto Gobolka Gedo. Hadalka General Xuud ayaa imaanaya xili dhawaan Xukuumadda Rooble ay ku dhawaaqday iney xalinayaan tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabeelle, waxaana soo baxaya warar sheegay in Rooble doonayo inuu tago Beledweyne. Beesha Xawaadle ayaa horay u qaadacay doorashadii ay kusoo baxeyn madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka Hiiraan ay soo bandhigayeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan HirShabeelle. Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka Hishabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabeelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro. Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid. The post Jenaraal Xuud oo Rooble uga digay ‘qorshe uu damacsan yahay’ appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali National Army (SNA) said its special forces unit killed 70 Shabab militants and injured several others on Thursday near Jowhar, a town in the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) -- Flooding caused by recent torrential rains across Somalia have affected an estimated 400,000 people in 14 districts since late April, the United Nations humanitarian agency said. Source: Hiiraan Online
-
JOWHAR (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble travelled visited Jowhar, the regional capital of HirShabelle, on Thursday to assess the devastation caused by the flooding. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay uga jawaabeyso dhacdadii ay ciidamada Asluubta ku xabadeeyen kolonyo gawaari ah oo la socotay madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud. Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa amray in ciidamada Asluubta laga wareejiyo xarumo dowladeed oo ku yaalla degmada Xamarweyne, kadib dhacdadii Arbacada. Kadib amarka Xijaar, waxaa gebi ahaanba laga qaaday ciidankii Asluubta xarumihii iyo kontorooladii ay ku sugnaayeen, ayada oo lagu wareejiyey ciidamada booliska. Ciidamada booliska ayaa waxaa la geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn, kuwaasi oo laga qaaday ciidankii hore u joogey ee Asluubta. Ciidanka Asluubta ee ku sugnaa xarumaha laga qaaday ayaa dhowr jeer ku kacay falal ka dhan ah mas’uuliyiin sarre, kaasi oo uu ugu dambeeyay madaxweynihii hore ee dalka oo ay ku xabadeeyen agagaarka maxkamadda gobolka Benaadir. Wararka ayaa intaa kusii daraya in ciidanka Asluubta ee laga qaaday xarumahaas loo bedalay goobo cusub oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho. Dhacdooyinkii ugu saameynta badnaa ee dowladda ka bixisay raali-gelinta ee ay ku kaceen ciidamada Asluubta intii ay ku sugnaayeen kontorooladaas ayaa waxaa kamid ahaa kuwoodii ugu dambeeyay ee ku rasaaseeyen kolonyo ay la kala socdeen Imaamka beesha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf iyo madaxweyne Xasan Sheekh. The post Sawirro: DF oo qaaday tallaabo jawaab u ah rasaastii lagu furay Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa fariin u diray Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo ka codsaday inuu u madax-baneeyo inay soo magacawdaan xubnaha guddiyada doorashooyinka ku meteli doona. Odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga oo marka hore soo dhaweeyey heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii doorashooyinka ayaa sheegay in guddiyadii cabashada laga keenay ay ku metelayeen xubno aan laga tashan soo magacaabidooda, isla markaana ay hadda doonayaan in laga bedelo. “Waxaan ka shirnay masiirka beelaha Banaadiriga, waxaan taageereynaa heshiiskii dhawaan ay madaxdu gaareen, hadaan nahay dad reer Xamar madaxda dalka iyo dhamaan siyaasiyiinta heshiiskaas waan ku amaaneynaa, ra’iisul wasaaraha waxaan ka codsaneynaa in metelaada beelaha Banaadiriga waxgaradkooda loo madax-baneeyo, sida beelaha kale,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay. Nabadoon kale oo goobta ka hadlay ayaa yiri, “Guddiga doorashooyinka, markii hore oo la magacaabaayey lagalama tashan odayaasha dhaqanka, duubabkeena iyo siyaasiyiinteena, waxaan ka war helnay iyadoo la magacaabay, hada waxaa la go’aamiyey in guddiyadii dib loogu noqdo, oo intii cabasho laga keenay la bedelo, marka maadaama markii hore nala dhinac mariyey, hada waxaan rabnaa guddigaan dib loo soo magacaabaayo, in gacanta loo soo geliyo odayaasha madaxda u ah beelaha Banaadiriga, si aan go’aan uga gaarno masiirka umadeena.” Xubnaha ku jira guddiyada magacaaban ee hadda la isku heysto, kuwooda metelaha beelaha Banaadiriga waxaa ka mid ah 3-xubnood oo aan u dhalan beelaha Banaadiriga, taas oo ay sheegeen inay la yaab ku noqotay. Xubnaha guddiyada doorashooyinka ku metelaya beelaha Banaadiriga waxaa soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana sida ay beelaha Banaadiriga sheegeen ku jira Ibraahim Maxamed Cumar oo u dhashay beesha Shiikhaal, Nuur Maxamed Xasan oo u dhashay Abgaal iyo Maxamed Xaaji Maye oo reer Aw-Xasan ah, kuwaas oo ka yaabiyey beelaha aysan ka dhalan ee metelayaasha looga dhigay. Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay wajahayaan hanajbaado la xiriirta inay arrintan ka aamusaan oo uga imanaya saraakiil ka tirsan dowladda. Hadda beelaha Banaadiriga waxay xukuumadda ka codsanayaan in qaladkaas la saxo oo loo madax-baneeyo inay soo magacawdaan xubnaha ku metelaya guddiyada doorashada, sidoo kale tabashada beelahaan ayaa ah mid soo jireen ah, waxayna horay u sheegeen in xuquuq ay la haayeen lagu duudsiiyey doorashadii ay afar sano ka hor dalka ka qabatay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh. Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg ayaa sheegay sanadkii hore in beelaha Banaadiriga laga dhacay kursi Xildhibaan, kaas oo deegaan doorashadiisa la geeyey magaalada Baydhaba ee K/Galbeed. Beelahan oo xaq u lahaa 6 kursi, ayaa xilligii Xasan Sheekh laga dhacay hal kursi, waxaana la siiyey beesha Sheekh Gandarshe oo Mogadishu Clan ah. Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in sanadkaan ay jiraan xildhibaano iyo siyaasiyiin qorsheynaya in beelaha Banaadiriga ay ka dhacaan ilaa seddax kursi – xildhibaan, kuwaas oo deegaan doorashadooda la geyn rabo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee odayaas. Sidoo kale Hoos ka daawo CUmar Shariif Jeeg oo ka hadlaya kursiga la boobay. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/06/WhatsApp-Video-2021-06-04-at-3.49.23-AM.mp4 The post R/W Rooble oo looga digay qorshe lagu boobayo kuraasta xildhibaanada Banaadiriga appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU - Bicycling enthusiasts around the globe are celebrating World Bicycle Day Thursday, including in Somalia, a Horn of Africa nation still struggling for stability after years of conflict. Somalia's cycling federation was just recognized last year and with poor roads and equipment, it's an uphill battle to prepare for upcoming international competition. Source: Hiiraan Online
-
Mohamed* was just 14 years old when he left Somalia, entrusting his life to traffickers in hopes of reaching Europe. In Libya, he was tortured and almost died from tuberculosis. Thanks to a humanitarian corridor, the 17-year-old was able to transfer to Italy and receive medical care. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo ka qeyb-galay munaasibad soo dhoweyn ah loogu sameeyay degmada Qardho, ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligaan mareyso meel halis ah oo loo baahan yahay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u istaagan si xal buuxa loo gaaro. Waxa uu ka digay halista ka dhalan karta haddii uu fuli waayo heshiiskii doorashada ee dhawaan dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Benaadir ay ku saxiixeen magaalada Muqdisho. “Marxalad adag ayuu marayaa dalka weli, marxalad noocii Dowladnimo oo aan sugeynay wali wada-hadal uu ka socdo ayuu marayaa. Soomaaliya waxay ku dhici doonta god weyn haddii la fulin waayo heshiiskii,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay madaxweynaha maamulka Puntland muhiimada uu leeyahay heshiiskii ay ku saxiixeen Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka, kaasi oo soo afjaray khilaaf muddo badan ka taagna hanaanka doorashada. Heshiiska doorashada ee dhawaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Benaadir ku saxiixeen magaalada Muqdisho ayaa rejo cusub dhaliyey, xili uu dalka galay xaalad hubanti la’aan ah. The post SACIID DENI oo shaaciyey waxa dhici kara haddii la fulin waayo heshiiskii doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Saddexda Xisbi ee UCID, WADDANI iyo Kulmiye, ayaa si weyn ugu loollamaya kuraasta Golaha Wakiillada ee Somaliland, kuwaas oo ka kooban 82 kursi. Natiijada hordhaca ah ee afarta gobol ee lagu dhawaaqay waxa hoggaaminaya Xisbiga Waddani oo haysta 21 Kursi, halka Xisbiga Kulmiye haysto 18 Kursi, Ucid 13 kursi. Source
-
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay qaar ka mid ah natiijada doorashada Golaga wakiilada Somaliland. Deeganada maanta oo jimca ah lagu dhawaaqay ayaa waxaa ka mid ah Sanaag. Hoos Ka Akhriso Natiijada Golaha Wakiilada Somaliland . Golaha Wakiillada gobolka Sanaag Waddani 5 Kulmiye 4 UCID. 3 Natiijada Hordhacaa ee Golaha Wakiillada gobolka Togdheer. Waddani 7 Kulmiye 4 UCID 4 Natiijada Hordhacaa ee Golaha Wakiillada gobolka Awdal oo la shaaciyay Xisbiyadu Waxay ukala Heleen Sidan. Kulmiye 5 Waddani 5 UCID. 3 Dhankale Deeganada Burco iyo Boraama ayaa lagu dhawaaqay Natiijada Golaha Deegaanka . Hoos Ka Akhriso Natiinada Golaha Deegaanka. Natiijada hordhaca ah ee Golaha Deegaanka Burco. * Waddani 5 * Kulmiye 4 * UCID 4 Natiijada hordhaca ah ee Golaha Deegaanka Boorama Waddani 5 Kulmiye 5 UCID 3 Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada kala duwan ee maamulka Somaliland waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo Isniintii la soo dhaafay si habsami leh uga dhacday magaalooyinka maamulkaasi. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey natiijada Golaha Wakiillada gobolka Togdheer, waxaana hoggaanka u hayo xisbiga Waddani oo bilihii ugu dambeeyey halkaas ka wado olole xooggan, waxaana codadka loo kala helay sidan: Waddani 7 Kulmiye 4 UCID 4 Sidoo kale Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka degmada Borama xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa ka helay tiro xildhibaano ah oo 5 iyo 5 ah halka xisbiga UCID uu helay 3 xildhibaan. Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka degmada Burco ayaa waxaa hoggaaminayo xisbiga Waddani oo helay 5 xildhibaan halka xisbiyada UCID iyo Kulmiye ay kala heleyn min 4 xubnood . Dhinaca kale natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Sanaag oo lagu dhawaqay waxa hogaaminaya xisbiga Waddani oo helay 5 xildhibaan, Kulmiye ayaa kusoo xiga oo helay 4 xildhiban, halka xisbiga UCID uu ka helay 3 xildhibaan. Waxaa ilaa hadda la shaaciyey 39 xildhibaan oo saddex Gobol ka yimid, kana tirsan Golaha Wakiilada, waxayna xisbiyada u kala heleyn sidan: Waddani: 16 UCID: 10 Kulmiye: 13 Isu geyn: 39 Tirada Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland waa 82 xildhibaan; Waxaa la sugayaa natiijada Gobollada: Saaxil (10), Awdal (13) iyo Maroodijeex (20). The post Natiijooyin cusub oo doorashooyinka wakiilada Somaliland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Lamu (Caasimada Online) – Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Kenya isla markaasna qeyb ka ahaa koox dhanka ammaanka ah oo loo xir saaray inay kooxda Al-Shabaab ka sifeeyaan deegaanka Lamu ee dalkaas ayaa soo laabtay 17 Maalin kadib oo la weysanaa. Askarigaan oo lagu magacaabo Norman Mwongera ayaa Arbcaddii dib ugu soo laabtay xeradiisa Basuba GSU oo ku taallo Lamu kadib markii lagu waayey howlgal ay ciidamada Kenya ku qaadeyn dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa keymaha u dhow Lamu. Norman Mwongera ayaa waxaa jirkiisa ku yaalay laba dhaawac oo rasaas ah, waxaana la sheegay in mid ay kaga taalay cajirka halka mid kalana ay kaga taalay gacantiisa midig, waxaana durba loo qaaday Isbitaalka si uu daaweyn deg deg ah u helo. Laamaha Ammaanka ee Dowladda Kenya weli faahfaahin kama aysan bixin sida ay Mwongera ugu suurta gashay inuu keymaha ugu badbaado 17 maalmood maadaama ay halkaas aad ugu xooggan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab. Waxaa weli maqan oo aan nolol iyo geeri lagu heyn 7 kamid ah kooxda ammaanka ee loo sameeyey inay Al-Shabaab kula dagaalamaan keymaha Lamu kadib dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday oo labada dhinac dhex maray. Kooxda loo xil saaray inay Shabaab ka sifeeyaan Lamu ayaa waxaa hoggaaminayo illaa 10 sarkaal oo loo soo xulay howlgalkaas, wuxuna howlgalka bilowday markii kooxda Al-Shabaab lagu arkay deegaanka Mangai taariikhdu markii ay ahayd 17-kii May. Saraakiishaan oo saarneyd diyaarad helikobtar ah ayaa iska caabin xoog leh kala kulmay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan keymaha, waxaana ugu dambeyntii lagu qasbay inay diyaaradda dajiyaan oo ay ku dhuuntaan keymaha, kadibna waxaa bilowday dagaal fool ka fool ah oo sababay in la dilo laba kamid ah saraakiishaas halka 8-dii kale ay duurka u carareyn, waxaana illaa hadda la helay kaliya Mwongera halka todobadii kale aan la ogeyn halka cirib iyo jaan dhigeyn. Kooxda Al-Shabaab ayaa awood weyn ku leh keymaha u dhow Lamu, waxayna halkaas kasoo qaadaan weeraro ay ka fuliyaan deegaano ku yaalo gudaha Kenya, waxayna ciidamada Kenya weli ku guuleysan la’yihiin inay halkaas ka saaraan Al-Shabaab. The post Norman Mwongera oo nolol lagu helay kadib 17 maalmood uu ka dhuumanayey Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Hanayn iyo hambalyo Ugu horayn illaahay baa mahad leh Waxaan hambalyo balaadhan u dirayaa saaxiibadayda ku guulaystay golayaasha wakiilada iyo deegaanka tartanku waa guul iyo guuldaro wada socda Waxaan hanbalyaaynayaa shacabka somaliland oo u dareeraray doorasho xor iyo xalaal ah Waxaan u bogaadinayaa komishanka doorashooyinka qaranka oo gutay shaqo hufan oo cadaalad ah waxaan amaanayaa ciidamada qaranka oo sugay amniga Waxaan si weyn u hambalyaaynayaa madaxweynaha jamhuuriyada somaliland iyo xukuumadiisa oo hirgeliyay doorasho ku cusub dalkeeena iyo dalal badan oo dunida ah waxay ahayd laba doorasho oo isku sidkan iyadoo maaliyadeeda iyo fulinteedaba dawladu doormuuqda ka ciyaartay Anigu horaan tartan doorasho u galay oo waa ku guulaystay dadkaaygaa i doortay maantana meel fiican bay isoo gaadhsiiyeen oo waa ii guul si weyn baan ugu mahadnaqayaa taageerayaashii hiilka iyo hooda ila hareer joogay habeen iyo maalina naftooda ii huray Waxaan leeyahay weynu guulaysanay e garwaaqsada Waan ku qanacsan ahay wana qaatay natiijada KDQ ee gobolka sanaag ee aan helay oo ah 2999 waxaanan ku waayay kursiga 24 cod oo keliya taasina waxaay muujinay dadaalkii taageerayaasha iyo dadkii codeeyay inay ii hagar baxeen Dadkaa geesi lagu yahay inshllaa guulo kale weynu gaadhi doonaa doorashona weynu da’a yar nahay. W/Q : Maxamuud Warsame Jaamac. Source
