Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. At least two people were killed and several others wounded in a bomb attack in the Somali capital of Mogadishu on Saturday, an official said. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa hadda warbaahinta u sheegay in qaraxii is-miidaaninta ahaa ee maanta ka dhacay isgoyska Ex-Control ay ku geeriyoodeen haweeney shacab aheyd iyo qofkii is qarxiyey. Qaraxa ayaa ka dhacayo suuq lagu iibiyo Hilibka, Mallaayga, sidoo kale ay ku dhowdahay busteejo laga raro Gaadiidka dadweynaha ee aada dhinaca degmada Dharkeynley, waxaana xilliga qaraxa uu ka dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan. Sidoo kale 23 qof oo kale ayuu sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaas, afhayeenku wuxuu kaloo ka hadlay kiisaska haweeney uu dhawaan seygeedii ku dilay degmada Warta-Nabadda iyo gabar yar oo dhawaan meydkeeda laga dhex helay guriga waalidkeed oo ay ku nooleed. Waxa uu sheegay in lagu raad joogo eedeysanaha lagu tuhmayo inuu dilay xaaskiisii, kaas oo macalin ka ahaa mid kamid ah Iskuullada Muqdisho, halka baaritaanka kiiska gabadhii meydkeeda laga dhex helay guriga waalidkeed uu meel fiican marayo oo dad loo soo qabtay. Ugu dambeyntii afhayeenku waxa uu sheegay in markii lasoo gabagabeeyo baaritaanka labadaas kiis ee lagu dilay gabdhaha ay natiijada la wadaagi doonaan hey’adaha cadaaladda dalka. Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shahaab. Muddooyinki dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo badinayey dadka is qarxinaya ee ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada Dowladda si weyn uga hor tageen gawaaridii qaraxyada lagu fulin jiray ee soo geli jiray magaalada. The post Booliska oo xog buuxda ka bixiyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadaha soo socdo la filayaa in go’aan kama dambeys ah laga gaaro xubnaha cabashada laga soo gudbiyey ee guddiyada doorashada labada heer oo ay midowga musharixiinta u gudbiyeen Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, Guddiga heer wasiir ee xaqiijinta caddeymaha xubnahaas ayaa la filayaa inay caawa kala saaraan xubnaha 67 ah ee khilaafka ka taagan yahay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddiga heer wasiir ayaa go’aan ku gaaray in la badalo qiyaastii illaa 45 xubnood oo ka tirsan 67 xubin ee cabashada laga soo gudbiyey Guddiga ayaa Ra’iisul wasaare Rooble u gudbin doono go’aanka ay ka gaareyn kala saarista xubnahaas, waxaana kadib la filayaa inuu si rasmi ah u faafiyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Howsha loo xil saaray guddiga heer wasiir ayaa dhaaftay waqtigii loogu talagalay in go’aan laga gaaro, waxayna saameyn ku yeelatay jadwalkii loo dajiyey doorashada Soomaaliya oo 27 Bishii May ay si wadajir ah u saxiixeyn Ra’isulwasaare Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda Maamul Goboleedyada. Guddigan ayaa shaqadoodu tahay inay mid mid u baaraan xubnaha guddiga, kadibna go’aan kasoo gaaraan kuwa cabashada laga keenay ay saxda tahay si guddiga looga saaro, iyo kuwa aysan saxda aheyn ee ay tahay inaan la taaban. Shaqada guddiga ayaa waxaa la sheegay inay saameyn ku yeelatay Villa Soomaaliya, waxaana soo baxeen shakhsiyaad awood ku dhex leh dowladda oo difaacaya xubnaha qaar ee cabashada laga keenay. Shakhsiyaadkan ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan kuwaas oo guddiga ku qasbaya in xubnaha qaar aysan guddiga ka saari karin, ayada oo midba uu si gaar ah u difaacayo shakhsi gaar ah. Go’aanka laga qaato xubnaha guddiga ee cabashada laga muujiyey ayaa dhaawici karta ama kor u qaadi karta kalsoonidii madax-banaani ee lagu qabay ra’iisul wasaare Rooble oo iminka wajahaya imtixaankiisa koowaad ee maareynta doorashada iyo abuurida jawi kalsooni geliya dhinacyada siyaasadda. The post Xog: Tirada xubnaha laga saarayo guddiga doorashada ee cabashada laga keenay appeared first on Caasimada Online.
  4. Qarax la aaminsan yahay in uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, ayaa goordhaweyd ka dhacay Ex-Contorol Afgooye ee magaaladdda Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo laga raaco daadiidka BL-ka ee aada Afgooye, sidoo kale ah suuq lagu gado kalluunka iyo hilibka, waxaana ka dhashay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la ogayn tirada rasmiga ah. Xiliga qaraxu dhacay waxaa goobta maray gaari ciidan oo ay wateen askar ka tirsan milateriga dowladda Soomaaliya, lamana oga bartilmaameedka qaraxa in uu ahaa gaarigaas iyo in kale. Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin qaraxa ka dhacay Ex-Contorol Afgooye ee magaaladdda Muqdisho. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  5. MOGADISHU (HOL) - The militant group Al-Shabaab has claimed to have recaptured three villages in Middle Shabelle as Somali National Army says it has killed over 200 militants in a week Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhawaqa qarax xooggan ayaa laga maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu qaraxa fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa. Qofka qaraxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay Goob laga raaco Gadiidka aada degmada Dharkeenleey, gaar ahaan isgoyska Macalin Nuur, isla markaana dhagxaan ay ku xireen laamaha Amniga Soomaaliya. Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii ku sugnaa meesha uu qaraxa ka dhacay, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah. Xilliga uu qofka isku qarxinayey halkaas ayaa waxaa meesha taagnaa gaari ay saarnayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Militariga lamana oga haddii uu qofka is qarxiyey bartilmaameedkiisu uu ahaa Ciidamada Dowladda. Meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, waxaana la joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Isgoyska Ex-Control oo markii horeba qeyb ahaan u xirnaa sababo la xiriiro dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye. Muddooyinki dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo badinayey dadka is qarxinayo ee ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada Dowladda si weyn uga hor tageyn gawaaridii qaraxyada lagu fulin jiray ee soo geli jiray Magaalada. The post DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Toban maalin ayaa laga joogaa tan iyo markii la saxiixay is afgaradkii lagu dhameystirayey heshiiskii September 17 iyo talooyinkii guddiga farsamo ee Baydhabo 16, laakin sidaa ay tahay ilaa hadda waxaa la dhameystiri laýahay guddiyadii doorashadii iyada aaney weli keenin maamullada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Heshiiskaas kadib, arrimaha ay aheyd in si dhaqso ah loo guda galo waa in la badalo guddiyadii lagu muransanaa isla markaana la magacaabo guddiyo cusub, ilaa hadda waxaa badalay, guddiyo cusubna sameeyey Jubbaland, Cabdi Xaashi, guddoomiyaha aqalka sare iyo siyaasiyiinta Somaliland iyo maamulka Puntland. Jubbalabd: 1-dii June 2021, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay Guddiga doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka, xubnaha waa 12. Cabdi Xaashi: 2-adii June 2021: Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey lix xubin oo guddiga doorashada ah, 4 xubin oo SEIT iyo 2 xubin oo FIET ah guddida doorashada iyo midka khilaafaadka. Puntland: 2-bada June, 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa isna magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee SEIT oo gaaraya 8 xunbood. Waxaa xusid mudan in maamullada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed oo laga la’yahay soo gudbisa liiska guddiyada doorashada, oo lagu daray dowladda federaalka ah ay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee soo gudbiyey guddiyadii hore ee cabashada laga qabay. Daahidda Rooble, Guudlaawe, Qoorqoor iyo Lafta-gareen ay daahinayaan guddiyada doorashada waxay dib u dhigi kartaa 60-kii cisho ee la lahaa waxaa lagu soo afjarayaa doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Bangiga JP Morgan oo xayiray deeqdii uu siin jiray siyaasiyiinta Xisbiga Jamhuuriga Bangiga JPMorgan ee Mareykanka ayaa sheegay in uu hakiyay lacagihii deeqda ahaa ee uu siin jiray siyaasiyiintii Xisbiga Jamhuuriga ee u codeeyay in la baabi’iyo doorashadii uu ku guuleystay madaxweyne Joe Biden sanadkii 2020. JPMorgan Chase & Co (JPM.N) wuxuu dib u bilaabi doonaa bixinta deeqaha siyaasadeed ee sharci dejiyayaasha Mareykanka, laakiin ma siin doono xubnaha Jamhuuriga ee Koongaraska ee u codeeyay in la laalo guushii doorashada madaxweyne Joe Biden, sida ku xusan qoraal hoose oo ay ku wada xiriireen xubnaha Xisbiga iyo Bangigan, kaas oo Jimcihii ay aragtay wakaalada wararka ee Reuters. Bangigan oo ah amaahiyaha ugu weyn ee waddanka wuxuu ka mid ahaa shirkado badan oo joojiyay bixinta deeqaha siyaasadeed, kaddib rabshadihii dhimashada ee January 6, 2021 ka dhacay xarunta Koongres-ka ee Capitol, markii taageerayaasha madaxweynihii hore Donald Trump ay isku dayeen inay kahor istaagaan Koongarska ansixinta guusha Biden. Saacado yar kaddib ayaa 147 Jamhuuriyiin ah, oo intooda ugu badan ay ka socdaan Aqalka Wakiilada ayaa u codeeyay in la laalo natiijooyinka Electral College-ka oo Trump uu si been abuur ah u sheegay in lagu musuqmaasuqay. Dhinaca kale, Shirkadda Facebook ayaa Jimcihii sheegtay in ay ka joojiyeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump isticmaalka Facebook illaa iyo Janaayo 2023, waxayna ku dhawaaqday isbeddelo ku saabsan sida ay ula dhaqmi doonto hoggaamiyeyaasha adduunka ee jabiya shuruucda shirkadda ee ku saabsan qoraallada lagu soo daabaco bartooda. Facebook ayaa hakiyay bartii Trump uu kulaha Facebook maalin kaddib rabshadihii ka dhacay Capitol Hill 6-dii Janaayo, iyagoo ku eedeeyay inuu huriyay rabshado. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah maamul goboleedyada dalka ayaa ka caga jiidaya inay u gudbiyaan xafiiska ra’iisul wasaare Rooble liiska guddiyada doorashooyinka heer gobol iyo heer federal si loo dedejiyo arrimaha doorashada. Dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada, maalmo un kadib markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiskii doorashada. Hase yeeshee maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo lagu tiriyo kuwa ku dhow madaxweyne Farmaajo, ayaan weli soo gudbin liisaska laga sugayo, waxaana durba soo baxaya tuhuno laga qabo arrintan iyo waxa laga damacsan yahay. Inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in tani ay tahay isku day la doonayo in lagu dheereeyo waqtiga qabashada doorashada, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan in culeys siyaasadeed oo haysta maamulladan dartood ay ugu wacan tahay go’aan qadasho la’aantooda. Xogtan aan helnay ayaa sheegeysa in sababta arrintan ugu wacan ay tahay ayada oo maamulladan, gaar ahaan Galmudug iyo HirShabelle ay saameyn iyo faro-gelin xooggan ku leeyihiin madaxda dowladda iyo mucaaradkaba, taasi oo ku adkeysay inay gaaraan go’aan deg deg ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa weli isku dayaya inuu xubno ku dhex yeesho guddiyada ka imanaya maamulladan, halka sidoo kale Midowga Musharaxiinta oo hadda sidii hore ugu dhow madaxda HirShabelle iyo Galmudug ay iyagana loolan ugu jiraan inay wax ka helaan xubnaha guddiyada doorasho. Waxaa sidoo kale faro-gelinta aan ka marneyn xildhibaano miisaan culus oo loolan ugu jira dib usoo laabasho. Guddiyada doorasho ayaa la rumeysan yahay inay saameyn xooggan ku lahaan doonaan cidda xildhibaan noqoneysa iyo cidda kale, waana taas sababta magacaabistooda la isugu hayo. Heshiiska 27-ka May ayaa dhigaya in dalka ay doorasho uga dhacdo 60 maalmood gudahood, hase yeeshee sida hadda ay wax ku socdaan waxaa muuqata inaysan doorasho ku dhici doonin muddadaas. The post Xog: Sababta ay maamullada qaar usoo magacaabi la’yihiin guddiyada doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  10. “Reer saaxil-oow hadaad ii Hiilin waydeen anaa idiin Hiilinaya” Musharrax Sucaad Carmiye oo ku hadhey Doorashadii Golaha Wakiilada Gobolka Saaxil ayaa sidan qortay “Asc dhammaantiin. Ugu horeyn waan idiin mahadnaqayaa meelkastood joogtaan. Waxan ku faraxsanahay iney doorashadi si nabad ah inoogu dhacdo. Ugu horeyn waxan u mahadnaqayaa qofkastoo itaagersanaa. Waxan u mahadnaqayaa intii ilasoo shaqeysay muddadii aan ololaha kujirey ee 8-da Billood ahayd oo dhabar adayg farabadan ii muujiyey. Waxan u mahadnaqayaa inta hiilka iyo Hoodaba ila garab taagneyd, waxan si gaara uugu mahadnaqayaa intaanu isasoo gaadhi kariweynay ee codkooda isiisay oon leeyahay waan idiin ogahay, waxan kaloon u mahadnaqayaa intii qalbiga iyo niyada iga taagersanayd, waxan u mahadnaqayaa intii iisoo ducaynaysay inaan guuleysto, dhamantiin waxan leeyahay waynu dedaalney oo meel fiican ayeynu nimi. Markasta Qoraalka ilaahay ayaa qoran se inagu waynu dedaalney. Ducadeenu waxey ahayd ilaahow kursigaas nagu guulee hadduu khayr noo leeyahay. Reer saaxil waxan leeyahay goorkasta iyo goobkasta waan idinla joogaa. Waxaanan ka aamusi doonin cadaalad darrada iyo dulmiga saaxil taala ee dadka lagu hayo, waxaanan ka aamusi doonin dayaca reer saaxil ka muuqda. inta iga danbeysa ee hammiga siyaasadeed leh jecelna inay kubiiraan kuraasta dalka looga arrimiyo ama mid Barlamaan ha noqoto ama mid deegaan ha noqotee waxan leeyahay, cidna hawga habranina inaad isasoo sharaxdaan. Waan kaga dhabeeyay ujeedkaygii ahaa inaan reer saaxil tuso in kuraasta cidkastaa geydo. Ugu danbeyn waxan hambalyaynayaa intii kuraasta Golaha wakiilada ku guuleysatey oon leeyahay ilaahay xilkaas aad qaadeen haydiin fudeydiyo. Reer saaxil-oow hadaad ii Hiilin waydeen anaa idiin Hiilinaya. Mahadsanidin. Qaran News
  11. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa ka digtay Ayax diigaanyo ah (fara badan) oo ku wajahan qayba kamid ah dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa waxa lagu sheegay in kastoo meelo kamid ah Soomaaliya & Itoobiya uu ka da’ay roob taasina ay yareysay cabsida laga qabay ayaxa hadana in laga cabsi qabo in Soomaaliya & Itoobiya markale lagu arko ayax farabadan oo dhibaatoyin kala duwan geysta. Hay’adda FAO ayaa qiimaysay saameynta uu bariga Itoobiya iyo Waqooyiga Soomaaliya ka geystay Ayaxa, sidoo kalena labada dal uu Ayaxa kuso wajahan yahay dabayaaqada Bisha aan ku jirno ee June. Sida laga soo xigtay FAO, hawlgallada hawada ka sokow, sahminta dhulka iyo kooxaha xakamaynta ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona helitaanka iyo yareynta Ayaxaka ka hor inta uusan si xoog ah u soo gaarin Somaaliya. PUNTLAND POST The post Hay’adda FAO oo ka digtay Ayax diigaanyo ah oo ku wajahan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa amar culus dul-dhigtay xubnaha musharraxiinta ee ku soo baxay natiijooyinka hordhaca ah ee la shaaciyey, kadib doorashooyinkii golaha wakiilada iyo deegaanka ee Isniintii ka dhacday maamulkaasi. Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Hargeysa Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey sida ay u dhaceen doorashooyinka ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey guddigii ka shaqeeyey qabsoomida doorashooyinkii dhowaan ka dhacay magaalooyinka Somaliland. Kaahin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan ay harsan tahay kaliya ku dhowaaqista natiijada doorashooyinkii ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Sidoo kale wasiirka ayaa soo saaray amaro culus oo ku socdo xubnaha musharraxiinta ee guuleystay iyo kuwa laga guuleystay, si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida guud. Halkan hoose ka aqriso 1: Inay sameeyaan dabaal degyo waaweyn oo gawaarida magaalooyinka lagu wareejiyo, taasi oo dhalin karta nabadgeliyo darro. 2: In ay mamnuuc tahay in lanisticmaalo waxyaabo Bululeer oo kale ah, oo xilliga ololaha ay kujireen Musharixiinta ay isticmaaleen. 3: in sidoo kale ay mamnuuc tahay waxkasta oo kicin kara musharixiintii kaga guuleystay, isla markaana nabadgelyada wax u dhimi kara. Sidoo kale Wasiirka ayaa ka codsaday Xisbiyada in Xildhibaannada ka tirsan ee guuleystay ay u gudbiyaan xeerarka lagu dhaqo dalka ee ka hortagaya dhibaatooyinka lidiga ku ah amniga. Go’aanadan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, iyada oo saaka magaalada Gibiley ay dad ka careysan doorashada dibad-bax ka dhigeen magaaladaasi, kadib markii uu doorashada deegaanka kusoo bixi waayey musharraxii Xisbiga Ucid ee ka sharraxnaa degmadaasi. The post SOMALILAND oo amar culus dul-dhigtay musharaxiintii guuleystay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in uu qorshaynayo sidii loo hagaajin lahaa xiriirka Ruushka iyo Maraykanka marka uu shir madaxeedkiisa ugu horeeya uu la yeesho dhigiisa Mareykanka Joe Biden dabayaaqada bishan, Kulanka fool ka foolka ah ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Geneva 16-ka Juun ayaa imanaya iyadoo uu aad u xumaaday xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka. Xiisado ayaa ka taagan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiisada Ukraine iyo eedeymaha la xiriira faragelinta doorashooyinka maraykanka. Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in dowladaha reer Yurub ay tahay inay ku bixiyaan gaaska Ruushka lacagta yuurada maadaama Moscow ay wado dadaalkeeda ka dhanka ah doolar-ka. Ruushka ayaa qorshaynaya inuu dhimo kaydadkiisa lacagta dollarka isagoo raba inu uga wareego lacagaha sida yuurada iyo dahabka. PUNTLAND POST The post Vladimir Putin oo doonaya in la hagaajiyo xiriirka Ruushka iyo Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  14. Toban maalin ayaa laga joogaa tan iyo markii la saxiixay is-afgaradkii lagu dhameystirayey heshiiskii September 17 iyo talooyinkii guddiga farsamo ee Baydhabo 16, laakin sidaa ay tahay ilaa hadda waxaa la dhameystiri la’ýahay guddiyadii doorashadii ee FIET iyo SEIT, waxaana sababta leh xukuumadda Rooble iyo maamul goboleedyada daacadda u ah madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Heshiiskaas kadib, arrimaha ay aheyd in si dhaqso ah loo guda galo waa in la badalo guddiyadii lagu muransanaa isla markaana la magacaabo guddiyo cusub, ilaa hadda waxaa badalay, guddiyo cusubna sameeyey Jubbaland, Cabdi Xaashi, guddoomiyaha aqalka sare iyo siyaasiyiinta Somaliland iyo maamulka Puntland. Jubbalabd: 1-dii June 2021, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay Guddiga doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka, xubnaha waa 12. Cabdi Xaashi: 2-adii June 2021: Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey lix xubin oo guddiga doorashada ah, 4 xubin oo SEIT iyo 2 xubin oo FIET ah guddida doorashada iyo midka khilaafaadka. Puntland: 2-bada June, 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa isna magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee SEIT oo gaaraya 8 xunbood. Waxaa xusid mudan in maamullada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed oo laga la’yahay soo gudbisa liiska guddiyada doorashada, oo lagu daray dowladda federaalka ah ay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee soo gudbiyey guddiyadii hore ee u badnaa ciidanka, shaqaalahooda iyo taageereyaasha Farmaajo. Waxaa jira warar sheegaya in ay doonayaan in dib usoo celiyaan qaar ka tirsan 67 xubnood oo cabasho ka keeneen saamileyda siyaasadda, loona arkay in aaney qaban karin doorasho xor iyo xalaal ah, oo ay daacad u yihiin Farmaajo. Daahidda Rooble, Guudlaawe, Qoorqoor iyo Lafta-gareen ay daahinayaan guddiyada doorashada waxay dib u dhigi kartaa 60-kii cisho ee la lahaa waxaa lagu soo afjarayaa doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa guul Qaran ku tilmaamay doorashadii dalka ka qabsoontay ee golayaasha wakiillada iyo degaanka. Sidoo kale waxaa uu mudanayaasha ku wargeliyay mar haddii golihii kale doorasho galay in ay iyaguna, doorasho isu diyaariyaan. Dhanka kale waxa uu xusay in aanay asxaabta saddexda xisbi Qaran aanay isku khilaafin doorashadii dalka ka dhacday. Waxaa kale oo uu ciidamada Qaranka ku boggaadiyay sidii ay sugista ammniga iyo doorashada qaybta libaax leh uga qaateen. Waxaanu murashaxiinta iyo bulshaweynta reer Somalilandba ugu baaqay inay iimaansadaan go’aanka guud ee guddida doorashooyinku ay soo saaran ee la xidhiidha guusha doorashada. Waxaanu guddoomiye Saleebaan sidan ka sheegay furitaankii kalfadhiga 75-aad oo uu saaka furay. Source
  16. “Asc dhammaantiin. Ugu horeyn waan idiin mahadnaqayaa meelkastood joogtaan. Waxan ku faraxsanahay iney doorashadi si nabad ah inoogu dhacdo. Ugu horeyn waxan u mahadnaqayaa qofkastoo itaagersanaa. Waxan u mahadnaqayaa intii ilasoo shaqeysay muddadii aan ololaha kujirey ee 8-da Billood ahayd oo dhabar adayg farabadan ii muujiyey. Waxan u mahadnaqayaa inta hiilka iyo Hoodaba ila garab taagneyd, waxan si gaara uugu mahadnaqayaa intaanu isasoo gaadhi kariweynay ee codkooda isiisay oon leeyahay waan idiin ogahay, waxan kaloon u mahadnaqayaa intii qalbiga iyo niyada iga taagersanayd, waxan u mahadnaqayaa intii iisoo ducaynaysay inaan guuleysto, dhamantiin waxan leeyahay waynu dedaalney oo meel fiican ayeynu nimi. Markasta Qoraalka ilaahay ayaa qoran se inagu waynu dedaalney. Ducadeenu waxey ahayd ilaahow kursigaas nagu guulee hadduu khayr noo leeyahay. Reer saaxil waxan leeyahay goorkasta iyo goobkasta waan idinla joogaa. Waxaanan ka aamusi doonin cadaalad darrada iyo dulmiga saaxil taala ee dadka lagu hayo, waxaanan ka aamusi doonin dayaca reer saaxil ka muuqda. inta iga danbeysa ee hammiga siyaasadeed leh jecelna inay kubiiraan kuraasta dalka looga arrimiyo ama mid Barlamaan ha noqoto ama mid deegaan ha noqotee waxan leeyahay, cidna hawga habranina inaad isasoo sharaxdaan. Waan kaga dhabeeyay ujeedkaygii ahaa inaan reer saaxil tuso in kuraasta cidkastaa geydo. Ugu danbeyn waxan hambalyaynayaa intii kuraasta Golaha wakiilada ku guuleysatey oon leeyahay ilaahay xilkaas aad qaadeen haydiin fudeydiyo. Reer saaxil-oow hadaad ii Hiilin waydeen anaa idiin Hiilinaya. Mahadsanidin. Source
  17. The Nigerian government says it has "indefinitely suspended" Twitter's operations in the country, the Ministry of Information and Culture announced in a statement on Friday. Source: Hiiraan Online
  18. (SLT-Washington)-Shirkadda Facebook Inc ayaa xayiraad muddo laba sanno ah ku soo rogtay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump akoonnada uu ku lahaa Facebook iyo Instagram muddo laba sanno ah. Waxaa laga mamnuucay labada goobood bishii January wixii ka dambeeyay qoraalladii uu ka sameeyay rabshadihii ka dhacay Capitol ee Mareykanka, laakiin bishii hore Guddiga kormeerka ee Facebook ayaa dhaleeceeyay ganaaxa furan. Facebook ayaa sheegtay in ficillada Mr Trump ay ahaayeen xadgudub daran oo sharciyada shirkadda ah. Mr Trump ayaa sheegay in tallaabadani ay sharaf dhac ku tahay malaayiin qof oo u codeeyay doorashadii madaxtinimo ee sannadkii hore. Tallaabada Facebook ayaa timid iyadoo shirkadda weyn ee baraha bulshada ay sidoo kale soo afjarayso siyaasad ahaan qaar ka mid ah xeerarka dhexdhexaadnimada waxyaabaha ku saabsan. “Xayiraadda Mr Trump waxay dhaqan gashay laga bilaabo taariikhda markii ugu horreysay ee la joojiyay 7 Janaayo,”ayaa lagu yidhi qoraal uu madaxweyne ku xigeenka Facebook ee arrimaha adduunka Nick Clegg uu soo dhigay bartiisa. “Marka la eego culeyska duruufaha ku kalifay hakinta Mr Trump, waxaan aaminsanahay in talaabooyinkiisa ay ka dhasheen xadgudub aad u daran oo ku saabsan sharciyadeenna oo u qalma ciqaabta ugu badan ee la heli karo,” ayaa lagu yidhi qoraalka. Hadal uu soo saaray ayuu Mr Trump ku yidhi: “Xukunka Facebook wuxuu aflagaado ku yahay rikoorka dadka 75m dhigaya, iyo dad kale oo badan, oo noo codeeyay …” “Waa inaan loo oggolaan inay ka baxsadaan faaf-reebka iyo aamusinta, ugu dambayntiina, waan guuleysan doonnaa. Dalkeennu mar dambe ma qaadi karo xadgudubkan!”ayuu sii raaciyay. Marka lagu daro Facebook, oo in ka badan laba bilyan ay isticmaalaan bil kasta, Mr Trump waxaa sidoo kale laga mamnuucay Twitter, YouTube, Snapchat, Twitch iyo aaladaha kale ee warbaahinta bulshada rabshadihii January. Source
  19. (SLT-Tigray)-Xaalad adag oo bani’aadanimo ayaa laga soo sheegaya Gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya, iyadoona ay soo xoogeysanayaan baaqyada ku aaddan in si deg-deg ahi colaadda loo joojiyo. Boqolaal kun oo barakacayaal ah ayaa gaadhay Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigray-ga, kuwaa oo sida la soo sheegayo u baahan gargaar deg-deg ah. Dhibaatooyinka sii kordhaya ee gobolkan ka taagan ayaa ka dhalatay isku dhacyada u dhaxeeya Militariga Itoobiya iyo maleeshiyada taabacsan TPLF. Madaxa Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobey, Mark Lowcock ayaa sheegay in boqolaal kun oo qof ay xaalad macluul ahi ku wajahayaan gobolkaasi, ka dib billooyin ay colaaduhu socdeen. Mark Lowcock ayaa ka digay dib u soo noqoshada macluushii darneyd ee dalkaasi ku dhufatay sanadkii 1984-kii, isagoona ku baaqay xabad joojin deg-deg ah oo waqooyiga Itoobiya looga dhawaaqo. Dadka wajahaya xaaladda adag ee ka jirta gobolka ayaa u muuqdo kuwo go’doon ka jira. Dhinacyada ay colaaddu u dhaxeyso ayuu Mark Lowcock ugu baaqay inay shaqaalaha gargaarka u ogolaadaan inay si buuxdo u taggi karaan goobaha rayidka. Dhanka kale Mark Lowcock ayaa sheegay in si deg-deg ah loogu baahan yahay lacago, si loo taageero dadaalada gargaarka bani’aadanimo lagu gaarsiinayo kuwa u baahan. Toddobadii bilood ee colaaddu ka jirtay gobolkaasi ayaa waxaa meesha ka baxay adeegyadii caafimaadka iyo dalagii beeraha. Source
  20. Hooyo Xaali Mustafe Iid, iyo wiilkeedii yaraa Barkhad yare. #MAANSO: “HANKAAGUNA WAA CIRKAAS.” • Hobeeya hobeey hobeeya • Habeen-dhaladoow hobeeya • Hankii ummaddoow hobeeya • Hobeey Barkahdoow hobeeya • Waxaan kugu habi samaane • Aniga hadalkayga qaado • Hadaaq oo weri dabeeto • Huf iyo been waa la dhaafay • Huuhaadii waa la duugay • Hoosiiskii waa la feydey • Cadceedda hortaada taagan • Sedkeedii bay haleeshay • Runbaa lagu heesi maanta • Hubaaleey qaado taada • Hobeey Barkhadoow hobeeya • Hillaac baxayoow dhegeyso • Hadraawi siduu mar sheegay • Hargeysi waxay dednaato • Xumaanta ku huursanaato • Hanqaar onkod baa ku yeedhay • Hambaabirtay oo ka booddey • Mar kale hurdadii ka toostay • Hobeey Barkhadoow hobeeya • Hu’gaygiiyoow dhegeyso • Halkaygii waan ku toosay • Anigu hadafkaygii gaadhey • Dad haadaan lagu xereeyey • Huq iyo ciil uu ku raagey • Hankoodii dhaawac qoomay • Hashoodii oo dhalaysa • Hadhuub inta uu ka buuxsho • Hortooda nin uu ku maali • Weliba hiinsiga u diidi • Hujuun ugu dari dabeeto • Hiirtaanyo ku seexda fiidka • Waqood hagardaamo haysey • Horseedkoodaad ahayde • Hankayagii waa rumoobay • Hobeey Barkhadoow hobeeya • Miiraale hugmoow dhegeyso • Kuwii haybta igu soocay • Adoo halal dheer dhashooda • Kuwii hoos kuu dhigaayey • Harraati miyaad ku jiidday • Ninkii shalay ii hanjabayey • Habaaska miyuu cantuugay • Hortooda runtii ma keentay • Hobeey Barkhadoow hobeeya • Hubkaygiiyoow dhegeyso • Dadkaaga u hiili dhaaxo • Jidkaad ku hagayso dooro • Hirkaad fananayso guudka • Hoggaa ka sokeeya daawo • Jeedaali hummaagga leexsan • Hareeraha fiiri waaga • Hanuuni bahdaa hanuuni • Hankooda la wiiqay dhaahi… • Hiraal iyo guul u muuji • Kurtood waa wada hormuude • Halyeey iyo waa nindoore • Hargaantiyo waa akhyaare • Ka tuur heeryadan la saaray • Dhacsii halgan weeye noloshu • Hullaabta la saaray xoor dheh • Hafriinyaha qaata diid dheh • Halgaad quudhsiga la eego • Hobeey Barkhadoow hobeeya • Magool la huboow dhegeyso • Markay hawl noqoto xaajo • Hibiyo ay noqoto xeelad • Ninnaba kaagama horreeyo • Hoggaami dadkaba hoggaami • Hufnaantu ku dooro dawga • Halbeegga ka yeel cadaalad • Hobeeya Barkhadoow hobeeya • Hammiga laabtoow dhegeyso • Hanuuni waqaa hanuuni • Hogaanka u tuur bahdaada • Hadhkiyo ugu yeedh hilaadda • Hayaanka la gaadh rugtiisa • Hir doogliyo gee ramaaska • Hadhaadiga eexda quuta • Hareerta ka dhaaf ciyoonba • Hadhuudhka cunsii firkooda • Hobeeya Barkhadoow hobeeya • Haraga jiidhkoow dhegeyso • Hangoolkiyo gudinta qaado • Ka kici habbisada dushooda • Nimaan hadlin hooyadiiba • Ma siiso waxay u hayso • Hurdada yaan lagugu gaadin • Xaqaa kuu hiilin doona • Horraan-qaad baad ahayde • Hilinka aad eegga qaadday • Horiyo ugu soco hortaada. • Hankaguna waa cirkaase • Halbeegaaguna cadaalad Waxa curiyey: Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
  21. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada horu-dhaca ah ee golaha deegaanka Gabilay . Natiijada guddiga ay shaaciyeen ayaa waxaa golaha deegaanka Gabilay ku horeya Natiijo hordhac ah: Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ku horeya xisbiga Kulmiye oo 5 kursi ka helay doorashada golaha deegaanka Gabilay . Hoos ka akhriso natiijada golaha deegaanka gabilay 1⃣UCID 4 2⃣ KULMIYE 5 3⃣ WADDANI 4 Dhanka kale barqanimada maanta ayaa lagu wadaa in guddiga doorashooyinka Somaliland ay shaaciyaan natiijada golaha deegaanka Hargeysa iyo natiijada golaha wakiilada gobalka maroodi jeex. Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay natiijooyinka doorashooyinka golaha deegaanka iyo golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku soo baxay laba haween ah oo keliya . Labada haweena ayaa ku soo baxay golaha deegaanka xudun iyo taleex . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay dowqeymo ay diyaadaha Kenya ka geysteen deegana hoostaga gobalka Gedo . Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya.” Duqeymahan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah , xilli muddooyinkii u dambeyay uu aad u xumaa xiriirka labada dowladood. Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  23. In the latest of successful deals, a Turkish defense firm has landed a new contract to provide 118 armored vehicles to Kenya, expanding its footprint in Africa. Source: Hiiraan Online
  24. In the latest of successful deals, a Turkish defense firm has landed a new contract to provide 118 armored vehicles to Kenya, expanding its footprint in Africa. Source: Hiiraan Online