-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga Ra’iisul wasaaraha dalka u xilsaaray xaqiijinta xubnaha muranka laga keenay ee guddiga doorashooyinka dalka ayaa soo saaray liiska xubna ay sheegen in ay ka saareen guddiga doorashooyinka . Rooble ayaa dhawaan liiska 67 xubnood oo ka mid ah guddiga doorashooyinka ka guddoomay Xubnaha midawga Musharixiinta, kuwaas oo sheegay in aysan xubnahan qaban karin doorasho xor iyo xalaal ah . Guddiga xaqiijinta ayaa sheegay in 34 ka mid ah liiska 67 xubnood ay ka saareen guddiga doorashooyinka dalka, waxa ayna sidoo kale sheegen in 48-saacadood gudahood ay ku soo magacaabayaan xubnaha la saaray kuwii badali lahaa. Xubnahan guddiga laga saaray ayaa horay loogu eedeyay in ay ku jiraan kuwa ka tirsan Ciidamada , Shaqaalaha dowladda iyo Taagerayaasha Madaxweynihii hore dalka Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya, isla-markaana hoostago Jubbaland waxaa dhowaan ka dhacay weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya, iyada oo khasaaraha ugu badan uu soo gaaro rayidka. Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena kasoo jeeda Jubbaland ayaa ka hadlay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysanayaa gobolka Gedo, isaga oo shaaciyey in muddo dheer ay soo jireen weerarada ay Kenya ku heyso shacabka ee ku dhaqan gobolkaasi oo Soomaaliya ka mid ah. Ciyaar Jecel oo u warramay telefishinka caalamiga ah ee Universal TV ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sababta soo cel-celisay weerarada ay inta badan ciidamada Kenya ka fuliyaan Gedo, wuxuuna ku sheegay inay tahay daan-daansi dagaal oo ay wado dowladda Kenya oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ahee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Kenya ay u aragto gobollada Gedo iyo Jubbooyinka meel laga difaaco dhulkeeda, sida uu hadalka u dhigay. “Sababta soo cel-celisa wey iska cadahay sidaad la socoto dowladda Soomaaliya iyo Kenya cilaaqaad xiriira oo ka dhexeeya haba-yaraatee ma jiro waa kuwa dhowr bilood ka hor xiriirkii kala qaatay waxa soo cel-celiyey waxaa weeye daan-daansi micanaha aan loo aabo yeelin, iyaga oo leh Gedo ama Jubbaland waxaanu ka dhiganeynaa meel aan ka difaacno Kenya,” ayuu wareysigaan ku yiri Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel. Ugu dambeyn wuxuu baaqay dowladda Soomaaliya inay jawaab deg deg ah ka bixiso weerarada ay Kenyo ka wado dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolka Gedo, sidoo kale wuxuu ku booriyey siyaasiyiinta iyo shacabka inay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinkaasi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey dowladda Soomaaliya ay u cambaareysay duqeyntii u dambeysay oo Kenya ay ka fulisay deegaanka Ceel-Cadde, taas oo ay waxyeelo isugu jirto dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay Hooyo Soomaaliyeed iyo caruurteeda. Amisom ayaa sidoo kale maanta war cusub kasoo saartay duqeyntaasi, iyada oo sheegtay inay sameyn doonto baaritaan dheeraad ah, isla-markaana ay la shaqeyneyso dowladda. The post Maxaa soo cel-celiyey weerarada Kenya ee Gedo? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga doorshooyinka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday natiijada gobalka Maroodi-jeex ee golaha wakiilada iyo natiijada magaalada Hargeysa ee golaha deegaanka. Xisbiga WADANI ayaa natiijada golaha deegaanka iyo wakiilada Hargeysa iyo Maroodijeex hogaaminayo . Xisbiyada ayaana ka helay Golaha wakiilada maroodi-jeex natiijo ah: Waddani 7 Kulmiye 8 Ucid 5 Dhanka kale Natiijada golaha deegaanka Hargeysa ayaa xisbiyada ay kala heleen kuraas kala ah : 1⃣UCID 4 2⃣ KULMIYE 6 3⃣ WADDANI 7 Tirada guud ee kuraasta Hargeysa waa 17 xubnood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The African Union Mission in Somalia (Amisom) has promised to investigate allegations that the Kenya Defence Forces (KDF) killed civilians in Gedo during an aerial raid on Al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa muddo ka badan 10 cisho waxa uu ku sugan-yahay degaano ku yaalla gobalka Shabeellaha Dhexe oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka socday howgal ka dhan ah Al-shabaab. Ciidanka dowladda oo ka kala baxay degmooyinka Jowhar iyo Raaga-Ceelle ayaa Al-Shabaab ka qabsaday degaano badan, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay Al-Shabaab wadeen abaabulka weeraro ka dhan ciidanka dowladda, sida aan kasoo xiganay saraakiil ka tirsan xoogga dalka. Taliyaha ciidanka Xoogga Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa la qorsheeyay in uu soo baxo Arbacadii, hase yeeshee waxaa la helay xog sheegeysa in Al-shabaab ay diyaariyeen weerar abaabulan, kaasoo dhacay Khamiistii toddobaadkaan. Sidoo kale Taliyaha ciidamada xoogga ayaa baajiyay safar kale oo kii Arbacadii iyo Khamiistii ka horreeyay, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay diyaariyeen dagaalamayaal, gaadiid qaraxyo laga buuxiyay iyo miinooyin badan oo dhulka la geliyay, waana sababta uu ilaa hadda taliyaha u joogo baadiyaha Shabeellaha Dhexe. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ay ka fuliyeen degaanka Warciise ee duleedka degmada Jowhar waxay ku dileen Korneel Maxamed Cabdiwaaxid Faarah oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, waxaana la sheegay in weerarkaas ay lala damacsanaa taliyaha Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage. Ciidanka Xoogga ayaa toddobaadyadii dhowaa xoojiyey howlgallada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka go’an in gobolka laga xoreeyo maleeshiyada Al-Shabaab oo muddo badan haysata qeybo ka mid ah. The post Taliyaha Ciidanka Xoogga oo go’doon ku ah baadiyaha Shabeellaha Dhexe – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay howlaglka Midowga Afrika ee AIMSOM ayaa lagu shaaciyey in AMISOM iyadoo ka jawaabeysa bayaankii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya 4-tii bishan ay bilaawday baaritaanka duqeymihii ciidanka Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo. “Howlgalka ayaa hada ku howlan aruurinta macluumaadka ku saabsan shilka la soo sheegey, waxaana si dhow ula shaqeyn doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan daneeyayaasha kale oo ay khuseyso inta aan baareyno arintaan,” ayaa lagu yiri bayaanka AMISOM. Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in AMISOM ay waajib ku tahay inay si habsami leh ugu fuliso howlaheeda loo igmaday ee Soomaaliya, si waafaqsan asluubta, iyadoo la raacayo dhammaan sharciyada caalamiga ah ee khuseeya howlgalka. “Sidaas darteed waxaa ka go’an inay baaraan dhammaan eedeymaha ku saabsan xad-gudubyada xuquuqda ka dhanka ah ee loo geysto rayidka.” “AMISOM waxay si buuxda u baareysaa dhacdada la sheegay wixii ka soo baxana waxaa lala wadaagi doonaa dhammaan daneeyayaasha ay khuseyso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka AMISOM. Maalin ka hor 4-tii June war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyey duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Ugu yaraan geerida hal qof iyo dhaawacyada shan qof oo kale ayaa la soo weriyey inay ka dhasheen duqeymaha ay Gedo ka heysteen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya. The post Amisom oo war kasoo saartay eedeyntii ay DF Soomaaliya u jeedisay ciidamada Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan. Dhawaan ayaa markii middowga musharaxiinta waxay ra’iisul wasaare Rooble usoo gudbiyeen ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay ka tirsan yihiin dhaqaalaha dowladda, ciidanka iyo qaar siyaasisiin ah ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen. Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mid ah xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay. Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha la qorsheeyey in guddiga laga saaro ay markii hore ahaayeen ku dhowaad 45 xubnood hase yeeshee xilli dambe ay soo baxeen cadaadis xooggan oo la saaray xubnaha guddiga xaqiijinta, ayada oo mas’uuliyiin miisaan culus ay ku dhegeen in xubnaha qaarkood loo daayo. Guddiga xaqiijinta ayaa la filayaa inay dhowaan si rasmi ah u shaaciyaan magacyada xubnaha 34-ka ah ee guddiga laga saaray. Dhinaca kale, xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa la sugayaa inay ka falceliyaan go’aanka ay guddiga xaqiijinta kusii daayeen 33 ka mid ah xubnihii ay cabashada ka keeneen, mana cadda inay aqbali doonaan iyo inay mar kale kala hadli doonaan ra’iisul wasaare Rooble. The post Daawo: Guddigii uu Rooble magacaabay oo shaaciyey tirada xubnaha laga saaray guddiyada doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay inta u dhexeysa deegaanada Docoley iyo Baxda-Gaabo, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaadkaas oo wada daga halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo muran ka dhashay baraago laga qoday deegaanadaasi, iyada oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay dagaalkaas, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, sida ay Caasimada Online u shegeen ilo dadka deegaanka ah. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac ee isku diriray halkaasu. Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Galmudug ee ku aadan dagaalkaasi. Deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo khasaare kala duwan geysta, waxaana ay salka ku hayaan dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ay kala tirsanayaan beelaha qaar ee wada dega gobollada Galgaduud iyo Mudug oo dhaca bartamaha dalkeena Soomaaliya. The post Dagaal culus oo ka dhacay GALGADUUD + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga xaqiijinta xubnaha cabashada laga keenay ee guddiyada doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay 34 xubnood oo laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan. Guddiga ayaa sheegay in 34 xubnood ay saameeyeen eedeymihii ay u soo jeediyeen dhinacyada siyaasadda oo kala ahaa in ay kamid yihiin ciidamada, shaqaalaha dowladda iyo taageero u yihiin siyaasiyiin. Guddiga ayaa ka codsaday dowlad goboleedyada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in xubnahan lagu soo badelo muddo 48 saacadood gudahooda. 34 xubnood ayaa laga soo saaray 67-dii xubnood ee la eedeeyay oo sugu jiray guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo khilaafaadka. Hoos ka daawo guddiga oo arrimahaas ka hadlaya. PUNTLAND POST The post Xubno laga saaray guddiyada doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Barkhad Batuun (bidix) iyo Cabdikariin Mooge (midig) Natiijada golayaasha Wakiillada iyo Deegaank ee gobolka Maroodi-jeex iyo degmada Hargeysa oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo sugayay ayaa goordhaweyd lagu dhawaaqay. Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa loo kala helay sidan. Kulmiye: 8 Waddani: 7 Ucud: 5 Golaha Golaha Wakiillada Maroodi-jeex waxaa ku jira Barkhad Batuun oo ahaa musharaxii ugu hadal haynta badnaa doorashada Somaliland, wuxuuna helay codad ka badan 20 kun. Golaha Wakiillada Maroodi-jeex waxaa ku jirta hal xubin oo haween ah, waana haweeneyda kaliya ee 82 xubnood ee Golaha Wakiillada Somaliland ka soo baxday, taas oo ku jirtay golihii hore. Magacyada xubnaha Golaha Wakiillada Maroodi-jeex Kulmiye 1. Axmed Maxamed Maxamuud 2. Axmed Cabdi Muuse Cige 3. Cabdikariin Maxamed Muxumed 4. Yaxye Cabdillaahi Aamiin Ismaaciil 5. Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax 6. Maxamed Xuseen Jaamac Raamboo 7. Axmed Yuusuf Nuur Guruuje 8. Cabdillaahi Sh. Muxumed Axmed. Waddani 1. Barkhad Jaamac Xirsi Batuun 2. Axmed Dayib Aadan Guuleed (Ku caddeeye) 3. Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye ”Sokeeye” 4. Jamaal Aadan Diiriye Ciise 5. Eng. Axmed Cabdi Ibraahin Cige 6. Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi Budul 7. Ibraahin Maxamed Jaamac. Ucid 1.Cabdinaasir Yuusuf Cismaan 2. Maxamed Khadar Daahir Mooge 3. Maxamed Jaamac Ismaaciil 4. Maxamed Cismaan Maxamed 5. Maxamed Xasan Siciid Dhanka kale Golaha Deegaanka Hargeysa oo ka kooban 17 xubnood ayaa xisbiyadu u kala heleen sidan. Waddani: 7 Kulmiye: 6 Ucid: 4 Golaha Deegaanka Hargeys waxaa ku jira Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga Waddani oo helay codadkii ugu badnaa ee musharax Somaliland helo, kaas oo helay 26, 296 cod. Magacyada Golaha Deegaanka Hargeysa. Waddani 1. Cabdikariin Axmed Mooge 2. Yaasiin Cumar Yare . 4. Faysal Cabdiraxmaan 5. Cabdi Maxamed Faarax 6. Mawliid Maxamed Giire 7. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed. Kulmiye 1. Aadan Jaamac Modeeye 2. Siciid Jaamac Cali 3. Cabdiraxmaan Soltelco. 4. Jamaal Cismaan Cabdille 5. Axmed Juxa 6. Maxamed Abiib Siikaawi. Ucid 1. Siciid Cabdisamed Cudhay 2. Xuseen Ibraahim Askar 3. Cabdikariin Xasan Garas 4. Khadar Axmed Cumar PUNTLAND POST The post Doorashada Somaliland: Golayaasha Wakiillada iyo Deegaan ee Maroodi-jeex iyo Hargeysa oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo kamid ahaa musharaxiintii u tartamayey golaha wakiilada Somaliland ee ka sharaxnaa gobolka Maroodijeex ayaa kasoo muuqday liiska xubnaha u horeeya ee kusoo baxay natiijada horudhaca ah, isagoo noqday xubinta koowaad ee kasoo baxday xisbiga Waddani. Guddiga doorashooyinka Somaliland oo goor dambe oo caawa ah ku dhawaaqay natiijada horudhaca ah ee golaha deegaanka iyo wakiilada Somaliland ayaa sheegay in Barkhad Batuun uu kusoo baxay codad dhan 20,231. Barkhad ayaa noqonaya xildhibaankii ugu codadka badnaa golaha wakiilada Somaliland, maadama uu kusoo baxay tiro saddex jibaar ka badan xildhibaanada ay kasoo wada muuqdeen liiska musharaxiinta ku guuleysatay golaha wakiilada Somaliland. Barkhad oo kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland ayaa tan iyo markii uu bilowday ololaha doorashada si weyn u hantay quluubta shacabta gudaha iyo dibedda, midaasi oo keentay in uu helo codad labaatan kun ka badan. Natiijada doorashada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex ee la shaaciyey ayaa waxa uu xisbiga Waddani ka helay 7-Xubnood, waxa uu xisbiga Kulmiye helay 8-Xubnood, halka Ucid uu ka helay 5-Xubnood. Natiijada la shaaciyey ayaa aheyd mid si weyn loogu dhag taagayey, maadama gobolka Maroodijeex uu yahay gobolka ay kasoo baxaan xubnaha ugu badan golaha, wuxuuna noqonaya gobolkii ugu dambeeyay ee Komishanka doorashooyinka Somaliland uu shaaciyo natiijooyinkiisa si horudhac ah. The post Barkhad Batuun: Codad intee le’eg ayuu ka helay doorashada Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa hadda lagu dhawaaqaya natiijada doorashadii golaha deegaanka degmada Hargeysa ee caasimada Somaliland, oo saacadihii u dambeeyay si weyn loo wada sugayay. Natiijada la shaacinayo ee degmada Hargeysa ayaa noqoneysa middii u dambeysay ee degmooyinka si horudhac ah loo shaaciyo, maadama degmooyinka iyo gobolada kale ee Somaliland lagu dhawaaqay natiijooyinkii horudhaca ahaa ee golayaasha deegaanka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saddexda xisbi oo si weyn ugu loolamay magaalada Hargeysa ayaa waxa hogaanka u haya xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo helay 7-Xubnood, waxaa ku xiga xisbiga Kulmiye oo isaguna helay 6-Xubnood, halka xisbiga Ucid uu helay 4-Xubnood. Natiijada golaha deegaanka Hargeysa ee lagu dhawaaqay ayaa ka dhigaysa mid uu hogaanka ku qabanayo Waddani, ayada oo maalmihii u dambeeyay uu tirinta codadka hogaanka u hayey xisbul xaakimka Kulmiye. Doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland ee toddobaadkii hore ka qabsoomay gobolada iyo deegaanada Somaliland ayaa aheyd mid si weyn indhaha loogu hayey, waxaana codeeyay dad ka badan 1-Milyan oo qof. Waxaa saacadaha soo socda ayadana la filayaa in guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqan natiijada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex. The post DEG DEG: Natiijada doorashadii caasimada Somaliland oo lagu dhawaaqay appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Businesses in the Puntland State of Somalia have begun to turn away customers with Somali shilling, in favour of the US dollar. The Exchange Rate Crisis Committee led by the former Puntland State President Abdirahman Farole tasked the incumbent government of President Said Abdullahi Deni with enforcing recommendations of which mandatory use of the Somali shilling for transactions is the most salient. The Committee recommended that mobile money operators include the Somali shilling in their electronic wallets. Local business briefly felt obliged to transact business in the local currency. This week most businesses in Puntland refused to accept the Somali shilling for transactions. Will President Deni wake up to the dire monetary situation in Puntland? A Puntland Post reporter has gone to three convenience stores in Garowe to purchase water in a plastic bottle. The shop assistants told the reporter upfront that the Somali shilling “is no longer a legal tender.” As if the monetary situation in Puntland is not dire, traders have rejected to conduct any transactions below one dollar. Traders demanded from our reporter to wire US$ 1.30 for a bottle of water costing $0.30 so that the trader can send $1 as a change to the customer. Conversely, the trader can send $1 to the potential customer who will send $1.30 to be able to buy a bottle of water. Former Puntland President Abdirahman Farole was handed a poisoned chalice to deal with the exchange rate crisis in Puntland. Telecom companies have included the Somali shilling in their electronic wallets. Consumers have been reluctant to use the electronic Somali shilling for business transactions partly because of an unstable exchange rate. Prices are quoted in dollars. Due to the absence of uniform exchange rate for the Puntland-printed Somali shilling, some traders quote an excessively high exchange rate to dissuade customers from using the Somali shilling. The two exchange rates — one for the market and the other for selling to the government — add to the jittery exchange rate regimes in Puntland State. “It seems to me that Puntland State government has thrown in the towel when it comes to enforcing the use of the Somali shilling for business” said Mohamud Adan Ali, a business economist in Bosaso. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Traders Refuse to Accept Somali Shilling for Transactions appeared first on Puntland Post.
-
AMISOM oo war ka soo saartay duqaymo ka dhacay Gobolka Gedo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
War-saxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ay Baaritaano ku samaynayaan duqaymo dhowaan ka dhacay Gobalka Gedo kuwaas oo dad Rayid ah khasaare ka soo gaaray. Wasaaradda Arrimaha Dibedda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedaysay in uu dal ka tirsan AMISOM ku lug lahaa Duqeyntii Diyaaradaha ee lagu dilay dad rayid ah oo ku noolaa Gobalka Gedo. Qoraalka ay Hawlgalka AMISOM soo saareen waxay kaloo ku sheegtay inay ku hawlan yihiin Ururinta Warbixinada la xiriira Duqeyntaasi, isla markaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan DFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Daneeyayaasha kale inta ay AMISOM baarayso dhacdadaasi. Dhinaca kale, AMISOM waxay sheegtay inay ka go’an tahay baaritaanadda dhamaan eedeymaha la xiriira Xadgudubyada heer kasta oo uu yahay ee ka dhan ah Ciiddanka ka hoos shaqeeya Taliskooda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post AMISOM oo war ka soo saartay duqaymo ka dhacay Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post. -
Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Ex-Contorol Afgooye ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen qof rayid ah iyo qofkii qaraxa geystay. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ku dhaawacmeen 23 qof oo goobta ka agdhawaa, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan. Hoos ka daawo Afhayeenka Booliska oo qaraxa iyo arrimo kale ka hadlaya. PUNTLAND POST The post Khasaaraha qaraxii Ex-Contorol Afgooye appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta Naasir Xuseen caawa xilkii laga qaaday, iyadoo la magacaabay Agaasime cusub. Cabdullahi Maxamed Xayir oo horay u soo noqday Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga ayaa la sheegayaa in caawa loo magacaabay xilka Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta. Waxaa horay idiinla wadaagnay inuu jiro cadaadis dhanka madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha uga imaanaya wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, kaas oo ah in la bedelo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo dhammaan agaasime waaxeedyada wasaaradda. Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa aad u dhibsaday hanaanka tafaftir ee ay qaadatay warbaahinta qaranka oo tan iyo markii mas’uuliyadda ammaanka iyo doorashada uu wareejiyey madaxweyne Farmaajo si siman u tebineysay wararka mucaaradka iyo muxaafidka. Nidaamkaan dhexdhaxaadka ah ayaa la sheegay in xafiiska Farmaajo uu u arko mid caqabad ku noqon kara ololihiisa doorashada, maadaama doorashada soo socota kaalin muhiim ah ay ka cayaari doonto warbaahinta. Xogta aan heleyno waxay intaas ku dareysaa in qorshaha is bedelka lala damacsan yahay wasaaradda warfaafinta uu intaas ka balaaran yahay, waxaana socda qorshe Agaasimaha cusub uu xilalka uga qaadi doono agaasime waaxeedyada TV-ga, Raadiyaha iyo Wakaaladda SONNA. Arrintaan ayaa waayahaan aad isha loogu wada hayey, maadaama is bedel badan oo dhanka tafaftirka ah laga dareemay warbaahinta qaranka oo si siman u qaadaneysay wararka musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale ee mucaarad iyo muxaafidba. The post Xog: Agaasimihii wasaaradda warfaafinta oo xilka laga qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer gaba-gabo ah maraya baaritaanka dilkii fooshaa xumaa ee Muqdisho todobaadkii hore loogu geystay Nafiso Cumar Cabdullaahi oo 11 sano jir aheyd, taasi oo meydkeeda maalmo kadib laga dhax helay Digsi ku jira gurigii ay ku nooleyd oo ku yaalla degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir. Waalidka Marxuum Nafisa ayaa sheegay in hay’adda Dambi Baarista ee Booliska Soomaaliya ee CID ay soo daayeen 3 qof oo kale oo qoyska kamid ah, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadkii la xiray maalintii ay arrintaan soo ifbaxday iyadoo lala haray laba qof oo walaalo ah. Aabe Cumar Cabdullaahi ayaa Warbaahinta Gudaha ee Muqdisho u sheegay in baaritaan gaar ah uu ku socdo gabar iyo wiil walaalo ah, islamarkaana ay walaalo ilma Abti ah ay ahaayeen hooyada dhashay Marxuum Nafisa, kuwaasoo la sheegay in guriga ay kaligood joogeen markii la weynayay Marxuum Nafisa oo 11 jir ah. Wiilka xiran ayaa jira 20 sano halka gabadhana ay jirto 16 sano, waxaana la helay cadeymo qaar oo la xiriirinaya in arrintaan ay iyaga ka dambeeyeen sida aan ka soo xiganay CID-da Soomaaliya oo kiiskaan gacanta ku heysa, balse weli laguma caddeyn arrintan. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodisho ayaa maanta warbaahinta u sheegay in kiiskaan uu marayo meel wanaagsan islamarkaana dhowaan ay soo saari doonaan warbixin dhameestiran. Falkaan oo ahaa mid aad u fool xun ayaa cabsi weyn ku abuuray qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo ilaa hadda aad u hadal haaya. The post Xog: Labada qof ee lagu tuhmayo dilkii Nafisa Cumar oo meydkeeda laga helay digsi appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin: sida Xisbiyadu u kala heleen Kuraasta Golayaasha Wakiilada & Degaanka ee la shaaciyey Waxaa lagu dhawaaqay 19 Degmo-doorasho golayaashooda deegaanka oo noqonaya guud ahaan 203 Kursi, Waxaan halkan ku eegi doonaa Sida ay Sadexda Xisbi qaran u kala heleen oo noqonaysa Sidan:- ■ KULMIYE 87 Xildhibaan Golle Deegaan ■ WADDANI 72 Xildhibaan Golle Deegaan ■ UCID 44 Xildhibaan Golle Deegaan. Waxaa kale oo la shaaciyey Natiijooyinka hordhaca ah ee Shanta gobol ee kala ah Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, iyo Awdal Waxay Sadexda Xisbi qaran ka kala haystaan 82 Xubnood ee golaha Wakiilladu ka kooban yahay Sidan:- ■ WADDANI 24 Kursi. ■ KULMIYE 22 Kursi. ■ UCID 16 Kursi. Waxa qudha ee Isha lagu hayaa waa Natiijada Hor-dhaca ah ee kasoo baxda Degmo-doorashada Hargaysa iyo Gobolka Maroodi-jeex ee Wakiillada oo go’aamin doona cidda ay raaci doonto Aqlabiyada Kuraastu. Goor-dhow ayaan halkan idinku soo gudbin doonaa wararka kasoo kordha Natiijooyinka la sugayo ee hanaga Fogaanina. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ka dalbaday in aysan ka hadlin rasaastii lagu furay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marayay Khamiistii meel u dhow Maxkamadda Gobalka Banaadir. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday in uu ka jawaabo wixii dhacay islamarkaana aaggaas laga wareejiyo ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ama xil ka qaadis lagu sameeyo taliyaha ciidanka Asluubta oo saacado kadib raali gelintii uu bixiyay ka laabtay. “Rooble, Xasan Sheekh iyo Mucaaradku waa wadahadleen waxayna ku ballameen in la qaboojiyo xaaladda isagoo u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatada ka jirta wadadaas waana ka qabtay,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan Xafiiska Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneral Xijaar ayaa shalay ciidankii Asluubta ka qaaday goobtii lagu rasaaseeyey Xasan Sheekh, waxaana lagu beddelay ciidamo boolis ah, kadib markii uu sidaas amray ra’iisul wasaare Rooble. Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa rasaaseeyay Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo arrintaas ay dhalisay hadal badan waxaana ilaa hadda ka hadlin Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, sababtuna waa codsiga Rooble oo diidanaa in arrinta ay kasii darto. The post Xog: Rooble oo fuliyey ballan uu ka qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Caasimada Online.
