Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta degen deegaanadii xalay iyo shalay ay dagaaladu ku dhex mareen ciidamada dowlada iyo ciidamada ka soo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo iyo ilaalada musharaxiinta qaar oo dhinac ah. Goobaha ay dagaalada ka dhaceen sida agagaarka Marinaayada, Xaafada Taleex, Isgoyska Dabka iyo qeybo kamid ah degmada Howl-wadaag, gaar ahaa waddada Maka Al-Mukarama ayaa degen, waxaana si teel teel ah u socda dad badankood u socda shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwo doonaya inay ogaadaan wixii shalay illaa xalay dhacay iyo cidda ku sugan goobihii lagu dagaalamay. Dhammaan Goobihii ay dagaalada ka dhaceyn ee Marinaayada, Xaafada Taleex iyo Isgoyska Dabka ayaa waxaa gacanta ku hayo ciidamo daacad ah Xasan Sheekh oo Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, Saadaq Joon, iyo kuwa kale oo ka amar qaata saraakiil si toos ah ugu xiran Midowga Musharixiinta. Dhammaan waddooyinka soo gala goobihii dagaalada dhaceyn ayaa waxaa lagu xiray carro, waxaana difaac kaga jiro ciidamo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka. Ciidamada diidan mudo kordhinta madaxweyne Farmaajo ayaa xalay muujiyey awoodooda, waxayna ku guuleysteen inay gubaan afar ka mid ah baabuur oo ay waten Ciidamada Gorgor oo ay tababartay dowladda Turkiga. Ciidamada dowlada ee daacada u ah Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ayaa xalay ka laabtay isgoyska KM4 oo ay dagaalada ka bilowdeen waxaana qeybo ka mid ah wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarrama ku sugan ciidamo taabacsan Midowga Musharaxiinta. Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro dagaaladii dhacay inkastoo ay adag tahay in dhinacyada ay si fudud isku aaminaan maadaama ay Dowladda Soomaaliya ku guul-dareysatay inay fuliso heshiisyadii ay horey ula gashay Midowga Musharixiinta oo ay kamid aheyd inay ogolaatay in banaanbax ay qabsadan mucaaradka inkastoo markii dambe ay dowladda ka baxday. Dad badan oo ka barakacay guryahoda oo miciin bidey xaafado kale ayaa weli wadnaha farta ku haya iyadoo ay jirto cabsi la xiriirta in markale uu dagaal bilowdo. The post Yaa gacanta ku haya goobihii lagu dagaalamay ee Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  2. (SLT-Muqdisho)-Qarramada ayaa war deg deg ah ka soo saartay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday ee Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka. “Bahda Qarramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn” ayaa lagu yidhi Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in marnaba xabadda ayna xal u noqoneyn ismariwaaga siyaasadeed ee taaggan, waxaana dhinacyada iska soo horjeeda ay ugu baaqday in ay is xakameeyaan. Saacadihii magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo xoogag taabacsan mucaaradka oo ka soo horjeeda muddo korarsiga dowladda hadda jirta. Source
  3. Laga soo billaabo 12kii April 2021, markii uu baarlamaanka Soomaaliya go’aamiyay in muddo laba sano ah lagu kordhiyo muddo xileedka madaxweynaha, waxaa taagnaa xiisad ka dhan ah arrintaas oo ugu dambeyn soo gaadhay halka uu maanta dalka taagan yahay. Waxaa laga baqayaa dagaal uu dhiig ku daato oo ka dhaca caasimadda, kadibna ku faafa gobollada kale ee dalka. Billowgii dhacdadaan gudaha iyo dibaddaba waxaa looga arkayay cadaadis siyaasadeed oo ay kooxda madaxweynaha saarayaan mucaaradka gaar ahaan Puntland iyo Jubaland si ay uga tanaasulaan qaar kamid ah qodobada ay miiska soo saareen wadahadalka balse, dhacdooyin dhowr ah oo is xig xigay waxa ay muujinayaan natiijo taas ka duwan oo miiska soo saartay su’aasha ah madaxweyne Farmaajo ma leeyahay qorshe aan ahayn muddo kororsi haddii uu socon waayo? Mise waa halka xulasho ee uu heysto, haddii ay surtageliweysana uu dalku ka dhacayo haadaan laga yaabo in ay isaga galaafato? Dagaalka Beesha Caalamka Dhowr qoraal oo is daba joog ahaa oo uu soo saaray madaxweynaha xilligiisu dhamaaday waxa uu ku handaday beesha caalamka, qoraalladan oo dhowr nuuc ahaa dhowr hay’adood oo dowladeedna la dhex marsiiyay waxa ay muujinayeen colaadin iyo awood sheegasho. Xafiiska Farmaajo oo abaabulka ugu badan ee ololahan sameynayay ayaa farriimo toos ah u dirayay beesha caalamka isaga adeegsanaya Twitter-ka agaasimaha warfaafinta Villa Somalia, Cabdirashiid Xaashi Duqa, sidoo kale qoraallo loo kala diray ururrada ay Soomaaliya xubinta ka tahay, dowlado iyo hay’ado oo lagu diyaariyay Villa Soomaaliya ayaa lagu dirayay magaca wasaaradda arrimaha dibadda, isla markaana hoos looga dusinayay warbaahinta. Muddada howshaan socotay waxay dowladda Soomaaliya ka hortimid dhammaan soo jeedinnadii dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo ugu dambeyn midowga Afrika oo amniga dowladda Soomaaliya iyo madaxdaba gacanta ku haya. Waxaa intaa dheer in eedeymo xooggan oo aan caddeyn loo heynin loo jeediyay dalalka deriska ah sida Jabuuti iyo Kenya. Ololahaan oo qeyb ahaan guuleystay waxa uu soo afjaray qorshahii beesha caalamka ee ahaa in in cadaadis nabdoon looga jibba keeno madax adaygga Farmaajo, waxa uuna xubnaha beesha caalamka gaarsiiyay quus sababtay in ay ka fikiraan “Gacan qabasho muuqata”, taas oo cawaaqib waawey oo u baahan in aad looga fiirsado ay ka dhalan karto. Abaabulka gudaha Muddada ay beesha caalamku ka fiirsaneyso tallaabo adag oo Farmaajo gacanta looga qabto ayay kooxda madaxweynaha xilligiisu dhamaaday go’aansadeen in hubiyaan awooddooda iyo taageeradooda gudaha. Madaxweynaha ayaa kulamo la yeeshay odayaal dhaqan, hoggaamiye kooxeedyo hore iyo dad uu aaminsan yahay in ay saameyn ku leeyihiin bulshada Muqdisho, arrinkaan ayaa abuulkeeda waxaa loo xil saaray maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta. Kulamadaan qabiilka iyo baahinta xooggan ee wasaaradda warfaafintu u sameysay waxaa ka dhashay “Hadallo Nacayb” ku sameysan oo abuuray xiisad cusub. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Benaadir Cali Yare, Hoggaamiye kooxeed hore Cabdi Waal, Ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo siyaasiin kale oo dadka reer Muqdisho ku xusuustaan waxyeellada ay ciidamadii Ethiopia u geysteen Muqdisho 2006-2009 ayaa si cad u weerar qaar kamid ah Musharixiinta oo taageere xoogga ku leh Muqdisho, qaarkood waxay ku baaqeen dagaal. Arrinkaan ayaa abuuray xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan. Soo afjaridda Mucaaradka Muqdisho ku sugan Ilo xilkas ah ayaa xaqiijiyay in Musharrixiinta kala ah; Xasan Cali Keyre, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdulqaadir Cosoble ay heleen xogta weerar la qorsheeyay 16kii bishan April, taas oo la doonayay in lagu soo xiro ama la dilo haddii ay dagaallamanaan. Musharixiintan oo dhammaan ka soo jeeda Muqdisho ayaa go’aansaday in degaan goobo ay ammaankooda ku hubinayaan oo aay taageerayaashooda ku badan yihiin, waana arrinka adkeeyay in si sahlan ay ciidamada dowladdu ku soo afjaraan mucaaradka. Xasan Sheekh ayaa degay Xaafadda Marinaaya oo ku taalla duleedka Bari ee Muqdisho oo ay reerkiisu u badan yihiin, isla markaana dhabarka ku heysa deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe. Sheekh Shariif ayaa isna degan Xaafadda Siisii ee degmada Yaaqshiid iyo Kaaraan oo ku taalla Waqooyi Bari Muqdisho, waa halkii uu ka soo billaabay halgankii maxkamadaha Islaamiga ah 2005. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna u guuray degmada Hodon oo ay taageerayaashiisu ku badan yihiin, halka Xasan Cali Khayre uu qorsheeyay in uu u guuro degmada Howlwadaag oo aad ugu dhow madaxtooyada. Tallaabadaan ay musharrxiintu qaadeen ayaa ahayd mid ay ugu fogaanayeen weerar kaga yimaado Farmaajo, balse taa meesha kama saarin in la weeraro. Maxaa xiga? Dhacdooyinkaan oo dhammaan la aaminsan yahay in ay abauulnaayeen ayaa muujinaya in qorshaha kaliya ee madaxweyne Farmaajo yahay in uu guuleysto muddo laba sano ahna awood ku joogo, taas oo meesha ka saari karta rajada Soomaalida iyo beesha caalamka ee ah in wadahadalladii doorshada dib loogu laabto. Labada koox ee siyaasadda Soomaaliya isku heysa oo horay ugu muuqday koox isku dayeysa soo afjaridda cid walba oo ka hor timaada waa Farmaajee iyo koox isku dayeysa in ay cadaadis saarto madaxweynaha xilligiisa dhamaaday si uu doorsho u oggolaado ayaa hadda is wajahaya iyada oo labada dhinacba isku dayayaan in mid walba uu midka kale soo afjaro. Walwalka ah in xaaladdu faraha ka baxdo ka hor inta aysan beesha caalamku go’aamo adag gaarin ayaa sii kordhaya maadaama ay kooxda madaxweynaha xilligiisu dhamaaday isku dayayso soo afjaridda mucaaradka ka hor go’aan kasta oo laga filan karo beesha caalamka, dhanka kale mucaaradka oo go’aansaday in ay is difaacaan ayaan la ogeyn sida ay u xakameyn karaan taagarayaashooda oo ay suurtagal tahay in ay wiiqaan ciidanka daacadda u ah Farmaajo. Xigasho: Mustaqbal Radio Source
  4. Kulan ay maanta yeesheen Baarlamaanka Puntland ayaa lagusoo qaadey Xaalada Amni iyo Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan Xaaladaha kasoo cusboonaadey Muqdisho, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirshiid Yusuf Jabril oo Shirka shir gudiominsyay ayaa sheegey iney si dhow ula soconayaan Xaalada Caadimada Dalka kadib rabshadihii xalay ka dhacay Xasfado ka tirsan Muqdisho. Baarlamaanka Puntland waxay cambaareeyeen Dagaalkii Xalay lagu qaadey Madaxda Mucaaradka iyagoo Ciidamada ugu baaqay inay ka foojignasdaan talaabooyinka ay qaadayaan. Kulanka Baarlamaanka waxaa kaloo looga hadlay Shaqooyinka Gudiyada Baarlamaanka. hoos kadaawo Sawirada The post Gudoomiye Cabdirshiid Y.Jabril “ Sidhow Ayaan ula soconaa Xaalada Muqdisho” appeared first on . Source
  5. Laga soo billaabo 12kii April 2021, markii uu baarlamaanka Soomaaliya go’aamiyay in muddo laba sano ah lagu kordhiyo muddo xileedka madaxweynaha, waxaa taagnaa xiisad ka dhan ah arrintaas oo ugu dambeyn soo gaartay halka uu maanta dalka taagan yahay. Waxaa laga baqayaa dagaal uu dhiig ku daato oo ka dhaca caasimadda, kadibna ku faafa gobollada kale ee dalka. Billowgii dhacdadaan gudaha iyo dibaddaba waxaa looga arkayay cadaadis siyaasadeed oo ay kooxda madaxweynaha saarayaan mucaaradka gaar ahaan Puntland iyo Jubaland si ay uga tanaasulaan qaar kamid ah qodobada ay miiska soo saareen wadahadalka balse, dhacdooyin dhowr ah oo is xig xigay waxa ay muujinayaan natiijo taas ka duwan oo miiska soo saartay su’aasha ah madaxweyne Farmaajo ma leeyahay qorshe aan ahayn muddo kororsi haddii uu socon waayo? Mise waa halka xulasho ee uu heysto, haddii ay surtageliweysana uu dalku ka dhacayo haadaan laga yaabo in ay isaga galaafato? Dagaalka Beesha Caalamka Dhowr qoraal oo is daba joog ahaa oo uu soo saaray madaxweynaha xilligiisu dhamaaday waxa uu ku handaday beesha caalamka, qoraalladan oo dhowr nuuc ahaa dhowr hay’adood oo dowladeedna la dhex marsiiyay waxa ay muujinayeen colaadin iyo awood sheegasho. Xafiiska Farmaajo oo abaabulka ugu badan ee ololahan sameynayay ayaa farriimo toos ah u dirayay beesha caalamka isaga adeegsanaya Twitter-ka agaasimaha warfaafinta Villa Somalia, Cabdirashiid Xaashi Duqa, sidoo kale qoraallo loo kala diray ururrada ay Soomaaliya xubinta ka tahay, dowlado iyo hay’ado oo lagu diyaariyay Villa Soomaaliya ayaa lagu dirayay magaca wasaaradda arrimaha dibadda, isla markaana hoos looga dusinayay warbaahinta. Muddada howshaan socotay waxay dowladda Soomaaliya ka hortimid dhammaan soo jeedinnadii dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo ugu dambeyn midowga Afrika oo amniga dowladda Soomaaliya iyo madaxdaba gacanta ku haya. Waxaa intaa dheer in eedeymo xooggan oo aan caddeyn loo heynin loo jeediyay dalalka deriska ah sida Jabuuti iyo Kenya. Ololahaan oo qeyb ahaan guuleystay waxa uu soo afjaray qorshahii beesha caalamka ee ahaa in in cadaadis nabdoon looga jibba keeno madax adaygga Farmaajo, waxa uuna xubnaha beesha caalamka gaarsiiyay quus sababtay in ay ka fikiraan “Gacan qabasho muuqata”, taas oo cawaaqib waawey oo u baahan in aad looga fiirsado ay ka dhalan karto. Abaabulka gudaha Muddada ay beesha caalamku ka fiirsaneyso tallaabo adag oo Farmaajo gacanta looga qabto ayay kooxda madaxweynaha xilligiisu dhamaaday go’aansadeen in hubiyaan awooddooda iyo taageeradooda gudaha. Madaxweynaha ayaa kulamo la yeeshay odayaal dhaqan, hoggaamiye kooxeedyo hore iyo dad uu aaminsan yahay in ay saameyn ku leeyihiin bulshada Muqdisho, arrinkaan ayaa abuulkeeda waxaa loo xil saaray maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta. Kulamadaan qabiilka iyo baahinta xooggan ee wasaaradda warfaafintu u sameysay waxaa ka dhashay “Hadallo Nacayb” ku sameysan oo abuuray xiisad cusub. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Benaadir Cali Yare, Hoggaamiye kooxeed hore Cabdi Waal, Ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo siyaasiin kale oo dadka reer Muqdisho ku xusuustaan waxyeellada ay ciidamadii Ethiopia u geysteen Muqdisho 2006-2009 ayaa si cad u weerar qaar kamid ah Musharixiinta oo taageere xoogga ku leh Muqdisho, qaarkood waxay ku baaqeen dagaal. Arrinkaan ayaa abuuray xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan. Soo afjaridda Mucaaradka Muqdisho ku sugan Ilo xilkas ah ayaa xaqiijiyay in Musharrixiinta kala ah; Xasan Cali Keyre, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdulqaadir Cosoble ay heleen xogta weerar la qorsheeyay 16kii bishan April, taas oo la doonayay in lagu soo xiro ama la dilo haddii ay dagaallamanaan. Musharixiintan oo dhammaan ka soo jeeda Muqdisho ayaa go’aansaday in degaan goobo ay ammaankooda ku hubinayaan oo aay taageerayaashooda ku badan yihiin, waana arrinka adkeeyay in si sahlan ay ciidamada dowladdu ku soo afjaraan mucaaradka. Xasan Sheekh ayaa degay Xaafadda Marinaaya oo ku taalla duleedka Bari ee Muqdisho oo ay reerkiisu u badan yihiin, isla markaana dhabarka ku heysa deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe. Sheekh Shariif ayaa isna degan Xaafadda Siisii ee degmada Yaaqshiid iyo Kaaraan oo ku taalla Waqooyi Bari Muqdisho, waa halkii uu ka soo billaabay halgankii maxkamadaha Islaamiga ah 2005. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna u guuray degmada Hodon oo ay taageerayaashiisu ku badan yihiin, halka Xasan Cali Khayre uu qorsheeyay in uu u guuro degmada Howlwadaag oo aad ugu dhow madaxtooyada. Tallaabadaan ay musharrxiintu qaadeen ayaa ahayd mid ay ugu fogaanayeen weerar kaga yimaado Farmaajo, balse taa meesha kama saarin in la weeraro. Maxaa xiga? Dhacdooyinkaan oo dhammaan la aaminsan yahay in ay abauulnaayeen ayaa muujinaya in qorshaha kaliya ee madaxweyne Farmaajo yahay in uu guuleysto muddo laba sano ahna awood ku joogo, taas oo meesha ka saari karta rajada Soomaalida iyo beesha caalamka ee ah in wadahadalladii doorshada dib loogu laabto. Labada koox ee siyaasadda Soomaaliya isku heysa oo horay ugu muuqday koox isku dayeysa soo afjaridda cid walba oo ka hor timaada waa Farmaajee iyo koox isku dayeysa in ay cadaadis saarto madaxweynaha xilligiisa dhamaaday si uu doorsho u oggolaado ayaa hadda is wajahaya iyada oo labada dhinacba isku dayayaan in mid walba uu midka kale soo afjaro. Walwalka ah in xaaladdu faraha ka baxdo ka hor inta aysan beesha caalamku go’aamo adag gaarin ayaa sii kordhaya maadaama ay kooxda madaxweynaha xilligiisu dhamaaday isku dayayso soo afjaridda mucaaradka ka hor go’aan kasta oo laga filan karo beesha caalamka, dhanka kale mucaaradka oo go’aansaday in ay is difaacaan ayaan la ogeyn sida ay u xakameyn karaan taagarayaashooda oo ay suurtagal tahay in ay wiiqaan ciidanka daacadda u ah Farmaajo. Xigasho: Mustaqbal Radio The post Farmaajo ma leeyahay qorshe aan muddo kororsi ahayn? appeared first on Caasimada Online.
  6. Degmada Hodan Nawaaxiga Guriga uu degan yahay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa Xalay ka dhacay Dagaal xabado la oswaydaarsanayay mudo kooban, Nawaaxiga nr ilaa Xamar Sare. Dawiradaan aad arkeysaan waa wada Taleex iyo Dugsigii Xamar Sare oo Ciid gaduud jidgooyooyin looga sameeyey. Shiirkolo waxaa wali yaal Jidgooyooyinkii laba Usbuuc ka hor, Mana imaan karaan Ciidamada ama Bileyska Xukuumada Madaxweyne Farmaajo . Saaka xaaladu aad ayay u degan tahay laakiin waxaa jira cabsi ay Shacabku ka qabaan in markale Dagaal Qarxo kolka lasoo afuro. Bersha Caalamka iyo Mucaaradku si Adag ayay u cambaareeyeen falalkii Xalay dhacay. Sawiradaan waa Iskuulka Xamar Sare iyo Maanta sida Jidadku yihiin The post Xaafadihii Xalay lagu dagaalamay oo jidgooyooyin yaalaan appeared first on . Source
  7. Dowladda Puntland ayaa shaacisay in cafis loo fidiyay jabhad hubaysan oo uu hoggaamiyo siyaasi Mahad Cali Carcar, taas oo marar kala duwan weeraro ku qaadday ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Gardafuu. Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland, oo ay weheliyaan maamulka Gobolka Gardafuu iyo odoyaasha dhaqanka degaanka, ayaa maanta degmada Caluula ku soo dhoweeyay siyaasi Mahad Carcar iyo ciidamadiisa, kadib markii uu cafis u fidiyay madaxweyne Siciid Deni. Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaaalada Caluula ayaa sidoo kale laga sheegay in la xalliyay tabashooyin ay jabhaddaasi ka qabtay Puntland, islamarkaana ciidamadii jabhadda ay la wareegtay dowladdu. Wasiiru-dowlaha Arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Axmed Kulan oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in xal rasmiya laga gaaray khilaafkii dowladda iyo jabhadda siyaasi Mahad Carcar, kadibna madaxweynuhu cafis u fidiyay. PUNTLAND POST The post Heshiis laga gaaray colaad u dhexaysay Puntland iyo jabhad hubaysan appeared first on Puntland Post.
  8. Ugu yaraan 10 qof oo dhaawac ah ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay dagaal u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradka diidan muddo kordhinta kaas oo Muqdisho ka dhacay galabnimadii Axadda ilaa xalay xilli dambe, iyaga oo Aamin Ambulance ay Goobjoog News u xaqiiijyeen iney qaadeen saddex dhaawac ah iyaga oo ka sheegtay caqabado xagga socodka ah. Dagaalkan oo ka kala dhacay bariga iyo koonfurta caasimadda ayaa dhacay xilli subaxnimadii shalay ay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya oo ka yimid Shabeellada dhexe oo diidan muddo kordhhinta Farmaajo ay la wareegeen qeybo ka mid ah bariga Muqdisho oo ay ku jiraan Kaaraan, Yaakhshiid iyo Cabdicasis. Xiisadda oo xoogeysatay waxaa ka dhashay in ciidamo dowadda ah oo isugu jira Duufaan iyo Gorgor ay weerar ku qaadeen Mirinaayo ee bariga Muqdisho gaar ahaan guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud taas oo lagala hortagay iska caabin xoog leh. Waxaa intaas xigay in qeyb kale oo ciidamada dowladda gaar ahaan booliiska Haramcad ay xalay weerar ku qaadeen hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasi oo keentay in uu dhaco dagaal ka bilowda koonfur Muqdisho, oo ay ku biireen ciidamo hor leh oo dhanka Mucaaradka ah, waxaa uuna dagaalka socday ilaa xilli dambe oo xalay. Labadaas weerar ay ciidamo dowladdu ku lug lahaayeen, laguna beegsaday mucaaradka diiddan muddo kordhinta uu sameystay Farmaajo waxaa ay Muqdisho galiyeen xaalad welwel halka ay sidoo kale mid ah la mid ah sheegeen qaramada midoobey. Weriyeyaasha Goobjoog News ayaa saaka soo indho indheeyey qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka gadooday ay dowladda ay hadda joogaa laga soo bilaabo isgoyska Dabka ee Halwadaag ilaa Hodan oo ay ku jiraan Shanta Geed, Isgoyska Bakaaraha, Taleex iyo Tarabuunka. Dhanka kale, waxaa xiran isu socodka magalaada iyaga oo dadka ay cabsi dareemayaan, qaarna ay isaga qaxeen goobaha furimaha ah. Waxaa sidoo kale saaka xiran dhammaan jaamacadaha Muqdisho iyada oo ardeyda loo sheegay in fasax yihiin ilaa amar dambe. Ra’siul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble oo ka hadlay dagaalka ayaa faray ciidanka iney dhowraan amniga shacabka, kana hor tagaan khatarta isaga oo intaa raaciyey in wada hadalku uu yahay jidka ugu haboon ee lagu dhameeyo ismariwaaga. Dhankiisa wasiir amniga Soomaliya Xasan Xundubay ayaa ku tilmaamay dagaalada Magaalada Caasimada ee Muqdisho ka dhacay mid shisheeye abaabulay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagalladii xalay iyo shalay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasoo horjeedo muddo kororsiga. Ugu horreyn Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay rabshadaha kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay walaac xoogan ka muujisay isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa daacadda u ah siyaasiyiinta macaaradka ah. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan, wax welibana ay ku dhameeyaan wada-hadal iyo deganaan. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah,”. Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadayo, xilli maanta xaaladda Muqdisho ay yare dagan tahay, kadib dagaalladii shalay iyo xalay ka dhacay gudaha caasimada, iyadoo labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan goobihii lagu dagaalamay. The post QM oo war kasoo saartay dagaallada ka billowday magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. Waxaa saaka deggan xaaladda magaalada Muqdisho kaddib dagaallo culus oo shalay iyo xalay ka dhacay magaaladaasi. Qaar ka mid ah waxgaradka magaalada ayaa wada dedaallo ay ku doonayaan in lagu soo afjaro collaadda. Wasiirka Amniga gudaha ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, oo xalay hadlay ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay ka hortageen waxa uu ugu yeeray maleeshiyaad ay soo abaabuleen dadkooda iyo dalkooda u naxayn. Hasayeeshee hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa sheegay in ciidammada dowladda ay weerrar ku soo qaadeen, oo doonayaan inay khaarijiyaan, waa sida ay hadalka u dhigeenee. Dhanka kale ra’iisul wasaaraha oo waabarigii hadlay ayaa ku amray ciidammada ammaanka inay waajibaadkooda qaran gutaan oo ay ammaanka shacabka sugaan. Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aaden, oo Muqdisho ku sugan ayaa ka waramaya xogtii ugu dambaysay Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada daacadda u ah siyaasiga mucaraadka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu soo warramayaa inay saaka xirteen wadada dheer ee isku xirta isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa caro ku xiray waddadaasi oo sii marta dalcadda Cabdiqaasim ee degmada Hodan, iyaga oo gaadiidka ka celinaya halkaasi. Sidoo kale ciidamada mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda ayaa difaacyo kaga jira xaafadaha ku dhow wadadaasi oo uu xalay ka dhacay dagaal xoogan. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in ciidamo kale oo ka mid ah kuwa ka soo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha ay iyana ku sugan yihiin inta u dhexeysa Dabka iyo Sayidka, iyaga oo difaacyo kaga jira halkaasi, waxaana lagu arkayaa iyo gaadiid dagaal. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana markasta suura-gal ah inuu dagaalka dib u qarxo, maadaama labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda. Si kastaba waxaa haatan socda dadaallo uu hokacayo ra’iisul wasaaraha xil ka sii haya ee Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda taagan. The post CC Shakuur oo xirtay wadada Cabdiqaasim + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  12. DOORASHADA WAKIILADA: (QIYAAS HORRAAD) Doorashada Baarlamanka Xisbul Xaakimka Kulmiye waxa la qiyaasi karaa in uu ka heli doono 35 ilaa 37 kuraasida loo tartamayo oo ah 82 kursi, halka labada xisbi ee mucaaridkuna ay isku heli karaan 45 ilaa 47 kursi. Kulmiye gobolka sida ugu wayn loogaga adkaan doono ee saamiga ugu yar uu ka heli karaa wuxu noqonayaa gobolka Togdheer oo laga yaabo in aanu ka heli karin wax ka badan 5 kursi halka mucaaridkuna ay isku heli karaan 10 kursi. Gobolka Togdheer waxa kuraasida ugu badan (7ila 8 kursi) ka heli kara xisbiga WADDAN. Guul darrada laga yaabo in Kulmiye uu kala kulmo gobolka Togdheer ayaa loo nisbaynayaa masuuliyiina xisbiga qaarkood oo kow uu ka yahay Cabdikariim Xinif laftiisu. Kulmiye gobolka uu guusha ugu wayn ka heli doonaa wuxu noqonayaa Gobolka Maroodijeex oo laga yaabo in uu ku guulaysto kala badh (10) 20ka kursi halka Gobolka Saaxil Kulmiye uu ka heli karo 4 ilaa 5 kursi Sool iyo Sanaag oo isku leh 24 kursi waxa laga yaabaa in Kulmiye uu ka heli karo ugu badnaan 9 ilaa 10 kursi. Sidaa daraadeed Kulmiye wuxu halis u yahay in lagala wareegi karo shirgudoonka Aqalka Hoose ee Baarlamanka ka dib doorashada oo uu noqdo doono gole uu mucaaridku hogaamiyo. Gaar ahaan Gudoomiyaha oo dhinaca Kulmiye uu u ordayo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Mudane Yasiin ayaa muuqata in fursadiisu ay cidhiidh noqon doonto oo labada musharax ee mucaaridka Cabdirazaq Khaliif iyo Abyan uu midkood noqon doono Guddoomiyaha golaha cusub ee Baarlamanka Somaliland balse waa hadii labada xisbi ee mucaaridku ku heshiin karaan. Source
  13. Qaramada Midoobay ayaa war ka soo saartay xaaladda Magaalada Muqdisho oo saacadihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo xooggan. Xafiiska Qaramada Midobay ayaa canbareyay weraradii iyo dagaaladii Shalay illaa xalay ka dhacayay magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn. Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.” Source: goobjoog.com
  14. Bahda Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay isku dhacyada saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaa soo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. War ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa loogu baaqqay dhammaan dhinacyada oo dhan, in ay muujiyaan is xakamayn, si looga baaqsado in isku dhacyadu sii socdaan. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn.” Qaramada Midoobay, waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada, in ay si dhakhso ah dib ugu laabtaan wada-hadal deg deg ah, si heshiis looga gaaro is marin-waaga ka taagan Arrimaha doorashooyinka dalka. “Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.” PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujisay isku dhacyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay qeyb ka mid ah Keydka qaraxyada Al-Shabaab, kadib howl-gallo ballaaran oo ay ka sameeyeen dhulka buuraleyda ah gobolka Bari ee maamulkaasi. Saraakiisha horkaceysay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sheegay in kadib xog ay ka heleen shacabka ay gacanta kusoo dhigeen qaraxyadaasi ku keedsanaa god weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ka qodatay duleedka magaalada Boosaaso, gaar ahaan buuraleyda Galgala. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay qarxiyeen qaar ka mid ah miinooyinka ku jiray godkaasi iyaga oo aan geysan wax khasaare ah. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayo bambaanooyin aad u badan oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka iyo sidoo kale walxo kale oo qaraxyada laga sameeyo. Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobolka Bari laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Muddooyinkii dambe ciidamada amniga Puntland ayaa weerar ku ahaan dagaalyahanada Al-Shabaab iyo kuwa Daacish, iyagoo howl-gallo ka bilaabay dhulka buuraha ee gobolka Bari. The post Sawirro: Puntland oo gacanta ku dhigtay Keydka qaraxyada ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  16. MOGADISHU (HOL) - Relative calm returned to Mogadishu Monday following heavy exchange of gunfire between government forces and militias allied to the opposition. Source: Hiiraan Online
  17. MOGADISHU (HOL) - Relative calm returned to Mogadishu Monday following heavy exchange of gunfire between government forces and militias allied to the opposition. Source: Hiiraan Online
  18. Waxaa saaka xiran dhammaan jaamacadaha Muqdisho iyada oo ardeyda loo diray farriimaha fasaxa xilli dambe oo xalay aheyd. Jaamacaha qaar ayaa baajiyey imtixaanaad u socday halka intooda badan aaney sheegin xilliga dib loogu noqoyao waxbarashada. Jaamacadaha waxaa ay sheegeen in ay ka shaqeynayaa bedqabka ardeyda iyo shaqaalaha ama si loo hubiyo isu socodka magaalada. Halka Ka Akhriso Qoraallada Jaamacadaha: Source: goobjoog.com
  19. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda dalka Jabuuti ayaa markii horreysay si faah- faahsan uga hadashay eedeymaha ay dhowaan u jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ku aadanaa inay fara-gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ridwaan Cabdullahi Bahdoon oo u jawaabiyey dhiggiisa Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in dano siyaasadeed laga leeyahay hadallada kulul ee haatan kasoo yeeraya dowladda Soomaaliya. Bahdoon ayaa xusay inay muhiim tahay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay hal u jeedo ka yeeshaan, sidii ay u dhici laheyd doorasho lagu kalsoon-yahay waqtigeeda ku dhacda. “Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya,” Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon wasiirka warfaafinta dowladda dalka Jabuuti. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”. Ugu dambeyn wuxuu wasiirka warfaafinta dalka Jabuuti hoosta ka xariiqay in ka dowlad ahaan ay dadaal xoog leh ku bixiyeen nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla-markaana ay ka dhalatay in Soomaaliya ay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd QM. “Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd,”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ay digniino culus hawada u marineysay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ay ku eedeysay inay galaan-gal xoogan ku lahaayeen bayaankii dhowaan kasoo baxay Ururka Midowga afrika. The post Jabuuti oo jawaab adag ka bixisay eedeyntii dowladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  20. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradsan ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin, kadib dagaallo shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho. Wada-hadallo xalay dhexmaray dhinacyada dowladda iyo mucaaradka, ayaa la isla hartay in xabbadda la joojiyo, inkastoo aan weli xal rasmiya loo helin muranka labada dhinac oo ka dhashay mudda kordhinta hay’adaha dowladda, sida ay sheegtay VOA-da oo xiganaysa mas’uuliyiin kala duwan. Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Rooble oo saaka warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay in wada-hadal iyo is af-garad lagu dhammeeyo khilaaf kasta oo jira, islamarkaana uu isagu bilaabay dadaallo ku saabsan xallinta xiisadda ka taagan Muqdisho. Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan laga wada-shaqeeyo Nabadda iyo Xasiloonida dalka, gaar ahaanna magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Xabbad-joojin laga gaaray dagaalladii ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Raysal wasaaraha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Rooble oo hadal kooban ka yiri Dagaalkii Xalay ka dhacay Muqdisho ayaa Ciidamada faray inay gutaan waajibaadkooda. Raysal Wasaaruhu wuxuu yiri Waxaan farayaa Ciidama Qalabka sida inay waajibaadkooda Amni ay gutaan, ayna ka hortagaan cid walba oo wax u dhimaysa Amaanka Shacabka. Raysal wasaaruhu ma uusan soo hadal qaadin weerarkii ay Ciidamadu ku qaadeen Guryaha Madaxweynihii hore Xasan Sheikh iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur . Hoos kadaawo The post Daawo Raysal wasaare Rooble oo amray Ciidamada appeared first on . Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta degan kadib markii dagaallo ay ka dhaceen xalay iyo shalay, waxaana socota waan-waan laga dhex-wado mucaaradka iyo dowladda. Waan-waanta ayaa waxaa wada ra’iisul wasaare Rooble, oo la xiriiray musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Sheekh Maxamuud, una sheegay in dowladda ay dooneyso xabad-joojin iyo heshiis. “Mar dhexe ayaa ra’iisul wasaaraha ila hadlay oo uu sheegay inuu doonayo in la joojiyo dagaalka, waxaan sidoo kale fahamsanahay inuu wacay Xasan Sheekh, mana hubo inay wada hadleen. Waxaan iri ‘haddaad wax ka qaban karto oo dagaalka joojin karto, oo aad awood leedahay ahlan wa sahlan, soo dhowow’,” ayuu yrii Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in goor dambe ay soo waceen rag ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha una sheegeen inay ciidankii dagaalka ku jiray ay bixinayaan. Waxaa sidoo kale saaka socda dadaallo dheeri ah oo lagu xaqiijinayo in xabadda aysan dib u billaaban, waxaana sidoo kale qeyb ka ah odayaal dhaqameeyo iyo madaxda Galmudug iyo HirShabelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe. Dagaalka ayaa shalay ka dhacay Mirinaayo iyo aagga KM4 oo ay kala degan yihiin Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo labada musharax ay sheegeen in ciidamada dowladda ay soo weerareen. Wararka saaka ka imanaya aagga KM4 iyo Maka Al-Mukarama ayaa sheegaya in laga qaaday ciidamadii dowladda, ayna joogaan kuwa taabacsan musharaxiinta, xaaladdana ay degan tahay. Sidoo kale, aagga Mirinaayo ayaa shalay dagaal looga soo riixay ciidamada dowladda, welina waxaa jooga ciidamo militari oo diidan muddo kororsiga iyo ciidamada ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh. Si guud, xaaladda ayaa degan maanta, mana jiraan wax dhaq-dhaqaaqyo ciidan ah illaa hadda. The post Xaaladda MUQDISHO ee maanta iyo xog ku saabsan wada-hadallo dhacay xalay appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi, oo u uku qeexay mid lagu khalkhal gelinayey ammaanka caasimadda. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadka iyo dhinacyada ku lugta lahaa rabshadahaasi ugu baaqay in nabadda la dhawro, islamarkaana loo turo shacabka. Rooble ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ciidanka ku adkeeyey inay ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga. Rooble ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay aaminsan tahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto, islamarkaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo. Rooble ayaa ugu dambeyn ugu baaqay waxgaradka, culimada, bulshada rayidka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyaradu inay kaalintooda ka qaataan adkaynta nabagelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. The post Daawo: Rooble oo ka hadlay xiisadda Muqdisho, amarna siiyey ciidamada dowladda appeared first on Caasimada Online.
  24. Tensions had been rising since the president, a former American citizen, failed to hold scheduled elections, then extended his term in office by two years. Source: Hiiraan Online
  25. MOGADISHU, SOMALIA - As the world marks World Malaria Day (April 25), several African countries continue to battle the impact of a preventable disease claiming thousands of lives. In sub-Saharan Africa alone, malaria has claimed an estimated 380,000 lives in 2018 according to the World Health Organization (WHO). But there are some signs of hope in Somalia. Source: Hiiraan Online