-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kalena ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta dadweynaha gobolka Benaadir u direy digniin culus, kadib kormeer uu saaka ku tagay xeebta Curubo ee degmada Shangaani. Cumar Filish ayaa sheegay in xeebta Curubo ee Shangaani ay noqontay goob dadka ay ku shubaan qashinka, midaasi oo keeni karta caafimaad darro, kana hor-imaneyso nadaafada deegaanka, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu ka digay in dadweynaha ay qashinka ku shubaan goobo aan munaasibad ku aheyn, taasi oo uu sheegay in uusan maamulka gobolka Benaadir u dulqaadan doonin. Guddoomiyaha gobolka ayaa shacabka uga digay inay qashin ku shubaan goobaha qaar ee magaalada, midaasi oo keeni karta caafimaad darro iyo inay hoos u dhacdo bilicdii caasimadda. Digniinta Filish ayaa imaneysa xili ay goobaha qaar ee Magaalada Muqdisho ay dadka ku shubaan qashin fara-badan, ayada oo magaalada ka jiraan shirkado ka shaqeeya nadaafada, kuwaasi oo si gaar ah lacago uga qaada dadweynaha. The post Maxay tahay digniinta uu maanta gobolka Benaadir u direy shacabka Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Abdikariin Ahmed Mooge waxa aan aaminsanahay in uu yahay shaqsiga saxda ah ee lagu aamini karo in uu noqdo maayarka caasimada Somaliland ee Hargeisa oo u baahan isbedel xoogan oo dhanwalba leh. Shaqsiyan anigu kuma taageeraayo qolo ama xisbi ee waxa aan aaminsanahay in uu yahay shaqsi qaban kara shaqada aynu ka rabno’ inkasta oo ay jiraan rag fiican oo aqoon leh oo golaha soo baxay kula jiraa hadana waxa haboon in aan wada aamino xildhibaan Abdikariin Ahmed Mooge isla markaasina aan la xisaabtano marka uu maayar ahaado wakhti haboon arinkaasi oo uu diyaar u yahay. Taasi oo aan ku kalsoonahay in uu yahay shaqsi soo celin kara hanaankii dawlada hoose ee caasimada oo in mudo ahba sii degaayay, arinkaasi ma aha mid aan kaligay aaminsanahay ee waa mid guud ahaan shicibka caasimadu aaminsanyahay mana haboona in maanta xilka maayarnimada iyo ku xigeenkiisa lagu doorto ardaayo, xaafado ama qabyaalad taasi oo aynu soo aragnay dhaxljeediina maanta la hayo Mohamed Jama Qaran News
-
Guddoomiye Abshir oo Hoggaaminaya Gal Dacwadeed Lagu Baadi goobayo Caruurta uu Farmaajo u Qaaday Eritrea. Guddoomiye ku xigeenka golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu horkaco dacwo ka dhan ah maamulka Farmaajo oo lagu baadigoobayo caruur muddo 2 sano ka badan ku maqan Eritrea. Guddoomiye Abshir ayaa tallaabadan qaaday kadib markii uu sheegay in qaadistu sharci darro tagay, lagana jawaabi waayey baaqyada goleyaasha dowladda iyo cabashada waalidka. Ugu dambeyntii, waxaa uu Guddoomiye Abshir Axmed ugu baaqday umadda iyo hey’adaha xuquuqul insaanka iney arrinkan wax ka qabtaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda xil-gaasriinta, Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo booqasho ku jooga caasimada dalka. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka iyo sarre u qaadista iskaashiga labada dhinac, oo muddooyinkii dambe uu hareeyay mad-madow badan. Labada dhinac ayaa diirada saaray sidii dib loogu soo celin lahaa shaqadii safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya oo muddooyinkii dambe xirney, islamarkaana dib loogu furi lahaa albaabada. Wafdiga ayaa dhinacooga uga mahad-celiyay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisual wasaaraha soo dhawyenta uu u sameeyay, waxayna ballan-qaadeen inay kordhin doonaan taageerada ay siiyan dowladda Soomaaliya, oo hoos dhac weyni ku yimid. Kulanka ayaa daba socda dadaalo ay uu ra’iisal wasaare Rooble ku rabo inuu si buuxda ugu soo celiyo xiriirka labada dal oo gaabis badan ku yimid, tan iyo markii uu bishii hore safar ku tagay dalkaas. The post Sawirro: Wafdi Sacuudiyaan ah oo Muqdisho yimid iyo ballanqaad loo sameeyay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Faransiiska oo wejiga laga dhirbaaxay Laba nin ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wejiga ka dharbaaxay, sida wararku sheegayaan. Muuqaal dhex wareegaya baraha bulshada waxaa la arkay madaxweyne Macron oo socod gaaban ku maraya qeyb ka mid ah dhismaha Drôme. Ka dib nin ayaa wejiga ka dharbaaxay madaxweynaha, waxaana ninkaas isku duubay askarta. Macron ayaana meel gabaad ah loola cararay. Labo Nin ayaa dhacdadaas loo xiray ka dib markii muuqaalka uu baahay, sida saxaafadda Faransiiska ay ku warramayaan. Markii dharbaaxada ay ku dhacday madaxweynaha waxaa lagu dhawaaqay “ha dhoco macron”. Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Macron ayaa iska fogeeyay in dhacdadaas ay lug ku lahaayeen. Hoggaamiyaha Midigta-Fog, Jean-Luc Mélenchon, wuxuu Twitter-kiisa soo dhigay “inuu u damqaday madaxweynaha” isla markii ay dharbaaxada ku dhacday. Qaran News
-
Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa fadeexad xooggan la kulmay maanta kadib markii qof shacab ah uu dharbaaxo ku dhuftay isaga oo booqanaya gobolka Drome ee dalka Faransiiska. Muuqaal fiidiyow ah oo ay baahisay warbaahinta Faransiiska ayaa muujinayay nin gashan funaanad damis ah oo xiran muraayadaha indhaha iyo maaskaro wejiga ah oo ku dhawaaqaya “Ha dhaco Macron” kahor inta uusan dhirbaaxo wejiga uga dhufan Macron. Macron ayaa la arkayey isaga oo u socda dad badan oo ku sugna goobta oo ka dambeeyey bir ku hor-gudbaneed kadibna gacanta u fidinaya dadweynaha si uu u salaamo, waxaana markiiba dharbaaxo ku dhuftay nin ka mid ah dadkaas. Ilaalada Macron ayaa qabtay labo nin, kadib markii madaxweynaha Faransiiska uu ninkaas wejiga ka dharbaaxay. “Ninka isku dyayey inuu dharbaaxo madaxweynaha iyo qof kale ayaa hadda su’aalo la weydiinayaa,” waxaa sidaas bayaan ay soo saareen ku sheegay mas’uuliyiinta gobolka. Koox ka socota amniga madaxweynaha ayaa si deg-deg ah u soo fara-geliyay, waxaana la rumeysan yahay in gacan ka hadalka ka dhanka ah Macron uu intaas kasii badan lahaa. Dhacdadu waxay dhacday markii uu Macron booqday gobolka koonfur-bari si uu ula kulmo maqaayadaha iyo ardayda si uu ugala hadlo sida ay noloshu caadi ugu soo noqonayso maaddaama la khafiifiyey xayiraadahii Covid-19 ee dalkaas. Dhacdadan oo ka dhacday xaafadda Tain-l’Hermitage ee gobolka Drome ayaa ka dhigan dayac amni, waxayna mugdi gelisay safarka Macron uu ku bixinayo dalka oo dhan. “Madaxweynaha wuxuu qiyaastii 1:15 PM kasoo laabtay dugsi sare oo uu booqday, wuxuuna galayey babauurkiisa, hase yeeshee dib ayuu usoo laabtay markii ay shacab u yeereen. Wuxuu kadib u dhaqaaqay inuu la kulmo, kadibna dhacdadan ayaa dhacday,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen mas’uuliyiinta gobolka. Madaxda ka hadashay dhacdadaan oo uu ugu horeeyay Ra’iisal wasaaraha Faransiiska, Jean Castex ayaa cambaareeyay dhacdadan kuna tilmaamay mid meel ka dhac ku ah dimuqraadiyadda. Hoos ka daawo muuqaalka #Macron se fait gifler en direct de #Tain pic.twitter.com/tsXdByo22U — (@AlexpLille) June 8, 2021 The post Daawo: Madaxweynaha Faransiiska oo meel fagaare ah wejiga looga dharbaaxay appeared first on Caasimada Online.
-
More than 60 Al-Shabab militants including foreign fighters were killed in an explosion at a village about 65 kilometers west of Qoryooley in southern Somalia, the army said in a brief statement on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
London (Caasimada Online) – Darawal ayaa gaari xamuul ah jiirsiiyey qoys ka kooban shan qof, isaga oo dilay afar ka mid ah, midka kalena si darran u dhaawacay Isniintii, taasi oo booliska Canada ay ku sheegeen weerar si ula kac loola beegsaday, sababtoo ah waxay ahaayeen Muslimiin. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in darawalka oo ahaa nin da’yar lagu xiray goob baabuurta la dhigto oo ka ag dhow goobta uu shilka ka dhacay habeenkii Axadda ee magaalada London ee gobolka Ontario. Booliska ayaa sheegay in gaariga xamuulka ah la dhigay waddada dhinaceeda, kadibna lagu dhuftay dhibanayaasha ayaga oo goynaya isgoys. “Kani wuxuu ahaa dil wadareed lala beegsaday Muslimiin,” waxaa sidaas yiri duqa magaalada London. “Wuxuu la xiriiray naceyb aan laga hadli karin.” Booliska ayaa sheegay in dadka ay kala ahaayeen haweeney 74 jir ah, nin 46 jir ah, haweeney 44 jir ah iyo gabar 15 jir ah. Wiil 9 jir ah ayaa sidoo kale ku sugan xaalad halis ah. Qoyska ayaa codsaday inaan la shaacin magacyada, sida ay sheegeen saraakiisha. “Hal ficil oo dil ah ayaa qof wuxuu ku tirtiray saddex jiil oo qoys ah. Waa argagax,” ayuu Holder ku yiri wareysi uu siiyey wakaaladda wararka AP. Nathaniel Veltman oo 20 jir ah ayaa xabsiga ku jira isaga oo wajahaya afar dambi oo dil darajada koowaad ah. Booliska ayaa sheegay in Veltman, oo degan London, uusan garaneyn qoyska uu laayey. “Waxaan aaminsannahay in dhibanayaasha loo beegsaday sababo la xiriira diintooda Islaamka,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska Stephen Williams. Zahid Khan oo ehel la ah qoyska ayaa sheegay in qoyska la laayeey ay ahaayeen ayeeyo, nin iyo xaaskiiska iyo gabadhooda. Qoyska ayaa la sheegay inay 14 sano kahor kasoo hijroodeen dalka Pakistan. The post Qoys Muslimiin ah oo diintooda darteed loogu laayey Canada appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah joojisay in Imtixaanaadka Somaliland la keeno Gobollada Sanaag iyo Haylaan. Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa lagu amray dhammaan mas’uuliyiinta Sanaag iyo Haylaan u qaabilsan Puntland, in ay hor-istaagaan Imtixaanaadka Somaliland. Wasiirka Waxbarashada oo ka soo jeeda Sanaag ayaa saamayn xooggan ku leh Gobolkaas, waxaana lagu xasuustaa in dadaalkii uu geliyay in Ciidamo badan oo Sanaag u dhashay ka soo baxaan Somaliland, islamarkaana ku biiraan Ciidamada Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo Imtixaanaadka Somaliland ka joojisay Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Statement by International Partners on Somaliland Parliamentary and Local Council Elections International partners congratulate the people of Somaliland, political parties, the National Electoral Commission and other government institutions on the successful conduct of the 2021 parliamentary and local council elections and on electoral security arrangements. Through these elections, the people of Somaliland have demonstrated a strong commitment to the electoral process, to political participation and to strengthening democracy. We welcome in particular the historic election of minority groups to the House of Representatives and the large numbers of youth candidates elected. We recognise the significant achievements of female candidates during this electoral process, but deeply regret that this has not translated to more women in elected office resulting in decreased women political representation. It will be important for all stakeholders to learn from this, and for government, political parties and others to take actions to strengthen women’s political participation well in advance of future elections. We look forward to urgent and concrete steps from the new parliament and the government to ensure a fair representation of women in government and administration. We remain committed to continuing our constructive cooperation to further democratisation and the inclusion of women and marginalised groups in Somaliland, and to support regular and timely elections at all levels of government. We look forward to strengthening our cooperation with the newly elected local councils and parliament, both on these issues and on other matters of mutual interest. This statement is on behalf of the following partners: European Union, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, The Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom. Adnan Hagoog Email: adnanhagoog@gmail.com Tel.: +252 (0)63 4488858 Twitter: @adnanhagoog — Adnan Hagoog Email: adnanhagoog@gmail.com Tel.: +252 (0)63 4488858 Twitter: @adnanhagoog Qaran News
-
Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde: QARANJOOG IYO QURBEJOOG Iyo Xilligii Xilalka #2aad #KulankaGorfaynta Hore waxa aad u daawateen qaybtii koowaad ee wareysi taxane ah oo aanu la yeelanay Cabdillaahi Saleebaan Bidde, oo ku saabsaanaa noloshiisii hore: halkii uu ku dhashay, ku barbaaray iyo heerarkii ka la duwanaa ee waxbarashadiisa. Qaybtan labaad na waxay ku saabsan tahay shaqooyinkii uu soo qabtay iyo xilalkii uu ka soo qabtay dawladdii kacaanka ee Soomaaliya. Waxa na wareysigu qayb ka yahay barnaamijka “KULANKA GORFAYNTA”, oo uu saare ka yahay Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”. Faldlan Channelka SUBSCRIBE-ta ha la dhaafin, si aanad u seegin barnaamijyada iyo muuqaallada danbe ee aanu soo gelin doonno. Waxa kalood nagu caawisaa LIKE IYO SHARE, si dad kale uga faa’idaystaan xogaha aad bogatay ee waxtarka leh. Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde: QARANJOOG IYO QURBEJOOG Iyo Xilligii Xilalka #2aad – YouTube Qaran News
-
Degdeg:Xildhibaan Cabdirisaaq Wiiwa oo Shaaciyay inuu Ka Tanaasulay Hankiisii Maayarnimada Hargeisa+Sababta & Ciduu u tanaasulay Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwa ayaa Hadda Shaaciyay inuu Ka Tanaasulay Xilkii Mayornimo ee uu shaaciyey waxaana uu Xildhibaanku Sheegay inuu u Tanaasulay Xil Abdikarim Ahmed Mooge Wiiwaa ayaa Xildhibanada Kale Waxa Uu ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Cabdikarin oo ay uga Talansulaan Mayor nimadda Caasimada Hargeysa. Qaran News
-
Asmara (Caasimada Online) – Warbixin lay heshay Caasimada Online oo a filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea ee dagaalka Tigrayga ayaa lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay Gobolkaas. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay inuu ergeyga gaarka ah ee xuquuqul insaanka helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga soo waday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria isla markaasna la geeyey goobaha dagaalka ee Tigrayga. Warbixinta oo ka kooban illaa 17 bog oo laga soo bandhigay qeybtaan yar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadaas marka ay ka gudbayeen xuduudda Itoobiya iyo Eretariya ay wehlinayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga ee Eretariya. “Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta. Waxay si gaar ah warbixinta u xustay in ciidamada Soomaalida ah ee tababarka loo geeyey Eretariya lagu arkay agagaarka magaalada lagu magacaabo Aksum ee Gobolka Tigrayga, taasoo kamid ah magaalooyinkii ay sida weyn ugu dagaalameyn ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigrayga. “Sidoo kale waxaa ixtiraam mudan in ciidamada soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay beenisay ka qeyb qaadashada askarta Soomaaliya ee dagaalada Tigrayga, iyadoo guddi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sharaxaad ku saabsan halka ay ku dambeeyeen ciidamadii Soomaaliya ee loo diray Eritrea. Warbixinta oo qeybtaas yar laga soo bandhigay isla markaasna aan wadan caddeymo la isku haleyn karo ayaa lagu sheegay in Ergeyga gaarka ah lagu wargaliyay in guddiga arimaha dibada iyo difaaca ee baarlamaanka ay u yeereen madaxda dowlada si ay ugu diraan Asmara wafdi xaqiiqa raadis ah si baaritaan loogu sameeyo.” Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli waalidiinta askarta ay Dowladda Soomaaliya geysay dalka Eretria ay ku jiraan xaalad murugo ah iyadoo inta badan askartaas aan lagu heyn nolol iyo geeri, waxayna waalidiinta muddooyinkii dambe dhigayeen banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego ilmahooda. Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan weli si cad uga hadlin ciidamada Soomaaliya ee tababarka loo qaaday ee aan weli nolol iyo geeri lagu heyn, waxaana xusid mudan in marki ciidamadaas la geeyey Eretariya uu madaxweyne Farmaajo ugu tagay xeryihii lagu xareeyey. Halkaan hoose ka akhriso qeybta yar ee laga soo bandhigay warbixinta laga sugayo guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay The post QM oo xaqiijisay in askar Soomaali ah laga qeyb geliyey dagaalka gobolka Tigray appeared first on Caasimada Online.
-
Qoys Muslim ah oo lagu xasuuqay Dalka Canada Haweeney & ilmaheeda oo wada murugoonaya Afar ruux oo isku qoys ah ayaa lagu diley weerar gaadmo ah, iyagoo ku dhex jiray gaari ay wateen. Weeerarka ayaa ka dhacey magaalada London ee gobolka Ontario ee dalka Canada. Waxaa ka badbaadey weerarkaas wiil sagaal jir ah, oo uu soo gaarey dhaawac halis ah, kaasoo haatan lagu dabiibayo isbitaalka. Nin labaatan sano jir ah ayaa loo xirey weerarkan dadka lagu laayey, iyadoo lagu soo oogay eedeyn ah inuu afar ruux diely, halka mid kalana uu dhaawacay Weerarkan ayaa ahaa kii uggu xumaa oo soo wajaha bulshada Muslim-ka ee reer Canada, tan iyo sanadkii 2017-kii, markaasoo magaalada Quebec masjid ku yaalla lagu diley lix ruux. Booliiska ayaa sheegay in weerarkan loogga shakisan yahay inuu la xiriiro arrimo argagaxiso, iyagoo intaa ku darey in sidoo kale loo maleynayo danbi naceyb dhanka isirka ah. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwa ayaa Hadda Shaaciyay inuu Ka Tanaasulay Xilkii Mayornimo ee uu shaaciyey waxaana uu Xildhibaanku Sheegay inuu u Tanaasulay Xil Abdikarim Ahmed Mooge Wiiwaa ayaa Xildhibanada Kale Waxa Uu ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Cabdikarin oo ay uga Talansulaan Mayor nimadda Caasimada Hargeysa. Source
-
Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo gaadhay go’aan saameynaya 3,000 oo Soomaali ah Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Isniintii shalay aheyd go’aan ka soo saartay in deganaashaha rasmiga ah ee Green Card aan la siin doonin dadka heysta sharciga kumeel gaarka ah ee loo yaqaan TPS ee sida sharci-darrada ah ku soo galay Mareykanka. Go’aankan ayaa saameynaya ku dhawaad 400,000 oo qof oo ugu yaraan 3,000 oo ka mid ah ay Soomaali yihiin, kuwaas oo ka kala yimid 12 dal. “Waa go’aan dhabar-jab weyn ku ah qoysas badan oo Soomaaliyeed, aad ayaan u xumaaday arrintan” ayuu VOA u sheegay Cabduwaaxid Qalinle oo ka mid ah garyaqaanada Soomaaliyeed ee ka howl-gala magaalada Minneapolis, Isla markaana gacanta ku haya kiisas badan oo uu saameynayo go’aankan. “Niyad-jab weyn ayay sidoo kale aheyd in dhammaan sagaalka garsoore ee maxkamada isku raaceen go’aankan, waxaan fileynay in ugu yaraan saddex ka mid ah ay diidaan, waxaan kula talinayaa dadka uu go’aankani saameynayo inay deg-deg u la xiriiraan garyaqaannadooda” ayuu sii raaciyay abuukaate Cabduwaaxid Qalinle. Dadkan oo qaarkood ay nolol iyo qoysas ku sameysteen Mareykanka ayaa go’aanka Maxkamadda Sare wuxuu kahor istaagayaa inay dalbadaan deganaashaha Mareykanka. Muhaajiriinta heysta TPS ee sharcigu ka ilaalinayo in la musaafirin ayaa ka kala yimid dalalka Soomaaliya, El Salvador, Haiti, Honduras, Myanmar, Nepal, Nicaragua, South Sudan, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen. Qaran News
-
Kaaliyihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo ku Baaqay in Afti Laga Qaado Somaliland Kaaliyihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ee Arrimaha Afrika Tibor Nagy, ayaa ugu baaqay Qarammada Midoobay in Somaliland laga qaado Afti ay Qarammada Midoobay damaanad qaaday. Mr Tibor Nagy oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Twitterka oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay, ayuu ku sheegay in ay Somaliland geydo in Afti lamid ah tii Eritrea laga qaaday sannadkii 1993-kii laga qaado,isla markaana ay Qarammada Midoobay damaanad qaado aftidaas. Waxa uu sidoo kale Mr Tibor tilmaamay in Somaliland ay u qalanto ictiraaf calaami ah oo ay ku kasbanayso guulaha ay gaadhay iyo Qarannimadeeda shaqaynaysa muddada dheer, waxa uu soo jeediyey in dadka reer Somaliland loo ogolaado in ay go’aan qaataan. Mr Tibor ayaa hore taageero weyn ugu muujiyey Somaliland,isaga oo doorashooyinkii Somaliland ka dhacay ka sameeyey qoraalo uu intooda badan ku baahiyey boggiisa Twitter-ka iyo warbaahinta caalamiga ahba. Source
