-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka ayaa digniin culus u diray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Guddoomiye Axmed Daaci ayaa fariimo dardaaran ah u kala diray dhinacyada kala ah, Farmaajo, Rooble, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, Cumar Filish, ciidanka Qaranka iyo AMISOM. Ugu horeyn Axmed Daaci ayaa madaxweyne Farmaajo ka codasay inuu xilka ka dego, isagoo sheegay in hadii uu taladaas qaadan waayo ay xaaladu sidaan kasii xumaa doonto. “Madaxweynaha Soomaaliya xilka inuu ka dego ayaan ka codsaneynaa saacadaha soo socda, hadda fursad ayuu heystaa, fursada uu heysto waa inuu garoonka ka dhoofi karo, hadii uu sidaan ku sii adkeysto, waxaa imaan doonta inuu garoonka ka dhoofi waayo,” ayuu yiri Axmed Daaci. Waxa uu intaas ku sii daray, “Madaxweyne inta dab nagu shido garoonka u carari meyside xilkaan isaga deg, waa lagaa hor istaagi doonaa inaad dalkaan ka dhoofto, ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalkaana waxaan ka codsaneynaa in uusan garoonka ka bixin nin dalka Dab ku shiday.” Mar uu fariin u diraayey Ra’iisul wasaare Rooble ayuu yiri, “R/wasaaraha waxaan leeyahay waqtigaagu afar bilood ayuu ahaa, waajibaad-kaagana waad gudan weysay, asaguna ha iska casilo xilka.” Sidoo kale guddoomiye Axmed Daaci ayaa fariin duray madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo duqa Muqdisho, waxuuna ka dalbaday in madaxweynaha aysan afgebi ku gacansiin, hadii kale sidiisa loola dagaalami doono. “Seddax nin ayaan la hadlaa markaan, waa Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cumar Filish, walaalayaalow hal fursad ayaad heysatiin, madaxweynuhu waa idinla shaqeeyey oo madax ayuu idinka dhigay, laakiin hadii aad garab siineysaan, doorasho ku garab siiya ee afgembi haku garab siinina. War madaxweynaha la hadla oo war layaqaan ha idinka soo baxo, hadii ay taasi dhici weyso sida asaga loola diriraa ayaa la idiinla diriri doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Daaci. Waxa uu sheegay in rajada la qabo hadda kadib ay ku soo koobantay seddaxdaas hoggaamiye, balse hadii ay taladu seegto aysan xaaladdu fiinaa doonin, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntii Axmed Daaci ayaa fariin u diray ciidamada Qaranka, isagoo kula dardaarmay in xabadda dhaceysa ay joojiyaan, furimaha dagaalka aysan soo baneyn, Shabaab-na ay dalka ka difaacaan. Hoos ka Daawo The post Daawo: AXMED DAACI oo hanjabaad culus kasoo saaray xiisada kacsan ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dhaqaalo xumada soo food-saartay dowladda waqtigeedu dhamaaday, kadib markii ay dalalka deeqaha bixiya ka goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa habeen hore shaaciyey in loo baahan yahay in Soomaalidu isku tashado, maadama ay dalalkii lacagaha badan ku bixin jirey taageerada dowladda ay jarteen, taasi oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay “xeelad cusub oo loogu gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan”. “Khasnadda Dowladda waa maran tahay iyo shacabka ayaan lacag ka uruurineynaa waa farsamo loogu gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan. Rajiimka Farmaajo saacadihii ugu danbeeyey ayuu ku jiraa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Waa xilligii ay wax kasta horay u sii qaadan lahaayeen ee hantidiinna ka ilaashada. Canshuur iyo deeq tii aad siisaanba way dhacayaan ee ka digtoonaada.” Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Baanka dhexe, Hantidhowr-ka iyo Xisaabiyaha Qaranka ugu baaqay inay xil iska saaran hantida shacabka, oo ay u ilaaliyaan. Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dalalka deeqaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka, oo ay dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u darran. “Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yiri Beyle. Beyle ayaa sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato. Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya. The post CC SHAKUUR oo shacabka u digay kadib markii wasiir Beyle uu ka dalbaday lacag appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay iska hor-imaadyadii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadal kooban soo duubay ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatadii ka dhacay Muqdisho, isla markaana xalka ugu haboon ee arrintaas lagu xalin karo yahay wadahadal. Ciidamada amniga ayuu faray in ay gutaan waa jibaadkooda oo ay dhowraan oo ka hortagaan khatar kasta oo bulshada dhibaato u keeni karta. Shacabka ayuu ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida Muqdisho. PUNTLAND POST The post Rooble oo ka hadlay xaaladda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday Heshiis Dhanka Waxbarashada ah iyo Shaqo Abuurka. Munaasabadda Heshiiska Mashruuca Waxbarashada iyo Shaqo Abuurka ee TVET ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirada Waxbarashada, Siihaayaha Xilka Wasiirka Shaqada ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka Qorsheynta ee XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya. Siihayaha Xilka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa ammaanay dadkii ka soo shaqeeyay, waxaana uu sheegay in mashruuca TVET uu xambaarsan yahay Fursado isagu jira shaqo abuur iyo Waxbarasho, taasi oo uu xusay in ay tahay howl loo baahan yahay in looga faa’iideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji Cabdulaahi Carab ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dhammeystirka Saxiixa Mashruuca TVET oo ay maalgelinayso Midowga Yurub. Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay iyo hay’adda maalgelinaysa madhruuca ee Midowga Yurub. Mashruucan oo ay ku baxayso in ku dhow 15 milyan oo doolar ayaa loogu talo galay sameynta xirfadaha Waxbarashada ee tababarka Farsamada. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday Heshiis cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho ayaa caawa marti gelisay iska hor-imaadyadii ugu cuslaa, kuwaas oo u dhaxeeyey ciidamo taabacsan madaxda mudo xileedku ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo ciidamo ka soo hor jeeda mudo kororsiga ay ku dhaqaaqeen Madaxweynaha iyo Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka. Dagaalkii ugu xooganaa ayaa salaadii Maqrib kadib ka bilaawday guriga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan. Weerarkaas waxaa fuliyey ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxuuna siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey inay hoggaaminayeen laba sarkaal oo kala ah, Farxaan Qaroole iyo Kaniif. “Kaniif iyo Farxaan Qaroole waa labada sarkaal ee weerarka ku ah caawa oo dhan hoygayga aan deganahay. Farmaajo ayey la qaadayaan masuuliyada weerarka,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Dagaallada caawa ka qarxay Muqdisho ayaa ku faafay goobo badan, sida isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana la isku adeegsaday hub culus. Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno weerarka lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegaya in iska cabin xoog leh ay halkaas kala kulmeen ciidamadii weerarka qaaday ee taabacsanaa madaxda dowladda federaalka, isla markaana ay hadda dib uga laabteen hoygii ay weerareen ee Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur. Dagaalladan ayaa maanta duhurkii ka qarxay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis ee waqooyiga Muqdisho, halkaas oo ay isku fara-saareen ciidamo ka yimid gobolka Sh/Dhexe oo diidan mudo kororsiga iyo kuwo taabacsan madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo. Dagaalkaas waxaa la sheegay in ciidamadii ka yimid gobolka Shabeellada Dhexe ay guulo ka gaareen oo ay iska caabiyeen ciidamadii weeraray ee DF, isla markaana ay caawa ku sugan yihiin inta goobihii lagu dagaalamay maanta. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo degan aagga maanta lagu dagaalamay ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in gurigiisa ay ku soo weerareen ciidamo ka tirsan dowladda, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaas. Hase yeeshee wasiirka amniga Xasan Xundubey oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, isagoo ka jawaabayey hadalka Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas, isagoo sheegay in Xasan Sheekh uu yahay madaxweyne hore dowladuna ay aad u xushmeyneyso. Ugu dambeyntii rasaas goos-goos ah ayaa hadda laga maqlayaa meelo badan oo wadada Maka Al-mukarama ah, sida agagaarka isgoyska Sayidka, isgoyska Dabka, Shaqaalaha iyo isgoyska KM-4, sidoo kale dhanka degmada Howlwadaag ayaa laga maqlayaa rasaas teel-teel ah. The post Warbixin: Waa sidee caawa xaaladda Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirrada UK iyo Midowga Yurub u jooga Soomaaliya ayaa qoraallo ka soo saaray dagaallada ka qarxay caasimadda Muqdisho, oo maanta ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah magaalada. Ugu horeyn qoraal ka soo baxay xafiiska Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa walaac looga muujiyey dagaallada ka socda Muqdisho. “Wararka sheegaya rabshadaha ee Muqdisho, aad ayey walaac u leeyihiin. Waxaan ku baaqeynaa deganaan iyo is-xakameyn. Wada-hadallo nabadeed ayay ku jirtaa danta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Safiirka UK Kate Foster. Dhanka kale qoraal uu soo saaray Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa lagu yiri “Aad ayaan uga walaacsanahay dhacdooyinka ka socda Muqdisho. Danta guud waxay ku jirtaa is-xakameynta ugu sarreysa, ilaalina ha’ayadaha la wada leeyahay iyo wada-hadallo. Rabshadaha ma ahan wax la aqbali karo. Kuwa ka mas’uulka ah waa lala xisaabtami doonaa,” Degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho ayuu maanta ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo ka soo hor jeeda mudo kororsiga hey’adaha dowladda federaalka iyo ciidamo daacad u ah madaxweyne Farmaajo, kaas oo la isla soo gaaray salaadii maqrib ee caawa. Sidoo kale fiidkii hore ee caawa ayuu weerar kale ka bilaawday hoyga uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka degan yahay magaalada Muqdisho, kaas oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan. Weerarkaas waxaa fuliyey ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxuuna siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey inay hoggaaminayaan laba sarkaal oo kala ah, Farxaan Qaroole iyo Kaniif. “Kaniif iyo Farxaan Qaroole waa labada sarkaal ee weerarka ku ah caawa oo dhan hoygayga aan deganahay. Farmaajo ayey la qaadayaan masuuliyada weerarka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Dagaallada ka soo cusboonaaday Muqdisho ayaa caawa ku faafay isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana laga maqlayaa rasaas la is-weydaarsanayo. The post Midowga Yurub iyo UK oo farriin adag iyo digniin kasoo saaray rabshadaha Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Daraawiishta Puntland, gaar ahaanna Birmadka madaxtooyada, oo saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka magaalada Boosaaso, ayaa gacanta ku dhigay kaydkii Qaraxyada Al-shabaab. Telefishinka dowladda Puntland ayaa sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen god Al-shabaab ku kaydsatay Qaraxyo, islamarkaana qarxiyeen miinooyin ku jiray godka, oo kayd qarsoon u ahaa kooxda. Puntland TV, wuxu sidoo kale tilmaamay in Ciidanku ay godkaas ka soo saareen tiro bambooyinka gacanta laga tuuro iyo agab kale, oo qaraxyada laga sameeyo, kuwaas oo Al-shabaab ku aastay godkaaas. Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland, ayaa todobaadyadii u dambeeyay hawlgalo ka waday magaalada Boosaaso iyo Buuraleyda ku dhow halkaas oo ay ku dhuuntaan Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Kaydkii Qaraxyada Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta mucaaradka ah ayaa si adag loogu canbaareeyey weerarro ay sheegeen in ciidamo ka amar qaata madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ku qaadeen guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Waraame. “Weerarka waxaa qayb ka ahaa ciidanka Gorgor ee ay Dawladda Turkiga tababareen, qalabeeyeen, mushaarkana siiyaan. Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin ayaa maanta AMISOM ka daabulay rasaas weerarka looga qayb qaato, ayaa lagu yiri qoraalkan caawa ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta. Sidoo kale golaha ayaa ciidanka AMISOM iyo Dawlada Turkiga oo taageerta Ciidanka Gorgor uga digay in aysan qayb ka noqon waxa ay ku tilmaameen ‘colaada sokeeye’ ee Muqdisho ka qaraxday, isla markaana ay caddeeyaan mawqifkooda ku aaddan taageeradoodii loo isticmaalay dagaalka sokeeye, tallaabo cadna ay ka qaataan arrintaas. “Waa markii labaad oo ciidanka Farmaajo ay weerar ku qaadaan deegaanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/shakuur oo labaduba ka mid ah Midowga Murashaxiinta. Goluhu wuxuu kaloo cambaaraynayaa caburinta iyo cadaadiska ay ku hayaan ciidanka Farmaajo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaa shacabka Muqdisho ee sida nabadda ah u mudaaharaadaya, kuwaasoo ka soo horjeeda muddo kordhinta sharci darrida ah ee uu samaystay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa qoraalkan ku sheegay inay horay uga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta in ciidanka oo loo adeegsado siyaasadda, lagana weeciyo yoolkii la dagaallanka Alshabaab. “Goluhu wuxuu ku baaqayaa in gebi ahaanba ciidanka siyaasadda laga fogeeyo.” The post Midowga Murashaxiinta oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray dagaallada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Midawga Musharixiinta ayaa canbaareyay weraradii lagu qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame . Xubnaha Midawga Ayaa sheegay in ciidama ka amar qaata Farmaajo ay weerar ku qaadeen guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin labada Siyaasi oo ka tirsan Midawga Musharixiinta . Golaha Midawga Musharixiinta ayaa sidoo kale waxa ay dowladda Turkiga iyo AMISOM ugu baaqeen in ay ka fogaadan in Ciidamadooda ay ka qeyb galaan colaadda uu hurinayo Farmaajo . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Midawga Musharixiinta. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id goordhaw ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan Muqdisho, isagoo dardaaran u jeediyey dadka ku nool magaaladan. Wasiirka ayaa been abuur ku tilmaamay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen guriga madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. “Madaxweynihii hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii uu xilka wareejiyey 2017-kii waxaa waardiyeynayey ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada Qaranka, maamuus iyo mudnaan ayuu leeyahay, suurta galna maaha in la weeraray oo wax ka jira malahan,” ayuu yiri. Wasiir Xundubey ayaa sheegay in dad aan u naxeyn dadka reer Muqdisho ay magaalada soo geliyeen maleeshiyaad, kuwaas oo uu sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen. Sidoo kale waxa uu sheegay in dagallada laga abuurayo Muqdisho ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye, sida uu sheegay. “Reer Muqdisho waxaa idin lee yahay dagaaladaan lagu soo xawilay Muqdisho haka qeyb qaadanina, dowlado shisheeye ayaa loogu daneynayaa, dad yar oo Soomaali ah ayaana dalaal ka ah, dagaal waad soo aragteen ee ayaanaa iska burburin nabadda noo soo iftiintay,” ayuu yiri Wasiirka amniga Xasan Xundubey. Hoos ka Daawo The post Daawo: Wasiirka Amniga oo war kasoo saaray xaaladda kacsan ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa walaac xooggan ka muujiyey dagaallada ka socda Muqdisho. Safiirka waxaa uu dhinacyada ugu baaqay in la is xakameeyo, lana ilaaliyo hey’adaha dadka ka dhaceeya. Ugu dambeyntii, waxaa uu safiirka sheegay in aan la aqbali karin dagaal isaga intaa raaciyey in la ciqaabi doonno ciddii ku kacdo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda magaalada Muqdisho ayaa ku sii faafaya dhul badan kaas oo markii hore ka qarxay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo uu degan yahay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Dagaalka ayaa ku faafay isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana laga maqlayaa rasaas la is-weydaarsanayo. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa goordhaw shaaciyey in weerar toos ah uu ku socdo gurigiisa oo ay kula sugan yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin uu sheegay inay ugu tageen wadatashi, maadaama xaalaldda magaaladu ay aad u kacsan tahay. “Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan ayaa dhawaan soo degay guri u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaalka xoogiisa, waxana la sheegay in weerarkan ay fuliyeen ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka. The post DAGAALKA oo ku faafay wadada Maka Al-Mukarama ee bartamaha Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake ayaa cambeerayay weerarka lagu qaadey Madaxweynihii hore Xasan Sheikh iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Weerarada lagu qaadey Madaxweynihii hore Xasan Sheikh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waa talaabo taxadar la’aan ah oo cawaaqib xumo yeelan doonta. Waxaa iska cad in DFS ee waqtigeedu dhammaaday ay u arkayaan furimaha dagaalka inay yihiin istiraatiijiyad istiraatiiji ah oo lagu xallinayo ismariwaaga iyo wadahadalada soo socda. Maanta ayaa Ciidamo hubaysan ay weerareen Guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheikh, saacado kadibna waxaa la weeraray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Puntlandi.com Nairobi The post Cumar Cabdirshiid “Villa Soomaaliya waxay Dagaalka u arkaan istiraatiijiyad Siyaasadeed” appeared first on . Source
-
Mogadishu (HOL) - Fighting in Mogadishu has spread to KM4, one of the city's main intersections. Source: Hiiraan Online
-
Degmada Hodan waxaa laga maqlayaa Rasaas ka dhacaysa Nawaaxiga Nr4, waana markii labaad oo maanta ay Rasaas ka dhacdo Magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa goor dhaweyd soo dhigay Qoraal Barihiisa Bulshada wuxuuna qoray sidaan., Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” Waa Musharixiinta labaad oo maanta la weeraro, Galabnimadii dambe waxaa la weeraray Guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheikh,?waxaa xigay oo Afurkii la weearay Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Puntlandi.com Muqdisho The post War Deg Deg ah-Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la weeraray, appeared first on . Source
-
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa cambaareeyey weeararka uu Farmaajo ku qaaday hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraal uu soo dhigay Faceboog ayuu u yiri “Waxaan aad u cambaareynayaa weerarka uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo isaga oo adeegsanaya xooggaga Duufaan iyo Gorgor ku qaaday hoyga Madaxweynihii Hore Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxweyne hore Maxamed Farmaajo kaligiis ayaa qaadi doona cawaaqib xumada ka dhalata weeraradaas bahalnimada iyo qarandumisnimada ah. Guddoomiye Abshir oo sii hadlaya ayaa baaq u diray ciidanka isaga oo qoray Baaqa aan u dirayo askarta: Askarigu wuxuu sharafta iyo karaamada Ciidanka Qaranka mutaa marka uu ilaaliyo sidoo kalena u hoggaansamo shuruucda ku qoran dastuurka gaar ahaan qodobka 127aad. Haddii uu askarigu ku guul dareysto in uu ilaaliyo, wuxuu noqonayaa maleeshiyo iyo dayday xiran dharka ciidanka, isaga ayaana qaadaya mas’uuliyada ka dhalata xadgudubya uu geysto. Source: goobjoog.com
-
“Xisbiga WADDANI Doorkiisa Mucaarid Ee Ku Aadan Wuu Gutaa, Balse Qolada KULMIYE Mucaaridnimadi Burburinta Ahayd Ee Aynu Garanayno Ayay Raadinayaan, Taasna Somaliland Ma Qaadi Karayn Marxaladan Waxaase Muuqata Inuu KULMIYE U Xiisa Qabo Midi Midi Ku Taag” Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Hargeysa (Somalilandtoday)- Guddoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga ugu wayn Mucaaridka Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo waraysi gaara siiyay Wargayska Somalilandtoday ayaa ka hadlay doorashooyinka isku sidkan ee la filaayo inay Dalka ka dhacan dabayaaqada bisha danbe, doorka Mucaarid ee Xisbiga uu hoggaamiyo iyo arrimaha ka socda Geeska Afrika. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo isagoo ku sugan Waddanka Findland u waramaayay Tafatiraha Wargayska Somalilandtoday, wuxuu kaga jawaabay su’aal ahayd. Guddoomiye maxaad ka filaysaan Xisbi ahaan doorashooyinka isku sidkan ee bisha danbe Waddanka ka dhici doona.? Doorashooyinka wakiilada iyo degaanku muddo dheer ayay qateen inay inoo qabsooman, Alle ayaa mahadleh inay inoo dhacayaan bisha-danbe waxay soo jitamaanba, runtii waxaan bogaadinaya doorkii Xisbiyada, Xukuumadda iyo Koomiishanka doorashooyinku ka qateen in halkan la soo gaadho, annagu WADDANI ahan dadaal mugwayn ayaanu ku bixinay inay doorashooyinkasi inoo qabsooman, wax fiican ayaanu ka filayna Insha Allah, Somaliland iyo qaranka oo dhan ayaa wax fiican ka nawilaaya, Illahay waxaan ka baryayaa inay nabad inoogu dhacaan Xildhibaano ummadda u ageeda oo shacabku mahadiyaana ay ka soo baxaan. Xisbiga KULMIYE wuxuu mararbadan idinku eedeeyay gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha iyo Wasiiro kale in aanu Dalka ka jirin Mucaarid sidee arrintaas u aragtaa.? Xisbiga KULMIYE inuu mucaarid baadi goobo may-ahayn oo isaga Mucaarid iskuba ah, warbaahinta ayaad ka aragteen sarakiisha Xisbiga iyo kuwa dawladda oo is eedaynaaya, hadayse u jeedan Xisbiyada Mucaaridka ah, WADDANI wuu gutaa doorkiisa Mucaaridnimo ee ku aadan si wayeelnimo ah, waxaanse filayaa KULMIYE wuxuu raadinaya mucaaridnimadi duminta ahayd ee aynu garanayno, oo ay hore u soo jileen taas Somaliland may qaadi karayn marxaladan, doorashooyinka hadda inoo qabsoomaya dulqaadka Mucaaridka ayay doorkan inoogu soo gadheen, nacasnimo kamay ahayn Mucaaridka inay mararbadan dhankooda tanaasul mujiyeen,waxaase hadda muuqata inuu mala KULMIYE raadinaayo oo u xiisay midi-midi ku taag, samirka iyo dulqaadku masuul kasta haybad ayuu u yahay waxaana ugu baahi badan cidda markaas xilka Waddanku saaranyahay, haddii cidii ay ahayd inay tanaasusho oo dulqaad samayso markii laga waayay Xisbiyada Mucaaridku sameyeen in haddana la yidhaahdo Mucaarid ma-jiro masuuliyad darro ayaan u arkaa, wuxuunban leeyahay saxiibaday Mucaarid wuu jira waanu dulqaatay, haddii aad u xiisteen Mucaaradnimadi aad taqaneen markiina dulqaata way iman doontaaye. Ugu danbayntii Somaliland markii ugu horraysay doorashooyin isku sidkan ayay galaysa maxaad soo jeedin lahayd. Waxaan ku baaqaya in doorashooyinkas oo wakhti badan iyo tacaba galay hareeraha laga joogo, axsaab, Xukuumad iyo shacaba. Waxaan kaloo ku baaqaya in laga durko wax kasta oo inaga fool xumayn kara doorashada, Murashaxiin badan ayaa tacadi ku dhacay intii qaban qaabada doorashadu socotay, taas oo ka imanaysay Xukuumadda marqudha dhibaato kamay iman dhanka Xisbiyada Mucaaridka, waliba iyagoo danaynaaya doorashada waxbadan ayay indhaha ka laabteen, haddii maanta Koomiishankii doorashooyinka ay la yalaan dhammaan murashaxiintii saddexda Xisbi waa in laga dhawro turaan turo kasta oo wax yeeli karta, shacabka Somaliland ee xariirta ahna waxaan leeyahay nabad ku codeeya nabad ku codeeya maanta ayaad fursad haysataane doorta ciddii aad is leedihiin baahiyaha idin haysta waxbay ka qaban karaysa. Source
-
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in lagu soo weeraray Gurigiisa Muqdisho. Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo” Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyey in hadda hoyga uu ka degan yahay Muqdisho uu ka socdo weerar lagu soo qaaday, kaas oo mas’uuliyadiisa uu dusha ka saaray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo. Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku shaaciyey in haatan ay gurigiisa oo weerar ku socdo ay kula sugan yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin ugu tegay wadatashi, maadaama xaaladda Muqdisho ay maanta kacsaneed. “Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan ayaa dhawaan soo degay guri u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaal culus, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka. The post DEG DEG: CC Shakuur oo sheegay in gurigiisa lasoo weeraray iyo dagaal culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen ciidama ka amar qaata Farmaajo. Qoraal uu soo dhigay Facebook-ga ayuu ku sheegay in mas’uuliyadda dhibka dhasha uu qaadan doonno madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo.” Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in goor dhow uu dagaal ka billowday agagaarka KM4 ee maagaalada Muqdisho, ayada oo la maqlayo rasaas xooggan oo dhaceysa. Dagaalka oo ka socda inta u dhaxeysa KM4 iyo madaxtooyadii hore Cabdiqaasim ayaan la ogeyn illaa iyo hadda cidda uu u dhaxeeyo, hase yeeshe waxaa la sheegay inay ku lug leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa kale oo kasoo horjeeda. Dagaalka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale uu galabta dagaal ka dhacay xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, markii ay ciidamada dowladda weerareen ciidamada ilaalada madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Dagaalkaas ayaa goor dambe qaboobay markii lasoo riixay ciidamada dowladda oo isugu jiray Nabad-Sugid iyo Gorgor. Wixii warar ah ee kusoo kordha la soco dhowaan, Insha Allah. The post DEG DEG: Dagaal ka socda agagaarka KM4 appeared first on Caasimada Online.
-
Dowlada Puntland ayaa Cambaaraysay weerarka lagu qaadey Guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheikh, Sida Puntlandi.com ay kasoo xigteen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. “ Waa wax aan la aqbali karin weerarka lagu qaadey Guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheikh, Puntland waxay ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo falalka noocaas ah, Inta goori goor tahayna waa in laga waantoobaa habdhaqankaas oo Puntland ay marar badan ka digtay”. Ayuu yiri Sargaal ka tirsan Madaxtooyada. Goor dhow ayay Puntland soo saaraysaa Qoraal rasmi ah oo lagu cambaaraynayo Weerarka lagu qaadey Madaxweyne Xasan Sheikh. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News— Puntland oo Cambaaraysay weerarka lagu qaadey Guriga Xasan Sheikh appeared first on . Source
-
Safiirka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Nicolas Berlanga oo ka hadlay Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa muujiyay dareenkiisa Xaalada Magaalada, isagoo sheegay inaan la aqbali karin in Rabshado iyo Dagaal Xal lamoodo. Ambasador Bicolas wuxuu yiri sidaan.. Anigoo aad uga walaacsan dhacdooyinka ka socda magaalada Muqdisho. waxay codsaneynaa in lasameeyo xakameynta ugu sareysa, wax walbana lagu xaliyo wadahadalka. Rabshadaha lama aqbali karo. Kuwa ka masuulka ahna waa lala xisaabtami doono. Safiirka Midowga Wuxuu hoosta ka xariiqay in lala xisaabtami doono kuwa muasuulka ka ah Wixii galabta ka dhacay Muqdisho. Safiirada kale ee Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay iyana ka hadlaan Xaalada Muqdisho. Puntlandi.com Muqdisho The post Midowga Yurub oo si kulul uga hadlay Dagaalkii Ka dhacay Miqdisho, appeared first on . Source
-
Warar rasmi ah oo hada la helayo, Dagaalkii Galabta ka dhacay Muqdisho wuxuu ka bilowdey weerar lagu qaadey Guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheikh, iyadoo xiliga la weerarayay uu Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku signaa Gudaha Gurigiisa. Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo weerarka ka hadlay ayaa Cambaareeyey isagoo carabka ku dhuftay in Weerarka ay soo qaadeen Ciidamo ka Amar qaata Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna Cambaareeyay weerarka lagu qaadey Madaxweynihii hore Xasan Sheikh. Puntlandi.com Muqdisho The post Dagaalkii maanta oo ka bilowdey weerar lagu qaadey Guriga Xasan Sheikh appeared first on . Source
-
Former President blames Farmajo for attack on his residence
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Former President Hassan Sheikh Mohamud said that federal government troops attacked his home on Sunday afternoon as heavy fighting erupted in the seaside district of Abdiaziz. Source: Hiiraan Online