Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Degmada Hodan Nawaaxiga Guriga uu degan yahay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa Xalay ka dhacay Dagaal xabado la oswaydaarsanayay mudo kooban, Nawaaxiga nr ilaa Xamar Sare. Dawiradaan aad arkeysaan waa wada Taleex iyo Dugsigii Xamar Sare oo Ciid gaduud jidgooyooyin looga sameeyey. Shiirkolo waxaa wali yaal Jidgooyooyinkii laba Usbuuc ka hor, Mana imaan karaan Ciidamada ama Bileyska Xukuumada Madaxweyne Farmaajo . Saaka xaaladu aad ayay u degan tahay laakiin waxaa jira cabsi ay Shacabku ka qabaan in markale Dagaal Qarxo kolka lasoo afuro. Bersha Caalamka iyo Mucaaradku si Adag ayay u cambaareeyeen falalkii Xalay dhacay. Sawiradaan waa Iskuulka Xamar Sare iyo Maanta sida Jidadku yihiin The post Xaafadihii Xalay lagu dagaalamay oo jidgooyooyin yaalaan appeared first on . Source
  2. Dowladda Puntland ayaa shaacisay in cafis loo fidiyay jabhad hubaysan oo uu hoggaamiyo siyaasi Mahad Cali Carcar, taas oo marar kala duwan weeraro ku qaadday ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Gardafuu. Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland, oo ay weheliyaan maamulka Gobolka Gardafuu iyo odoyaasha dhaqanka degaanka, ayaa maanta degmada Caluula ku soo dhoweeyay siyaasi Mahad Carcar iyo ciidamadiisa, kadib markii uu cafis u fidiyay madaxweyne Siciid Deni. Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaaalada Caluula ayaa sidoo kale laga sheegay in la xalliyay tabashooyin ay jabhaddaasi ka qabtay Puntland, islamarkaana ciidamadii jabhadda ay la wareegtay dowladdu. Wasiiru-dowlaha Arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Axmed Kulan oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in xal rasmiya laga gaaray khilaafkii dowladda iyo jabhadda siyaasi Mahad Carcar, kadibna madaxweynuhu cafis u fidiyay. PUNTLAND POST The post Heshiis laga gaaray colaad u dhexaysay Puntland iyo jabhad hubaysan appeared first on Puntland Post.
  3. Ugu yaraan 10 qof oo dhaawac ah ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay dagaal u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradka diidan muddo kordhinta kaas oo Muqdisho ka dhacay galabnimadii Axadda ilaa xalay xilli dambe, iyaga oo Aamin Ambulance ay Goobjoog News u xaqiiijyeen iney qaadeen saddex dhaawac ah iyaga oo ka sheegtay caqabado xagga socodka ah. Dagaalkan oo ka kala dhacay bariga iyo koonfurta caasimadda ayaa dhacay xilli subaxnimadii shalay ay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya oo ka yimid Shabeellada dhexe oo diidan muddo kordhhinta Farmaajo ay la wareegeen qeybo ka mid ah bariga Muqdisho oo ay ku jiraan Kaaraan, Yaakhshiid iyo Cabdicasis. Xiisadda oo xoogeysatay waxaa ka dhashay in ciidamo dowadda ah oo isugu jira Duufaan iyo Gorgor ay weerar ku qaadeen Mirinaayo ee bariga Muqdisho gaar ahaan guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud taas oo lagala hortagay iska caabin xoog leh. Waxaa intaas xigay in qeyb kale oo ciidamada dowladda gaar ahaan booliiska Haramcad ay xalay weerar ku qaadeen hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasi oo keentay in uu dhaco dagaal ka bilowda koonfur Muqdisho, oo ay ku biireen ciidamo hor leh oo dhanka Mucaaradka ah, waxaa uuna dagaalka socday ilaa xilli dambe oo xalay. Labadaas weerar ay ciidamo dowladdu ku lug lahaayeen, laguna beegsaday mucaaradka diiddan muddo kordhinta uu sameystay Farmaajo waxaa ay Muqdisho galiyeen xaalad welwel halka ay sidoo kale mid ah la mid ah sheegeen qaramada midoobey. Weriyeyaasha Goobjoog News ayaa saaka soo indho indheeyey qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka gadooday ay dowladda ay hadda joogaa laga soo bilaabo isgoyska Dabka ee Halwadaag ilaa Hodan oo ay ku jiraan Shanta Geed, Isgoyska Bakaaraha, Taleex iyo Tarabuunka. Dhanka kale, waxaa xiran isu socodka magalaada iyaga oo dadka ay cabsi dareemayaan, qaarna ay isaga qaxeen goobaha furimaha ah. Waxaa sidoo kale saaka xiran dhammaan jaamacadaha Muqdisho iyada oo ardeyda loo sheegay in fasax yihiin ilaa amar dambe. Ra’siul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble oo ka hadlay dagaalka ayaa faray ciidanka iney dhowraan amniga shacabka, kana hor tagaan khatarta isaga oo intaa raaciyey in wada hadalku uu yahay jidka ugu haboon ee lagu dhameeyo ismariwaaga. Dhankiisa wasiir amniga Soomaliya Xasan Xundubay ayaa ku tilmaamay dagaalada Magaalada Caasimada ee Muqdisho ka dhacay mid shisheeye abaabulay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagalladii xalay iyo shalay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasoo horjeedo muddo kororsiga. Ugu horreyn Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay rabshadaha kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay walaac xoogan ka muujisay isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa daacadda u ah siyaasiyiinta macaaradka ah. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan, wax welibana ay ku dhameeyaan wada-hadal iyo deganaan. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah,”. Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadayo, xilli maanta xaaladda Muqdisho ay yare dagan tahay, kadib dagaalladii shalay iyo xalay ka dhacay gudaha caasimada, iyadoo labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan goobihii lagu dagaalamay. The post QM oo war kasoo saartay dagaallada ka billowday magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  5. Waxaa saaka deggan xaaladda magaalada Muqdisho kaddib dagaallo culus oo shalay iyo xalay ka dhacay magaaladaasi. Qaar ka mid ah waxgaradka magaalada ayaa wada dedaallo ay ku doonayaan in lagu soo afjaro collaadda. Wasiirka Amniga gudaha ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, oo xalay hadlay ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay ka hortageen waxa uu ugu yeeray maleeshiyaad ay soo abaabuleen dadkooda iyo dalkooda u naxayn. Hasayeeshee hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa sheegay in ciidammada dowladda ay weerrar ku soo qaadeen, oo doonayaan inay khaarijiyaan, waa sida ay hadalka u dhigeenee. Dhanka kale ra’iisul wasaaraha oo waabarigii hadlay ayaa ku amray ciidammada ammaanka inay waajibaadkooda qaran gutaan oo ay ammaanka shacabka sugaan. Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aaden, oo Muqdisho ku sugan ayaa ka waramaya xogtii ugu dambaysay Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada daacadda u ah siyaasiga mucaraadka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu soo warramayaa inay saaka xirteen wadada dheer ee isku xirta isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa caro ku xiray waddadaasi oo sii marta dalcadda Cabdiqaasim ee degmada Hodan, iyaga oo gaadiidka ka celinaya halkaasi. Sidoo kale ciidamada mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda ayaa difaacyo kaga jira xaafadaha ku dhow wadadaasi oo uu xalay ka dhacay dagaal xoogan. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in ciidamo kale oo ka mid ah kuwa ka soo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha ay iyana ku sugan yihiin inta u dhexeysa Dabka iyo Sayidka, iyaga oo difaacyo kaga jira halkaasi, waxaana lagu arkayaa iyo gaadiid dagaal. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana markasta suura-gal ah inuu dagaalka dib u qarxo, maadaama labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda. Si kastaba waxaa haatan socda dadaallo uu hokacayo ra’iisul wasaaraha xil ka sii haya ee Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda taagan. The post CC Shakuur oo xirtay wadada Cabdiqaasim + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  7. DOORASHADA WAKIILADA: (QIYAAS HORRAAD) Doorashada Baarlamanka Xisbul Xaakimka Kulmiye waxa la qiyaasi karaa in uu ka heli doono 35 ilaa 37 kuraasida loo tartamayo oo ah 82 kursi, halka labada xisbi ee mucaaridkuna ay isku heli karaan 45 ilaa 47 kursi. Kulmiye gobolka sida ugu wayn loogaga adkaan doono ee saamiga ugu yar uu ka heli karaa wuxu noqonayaa gobolka Togdheer oo laga yaabo in aanu ka heli karin wax ka badan 5 kursi halka mucaaridkuna ay isku heli karaan 10 kursi. Gobolka Togdheer waxa kuraasida ugu badan (7ila 8 kursi) ka heli kara xisbiga WADDAN. Guul darrada laga yaabo in Kulmiye uu kala kulmo gobolka Togdheer ayaa loo nisbaynayaa masuuliyiina xisbiga qaarkood oo kow uu ka yahay Cabdikariim Xinif laftiisu. Kulmiye gobolka uu guusha ugu wayn ka heli doonaa wuxu noqonayaa Gobolka Maroodijeex oo laga yaabo in uu ku guulaysto kala badh (10) 20ka kursi halka Gobolka Saaxil Kulmiye uu ka heli karo 4 ilaa 5 kursi Sool iyo Sanaag oo isku leh 24 kursi waxa laga yaabaa in Kulmiye uu ka heli karo ugu badnaan 9 ilaa 10 kursi. Sidaa daraadeed Kulmiye wuxu halis u yahay in lagala wareegi karo shirgudoonka Aqalka Hoose ee Baarlamanka ka dib doorashada oo uu noqdo doono gole uu mucaaridku hogaamiyo. Gaar ahaan Gudoomiyaha oo dhinaca Kulmiye uu u ordayo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Mudane Yasiin ayaa muuqata in fursadiisu ay cidhiidh noqon doonto oo labada musharax ee mucaaridka Cabdirazaq Khaliif iyo Abyan uu midkood noqon doono Guddoomiyaha golaha cusub ee Baarlamanka Somaliland balse waa hadii labada xisbi ee mucaaridku ku heshiin karaan. Source
  8. Qaramada Midoobay ayaa war ka soo saartay xaaladda Magaalada Muqdisho oo saacadihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo xooggan. Xafiiska Qaramada Midobay ayaa canbareyay weraradii iyo dagaaladii Shalay illaa xalay ka dhacayay magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn. Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.” Source: goobjoog.com
  9. Bahda Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay isku dhacyada saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaa soo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. War ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa loogu baaqqay dhammaan dhinacyada oo dhan, in ay muujiyaan is xakamayn, si looga baaqsado in isku dhacyadu sii socdaan. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn.” Qaramada Midoobay, waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada, in ay si dhakhso ah dib ugu laabtaan wada-hadal deg deg ah, si heshiis looga gaaro is marin-waaga ka taagan Arrimaha doorashooyinka dalka. “Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.” PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujisay isku dhacyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay qeyb ka mid ah Keydka qaraxyada Al-Shabaab, kadib howl-gallo ballaaran oo ay ka sameeyeen dhulka buuraleyda ah gobolka Bari ee maamulkaasi. Saraakiisha horkaceysay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sheegay in kadib xog ay ka heleen shacabka ay gacanta kusoo dhigeen qaraxyadaasi ku keedsanaa god weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ka qodatay duleedka magaalada Boosaaso, gaar ahaan buuraleyda Galgala. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay qarxiyeen qaar ka mid ah miinooyinka ku jiray godkaasi iyaga oo aan geysan wax khasaare ah. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayo bambaanooyin aad u badan oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka iyo sidoo kale walxo kale oo qaraxyada laga sameeyo. Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobolka Bari laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Muddooyinkii dambe ciidamada amniga Puntland ayaa weerar ku ahaan dagaalyahanada Al-Shabaab iyo kuwa Daacish, iyagoo howl-gallo ka bilaabay dhulka buuraha ee gobolka Bari. The post Sawirro: Puntland oo gacanta ku dhigtay Keydka qaraxyada ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  11. MOGADISHU (HOL) - Relative calm returned to Mogadishu Monday following heavy exchange of gunfire between government forces and militias allied to the opposition. Source: Hiiraan Online
  12. MOGADISHU (HOL) - Relative calm returned to Mogadishu Monday following heavy exchange of gunfire between government forces and militias allied to the opposition. Source: Hiiraan Online
  13. Waxaa saaka xiran dhammaan jaamacadaha Muqdisho iyada oo ardeyda loo diray farriimaha fasaxa xilli dambe oo xalay aheyd. Jaamacaha qaar ayaa baajiyey imtixaanaad u socday halka intooda badan aaney sheegin xilliga dib loogu noqoyao waxbarashada. Jaamacadaha waxaa ay sheegeen in ay ka shaqeynayaa bedqabka ardeyda iyo shaqaalaha ama si loo hubiyo isu socodka magaalada. Halka Ka Akhriso Qoraallada Jaamacadaha: Source: goobjoog.com
  14. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda dalka Jabuuti ayaa markii horreysay si faah- faahsan uga hadashay eedeymaha ay dhowaan u jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ku aadanaa inay fara-gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ridwaan Cabdullahi Bahdoon oo u jawaabiyey dhiggiisa Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in dano siyaasadeed laga leeyahay hadallada kulul ee haatan kasoo yeeraya dowladda Soomaaliya. Bahdoon ayaa xusay inay muhiim tahay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay hal u jeedo ka yeeshaan, sidii ay u dhici laheyd doorasho lagu kalsoon-yahay waqtigeeda ku dhacda. “Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya,” Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon wasiirka warfaafinta dowladda dalka Jabuuti. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”. Ugu dambeyn wuxuu wasiirka warfaafinta dalka Jabuuti hoosta ka xariiqay in ka dowlad ahaan ay dadaal xoog leh ku bixiyeen nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla-markaana ay ka dhalatay in Soomaaliya ay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd QM. “Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd,”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ay digniino culus hawada u marineysay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ay ku eedeysay inay galaan-gal xoogan ku lahaayeen bayaankii dhowaan kasoo baxay Ururka Midowga afrika. The post Jabuuti oo jawaab adag ka bixisay eedeyntii dowladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  15. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradsan ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin, kadib dagaallo shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho. Wada-hadallo xalay dhexmaray dhinacyada dowladda iyo mucaaradka, ayaa la isla hartay in xabbadda la joojiyo, inkastoo aan weli xal rasmiya loo helin muranka labada dhinac oo ka dhashay mudda kordhinta hay’adaha dowladda, sida ay sheegtay VOA-da oo xiganaysa mas’uuliyiin kala duwan. Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Rooble oo saaka warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay in wada-hadal iyo is af-garad lagu dhammeeyo khilaaf kasta oo jira, islamarkaana uu isagu bilaabay dadaallo ku saabsan xallinta xiisadda ka taagan Muqdisho. Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan laga wada-shaqeeyo Nabadda iyo Xasiloonida dalka, gaar ahaanna magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Xabbad-joojin laga gaaray dagaalladii ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  16. Raysal wasaaraha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Rooble oo hadal kooban ka yiri Dagaalkii Xalay ka dhacay Muqdisho ayaa Ciidamada faray inay gutaan waajibaadkooda. Raysal Wasaaruhu wuxuu yiri Waxaan farayaa Ciidama Qalabka sida inay waajibaadkooda Amni ay gutaan, ayna ka hortagaan cid walba oo wax u dhimaysa Amaanka Shacabka. Raysal wasaaruhu ma uusan soo hadal qaadin weerarkii ay Ciidamadu ku qaadeen Guryaha Madaxweynihii hore Xasan Sheikh iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur . Hoos kadaawo The post Daawo Raysal wasaare Rooble oo amray Ciidamada appeared first on . Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta degan kadib markii dagaallo ay ka dhaceen xalay iyo shalay, waxaana socota waan-waan laga dhex-wado mucaaradka iyo dowladda. Waan-waanta ayaa waxaa wada ra’iisul wasaare Rooble, oo la xiriiray musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Sheekh Maxamuud, una sheegay in dowladda ay dooneyso xabad-joojin iyo heshiis. “Mar dhexe ayaa ra’iisul wasaaraha ila hadlay oo uu sheegay inuu doonayo in la joojiyo dagaalka, waxaan sidoo kale fahamsanahay inuu wacay Xasan Sheekh, mana hubo inay wada hadleen. Waxaan iri ‘haddaad wax ka qaban karto oo dagaalka joojin karto, oo aad awood leedahay ahlan wa sahlan, soo dhowow’,” ayuu yrii Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in goor dambe ay soo waceen rag ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha una sheegeen inay ciidankii dagaalka ku jiray ay bixinayaan. Waxaa sidoo kale saaka socda dadaallo dheeri ah oo lagu xaqiijinayo in xabadda aysan dib u billaaban, waxaana sidoo kale qeyb ka ah odayaal dhaqameeyo iyo madaxda Galmudug iyo HirShabelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe. Dagaalka ayaa shalay ka dhacay Mirinaayo iyo aagga KM4 oo ay kala degan yihiin Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo labada musharax ay sheegeen in ciidamada dowladda ay soo weerareen. Wararka saaka ka imanaya aagga KM4 iyo Maka Al-Mukarama ayaa sheegaya in laga qaaday ciidamadii dowladda, ayna joogaan kuwa taabacsan musharaxiinta, xaaladdana ay degan tahay. Sidoo kale, aagga Mirinaayo ayaa shalay dagaal looga soo riixay ciidamada dowladda, welina waxaa jooga ciidamo militari oo diidan muddo kororsiga iyo ciidamada ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh. Si guud, xaaladda ayaa degan maanta, mana jiraan wax dhaq-dhaqaaqyo ciidan ah illaa hadda. The post Xaaladda MUQDISHO ee maanta iyo xog ku saabsan wada-hadallo dhacay xalay appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi, oo u uku qeexay mid lagu khalkhal gelinayey ammaanka caasimadda. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadka iyo dhinacyada ku lugta lahaa rabshadahaasi ugu baaqay in nabadda la dhawro, islamarkaana loo turo shacabka. Rooble ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ciidanka ku adkeeyey inay ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga. Rooble ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay aaminsan tahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto, islamarkaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo. Rooble ayaa ugu dambeyn ugu baaqay waxgaradka, culimada, bulshada rayidka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyaradu inay kaalintooda ka qaataan adkaynta nabagelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. The post Daawo: Rooble oo ka hadlay xiisadda Muqdisho, amarna siiyey ciidamada dowladda appeared first on Caasimada Online.
  19. Tensions had been rising since the president, a former American citizen, failed to hold scheduled elections, then extended his term in office by two years. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU, SOMALIA - As the world marks World Malaria Day (April 25), several African countries continue to battle the impact of a preventable disease claiming thousands of lives. In sub-Saharan Africa alone, malaria has claimed an estimated 380,000 lives in 2018 according to the World Health Organization (WHO). But there are some signs of hope in Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. Dawladda Jabuuti oo ka jawaabtay Eeddo Xukumada Farmaajo ku saydhay Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabaty eedayn ay dhawaan dolwadda federaalka Soomaaliya u jeedisay taas oo la xirirtay in Jabuuti ay galaangal ku lahed bayaankii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga afrika, bayaankaas oo uu goluhu ku cambaareeyay muddo korarsiga haydaha dowladda federaalka. Jabuuti ayaa haddaba sheegtay in ay ku mowqif tahya Golahha Nabadda iyo Ammaanka ee midowga, isla markaana dano siyaasadeed laga leeyahya eeda dowladda Soomaaliya ay u soo jeedisay. Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay: “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,” Waxa uu wasiirku intaasi ku daray: “Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd.” Dowladda Jabuuti ayaa dhanka kale hadalka dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dano siyaasadeed uun laga leeyahay, haatanse ay tahay in doorasho sidii loo qaban lahaa laga shaqeeyo. “Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.” Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay wadammada Kenya iyo Jabuuti ku eedaysay inay wadaan olole ka dhan ah oo ay sheegtay inay ka dhex wadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe Dowladdu waxa ay waqtigaas sheegtay inay hayso xog xasaasi ah oo xaqiijinaysa in labadaas dal ay soo jeedinayaan qodobo ay doonayaan in lagu daro bayaanka uu guddigaas soo saari rabay maalintaas. Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo ka hadlayay taleefishinka qaranka ee dalka, ayaa waxa uu ka digay waxkasta oo taabanaya gobonnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya. Mowqifka Jabuuti Dhanka kale, dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ku mowqif tahay bayaankii uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. “Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mowqifka ay qaateen waxa uu ahaa in laga baaqsado waxkasta oo carqaladaynaya xasiloonnida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Bahdoon. Wasiirka warfaafhinta ee Jabuuti ayaa dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya waxa ay ugu baaqday in miiska wadahalka ay dib ugu laabtaan. “Jabuuti waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay ka waantoobaan hadallada rabshadaha dhicin kara, oo ay la yimaadaan is-aqbalaad iyo dulqaad, isla markaana ay ku soo bandhigaan aragtidooda iyo waxyaabaha ay kala tabanayaan albaabka u furan oo ah dib u heshiisiin.” Mowqifka Soomaaliya Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso ergayga la filayo in Midowga Afrika u soo magacaabayo dhexdhaxaadinta dhinacyada Soomaaliya, balse waxay si adag u diiday qodobo kamid ahaa bayaankii Midowga Afrika ka soo saaray xaaladda cakiran ee khilaafka doorashada Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen in ay diidan yihiin muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha dawladda Federaalka. Markii uu bayaankaasi soo baxay kaddibna, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo Sabtidii shir jar’aaid ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aanu jirin ururo cambaareyn kara go’aan baarlamaan oo uu qaatay dal madax bannaan. “Ma jiro urur caalami ah ama urur goballeed oo sharciyan cambaareyn kara go’aan baarlmaan dal madax bannaan arrintaas waxaan u sheegaynaa in aaney ahayn sharci dowladda federaalka Soomaaliyana ma soo dhaweynayso” ayuu yiri wasiir Dubbe. Qoraalkii uu Midowga Afrika ka soo arrimaha Soomaaliya Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa kulan ay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda doorashada Soomaliya. War-murtiyeedka oo ka koobnaa 14 qodob ayaa waxay midowga Afrika cambaareeyeen go’aankii Golaha Shacabka ay muddada kordhinta ugu sameeyeen madaxwayne Farmaajo. “Waxaan walaac qoto dheer ka qabnaa tallaabadii halka dhinac ahayd ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12kii Abriil 2021, kaasoo meesha ka saaraysa heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya”ayaa lagu yiri bayaanka. Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in la magacaabo ergay gaar ah oo ka socda midowga Afrika islamarkana dhinacyada Soomaalida ka caawiya sidii heshiis looga gaari lahaa ismari-waaga ka taagan doorashooyiinka. Ergayga ayay golahu waxay ku booriyeen in muudo 4 toddobaad gudahood ah uu ugu soo gudbiyo guulaha laga gaaro qabashada doorashooyiinka Soomaaliya. “Sidaas awgeed waxaan ka codsanaynaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu si deg deg ah ugu magacaabo una diro Soomaaliya, ergay gaar ah, si uu ula shaqeeyo dhinacyada iyo daneeyayaasha kale ee ay khuseyso, si loo gaaro heshiis wadar-oggol ah, iyo in muddo 4 toodobaad ah uu warbixin ugu soo gudbiyo golaha”ayaa lagu yiri warmurtiyeedka. Golaha nabaddda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa sidoo kale ka codsaday in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ammaanka Soomalaiya. Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa dhanka kale golahu, waxay ka codsadeen, inuu si deg deg ah u isugu yeero shir loo qabanayo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si looga baaraandago saameynta amni ee ay keeni karto ismari-waaga siyaasadeed loogana tashado waddooyinka u furan ee lagu xalin karo ama hoos loogu dhigi karo. Qaran News
  22. Yaa ku dagaallamaya Gobolka ku yaal woqooyiga Addis Ababa? Madaxa hay’adda cabashooyinka shacabka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in tirada dadka lagu dilay rabshadihii dhawaan dhexmaray labada qowmiyadood ee ugu tirada badan dalkaasi ay suurtagal tahay in ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 200 oo qof. Warar hore ayaa sheegayay in ilaa 50 qof ay ku dhinteen dagaal u dhexeeya Amxaarada iyo Oromada, kuwaa oo ku dagaalamay waqooyiga gobolka Amxaarada. Endale Xayle oo ah madaxa hay’adda cabashooyinka shacabka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ku dhawaad 330,000 oo qof ay ku barakaceen colaaddaasi. Waxa uu sidoo kale sheegay in afar meelood hal meel la gubay guryaha magaalada Ataye. “Sida ku cad macluumaadka aan ka helnay dadka la barakiciyay, waxaan ku qiyaaseynaa in ilaa 200 oo qof ay ku dhinteen labada aag, balse wali waxaan u baahannahay in aan xaqiijino tirade dhabta ahi,” ayuu yiri Endale Haile oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters. Rabshadahan ayaa inta badan ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Amxaarada balse dad ahaan waxaa ku badan qowmiyadda Oromada, waxaana horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya gelisay qeybo ka mid ah gobolkaasi xaalad deg deg ah. Rabshado xooggan ayaa ka jiray qaybo badan oo ka mid ah dalka Itoobiya, waxaana ka mid ah gobolka waqooyiga ee Tigray oo dagaalo ay ka socdeen lixdii bilood ee la soo dhaafay. Doorashooyinka qaranka ee dalkaasi Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay dhacaan bisha Juun ee sanadkan, iyadoo dhowr gobol oo ka tirsan dalkaasi ay haatan ka jiraan rabshado siyaasadeed iyo kuwa u dhaxeeya qowmiyadaha kala geddisan ee dalkaasi. Ra’iisalwasaare Abiy Axmed ayaa isbadal siyaasadeed ka sameeyay dalkaasi kaddib ku dhowaad 30 sano oo uu dalkaasi ka jiray xukun adag balse hadda waxaa soo baxay quwado ku saleysan gobollo iyo qowmiyado oo loolan adag kula jira xisbiga Abiy si ay u helaan dhaqaale iyo awood dheeri ah. Horey waxaa u jiray walaac laga muujiyay tacaddiyo la sheegay in laga geystay gobolka Tigreeda, kuwaa oo lala xiriirinayo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ee gacanta ku siinayay ciidamada milatariga Itoobiya dagaalka ka dhanka ah maamulkii Tigreeda ee TPLF ee xukunka laga tuuray. Midowga Yurub ayaa sheegay in ay heleen warbixino is daba joog ah oo ku saleysan dilka iyo beegsiga qoomiyad, lagana yaabo inuu gobalka waqooyiga Itooboiya ku yaalla ee Tigray ay ka dhaceen dambiyo dagaal. Ciidamada difaaca dalka Itoobiya ayaa gobalka galay horaantii bishii Nofeembar ee sannadkii tagay, kaddib markii ciidamada TPLF ay qabsadeen saldhigga milatariga ee gobalkaas ku yaalla. Dowladda ayaa ku dhawaaqday inay guul ka gaartay dagaalka, dhamaadkii bishii November, balse Midowga Yurub ayaa sheegay in xaaladda ay wali tahay mid adag. Sidoo kale Miowga Yurub ayaa sheegay in isku dhacyada halkaa ka jira ay caqabad ku yihiin xasiloonida gobalka. Qaran News
  23. Dawlada Ethiopia oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya Safiira Ethiopia Dowladda Ethiopia ayaa safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaasi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Safiirka cusub oo lagu magacaabo Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay, islamarkaana warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar. Safiirka cusub ayaa beddelay Jamaluddin Mustafa oo muddo ahaa safiirka Ethiopia ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda, wasiirka ayaa safiirka ugu baaqay inay mideeyaan dadaallada labada dal, si ay uga faa’iideystaan furasadaha iskaashi. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu qiimeynayo wada-tashiyada ay wadaagaan labada dal ee ku aada arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka ee ay wada daneeyaan. Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku daray in safiir Cabdulfataax “uu xaqiijiyey taageerada dalkiisa u hayo” shacabka iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, uuna “ku faraxsan yahay” inuu ka shaqeeyo Soomaaliya, si uu u horumariyo xiriirka labada dal. Qaran News