-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afar Arrimood oo ku saabsan nolosha ganacsadihii Soomaaliga lagu dilay Kenya Ganacasade Bashiir Maxamed Mayda ganacsadihii Soomaaliga ahaa ee maalmo la la’aa, ayay Booliska magaalada Nairobi ee dalka kenya, weli ku wadaan baaritanno la xiriira sidii loo dilay. Meydkiisa waxaa laga helay meel duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee gobolka Kirinyaga, oo Nairobi u jirta 180km. Qoyska Bashiir Maxamed Gaboobe ayaa sheegay in maydka ay ku yaaleen rasaas iyo nabarro kale oo jirdil ah. Sida ay sheegeen laamaha baaritaanna kenya, baaritaan maanta lagu sameeyay meydka marxuumka ayaa lagu ogaaday in la ceejiyay, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha. Sheekh Maxamed Diini, oo ay saaxibo ahaayeen Bashir Gaboobe, isla markaana ay wax isla soo barteen, ayaa BBC Soomaali u sheegay in Bashiir ay iskala soo baxeen jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, uuna ahaa nin firfircoon oo dadaal badan. Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka, wuxuu madax ka ahaa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, wuxuuna mashaariic waaweyn ka fuliyay Kenya iyo Soomaaliya. Waxaan halkan ku eegeynaa afar arrimood oo ku saabsan nolosha ganacsade Bashiir: Wuxuu ahaa ijineer Bashiir wuxuu shahaadada labaad ee injineernimada ka qaatay jaamacadda Wrights University ee Dayton, dalka Mareykanka. Wuxuu in muddo ah la soo shaqeeyay shirkadda Boeing ee sameysay diyaaradaha. Wuxuu muddo kooban ku noolaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Wuxuu sidoo kale la shaqeeyay shirkadda diyaaradda ee Qatar Airways. Wuxuu iska lahaa shirkad qaabilsan dhismaha Bashiir wuxuu u soo wareegay dalka Kenya, ka dib markii u hirgeliyay shirkad qaabilsan dhismeyaasha iyo naqshadeynta guryaha, wuxuuna ku howlanaa mashaaricyo waaweyn. “Soomaliya iyo Kenya ayuu ku soo laabtay. Tacliintii uu yaqaanay iyo xirfaddii uu ku soo shaqeeyay, ayuu halkaa kasii bilaabay. Wuxuu aasaasay shirkad qaabilsan dhismaha iyo naqshadeynta guryaha, buunddooyinka iyo jidadka. Magaalada Nairobi ayay xafiis ku lahaayeen,” ayuu yiri Diini. Sida uu sheegay, Bashiir Gaboobe, wuxuu dowladda Kenya u sameeyay mashaariic waawayn sida, mid uu ka fuliyay magaalada Kisumu ee galbeedka dalka Kenya. “Mashruucyo badan ayuu Kenya ka fulinayay, intooda badanna waxay ahaayeen qanddaraasyo ay dowladda siisay. Midka magaalada Kisumu ayaa hadda ugu waynaa, wuxuuna gacanta ku hayay oo meel ganacsi oo suuq weyn ah,” ayuu Sheekh Maxamed Diini oo ka mid ah dadkii sida dhaw ula socday xaaladda Bashiir. Mashruuc ayuu ka fuliyay Soomaaliya Bashiir wuxuu ahaa nin dhalinyaro oo firfircoon oo kaalin weyn ka qaatay horumarka Soomaaliya. Shirkad uu isagu leeyahay ayaa dhistay xafiiska ay hadda ku shaqeyso wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya, sida Diini uu tilmaamay. “Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya, xafiiska ay hadda ku shaqeyso oo huteel Jubba u dhaw, shirkaddiisa ayaa dhistay,” ayuu yiri. Wuxuu ahaa nin deeqsi ah Wuxuu sheegay in Bashiir uu ahaa nin hami sare leh oo si weyn dadaal ugu bixinayay caawinta dadka kale, wuuna gacan furnaa. “Wuxuu ahaa nin deeqsi oo gacan furan, haddaad fiiriso CCTV-ga saacadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa, waxaad arkeysaa isaga oo dad ka shaqeynayay hoteelkii uu joogay lacag u qeybinayo, farxadda Ciidda darteed”. Qaran News
-
(SLT-Addis Ababa)-Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa wargeyska Telegraph ee dalka UK ka soo baxa ku eedeysay inuu ku khaldanaa daabacaadda warbixin sheegeysa in dagaalka Tigray loo adeegsaday hubka kiimikada. Warsaxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku beenisay eedeymahaas, iyadoo tidhi “Itoobiya ma adeegsan mana adeegsan doonto hubkaas la mamnuucay” “Iyadoo dhibbane u ah hubka kiimikada oo lagu weeraray, Itoobiya si xooggan ayay u cambaareyneysaa in hubka kiimikada uu adeegsado qof walba iyo meel walba oo uu ku sugan yahay.” Waxay wasaaraddu intaas ku dartay in warbixintaas ay sii hurineyso xiisadda. Wargeyska ayaa sheegay in dowladda Itoobiya uu ka codsaday inay ka jawaabto warbixinta kahor inta aan la daabicin. Millatariga Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in tacadiyo badan oo arrimaha bani’aadannimada ah ay ka geysteen gobolka Tigray tan iyo bishii November 2020. Source
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogeysa kaalmada dhaqaale iyo amni ee ay siiso Ethiopia sababo la xiriira eedo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay Axaddii soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Waxay sidoo kale xayiraad saareysaa saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dalalka Ethiopia ama Eritrea, kuwaasi oo ay u aragto in ay mas’uul ka yihiin qalalaasaha. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya. Dhinacyada ku lugta leh “ma aysan qaadin talaabooyin macno leh oo ay ku joojinayaan dagaalada ama ay ku raadinayaan xal nabadeed oo laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed,” ayuu yiri. Redwan Hussein, oo ah madaxa guddi-hoosaad ay dowladda Itoobiya ee u saartay arrimaha Tigray, ayaa sheegay in dowladdu ay goor dhow soo saari doonto bayaan. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan ka jawaabin telfoonada iyo farriimo looga raadinayay inuu warkan ka jawaabo. Kummanaan qof ayaa la dilay iyadoo 2 milyan oo qofna lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda gobolka Tigray ka dib markii uu bishii November dagaal ka dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo militariga Itoobiya. Ciidamo ka socda gobolka deriska ah ee Amxaarada iyo kuwa dalka Eretria ayaa dagaalka galay si ay u taageeraan dowladda. Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in ciidamada Ethiopia iyo xulafadooda ay dileen dad rayid ah ayna ku keceen kufsi wadareed. Ethiopia ayaa Jimcihii sheegtay in ay maxkamad soo taagtay askar gaysatay kufsi iyo dil dadka rayid ah, in kastoo diiwaanka maxkamadda aan wali la shaacin. Eritrea iyo Ethiopia ayaa labaduba muddo bilooyin ah waxa ay inkirayeen joogista askarta Eritrea ee gobolka Tigray ka hor intii aysan qiran in ay gobolka ku sugan yihiin islamarkaana ballan qaadin in ay ka bixi doonaan. Blinken ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmada bani’aadamnimada iyo deeqaha kale ee muhiimka ah ee la siiyo Ethiopia. Waxa uu intaas ku daray in ay sii socon doonaan xayiraadaha ballaaran ee kaalmada ee saaran Eritrea. Dowlada Ethiopia ayaa beesha caalamka kala kulmeysay cadaadis xooggan oo lagu doonayo in ay muujiso isla xisaabtan, xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan xasuuqa ka socda Tigray. Midowga Yurub ayaa joojiyay kaalmada lacageed ee lagu kabo miisaaniyadda Ethiopia ka dib markii ay soo bexeen warbixino kufsi wadareed, dil wadareed loo geystay dadka rayidka ah, iyo dhac baahsan oo ka dhacay gobolkan ku yaalla waqooyiga. Blinken ayaa sheegay in Mareykanku ugu yeeray dowladda Ethiopia in ay la xisaabtanto dhammaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada xuquuqda iyo tacaddiga, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah, loona hubiyo in la helo marin xaddidaad la’aan loo marsiiyo gargaarka bani’aadamnimada. VOA The post Mareykanka oo ku dhowaaqay xayiraado ka dhan ah Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa yeeshay kulan gaara oo looga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya. Kulanka oo looga hadlayay doorashada xildhibaannada labada aqal ee gobollada Waqooyi ayaa la sheegay inuu ku soo dhammaaday is-afgarad, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Ra’iisul Wasaare Rooble. Kalanka Rooble iyo Cabdi Xaashi waxaa ka horreeyay kulan ay yeesheen labada garab ee siyaasiyiinta Waqooyi ee kala hoggaamiyaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, kaas oo la isku fahmiyaayay. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa beeniyay qoraal ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada Waqooyi garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi oo lagu sheegay in ay wadahadal arrimaha doorashada ku aadan la yeesheen Mahdi Guuleed. Mahdi Guuleed ayaa qoraal uu bartiisa Twitterka ku qoray ku yiri “Warqaddan la wareejinaayo waxba kama jiraan. Waa been aan sal iyo raad toona lahayn”. Dhanka kale Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa xaqiijiyay qoraal ka soo baxay dhankooda oo lagu sheegay in labada garab ay ku heshiin waayeen guddiyada doorashooyinka. Sidoo kale garabka Cabdi Xaashi waxay sheegeen in lagu heshiiyay saddex qodob oo kala ah; in siyaasiyiinta Waqooyi u madax-bannaanaadaan doorashada, in la dhiso guddi sare oo jiheeya doorshada goboladda Waqooyi iyo in doorashada gobollada Waqooyi lagu qabto Afisyoone amnigeedana ay sugaan AMISOM iyo Boolis Soomaaliyeed, goobjoogna ka noqoto Beesha Caalamka. Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shirka doorashada uu noqdo mid muuqaal midnimo leh oo ay u dhan yihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka. PUNTLAND POST The post Rooble iyo Cabdi Xaashi oo ka wadahadlay doorashada xildhibaannada Waqooyi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula leh guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Kulankan oo ah mid ay albaada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan dooda ka taagan soo xulista xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi. Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan, kadib uu guddoomiyaha Aqalka Sare qaban doono shir jaraa’id oo uu kaga warbixin doono kulanka uu haatan la leeyahay Rooble. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tan xubnaha gobollada waqooyi ama Somaliland. Kulanka ayaa sidoo kale daba socda warqad kasoo baxday xubnaha garabka Cabdi Xaashi oo lagu sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu weli diidan yahay hab qeybsiga dhismaha doorashada ee xubnaha Somaliland ku metalaya dowladda cusub ee soo socota, inkastoo eedeyntaas uu iska fogeeyey Mahdi Guuleed oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqadda soo baxday. Arrintan ayaa muujineyso khilaaf hor leh oo soo kala dhex-galay labada garab xubnaha gobollada waqooyi ee ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, waxaana haatan socda dadaallo uu wado ra’iisul wasaaraha oo xal waara looga gaarayo khilaafkaasi. Doodan cusub ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaarayo is mari-waaga ka taagan hanaanka doorashooyinka. Si kastaba Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay marxaladda kala guurka ah, waxaana xiisaddu ay kasii dartay markii uu dhammaaday muddo xileedka dowladda Soomaaliya, iyadoo aanan xal loo helin khilaafka ka taagan doorashada 2021. The post Ra’iisul wasaare Rooble iyo Cabdi Xaashi oo kulan ku leh Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Mareykanka oo xayiraad dhaqaale & mid militari saaraya Ethiopia Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii shalay aheyd ku dhawaaqday in ay cunaqabateyn isugu jirta mid dhaqaale iyo mid millatariba saareyso Ethiopia, sababo la xiriira gabood-fallo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay gobolka ay colaaduhu ka jiraan ee Tigray. War kasoo baxday waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu Mareykanka xiyiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogi doonto saraakiil hore ama kuwo hadda shaqeeya oo ka tirsan dowladaha Itoobiya iyo Eritrea. Saraakiishaasi oo magacyadooda aan la shaacin ayuu Mareykanku sheegay in ay mas’uul ka yihiin qalelaasaha ka dhacay gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya. Wuxuu intaas raaciyay in la joogo waqtigii ay bulshada caalamku tallaabo qaadi laheyd. Kumannaan qof ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalka sokeeye ee gobolka Tigray ee Itoobiya, boqolaal kun oo kalana waxaa lagu qasbay in ay guryahdooda ka barakacaan, laga soo billaabo bishi November ee sanadkii hore markaas oo uu dagaalku billowday. Qaran News
-
Faster than a PCR test: dogs detect Covid in under a second
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Faster than PCR and more accurate than lateral flow tests, the latest weapons against Covid-19 have four legs and a wet nose. Source: Hiiraan Online -
Jubaland oo mar kale joojisay xidhashada indha-shareerka Booliiska maamul-goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inay mar kale adkeeyeen xoojinta xirashada niqaabka ama indha-shareerka, sida uu baahiyay Telefishinka Jubaland. Waxay booliisku sheegeen in arrintan ay uga gol leeyihiin “adkeynta aminga”, ayuu shaaciyay telefishinka. Dhowr sano kahor ayay ahayd markii amar ka soo baxay Jubbaland lagu mamnuucay xirashada indha-shareerka, iyadoo xilligaas uu maamulku sheegay in la qabtay rag soo xirtay indha-shareerka. Booliiska ayaa sheegay in amarkaasi uu dhaqan galay shalay oo Axad ahayd. Qaran News
-
Maxaa Ilhaan Cumar & Inanteeda Isra Xirsi looga hadal hayaa Mareykanka ee loo eryanayaa? Isra Xirsi, oo ay dhashay Ilhaan Cumar, una ololeysa arrimaha isbedelka cimilada ayay warbaahinta Mareykanka hadaldayaan, ka dib markii ay wax ka bedeshay qoraalka yar ee sharaxaya nolosheeda ee Twitter-keeda. Waxay qaar ka mid ah ku eedeynayaan in ay “shuuciyadda taageertay oo astaantooda ay adeegsatay”. Isra Xirsi, waxay qeyb ka ahayd dhallinyaradii bilowday isu soo bixii isbedelka cimilda. Isra oo hadda 18 sano jir ah, “waxay qoraalka Twitter-keeda ku dartay dubbaha shuuciyadda iyo astaan kale”, sida ay warbaahintaas qorayaan. every few months the right becomes obsessed with me, a teenage girl, for having political opinions lol please stay mad https://t.co/cZkwxXEBDp — isra hirsi (@israhirsi) May 20, 2021 gotta give it to fox news for attempting to smear me but instead making me sound cool https://t.co/K7JVUrvp9n — isra hirsi (@israhirsi) May 20, 2021 Fox News oo ka mid ah warbaahinta ka hadlaya arrintan waxay sheegeen in Isra Xirsi “ay si waadax ah ugu baaqday kocdoon shuuciyad”. Balse gabadha Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitter-ka kaga jawaabtay arrimahan, waxayna tiri: “Dhowr bilood ka dib ba, warbahinta dhanka midigta u janjeera, aniga ayey igu mashquulaan”. Isra Xirsi, waxay sannadkii 2020 ka mid ahayd diiwaanka Forbes ee “40 Under 40” ee Dowladda iyo Siyaasadda. Waxaa sidoo kale lagu soo qaatay warbaahinta waaweyne oo ku tilmaamay Isra in ay tahay “badbadinta dhulka”. sawirka,Ilhan Cumar, gabadheeda iyo wiilkeeda. Waxay mar ka mid ahayd dadkii uu sarreeyay ee ka hadlay shirka isbedelka cimilada. Bishii la soo dhaafayna waxay cashar ka bixisay Jaamacadda Washington. Sida uu qoray Fox News, oo soo xigtay afhayeenka Ilhan Cumar Jeremy Slevin, wuxuu yiri: “Miyaadan xishooneyn? Ilhan Cumar waa masuul la soo doortay, balse gabadheeda ma ahan. Sidoo kale eeg, Ilhaan iyo gabadheeda waxaa la soo gaarsiiyay hanjabaado isu dhigma oo dil ah. Taa waa masuuliyad darro iyo halis wayn.” Wuxuu intaa ku daray in ay tahay “dhibaateyn furan oo online-ka ah oo ka dhan ah toban sano jir, taas oo kaga imaaneysa xubin ka tirsan congress-ka”. Wuxuu ka falceliyay farriin Twitter-ka ah oo ay soo dhigtay Marjorie Taylor, oo laga soo doortay deegaan ka tirsan Georgia. Qaran News
-
Global consortium wins Ethiopia's telecom license for $850M
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Ethiopian government on Saturday awarded a telecom service license to the Global Partnership for Ethiopia, a consortium of telecom companies. Source: Hiiraan Online -
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda shir mid ka mid ah Hotelada magaalada Muqdisho kula jira , Guddoomiyaha Aqalka Saren Cabdi Xaashi. Shirkan ayaa looga hadlaya sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay cidda soo magacabeysa guddiyada doorashada Somaliland . Warar ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in uu guuldareystay dhexdhexaadin laga dhex waday labada garab ee Somalinad iyada oo garabka Mahdii Guuleed ay doonayaan sad-bursi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dadka waxaa ay qabaan in doorashada dalka ka dhaceysa Soomaaliya gaar ahaan tan Jubbaland lagu kobo hal deegaan doorasho. Codbixin dhanka Twitterka ah oo ay qabatay Goobjoog News waxaa ku cad in shacabka ka qeyb galay ay u codeeyeen intooda badan in Jubbaland doorashada ay ku gasho hal deegaan doorasho, waxaa xigta doorashada iyo maamulkeeda in la hoos geeyo Axmed Madoobe, waxaa xigtay isku dhaf in laga dhigo halka ay ugu dambeysay in reer Gedo loo madaxbanneeyo waxa socda. Akhriso: Codbixinta: Shirka doorashada qodobada looga hadlayo waxaa ka mid arrinta Gedo, hadaba sidee kula tahay in xal loogu helo deegaan doorashada. Mid ka dooro afartan xulasho:- Doorashada Hal deegan: 32.9% Kismaayo la hoos geeyo: 25% Maamul isku dhafan: 22.4% Gedo in la madax-baneeyo: 19.7% Source: goobjoog.com
-
Dowladda Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii shalay dowladda Belarus ay khasab ugu dejisay diyaarad Rakaab ah. Diyaaradda oo ka timid dalka Greece, kuna socota waddanka Lithuania ayaa dowladda Belarus si khasab ah uga dejisay magaalada Minisk ee dalkaas. Diyaaradda Ryanair ee dalka Ireland ayaa rakaabka saarnaa waxaa ku jiray wariye ka mid ah saxafiyiinta dibad-joogga ee u dhashay Belarus, kaas oo si aad ah u dhaliila hoggaamiyaha dalkaas, waxaana diyaaradda sida khasabka ah looga dajiyay caasimada Minisk uu ahaa in la xiro wariyahan. Diyaarad millatari ayaa ku khasabtay in duulimaadka diyaaradda kaabka aheyd si deg deg ah looga dajiyo Jamhuuriyadda Belarus. Wariye Roman Protasevich ayaa madaxa gacmaha saartay marki uu ogaaday in diyaaradda ay ku socoto dalka uu kasoo jeedo oo uu baxsad ka ahaa, sababo la xiriira ammaankiisa. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo Midowga Yurub oo si adag u cambaareeyay dowladda Belarus appeared first on Puntland Post.
-
One year before every General Election, Kenya becomes tense, unsafe and economic activity stops. After every election, violence breaks out and lives are lost. Normalcy returns one year after elections. In Kenya, despite all attempts made to decentralize decision making and resource allocation, there is still a strong belief that the presidency leads to an unequal allocation of resources and opportunities between ethnic communities. President Uhuru Kenyatta with Vice President William Ruto. In these circumstances, a winner take all political system has only sharpened the ethnic competition for the presidency as people want one of their own as president since resources go with the presidency. To stop elections from becoming a do or die event, we must have a more inclusive political system where more communities get a chance to play a role in governing Kenya. Read More here The post “Elections in Kenya have become a curse” appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Ololaha doorashada baarlamanka iyo golleyaasha deegaanka oo isku sidkan ayaa maalintii labaad si habsami ah uga socda guud ahaan dalka Somaliland. Maaddaama oo xisbiyada mid walba maalin gaar ah loo qoondeeyey inuu ololihiisa qabto waxaa maanta u lahaa xisbi xaakimka KULMIYE Ololahan oo safmarka Korona awgii loo xaddiday muddada uu socon doono oo xisbi waliba laba maalmood oo keliya uu leeyahay maaddaama oo aan waqti badani ka hadhin doorashadii ayaa jawiga uu ku socdo ololaha xisbiga KULMIYE wuxuu ahaa mid sidii loogu tala galay ah. Doorashada oo lagu wado inay qabsoonto 31-ka bishan aynu ku jirno ee May, ayaa ah markii ugu horreysay ee si isku sidkan loo qabto doorashada baarlamaanka iyo golleyaasha deegaanka. Maalinta 1aad Ololaha Xisbiga KULMIYE: Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa oo Ololaha Xisbiga KULMIYE si toos ah uga socda iyo Madaxweynaha JSL oo ka Qaybgelaya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomalaiyeed ayaa maanta bayaan ka kooban afar qodob kasoo saaray shirka wada-tashiga qaran ee haatan magaalada Muqdisho uga socdo madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka. Kulan ay isugu yimaadeen Majmaca hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah waxay farriin ugu direen hoggaamiyeesha Soomaaliya ee ku shirsan Teendhada Afisyoone, si go’aan rasmi ah looga soo saaro is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka. Ugu horreyn Hay’adda Culimada ayaa soo dhoweysay qabashada shirkan, waxayna ku boorisay Rooble iyo madax goboleedyada inay ka dhabeeyaan wada-hadalladooda. Sidoo kale culimada Soomaaliyeed ayaa bayaankooda ku sheegay in loo baahan yahay in la dhowro xasiliinida dalka, gaar ahaan amniga qaranka. Baaqa hay’ada Culimada ayaa sidoo kale looga dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay sii wadaan garab istaagga ay u muujiyeen shirka xal ka gaarista ee ka socdo Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso:- 1: Waxaay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto. 2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan. 3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa. 4: Waxaay ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed Midnimo, waxaana u mahad celinayaan cid kasta oo gacan ka geeysatay hirgelinta iyo qabsoomida Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada Soomaaliya. The post Culimada Soomaaliyeed oo afar qodob kasoo saaray shirka doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Washington)-Mareykanka ayaa ku soo rogay xayiraadaha fiisaha madax ka soo jeeda dalalka Itoobiya iyo Eriteriya ee lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha dagaalka lix biloodlaha ah ee ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya. Xoghayaha Arimaha Dibbada ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay axadii in sidoo kale cunaqabateyn lagu soo rogayo kaalmada dhaqaale iyo mida amni ee la siiyo Ethiopia balse ayna ka mid ahayn gargaarka bini’aadanimo ee dhinacyada caafimaadka, cuntada iyo waxbarashada. “Dadka ku dhaqan Tigreega waxa ay weli wajahayaan xadgudubyo xuquuqul insaanka, waxaana si deg deg ah loogu baahan yahay in gargaarka bina-aadamnimada ay gaadhaan shacabka ku nool Tigray balse waxaa ka hortaagan ciidamo hubeysan oo militariga Itoobiya iyo Ereteriya,” ayuu Blinken ku yidhi qoraal uu soo saaray. “Xayiraadan waxa ay saameyneysaa Saraakiisha hadda jirta ama kuwii hore ee itoobiya ama Eriteriya, xubnaha ciidamada amaanka iyo xubno ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF) – oo masuul ka ah, ama ku lug leh. ee, wiiqaysa xallinta mashaakilka ka taagan Tigray. ”ayuu sii raaciyay Blinken. Ciidamada iyo askarta Itoobiya oo ay wehelinayaan ciidamo ka socda dalka deriska la ah ee Eritrea ayaa lagu eedeeyay xasuuq iyo dilal ay u gaysteen dagaalka ay kula jiraan jabhada. Sidoo kale Xoghayaha Arrimaha Dibbada Maraykanka ayaa cambaareeyey kufsiga baahsan ee lagula kacay haweenka gobolka Tigray iyo xadgudubyada kale ee xuquuqda aadanaha. Blinken wuxuu ka digay in haddii kuwa mas’uulka ka ah carqaladeynta xallinta xiisadda Tigreega ay ku guuldareystaan inay dib uga laabtaan wadada, waa inay ka fikiraan tallaabooyin dheeri ah oo kaga yimaada Mareykanka iyo bulshada caalamka. Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in dambiyo dagaal laga yaabo inay galeen dhammaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadka. Kumanaan qof ayaa lagu dilay boqolaal kun oo kalena waxaa lagu qasbay inay ka barakacaan guryahooda oo ku yaala gobolka Tigray, tan iyo bishii Nofeembar markii Raysal wasaare Abiy Ahmed uu ciidan u diray si ay uxiraan hubna uga dhigaan hogaamiyaasha xisbiga talada haya ee gobolka ee TPLF. Source
-
(SLT-Doha)-Madaxa Siyaasadda ee Dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS, Dr. Ismaaciil Haniyah iyo Wafdi uu horkacayo oo maalmahan booqasho hawleed ku joogay caasimada dalka Qatar ee Doha ayaa waxaa uu Maanta la kulmay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Althani. Kulankaasi ayaa waxaa uu ka dhacay Xafiiska Amiirka ee Amiiri Diiwaan, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Qatar ee QNA.Dr. Ismaaciil Haniyah ayaa waxaa uu ka mahadceliyey dadaalka Amiir Tamiim ee Xabbad-joojintii laga gaadhay dagaalkii XAMAAS iyo Israa’iil ee Qasa. Madaxa Xafiiska Siyaasada ee Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ayaa waxa uu hore mahadcelin u jeediyey Dowladaha Masar iyo Iran, isagoo xusay inay u muujiyeen Taageero Siyaasadeed. Source
-
Wararka naga soo gaarayo degmada balanbale ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in xalay xilli dambe kooxa hubeysan ay weerar ku qaadeen dad shacab ah oo deegaanka ku sugna . Wariyayaasha Goobjoog News ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday aanan la qoon heybtooda balse ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhimatay rasaasta ay fureen kooxda weerarka soo qaaday, halka seddax qof oo kale uu dhaawac ka soo gaaray rasaasta . Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaal ku yaalla degmada balanbale . Sikastaba inta badan weeraro nuucan oo kala ah ayaa ka dhaca deeganada hoostaga gobalka galgaduud, kuwaas oo ku saleysan aanooyin qabiil . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sharraxaad ka bixiyey ereyga ‘Teendhada Afisyoone’ oo sanadihii dambe ay si wey u adeegsaneysay warbaahinta, maadaama uu ka socdo shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka. Macalimuu oo qoraalkiisa ay ka muuaqatay in xukuumadda Soomaaliya ay ‘dhibsatay’ magacaasi ayaa sheegay in Afisyoone aysan aheyn Teendho, ayna tahay xarunta ciidamada Cirka Soomaaliya oo ah garoon ay ka duuli jireen diyaaradaha ay leeyihiin ciidamada cirka. “Teendhada Afisyoone “Malab marka la doonayo in la magac xumeeyo ,shinnada xaarkeeda waa la oran karaa. Afisyoone ,waa xarunta Ciidamada Cirka Soomaaliya,ma ahan teendho . Waa garoonka ay ka haadi jireen diyaaradaha Ciidamada Cirka Soomaaliya oo soo shaqeynayay tan iyo xilligii gumeystaha,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeen Macalimuu. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey ” Ereyga Aviazione asalkiisu waa Talyaani la Soomaaliyeeyay kaas oo la micno ah ereyga (Duulista ) ama ereyga English-ka ee Aviation. Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa farriin la xiriirta Afisyoone u diray wariyeyaasha Soomaaliyeed, isaga oo tusaale usoo qaatay wariyeyaal Ajaaniib ah oo dalka yimid xilligii dagaallada Sokeeye, kuwaas oo uu sheegay inay Muqdisho u kala qeybiyeen koonfur iyo waqooyi. “Berrigii ay horraantii 90aadka ee dagaalada sokeeye Xamar ka socdeen ayaa wariayyaal ajnabi ah oo aan Muqdisho Juquraafi ahaan aan garaneyn waxa ay Muqdisho u kala qeybiyeen Koofur iyo Waqooyi iyaga oo ula jeeday in KM5 ay tahay Koofur ,Kaaraanna ay tahay Waqooyi . Is weydii adigu ma saxan tahay taasi? Taa waxaa hadda la mid ah teendhada Afisyoone,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri Maxamed Ibraahim Macalimu. Ereyga Teendhada ayaa adeegsigiisu aad u batay sanadihii dambe, maadaama Teendho yar oo ku dhex taalla xerada Afisyoone lagu qabtay doorashadii madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, hadana uu ka socda shirka doorashooyinka. The post XF Soomaaliya oo ‘dhibsatay’ magaca Teendhada Afisyoone + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey hoggaamiye xisbiga Wadajir iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kaas oo xalay ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kulanka oo uu albaabada u xirnaa ayaa ka qabsoomay Hotelka Peace, wuxuuna u dhexeeyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah MUSHARRAX madaxweyne iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Puntland iyo sidoo kale Koonfur Galbeed. Intii uu socday kulankan gaarka ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan uu qaban qaabadiisa lahaa madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isla-markaana uu ujeedkiisu ahaa sidii uu taageero uga heli lahaa madax goboleedyada musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale kulankan ayaa muujinaya inuu bilowday ololaha doorashada madaxweynaha iyo sameynta isbaheysiyo gaar ah oo lagu wajahayo tartanka culus ee doorashada sanadkan. Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan dadaal xoogan muujinayo, maadaama la guda- galayo doorashooyinka 2021-ka, iyaga oo kala jiidanaya hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada oo ku wada sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Kulanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada ayaa sidoo kale daba socda kulamo gaar gaar ah oo saacadihii ugu dambeeyey ka dhacay caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda kala guurka iyo doorashada 2021-ka. Si kastaba Soomaaliya ayaa galeyso doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, kadib marka uu soo dhammaado shirka wada-tashiga qaran ee haatan ka socda Teendhada Afisyooni, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaarayo muranka doorashada. The post CC Shakuur oo la kulmay saddex madaxweyne goboleed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.