-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shan Xildhibaan oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye kana soo jeeda Sool, ayaa sheegay in ay isku raaceen in Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) inuu noqdo murrashax Golaha Wakiillada ee meteli doona dadka Gobollada Bariga. Axmed Xasan Casoowe oo ka mudane ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo u hadlay Xildhibaannada shanta ah, ayaa sheegay in ay ka digayaan in Kursigaas cid kale qaadato, madaama oo ay Somaliland kuraasta saami qaybsi lagu qaybsado. Hadalkan Shan Xildhibaan ee Kulmiye ayaa ku soo beegmaya xilli Isbahaysiga Mucaaradku u qorshaynayaan Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, madaama oo ay leeyihiin aqlabiyadda Golahaasi. Mr. Khaliif, oo ah murrashax ugu cad cad ee dhinac mucaaradku wataan, ayaa waxa ay isku deegaan hoose ka soo jeedaan Yaasiin Faratoon oo ah Murrashax uu wato Xisbiga Kulmiye, oo aan isagu aqlabiyad uu Faratoon Guddoomiye kaga dhigo aan haysan. Source
-
James Duddridge, wasiirka UK u qaabilsan Afrika oo goordhawayd qoraal soo saaray ayaa hambalyeeyay qaabkii ay u dhaceen Doorashadii Wakiillada iyo deegaanka Somaliland. Doorasha Somaliland ayuu ku tilmaamay mid guulaysatay oo ka markhaati kacaysa sida ay somaliland ugu heellan tahay nabadda. “Qabashada Doorashooyinkaasi waxa ay markhaati u tahay sida Somaliland markasta ugu heellan tahay nabadda iyo Dimuqraadiyada” James Duddridge Source
-
Warbixin ay soo saartay qaramada Midoobey ayaa lagu ogaaday in ciidamo uu tababar ugu diray Eritrea Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, loo adeegsaday dagaallo ka dhacay gudaha Itoobiya. Warbixintan waxaa lagu sheegay in dhalinyaradan oo ku sugnaa, kuna tababaranayey xeryo ku yaala gudaha Eritrea loo duuliyey dhanka Itoobiya iyaga oo qeyb ka ahaa dagaalo ka dhacay gobolka Tigreyga ee gudaha Itoobiya. Inkasta oo maamulka Farmaajo marar badan iska diiday warkan, hadana warbixintan Qaramada Midoobey ayaa imaanaya iyada oo dhowr bil ay si joogta ah dibadbax u wadaan waalidiinta caruurta dhashay, taasi oo Villa Somalia iska dhago tirto. Warbixinta UNka oo looga hadlay xusuuqul insaanka Eritrea ayaa lagu sheegay in dhalinyaro Soomaali oo ahaa oo tababar u joogay dalkasi xoog looga waday xeeyadooda, lana geeyey magaalada taariikhiga ah ee Aksum ee goobo badan oo Tigreyga ah. Farmaajo ayaa qeyb ka ah isbaheysiga Geeska Afrika, waxaa hoggaaminaya Abiy Axmed ra’isul wasaaraha Itoobiya, waxaa kale oo ku jira keligii taliyaha Afwerki oo ah Madaxweyne Eritrea. Dagaalka la sheegayo in dhalinyaro Soomaaliyeed qeyb ka noqdeen ee ka dhacay gobolka Tigeyga waxaa ku barakacay 2.2 milyan oo qof iyada oo Suudaan u gudbeen in ka badan 60 kun oo qof. Waalidiinta caruurtaas loo diray Eritrea oo marar badan la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in markii hore caruurtooda xoog lagu waday, hadana loo diray dagaal aaney shaqo ku laheyn iyaga mas’uuliyadda dusha ka saaray Farmaajo. Waalidiinta qaarkood waxaay Caddeeyeen in NISA u sheegtay in caruurtooda loo wadayo Qatar sababo la xiriira koobka adduunka, laakin xoog loo waday Eritrea iyaga oo codsaday in lasoo celiyo. Cabdisalaam Yuusuf Guuleed oo horay uga tirsanaa NISA waxaa uu sheegay in 370 oo dhalinyarada ka tirsan ay dhinteen, arrintaan oo aaney Villa Somalia ka jawaabin. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Website-ka Caasimada Online iyo qaar badan oo ka mid ah website-yada ugu caansan caalamka ayaa saacado hawada ka baxay maanta kadib cilad ku timid shirkadda Fastly.com oo ay wada adeegsadaan Website-yada hawada ka baxay waxaa ka mid ah kuwa CNN, New York Times, The Guardian, HBO, Reddit, Spotify, Pinterest, Twitch iyo kuwa kale, oo dhammaantood adeegsada adeegga Fastly. Fastly ayaa bixisa adeegga loo yaqaan CDN (Content Delivery Network) oo sare u qaada xawaaraha website-ka, waxayna u dhaxeysa shabakadda qofka adeegsanaya website-ka iyo shirkadda marti-gelisay (hosting) website-ka. Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay ciladda ku timid Fastly, hase yeeshee qoraal kooban oo ay shirkadda soo saartay ayey ku tiri “Waxaan weli wadnaa baaritaanka arrintan.” Caasimada Online oo isku dayday inay xaliso ciladda ku timid website-ka ayaa markii ogaatay inay la xiriirto Fastly waxaba ka qaban weysay, waxaana ku qasbanaanay inaan sugno si la mid ah website-yada kale ee caalamka, waana kaga cudur daaraneynaa aqristayaasheena. Caasimada Online ayaa hawada ka maqneyd ku dhowaad laba saac, waana muddadii ugu dheereyd ee ay na qabsato cilad intaas la eg, shanti sano ee ugu dambeysay. The post Caasimada Online, New York Times, CNN, Guardian iyo website-yo kale oo maanta saacado hawada ka baxay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay u kala jabeen ilaa saddex qeyb ama koox waxaana lagu sheegay sababta kala qeybisay ay tahay arrimo la xariira arrimaha doorashada. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa dhinacyadaan ay isugu dhawaadaan qabiil ahaan iyo qaar isugu dhawaaday isbaddel doon dhiig cusub ah ama siyaasiin cusub ah. Murashaxiinta kala ah Maxamed Siiriin, Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr. Cabdinuur Maxamed ayaa la sheegay in sameysteen isbaheysi cusub kadib kulan ay dorraad ku yeesheen Nairobi. Murashaxa kale ee Dr. Cabdinaasir Cabdulle oo kulankaasi qeyb ka ahaa ayaa la sheegay in uu ka cudurtaaday isbaheysigaas inkastoo uu ku jiro mid kale. Sidoo kale siyaasiga Daahir Sheekh Maxamuud Geelle, Dr. Cabdinaasir Cabdulle, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankooda sameestay isbaheysi cusub, halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre ay dhankooda noqdeen isku dhinac. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu ka cudur daartay isbaheysi cusub oo laba jeer loo soo bandhigay waxaana la sheegay in uu kaligiis yahay Murashax taagan inkastoo uu ugu dambeyn ku qasbanaan doono in uu isbaheysi sameesto. Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ah Murashax kaligiis taagan oo aan isbaheysi qeyb ka aheyn. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Axaddii noqday musharax kaliya ee si cad uga soo horjeestay go’aanka guddiga uu magacaabay Rooble ay 34 xubnood uga saareen guddiga doorashada, isaga oo dalbaday in dhammaan 67-ka xubnood laga saaro, halka inta badan musharaxiinta ay soo dhoweeyeen ama ka aamuseen. Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Madaxweyne Farmaajo awooda doorashada Soomaaliya ku wareejiyay Rooble waxaa jiray kala fur furnaan mucaaradka dhaxdiisa ah, maadaama ay soo dhowaatay doorashada, oo musharax kasta uu loolan iskiis ah galayo. The post Midowga Murashaxiinta oo saddex isbaheysi u kala jabay appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta booqday safaarada Soomaaliya ee Itoobiya. Safaarada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxaa xarunteeda kusoo dhaweeeyay Wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo Safiirka Soomaaliye ee Itoobiya, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir). Wasiir Duraan ayaa warbixin ka dhageystay Danjire Ilka-jiir, oo uga warbixiyey xaalada safaarada dalka iyo shaqooyinka ay u qabato shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Itoobiya. Wafdiga Wasiirka ee ku wehlinayay booqashadan ayaa waxaa kamid ahaa Mareeye ku-xigeenka guud ee Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyo Agaasimaha guud ee garoomada dalka. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax oo maalmahan howlo shaqo u joogay dalka Itoobiya ayaa kormeer kala duwan ku tagayey xarumaha dowladda ee dalkaas. The post Sawirro: Wasiir Duraan iyo wafdi booqasho ku tegay safaaradda dalka Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya, gelinkii dambe ee shalay ayaa tuulo lagu magacaabo Aala-fuutow oo qiyaastii 65-KM dhanka galbeed ka xigta degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa ka dhacay qarax xoog leh oo khasaare culus uu ka soo gaaray Al-Shabaab, sidoo kalena dad shacab ah ay ku dhinteen. Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 61-xubnood oo isugu jiray saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, dagaalamayaal kale iyo dad rayid ah, waxuuna ka dhashay gaari weyn oo kooxdu ay ku diyaarineysay waxyaaba qarxa. Warbaahinta ciidamada qalabka sida oo soo xiganeysa saraakiil militeri ayaa baahisay warka qaraxaan iyo xogta khasaaraha ka dhashay. Hooyo iyo cunug yar oo ay dhashay oo goobta ka ag dhawaa ayaa la sheegay inay ka mid yihiin 61-da qof ee ku geeriyootay qaraxaas, halka 59-ka kale ay ahaayeen Shabaab, waxaana ku jira ilaa lix sarkaal oo ajaanib ah, sida lagu shaaciyey xogtaan. Guri ka koobnaa 11-qol oo qaraxyo isugu jira kuwa gawaarida lagu rakibo, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo jaakadaha is-miidaaminta ay ku diyaarinayeen ayaa la sheegay inuu galabta ku burburay qaraxaas, kadib markii uu ku qarxay gaari weyn oo ay qarax ku rakibayeen, waxaana geeriyooday dhammaan xubnihii saraakiisha iyo dagaalamayaasha isugu jiray ee ku sugnaa gurigaas. Saraakiisha ajaanibta ah ee ku geeriyootay qaraxaas waxaa la sheegay inuu ka mid yahay nin lagu magacaabi jiray Axmed Shariif (Abuu Bilaal) oo u dhashay dalka Afgaanistaan iyo nin magaciisa lagu soo koobay Khaalid oo isna u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo aad ugu xeel dheeraa sameynta qaraxyada ay kooxdu ka fuliso Soomaaliya. Xaruntaas waxaa la sheegay inay aheyd tan ugu weyn ee qaraxyada lagu diyaariyo oo kooxdu ay ku laheed gobolka Shabeellada Hoose, waxayna saraakiisha militeriga Soomaaliya balan qaadeen in baaritaan kadib ay soo gudbi doonaan xog dhameystiran oo ku saabsan qaraxaas ka dhacay duleedka degmada Qoryooley. The post ‘Qarax ka dhacay guri ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ay ku dhinteen 61 xubnood’ appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)- Xoggo rasmi ah oo aanu ka helnay illo-wareedyo rasmi ah, ayaa sheegay in kulan ay yeesheen shalay hoggaanka Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay ku heshiyeen inay kale qaataan Maayarka iyo ku-xigeenkiisa Magaalada Hargeysa. Kullankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid albaabadu ay u xidhnayeen,waxaana la sheegay inay ka qayb-galeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Masuuliyiin kale. Dhanka kale, Xoggaha aannu ka helnay kullankaas ayaa sheegay in masuuliyiinta Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID oo ay hoggaaminayeen Faysal Iyo Cirro ay ku heshiyeen inay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID ay kale qaataan Maayarka iyo ku-xigeenkiisa Magaalada Hargeysa,maaddaama oo ay haystaan aqlabiyadda kuraasta Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa. Waxa kale oo ay sheegeen xogguhu in Gudoomiyayaasha UCID iyo WADDANI iyo masuuliyiinta kale ee labadaa Xisbi ay ku heshiyeen in Maayarka uu qaato Xisbiga WADDANI ,isla markaana loo doorto Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge, halka Maayar ku-xigeenka isla qaateen in loo doorto Xildhibaan Khadar Axmed Cumar oo ka mid ah Xildhibaanadda ka soo baxay Xisbiga UCID. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labadda Xisbiyadda WADDANI iyo UCID,marka laga yimaado xoggahaa aannu ka helnay illo-wareedyadda rasmiga ah ee sheegay in Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay kala qaateen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Magaalada Hargeysa Source
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowaladda ay ka fuliyeen deegaan hoostaga gobalka shabeelada hoose ay ku dileen xubna ka tirsan Al-shabaab. Ciidamada dowladda ayaa howl-galkaan ka fuliyey deegaan lagu magacabo Aala-fuutow oo dhinaca galbeed qiyaastii 65-kiilo-mitir kaxigta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose. Saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa sidoo kale sheegay in guri ay ku sugnaayeen Al-shabaab ayna ku farsameynayeen qaraxyada uu qarax ka dhacay kadib markii mid ka mid ah waxyaabaha ay sameynayeen ay ku qarxeen . Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen horjogayaal ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaas oo isugu jira ajaanib iyo Soomaali. Xubnaha shabaab ka tirsan ee goobtaas ku dhintay ayeey ciidamada dowladda ku sheegen in ka badan 55- dagaalyano shabaab ah oo ay ku jiraan 6 horjooge oo Ajaanib ah . Goobjoog Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa laga dalbaday inuu baaritaan deg deg ah ku sameeyo eedeymo ka dhan ah shirkad kamid ah qandaraasleyda gacansaarka dhow la leh madaxwayne Recep Tayyip Erdogan oo laga yaabo inay ka dhaceen dalal ay kamid tahay Soomaaliya. Codsigaan ayaa waxaa baarlmaanka dalkaas u gudbiyey Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CPH, wuxuuna codsigaas yimid kadib markii ay soo baxeyn eedeymo ah in SADAT International Defense Consultancy ay maleeyshiyaad ku tababarto dalka Suuriya. Eedeymaha loo jeediyey shirkaddaan ayaa waxaa kamid ah inay taageero qalab iyo mid tababar ay siisay Jabhadda Al-Nusra Front oo ka dagaalanto gudaha dalka Suuriya taasoo xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacidda. Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga CPH, Unal Cevikoz ayaa qoraalka loo gudbiyey baarlamaanka dalka Turkiga ku sheegay in tallaabooyinka ay qaaday shirkaddaas ay xadgudub ku yihiin shuruucda Qaramada Midoobay iyo guud ahaan kuwa Caalamka. Guddoomiyaha Xisbiga CPH ayaa baarlamaanka dalkaas ka codsaday in baaritaanka lagu daro haddii Shirkadda SADAT International Defense Consultancy ay tababaro military ka sameyso dalalka Soomaaliya, Suuriya iyo Liibiya. “Xisbiga CHP wuxuu rabaa in dadweynaha lala socodsiiyo arrimaha SADAT iyo in la baaro dhammaan howlaheeda milatari ee caalamiga ah, haddii ay tababaro milatari ku bixisay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Liibiya iyo Soomaaliya, iyo haddii ay dirtay hub sharci darro ah oo jabinaya shuruucda Golaha Amniga ee Qaramada Midoobaya” ayaa lagu yiri qoraalka. Shirkada SADAT ayaa bixiso talooyin dhanka istaariijiyadda iyo taageerada xoojinta ciidanka, waxaana la sameeyey shirkadda sanadkii 2012. Shirkadda ayaa waxaa aas-aasay Adnan Tanriverdi oo ah Jeneraal howlgab ah, wuxuuna sidoo kale ahaa la taliyihii Erdogan ee arrimaha Militariga intii u dhaxeysay sanadihii 2016 illaa 2018, waxaana u shaqeeyo illaa 200 oo saraakiil howlgab ah. Inta badan saraakiisha howlgabka ah ee ka tirsan Shirkadda SADAT ayaa waxaa la rumeysan yahay inay markii hore shaqadooda ku waayeen sababo la xiriira daacadnimadooda diinta Islaamka. Dowladda Turkiga ayaa Muqdisho waxay ka dhistay saldhig weyn oo ciidan kaas oo ay ku tababarto ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan ciidamada loo yaqaano Gorgor kuwaas oo loo diyaariyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. The post Mucaaradka Turkiga oo baarlamanka ka dalbaday baaritaan la xiriira Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Toronto)-Booliska gobolka Ontario ee Canada ayaa sheegay in darawal si ula kac ah u uu jiidhsiiyay gaadhigiisa qoys ka kooban afar ruux halka qof kalana uu ku dhaawacmay oo Muslimiin ah. Dhibanayaasha, oo dhammaantood hal qoys ayaa markii uu falkan dhacayay waxa ay doonayeen inay ka gudbaan waddo laami ah fiidnimadii Axadda magaalada London, oo qiyaastii 200km (124 mayl) koonfur-galbeed ka xigta Toronto. Booliska ayaa sheegay in dhibanayaasha ay ahaayeen laba haween ah oo kala jira 77 iyo 44 jir, nin 46 jir ah iyo gabadh 15 jir ah. Sidoo kale wiil sagaal jir ah ayaa si xun u dhaawacmay oo cisbitaalka lagu daweynayaa. Hase yeeshee, Maamulka deegaanka ayaan shaacin magacyada dhibanayaasha. Weerarka ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo weerarada Islaam naceybka ah ee ka dhaca gobolada dalka Canada oo dhan. Raysal wasaaraha Canadia Justin Trudeau wuxuu sheegay inuu ka argagaxay wax uu ku tilmaamay ficil nacayb, wuxuuna sheegay in fikirradiisu ay la jiraan dhibbanayaashii ay jeclaayeen, oo uu ku jiro wiilkii yaraa ee badbaaday. Eedeysane 20-jir ah oo magaciisu yahay Nathaniel Veltman ayaa loo xidhay falkan, Waxaa lagu soo oogay afar dambi oo dil ah darajada koowaad iyo hal isku day dil sida ay daabacday Global News oo ay Somalilandtoday soo xigatay. Source
-
(SLT-Washington)-Maxkamadda Sare Maraykanka ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaadhka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci-darro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayay. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in go’aan ay gaadhay Maxkamada dalka Mareykanka ay dhabar jab ku tahay dad badan oo Soomaali ah iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah. Qareenadda iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya qof kasta oo ay arrintani saameeyn ku leedahay in ay la xidhiidhaan qofka u qareen ah si ay uga helaan wixii faah faahin ah ee la xidhiidha g’aanka Maxkamada. Waddanka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali badan kuwaas oo qaarkood heysta sharci rasmi ah halka kuwo kale ay si sharci darro ah ku joogaan, iyada oo go’aanka kasoo baxay Maxkamadda uu saameyn doono. Source
-
Puntland President Sends Stern Warning Against Landgrabbing
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni yesterday sent a stern warning to landgrabbing cliques behind the spate violence over land disputes in Garowe. President Deni urged security forces and the judiciary to deal harshly with landgrabbers. “Puntland Government will not pay blood-money to families of landgrabbers who take up arms against security forces cracking down on landgrabbing misdemeanours” said President Deni at a meeting on planning organised by Puntland Development Research Center. President Deni has outlined tough measures against landgrabbing cliques in Garowe. Garowe, the seat of Puntland State Government, has experienced a high rate of land disputes caused by an authorised occupation of public lands in parts of Garowe and its outskirts. A 13 metre square plot of land in Garowe costs almost twice as high a similar-sized plot of land in Galka’yo or Qardho. “People see plots of land acquired by politicians and their hangers-on, and therefore view landgrabbing as a quicker way to make fortune” said a former Garowe Municipality senior planning officer who prefers to be quoted anonymously. To some locals, land redistribution is an urgent task. “Land disputes caused by landgrabbing is the tip of the iceberg. Puntland has a political class with illegally acquired land holdings” said Ibraahim Mohamud, a former real estate and land broker in Garowe. President Deni called on people involved in land disputes not to resort to violence. “Puntland has courts that can adjudicate on land disputes” added President Deni. © Puntland Post, 2021 The post Puntland President Sends Stern Warning Against Landgrabbing appeared first on Puntland Post. -
Qaar kamid ah Ganacsatada Puntland, ayaa bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii ay ka socon-wayday gudaha Puntland. Xubno ka tirsan Ganacsatada ayaa u sheegay Puntland Post in laga aamin-baxay isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah, islamarkaan aysan hadda ka shaqayn dhammaan magaalooyinka Puntland. Sidoo kale, guddiga xukuumadda Puntland u xil-saartay socod-siinta Lacagta Shilinka oo go’aanno kala duwan ka soo saaray arrintan ayaan weli isbeddel muuqda keenin. Tallaabadii u dambaysay oo guddigaas qaaday waxay ahayd xannibaad uu saaray Dollar-ka danabaysan ee mobile-ka la isu’gu diro, taas oo wixii hal dollar ka la joojiyay, inkastoo aysan faa’ido soo kordhin. Waxa xusid mudan, in go’aankaas u dambeeyay uu culays horleh ku keenay Ganacsiga iyo iibsiga adeegyada as’aasiga u ah nolosha dadweynaha. PUNTLAND POST The post Ganacsatada Puntland oo bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga ah appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed), ayaa beeniyay sheegashada xukuumadda Puntland ee ku saabsan, in ay Gobolka Sanaag ka hor-istaagtay doorashadii Somaliland. Ex. Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ku saabsan in xukuumadda Puntland Gobolka Sanaag ka hor-istaagtay doorashadii Baarlamanka iyo dowladaha hoose oo dhowaan ka dhacday Somaliland. “Puntland kamay celin doorashada Somaliland dhulka Maakhir ee dadkaa diiday oo ku amaanan” ayuu yiri Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) Dhooba-daareed ayaa shacabka Gobolka Sanaag ku bogaadiyay sida ay u diideen codaynta doorashadii Somaliland, waxaana uu ku boorriyay in ay mowqifkooda adkaystaan. PUNTLAND POST The post Dhooba-daareed oo caddeeyay cidda hor-istaagtay in doorashadii Somaliland ka dhacdo Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Somalia was traditionally an oral society where word and learning often travelled by mouth. In the modern world, poets, writers and presidents have often emerged. They have rarely mixed, however. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo u warramayey warbaahinta ayaa amar culus dul-dhigay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku sugan baraha koontaroolada. Taliye Xijaar ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Booliska Soomaaliyeed looga baahan yahay inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, xilliyada ay ku jiraan howlahooda shaqo, maadaama ay wakiil ka yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay u yihiin adeegayaal. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay inay wada-shaqeyn buuxda yeeshaan ciidamada Booliska iyo shacabka, si looga hortego falalka liddiga ku ah amniga dalka. ”Ciidanka Booliska meel kasta oo uu joogo waxaan amrayaa inay shacabka wakiilka ka yihiin si wanagsan ula dhaqmaan, suuqa, Koontoroolada, saldhigyada, laamiyada, Boolisku wuxuu yahay ilaaliyaha Shacabka,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Taliye Xijaar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga Caasimada, maadaama la galayo doorasho. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddooyinkii dambe ay cabasho xoogan ka soo yeereysay shacabka ku dhaqan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo ka cabanaya dhibaato ay ku hayaan ciidanka ku sugan koontaroolada ku yaalla Muqdisho. Si kastaba amarka kasoo baxay taliyaha Booliska ayaa ah mid looga jawaabayo qeylo dhaaanta shacabka oo isa soo tareysay, waxaana kusoo aaday, xilli loo baahnaa. The post Taliye Xijaar oo amar dul dhigay ciidamada booliiska appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamada ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaarka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci daro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayey. Go’aanka ka soo baxay Maxkamada dalka Mareyka ugu sarreeysa ayaa dhabar jab ku ah dad badan oo Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah. Qareenadda iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya qof kasta oo ay arrintani saameeyn ku leedahay in ay la xiriiraan qofka u qareen ah si ay uga helaan wixii faah faahin ah ee la xiriira g’aanka Maxkamada. Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali aad u farabadan, kuwaas oo qaarkood heysta sharci rasmi ah halka qaar ay si sharci darro ah ku joogaan, iyada oo Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda uu saameyn doono. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo soo saartay go’aan ka dhan ah Soogalootiga appeared first on Puntland Post.
