-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boorama (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbare) oo faah faahin ka bixinayey dilkii AUN Marxuum Ibraahim Cabdishakuur Salaad oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Kulliyadda Engineering-ka Jaamacadda Camuud ee Boorama ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyey falka toogashada. Tiimbare ayaa sidoo kale sheegay in askariga laoo qabtay uu ka mid ahaa Booliska Somaliland haatana uu xiran yahay, isla-markaana loo gudbinayo maxkamad, si cadaaladda loo horkeeno, looguna qaado dambiga dilka ah ee uu geystay. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay is dajiyaan, kana war sugaan go’aanka maxkamadda ay ka gaareyso dhacdadaasi oo haatan si weyn loo hadal hayo. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Marxuum Ibraahim oo ahaa arday waxbarashadiisa ay wanaagsaneyd iyo askariga dilay ay kasoo wada jeedaan bariga Sanaag. “Nin Askari ah ayaa xabad uga dhacday Ibraahim Cabdishakuur oo ahaa arday waxbarashadiisu wanaagsaneen oo sanadkii labaad dhiganayay Kulliyadda Injineeriyada, Marxuumka & Gacan ku dhiiglaha waxa ay kasoo wada jeedaan Bariga Sanaag” ayuu yiri. Dilkan ayaa dhacay daqiiqado, kadib markii Ibraahim iyo saaxibadiisa ay ka soo baxeen imtixaan ay soo wada galeen, waxaana la sheegay inuu marxuumka dib ugu laabtay gudaha Jaamacadda kadib markii uu doontay Telefoonkiisa oo uu kusoo hilmaamay. Si kastaba, Ibraahim Cabdishakuur oo 21 jir ahaa ayaa waxuu dhiganayey sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka eee Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama. The post Somaliland oo war kasoo saartay dilkii Ibraahim appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada difaaca Tigrayga ayaa bilaabay abaabulka dagaal cusub oo ay ku qaadayaan gobalka Amxaarada ee dalka Itoobiya . TPLF ayaa bilaawday diiwaan gelinta dadka doonaya in ay ku soo biiraan jabhadda diifaaca gobalka, kadib markii bilawgii todobaadkaan ay la wareegen caasimadda gobalka Tigrayga ee Mak’elle. Xoogaga ayaa sheegay in ay dowladda Itoobiya ay ka cagajiideyso shuruudo ay u soo bandhigtay si ay gobalka xabad joojin uga dhaqan gasho. Dad ku sugan Magaalada Aksum iyo magaalooyinka kale ee ka tirsan gobalka 8 bilood dagaalka ka taagan yahay ayaa sheegay in si xowli ah uga socdaan diiwaan gelinta ciidama cusub oo ku biiraya dagaalka. TPLF ayaa si xooggan gacanta hadda ugu heyso magaalada Mak’elle, kadib markii ay ka saareen ciidamada dowladda Itoobiya. “Nabaddu waa mid qaali ah, waana barwaada dalkeenna” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itbooyiya Abiy Ahmed galinkii dambe ee shalay xilli uu la hadlayay baarlamaanka dalkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kooxda TPLF ku eedeyay in ay qalalaaso ka waddo gobalka iyo guud ahaan dalka Itoobiya . Abiy ayaa sidoo kale sheegay in uu mudda kooban ku diyaarin doonno ciidamo kor u dhaafaya Hal milyan si ay isaga caabiyaan Jabhadda TPLF. Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa la filaya in dhankooda ay maalmaha soo socda ay ku dhawaaqan natiijada doorashada oo la filayo in ay ku soo baxaan xisbiga Abiy. Qaramada Midoobay iyo dowladaha caalamka ayaa si wada jir ah ugu baaqay in la xushmeeyo xabad jooninta, si ay gurmad bini’aadanimo u heelan dhamaan dadka ku sugan gobalka Tigrayga oo in ka badan 400,000 qof ay wajaheyso macluul daran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Galmudug ay dib ula wareegeen degmada Bacaadweyne iyo tuulooyin hoosyimaad oo dhowaan Al-shabaab qabsatay. Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka degaanka, ayaa sida wararku sheegayaan dib u qabsaday Bacaadweyne iyo tuulooyinka hoostada, halkaas oo todobaadyadii u dambeeyay Al-shabaab gacanta ku haysay. Ciidamada ayaa xalay ka kala ruqaansaday degmada Wisil si ay jihooyin kala duwan uga weeraraan degaanada ay gacanta ku hayeen Al-shabaab. Saraakiisha hogaaminaysa gulufkaan dagaal ayaa laga soo xigtay in hor imaad kooban uu kacay degmada Bacaadweyne gudaheeda, isla markaana ay isaga baxeen ururka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Galmudug oo dib u qabsaday degmada Bacaadweyne appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiisha Tigray-ga ayaa mar kale jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee dowladda Itoobiya. Hoggaamiyaasha Tigray waxay shuruud ku xireen baaqaas ku saabsan in xabbad-joojin laga hirgeliyo Gobolka Tigray ee colaaddu ka socoto. Waxay sheegeen in baaqaas ay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan Gobolka. Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxyeeladii ay geysteen intii uu dagaalka socday. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaasha Tigray oo ku celiyay shuruud ku saabsan baaqii xabad-joojinta appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Boorame ee gobalka Awdal ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu dil u geystay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Jamaacadda Camuud ee Boorame . Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa sheegay in ardayga la dilay uu ka mid ahaa ardayda jaamacadda wax ka barata, sidoo kale uu ku guda jiray sanadkiisi labaad ee waxbarasahada Injineeriga . Allaah u naxariiste marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibrahim Salaad ayaa waxaa afaafka hore ee jaamacadda uu wax ka baranayay dil ugu geystay Askari ka tirsan ciidamada booliiska Somaliland. Maamulka gobalka Awdal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen askarigi ka dambeyay dilka wiilka yar, dhawaanna ay maxkamadda go’aan ka soo saari doonto. Illa iyo hadda macadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka Ibraahim yare, wararka qaar ayaana sheegaya in uu ka dhashay dhar uu watay wiilka la dilay oo la sheegay in uu ka sameysnaa calanka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaalada dalka, Dhalinyarada weli ku maqan dalka ereteriya, iyaga oo dalbaday in aan xil dambe lagu aaminin madaxweyne Farmaajo Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa walaac looga muujiyay dhalinyarada ku maqan dalka Ereteriya, kuwaas oo la sheegay in ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya. Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay nasiib darro tahay in Madaxweyne Farmaajo uu dhegaha ka fureystay cabashada Waalidiinta Carruurtooda uga maqan tahay Ereteriya. Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddiigii uu arrintaasi ku saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ay noqdeen kuwo magac u yaal ah oo ay ku jiraan dadkii mas’uulka ka ahaa maamulka iyo Siyaasada dhalinyarada la qaaday. PUNTLAND POST The post Midowga Musharrixiinta oo war ka soo saaray Ciidankii loo qaaday ereteriya appeared first on Puntland Post.
-
Somali refugee Mohamed Farah Hussein’s world came crashing in November 2020 when his wife died, leaving him to care for their two young children. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa beeshiisa u sheegay in haddii Beledweyne loo diido Cali Guudlaawe aysan doorasho ka dhici doonin magaaladaas. Waxa uu sheegay in reer Hiiraan oo dhan ay daneynayaan in doorashada xildhibaanada federaalka qeybta ay ku leeyihiin lagu qabto magaalada Beledweyne, balse qaarkood ay ka soo hor jeedaan in madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tago magaaladaas, taas oo ku xiran doorashada. “Waxay halkaan doorashadu ku imaan weyn kartaa in madaxweyne Cali Guudlaawe loo diido inuu yimaado magaaladan Beledweyne, hadii madaxweynuhu halkaan imaan waayo doorashadu ma imaan karto, horayna waan u sheegay, hadana waan ku celinaa, hadii magaaladan ay nabad geliyo noqon weyso doorasho laguma qaban karo,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Meeshaan waxay doorasho ku imaaneysaa in madaxweynaha HirShabeelle uu yimaado, kadibna uu Ra’iisul wasaaraha keeno, oo tuso goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, taas ayaan ku tala jirnaa, ee naga qabta kuwa ku tala jira inay fashiliyaan qorshahaas.” Yuusuf Dabageed ayaa intaas ku sii daray in dadka reer Hiiraan ee tabashada qaba ay ku dadaalayaan xalintooda oo xuquuqdooda ay u ogolyihiin. Beesha uu ka soo jeedo madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ee Xawaadle ayaa aad u diidan in magaalada Beledweyne uu tago madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, waxayna beeshaasi qaneeco la’aan ka muujisay hanaankii loo soo dhisay maamulka. Maalin ka hor maleeshiyaad ka amar qaata Jeneraal Xuud oo ku beel ah Yuusuf Dabageed ayaa weerar ku qaaday magaalada Beledweyne, si ay u fashiliyaan shir golaha wasiirrada HirShabeelle ay ku yeesheen magaaladaas, kaas Yuusuf Dabageed uu shir guddoomiyey, waxaana xaafado ka tirsan Beledweyne ka dhacay dagaal xoog leh oo sababay khasaare nafeed. Hoos ka Daawo Yuusuf Dabageed The post Daawo Dabageed: Doorasho ka dhici meyso Beledweyne haddii aan hal arrin la helin appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay dooneyso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladi ay halakeeyen ee Tigray. Hadallada Abiy ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TDF xilli dowladdiisa ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah. TDF ayaa qabsashada Mekelle ku qeexday guul militari oo weyn, hase yeeshee Abiy iyo saraakiishiisa ayaa ku qeexay ka bixitaanka magaalada “xeelad”. “Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaanada baarlamanka. “Haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.” Hase yeeshee Abiy ayaa sheegay in saraakiisha “ay go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro.” Saraakiisha Tigray-ga ayaa Axaddii jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee Abiy, waxayna sheegeen inay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan gobolka. Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki “waxyeeladii” ay geysteen intii uu dagaalka socday. Abiy kama jawaabin shuruudahaas maanta. Waxa uu sheegay in TDF ay dhul ku qabsadeen kaliya sabab ah in ciidamada dowladda ay go’aansadeen inay ka baxaan, taasi oo uu sheegay inay socotay muddo bil ah. Waxa uu sidoo kale ammaan buuxda u jeediyey ciidamada. “Ciidamadeena difaaca ma qaataan mushahar ku filan. Waxay kor u koraan oo ay kasoo degaan buuro. Roob iyo qorax ay ugu dagaalamaan sharafta dalkooda.” AFP + VOA The post Abiy oo hanjabaad cusub oo yaab leh soo saaray kadib guul-darradii gobolka Tigray appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed Oo Si Aqlabiyad Leh Ugu Guuleystey Doorasho Ka Dhacday Dalka Itoobiya Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleystey kursiga baarlamaanka ee Deegaanka Goma 2, ee Gobolka Oromiyaa. Abiy Ahmed ayaa ka helay 76,892 cod 85 goobood oo codbixin ah oo ku yaal deegaankaasi. Raii’sal wasaaraha ayaa waxa la tartamayey Dagim Waarisoo oo ka tirsan xisbiga Enat iyo Kalid Jemal oo ka tirsan EZEMA. Qaran News
-
Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed oo shaaciyey inuu qoran karo Hal Milyan oo dagaal-yahano Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay dooneyso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladi ay halakeeyen ee Tigray. Hadallada Abiy ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TDF xilli dowladdiisa ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah. TDF ayaa qabsashada Mekelle ku qeexday guul militari oo weyn, hase yeeshee Abiy iyo saraakiishiisa ayaa ku qeexay ka bixitaanka magaalada “xeelad”. “Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaanada baarlamanka. “Haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.” Hase yeeshee Abiy ayaa sheegay in saraakiisha “ay go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro.” Saraakiisha Tigray-ga ayaa Axaddii jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee Abiy, waxayna sheegeen inay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan gobolka. Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki “waxyeeladii” ay geysteen intii uu dagaalka socday. Abiy kama jawaabin shuruudahaas maanta. Waxa uu sheegay in TDF ay dhul ku qabsadeen kaliya sabab ah in ciidamada dowladda ay go’aansadeen inay ka baxaan, taasi oo uu sheegay inay socotay muddo bil ah. Waxa uu sidoo kale ammaan buuxda u jeediyey ciidamada. “Ciidamadeena difaaca ma qaataan mushahar ku filan. Waxay kor u koraan oo ay kasoo degaan buuro. Roob iyo qorax ay ugu dagaalamaan sharafta dalkooda.” Qaran News
-
Beledweyn (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee maamulka HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan kadib markii General Xuud uu ka hor yimid shirkii Golaha Wasiirada ee ka dhacay Beledweyne. Caadle oo wareysi uu siiyey Idaacada Mustaqbal lana waydiiyey inay wadahadal la furayaan Generaal Xuud oo hoggaaminayo kacdoonka ka taagan Hiiraan ee looga soo horjeedo maamulka HirShabelle ayaa sheegay inaysan wax wada-hadal ah la furi doonin General Xuud inta ay ka qabanayaan doorashada kuraasta aqalka hoose ee loo qorsheeyey inay ka dhacdo Beledweyne. Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan ciidamo diidan maamulka HirShabelle oo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud, kaasi oo wacad ku maray inuu dagaal kaga hortagi doono in magaalada lagu qabto doorasho federaal. Dhowr jeer oo kala duwan ayaa waxaa Magaalada Beledweyn ka dhacay dagaalo khasaare geystay oo dhex maray ciidamada General Xuud iyo kuwa Hirshabelle, waxaana fashilmay wada-hadalo la dhex waday Generaalka iyo madaxda Hirshabelle. Kacdoonka uu hoggaaminayo General Xuud ayaa soo bilowday markii madaxweynaha Hirshabele laga dhigay Cali Guudlaawe isla markaasna xilka madaxweynimo ee Hirshabelle laga wareejiyey Beesha uu kasoo jeedo General Xuud. Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka HirShabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro. Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid. The post HirShabeelle oo shuruud adag ku xirtay wada-hadal ay la gasho Jeneraal Xuud appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo kamid ah siyaasiyiinta xilalka kasoo qabtay Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiir Dubbe, kaasi oo uu ku sheegay “in la xusi doono” gabar magaalada Boorama loogu xiray calanka Soomaaliya. Mustafe Shiine ayaa sheegay in Dubbe arrintaas uu ku marin-habaabinayo xiisada taagan ee dhalinyarada loo qaaday dalka Eritrea, kuwaasi oo xaaladooda laga deyrinayo, kadib markii ay soo baxday inaysan helin adeeg caafimaad iyo daryeel ciidanimo. “Maanta waxaa Itoobiya ku daadanaya dhiiga dhalinyaro Soomaaliyeed, markuu rabay inuu taas duwo waxay ila muuqatay in aanay habooneyn Inan joogta Boorama oo danbi ka gashay Dalkeed uu kusii adkeeyo, hadduu Inantaas u hayo wax wanaag ah ayada oo xabsi ku jirta oo u xiran wax kasoo horjeeda qadiyada Somaliland kumuu markhaati fureen,” ayuu yiri Mustafe Shiine. “Hadalka Wasiirka warfaafinta waxaa u arkaa mid lagu marin-habaabinayey oo lagaga duwayay indhaha dhalinyarada ay Eritrea-ku geeyen dalka Itoobiya oo laga horgeeyay Tigray-ga, marin-habaabin uu doonayo arrintaas oo taagan ayaa isaga oo matalaya nin qaranimada jecel ayuu ruwaayad kale ka dhigaya.” Sidoo kale waxa uu ka hadlay xil ay dowladda Soomaaliya u magacaawday Abwaan Yuusuf Shaacir oo ku nool magaalada Hargeysa, kaasi oo dhawaan ka soo dhex muuqday guddi ka shaqeyn doona dib u soo nooleynta Af-Soomaaliga. Mustafe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Abwaan Shaacir uu aqbalo xilka looga magacaabay dowladda federaalka Soomaaliya, asaga oo dhaliilo u jeediyay xiligaas xukuumadda Muuse Biixi. “Waa dambi haddaa aqbasho in dal cadow aan nahay uu ku magacaabo, qiilna looma heli karo,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Siyaasi Mustafe Shiine. The post Dubbe oo si weyn loogu weeraray ‘marin-habaabin’ uu ku sameeyay arrin taagan appeared first on Caasimada Online.
-
Askar Dawladeed oo ka yaacday falaago Dagaal kula jirt iskana dhiibay Dal deris la ah Askar ka tirsan ciidamada Afghanistan In ka badan kun askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Afghanistan aya u baxsaday dalka deriska la ah ee Tajikistan, kadib iska horimaad dhexmaray iyaga iyo xooggaga Taliban, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas. Saraakiisha ilaalada xuduudda ee Tajikistan ayaa sheegay in askartaas ay dhinacooda u soo tallaabeen si ay “naftooda u badbaadiyaan.” Todobaadyadii la soo dhaafay, xooggaga Taliban ayaa waday dagaallo culus oo ay ku qabsadeen deegaanno horleh. Arrintan ayaa loo aaneynayaa ka bixitaanka ciidamada NATO ee laabankii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa Afghanistan. Xilli inta badan ciidamada NATO ay dalkaas ka baxayaan ka hor bisha September ayaa waxaa jira walaac ah in burbur uu qarka u saaran yahay milateriga Afghanistan. Heshiis dhexmaray Taliban iyo xulafada Maraykanka ayaa dhigaya in ciidamada ajnabiga ah laga saaro dalkaas, taa bedalkeedana uusan ururkaas u oggolaan xooggaga Al-Qaacida iyo mintidiinta kale inay saldhigyo ka sameystaan deegaannada uu gacanta ku hayo. Taliban ayaa ku diiday inay joojiso dagaalkeeda ka dhanka ah ciidamada dowladda Afghanistan, waxaana uu ururkaas hadda gacanta ku hayaa saddex meelood meel dhulka dalkaas. Hase yeeshee madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa ku adkeysanaya in ciidankiisa uu u babac-dhigi karo khatarta uga imaanaysa Taliban. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in askar badan ay u baxsadeen xuduudda Pakistan iyo Uzbekistan si ay uga cararaan dagaalka. Ciidanka baxsanaya Dhowr jeer oo hore ayay askar ka tirsan ciidamada dowladda Afghanistan waxa ay u carareen dhanka Tajikistan, waxaana la rumaysan yahay in tirada askartaas ay hadda ku dhawdahay 1,600. Wakaaladda wararka ee Tajikistan, Khovar, ayaa sheegtay in askartan u dambeysay ay xuduudda ka soo tallaabeen subaxnimadii Isniinta, kadib dagaal ay habeenkii Axada la galeen Taliban. Gobollada Badakhshan iyo Takhar ee xuduudda la leh Tajikistan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dagaal xooggan oo ay dagaalyahannada Taliban ku qabsadeen deegaanno badan. Mintidiinta ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay la wareegeen bar koontarool oo ay ciidamada Afghanistan ku lahaayeen xuduudda Pakistan. Dalalka deriska la ah Afghanistan, gaar ahaan kuwa ku yaal bartamaha Aasiya, ayaa isu diyaarinaya qaxooti badan oo ku soo jaba, waa haddii ay dagaalladu sii socdaan. Afhayeenka Taliban, Suhail Shaheen, ayaa BBC u sheegay in ururkiisa uusan mas’uul ka ahayn colaadda sii xoogeysatay todobaadyadii la soo dhaafay. Waxa uu ku dooday in magaalooyin badan ay dagaalyahannadooda ku qabsadeen si nabdoon kadib markii ay ciidamada dowladda diideen inay dagaallamaan. Xulafu uu Maraykanka hogaaminayo ayaa Taliban xukunka ka tuursan sanadkii 2001, kadib markii uu ururkaas diisay inuu soo dhiibo Osama Bin Ladin oo ururkiisa Al-Qaacida uu fuliyay weerarradii 9/11. Taliban iyo Maraykanka ayaa wadahadallo toos ah billaabay 2018, waxaana heshiis ka bixitaanka dalkaas fuliyay madaxweynaha haatan ka arrimiya aqalka cad ee Joe Biden. Qaran News
-
Koomishanka Xuquuqal Iinsaanka S/land oo ka Hadlay Hablo ku Xidhan Xabsiga Berbera Koomishanka xuquuqal iinsaanka Somaliland, oo ka hadlay 8 hablood oo lagu soo xidhay ku labishada calanka Soomaaliya kuna Xidhan Xabsiga magaalada Berbera. Hablahan ayaa laga soo xidhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Koomishanku waxa ay tilmaameen in qaarka mida hablahaasi ay u bilaabatay waxbarashadii sannad dugsiyeedka 21 ilaa 22, halka kuwa kale ay u socotay waxbarashadii heerkooda jaamacadeed. Warkan qoraalka ah ee ay soo saareen guddida xuquuqal iinsaanka Qaranku ayaa u dhignaa sidatan:- Qaran News
-
Sawirkani hoos yaala waxa ka muuqda xildhibaan Jamaal Adan Diiriye oo ka soo baxay xisbiga Waddani isla markaasina lagu wado in uu taageero xukumadda xisbiga Kulmiye oo olole ugu jirta sidii gudoomiyaha golaha wakiilada loogu dooran lahaa xildhibaan Faratoon oo isna sawirkani ka muuqda. Xildhibaan Jamaal Adan Diiriye oo ka soo jeeda bariga Hargeisa waxa uu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbigaa Waddani Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kulankaasi laga helay ayaa Xildhibaan Jamaal waxa uu ka codsaday madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye in la siiyo wixii uu kaga soo digo rogon lahaa xisbiga Waddani oo uu sheegay in laga jecelyahay isaga oo carabka ku dhuftay in laga mid dhigo in uu ka mid noqdo shir gudoonka isaga oo xusay in deegaanka laga soo doortaa ayna xukumadda ka muuqan oo xilal lagu taxo. Waraarka ayaa sidoo kale sheegaaya in aan wax balan qaad ah ayna xukumaddu siinin xildhibaanka iyo inta galbinaysay oo shaqsi kaastaa uu eryanaayo dan gaar ah La soco wixii ka soo kordha arinkaasi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu horeyn walaac xoog leh looga muujiyey xaaladda nololeed iyo wararka la xiriira dhalinyaradii tababarka ciidan loogu diray dalka Eritrea, kuwaas la sheegay in ay qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. “Wararka la xiriira joogitaanka dhalinyaradaas ee Ethiopia iyo ka qeybgalkooda dagaalada sokeeye waxaa xaqiijiyey Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay iyo madax ka tirsan dawlado caalami ah oo u kuur galay dagaaladaas. Sida lawada ogsoon yahay waxaa dacwado soo jeediyey waalidiinta dhalinyaradaas oo ka codsaday madaxda dowladda in xaaladda ubadkooda ay ka hadlaan, xaqiiqda jirtana la wadaagaan umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu warka Midgowga Musharaxiinta. Qoraalkaan oo lagu baahiyey bogga Xisbiga Ilays ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Cosoble ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu dhegaha ka fureeystay oo diiday inuu shacabka Soomaaliyeed ka jaahil bixiyo eedeeymahaas. “Isagoo ka welwelsan dacwadaha soo badanaayey iyo banaanbaxyada ku aaddan arrintaan ayuu Ra’iisal Wasaare Rooble magacaabay guddi loo wada arkay magac-u-yaal oo ay ku jiraan dadkii mas’uulka ka ahaa maamulka iyo siyaasadda ciidamada, oo aan wax ka dhihin arrintaan cadeeymahoodu soo kordhayaan maalin walba, gaar ahaan markii ay ciidamada Tigrey dib u qabsadeen deegaanadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeedkaan shacabka Soomaaliyeed uga dalbaday in Madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen fashil iyo ku takri fal awoodeed ay ka hor istaagaan in mar kale uu isku soo sharaxo xilka iyo inuu mas’uuliyad dambe dalkaan ka qabto. “Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynha muudo-xileedkiisu dhamaaday, haddana u hanqal taagaya muddo kale in lagu abaal-mariyo in uu garowsado in uu ku fashilmay xilkiisii oo uu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka, 1- inuu iska casilo xilka uu hadda sida sharci-darrada ku joogo, 2- in umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto in uu u tartamo xilka mar kale, iyo 3- in Farmaajo laga mamnuuco in uu mas’uuliyad heer qaran ah mar dambe ka qabto dalka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka Midowga Musharaxiinta. The post Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in Farmaajo laga mamnuuco inuu xil dambe qabto hal sabab darteed appeared first on Caasimada Online.
-
Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo ahaa arday dhigta Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame ayaa caawa maqribkii lagu dhex-toogtay gudaha jaamacadda. Marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo ka soo jeeday deegaannada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, ayaa waxaa dilay mid ka mid ah ilaalada jaamacadda, kadib markii ay wada murmeen, sida la sheegay. “Ardaygu imtixaan ayuu ka sooo baxay, markii uu baxaanka u soo baxay ayuu xasuustay taleefoon uu soo ilaaway, kadib wuxuu ku noqday gudaha jaamacadda, badabeedna dilkiisa ayaan ku war helnay, waxaa naloo sheegay in uu dilay mid ka mid ah waardiyaha jaamacadda” sidaas waxaa Puntland Post u sheegay mid ka mid ah ardayda jaamacadda oo ay saaxiibo ahaayeen marxuumka. Ninka dilka geystay ayaa hadda ku jira gacanta Booliska Somaliland, wuxuuna ku xiran yahay saldhiga magaalada Boorame. Marxuum Ibraahim ayaa labadii sano ee dambeeyay dhiganayay kulliyada Injineeriga ee jaamacadda. PUNTLAND POST The post Arday ka soo jeeda Puntland oo lagu dilay gudaha Jaamacadda Camuud appeared first on Puntland Post.
