Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faster than PCR and more accurate than lateral flow tests, the latest weapons against Covid-19 have four legs and a wet nose. Source: Hiiraan Online
  2. Jubaland oo mar kale joojisay xidhashada indha-shareerka Booliiska maamul-goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inay mar kale adkeeyeen xoojinta xirashada niqaabka ama indha-shareerka, sida uu baahiyay Telefishinka Jubaland. Waxay booliisku sheegeen in arrintan ay uga gol leeyihiin “adkeynta aminga”, ayuu shaaciyay telefishinka. Dhowr sano kahor ayay ahayd markii amar ka soo baxay Jubbaland lagu mamnuucay xirashada indha-shareerka, iyadoo xilligaas uu maamulku sheegay in la qabtay rag soo xirtay indha-shareerka. Booliiska ayaa sheegay in amarkaasi uu dhaqan galay shalay oo Axad ahayd. Qaran News
  3. Maxaa Ilhaan Cumar & Inanteeda Isra Xirsi looga hadal hayaa Mareykanka ee loo eryanayaa? Isra Xirsi, oo ay dhashay Ilhaan Cumar, una ololeysa arrimaha isbedelka cimilada ayay warbaahinta Mareykanka hadaldayaan, ka dib markii ay wax ka bedeshay qoraalka yar ee sharaxaya nolosheeda ee Twitter-keeda. Waxay qaar ka mid ah ku eedeynayaan in ay “shuuciyadda taageertay oo astaantooda ay adeegsatay”. Isra Xirsi, waxay qeyb ka ahayd dhallinyaradii bilowday isu soo bixii isbedelka cimilda. Isra oo hadda 18 sano jir ah, “waxay qoraalka Twitter-keeda ku dartay dubbaha shuuciyadda iyo astaan kale”, sida ay warbaahintaas qorayaan. every few months the right becomes obsessed with me, a teenage girl, for having political opinions lol please stay mad https://t.co/cZkwxXEBDp — isra hirsi (@israhirsi) May 20, 2021 gotta give it to fox news for attempting to smear me but instead making me sound cool https://t.co/K7JVUrvp9n — isra hirsi (@israhirsi) May 20, 2021 Fox News oo ka mid ah warbaahinta ka hadlaya arrintan waxay sheegeen in Isra Xirsi “ay si waadax ah ugu baaqday kocdoon shuuciyad”. Balse gabadha Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitter-ka kaga jawaabtay arrimahan, waxayna tiri: “Dhowr bilood ka dib ba, warbahinta dhanka midigta u janjeera, aniga ayey igu mashquulaan”. Isra Xirsi, waxay sannadkii 2020 ka mid ahayd diiwaanka Forbes ee “40 Under 40” ee Dowladda iyo Siyaasadda. Waxaa sidoo kale lagu soo qaatay warbaahinta waaweyne oo ku tilmaamay Isra in ay tahay “badbadinta dhulka”. sawirka,Ilhan Cumar, gabadheeda iyo wiilkeeda. Waxay mar ka mid ahayd dadkii uu sarreeyay ee ka hadlay shirka isbedelka cimilada. Bishii la soo dhaafayna waxay cashar ka bixisay Jaamacadda Washington. Sida uu qoray Fox News, oo soo xigtay afhayeenka Ilhan Cumar Jeremy Slevin, wuxuu yiri: “Miyaadan xishooneyn? Ilhan Cumar waa masuul la soo doortay, balse gabadheeda ma ahan. Sidoo kale eeg, Ilhaan iyo gabadheeda waxaa la soo gaarsiiyay hanjabaado isu dhigma oo dil ah. Taa waa masuuliyad darro iyo halis wayn.” Wuxuu intaa ku daray in ay tahay “dhibaateyn furan oo online-ka ah oo ka dhan ah toban sano jir, taas oo kaga imaaneysa xubin ka tirsan congress-ka”. Wuxuu ka falceliyay farriin Twitter-ka ah oo ay soo dhigtay Marjorie Taylor, oo laga soo doortay deegaan ka tirsan Georgia. Qaran News
  4. The Ethiopian government on Saturday awarded a telecom service license to the Global Partnership for Ethiopia, a consortium of telecom companies. Source: Hiiraan Online
  5. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda shir mid ka mid ah Hotelada magaalada Muqdisho kula jira , Guddoomiyaha Aqalka Saren Cabdi Xaashi. Shirkan ayaa looga hadlaya sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay cidda soo magacabeysa guddiyada doorashada Somaliland . Warar ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in uu guuldareystay dhexdhexaadin laga dhex waday labada garab ee Somalinad iyada oo garabka Mahdii Guuleed ay doonayaan sad-bursi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Dadka waxaa ay qabaan in doorashada dalka ka dhaceysa Soomaaliya gaar ahaan tan Jubbaland lagu kobo hal deegaan doorasho. Codbixin dhanka Twitterka ah oo ay qabatay Goobjoog News waxaa ku cad in shacabka ka qeyb galay ay u codeeyeen intooda badan in Jubbaland doorashada ay ku gasho hal deegaan doorasho, waxaa xigta doorashada iyo maamulkeeda in la hoos geeyo Axmed Madoobe, waxaa xigtay isku dhaf in laga dhigo halka ay ugu dambeysay in reer Gedo loo madaxbanneeyo waxa socda. Akhriso: Codbixinta: Shirka doorashada qodobada looga hadlayo waxaa ka mid arrinta Gedo, hadaba sidee kula tahay in xal loogu helo deegaan doorashada. Mid ka dooro afartan xulasho:- Doorashada Hal deegan: 32.9% Kismaayo la hoos geeyo: 25% Maamul isku dhafan: 22.4% Gedo in la madax-baneeyo: 19.7% Source: goobjoog.com
  7. Dowladda Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii shalay dowladda Belarus ay khasab ugu dejisay diyaarad Rakaab ah. Diyaaradda oo ka timid dalka Greece, kuna socota waddanka Lithuania ayaa dowladda Belarus si khasab ah uga dejisay magaalada Minisk ee dalkaas. Diyaaradda Ryanair ee dalka Ireland ayaa rakaabka saarnaa waxaa ku jiray wariye ka mid ah saxafiyiinta dibad-joogga ee u dhashay Belarus, kaas oo si aad ah u dhaliila hoggaamiyaha dalkaas, waxaana diyaaradda sida khasabka ah looga dajiyay caasimada Minisk uu ahaa in la xiro wariyahan. Diyaarad millatari ayaa ku khasabtay in duulimaadka diyaaradda kaabka aheyd si deg deg ah looga dajiyo Jamhuuriyadda Belarus. Wariye Roman Protasevich ayaa madaxa gacmaha saartay marki uu ogaaday in diyaaradda ay ku socoto dalka uu kasoo jeedo oo uu baxsad ka ahaa, sababo la xiriira ammaankiisa. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo Midowga Yurub oo si adag u cambaareeyay dowladda Belarus appeared first on Puntland Post.
  8. One year before every General Election, Kenya becomes tense, unsafe and economic activity stops. After every election, violence breaks out and lives are lost. Normalcy returns one year after elections. In Kenya, despite all attempts made to decentralize decision making and resource allocation, there is still a strong belief that the presidency leads to an unequal allocation of resources and opportunities between ethnic communities. President Uhuru Kenyatta with Vice President William Ruto. In these circumstances, a winner take all political system has only sharpened the ethnic competition for the presidency as people want one of their own as president since resources go with the presidency. To stop elections from becoming a do or die event, we must have a more inclusive political system where more communities get a chance to play a role in governing Kenya. Read More here The post “Elections in Kenya have become a curse” appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Hargeysa)-Ololaha doorashada baarlamanka iyo golleyaasha deegaanka oo isku sidkan ayaa maalintii labaad si habsami ah uga socda guud ahaan dalka Somaliland. Maaddaama oo xisbiyada mid walba maalin gaar ah loo qoondeeyey inuu ololihiisa qabto waxaa maanta u lahaa xisbi xaakimka KULMIYE Ololahan oo safmarka Korona awgii loo xaddiday muddada uu socon doono oo xisbi waliba laba maalmood oo keliya uu leeyahay maaddaama oo aan waqti badani ka hadhin doorashadii ayaa jawiga uu ku socdo ololaha xisbiga KULMIYE wuxuu ahaa mid sidii loogu tala galay ah. Doorashada oo lagu wado inay qabsoonto 31-ka bishan aynu ku jirno ee May, ayaa ah markii ugu horreysay ee si isku sidkan loo qabto doorashada baarlamaanka iyo golleyaasha deegaanka. Maalinta 1aad Ololaha Xisbiga KULMIYE: Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa oo Ololaha Xisbiga KULMIYE si toos ah uga socda iyo Madaxweynaha JSL oo ka Qaybgelaya. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomalaiyeed ayaa maanta bayaan ka kooban afar qodob kasoo saaray shirka wada-tashiga qaran ee haatan magaalada Muqdisho uga socdo madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka. Kulan ay isugu yimaadeen Majmaca hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah waxay farriin ugu direen hoggaamiyeesha Soomaaliya ee ku shirsan Teendhada Afisyoone, si go’aan rasmi ah looga soo saaro is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka. Ugu horreyn Hay’adda Culimada ayaa soo dhoweysay qabashada shirkan, waxayna ku boorisay Rooble iyo madax goboleedyada inay ka dhabeeyaan wada-hadalladooda. Sidoo kale culimada Soomaaliyeed ayaa bayaankooda ku sheegay in loo baahan yahay in la dhowro xasiliinida dalka, gaar ahaan amniga qaranka. Baaqa hay’ada Culimada ayaa sidoo kale looga dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay sii wadaan garab istaagga ay u muujiyeen shirka xal ka gaarista ee ka socdo Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso:- 1: Waxaay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto. 2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan. 3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa. 4: Waxaay ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed Midnimo, waxaana u mahad celinayaan cid kasta oo gacan ka geeysatay hirgelinta iyo qabsoomida Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada Soomaaliya. The post Culimada Soomaaliyeed oo afar qodob kasoo saaray shirka doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  11. MOGADISHU (HOL) - Puntland will commence voter registration in the contested region of Sool, state interior minister has said in what could portent a clash with Somaliland. Source: Hiiraan Online
  12. (SLT-Washington)-Mareykanka ayaa ku soo rogay xayiraadaha fiisaha madax ka soo jeeda dalalka Itoobiya iyo Eriteriya ee lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha dagaalka lix biloodlaha ah ee ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya. Xoghayaha Arimaha Dibbada ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay axadii in sidoo kale cunaqabateyn lagu soo rogayo kaalmada dhaqaale iyo mida amni ee la siiyo Ethiopia balse ayna ka mid ahayn gargaarka bini’aadanimo ee dhinacyada caafimaadka, cuntada iyo waxbarashada. “Dadka ku dhaqan Tigreega waxa ay weli wajahayaan xadgudubyo xuquuqul insaanka, waxaana si deg deg ah loogu baahan yahay in gargaarka bina-aadamnimada ay gaadhaan shacabka ku nool Tigray balse waxaa ka hortaagan ciidamo hubeysan oo militariga Itoobiya iyo Ereteriya,” ayuu Blinken ku yidhi qoraal uu soo saaray. “Xayiraadan waxa ay saameyneysaa Saraakiisha hadda jirta ama kuwii hore ee itoobiya ama Eriteriya, xubnaha ciidamada amaanka iyo xubno ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF) – oo masuul ka ah, ama ku lug leh. ee, wiiqaysa xallinta mashaakilka ka taagan Tigray. ”ayuu sii raaciyay Blinken. Ciidamada iyo askarta Itoobiya oo ay wehelinayaan ciidamo ka socda dalka deriska la ah ee Eritrea ayaa lagu eedeeyay xasuuq iyo dilal ay u gaysteen dagaalka ay kula jiraan jabhada. Sidoo kale Xoghayaha Arrimaha Dibbada Maraykanka ayaa cambaareeyey kufsiga baahsan ee lagula kacay haweenka gobolka Tigray iyo xadgudubyada kale ee xuquuqda aadanaha. Blinken wuxuu ka digay in haddii kuwa mas’uulka ka ah carqaladeynta xallinta xiisadda Tigreega ay ku guuldareystaan ​​inay dib uga laabtaan wadada, waa inay ka fikiraan tallaabooyin dheeri ah oo kaga yimaada Mareykanka iyo bulshada caalamka. Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in dambiyo dagaal laga yaabo inay galeen dhammaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadka. Kumanaan qof ayaa lagu dilay boqolaal kun oo kalena waxaa lagu qasbay inay ka barakacaan guryahooda oo ku yaala gobolka Tigray, tan iyo bishii Nofeembar markii Raysal wasaare Abiy Ahmed uu ciidan u diray si ay uxiraan hubna uga dhigaan hogaamiyaasha xisbiga talada haya ee gobolka ee TPLF. Source
  13. (SLT-Doha)-Madaxa Siyaasadda ee Dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS, Dr. Ismaaciil Haniyah iyo Wafdi uu horkacayo oo maalmahan booqasho hawleed ku joogay caasimada dalka Qatar ee Doha ayaa waxaa uu Maanta la kulmay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Althani. Kulankaasi ayaa waxaa uu ka dhacay Xafiiska Amiirka ee Amiiri Diiwaan, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Qatar ee QNA.Dr. Ismaaciil Haniyah ayaa waxaa uu ka mahadceliyey dadaalka Amiir Tamiim ee Xabbad-joojintii laga gaadhay dagaalkii XAMAAS iyo Israa’iil ee Qasa. Madaxa Xafiiska Siyaasada ee Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ayaa waxa uu hore mahadcelin u jeediyey Dowladaha Masar iyo Iran, isagoo xusay inay u muujiyeen Taageero Siyaasadeed. Source
  14. Wararka naga soo gaarayo degmada balanbale ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in xalay xilli dambe kooxa hubeysan ay weerar ku qaadeen dad shacab ah oo deegaanka ku sugna . Wariyayaasha Goobjoog News ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday aanan la qoon heybtooda balse ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhimatay rasaasta ay fureen kooxda weerarka soo qaaday, halka seddax qof oo kale uu dhaawac ka soo gaaray rasaasta . Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaal ku yaalla degmada balanbale . Sikastaba inta badan weeraro nuucan oo kala ah ayaa ka dhaca deeganada hoostaga gobalka galgaduud, kuwaas oo ku saleysan aanooyin qabiil . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sharraxaad ka bixiyey ereyga ‘Teendhada Afisyoone’ oo sanadihii dambe ay si wey u adeegsaneysay warbaahinta, maadaama uu ka socdo shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka. Macalimuu oo qoraalkiisa ay ka muuaqatay in xukuumadda Soomaaliya ay ‘dhibsatay’ magacaasi ayaa sheegay in Afisyoone aysan aheyn Teendho, ayna tahay xarunta ciidamada Cirka Soomaaliya oo ah garoon ay ka duuli jireen diyaaradaha ay leeyihiin ciidamada cirka. “Teendhada Afisyoone “Malab marka la doonayo in la magac xumeeyo ,shinnada xaarkeeda waa la oran karaa. Afisyoone ,waa xarunta Ciidamada Cirka Soomaaliya,ma ahan teendho . Waa garoonka ay ka haadi jireen diyaaradaha Ciidamada Cirka Soomaaliya oo soo shaqeynayay tan iyo xilligii gumeystaha,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeen Macalimuu. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey ” Ereyga Aviazione asalkiisu waa Talyaani la Soomaaliyeeyay kaas oo la micno ah ereyga (Duulista ) ama ereyga English-ka ee Aviation. Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa farriin la xiriirta Afisyoone u diray wariyeyaasha Soomaaliyeed, isaga oo tusaale usoo qaatay wariyeyaal Ajaaniib ah oo dalka yimid xilligii dagaallada Sokeeye, kuwaas oo uu sheegay inay Muqdisho u kala qeybiyeen koonfur iyo waqooyi. “Berrigii ay horraantii 90aadka ee dagaalada sokeeye Xamar ka socdeen ayaa wariayyaal ajnabi ah oo aan Muqdisho Juquraafi ahaan aan garaneyn waxa ay Muqdisho u kala qeybiyeen Koofur iyo Waqooyi iyaga oo ula jeeday in KM5 ay tahay Koofur ,Kaaraanna ay tahay Waqooyi . Is weydii adigu ma saxan tahay taasi? Taa waxaa hadda la mid ah teendhada Afisyoone,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri Maxamed Ibraahim Macalimu. Ereyga Teendhada ayaa adeegsigiisu aad u batay sanadihii dambe, maadaama Teendho yar oo ku dhex taalla xerada Afisyoone lagu qabtay doorashadii madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, hadana uu ka socda shirka doorashooyinka. The post XF Soomaaliya oo ‘dhibsatay’ magaca Teendhada Afisyoone + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey hoggaamiye xisbiga Wadajir iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kaas oo xalay ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kulanka oo uu albaabada u xirnaa ayaa ka qabsoomay Hotelka Peace, wuxuuna u dhexeeyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah MUSHARRAX madaxweyne iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Puntland iyo sidoo kale Koonfur Galbeed. Intii uu socday kulankan gaarka ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan uu qaban qaabadiisa lahaa madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isla-markaana uu ujeedkiisu ahaa sidii uu taageero uga heli lahaa madax goboleedyada musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale kulankan ayaa muujinaya inuu bilowday ololaha doorashada madaxweynaha iyo sameynta isbaheysiyo gaar ah oo lagu wajahayo tartanka culus ee doorashada sanadkan. Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan dadaal xoogan muujinayo, maadaama la guda- galayo doorashooyinka 2021-ka, iyaga oo kala jiidanaya hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada oo ku wada sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Kulanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada ayaa sidoo kale daba socda kulamo gaar gaar ah oo saacadihii ugu dambeeyey ka dhacay caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda kala guurka iyo doorashada 2021-ka. Si kastaba Soomaaliya ayaa galeyso doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, kadib marka uu soo dhammaado shirka wada-tashiga qaran ee haatan ka socda Teendhada Afisyooni, kaas oo go’aan rasmi ah looga gaarayo muranka doorashada. The post CC Shakuur oo la kulmay saddex madaxweyne goboleed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalintii saddexaad ka socda shirweynaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga arrinsanayo doorashada 2021-ka. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa laga muujinayaa rajo wanaagsan oo ah inay guuleystaan wada-hadallada socda ee doorashooyinka, sida uu qabo Cali Socdaal (Cismaan Dheere) oo ah wasiirkii hore ee wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshisiinta Galmudug. Cismaan Dheere oo wareysi gaar ah siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in shirkan uu ka duwan shirarkii hore, isla-markaana uu hadda jiro biseyl siyaasadeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro isku dhowaansho ay sameeyeen dhinacyada shirka qeyb-galaya, isla-markaana jawiga uu ku socdo shirka uu yahay mid aad u sarreeya. “Shirarka wada-hadalka doorashooyinka Soomaaliya waxa ay soo jiitamayeen sanado oo marba meel ayaa lagu qabanayay, kan ugu rejada wanaagsan waa kulanka haatan socda, wax mabda’ qaran ah oo la isku hayay ma jirto oo sheekadaas way soo dhammaatay, hadda in wax la gaaro waa lagu qasban yahay,” ayuu yiri wasiir hore Cismaan Dheere. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu dhigay gogosha shirka uu dadaal badan ku bixinayo ka miro-dhalinta qodobada la’isku hayo, si meesha looga saaro, dalkuna u aado doorasho loo dhanyahay oo u dhacda xor iyo xalaal. “Dhabbe wanaagsan ayuu ku socdaa Shirka Doorashooyinka, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu wataa howshiisa oo ah in uu ka mira-dhaliyo qabsoomidda Doorashooyinka si meesha looga saaro danaha gaarka ah ee caqabadda ku noqotay hirgelinta heshiisyada siyaasadeed ee dhacay,” ayuu sii raaciyey wasiirkii hore ee Dastuurka iyo dib u heshisiinta Galmudug. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo shirka doorashooyinka ee ka socda Teendhada Afiysooni uu galay maalintiisii saddexaad, kaas oo ay ka qeyb-galayaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo lagu go’aaminayo doorashooyinka 2021-ka. The post Muxuu shirka Muqdisho uga duwan yahay kuwii hore ee arrimaha doorashooyinka? appeared first on Caasimada Online.
  18. Kulan aan la shaacin ayaa xalay mid ka mid ah Hotelada magaalada muqdisho ku dhex maray madaxweeynahayaasha Galmudug, Puntland , Koonfur galbeed iyo siyaasi Abdirahman Abdishakur, Illa xog ogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in kulanka oo casha ahaa looga hadlay siyaasadda dalka iyo shirarka socdo . 48 saac ee la soo dhaafay waxaa dalka ku soo laabtay mas’uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee koonfur galbeed Sharif Xasan Sheikh Aden, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Raa’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dowladda Mareykanka ayaa xayiraado ku aaddan xadidda Fiisooyinka ku soo rogaya Itoobiya taas oo la xiriirta colaaddii ka dhacday gobolka Tigray iyo dhibaatoobinka welli gobalkaasi laga soo warinayo . Kumanaan dad ah ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen lixda bilood oo gobalka Waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigre xukuumadda Abiy ay kula dagaalameysay kooxda TPLF . Kooaxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo wariyay in ay jiraan goob fallo isugu jira kufsi, dilal aan sharci aheyn iyo raritaanka qasabka ah oo ciidamada Federaalka ay halkaasi ka geysteen . Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony J. Blinken ayaa sheegay in mareykanku uu dhowr jeed ku cel celiyay cabsida iyo walaaca laga qabo xadgudubyada ka socda Tigre . “Waxaan si isdaba joog ah uga dhawaqnay welwelka weyn ee aan ka qabno xadgudubyada iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya. Laga bilaabo maanta, waxaan qaadeynaa talaabooyin aan ku soo rogeyno xayiraad fiiso kuwa aan aaminsanahay inay mas’uul ka yihiin sii wadista isku dhaca.” ayuu yiri Antony J. Blinken Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka . Intii ay socdeen dagaaladii Xukuumadda iyo TPLF waxa dhacay duqeymo aan loo meel dayin iyo boob baaxad leh, sida ay Amnesty International carabka ku dhufatay . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo aan heyd tooda la aqoon ay weerar ku qaadeen xarumaha magaaladaasi ay ku leeyihiin seddaxda xisbi ee ka jirta Somaliland . Xoga ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay bar tilmaameedsadeen xafiisyada Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo xisbiga WADANI. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ragga weerarka ku qaaday xarumaha xisbiyada . Xilli maanta lagu wado in Xisbiga Kulmiye uu Olalahiisa doorashada uu ku qabsado fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Laasacaanood iyo deeganada kale ee Somaliland ayaa waxaa dadka deegaanka soo wajahday cabsi xooggan . Shalay ayeey aheyd markii si rasmi ah oo loo bilaabay Olalaha doorashada xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo dhawaan dadka ay u dareeri doonaan goobaha Codbixinta . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ayaa waxaa markii ugu horreysay ka maqan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, mana cadda illaa iyo hadda inuu dib ugu soo biiri doono iyo in kale. Wararka qaar ayaa sheegaya in Farmaajo uusan shirkan kusoo biiri doonin, sababo la xiriira xiisadda ka dhex-oogan isaga iyo madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, oo haddii uu kusoo biiro shirkaas dib usoo nooleyn doonta xiisaddaas. Hase yeeshee Dr. Shariif Cismaan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC Somali u sheegay in weli ay suurta-gal tahay in madaxweynaha uu ka qeybgalo shirkan balse ay ku xiran tahay qaab farsamo ama sida wad-ahadalka looga shaqeeyo.” “Haddii ay noqoto in madaxweynaha uu ka soo qeybgalo waxay u baahan tahay in arrin si farsamo ah looga shaqeeyay ay noqoto,” ayuu yiri. Farmaajo ayaa horey u sheegay in howlaha shaqo ee doorashada uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib khilaafyo soo noqnoqday oo sababay dib u dhaca doorashadii baarlamaanka iyo tii madaxweynaha. Sidaas darteed, Ra’iisul Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda guddoominaya shirka hadda ka socdo magaalada Muqdisho, In kastoo ysan weli kala caddeyn sida looga gudbi karo arrimihii khilaafka sababay. Haddaba, maaxa loo baahan yahay in la sameeyo, haddii madaxweynaha uu damco in uu ka qeybgalo shirkan? Dr. Shariif Cusmaan wuxuu yiri: “Shirarka noocan oo kale ah, waxaa jiro arrimo loo baahan yahay in la turxaan bixiyo inta aanan loo fariisan ka hor”. “Waxay u baahan tahay in laga wadahadlo lana diyaariyo siyaabaha ay suurtagalka u tahay iyadoo aanay wax xasaasiyad ah abuureyn in arrimahaas oo kale ay dhacaan (sida in madaxweynaha uu ka qeybgalo). Marka waa arrin farsamo, wey dhici kartaa laakiin waxay u baahan tahay in la turxaan bixiyo oo la isla fahmo,” ayuu hadalka ku sii daray. Haddaba, marka laga gudbo khilaafka oo heshiis la isla gaaro, yaa ka mid noqon doono saxiixeyaasha? Dr. Shariif Cismaan wuxuu qabaa in madaxweynaha uu saxiixi doono heshiiska “waa haddii la raaco arrimo farsamo oo horseedi kara in madaxweynaha uu saxiixo heshiiska.” “Maadaama uu madaxweyne yahay, wuu saxiixi karaa weliba waxaan is leeyahay maadama uu qeyb ka aha go’aannadii hore, hadda saxiixiisa waa loo baahan yahay, waayo wuxuu caddeynayaa saxiixiisu in wixii meesha ka soo baxay uu raalli ka yahay ama in uusan ka aheyn”. Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada in ay guuleystaan. “Jawi deggan ayuu ku bilowday, rajo weyn ayay dadka ka qabaan in labada dhinacba (ay heshiiyaan). Waxaad moodaa in muuqaalkiisa hadda uu yahay mid ay wax ka soo bixi doonaan”. The post Madaxweyne Farmaajo ma kusoo biiri doonaa shirka? appeared first on Caasimada Online.
  22. Waxaa maalintiisi seddaxaad furmaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka , oo shalay magaalada Muqdisho uga bilawday madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Shirka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta dowlad gobaleed ee dalka , iyadoo banaanka shirka uu ka yahay Madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo . Madaxda ayaan illa hadda aan shaacin heshiisyada ay gaareen , balse warar ay heshay GoobJoog News ayaa sheegaya in ay madaxda ay isla afgarteen qodobo horay dood uga taagneyd . Ajendayaasha ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah: 1: Xal ka gaaridda guddiyada doorashooyinka 2: Xal u helidda Arrinta gobalka Gedo 3: Meel saaridda cidda soo xuleysa guddiyada doorashooyinka Somaliland 4: Xalinta shaqaaqadii dhacday 19 February iyo shaqaaqooyinkii ka dambeeyay 5: Ra’iisul wasaaraha in uu qaato kaalinta maamulka doorashada 6: Amniga Doorashada 7: Dejinta Jadwalka doorashada 7: Waqtiga Doorashooyinka ay bilaabmayaan. Shirka ayaana sii socon doono inta ay madaxda isku raacayaan xalinta Khilaafaadka weli doorashooyinka ku hor gudban . GoobJoog News Source: goobjoog.com
  23. Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegaya in xalay halkaas dabley hubaysan ka fulisay weerar khasaare gaystay. Rasaas xooggan ayaa laga maqlay gudaha magaalada, kadib markii weerar lagu qaaday xarun ay ka socotay ololaha doorashada Somaliland. Wararku waxay sheegayaan, in dad ku dhaawacmeen weerarka, inkastoo aysan weli faahfaahin ka bixin laamaha Amniga maamulka Somaliland. Xarunta la weeraray ayaa lagu sheegay xafiiska ololaha doorashada ee murashax Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo u tartamaya xubin ka tirsan Baarlamanka Somaliland. Booliiska Somaliland ayaa laga soo xigtay in ay baaritaan ku hayaan cidda ka dambaysa weerarkaas. PUNTLAND POST The post Weerar xalay ka dhacay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.