-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan tartanka loogu jiro Kuraasta Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa la sheegayaa inuu waji kale yeeshay islamarkaana uu u dhaw yahay in maalmaha soo socda lakala ogaado Xubnaha sida rasmiga ah ugu fadhiisanaya Gudoomiyaha Golaha Cusub ee Wakiiladda iyo ku xigeenadiisa. Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in halgankii iyo kala jiidashadii ugu cuslayd ee ku aadan Kuraastani ay hadda si rasmi ah uga dhexayso Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Iyo Xukuumadda ama Xisbi Xaakimka KULMIYE. Halka Xisbigii kale ee UCID ee uu gadhwadeenka ka yahay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe aanay waxba faraha ugu jirin, kadib markii uu dhexdooda Khilaaf ka aloosmay, islamarkaana uu Xildhibaanaddii Xisbigaa intoodii badanayd uu dhinac ula ruqay ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Xildhibaan Naasir Qodax. Naasir Qodax ayaa la sheegay inuu heshiis la galay Xisbi Xaakimka Kulmiye. Wararkan ayaa sheegaya in Xisbiga WADDANI uu Xildhibaanadiisii ku xeraystay Huteel Magaalada Hargeysa ka baxsan, Huteel Royal Place oo duleedka Magaalada Abaarso ku yaala, halka Xisbiga Kulmiye uu ku jiro halkan culus oo uu ku baadi goobayo inuu hogaanka u qabto aqlabiyada Mudanayaasha Cusub kadib markii lagaga awood roonaaday Tartankii doorashadii dalka ka dhacday, balse uu midho midhaysanayo Xildhibaanada Mucaaridka u soo baxay si uu uga dhabeeyo balanqaadkii uu Madaaxweyne Biixi u sameeyay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo uu ugu fadhiisiyo Kursiga Gudoomiyaha Wakiiladda. Wararkan ayaa intaasi ku daraya in Xisbiga Kulmiye oo adeegsanaya Xildhibaano hore oo ka tirsanaa Golahan Wakiiladda ee Kuraasta banaynaya inuu maalmihii u dambeeyay midho midhaysanayay Xildhibaanada u daacadda ah Cabdirisaaq khaliif Ahmed islamarkaana uu qaarkood heshiisyo lagalay halka uu qaar kula heshiiyay lacag aan xadigeeda lanoo sheegin. Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi waxa ka go’an inay xoog iyo maalba ku fadhiisiyaan Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Yaasiin Xaaji Maxamuud Fartoon. Sidoo kale Kulmiye ayaa ku xigeenada u qoondeeyay Mucaaridka si uu codad dheeri ah ugu helo Fartoon. Xildhibaan ka tirsan mudanayaasha Mucaaridka oo aan shalay la xidhiidhnay waxna ka weydiinay arintani ayaa noo sheegay in Xukuumaddu nafta dul dhigtay kursiga Gudoomiyenimada Wakiiladda islamarkaana ay dhinac walba kaga timid oo isaga laftiisa wada hadal uu u socdo “walaahi arinta waxba iska badelay, Xukuumaddii way dadaalaysaa,raggayagii mucaaridka ahaa midba meel ayuu ka dhacay, waxaanu is nidhi uun marka codaynta uun, si kale maleh”. Ayuu si kooban yidhi Si kastaba ha noqotee, waxa si weyn loogu dheg taagayaa cidda hanan doonta shirgudoonka Golaha Wakiiladda ee cusub, Xisbi xaakimka ama Xisbiyada Mucaaridka ah oo ay ka go’an tahay inay ku guulaystaan . Source
-
Madaxtooyada Somaliland ayaa dorraad loo gudbiyey Xeerka Nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2021 kadib markii toddobaadkan Golaha Guurtida Somaliland oo uu muddoba hor yaallay si rasmi ah ugu ansixiyey Kalfadhigiisa kadib markii wax ka baddal iyo kaabis lagu sameeyey Xeerkan. Shir-guddoonka Golaha wakiillada xilka sii haya ayaa Madaweynaha u gudbiyey Xeerkan si uu Madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan qalinka ugu duugo kadibna lagu soo saaro faafinta rasmiga ah taasi oo u muuqata dadaal xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku doonayso in uu xeerkani si degdeg ah ugu dhaqan galo. Ilo-wareedyo u dhuun daloola qorshaha Madaxweyne Muuse Biixi dabada kaga riixayo xeerkan ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax uu dorraad oo Salaasa ahayd u gudbiyey Xafiiska Madaxweynaha xeerkan si uu isna Madaxweynuhu waajibkiisa dastuuriga ah uga guto kaasi oo la filayo in uu sida ugu dhakhsaha badan u saxeexo. Tan iyo markii xeerkan loo gudbiyey Golaha Guurtida Somaliland oo uu muddo kooban hor yaallay waxa hadal haynta ugu badani ka taagnayd sida ay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE u danaynayaan Xeerkan Nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2021 oo jidaynaya in wakhtigii xisbiyada hadda jira ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID muddada jiritaankoodu ku egyahay bisha Diisambar ee sannadka soo socda 2022, wakhtigaasi oo ay ka dhacayso shahaadadooda sharci ee jiritaan taasina keenayso in dalku galo doorashooyin ay ku tartamaan Ururro siyaasi ah si ay uga soo dhex baxaan saddexdii Xisbi siyaasadeed ee muddoda soo socota masraxa ku tartami lahaa. Dad badan oo u kuur gala siyaasadda Somaliland waxa ay aaminsan yihiin in ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka go’an tahay in uu dabarka ka furo ururradii Siyaasadda si uu xaaladda ugu adkeeyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo doorashooyinkii isku sidkanaa ee ugu dambeeyey dhistay isbahaysi adag oo ay qarqarsiga ugu adkeeyeen Xisbul xaakimka KULMIYE taasi oo keentay in ay ku guulaystaan aqlabiyaddii Maayarrada Magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo sidoo kale Aqlabiyaddii Golaha wakiillada Somaliland oo ay imikana dadaal ugu jiraan sidii ay Golahaasi shir-guddoonkiisa gacanta ugu dhigi lahaayeen. Dad badani waxa ay ka dhur sugayaan bal khamaarkan siyaasadeed ee culusi halka uu salka dhigo iyo haddii uu Madaxweynuhu ka badheedho is biimayntaasi siyaasadeed ee halis galin karta xataa xisbigiisa KULMIYE oo aan la ogayn sida ay xaaladdiisu noqon karto iyo saamaynta ay tallaabadani ku yeelan karto damiciisa ku aaddan doorashada Madaxtooyada ee shanta sano ee soo socota maadaama muddo xileedkiisu ku eg yahay dabayaaqada isla sannadka soo socda ee 2022. Source
-
Gabadh yar oo13 sanno jir ah oo lagu magacaabo Barwaaqo Axmed Cateeye ayaa ay eheladeedu sheegeen inay kufsadeen afar askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Magaalada Ceel-afweyn,kuwaas oo ay sheegeen inay hadda xidhan yihiin,balse aan la horgeyn Maxkamadda Hooyada dhashay gabadhaas oo war-baahinta la haddashay ayaa ka warrantay siday wax u dhaceen“Inantaa yare e la fara xumeeyey Hooyadeed ayaan ahay waa 13 sanno jir , habeenkii markii aan waayey waan iska jiifsaday subixii ayaan baadi doon galnay anniga iyo eddadeed xafadaha Magaalada Ceel-afweyn oo dhan ayaan ka raadinay,maalin iyo habeen ayey maqnayd, waxa qaatay ciidankan bilayska ah birmadka ee Ceel-afweyn jooga, kadib halkii ay ku kufsadeen, ayaa la yidhi halkan ayey tallaa inantii,markii aan u tagnay waxay noo sheegtay ina afar nin oo ciidanka ah inta ay qateen ay kufsadeen oo halkii ay ku kufsadeen ay kaga tageen .” Waxa ay intaas ku dartay “Waxa weeye afar nin oo waa weyn oo 28 jir ugu yar yahay afartaa nin,ayaa kufsaday inanta yar, markaa waxa uu dhacay afartii bishan Juun 2021-ka ilaa hadda Maxkamad lama geyn nimankii caddaalad lama horgeyn nimankii falkaas sameeyey .”ayey tidhi Gabadhar Hooyadeed. Geesta kalena waxa halkaas ka hadashay edada gabadha yar ee la sheegay in la kufsaday “Waxa aan ahay Barwaaqo Axmed Cateeye Eedadeed oo 13 sanno jir oo Magaalada Ceel-afweyn kufsi ay ku sameeyeen afar nin oo ciidanka birmadka ah,waa la qaatay oo afarta mid-na mar ayuu galay ilaa subixii, askari kale oo ka tirsan ciidanka ayaa u yimi oo ka kiciyey,markii aanu ugu tagnay meshii waanu soo qaadnay dhakhtarka ayaanu geynay dhakhtarkii ayaa caddeeyey inay kufsi iyo dhibaato kale qabto ,waxaanu doonaynaa in afartaan nin ee ilmahaa yar ku tacadiyey in sharciga na loo horgeeyo oo aan odayaal iyo cid kale na loo maqlin.” Dhanka kalana waxa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Sanaag Gaashaanle Dhexe Salebaan Ducaale Ubax Leh ,kaas oo sheegay inay eedaysanayaashasi xidhan yihiin,isla markaana la hor-geyn doonno Maxkamadda “ Dembigaa afarta askari loo haystay gacanta ayaa lagu hayaa baadhistuna wey socotaa, arrintaa ay sheegtay gabadhaas wax ka dayacan iyo caddaalad darro kaga dhacday ma jirto inantaa dayarta ah cidii ay tidhi dambigaas ayey iga gashay wey xidhan yihiin Maxkamadda sharciga ahna waa la hor-geynayaa.” Taliyaha ayaa intaas ku daray “ Waxa weeye arrintaa ay gabadhaas war-baahinta marisay waa arrin aan sal iyo raad toona lahayn ,waxa aanu leenahay ka joogsada inantaa ciddii dembiga ka gashay wey xidhan tahay sharcigana waa la horgeenayaa,dembigaa cidii lagu tuhunsan yahay wey xidhan yihiin waana Maxkamadda sugayaal waanan horkeeni doonna cidii dembiga loo haystay kiiskii oo dhammaystiran.” Source
-
Habeen hore ayaa waxa ka dhacday Magaalada Hargeysa gaar ahaana xaafada Gantaalaha qaybta waqooyi ee Degmadda Ibrahim Koodbuur dhacdo ugub ah oo argagax leh,taas oo tuug guri u dhacday saqdii dhexe ay ku qateen ilmo yar oo shan sanno jir ah. Gurigan laga xadday inanta yar ayaa ahaa mid jiin-gad ah, kaas oo ay maqas lagu jeexay,kadibna al-baaba la iska furray,isla markaana ay galeen tuugtu qol ay caruurta oo keliya oo ilaa 4 ah jiiftay waxa cajiib inaan caruurtii kale iyo hanti kale toona aan la qaadan,balse la qaatay Mumtaas Maxamed Xasan oo ahayd inan yar oo shan sanno jir ah . Ehelada qoyskaas oo la hadlay Saab tv ayaa ka warramay dhac-dadaa argagax leh,isla markaana ugub ah “Sandaqadu waa taa waxaynu arki jirnay tuug guri u soo dhaca oo xadda alaab ama lacag, waxa ka duwan ayeynu arragnay oo ah guriga sandaqada ah maqas ayaa lagu gooyey halkaas, raadkii waanu arragnay laba nin ayaa meesha galay .”ayey sheegeen Waxa ay inaas ku sii dareen “Carruurtii iyo reerkii halkaas ayey wadda hurdeen qolalkii waa la galay qol ay laba carruur ahi hurdeen ayaa mid la qaatay inan yar oo shan jir ah waa la qaatay Mumtaas Maxamed Xasan ,reerkii waxay tooseen markii waagu beryey, waxa la arkay albaabkii oo furran ,markaa waxa loo maleeyey in guriga la xaday,lakiin wey ka weynaatay oo carruurtii ayaa qaar la xadday waa dhacdo aad inoogu cusub ,waana in cid kastaa ka hawlgasho sidii inantaa yare ee la xadday loo soo heli lahaa,Libaax ayaa dadka qaadan jiray maynu arrag tuug guri u soo dhaca oo carruur qaata hadda ka hor.” Dhanka kalena waxay farriin u direen shacbiga reer Somaliland,waxaanay ka codsadeen inay la galaan baadi doonka inanta yar “Laamaha Dawladda waanu u wadda gudbinay saldhigyadda iyo kantaroolada sawirkeeda waanu geynay ,illaahay waxa aanu ka rejeynaynaa inuu bidh-bidhiyo inantaa yar ,waxaan leehay dad weynaha farriinta aan u farrayo waad arkaysaa sida ay wax u dhacayaan wadda boolis ha la noqdo waa la soo heli karraa ciddii falkaas ku kacday haddii reer Hargeysa iyo shacabka reer Somaliland oo dhammi kacaan .” Geesta kalena waxa iyana halkaas ka hadashay ayey-deed oo sheegtay sidan:“ Annigu ayeydeed Hooyo ayaan ahay carruurtii waxa uu ugu dul-tegay sariirta waxa aan doonnayaa in la soo qabto wixii inantaa yar xadday ummaddana waxaan ka codsanayaan sawirraanteedii waanu baahinayey in ay nala raadiyaan ilmahaa yar .” Xaaladdan ayaa walaac weyn ku abuurtay dhammaanba waalidiinta Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo shalay illaa xalay si weyn u hadal hayay fal dambiyeedkan ugubka ku ah dalka oo markii ugu horraysay la arkayo tuug inta uu xaafad u soo dhacay ilmo aad u yar qaatay halka wakhtyadii hore la arki jiray ilmo la waayay ama meel cidlo ah laga kaxaystay balse aanay dhici jirin inta xaafad loo soo dhaco in ilmihii yaraa oo jiifa la qaato. Shacabka ayaa ciidamada ammaanka ugu baaqay in ay si degdeg ah baadhitaankooda sharciga ugu hor keenaan cid kasta oo falkaasi loo soo qabtay iyaga oo dhinaca kalena dadku xalay isku boorinayay in ubadka la ilaashado habeen iyo maalinba. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo xalay ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo ayaa ka hadlay xaaladda ammaanka ee caasimada. Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in maalmihii lasoo dhaafay ay sii kordhayeen falal liddi ku ah amniga ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay soo kordheen qaraxyo joogto ah, dilal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka muhiimka ah. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku eedeeyey falalka amni darrada ah ee soo kordhay inay ka dambeeyaan gacmo qarsoon oo shisheeye, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Cumar Filish ayaa baaq u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortego falalkaasi. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aan la sugi karin amniga, haddii aysan ka qeyb qaadan shacabka oo uu ku booriyey in la shaqeeyaan ciidamada Booliiska Soomaaliya. Marka laga tego qaraxyo iyo dilalka qorsheysan waxaa maalmahaan kusoo kordhay caasimada dhac baahsan oo ay geysaneyso burcad hubeysan, walow 24-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ay soo qabteen rag hubeysan oo dhac geysanayey. Si kastaba dhibaatooyinkan amni darro ayaa kusoo aadayo, xilli haatan lagu jiro marxalad kala guur ah oo la’aadayo doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka. The post Yaa ka dambeeya amni darada ka jirta magaalada Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Tehran)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inay qaado cunaqabateynta saaran waddan Iran, ayna labada dal dib ugu laabtaan heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii. “Waxaan ka codsanayaa Mareykanka in uu qaado ama ka tanaasulo cunaqabateyntiisa,” ayuu ku yidhi Guterres warbixin ay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka doodeen Arbacadii. Guterres ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dadaallada dhowaanahan socday ee diblomaasiyadeed ee ay labada dhinac dib ugu soo nooleynayaan heshiiskii Nukliyeerka, kaasi oo ku sigtay in uu bur-buro kaddib markii uu madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskaasi bishii May ee 2018-kii, uuna cunnaqabateyno dib u saaray Iran. Iyadoo taas ka jawaabeysa, ayay Tehran dib u anba qaadday howlaheedii kobcinta Nukliyeerka, iyadoo July sanadkii 2019-kii jebisay heshiiskaas oo ay kor u dhaaftay xadadka kobcinta kiimikada iyo heerarka kaydinta ee uu dhigayay heshiiskaas. Source
-
Fee cut in women's nomination forms for Somali polls hailed
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali women on Wednesday welcomed a 50% fee cut for female candidates submitting nomination papers for the country's upcoming upper and lower house elections. Source: Hiiraan Online -
Somalia and Kenya on Wednesday discussed the need to deepen bilateral relations between the two East African nations, which recently restored ties after a months-long dispute. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaa la filayaa in dhowaan dowladda Soomaaliya ay guddi u dirto magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xalin lahaa cabashada ay maamulka HirShabelle ka qabaan beesha Xawaadle. Wafdigan la dirayo ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda uga hortageyso olole uu waday Sheekh Shariif oo ku aadanaa xal u raadinta xiisadda ka dhex oogan Guudlaawe iyo beesha Xawaadle. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka dalbaday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeyso sidii uu maamulkiisa ku tagi Beladweyne oo la filayo in lagu soo doorto qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Rooble ayaa maalmahaan bilaabi doono in uu la kulmo siyaasiyiinta iyo odayaasha Beladweyn,e gaar ahaan kuwa beesha Xawaadle, waxa uuna kala hadli doonaa in la dhameeyo diidmadooda ku aadan maamulka cusub ee HirShabelle. Beesha Xawaadle oo Madaxweyne ka aheyd 4-tii sano ee la soo dhaafay maamulka HirShabeelle ayaa ku doodaysa in mar kasta kursiga Madaxweynaha gaar u noqdo iyaga, halka Abgaal iyo beelaha kalana ay qabaan in loo tartamo kursigaan oo dad gaar ahaan loo xirin. Villa Somalia iyo Rooble ayaa howshaan dardar gelin doona maalmaha soo aadan maadaama ay xog ku heleen in uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Madaxweyne Cali Guudlaawe geyn doono Beladweyne, taasoo haddii ay dhacdo dhaawac ku ah maamulka Farmaajo. Xukuumadda ayaa isku dayeysa ina ka hortagto qorshaha Shariif, si aysan ugu noqon fursad sare u qaadda magaciisa, taasi oo caawin karta ololihiisa doorashada. Rooble ayaa dhowaan diiday qorshe ay wadeyn Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo doonayey in deegaan doorashada lagu soo kobo hal magaalo maamulkiiba, si ay uga baxsadaan in doorasho ay ku kala qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey oo laga diidan yahay. The post Xog: DF oo dhexda u gashay qorshihii Sheekh Shariif ee ku aadanaa Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha gudaha S/land oo l ahadlay Golaha Cusub ee Deegaanka Hargeysa Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibad ay maanta xilka kula kala wareegeen Maayerkii hore ee Caasimada Hargeysa iyo duqa cusub, ayaa kula dardaarmay guud ahaan goleyaasha deegaanka ee dalka ee lagu doortay Doorashadii qabsoontay 31-kii May inay yeeshaan wada-shaqayn maamulkooda iyo xubnaha doortay, sidoo kalena dulqaad iyo dhul-is-dhig ugu shaqeeyaan bulshada. Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in maayirrada iyo goleyaasha laga soo doortay asxaabta kala duwani ay ku shaqeeyaan midnimo iyo isku-arragti, isagoo si gaar ah ula dardaarmay Maayirka iyo xubnaha xilka Caasimada Hargeysa la wareegay. Maayerka iyo ku-xigeenka ayuu si gaar ah ugu waaniyey inay muujiyaan hogaamin hufan iyo maamul debecsan, isagoo duqii hore iyo golihiisiina ku amaanay sidii hagar la’aanta ahayd ee ay Bulshada ugu soo shaqeeyeen. “Hogaaminta furaheeda ugu horeeyaa waa inuu qofka hogaamiyaha ahi leeyahay dulqaad, siyaasaddana waxa la yidhaahdaa adkaysi, waa lagu caayayaa, waa lagu maagayaa, waxbaa lagaa sheegayaa dee dulqaad yeello ileen adigaa soo doontaye”ayuu yidhi isagoo u hoga-tusaaleeyey Golaha cusub waxyaabaha ka dhalanaya masuuliyada xilka. Wasiirku waxa uu ka markhaati kacay waxqabadka Maayerkii hore iyo Golihii deegaanka ee la shaqaynayey, isagoo tilmaaamay in waxqabadkaasi uu yahay mid sida iftiinka cadceeda u muuqda, waxaanu si gaar ah u majeertay qalabka iyo wershadaha ay dawladda hoose yeellatay muddadii uu xilka hayey Maayer Cabdiraxmaan Soltelko. Sidoo kale Wasiir Kaahin, golaha Deegaanka cusub xusuusiyey in doorka Wasaaradda arrimaha gudaha ee la-xisaabtanka Dawladdaha hoose iyo Goleyaasha loo doortay, waxaanu uga digay in aanay xubnaha Golaha iyo guddida fulintu toona ku kicin wax sababi kara inay sharciga ciqaab amma talaabo adag kala kulmaan. “Golaha Deegaanku waxay ku shaqeeyaan Xeer lr. 23 , xeerkaana waxa ku maamula wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda arrimaha guduhuna way la shaqaynaysaa. golahan Deegaanka Hargeysa wuxuu ka duwan yahay 19 gole deegaan ee kale. Maayerka iyo Maayer ku-xigeenka la doortay waa loo tartamay 17 xubnood ee kale way u codeeyeen”Wasiirku waxa uu Maayerka cusub Cabdikariin Axmed Mooge iyo duqii horeba u jeediyey talooyin la xidhiidha adkaynta wada shaqaynta Golaha “Cabdikariin waxaan leeyahay sidii goluhu kuugu codeeyey, golaha isugu wad, cabdiraxmaana waxaan leeyahay Golaha xilbaa kaa saaran”. Geesta kale, Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu Ganacsatada Caasimada iyo guud ahaan dalka ku canaantay bixinta Cashuurta ku waajibtay iyo inay la xisaabtamaan Golaha Deegaanka oo ay ka war hayaan hadba xaaladaha ku gedaaman. Qaran News
-
Over 500 families living near Jowhar town, Middle Shabelle region, who were affected by recent severe flooding in the area have received emergency food and humanitarian relief in an effort coordinated by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and HirShabelle State authorities. Source: Hiiraan Online
-
Top Somali officials and Turkey’s Ambassador to Somalia Mehmet Yilmaz met Wednesday here in Mogadishu to discuss scaled-up cooperation in fisheries and labor affairs. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay ka baxeen magaalada Mekelle ee caasimada gobolka Tigray, isaga oo sheegay in sababta ay tahay in magaaladaas aysan hadda kadib aheyn “muhiimadda dagaalka”. “Markii aan galnay Mekelle toddoba ama sideed bil kahor, waxaan u sameynay sababtoo ah waxay aheyd muhiimadda iyo xudunta dagaalka,” ayuu Abiy u sheegay warbaahinta dowladda, oo muuqaalkiisa baahisay Arbacadii. “Waxay aheyd xarunta dowladda. Xarunta kheyraadka la ogyahay iyo kuwa aan la ogeyn. Hase yeeshee waqtigii aan ka baxnay ma jiraan wax muhiim ah oo ay leedahay marka laga reeebo 80,000 oo qof oo shacab ah iyo kuwa shacabka bililiqeysta…waxay lumisay mhiimaddeeda,” ayuu yiri. Hase yeeshee afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa hadallada Abiy ku tilmaamay been, wuxuuna sheegay in ciidamada Ethiopia lagu qasbay inay magaalada ka baxaan. “Xaqiiqda ah inuu sheegay inay ka baxeen Mekelle, waa been cad. Waxaan uga adkaanay cayaartoyda. Waa ay guul-darreysteen,” ayuu Getachew u sheegay Reuters. Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa Talaadadii sheegay in ciidanka federaalka ay dib u geli karaan magaalada Mekelle. “Haddii loo baahdo si fudud ayaan ku geli karnaa Mekelle, wax ka yar saddex toddobaad gudahood,” ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Eritrea oo horey loogu eedeeyey inay xadgudubyo ka gaysteen gobolka ay hadda ka baxeen. Hase yeeshee Getachew ayaa sheegay in taasi aysan sax aheyn, isaga oo intaas ku daray in ciidamada Eritrea ay isku urursanayaan qeybaha waqooyi ee Tigray, si ay “naftooda u difaacaan.” Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed. Mucaaradka ayaa qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka. The post ABIY AHMED oo sabab yaab leh u yeelay qabsashada ciidanka Tigrayga ee Mekelle appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Puntland ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedaysay in uu lacag ku bixiyay dacaayad ku salaysan difaacidda Al-shabaab. Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay af-hayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Deperani, ayuu ku sheegay in madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday (Farmaajo) uu lacag ku bixiyay sawir-gacmeed muujinaya arrintaas. Deperani ayaa tilmaamay in sawir-gacmeedkaas looga been-sheegay xogta ku saabsan 18 nin oo dhowaan Puntland ku fulisay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, saacado kadib markii farshaxaniiste Amiir Caamir uu soo saaray sawir loo ekaysiiyay madaxweyne Deni oo gacantiisa ku tooganaya dad ku qaylinaya in aysan Al-shabaab ahayn. PUNTLAND POST The post Puntland oo madaxweyne Farmaajo ku eedaysan in uu maal-geliyay dacaayad ku suntan difaaca Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda. Sidoo kale Madaxweynaha oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso Heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo caawa ay ka bilaambatay dabbaaldegyada Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay bogaadin ku mudan yihiin sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaadanayaan Xuska Toddobaadka Xorriyadda, iyaga oo muujiyey dal iyo dowlad jacayl, soona bandhigay sida ay ugu faanayaan Qarankooda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- The post Farmaajo oo ka qeybgalay calan-saarka maalinta xorriyadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay beegsaday dadka degan tuulooyin ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle, kuwaasi oo maalmo kahor degaanadooda la sheegay in ay ku soo dhaweeyeen ciidamadii dowladda ee Al-Shabaab ka saaray qeybo kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe. Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in ku dhowaad 5 qof ay Al-Shabaab ka afduubteen degaanada kala ah Warciise, Qoordheere, Wardhagax iyo Dabagaab oo ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle. Sidoo kale Al-shabaab ayaa gubay ugu yaraan saddex guri, kuwaasi oo dab la qabadsiiyay kadib markii ay dadkii daganaa ay ka carareen Al-Shabaab. Dadka la beegsaday ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inay wax ka iibsadeen ciidankii dowladda ee degaanadaas soo galay todobaadyo ka hor balse dib uga laabtay, halka qaarkoodna ay degaanka ku soo dhaweeyeen. Dadka degan degaanada ay Al-Shabaab cadaadiska saareen ayaa Caasimada Online u sheegay in ay qaarkood guryahoodii ka soo carareen, markii ay naftooda la baxsadeen kadibna guryahooda la gubay. Milateriga Soomaaliya ayaa qabsaday degaano badan oo ka tirsan gobalka Shabeellada Dhexe maalmo kahor waxaana caano iyo biyo ku soo dhaweeyay dadka degaanka, inkastoo ay ciidankii dowladda dib uga baxeen deegaanadii ay qabsadeen. Al-Shabaab oo dib ugu laabtay degaanadaas ayaa billaabay inay dadka degaanka saaraan cadaadis badan islamarkaana ay qaarkood afduubtaan. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka HirShabeelle iyo Milateriga Soomaaliya, kaasoo ku aadan xaaladda ay wajahayaan dadkii ku dhaweeyay degaanadii ay maalmo ka hor ka soo laabteen. The post Al-Shabaab oo beegsaday shacab caano iyo biyo ku soo dhoweeyey ciidanka DF appeared first on Caasimada Online.
-
Tan iyo markii ay soo rogaal celiyeen xooggaga Tigray ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya, waxaa si weyn isha loogu hayaa ragga hogaaminaya jabhaddaas qabsatay caasimadda Mekelle. Waxaan warbixin ku eegi doonnaa afar hogaamiye oo loo arko inay gacan weyn ka geysteen soo rogaal celinta xooggaga Tigray. Debretsion Gebremichael Debretsion Gebremichael Debrestion waa hogaamiyaha xisbiga xoreynta Tigray (TPLF), waxaa laga qabsaday magaalooyiinkiii uu ka taliyayay ee gobolka Tigray, waxayna si lama filaan ah isku seegeen Abiy. Isaga oo markaas uun guursaday oo ilmo yar dhalay, ayaa Debretsion ka tagay waxbarashadiisii jaamacadda Addis Ababa, oo uu ku biiray TPFL si uu uga qayb galo dagaalkii 17 sannadood socday ee ururku kula jiray xukunkii Derg-iga ee hogaamiyihii Maarkisiga ahaa ee Mengistu Haile Mariam. Wuxuu wasiir ka noqday xukuumadda markii talada laga tuuray Derg-gii ee talada ay qabteen isbahaysi xisbiyo TPLF awoodda ugu badan ku lahayd wixii ka horeeyey intaa Abi hogaanka la wareegin 2018. Saaxiibkii oo ay aad iskugu dhaw yihiin jaalna ahaayeen oo la yidhaa Alemayehu Gezahegn ayaa sheegay in markii labadooduba ay tababar milatari ku dhamaysteen dhulka buuraleyda ah ee Tigray, uu ogaaday kartida farsamo ee saaxiibkii oo isna kula taliyey taliskii TPLF in Debretsion lagu daro ururka “farsamada”. Alemayehu waxay la ahayd arin maal gal ah in Debretsion lagu daro ururkaas maadama oo uu ahaa qof maskax badan laakiin afgaaban oo “ciyaal magaalo ah” kuna kacaamay Shire oo haatan ay guul darro wayni ka soo gaadhay hogaamiyaha Tigray maadaama ay ciidamada federaalku ka gacanta ku dhigeen magaaladaas. Sarreeya guud Tadesse Werede Tesfay Waxaa la rumaysan yahay inuu yahay ninka hoggaamiya ciidanka difaaca Tigray. Sanankii 1958 ayuu ku dhashay dhashay magaalada Mekelle ee xarunta Tigray. Muddadii u dhexaysay 2011 illaa 2013 waxa uu ahaa taliyaha ciidamada nabad ilaalinta ewe Qaramada Midoobay ka joogay gobolka Abyie oo ah deegaan shidaalka laga soo saaro oo ay isku haystaan Sudan iyo Koonfurta Sudan. Sarkaalkan 63 jirka ah ayaa xilalkan kala duwan ka soo qabtay ciidamada Itoobiya. Waxa uu kamid ahaa ku dhawaad boqol qof oo ay dowladda Itoobiya amartay in la soo xiro kadib markii uu bilowday dagaalka Tigray. War laga soo xigtay dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in Jenaraal Tsadkan Gebretensae uu kamid ahaa taliyayaashii dejiyay qorshihii ay 4-tii November 2020 TPLF ku weerartay Taliska Waqooyi ee horseeday duulaanka ciidamada Itoobiya. Jenaraal Tsadkan Gebretensae Jenaraal Tsadkan Gebretensae Muddadii u dhexaysay 1991 illaa 2001, waxa uu ahaa taliyaha ciidamada Itoobiya. Waxa uu dowr weyn ka qaatay dagaalkii uu dalkiisa Itoobiya la galay Eritrea. Wixii xilligaa ka dambeeyay waxa uu u weekday dhanka gacansiga, isagoo lagu tilmaamo inuu kamid yahay jeneraallada ugu hantida badan Itoobiya. Waraysi uu warbaahinta u janjeera TPLF siiyay bishii May ee sanadkan ayaa waxa uu ku sheegay in ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu diiddan yahay “nidaamka federaalka ee Itoobiya.” Waxa uu sheegay in dagaalka hadda ka socda Tigray uu ahaa mid laga baaqsan karay, balse dad uu ku tilmaamay “kuwo adeegsanaya Abiy” ay huriyeen colaadda. “Tigray waxa ay leedahay illaa toban kun oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran, isla markaana muddo dheer la dagaallami kara cadowgeenna,” ayuu ku sheegay waraysiga uu bixiyay dabayaaqadii May ee sanadkan. Getachew Reda Afahayeenka TPLF Getachew Reda Waa siyaasi saameyn weyn ku leh siyaasadda gobolka Tigray, haatan waa la taliyaha hoggaamiyihii gobolka Tigray ee gobolka laga qabsaday Debretsion Gebremichael. Getachew Reda wuxuu ku dhashay dalka Itoobiya sanadkii 1974. Sidoo kale, wuxuu xubin firfircoon ka yaha golaha sare ee TPLF. Wuxuu wasiir kasoo noqday dowladdii Hailemariam Desalegn. Getachew wuxuu ka baxay kuliyadda arrimaha sharciga ee jaamacadda Addis Ababa. Wuxuu bare ka noqday jaamacadda Mekelle ee ku taalla caasimadda Tigray. Getachew Reda lama ogeyn halka uu ku sugnaa xilliggii ay ciidamada Itoobiya qabsadeen gobolka Tigray balse wuxuu soo shaac baxay dhawaan markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen halkaas. Haatan waa afhayeenka TPLF waa nin si weyn warbaahinta uga warbixinayay maalmihii lasoo dhaafay dagaallada iyo dib u qabsashada Tigray. Getachew Reda, ayaa sheegay in TPLF ay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxa ay ku tilmaameen cadowgooda. Wuxuu u sheegay in ujeedka ay uga golleeyihiin go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee lasoo dhaafay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguurada madaxbanaanida dalkooda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. Maanta oo kale, kow iyo lixdan sano kahor, dadka Soomaaliyeed waxa ay hanteen dalkooda oo xor ah oo madax bannaan iyaga oo isu xilsaaray dhisidda qaran nabad iyo barwaaqo ah oo ku dhisan midnimo, sinnaan iyo cadaallad. “Ka-go’naanshahaas ilaa iyo hadda wuu sii jiraa waxaana dhowaan tusaale u noqday shir-madexeedkii 27kii Maajo ee sida guusha leh ku soo dhammaaday iyo wada shaqeynta joogtada ah ee loogu gogol xaarayo doorashooyinka qaranka,” ayuu yiri James Swan. “Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay u dabaal-degayaan Maalinta Madaxbanaanida, ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay mar kale ballan-qaadayaan la shaqeynta dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda mustaqbal nabad ah oo lagusoo dabaalo dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Swan. Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey The post James Swan oo soo saaray farriin ku socota Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
-
Hawlgallo la xiriira xaqiijinta iyo dardar gelinta Amniga, ayaa ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Ciidanka Booliiska Puntland oo kaashanaya laamaha kale ee Amniga dowladda, ayaa hawlgallo ka bilaabay magaalooyinka ee Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo. Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in hawlgalka lagu xoojinayo Amniga, islamarkaana lagu beegsanayo cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo xasiloonida Puntland. Hawlgalladan ayaa ku soo beegmay, iyadoo horraantii todobaadkan Puntland dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo. PUNTLAND POST The post Hawlgallo ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso Heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo caawa ay ka bilaambatay dabbaaldegyada Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo calan-saaray Madaxtooyada Qaranka appeared first on Puntland Post.