-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In kabadan halmilyan oo qof ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta Somaliland, xilli ay maanta bilaabatay dorashooyinka golaha deegaanka iyo golaha wakiillada. Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in dadka ay ka codeynayaan 2,709 goobood oo loo diyaariyay codbixiyayaasha . Dadweynaha ayaana safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u codeyn lahaayeen, iyadoo guud ahaan maanta ay xiran yihiin isku socodka gaadiidka galaya ama ka baxaya deeganada Somaliland . 552 musharax ayaa u tartamaya doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland halka 246 Musharax ay u taagan yihiin qabashada golaha wakiilada Somaliland . Doorashada ayaana ka qabsoomi doonta 23 degmo oo ka tirsan deegaanada Somaliland. doorashadaan ayaa noqoneysa middii todobaad oo ay dadweynaha u codeynayaan musharaxa ay rabaan kadib lix doorasho oo horay uga dhacday dhulka Somaliland . Somaliland Saddex doorasho oo Madaxweyninimo ayaa ka dhacday kuwaas oo ay dadweynaha codeyen , iyaga oo kala dhacay : April, 2003, June, 2010 iyo Nov 2017. Hal doorasho oo baarlamaani ah, oo ay dadka codeyeen ayaa horay u dhacday Sep, 2005 . Halka laba doorasho oo goleyaasha deegaan ka ah Somaliland ay horay uga dhaceen : Dec, 2003 iyo Nov, 2012. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Irbil (Caasimada Online) – Wargeyska Washington Post ayaa qoray in koox Iran ku xiran ay awood u yeelatay inay beegsato xarun qarsoodi ah oo ay leedahay CIA-da Mareykanka, ayaga oo adeegsanaya diyaarad drone ah, bishii April. Weerarka ayaa lagu qaaday xaruntan oo ku taalla magaalada Irbil ee is-maamulka Kurdistan ee dalka Iraq. Weerarkan oo kasii dari doona xiisadda gobolka ayaa muujinaya qorshe si taxaddar leh loo dejiyey iyo awoodda Iran iyo maleeshiyada ay taageerto ee Iraq ay xog ku heli karaan, kuna fulin karaan weerar. Iran ayaa awood u yeelatay inay diyaaradda Drone-ka ah usoo dirto Iraq, ururiso xog sirdoon oo ku saabsan dhismaha CIA-da oo ku dhex-yaalla xarun ay leeyihiin Mareykanka, kadibna qaaday weerarka oo si buuxda loola haleelay. Weerarka ayaa ka yaabiyey Mareykanka, sida lagu sheegay warbixinta, wuxuuna hoggaamiyey su’aalo ku saabsan sida ay Iran ku ogaatay xaruntan. Mareykanka kama jawaabin weerarka, wuxuuna isku dayey inuu qariyo. “Aqalka Cad aad ayuu cabsaday. Goobtu waxay aheyd mid qarsoodi ah, weerarkuna wuxuu ahaa mid aad u il-baxsan,” ayaa lagu yiri warbixinta Washington Post. Weerarka oo dhacay 14-kii April, balse la qariyey, ayaa ahaa kii ugu weynaa ee maleeshiyada Iraq ee ku xiran Iran ay ku qaadaan Mareykanka. Xarunta la weeraray ayaa la rumeysan yahay inay marti-gelineysay Taliska Howlgallada Garaka ah ee CIA-da, halkaasi oo lagu ururin jiray xogta sirdoon, lagana qaadi jiray howl-gallada CIA ay ka fuliso Iraq. Ka sokow weerarka, Mareykanka ayaa hadda ka walaacsan in Iran ay hayso xogta goobaha qarsoodiga ah ee CIA-da ay ku leedahay Iraq iyo gobolka, iyo heerka ay gaarsiisan tahay taknoolajiyadda casriga ah ee Iran ay u adeegsatay weerarka. The post Sidee Iran u awoodday inay weerarto xarun qarsodii ah oo ay leedahay CIA-da? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyaan liis ay ku qoran yihiin magacyada labatameeyo qof oo xubno ka ahaa Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka ee heer federal iyo heer gobol. Xubnahan ayaa ah kuwa lagu soo eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda, wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo taageerayaasha dowladda ee baraha bulshada ka aflagaadeeya siyaasiyiinta. Guddi ay Midowga Musharaxiinta u xil-saareen baaritaanka iyo turxaan bixinta guddigan ayaa shalay ku shiray Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isku raaceen tirada iyo magacyada xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga, iyagoo laga doonayo inay caddeymo u keenaan dadka la tuhunsan yahay. Marka ay guddiga musharaxiinta soo gudbiyaan liiskan, ayaa waxaa la wareegi doona guddiga heerka Wasiir ee uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo loo xil saaray xaqiijinta caddeymaha xubnahan cabashada laga keenay, iyagoo marka ay soo tala bixiyaan la wadaagi doona Ra’iisul Wasaaraha. Qoraal shalay kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shegay in magacaabista guddigan ay ku timid heshiiskii Muqdisho 27 bishaan ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo madax gobaleedyada dalka. Rooble ayaa maraya mid kamid ah tijaabooyinkii ugu adkaa ee lagu ogaan doono inuu dhex dhexaad ka yahay doorashada Soomaaliya oo ay ka go’an tahay inuu fuliyo heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay 27 Bishan, iyo inuu weli ka amar qaato madaxtooyada. Sida ku cad heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay, guda galista xalinta khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa ku eg maanta ay taariikhda ku beegan tahay 31 May 2021, waxaana qasab ku ah musharaxiinta inay soo gudbiyaan liiska xubnaha cabashada laga qabo. Fulinta qodobkaan la xiriira wax ka qabashada cabashada ka taagan guddiga doorashada ayaa noqon doonta mid lagu ogaan doono suurta-galnimada in doorashada ay ku dhacdo waqtiga lagu heshiiyey oo ah muddo 60 maalmood ah, waxaana dib u dhac kasta oo yimaada uu sii durjin karaa waqtiga doorashada. The post Xog: Midowga Musharaxiinta oo maanta R/W ROOBLE u gudbinaya liis xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Within the past year, refugee resettlement agencies have had to contend with anti-immigrant rhetoric during a contentious presidential election cycle, the fallout from a 2017 executive order banning refugees from countries like Somalia or Sudan — where most of Mankato’s refugees come from — to battling misinformation surrounding the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
People in Somaliland are hoping that Monday's elections will boost the breakaway republic's chances of gaining international recognition as an independent state, writes BBC Horn of Africa analyst Africa Mary Harper. Source: Hiiraan Online
-
Former Prime Minister and ODM leader Raila Odinga is safe after a helicopter crashed in Siaya moments after dropping him. Source: Hiiraan Online
-
Wargelin cusub oo Komishanka Doorashooyinku soo saaray Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in xayiraad la saaray isu-socodka gaadiidka afarta subaxnimo ee Caawa ilaa lixda fiidnimo. Waxaana lagu adkeeyay in ay shacabku u hoggaansamaan go’aanka guddida, isla markaana ay ku siin dhawaadaan goobaha ay codadka ka dhiibanayaan. Qaran News
-
Somaliland Oo xidhay xuduudaha, Cirka, Dhulka iyo Badda+Sababta War qoraal oo ka soo baxay xafiiska ciidama booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in la joojiyay isu-socodka gaadiidka guud ahaan noocyadooda kala duwan. Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in la xidhay dhammaan xuduudaha Cirka, dhulka iyo badda. Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland ayaa u dhigna sidan “Ciidanka Booliska Somaliland wax ay la socod siinayaan guud ahaanba shacabka Somaliland in la joojiyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka kala duwan, isla-markaasna ay xidhan yihiin xududaha Dhulka, Cirka iyo Badduba, laga bilaabo caawa 3:00am illaa 6:00-pm ee 31-ka May. Kaliya waxa dhaq-dhaqaaqa loo ogolyahay haadiidka haysta ruqsadda lambarka Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Waxa lagu adkaynayaa laamaha ammaanku inay si buuxda u fuliyaan awaamiirtaas kor-ku-xusan ciddii ka hor timaada gacan bir ah ku qabtaan” Qaran News
-
Isbeddel lama filaan ah oo ka muuqda xidhiidhka Qatar & Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegay in ay jirto raja muujineysa in laga gudbayo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya Isutagga Imaaraatka Carabta, kadib dhowr jeer oo wadahadallo ay yeesheen labada dal si meesha looga saaro madmadowgii ku dhex jiray. Saudi Arabia ayaa bishii January ku dhawaaqday heshiis lagu dhammeeynayo khilaafkii keenay in boqortooyada, iyo dalalka Imaaraatka, Masar iyo Bahrain ay xiriirka Qatar jaraan 2017-kii iyagoo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada, eeddaas oo ay Qatar beenisay. Diblumaasiyiin iyo ilo wareedyo ku sugan gobolka ayaa sheegay in Riyadh iyo Qaahira ay si ka dhakhso badan dalalka Imaaraatka iyo Baxreyn dib ugu dhisayaan xiriirkii ay la lahaayeen Doha. Wasiirka Arimaha Dibada ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa wareysi la baahiyay Jimcihii oo uu siiyay telefishanka Al Araby ee fadhigiisu yahay U.K waxa uu ku sheegay in horumar wanaagsan laga gaaray wadahadalladii kala dhexeeyay Sacuudiga, oo uu dhowaan booqday amiirka Qatar iyo Masar, oo uu Sheikh Mohammed asbuucii hore wadahadallo kula soo yeeshay madaxda dalkaasi. Waxa uu sheegay in Qatar ay labada dal kala hadlayso iskaashi dhaqaale. Qaran News
-
Somaliland Situated along the Red sea in East Africa, Somaliland has an estimated population of 4 million people. The country is known to have great stability among the African countries. Somaliland is admired all over the globe for its democratic practices over the past 30 years. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka oo maanta ka bilaabanaya deegaanada Somaliland ayaa rumeysan in hogaanka Soomaalida u baahan yahay isku-tashi. Muusi Biixi ayaa sheegay in faragelinta ay Soomaaliya ku hayaan hey’adaha iyo dowladaha adduunka ay sabab u noqotay in Soomaaliya ay gaari weyso wax horumar ah, isagoo xusay inaysan Soomaaliya marxaladaan ka gudbi karin illaa ay isku tashato sida uu hadalka u dhigay. “Hay’addaha waxa la yiraahdo waxay noo keeneen in ay maskaxda naga duleystaan, in aan isku kalsoonaan weyno, in nala kala wareysto, waa waxyaabaha Afrika in badan oo badan qaribay. Haddii deeq ay wax tareyso, haddey lacag wax tareyso, haddey ciidamo ajnabi wax tarayaan dowladdaa Muqdisho ka dhisan bay wax tari lahaayeen 30-sano ayaa lagu kala dhex-jiraa, waxaan qabaa haddii kaligood go’aan gaari lahaayeen in ay heer gaari lahaayeen,” ayuu ka yiri shir jaraa’id. Somaliland ayaa 1991-dii waxay ku dhawaaqdey in ay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale. Hase ahaatee, waxay ku guuldareysteen in ay tan iyo waqtigaas helaan aqoonsi kaga yimaada Beesha Caalamka. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka maamulkisa ugu baaqay in ay yeeshaan talo midaysan maalmaha doorashada si cududoodu u midowdo. Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimada doorashada laga leeyahay ay tahay in la helo bulsho wax wada leh oo midaysan. “Golihi wakiilada waxa iskugu imaanaya dad ay soo xuleyn gobolada oo dhan, dowladaha hoosena waxaa iskugu imaanaya dad ay soo xuleen dagmooyinka iyo tuulooyinka oo iskugu imanaya caasimaddii dagmada” ayuu yiri. “Waxaynu helaynaa talo midaysan, markay taladu midowdana xoogeeniba midoobaya oo wax baynu wada yeelanaynaa, waxa baxaya colaadii iyo kala shakigii” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Baaqa madaxweynaha ayaa u jeedkiisu yahay sidi doorashooyinka si nabada loogu gali laha isla markaana loo yarayn laha khilaafka iyo is maan dhaafka. The post Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay dowlado iyo hay’ado dhibaato ku haya Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Lix qof oo lagu dilay hoobiye ku habsaday xaflad aroos Ugu yaraan lix qof oo rayid Afghani ah ayaa la dilay tiro kalana waa la dhaawacay kadib markii hoobiye uu ku habsaday guri ay ka socotay xaflad aroos, sidaasina waxaa Axadda maanta ah sheegay saraakiisha amniga. Qaraxa oo dhacay fiidnimadii Sabtida ayaa ka dhacay degmada Tagab ee waqooyiga gobolka Kapisa, halkaasi oo ay ka dhacaan dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Afghanistan iyo kuwa Taliban. Afhayeenka booliska gobolka, Shayeq Shoresh, ayaa ku eedeeyay kooxda Taliban in ay soo gantay hoobiyaha, wuxuuna intaa ku daray in ugu yaraan lix qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur la dilay halka afar kalena la dhaawacay. Laakiin sarkaal sare oo ka tirsan waaxda amniga ee Kabul ayaa tirada dhimashada ku sheegay ugu yaraan 10 qof, iyo 18 dhaawac ah. Afhayeen u hadlay Taliban ayaa eedda iska fogeeyay waxaana uu sheegay in hoobiyaha ay tuureen ciidamada amniga. Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo geba-gabeeyay safarkiisi Muqdisho, kadib markii heshiis rasmiya laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Madaxweyne Deni, ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa in uu dib ugu soo laabto Puntland, islamarkaana uu guda-galo wax ka beddelka xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka heer Federaalka. Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho lagu saxiixay ayaa qodob kamid ah qeexayay in isbeddel lagu sameeyo xubnaha ka tirsan guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo cabasho laga muujiyay. Xubnaha cabashada laga muujiyay ayaa u badan shaqaale ka tirsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo loo arko in aysan dhex-dhexaad noqon karin. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta dib ugu laabanaya Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Dadweynaha Somaliland ayaa saacado kadib u dareeraya codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo dhacaya maanta 31 May 2021. Doorashada waxaa u diiwaangashan dad ka badan hal malyan (1,065,846) iyadoo codadka laga dhiiban doono 2,709 goobood, waxaana ku tartamaya 552 musharax oo golayaasha deegaanka ah iyo 246 oo ah golaha wakiillada, kuwaas oo ka kala socda saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani. Haweenka oo Baarlamaanka Somaliland ee hadda jira ku leh hal xubin ayaa doorashadan rajeynaya in ay helaan tiro in taas ka badan, waxayna sameeyeen olole loogu magacdaray ‘Hiil Haween’ waxaana maanta u tartamaya musharaxiin dhowra. Doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee Somaliland waxaa goob-joog ka ah 30 kor-jooge oo ka socda 10 dal oo kamid ah qaaradda Afrika. Isu socodka gaadiidka Somaliland ayaa la joojiyay laga bilaabo 4:00am subaxbimo ilaa 6:00pm fiidnimo, marka laga reebo kuwo guddiga doorashada. Golaha Wakiiladda Somaliland Golaha Wakiiladda Somaliland ee hadda jooga waa 82 xubnood waxaana la doortay bishii sagaalaad 2005, waxay ahayd in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo ku ekeyd 2010, laakiin waxaa muddo kordhin loo sameeyey lix jeer, oo u dhiganta 12 sano oo kordhin ah. Markii ugu horeysay waxaa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013. Markii labaad waxaa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015. Markii saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017. Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo iyaduna kaga beegan 28/4/2019. Markii shanaad ayaaa loo kordhiyey 28/4/209 kagana ekeyd 12/1/2020. Markii lixaad-na waxaa loo kordhiyey labo sanadood oo ka bilaamaysay 12/1/2020, kuna eg 12/1/2022. Golayaasha deegaanka Somaliland Sagaashamaadkiii degmooyinka Somaliland waxaa maamuli jiray guddoomiyeyaal iyo ku xigeeno ay soo magacawdo dawladda dhexe, balse sanadkii 2001 ayaa shacabka Somaliland u codeeyeen dastuur cusub oo dhigaya in degmo walba doorato gole deegaan oo iska dhexdoorta guddoomiye iyo ku xigeen. Golayaasha deegaanka ee hadda jooga degmoooyinka Somaliland ayaa la soo doortay sannadkii 2012-ka, waxaana shantii sanno ee la doortay ay ku ekayd sannadkii 2017kii, waxayna joogaan 5 sano oo dheeriya. PUNTLAND POST The post Warbixin: Doorashooyinka isku sidkan ee maanta ka dhacaya Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Berbera, (Qarannews)-Isku Dhaca Laba Baabuur Oo Midi Bus Yahay Siday Dad Usocday Codaynta Doorashada Gobolka Saaxil Iyo Gaadhi Yar Oo VITZ Ama Dukhaana Oo Usocday Dhinaca Hargeysa Ayaa Waxa Ku DhintayAlle aha Unaxariistee Afar Qof Oo Saarnaa Gaadhiga Yar Ee Vitz Ah Halka Ay 4 Ruux Oo Baska Saarnaana Dhawaacyo Soo Gaadheen Dhamaan Meydadka Dadka Dhintay Iyo Kuwa Dhawaaca Ah Ayaa la Keenay Cisbataalka Berbera . Gaadhiga Buska Ah Ayaa Dad Kooban Oo Tobaneeyo Ah Sida Dadka Intii Kalena Tuulooyinka Soo Dhigay Sida ay Ii Sheegeen Dadka La Shaqaynaya Musharixiinta Ay Uyimaadeen. Afarta Ruux Ee Dhintay Oo Kamid Ahaa Shaqaalaha Dekeda Berbera Ee DP World Ayaa Kala ahaa Marxuum Cabdillahi Mugabe .Marxuum Mahdi Cumar Marxuum Aamin Xabsi Iyo Maxamed Xasan Shilka Ayaa kadhacay Meel Masaafo Kooban Ujirta Kaantaroolka Galbeeka Berbera. Qaran News
-
Dowladda Britain ayaa shaacisay qorsheyaal si degdeg ah dib u dejin loogu sameynayo boqollaal qof oo Afghanistan u dhashay, kuwaas oo la soo shaqeeyay militariga Britain iyo dowladdooda, badankoodna waxay ahaayeen tarjumaanno. In ka badan 3,000 oo Afghanistan u dhashay iyo qoysaskooda ayaa la filayaa in loo oggolaado in ay ku noolaadaan UK, iyadoo ay hore dalkaasi u joogeen illaa 1,300 oo kale. Go’aankan ayaa imaanaya xilli loo baqayo ammaankooda maaddaama ciidamada caalamiga ah ay isku diyaarinayaan in ay isaa baxaan dalkaas. Xoghayaha Difaaca UK, Ben Wallace, ayaa sheegay inay “sax tahay” in la dedejiyo qorshooyiinka. Wuxuu intaas ku daray in dadka dib u dejinta loo sameynayo ay yihiin kuwa khatarta kala kulmaya kooxda. Arrinta ayaa ahayd walaac taagan, tan iyo markii ciidamada Britain ay soo afjareen howlgallo ay ka wadeen gobolka Helmand, sannadkii 2014. PUNTLAND POST The post Dowladda Ingiriiska oo dib u dejin u samaynaysa boqolaal qof oo u dhashay Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka arrimaha dibedda ee Israel Gabi Ashkenazi ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tegay magaalada Qaahira si uu dhiggiisa Masar Sameh Shoukry ugala hadlo abuurista xabad joojin rasmi ah oo u dhaxeysa Israel iyo Hamas oo maamusha Gaza. Ashkenazi oo bartiisa Twitterka ku qoray farriin afafka Carabiga, Ingiriis iyo Hebrew ayaa sheegay in safarkiisa Qaahira uu yahay “booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee wasiir arrimo dibadeed Israeli ah oo ku tago muddo 13 sano ah”. Masar ayaa horraantii bishan kaalin muhiim ah ka qaadatay xabad joojinta u dheeysa Israel iyo Hamas, taasi oo soo afjartay dagaal socday 11 maalmood. Saraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka Masar ayaa Axadda maanta ah u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP in hogaamiyaha Hamas Ismail Haniyeh uu isna wadahadal u iman doono magaalada Qaahira laakiin ma aysan bixin tafaasiil dheeri ah. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel oo booqday Qaahira appeared first on Puntland Post.
-
Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya waa xilligan 2021 waxaa ka mida laba musharax oo aan la kala saari karin, taariikhdana ku galay inay ahaayeen madaxweyne iyo Ra’iisal wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee isla soo shaqeeyay. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si lama filaan ah ku noqday Madaxweynaha Soomaaliya 8-dii Febraayo 2017, wuxuu isna si lama filaan ah 15 maalmood kadib Ra’iisal wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre, waxayna wada shaqeeyeen 3 sano iyo Bar ku dhowaad ilaa markii danbe khilaaf siyaasadeed uu Golaha shacabka xilka ka qaaday Xasan Cali Kheyre 26 July 2020. Farmaajo wuxuu mar si cad u sheegay inuu keenay Ra’iisal wasaare isaga ka fiican, waxaana u muujiyey kalsooni xad dhaaf ah ilaa uu xaaladda gaarsiyey inuu waxqabadkiisa ka mid yahay Ra’iisal wasaare iyo Madaxweyne isla dhammeysanaya xilliga 4-ta sano ah. Xasan Kheyre iyo Maxamed Farmaajo waxay wadeegeen wax kasta oo dowladii ay hoggaaminayaan ku kacday oo waxqabad, fashil, horumar ama dib u dhac ah, iyadoo aan la kala saari karin waxqabadkooda iyo eedaha ay galeen oo ay ugu horeyeen dhiibistii Qalbi-dhagax, weerarkii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdshakuur iyo boobkii doorashooyinkii Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Farmaajo wuxuu sheegtaa dhammaan horumarradii laga gaaray dib u dhiska ciidamada, deyn cafinta iyo kordhinta dhaqaalaha iyo miisaaniyadda, balse taageerayaasha Farmaajo waxay jecel yihiin inuu qaado eedaha iyo tacadiyadii ay geysatay dowladii ay wada hoggaaminayeen Xasan Kheyre iyo Farmaajo; halka Kheyre jeclaan lahaa inuu kaliya ku olole galo horumarkii la gaaray. Xasan Kheyre waxaa cad inuu Farmaajo uga hor yimid arrimaha doorashada iyo muddo kororsi uu sii ogaa inuu Farmaajo sameynayo, laakiin uma diyaarsaneyn inuu wajaho madaxweynihii magacaabay ee ay siu dhowaayeen, waana tan keentay in si dhib yar looga takhaluso. Ma kala cadda, isaguma ma caddeyn Kheyre inuu uga hor yimid qorshihii Farmaajo isagoo rajo badan ka qabay inuu xilka kala wareegi karo haddii uu is sharxo iyo inay dantiisu ahayd dhowrista dastuurka iyo diidmada sharci darrada. Halka Qodob loo diiwaan geliyey inuu Kheyre uga duwan yahay Farmaajo ayaa ah inuu ka hor yimid muddo kororsi iyo doorasho ku shubasho ah oo Farmaajo kusoo noqda, laakiin waxaa dadka ku adkaan doonta sidii ay labadan musharax u kala saari lahaayeen marka la gaaro doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, haddii ay tartabka galaan iyagoo laba musharax ah. Xigasho: Goobjooge.net The post Farmaajo iyo Kheyre: Laba musharax oo leh waxqabad isku mid ah – Sidee lagu kala saari doonaa? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo isi-soo taraya oo aan ka heleyno xubno ka kala tirsan madaxtooyada Soomaaliya iyo wasaaradda warfaafinta ayaa sheegaya in Madaxwayne Farmaajo uu amar ku bixiyey in la bedelo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo dhammaan agaasimeyaasha warbaahinta Qaranka. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in caawa Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe uu ku amray in is bedel deg deg ah uu ku sameeyo dhammaan agaasimayaasha wasaaradda warfaafinta. Sida aan xogta ku heleyno saacadaha soo socda ayaa la qorsheeyey in lagu dhawaaqo is bedelka cusub ee uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha oo dhibsaday siyaasadda dhex-dhaxaadnimada ah ee mudooyinkii dambe ay qaadatay warbaahinta Qaranka ayaa la sheegay inuu Wasiir Dubbe ku amray in deg deg uu xilalka uga xayuubiyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Naasir Xuseen, Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, Agaasimaha TV-ga Qaranka Sharma’arke Maxamed iyo Agaasimaha wakaaladda wararka Qaranka ee SONNA Cabdiraxmaan Axmed. Dhawaan Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray xeer sheegayay in aan agaasimayaasha guud wax isbedel ah lagu sameyn karin, inta uu dalku ku jiro marxaladaan kala guurka ah. Haddii ay dhaqan gasho tallaabadan waxaa laga baqayaa in ay dhaliso xiisad siyaasadeed oo cusub, maadaama awoodda ugu badan ee ololaha doorashada soo socota uu noqonayo warbaahinta, gaar ahaan tan qaranka oo looga baahan yahay dhexdhaxaadnimo dhab ah. The post Xog: Farmaajo oo Dubbe siiyey amar xasaasi ah oo la xiriira warbaahinta qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinta berri ah ee 31-ka bishan May ay shacabka Somaliland u dareerayaan doorashooyinka isku sidkan ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka, ayaa waxaa hanaanka diyaar garowga doorashooyinkaas ka hadlay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiinta gobollada waqooyi ku metesha dowladda federaalka Soomaaliya. Ugu horeyn Mahdi Guuleed oo dhambaal hambalyo ah u diray shacabka iyo dowladda Somaliland, isla markaana ku amaanay biseylka dimuquraadiyadeed oo ay muujinayaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ee Koonfurta kula taliyey inay cashar ka bartaan doorashooyinka Samaliland. “Waxaa rabaa in aan u hambalyeeyo maalinta doorashada 31-ka May shacabweynaha Somaliland, sida dul qaadka, ilbaxnimada iyo waaya aragnimadu ku jirto oo ay ugu dareereen, ugu ololeynayeen in doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro ay ka wada qeyb qaataan,” ayuu yiri Mahdi Guuleed. Qiyaastii in ka badan hal Milyan oo qof ayaa berri u dareeraya goobaha cod bixinta, si ay u soo doortaan 246 Xildhibaan oo noqonaya golaha cusub ee wakiilada Somaliland, kuwaas oo u kala sharaxan seddaxda xisbi ee ka dhisan Somaliland iyo 521 xildhibaan oo noqonaya xubnaha golayaasha deegaanka Somaliland, waxaana ku loolami doona ilaa 767 musharax. 22-degmo oo ka tirsan deegaanada Somaliland ayaa la dhigay sanaadiiqda cod bixinta, iyadoo seddax kun oo goobood loo qorsheeyey inay ka dhacdo cod bixintu. “Waxaan leeyahay nabad ku codeeya isku dul qaata, doorashadu waxay wax u tartaa dareenka dadka, waxayna ku hoggaamisaa in qofku fikirkiisa uu six or ah u dhiibto, isla markaana uu doorto mas’uulka uu is leeyahay waa istaahilaa inuu ku metelo,” ayuu yiri. Ugu danbeentii Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa bulsha weynta Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay cashar ka bartaan bulshada Somaliland, isla markaana doorashada sanadka 2025-ka ay si xor ah u soo doortaan xildhibaanka ay doonayaan. “Walaalaha koonfuteed waxaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan sida xorta ah, oo xalaasha ah, oo qofka muwaadinka ah uu codkiisa u dhiibankarayo, doorashada 2025-ka ee soo wajahan waxaan rajeynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay xaq u yeeshaan in xildhibaanka ay doonaan doortaan, oo madaxdooda doortaan, si taladana shacabweynaha Soomaaliyeed dib loogu celiyo,” ayuu yiri Mahad Guuleed. Hoos ka daawo The post Daawo: Mahdi Guuleed: Reer Koonfureedka cashar ha ka bartaan Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta kulan xog-waraysi ah la yeeshay safiiro, dublomaasiyiin iyo saraakiil sare oo ka socday, dalalka midowga Yurub, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub Amb Nicolas Berlanga. Kulanka ayaa lagu lafa-guray geedi-socodka doorashada isku lammaan ee dalka beri ka dhacaysa, diyaar garowga hay’adda garsoorka jamhuuriyadda Somaliland ku jirto iyo doorka ay ku leedahay soo af-jarida cabashooyinka iyo dacwadaha soo gaadha. Ugu horayn waftiga oo ka koobnaa 25 xubnood oo ka kala socday dalalka Denmark, Sweden, Germany, Britain iyo Ururka Midowga Yurub, ayaa hay’adda garsoorka dalka ku amaanay kaalinta firfircoon ee ay kaga jiraan hawlaha qaranka, gaar ahaan arrinta doorashada ee hadda taagan. Waxaanay ka waraysteen diyaar garowga hay’adda garsoorku ugu jirto arrimaha taagan iyo sida ay u xalinayso haddii ay cabashooyin ama dacwado soo gaadhaan. Guddoomiyuhu waxa uu sharaxaad ka siiyay waftiga nidaamka la raacayo haddii ay cabashooyin yimaadaan iyo ahmiyada uu leeyahay xeerka doorashadu, waxaanu hoosta ka xariiqay in dhawaan tababar iyo aqoon is waydaarsi loo qabtay guddoomiyayaal, garsoorayaal, Xeeri-ilaaliyaal iyo hawl-wadeeno kale oo ka kala yimid dhammaan gobolada dalka si looga taxadaro culays kasta oo ay keeni karto doorashadu. Ugu danbayna waxa uu la wadaagay waftiga in diyaar garow fiican hay’adda garsoorku ka samaysay arrimaha taagan, kalsooni badana ay ku qabaan dhinacyada ku loolamaya doorashadu, isagoo xusay in shirar xogwaraysi, oo is-daba-joog ah ay ugu yimaadeen daneeyayaasha doorashooyinka ee ay ka mid yihiin guddida doorashooyinka, guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadke ee KDQ, Ururada Saxaafada, Ururada bulshada iyo qaar ka mid ah Korjoogayaasha caalamiga ah, kuwaasi oo dhammaantood lagu xoojinayo hufnaanta doorashada. Qaran News