Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Guurtida oo Cod Gacan taag ah ku Aqbalay mudane u soo Gudbiyay warqadii Iscasilaada. Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa cod gacan taag ah ku aqbalay warqadii iscasilaada xildhibaan C/rashiid Xaashi Cabdi Shiil oo dhawaan maxkamada sare ee Somaliland u dhaarisay xilka iyo xubinimada golaha guurtida, kaas oo soo galay booskii ALLE haw naxariiste walaalkii Marxuun Axmed Xaashi Cabdi Shiil.Mudanuhu waxa uu sheegay in uu xilkan u banneeyay sababo isaga u gaar ah. Golaha ayaa cod gacan taag ah ku aqbalay iscasilada xildhibaan Cabdirashiid.Ku darsoo Taariikhda Golaha Guurtida waa xildhibaabkii labaad ee iska casila Golahaas. Qaran News
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta u codeeyay wax ka badal ay lagu sameeyay xeer-hoosadka golahaas ee ku saabsan mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha golaha. Xeer-beddelka la sameeyey ayaa lagu go’aamiyey in mooshinka xilka ka qaadista ay tahay inay u codeeyaan ugu yaraan 44 xildhibaam, halka markii hore ay ka aheyd 34 xildhibaan. 52 Xildhibaan oo fadhiga xaadirtay waxaa Ansixinta Xeerkaan u codeeyay 38-Xildhibaan, 10 ayaa diidan halka ay ka aamuseen 4-kale sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Ansixinta xerkaan ayaa waxay ka dhigan tahay in madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha barlamaanka ay ka siman yihiijn codadka ay xilalkooda ku waayi karaan haddii mooshin lagasoo gudbiyo. Madaxweynaha ayaa markii hore codadka looga qaadi karo xilka ahaayeen 44, balse hadda waxaa sidoo kale lala soo simay guddoomiyaha baarlamanka. Codadkan waxay u dhigan yihiin labo meelood oo kamid ah tirada xildhibaanada barlamaanka Puntland oo ah 66 mudane. Wax ka badalka Xeer Hoosaadkaan waxaa soo Gudbiyay Guddiga Shuruucda & Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Puntland, Aqrin kadib Golaha Wakiilada ayaa loo qaybiyay ugu dambeyn maanta u codeeyay. Waa markii ugu horaysay oo barlamaanka uu wax ka bedel ku sameeyo xeerka awoodaha guddoonka barlamaanka. Waxaa la aaminsan yahay in uu xeerkaan adkayn doono in guddoomiyaha barlamaanka si fudud xilka looga qaado sida horey u dhacday. Tan iyo markii la aas-aasay maamul goboleedka Puntland, inta badan guddoomiyayaashii barlamaanada ee soo maray waxay la kulmeen mooshin xilka looga qaadayay, iyadoo loo aaneenayay inuu ka yimid dhinaca madaxweynaha markaas joogay. Waxaa ugu dambeeyay guddoomiyihii barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-daareed, kaasoo todobadii bishii November ee sanadkii 2019 xilka looga qaaday mooshin lagasoo abaabulay madaxtooyada Puntland, sida uu isagu sheegay. The post Mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamanka Puntland oo lala simay kan madaxweynaha maamulka appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeeshen Safiirkeeda u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraalka kooban oo kasoo baxay Safaaradda Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynihii hore uu Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani la wadaagay mahadnaq ku aadan kaalinta uu Imaaraadka ka qaatay dib-u-dhiska dalka Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa dowladda Imaaraadka ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixineyso dib-u-dhiska Soomaaliya, isagoona xoojiyey xiriirka labada dal iyo xiriirka shacab ee soo jireenka ah. “Waxa uu la kulmay Mudane Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani , Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu mahad-naq iyo bogaadin ugu jeediyay dowladda Imaaraadka kaalinteeda taageerada dib-u-dhiska Soomaaliya, wuxuuna xoojiyey xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacabka walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. التقى سعادة/ محمد أحمد العثمان سفير الدولة لدى جمهورية الصومال الفيدرالية ، مع الرئيس الصومالي السابق حسن شيخ محمود ، واللذي قدم شكره وتقديره لدولة الإمارات على جهودها في دعم إعادة بناء الصومال، مؤكداً على العلاقات الأخوية التاريخية بين البلدين والشعبين الشقيقين. pic.twitter.com/sL3PP4hhMW — UAE Emb in Mogadishu (@UAEEmbassyMog) July 4, 2021 Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kamid ahaa dowladihii sida adag uga horyimid muddo kororsigii fashilmay ee gadaal ka riixeysay Villa Somalia, wuxuuna hormuud u ahaa wadamo si adag u cambaareeyay falal amni daro oo kal hore ka dhacay caasimada dalka, kuwaasi oo ka dhashay khilaafkii doorashada. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe mad-madow badan ka jiray, ayada oo dhowr jeer ay dowladda federaalka si adag uga hortimid qoraalo kasoo baxay Imaaraadka oo ku aadana xaalada dalka. The post IMAARAADKA oo war kasoo saaray kulan dhex-maray Xasan Sheekh iyo safiir Al-Cusmaani appeared first on Caasimada Online.
  4. Somali Journalists Syndicate (SJS) is concerned about the denial of access to information by the health authorities at federal and state level, violating national and international law’s obligations on access to information and public health and derailing efforts to raise public awareness to save lives and giving opportunity to disinformation and fake news to flourish. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu todobaadkan diiradda saaray waddaniyadda, isaga oo mar weerar ku qaaday qabyaaladda sida maalintii 1-da Luulyo oo uu yiri “Dalkan waxaa isku haysta dad ma aha, labo afkaar ayaa isku haysata waddaniyadda iyo qabyaaladda” iyo sabtidii shalay uu ku sheegay madaxweyne Aadan Cadde “Inuu ku adkaa mabaadii’da ama afkaartii SYL, oo ahaa in midnimada la adkeeyo, waddaniyadda la xoojiyo, sharafka iyo karaamada ummadda inaysan gorgortan gelin, qabyaaladda laga fogaado”. Haddaba, Goobjoog News ayaa isbarbardhig ku sameysay illaa 10 mowqif oo labada madaxweyne soo maray iyo sida ay uga kala jawaabeen, waxaana kale oo aan ogaan-doonnaa in Farmaajo uu raacay raadkii madaxweyne Aadan Cadde iyo in kale. 1. Kala hadlidda: Madaxweyne Aadan Cabdulle weligii kalama hadal, waxaana lagu xusuustaa mowqif mid ah illaa uu ka geeriyooday 2007-dii, halka madaxweyne Farmaajo buuggiisa Master-ka uu madaxweyne Aadan Cadde ku tilmaamay mid u shaqeyn jiray, daacadna u ahaa Talyaaniga, isaga iyo ra’isul wasaarihiisa Cabdirarashiid Sharma’arke, isaga oo intaa raaciyey in nidaamkaas uusan isbeddelin illaa uu yimid Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal 1968-kii. 2. Halganka: Madaxweyne Aadan Cadde waxaa uu SYL ku biiray sannad kaddib markii la aasaasay, isaga oo wakiil uga ahaa Baladweyn, xorriyadda ka hor waxaa uu hoggaaminayey dhaq-dhaqaaqan 1954-1960-kii halka Madaxweyne Farmaajo aanu weligii qeyb ka noqon halgan ama dagaal ka dhan ah shisheeye ama xataa mid lagu diiddan yahay keligii talis. 3. Midnimada: Madaxweyne Aadan Cadde waxaa uu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya iyo aabaha midnimada labada qeyb ee koonfurta iyo waqooyiga isaga oo dhidibada u taagay jamhuuriyadda halka madaxweyne Farmaajo uu 4 sano cunaqabeyn ku hayey Hargeisa sida uu todobaadkan sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaa intaa dheer waxaa uu ku guul-dareystay inuu dhaqaajiyo wada hadaladda labada dhinac, waxaa uu sidoo kale baabi’iyey federalism-ka. 4. Qabyaaladda: Madaxweyne Cabdulle Cismaan waxaa lagu xusuustaa inuu necbaa qabyaaladda, lana dagaalay intii uu madaxweynaha ahaa iyo kaddibba, weligiina kama qeyb qaadan hawlo qabiil, isaga oo si deggan ugu noolaa beertiisa laakiin madaxweyne Farmaajo waxaa uu Gedo oo reerkiisu deganaa darteed u sameeyey wax walba isagoo arrintaas darteed khatar u geliyey dalka iyo xataa naftiisa. 5. Itoobiya: Madaxweyne Cismaan Daar waxaa uu ahaa hoggaamiyaha billaabay dib u xoreynta dhulka Soomaali galbeed, waxaa uuna gumeystaha Itoobiyaha la galay dagaalkii 1964-tii halka Farmaajo uu 4-tiisa sano saaxiib la ahaa hoggaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, 4 dekad u saxiixay June 16, 2018-kii, waxaa intaa dheer sida ay todobaadkan sheegeen Mareykanka waxaa hadda gudaha Itoobiya ku sugan ciidamo Soomaali ah oo difaacaya regime-kaas. 6. Dimoqoraaddiyadda: Madaxweyne Adan Cadde waxaa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey Afrika ee si dimoqraaddi ah inta doorasho looga adkaaday, haddana si xor ah u wareejiya xilka halka madaxweyne Farmaajo 12-kii April ee sannadkan uu 2 sano iskiisa ugu darsaday, isaga oo bil kaddib ka laabtay markii ay ku gadoodeen ciidamada xoogga dalka iyo beelaha Xamar. 7. Dib u Heshiisiinta: Madaxweyne Aadan Cadde waxaa xiray Siyaad Barre, markii la soo daayey ma sameyn aargudasho ee wuxuu siin jiray naseexo, waxaa uuna ka mid ahaa saxiixayaashii manifesto iyo dadkii ka qeybgalay shirarkii dib u heshiisiinta Djibouti ee June iyo July ee lagu doortay madaxweyne Cali Mahdi Maxamed halka madaxweyne Farmaajo uu 6-dii bil ee tagtay uu labo jeer ka kacay shirarkii isaga iyo maamul goboleedyada, inkasta oo uu hore u dhahay waxaan noqon nabaddoon laakiin waxaa uu 4 sano ku dhammeystay xasillooni darro uu gacmihiisa ku keenay. 8. Dal Jaceyl: Madaxweyne Aadan Cadde markii uu xilka ka degay, inkasta oo lagu dhibay dalka gudahiisa, oo labo jeer uu Maxamed Siyaad xiray, qax iyo dagaallo ku dul dhaceen, haddana dalka kama bixin, oo waxaa uu ku noolaa beertiisa Jannaale halka Farmaajo oo dowladda u dirtay safaaradda Mareykanka 1985-tii si uu halkaas uga shaqeeyo uu diiday inuu Soomaaliya dib ugu soo noqdo, iskana dhiibay magangalyana weydiistay Mareykanka halkaas uu deganaa illaa uu madaxweyne ka noqday 2017-kii. 9. Xisbi: Madaxweyne Daar waxaa uu ahaa nin rumeysan nidaamka xisbiyada badan halka Farmaajo uu illaa hadda sameynsan la’yahay xisbi siyaasi ah. 10. Xasillooni La’aan Siyaasadeed: Muddadii uu madaxweynaha ahaa Aadan Cadde waxaa ay dadku ogaayeen meesha loo socdo, doorashooyin iyo qoray isu-dhiib siyaasadeed laakiin hadda oo Farmaajo aanu weli kursiga banneyn, waxaa dalka ka jira xasillooni darro siyaasi ah, lamana oga sida ay wax noqon doonaan doorashada October 10. W/Q: Cabdiaziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cusub Oo Lagu Magacaabo Cabdirashiid Xaashi Cabdi Oo Dhawaan Maxkamadda Sare Ay Dhaarisay Xilkaaa Ayaa Maanta Warqadiisi Is Casilaada Golaha Guurtida U Gudbiyay . Golaha ayaa cod gacan taag ah ku aqbalay iscasilada xildhibanka. Taariikhda Golaha Guurtida waa xildhibaabkii labaad ee iska casila Golahaas. Source
  7. A Philippine Air Force plane with 92 soldiers and crew members aboard crashed on the southern island of Jolo on Sunday, officials said. At least 17 people were killed, and it was feared that the toll would climb. Source: Hiiraan Online
  8. John Maxwell was right: "Everything rises and falls on leadership." And at the peak of Somalia's colossal predicaments, it is a numbing example of an appalling failure of leadership. Indeed, for more than half a century after gaining its independence, the nation appears Source: Hiiraan Online
  9. Baarlamaanka Puntland ayaa maanta meelmariyay talo uu hory u soo jeediyay guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaaday Cabdixakiin Dhoobo Daareed, oo ahayd in simo awoodaha madaxda sare ee Puntland. Golaha ayaa u codeeyay in guddoonka Baarlamaanka ay ridi karaan saddex milood labo meelood (2/3) tirada xubnaha Golaha, halkii ay horay u ahayd kala bar iyo hal (1/2+1 ) tirada Golaha. 34 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ogolaaday qaraarkan, waxaana diiday10 mudane, halka ay ka aamuseen 4 mdane. Qaraarkan ayaa sidoo kale dhigaya in eedeynta guddoonka Golaha ay ogolaadaan ugu yaraan kala bar iyo hal (1/2+1 ) tirada Golaha Intii Puntland jirtay ayaa xilka laga xayuubiyay dhowr guddoomiye Baarlamaanka, waxaana ugu dambeeyay Dhoobo Daareed. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo simay awoodahah xilka qaadis madaxda sare appeared first on Puntland Post.
  10. Musharax Madaxweyne Soomaaliya Dr.Cumar Cabdukhadir Axmedfiq ayaa kulan sagootin iyo dhiirigelin caasimada Muqdisho ugu sameeyay xidigaha Xulka Qaranka Minifootboolka ee ka qeyb galaya tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka,kaas oo ku qabsoomaaya Wadanka Nigeria,kulanka oo ka dhacay caasimada Muqdisho waxaa kaqeyb galay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha,ciyaartooydii hore,xidigaha Xulka Minifootboolka,la taliyaasha dhinaca isboortiga iyo dhalinyarada Musharraax Cumarfiqi iyo marti sharaf kala duwan,waxaana dhinacyadii kulanka ka qeyb galay ay guul iyo natiijo wanaagsan u rajeeyeen Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya. “Musharrax Dr.Cumar Cabdukhadir Axmedfiqi dad badan ayaa la tartamaya,balse hadii aanu nahay ciayartooyda Xulka Minifootboolka waan ku garab taaganahay,waxaana kuu rajayanayaa guul iyo horomar ” ayuu sheegay kabtanka Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya Cabdullahi Cali Shiine (Geesey). “Musharrax Cumar AxmedFiqi ,waa musharraxii ugu horeeyay ee qaabila Xulka Qaranka Minifootboolka, hadii aanu nahay laacibiintii hore Soomaaliya guul iyo horomar ayaan u rajaynayaa” ayuu yiri Axmed Muuse oo ah ciyaaryahanadii hore Kubad Kolayga Soomaaliya. “Musharraxiiinta kale ee u tartamaysa jagada madaxweyanaha dalka waxay ku mashquulsanyihiin siyaasadda iyo arrimo kale,balse Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi, waan kaga mahadcelinayaa doorkiisa dhiirigelinta iyo garab istaagida Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya” ayuu yiri Maxamed Isaak Mooge oo ah garsoore heerka caalami Minifootboolka Soomaaliya. “Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi waxaan ka rajaynayaa in kaalin ka geysto horomarka Xulka Qaranka Minifootboolka” ayuu munaasabada ka sheegay weriye Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) oo ah maamulaha iyo Macallinka Kooxda Akadeemiyada Itaal ee ka dhisan magaalada Muqdisho. “Mudane Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi waxaan kaa rajaynaynaa in aad joogteeso dhiirigelinta ciyaartooyda Xulka Qarnaka Minifootboolka Soomaaliya ,balse laga bilaawo maanta odayaasha isboortiga adiga ayay ku garab taaganyihiin” ayuu munaasbada ka sheegay Saciid Jaamac Qorsheel oo horay u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiida iyo Hawada Soomaaliya,sidoo kalane u soo dheelay Xulka Qaranka iyo naadiga LLP Jeenyo. “Hadii aanu nahay Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Musharrax Madaxweyne Soomaaliya Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi, waxaan u haynaa abaal iyo sharaf waxaanse u rajayanayaa in uu ku guulaysto xilka uu ugu sareeya dalka” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle. “Waxaan garab taaganahay 100% waxqabadka iyo guulaha Xiriirka Minifootboolka iyo Xulka Qaranka kubad cagyaraha Soomaaliya ,waxaan inoo balan ah kulamo oo qiimo badan iyo guulo waaweyn oo aad ka soo hooysan tartanka Qaarada Africa ee Minifootboolka” ayuu warbaahinta u sheegay Musharrax Madaxweyne Soomaaliya Dr.Cumar Cabdukhadir Axmedfiqi. Daawo Kulankii Musharrax Fiqi iyo Xulka Qaranka Sidoo Kale Aqriso Wararka Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Ku Shaqaynaa Khibrada Odayaasha Isboortiga Dalka” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  11. The Sudanese government said deeply concerned about the recent developments in the northern part of Ethiopia in Tigray and called on all parties in the neighbouring country to use peaceful means to resolve their differences. The Tigray People’s Liberation Front (TPLF) fighters retook control of the Tigray region capital Mekelle on Monday 28 June, seven months after they withdrew from the city in November 2020. Following the dramatic turn, the Ethiopian government announced a unilateral humanitarian ceasefire but the TPLF rejected the truce saying they want the Ethiopian army and allied troops out of the region. In Khartoum, following a high-level meeting involving the head of the Sovereign Council, the Prime Minister, and the Foreign Minister, the transitional government issued a statement on the ongoing armed conflict near the Sudanese eastern border. “The Sudanese government is deeply concerned about the ongoing developments in Ethiopia, which may have a negative impact on regional stability, especially on neighbouring countries,” reads a statement released by the foreign ministry after the meeting. The Sudanese government vowed to work with the Ethiopian parties to settle the conflict and enhance Ethiopia’s unity. Khartoum further said it would work with the regional and international community to achieve peace in the neighbouring country. “The Sudanese government calls upon all parties in neighbouring Ethiopia to stop fighting, join the negotiating table, and to facilitate humanitarian access to all the needy population,” stressed the statement. The conflict in Tigray Ethiopia has driven over 60,000 refugees into impoverished eastern Sudan. The United Nations agencies and aid groups struggle to evacuate them from the border and provide them with shelter. The United Nations Security Council on Friday called on the TPLF to cease hostilities after the unilateral ceasefire announced on 28 June by the federal government. In a briefing to the Council, Rosemary Dicarlo, Under-Secretary-General for Political and Peacebuilding Affairs, said that issues “plaguing the country must be addressed in a comprehensive and sustainable way”. She, also, stressed that an inclusive ceasefire should not only “facilitate the provision of humanitarian aid, but also be a starting point for political efforts to chart a way out of the crisis”. Hamdok reacts Before the meeting, Prime Minister Abdallah Hamdok issued a statement to voice his support to the call for a ceasefire in Tigray by the Security Council. “I agree with the positions that were expressed (at the meeting) especially by the African member states of the Council regarding the consolidation of a comprehensive and permanent cease-fire, ensuring the delivery of humanitarian aid to the Tigray region and a comprehensive national dialogue Which does not exclude anyone in order to maintain the unity, security and stability of Ethiopia,” said the Sudanese premier. “For our part, Sudan will provide all support and assistance to the sisterly neighbour Ethiopia to overcome its current crisis,” he added. Source: Sudan Tribune The post Sudan deeply concerned by recent development in Tigray: statement appeared first on Puntland Post.
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in dagaallkaasi uu xoogiisa uu ka dhacay dhanka koonfureed ee duleedka magaalada Dhuusamareeb oo caasimad u ah Galmudug, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo qaatay, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in dagaalka u ka dhashay, kadib markii ciidamada dowladda oo howl-gallo waday ay gudaha u galeen deegaanada Tuula-xaadow & Cabdi Haaray, halkaas oo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, walow aan la ogeyn inta uu la’egyahay. Saraakiil ka tirsan ciidamada qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay dagaal ku qaadeen deegaanadaasi, xilli ay isku uruursanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fuliyo halkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay dagaalkaasi ku dileen ugu yaraan 15 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayna sidoo kale kasoo furteen hub badan, sida ay hadalka u dhigeen. Wararkii ugu dambeeyey waxay haatan sheegayaan in xaaladda duleedka Dhuusamareeb ay aad u kacsan tahay, iyada oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ka socday guluf ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shababa oo weli ku xoogan deegaano ka tirsan gobolladaasi. The post Ciidanka DF & Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Dhuusamareeb +Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  13. (SLT-Mekelle)-Magaalada Makelle ee Caasimada gobolka Tigray waxaa lagu soo bandhigay kumanaan mabaaxiis oo ka tirsan ciidammada Millatariga dowladda Itoobiya, kuwaas oo la sheegay in lagu qabtay dagaaladii u dhaxeeyay TPLF iyo Millatariga dalka Itoobiya. Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee caasimada Makelle ee lagu soo badhigaayay maxaabiistan. Maxaabiista qaar ayaa waxaa ka muuqday jidhkooda dhaawacyo kala duwan, waxaana la arkaayay qaarkood oo wajiyada hoos u fooraarinaayay iyaga oo hoos eegayay xiliga lasoo bandhigaayay. Soo bandhigista maxaabiistan ayaa imaaneysa xili magaalo madaxda gobolka Tigray ay dhawaan dib ula wareegeen dagaalamayaasha TPLF, waxaana xusid mudan in dagaalo aad u qaraaraa oo gobolkaasi ku dhexmaray militariga dalka Itoobiya iyo Jabhada TPLF inuu sababay barakaca ku dhawaad 2 Milyan oo ruux oo ku noola gobolka Tigray. Qabsashada markale TPLF gacantooda ugu soo laabatay caasimada Makelle ayaa muujisay awoodo ciidan ee dagaalka Jabhada TPLF kula jirto dowlada itoobiya. Source
  14. (SLT-Gaza)-Ciidamada Isra’iil ayaa Sabtidii nin Falastiini ah ku dilay Daanta Galbeed kaddibna diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ayaa weeraray bartilmaameedyo millatari oo ku yaalla marinka Gaza, sidaasina waxaa sheegay ciidamada iyo ilo wareedyo Falastiiniyiin ah. Waxay dhacdadan noqoneysaa tii ugu danbeysay tan iyo bishii May oo Isra’iil iyo Xamaas ay oggolaadeen xabbad-joojin. Ciidamada Isra’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay “duqeeyeen goob hubka lagu farsameeyo, lagana rido gantaalaha oo ay leedahay” waxa ay ugu yeedheen ururka argixisada ah ee Xamaas oo maamusha Gaza. Sida ay sheegayaan saraakiisha amniga iyo dad goobjoogeyaal ah, goobaha la duqeeyay ayaa ku yaalla galbeed magaalada Gaza, iyo dhanka koonfureed ee Marinka, mana jirto wax war ah oo sheegaya haddii uu khasaare nafeed ka dhashay. 11 cisho oo uu dagaal ka dhex socdau Isra’iili iyo Xamaas ayaa xababd joojin lagu soo afjaray 21-kii bishii May. Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay 260 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jireen dagaalyahanno, sida ay ku warrameen maamulka Gaza. Sidoo kale 13 qof oo Israa’iiliyiin ah oo u uu ku jiray askari ayaa ku dhintay gantaalo ay Xamaas ka tuurtay Gaza oo haleelay gudaha Israel sida ay xaqiijiyeen booliiska iyo ciidamada Isra’iil. Source
  15. Beledweyne (Caasimada Online) – General buukar Xaaji Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha golaha la magac-baxay Kacdoonka Hiiraan ayaa faah faahiyey dagaal u dhexeeyey maleeshiyaadkiisa iyo ciidamada dowladda oo saaka ka dhacay Beledweyne. Xuud oo wareysi gaar ah siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi uu geystay khasaare kala duwan, wuxuuna qiray inay dhankooda uga dhaawacmeen 2 askari. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka ka qarxay Beledweyne uu yimid, kadib markii sida uu sheegay looga baxay heshiis ay la galeen HirShabelle oo ahaa in shirar aysan ku qabsan karin magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay. “Dagaalka waxaa dhaliyay Hir-Shabeelle oo dhowr & toban Wasiir gelisay Magaalada si shir ay u qabsadaan, waxa ay ka baxeen heshiis ay nala galeen oo ahaa in aan kulan ama mas’uuliyiin kale imaan karin” ayuu wareysigan ku yiri Genaral Abuukar Xuud. Generaalkan ka gooday dooerashadii HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa ku goodiyey in haatan wixii ka dambeeya ay xabad ku wajahi doonaan maamulka HirShabelle. “Todobo bil ayaan wanaag & nabad raadineynay, dhinac waliba waa nalaga soo galay, waxa ay u muuqaataa in nala qasbayo balse ma aqbali doono, xal aan xabad ahayn kuma wajaheyno HirShabelle” ayuu markale sii raaciyay hadalkiisa. Xaaladda Belweyne ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq u dhexeeya labada dhinac oo ka socda gudaha magaaladaasi. Si kastaba xiisadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maanta la filayo in golaha wasiirada HirShabelle ay shir xasaasi ah ku yeeshaan magaalada Beleweyne oo bilihii u dambeeyey uu ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). The post General XUUD oo war kasoo saaray dagaalkii Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  16. Wararka naga soo gaarayo magaalada dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka uu dagaal u dhaxeeya ciidamada dowaldda iyo ururka al-shabaab uu ku dhex maray deegaan hoostaga magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug. Dagaalka ayaa bilawday kadib markii ay xubna ka tirsan al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen deeganada Tuula-xaayow iyo Cabdi-haaraay oo u dhaxeeya magaalada Dhuusamareeb iyo degmada ceeldheere. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, xilli ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug ay guullo hordhac ah ay ka sheegteen dagaalka . Wixii ku soo kordha warkaan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wasaaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa magacawday guddi heer qaran ah kuwaas oo ka shaqeeynaya Afsoomaaliga. Guddigan oo ah guddigi afaraad oo ka shaqeeynaya Afsoomaaliga ayaa waxa ay kooban yihiin xubna ka shaqeynaya horumarinta Afka iyo xeeldheerayaal dhaqan. Guddigan ayaa waxaa ka soo muuqday Abwaan Yuusuf Cabdulle Cusmaan oo loo garan ogyahay Abwaan Yuusuf Shaacir. Abwaan Shaacir ayaa waxa uu ka mid yahay hal-abuurada fanka Soomaaliyeed, isagoo ku sugan deeganada Somaliland. Somaliland ayeey xusid mudan tahay in marar badan lagu xiray dadka xilalka ka qabta Soomaaliya ama kuwa taageera Soomaaliya. Hoos ka akhriso magacyada Guddiga Source: goobjoog.com
  18. Waxaa maanta dalka mareykanka looga dabaal dagaya xuska markii uu Mareykanka xornimada ka qaatay dalka Ingiriiska, oo hadda laga joogo 245 sano. Mareykanka ayaa ka xoroobay gumeeystihii Ingiriiska Afartii july sanadkii 1776 oo ay soo wareegatay 245 sano, iyadoo Mareykanka uu hadda yahay dalalka ugu saaameynta badan dunida. George Washington ayaa noqday madaxweeynihii ugu horeyay ee uu yeesho dalka Mareykanka iyada oo uu xilka haayay intii u dhaxeeysay April 30, 1789 – March 4, 1797. Wixii xilligaas ka dambeyay Mareykanka ayaa waxaa soo maray 45 madaxweyne, Mareykanka ayaana hadda lagu tilmaama in ka mid yahay quwadaha adduunka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal uu ka qarxay bartamaha magaalada, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad taabacsan Janaraal Abuukar Xuud. Dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jabis, kadib markii ay gudaha u galeen maleeshiyaadka uu wato Xuud oo kasoo horjeedo HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday uu ka dhacay halkaasi, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyada hubeysan ee uu hoggaamiyo Janaraal Xuud. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli xiisad xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu salka ku hayo diidmada kooxda Janaraal Xuud ee ku aadan kulan ay maanta magaaladaasi ku yeelanayaan golaha wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle oo qaarkood shalay gaaray gudaha Beledweyne. Xuud iyo maleeshiyaadkiisa oo muddo ku sugnaa duleedka Beledweyne ayaa ka waday halkaas abaabul ka dhan ah HirShabelle, waxayna arrintu ka dartay markii madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi uu shaaciyey in shirka golaha wasiirada lagu qabanayo Beledweyne, taas oo uu ka biyo diidan yahay janaraalkan ka gadooday doorashadii HirShabelle. Si kastaba lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto iyo waxa laga filan karo HirShabelle oo golaheeda wasiirada ay maanta kulan xasaasi ah ay ku leeyihiin halkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal saaka ka qarxay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  20. Ciidamada Isreal ayaa markale weerar ku qaaday marinka Qaza, halkaas oo ay diyaaradaha yahuudda ka fuliyeen duqeymo. xukuumadda Tel Aviv ayaa sheegtay in ay tira gantaalla ah ay ku dhufatay warshad ay sheegen in lagu sameeyo hubka ay la hayeen ururka Xamaas ee difaacaya dhulka barakeysan. Bayaan ay soo saareen Yahuudda ayeey ku sheegen in bartilmaameedkoodu uu ahaa goobaha ay Xamaas saldhigyada ku leedahay. “Duqeyntu waxay ahayd mid jawaab u ah buufinta dabka lagu shiday dhulka Israel. IDF waxay sii wadi doontaa inay si adag uga jawaab celiso isku dayga argaggixiso ee ka imanaya Marinka Gaza, ”ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidamada Yahuudda. Dhanka kale Xamaas ayaa sheegtay in weerarka Isreal ay ka fulisay marin uusan jirin wax khasaaro ah oo dhankooda ka soo gaaray. Intii u dhaxeysay habeenkii Khamiista iyo aroortii hore ee Jimcaha, diyaaradaha dagaalka Israa’iil waxay duqeeyeen warshad hubka Xamaas ku leedahay Gaza. Sikastaba dhawaan ayeey aheyd markii ay xabad joojin ka dhaqan gashay marinka Qaza, kadib dagaallo qaraar oo dhex maray Yahuudda iyo Muslimiinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com