-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa xalay shaacisay liiska cusub ee xubnaha golaha degaanka degmada Bander-beyla ee gobolka Karkaar. Liiska oo ka kooban 23 xubnood waxa kamid ah 4 haween waxaana la filayaa in ay saaka doortaan guddoonka golaha ahna guddoomiyaha cusub ee degmada Bander-beyla. Guddoomiyihii hore ee Bander-beyla Siciid Aaden Cali Anteeno ayaan isagu kamid ahayn dadka u tartamaya xilka guddoonka golaha degaanka kadib markii uu tanaasulay. Dadka u tartamaya xilka guddoomiyaha Bander-beyla waxa haatan ugu cad-cad Cabdirashiid Yuusuf Cali Jaamac (Cabdirashiid Daacad) kaas oo la saadaalinayo in uu ku guulaysto guddoomiyaha degmada. PUNTLAND POST The post Yaa loo saadaalinaya guddoomiyaha cusub ee degmada Bander-beyla? appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa shegaya in xalay uu dab xooggan ka kacay guri ku yaallo magaalada kaas oo sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed. Dabkan ayaa ka kacay xaafadda laynka booliska ee magaalada Hargeysa waxa uuna sababay dhimashada laba carruur ah iyo bur burka hanti guri. Ciidamada dab damiska magaalada oo gaaray goobta uu dabka ka kacay iyagoo ku guleeystay in ay damiyaan dabka. Carruurta ku geeriyootay dabka ayaa la sheegay in uu dhalay askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab. Taliska ayaa sheegay in hawlgalka oo ka dhacay degaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabeellada dhexe lagu dilay Horjooge Maxamed Cabdi Suubiye oo magaciisa af-garashadu yahay (Toosoow). Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas uu ku fulay sidii loo qorsheeyay islamarkaana horjooge Toosoow lagu khaarajiyay. Gen. Odowaa ma sheegin xilka Horjooge Toosoow u hayay ururka Al-shabaab balse keliya wuxu xaqiijiyay in hawlgal qorshaysan lagu dilay. PUNTLAND POST The post Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen horjooge ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u diray Bulshada Reer Beledweyne, kaas oo ku aadan xiisada u dhaxeysa Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaadka janeraal Xuud. Qoraal kasoo baxay Xafiiska wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa lagu sheegay in Bulshada Reer Beledweyne looga baahan yahay in ay tabashadooda si nabad ah ku sheegtaan oo ay ka fogaadaan waxkasta oo xasilooni darro keeni kara. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ay socdaan dadaalo wax looga qabanayo xaalada ka taagan Beledweyne si jawi nabadeed loogu wada hadlo. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo baaq ka soo saartay xiisadda Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Somali National Army (SNA) confirmed Sunday its forces killed one of the senior al-Shabab commanders during a sting security operation conducted in the southern region. Source: Hiiraan Online
-
Tirada dhimashadda ayaa la sheegay inay gaartay 50 qof, kadib, markii 5 mayd oo kale laga helay goobta ay Diyaaradda shalay ku burburtay. Saraakiisha Milliteriga ee dalkaasi waxay sheegeen inuu Shilkaasi ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca dalkaasi. Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa C 130 Hercules waxaa la socday 93 Askari oo uu tababar u soo dhamaaday, si ay ula dagaalamaan Kooxda Abu Sayaaf ee ku xoogan qeybo ka mid ah Koonfurta dalkaasi. Ma kala cadda waxa sababay Shilkaasi, waxayna Baarayasha ku hawlan yihiin inay baaraan Sanaadiiqda Madow ee duuba Codadka iyo Xogaha kale ee Diyaaradaha. PUNTLAND POST The post Khasaaraha diyaarad ku burburtay Filibiin oo kordhay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu laba mar cudur-daar siiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allah ha u naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka jawaabayey muuqaalo uu maalmihii xoriyadda baraha bulshada soo dhigayey Farmaajo, kuwaas oo uu ku ammaanay Aadan Cadde, inkasta oo ay jirto in hadda kahor inta uusan siyaasadda soo gelin uu Aadan Cadde aflagaadeeyey buug uu qoray, oo uu madaxweynihii hore ku qeexay inuu gumeysi kalkaal ahaa. “Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan C/lle Cismaan halgaamaa Soomaaliyeed oo garba duuban ajnabi uma gacan gelin, uma dirin dhalinyaro Soomaaliyeed in ay dal shisheeye u diriraan, siyaasiyiin ka aragti duwan weerar kuma qaadin, dastuurka kuma tuman, deegaano Soomaaliyeed ma cunaqabatayn, muddo kororsi dagaal uma oogin, siyaasad qamaar iyo qar iska tuur ah ma gelin. Ma aha Madaxweyne Aadan in afka la ga sheegto ee waa in dhaqankiisa lala yimaado, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Farmaajo labo jeer waa in uu Aadan Cade cudur daar siiyaa. Marka koowaad waa gefkii uu u gaystay kaddib markii uu bogga 50-aad ee buuggii uu kaga qalinjebiyey shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master) ku sheegay in Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharmarke, AUN, ay ahaayeen adeegayaal isticmaar, qabiilladooduna ay gumaystaha gacansaar la lahaayeen. Tan labaad, waa in uu ka raalli geliyaa siduu ugu dheelay qarankii uu budhigayaashiisa ka midka ahaa, dowladnimadana ugu gabood falay,” ayuu yiri. Ammaanta Farmaajo ee maalmihii dambe ayaa lagu macneeyey kaar siyaasadeed doorasho oo uu isugu muujinayo inuu ixtiraamo madaxdii hore, balse waxaa durba dadka ay soo xusuusteen buuggii uu qoray markii uu Jaamacadda ka qalin-jebinayey ee uu ku aflagaadeeyey Aadan Cadde. The post Farmaajo oo loogu baaqay inuu laba jeer cudur-daar siiyo madaxweyne Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan xoogga dalka ay degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen horjooge Maxamed Cabdi Suubiye, oo loo yaqaan Toosoow, oo ka tirsanaa madaxda sar sare ee kooxda Al-Shabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Toosow lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ka fuliyeen aagga Masaajid Cali Gaduud. Jeneral Odowaa ma shaacin xilka uu Maxamed Cabdi Suubiye Toosoow ka hayey kooxda Al-Shabaab. Dilka Toosoow ayaa yimid maalin kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay 15 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Tuula-Xaayow iyo Ceel-dheere oo jihada koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb. Ciidamada dowladda ayaa dhowaanahan dagaallo culus Al-Shabaab kula jiray gobolka Shabeellaha Dhexe, ayada oo qorshaha uu yahay in halkaas laga sifeeyo kooxdan, waxayna sheegteen guulo waaweyn oo ay ka gaareen dagaalka. Ciidamada ayaa sidoo kale laba toddobaad kahor sheegay in howlgal ay Danab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka, gaar ahaan Sabuun, Baaroow Madiina Cade, Gaaleef iyo Buurdhee, ay ku dileen 8-kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. The post DF oo shaacisay in la dilay Maxamed Cabdi Toosoow appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Abwaan Yuusuf Shaacir oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa maanta warbaahinta la hadlay, isagoo soo dhaweeyay xil ay u magacaawday dowladda Soomaaliya, waxuuna Abwaanku dhawaan ka soo dhex muuqday guddi ka shaqeyn doona dib u soo nooleynta Af-Soomaaliga. Guddigaas waxaa dhawaan ku dhawaaqday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxuuna sheegay in markii la magacaabayey uu la soo xariiray masuul ka tirsan wasaaradda, kaas oo u sharaxay sababta guddigaas loogu darayo Abwaan Shaacir. “Ninkii ila soo xariiray waxa uu igu yiri, waxaan kugu dooranay in wixii caqabado ka hor yimaada guddiga aad wax ka xaliso, tusaale eray gobollada dhexe si looga yaqaano, in la yiraahdo Somaliland eraygaas side looga yaqaanaa? Yuusuf Shaacirbaa Hargeysa joogee aan weydiino, ee la isoo dhaho war Yuusufow eraygaas side u taqaan?” ayuu yiri Abwaan Yuusuf Shaacir. Abwaanka ayaa sheegay in masuulka ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee lasoo xariiray uu u sheegay in wax mushaar ah aysan sii doonin, balse markii shaqo jirto kharashka ku bixi doona shirarka iyo isu imaatinka guddiga ay ka bixin doonto wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya. “Af-Soomaaligu waa wax umadda oo dhan ka dhaxeeya, marka hadii arrinta aysan siyaasad ku jirin oo ay tahay in laga shaqeynayo dhaqan, oo anigoo halkeyga jooga la I soo dhahaayo war Abwaan waxaan naga caawi, wax dhib ah malahan,” ayuu yiri Abwaan Shaacir oo Hargeysa jooga. Sidoo kale Abwaanku waxa uu sheegay in jaaniskaas ay Somaliland baneysay, maadaama sida uu sheegay 10-kii sano ee u dambeysay ay xukuumadda ka dalbanayeen in la sameeyo xarun dhaqanka iyo Af-Soomaaliga lagu soo nooleeyo. “Halkaan waxay noqotay meel dhaqanka, afka iyo taariikhda aan laga qiimeyn, hadii la daneynayo dadkeeda ayaa la qiimeyn lahaa Hadraawi, Cabdi Qeys, Dacar, Aadan Tarabi, Muuse Cali Faruur iyo in ka badan ayaa joogta, weli ma aanaa arkin meel ay isugu imaanayaan ama ay ka hadlayaan, hadii ay Somaliland ka jirto meel dhaqan ka shaqeysa, waa mid ay sameysteen dad madax banana oo iyagu sidey doonaan ka yeela,” ayuu yiri. Abwaan Shaacir ayaa sidoo kale sheegay in uusan fileyn in magacaabidiisa ay xasaasiyad ka qaadi doonto xukuumadda Muuse Biixi, “Madaxweynaha Somaliland maalin dhaweeto waxa uu yiri Xamar waxaan is heynaa maamulka iyo siyaasiyiinta, laakiin shacabka isma heyno, marka waxyaabaha arrimaha bulshada ah, ee afku ka mid yahay, hadii aan cidi siyaasadeyn inay mushkilad tahay anigu ma qabo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Abwaan Shaacir. Hoos ka Daawo The post Abwaan ku nool Hargeysa oo aqbalay xil ay xukuumadda ROOBLE u magacaawday appeared first on Caasimada Online.
-
TPLF oo shuruudo adag ku xidhay xabad-joojinta uu Abiy Ahmed ku dhawaaqay Mucaaradka qabsaday gobolka Tigray ayaa “mabda’ ahaan aqbalay” xabad-joojintii ay iclaamisay dowladda Abiy Ahmed, hase yeeshee waxay soo bandhigeen shuruudo adag oo ay tahay in la fuliyo kahor inta aysan u hoggaansamin. Shuruudaha ay soo bandhigeen TPLF, ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada Eritrea iyo dagaal-yahanada Amxaarada ay ka wada baxaan meelaha ay uga harsan yihiin gobolka Tigray, oo ay ku sugnaayeen sideed bil. Mid ka mid ah shuruudahooda ayaa waxaa sidoo kale ku jira in xukuumadda Addis Ababa ay ku dhowaaqdo in dowladdii kahor dagaalka ka jirta gobolka Tigray lasoo celiyo. “Inta aan haysano damaanaad qaad la xiriira amniga shacabkeena, iyo inaan duulaan kale lagu qabsaneyn, waan aqbaleynaa xabad-joojinta mabda’ ahaan,” ayaa lagu yiri bayaanka maanta kasoo baxay “dowladda Tigray”. “Si kastaba, kahor inta aan heshiiska xabad-joojinta, rasmi laga dhigin, waa in wax laga qabtaa arrimaha aan dalbanay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. TPLF ayaa sidoo kale dalbatay in Abiy Ahmed iyo Isais Afwerki lagula xisaabtamo waxyeeladii ay ka gaysteen gobolka Tigray, sidoo kalena QM ay abuurto guddi madax-banaan oo baara dambiyada argagaxa leh ee gobolka ka dhacay intii uu dagaalka socday. Shuruudaha kale ayaa ah kuwa bani’aadannimo, waxaana ku jira gargaar ka qeybinta gobolka, iyo in si nabdoon ay dib ugu soo noqdaan shacabka Tigray ee barakacay. Dowladda Addis Ababa ayaa mar kasta diida inay wada-hadal la furto hoggaamiyeyaasha TPLF, ayada oo kooxdaas dikreeto baarlamaan ugu aqoonsatay koox argagixiso. Hase yeeshee ma cadda haddii guul-darrada dhowaan gaartay ay taas wax ka beddeli doonto. TPLF ayaa Jimcihii waxay kumanaan askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia marsiiyeen waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, ayada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin oo mashxaradeynayaan. Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan ayaa madaxooda hoos u raariciyey. Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal ayaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig. Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyey New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah. Qaran News
-
Dowladda Sacuudiga ayaa qorsheyneysa inay sameysato shirkad cusub oo dhanka duulimaadka ah, waxayna tartan dhanka suuqa duulimaadyada caalamiga ah la geli doontaa shirkadaha duulimaadyada ee ay leeyihiin dowladaha Gacanka Cadmeed ee The Emirates iyo Qatar Airways. Tallaabada ay qaadeyso dowladda Sucuudigu ayaa tartan ganacsi oo dhanka suuqa duulimaadyada ah dhex dhigi doonta seddaxdaan dowladood ee Carabta ah Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qatar. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, ayaa dabada ka riixaya qorshahaan ay miisaaniyadda badan ku baxayso, waxayna Sucuudigu ku tashanayaan dhaqaalaha badan ee uga soo xarooda shidaalkooda. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa haatan werwer xoog leh ku abuureysaa dowladaha Imaaraadka iyo Qatar, maadaama ay Sacuudigu ay qorsheynayaan inay noqdaan marinka shanaad ee adduunka ugu weyn dhanka duulimaadka hawada. Diyaaradda cusub ee ay sameysaneyso Boqortooyada Sucuudigu waxay sarre u qaadi doontaa dhaqaalaha dalkeeda iyo inuu Sacuudigu noqdo marin caalami ah (International routes) oo dhanka Gacanka Cadmeed ah. Wasaaradda Gaadiidka Boqortooyada Sacuudiga ayaan illaa hadda soo saarin qorsheyaal faah-faahsan oo ku saabsan diyaaraddaan cusub ee ay sameysaneyso. codsigooda. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hore u laheyd shirkad duulimaad oo yar oo ka shaqeysa gudaha dalkeeda waana Flyadeal, diyaaraddaas ayaa inta badan waxay sameyn jirtay duulimaadyada bar-ka-barta ah (Point-to-point flights) ee loogu adeego shacabka Sacuudiga oo dhan 35 milyan. Balse, haatan Sacuudigu wuxuu ballaadhin doona adeegyadiisa duulimaad si uu uga mid noqdo dalalka ugu badan ee ay soo maraan duulimaadyada caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed, waxayna midaasi walaac hore ku abuureysa ku abuureysaa shirkadaha The Emirates iyo Qatar Airways. Riyadh waxay durba u dhaqaaqday inay la tartanto Imaaraadka oo ah wadanka ganacsiga iyo dalxiiska ee Gobolka, waxayna Sacuudiga sheegtay in laga bilaabo sannadka 2024-ka ay joojineyso qandaraaska ay siiso shirkadaha aan xarunta ugu weyn ku laheyn gudaha boqortooyada. “Tartanka ganacsiga ee dhinaca duulimaadka had iyo jeer wuxuu ahaa mid aad u xun, haddana wuxuu u muuqdaa inuu kasii dari doono, waxaa soo dhow jahwareer ku saabsan xiriirka Gobolka,” ayuu yidhi Robert Mogielnicki, oo ah aqoonyahan wax ka dhigo Machadka Arab Gulf States Institute ay Dubai, oo ah xarunta ugu weyn adduunka ee safarka duulimaadyada ayaa ku dhawaaqday qorshe shan sano ah oo lagu kobcinayo boqolkiiba 50% duulimaadyada iyo marinnada maraakiibta iyo sidoo kale in la laban-laabo awoodda dalxiiska labaatanka sano ee soo socota. Amiir Maxamed wuxuu isku dayayaa inuu soo jiito Ra’simaalka shisheeye si uu u abuuro warshado cusub oo ay ka mid yihiin dalxiiska, wuxuuna hamigiisa yahay inuu kordhiyo guud ahaan dalxiisayaasha lana gaarsiiyo 100 milyan sanadka 2030 halka ay ka aheyd 40 milyan sanadkii 2019. “Sacuudi Carabiya waxay awood u leedahay inay horey u sii wado istiraatiijiyadeeda duulimaadka iyo dalxiiska marka kuwa kale ay dib u guranayaan oo ay dib uga laabanayaan,” ayuu yidhi Brendan Sobie oo ah lataliye dhanka duulista ah. “Waa istiraatiijiyad qatar ah, laakiin sidoo kale macquul ah marka la fiiriyo mowqifkeeda iyo ujeedada guud ee kala duwanaanta.” Ayuu sii raaciyey. Si kastaba, shirkad kasta oo diyaaradeed waxay u baahan tahay Ra’isumaal bilow ah, waxayna khubaradu ka digayaan hamiga Sacuudi Carabiya ee ah inay ku tartanto duulimyaadyada transit-ka taas oo ay kala kulmi karto sannado khasaare ah. Arrintaan ayaa imaneysa iyadoo shirkadda Emirates ay ku dhawaaqday khasaare dhan 5.5 bilyan oo dollar bishii lasoo dhaafay, maadaama uu isku socodka duulimaadyada caalamka saameyn xoogan ku yeeshay feyriska Covid-19. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay shirkadda Emirates ku kabtay adduun dhan 3.1 bilyan oo dollars, si ay u sii wado shaqadeeda duulimaadyada. Qaran News
-
Xukuumadda oo iclaamisay qorshe Qaranku ku heli karo Koranto Jaban iyo waxyaabaha sababta u ah cabashada Berbera Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha xukuumadda ee ku wajahan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa adeeg Koranto oo qiimihiisu hooseeyo oo ay bulshadu awoodi karayso. Jaamac Maxamuud Cigaal, waxa uu sheegay inay dedaal ugu jirto wasaaraddu sidii loo heli lahaa koranto laga abuuro waxyaabah dabeeciga ah ee adeeggan laga dhalin karo, sida Cadceeda, dabeysha iyo Biyaha, haddii kuwaasi la tahli waayo-na, waxa uu ku taliyey inay Shirkaddaha Laydhka bixiyaa ay isticmaalaan dab-dhaliyeyaal ku shaqeeya noocyada Shidaalka ee jaban, sida Gaasta, halka ay iminka ku shaqeeyaan Mishiinnada Naaftada Gaadiidka loo isticmaalo oo uu sicirkeedu sareeyo. Wasiirku waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha sababta u ah cabashada dhinaca adeegga Korantada ee Magaalada Berbera, sida looga gudbi karo iyo qorshaha xukuumadd uga yaalla, isagoo tilmaamay in Berbera ay tahay magaalada ugu korantada Jaban guud ahaan dalka, balse, ay haddana jirto caqabad ka taagan tayada korantada ay hesho iyo nidaamka qaybinta adeeggaasi. Halkan ka Daawo Warkaaas oo faahfaahsan:- Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Nin 36 jir ah oo ka shaqeeya boda-boda kana soo jeeda tuulada Kabusenduk oo ku taal Bureti, kowntiga Kericho ee dalka Kenya ayaa loo xiray qorshe afduub been abuur ah oo la soo diyaariyey si uu xaaskiisa uga raadsado 100,000 oo lacagta Kenya ah, una dhiganta ku dhowaad 1,000 dollar. Sarkaalka waaxda dambi baarista ee gobolka (CCIO) John Onyango ayaa sheegay in ninkan la qabtay kadib markii baarayaasha ay qabteen isaga oo ku dhuumaaleysanaya guriga saaxiibkiis xilli uu sugayay in xaaskiisa ay lacagta u dirto. Xaaska tuhmanaha si kastaba ha ahaatee waxay ku wargalisay booliska in ninkeeda uu soo wacay si uu ugu wargaliyo in la afduubay afduubayaashuna ay dalbanayaan 100,000 Sh. CCIO waxay intaas ku dartay in tuhmanaha, si uu xaaskiisa uga baqdo inay lacagta u dirto, uu ku wargaliyay in afduubayaashu la sheegay inay gacmihiisa xireen ayna horeyba u joogeen xarunta ganacsiga Chepsir ee ku teedsan wadada weyn ee Kericho-Nakuru islamarkaana ay xawaare ku socodaan meel aan la garanayn. “Isla markiiba, saraakiisha bilayska ayaa bilaabay baaritaano waxayna heleen mootadii laga shakiyay oo laga helay meel cidla ah oo lagu daweeyo Kebeneti,” ayuu yiri Onyango. CCIO waxay intaas ku dartay in 24 saacadood ka dib xog aruurin xoog leh oo ay ka heleen xubno ka tirsan dadweynaha, dhibanaha la sheegay in la afduubay laga helay guriga saaxiibkiis. “Eedeysanaha wuu iska nasanayay euxuuna sugayay lacag madax furasho ah oo loo soo diro. Waa la qabtay waxaana la dhigay qol bilays ah si loogu soo oogo Isniintii afduub la sheegay,” ayuu yiri Mr. Onyango. CCIO ayaa sidoo kale sheegtay in eedeysanaha saaxiibkiis la siidaayay kadib markii baaritaanada hordhaca ah ay muujiyeen inuusan ku lug laheyn qorshaha. “Ninku wuxuu soo dhoweeyay oo martigeliyay saaxiibkiis isagoo aan ka warqabin dhagar qabe tuhmanaha,” ayuu yiri Onyango. Sarkaalka Baarista Dambiyada ee Gobolka (CCIO) ayaa ku daray baaritaanada hordhaca ah sidoo kale waxay muujinayaan tuhmanaha inuu doonayo inuu uruursado 10000 Sh.So si uu uyareeyo amaah uu ka qaatay Hay’ad Samafal oo ah Saving and Credit Cooperative Society (Sacco) Waxaa tarjumay Ahmed Hassan Ibrhim axmedxasan79@gmail.com The post Nin been abuuray afduubkiisa si lacag madax-furasho ah uu uga helo xaaskiiska appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii ka dhacay teendhada Afisyooni, ee maanta lagu doortay guddoonka guddiga doorashooyinka heer federaal, ayaa muujisay laba arrin oo mid ay aheyd lama filaan, midda kalena la qiyaasayey. Arrinta koowaad ee doorashada kasoo shaac baxday ayaa aheyd sida ay u kala fog yihiin xubnaha mucaaradka ee sidii wadajirka ah uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Arrinta cajiibka aheyd ee ka soo baxay doorashada guddoomiyaha guddiga FIET ayaa ah in xubno ka tirsan Musharaxiinta ay hoos ka taageerayeen guddoomiyaha maanta la doortay ee Maxamed Xasan Cirro oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddigii doorashada ee la kala diray ka hor inta aan la kala saxiixan heshiikii 27-kii May, Cirro ayaa aad loogu xantaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia. Midowga Musharaxiinta ayaa la sheegayaa inay ku kala qeybsanaayeen doorashada oo aanay hal musharax isku wada raacsaneyn, marka laga reebo in Liibaam Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq) si gaar ah loogu tirinayay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Kooxda Waayo Arag. Mushariinta ayaa xoogooda isugu geeyey sidii uu xilka guddoomiyaha ugu guuleysan lahaa Maxamed Cirro, maadaama ay u arkaan inuu isaga uga roon yahay Liibaan Shuluq oo ah shakhsi si weyn ugu ololeeya Cabdikariin Xuseen Guuleed. Liibaan Shuluq ayaa sidoo kale la sheegay inuu garab weyn ka helayey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxayna midaan muujisay sida ay u yar tahay awoodda Rooble ee dhanka guddiyada doorashada dalka. Arrinta labaad ee doorashada kasoo shaac-baxday ayaa aheyd awoodda dhaqaalaha ku yeesha doorashadii maanta iyo in dhaqaalaha mar kale noqon doono waxa ugu muhiimsan doorashada xildhibaanada iyo madaxweynaha. Sida aan xogta ku helnay Villa Somalia ayaa xubnaha dooranayey guddoonka u qeybisay lacago aad u badan, si ay u soo saarto guddoomiye Cirro. Sidoo kalena qaar ka tirsan musharixiinta ayaa lacag ku bixinayey inaan la dooran Liibaan Shuluq. Doorashada Guddoonka Guddiga FEIT oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha guddiga loogu doortay Maxamed Xasan Cirro, kaas oo wareedgii koowaad helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq) oo la tartamayay uu ka helay 10 cod. Doorashadaan oo ahayd mid aad u xamaasad sareysay ayaa waxaa ku tartamay shan musharax, iyadoo wareegii labaad ay u gudbeen Maxamed Cirro iyo Liibaan Shuluq. Guddiga ayaa ka kooban 25 mudane, waxaana dalka ka maqan xubin ka mid ah, iyagoo 24-ka kale ay hoolka xaadir ku ahaayeen, isla markaana ay wada codeeyeen. Guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa lagu tiriyaa inuu si weyn ugu dhow yahay garabka Fahad iyo Farmaajo, inkastoo uu isaga dhowr jeer sheegay inuu si cadaalad ah uga shaqeyn doono doorashooyinka Soomaaliya. The post Doorashadii guddoomiyaha guddiga doorashada oo soo shaac bixisay laba arrin oo mid ay lama filaan aheyd (Xog) appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali military killed 15 al-Qaida-affiliated al-Shabab terrorists in the country’s central Galgaduud region, according to a statement released Sunday. An operation was conducted by Gorgor, the Somali special forces trained by Turkey, in the El Dhere village, 15 kilometers (9 miles) south of Dhusamareb, the capital of the Galmuduug state. In a brief statement on Twitter, the Somali army said dozens of al-Shabab terrorists were also wounded in the operation. A huge cache of arms was also seized in the operation, a military official told Anadolu Agency (AA) over the phone. Witnesses in the town told AA that they saw at least seven wounded soldiers who were rushed to the hospital for treatment. Al-Shabab, for its part, claimed that it has killed seven military troops in the clash. Turkey provided special commando training to 150 Somali soldiers as part of a military cooperation deal between the two countries. Relations between Turkey and the Horn of Africa nation have been historically strong and picked up pace after President Recep Tayyip Erdoğan made an official visit in 2011, the only visit by a non-African leader to Somalia in 20 years. Turkey has also continued its support to Somalia with humanitarian aid in the health, education and security sectors. Turkey’s vast aid effort at the height of the 2011 famine endeared the country to many Somali people, and it has continued to provide aid, much of it from private companies. Turkish organizations have also built schools, hospitals and infrastructure and have provided scholarships for Somalis to study in Turkey. As the Turkish Armed Forces (TSK) has extensive experience fighting terrorists, Turkish training of the Somali military is helpful in countering Somalia’s own terrorist threats. Turkey’s biggest overseas military training base, which was inaugurated in 2017, is located in Somalia and is also among the largest foreign-run military centers in the country. Somalia plunged into chaos after the 1991 overthrow of President Siad Barre’s military regime, leading to years of clan warfare followed by the rise of the al-Shabab terrorist group, which once controlled large parts of the country and the capital. The post Somalia’s military kills 15 al-Shabab terrorists appeared first on Caasimada Online.
-
Mekelle (Caasimada Online) – Mucaaradka qabsaday gobolka Tigray ayaa “mabda’ ahaan aqbalay” xabad-joojintii ay iclaamisay dowladda Abiy Ahmed, hase yeeshee waxay soo bandhigeen shuruudo adag oo ay tahay in la fuliyo kahor inta aysan u hoggaansamin. Shuruudaha ay soo bandhigeen TPLF, ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada Eritrea iyo dagaal-yahanada Amxaarada ay ka wada baxaan meelaha ay uga harsan yihiin gobolka Tigray, oo ay ku sugnaayeen sideed bil. Mid ka mid ah shuruudahooda ayaa waxaa sidoo kale ku jira in xukuumadda Addis Ababa ay ku dhowaaqdo in dowladdii kahor dagaalka ka jirta gobolka Tigray lasoo celiyo. “Inta aan haysano damaanaad qaad la xiriira amniga shacabkeena, iyo inaan duulaan kale lagu qabsaneyn, waan aqbaleynaa xabad-joojinta mabda’ ahaan,” ayaa lagu yiri bayaanka maanta kasoo baxay “dowladda Tigray”. “Si kastaba, kahor inta aan heshiiska xabad-joojinta, rasmi laga dhigin, waa in wax laga qabtaa arrimaha aan dalbanay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. TPLF ayaa sidoo kale dalbatay in Abiy Ahmed iyo Isais Afwerki lagula xisaabtamo waxyeeladii ay ka gaysteen gobolka Tigray, sidoo kalena QM ay abuurto guddi madax-banaan oo baara dambiyada argagaxa leh ee gobolka ka dhacay intii uu dagaalka socday. Shuruudaha kale ayaa ah kuwa bani’aadannimo, waxaana ku jira gargaar ka qeybinta gobolka, iyo in si nabdoon ay dib ugu soo noqdaan shacabka Tigray ee barakacay. Dowladda Addis Ababa ayaa mar kasta diida inay wada-hadal la furto hoggaamiyeyaasha TPLF, ayada oo kooxdaas dikreeto baarlamaan ugu aqoonsatay koox argagixiso. Hase yeeshee ma cadda haddii guul-darrada dhowaan gaartay ay taas wax ka beddeli doonto. TPLF ayaa Jimcihii waxay kumanaan askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia marsiiyeen waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, ayada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin oo mashxaradeynayaan. Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan ayaa madaxooda hoos u raariciyey. Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal ayaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig. Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyey New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah. The post TPLF oo shuruudo adag ku xiray xabad-joojinta uu Abiy Ahmed dalbaday (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Debretsion Gebremichael, the President of Tigray Government and the Commander-in-Chief of Tigray Defence Forces. Mekelle (PP News Desk) — The Government of Tigray has shared with the media a set of conditions for durable ceasefire following the withdrawal of Ethiopian forces from Mekelle and other key districts of Tigray. Tigray Government demands complete withdrawal of Amhara and Eritrean forces in Tigray; the establishment of an independent investigative body tasked with bringing war criminals behind massacres and looting in Tigray to book; an unimpeded access for aid organisations into Tigray; restoration of key services such as telecommunications and healthcare amenities; calls for a respect for the constitution of Ethiopia to allow the democratically elected government of Tigray to resume its work. The government of Tigray views the establishment of an international body entrusted with the task of overseeing implementation of peacemaking modalities as the way forward. The Ethiopian government has not issued a policy statement on Tigray beyond its claim that its forces had withdrawn from Tigray due to political and military pressures. © Puntland Post, 2021 The post Tigray Government Outlines Conditions for Durable Ceasefire in Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Waxgaradka Beesha Harti ee Kismaayo ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni u gudbiyay cabasho ay ka qabaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, sida ay ogaatay Puntland Post. Waxgaradka oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland sabtidii shalay ayaa u gudbiyay cabasho ah in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dadka ku dhowdhow si gaar ah u bartilmaameedsadaan Beesha Hartiga , iyadoo la isticmaalayo awooda dowladda. Waxay sheegeen in si gaar ah loo beegso hantidooda hadday tahay guri, beer ama meherad kale, falalkaasna ay marar badan sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayida. Eedaha noocaan ah ee dadka deegaanka u jeedinayaan madaxweynaha Jubbaland oo ah kuwo soo noqnoqda ayey ku sheegeen in aysan jirin cid wax ka qabanaysa isla markaasna ay marar badan madaxweyne Axmed Madoobe arrimahaas ugu tageen laakiin aysan jirin wax is bedelay. Madaxweynaha Puntland ayaa waxgaradka u sheegay in uu cabashadoda kala hadli doono madaxweynaha Jubaland, uuna rajaynayo in xal laga gaaro arrimahaas. Dhanka kale Madaxweyne Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Kismaayo ayaa galabta u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Waxgaradka Kismaayo oo cabasho u gudbiyay Madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dembeeyay beddeshay xeeladda ay u adeegsato qaraxyada ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaa Muqdisho, waxayne u weecdeen qaraxyada is-miidaaminta ah oo ay fulinayaan dad isku soo xira waxyaabaha qarxa, kuwaas oo lala beegsanayay bartilmaameedyo kala duwan. Qaraxyadaas ayaa inta badan waxay sababaan dhimashada dad badan, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmaan, waxayna meesha ka saareen qaraxyadii inta badan lagu yaqaanay argagixisada ee gawaarida iyo miinooyinka. Haddaba, maxay tahay sababta ay u soo badanayaan qaraxyada is-miidaminta ee dadka isku soo xiraya waxyaabaha qarxa? Khabiir amni Xuseen Macallin Maxamuud oo ah maamulaha machadka daraaseeya amniga ee Hiraal ee fadhigiisu yahay Muqdisho oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in xeelada is-miidaaminta dadka is-qarxinaya ay usoo badaneyso waxyeeladeeda oo sareysay iyo sida fudud ee ugu gudbi karaan bartilmaameedkooda. Xuseen ayaa asagu qaba in argagixisada ay ku guul-dareysteen in gawaari qaraxyo ka buuxan ay soo galiyaan gudaha magaalada Muqdisho, islamarkaana ay u wareegsadeen xeelada is-miidaaminta dadka. “Tabaha ay kusoo weerar tagaan waa midka baabuurta iyo ciidamada isla socda waana midka ay jeclaan lahaayeen inay fuliyaan, midka badalka ah ee ugu muhiimsan waa qofka is-qarxinaya maadama uu halkii mar leyn karo tiro dad ah,” ayuu yiri. Kooxda Al-Shabaab oo ayadu inta badan qaraxyada ka fulisa magaalada Muqdisho, ayaa xiligaan si weyn u adeegsata qaraxyada is-miidaaminta ee qofku isku soo xiro, kadib markii ay ku guul-dareysteen inay gudaha u soo galiyaan magaalada gawaari ay ka buuxan walxaha qarxa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/07/1bb6ccb9-dd2f-48bc-a45f-421f001d8285_48k.mp3 The post Sababta Shabaab ku kaliftay xeeladda cusub ee qaraxyada Muqdisho ay u adeegsato appeared first on Caasimada Online.