Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa toddobaadkii aynu kasoo gudubnay warqad qoraal ah u diray Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, isagoo qoraalkiisa ugu faahfaahiyey siyaabaha ay wax u wada qabsan karaan labada dhinac iyo sida ay Jamhuuriyadda Somaliland uga qaadatay kaalinteeda horumarinta iyo kobcinta dimoqraadiyadda iyo Xasiloonida Gobolka, waxana lagu daabacay qoraalkan Wargeyska Toddobaadlaha ee caanka ee [News Week] oo kasoo baxa carriga Mareykanka. Waxa uu si cad ugu soo bandhigay Madaxweynuhu dhiggiisa dalka Mareykanka, faa’iidada ay ka heli karaan hadday xidhiidh la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo u sheegay in aanay jirin maalin looga baahi badan yahay maanta in iskaashi ay la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland oo boqcad Istraatiji ah ku taal Geeska Afrika, isla markaana kulaalaysa Badda Gacanka Cadmeed oo dal xor ah oo madaxbannaan muddo soddon sanno ah. Mudane Muuse Biixi waxa uu timaamo cadcad ka siiyey Madaxweynaha Mareykanka xaaladda Somaliland, isagoo u sheegay in dalkan oo aan weli Ictiraaf ka helin dunida uu haddana qabsaday wax badan oo aanay qabsan dalal badan oo la ictiraafsasn yahay, iyadoo aan ka helin wax dhaqaale ah dalalka Caalamka ee deeqaha bixiya iyo Hay’adaha kaleba, ay haddana Somaliland qabsatay doorashooyin hal qof iyo cod ah oo isugu jira kuwa Baarlamaan iyo Madaxtooyo. Waxa kale oo uu intaa raaciyey in Jamhuuriyadda Somaliland door laxaad leh ka qaadatay la dagaallanka argagixisada, budhcad badeedda, taas oo ay ka gaabiyeen doorkay ku lahaayeen ilaalinta ammaanka marin-biyoodka gacanka Carbeed oo ah meel muhiim u ah ganacsiga adduunka u kala goosha, waxanu Madaxweyne Muuse Biixi ku xusay qoraalkiisaa, in geesta kalena ay Somaliland dib u habeyn ku samaysay dhaqaalaheeda, iyadoo uu sheegay in xagga kalena ay ka socdaan wax ka qabashada iyo horumarinta dhinaca adeegyada bulshada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu ku sheegay qoraalkiisa oo ahaa mid aad u dheer, in Soddonkii sanno ee u dembeeyey ka socday qaaradda Afrika dagaallo iyo colaado kala duwan oo isugu jiray kuwa diimeed, qabiil, dhul iyo xuduudeed oo khalkhal geliyey xasiloonida Afrika, sidoo kalena waxa ka dhex abuurmay shabakado aragagixiso oo caalamiya iyo nidaamyo keli-talisa, kuwaas oo si isku mida u saameeyey dalalka cududda leh iyo kuwa kale, isla markaana ka mid ah carqaladaha jira ee ka taagan Qaaradda. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu si tifaftirran uga warramay sooyaalkii taariikheed ee Somaliland, isagoo ka soo bilaabay 26kii June 1960kii oo dadka reer Somaliland xorriyaddooda ka qaateen Boqortooyadii Ingiriiska, midowgii guuldarreystay ee Somaaliya iyo dib ula soo noqoshadii Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18kii May 1991kii, kadibna la dhisay Xukuumad iyo bulsho ku dhisan nidaamka Dimoqraadiyadda, taas oo uu sheegay inuu yahay maanta Madaxweynaheedii SHANAAD ee loo doortay xilka Madaxweynenimo, haseahaatee uu ka degi doono ama banneyno doono jagadan marka ay ka dhammaato muddada uu u jideeyey Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay oo uu u sheegay dhiggiisa Mareykanka inay ka siin karaan Mareykanka oo ah dal ay wadaagaan ku dhaqanka nidaamka Dimoqraadiyadda, dhibaatooyinka iyo arrimaha kale ee ka aloosan geyiga Afrika si aanay u lumin danaha istraatijyadeed ee ay ku leeyihiin biyaha Gacanka Carbeed oo marin u ah Maraakiibta ganacsi ee u kala goosha daafaha dunida, isagoo xusay in ka socdaan dagaallo iyo colaado ba’an oo ay ku hoobteen dad badan oo shicib ah dhinacyada Koofurta iyo Galbeedka ee xuduudaha Somaliland. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ku sheegay qoraalkiisa sida uu u sare ugu socdo ee uu usii kobcayo dhaqdhaqaaqa Ciidan ee uu ka wado dalka Shiinuhu dalalka deriska la ah Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa awgeed Madaxweynuhu waxa uu daboolka ka qaaday in aanay labada ergay ee uu dhawaan usoo magacaabay mandaqadda aanay buuxin karin kaalinta laga rabay, taa beddelkeedana ay uga wanaagsanaan lahayd,ugana waxtar badan lahayd isagoo ku yeesho gobolka cid ay wax wada yeeshaan. Qoraalkaai waxa uu ahaa mid ka mida garaacista albaabada diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ugu muujinayso Caalamka, in dalkan Jamhuuriyadda Somaliland yahay dal jira oo madaxbannaan oo iskii ugu taagan cagihiisa muddo SODDON sannadood ah, isla markaana uu diyaar u yahay cid kasta oo dano ku leh Gobolkan inay wax wada qabsi iyo xidhiidh siyaasadeedba ka yeedhaan, iyadoo laga duulayo danaha wada jirka ah ee ay iska kaashan karaan labada geesood, sidoo kalana ay marxaladdan siyaasadeed ee ka jirta Gobolka ay muhiim u tahay Mareykanka iyo Somaliland inay iska kaashadaan. Waxa xaqiiqo ah in sannadihii u dembeeyey ay kor u kacday siyaasadda arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay sabab u yihiin wada jirka shacbiga iyo nabadgalyada iyo xasiloonida ka jirta dalka oo sugiddeeda iyo ilaalinteedba hareeraha laga wada taagan yahay Dawlad iyo shacbiba, waxanu qoraalkani ka mid ahaa farriimaha kala duwan ee la gaadhsiinayo dalalka dunida, si loo meel mariyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Qore:- Cabdillaahi Aadan Cumar [ Wayab ] Source
  2. (SLT-Hargeysa) Sheekh Maxamed Haybe, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay uu ka jeediya Masjidul Rashiid ee magaalad Hargeysa, ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahy isgarabtaga ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, iyo in aan ciidanku kaligii wax qaban karin, cidda la badbadinayaana ay tahay da’yarteena. Dhanka kale waxa uu Sheekhu masaajidka uga duceeyay laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, oo uu sheegay in ay diideen inay laaluush ka qaataan dad daroogo soo geliyay waddanka, isla markaana sharciga hor keeneen, gaadhi khamri siday iyo dadkii ka ganacsanayay oo Qaad u soo eegaysiiyay. Sidoo kale Sheekhu waxa uu ku boggaadiyay labadaasi askari iyaga oo aan hal dolar haysan in ay ka dhawrsadeen xaaraan, natfooda iyo dalkoodana uga tudheen. Waxaa kale oo uu ka hadlay dedaalka taliyaha ciidanka booliska Somaliand ugu jiro la dagaalanka maandooriyaha iyo xumaanta, waxaanu yidhi “Walaalayaal aniga oo mimbarka saaran waxaan halkan uga ducaynayaa taliyaha ciidanka booliska kheyr ILLAAHEY ha siiyo, shaqo fiican buu hayaa, aqoon isuma lihi oo garasho iyo aqoon naga dhaxaysa uguma ducaynayo, balse shaqada wanaagsan ee uu hayo ayaan ugu ducaynayaa ILLAAHEY caafimaadka ha u barakeeyo. Waxa aan ugu ducaynayaa Janatul Fardawsa, in ILLAAHEY isaga iyo ubadkiisaba barakeeyo, in ILAAHEY ku abaaliyo hawsha uu qarankiisa u hayo,” Sheekhu waxa uu ku boggaadiyay labadaasi askari iyaga oo aan hal dolar haysan in ay ka dhawrsadeen xaaraan, natfooda iyo dalkoodana uga tudheen. “Walaalayaal waad arkaysaan maalintii dhawayd inay ciidanku boolisku qabteen, gaadiidka qaadka oo lagu soo qaaday khamri iyo halka uu inala marayo. Ciidanka kheyr ALLE ha siiyee ninkii askariga ahaa ee qabtay gaadhigaasi khamriga siday waxa la siiyay sadex ku oo doolar isaga oo aan askarigaasi hal doolar haysan balse wuu diiday inuu lacagtaasi qaato, askarigaasi waan u ducaynayaa in ILLAAHEY caafimaadka u barakeeyo, arsaaqada u barakeeyo, awlaada u barakeeyo waajibkiisu gutay laaluushkan wuu diiday. Walaalayaal waxa loo baahan yahay inaynu askarteen shaqo fiican bay hayaane aynu la shaqayno far kaliyi fool ma dhaqdo, haddii aynaan la shaqayn ciidankeen kalidood waxba ma qaban karaan. ILLAAHEY wiilasha dada’yar ee ciidanka ah wax kheyr qaba hawgu baddelo laaluushka ay diideen in ay qaataan, ILLAAHEY risiqa iyo maalka haw barakeeyo” Source
  3. Siddeed maalin uun ayaa ka hartay doorashada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya sidaasi ay tahay ma jirto ififaalo arrimo doorasho la xiriira, oo waxaana fasax ku maqan kala-u-bar baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka halka Somaliland ay leeyihiin labo guddoon doorasho dadban, lana ogeyn goobta ay wax ku dooran doonaan iyo xataa cidda sugeysa amniga! Sida uu yahay qorshaha jadwalka doorashada 2021-ka, 25-ka bishan waxaa la filayey in Soomaaliya ka bilowdaan doorashada xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, lana doorto 54-ka kursi ee ka tirsan golahaas, laakin Goobjoog News ayaa ogaatay in aaney jirin maamul bilaabay diiwaangelinta musharaxiinta ama habraacyo wax lagu dooran karo! Waxaa xusid mudan in labada baarlamaan ee Galmudug iyo Hirshabelle ayba hadda fasax yihiin, intooda badan xildhibaannada labadaas maamul maba joogaan xarumahooda, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ma joogo dalka, waxaa intaas dheer guddiga doorashada labadaas maamul ayaa ka maqan goobta doorashada, iyaga oo ka cabanaya miisaaniyad la’aan! Maamulka Jubbaland ayaa ah midka keliya ay sheegay in doorashada aqalka sare ku qaban karo waqtigeeda, laakinse lama oga sida arrinkaas uu ku xaqiijin karo Madoobe! Gobollada Waqooyi ama Somaliland waxaa ka jirta kala qeybsanaan xoog leh, xubnaha ay soo kala magacaabeen guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ayaa kala jabay, iyada oo mid weliba uu doortay guddoon doorasho oo gaar ah, taasi oo ilaa hadda aanu xalin ra’isul wasaare Rooble! Goobjoog News ayaa sidoo kale ogaatay in 46-da odey ee doorashada aqalka sare ee Somaliland aan meel lagu sheegin, arrintan oo isu raadinta, tababarka iyo doorashada qaadan karto waqti dheer.! Kooxda guddoomiye Xaashi ayaa waxaa ay soojeediyeen in la mideeyo guddoonka doorashada, la sameeyo habraacyo oo doorashada labad aqal, in la isla meel dhigo goobta doorashada iyo cidda maamuleysa. Aqalka sare waxaa ay beelaha Soomaalida u kala leeyihiin sidan: Dir(14), Digil iyo Mirifle(8), Daarood(17), Mogadishu Clan(13) iyo beelaha laga tirada badan yahay oo leh labo xildhibaan. Doorashada aqalka saree e baarlamaanka Soomaaliya waxaa qeyb ka ah oo dooran doona ilaa 413 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaannada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, oo lagu daray 46 odey oo kasoo jeeda Somaliland. Doorashada aqalka sare ee BF waxaa ay ka dhici doontaa caasimadaha dowlad goboleedyada sida Garoowe, Dhuusamareeb, Jowhar, Baydhabo iyo Kismaayo halka Somaliland ama reer waqooyi ay isku dooran doonaan caasimadda Muqdisho. W/Q: Cabdicaziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  4. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta musharixiinta ah ee ka soo jeeda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxa ay kaga hadleen xaaladda cakiran ee arrinta Somaliland. Siyaasiyiinta ayaa sheegay inkabadan bil iyo bar ay ka soo wareegatay heshiiskii muqdisho ay ku kala saxiixdeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka, welina ay jiraan caqabado ku hor gudban qabsoomidda doorashooyinka labada gole ee baarlamaanka gobalada waqooyi. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeerka Source: goobjoog.com
  5. Hay’adaha Jamaal Foundation & Himilo, oo ka dhisan dalka Nederlands ayaa iska kaashaday kulan aqoon-iswaydaarsi ahaa, loogana hadlayay qoddobo xilligan loo arkay in ay yihiin kuwa xasaasi ah, loona baahan yahay in bulshooyinka ay Soomaalidu ka mid ta fursad loo siiyo in ay ka hadlaan aragtida ay ka qabaan. Kulankan oo muhiimad gaar ah xambaarsanaa, waxaa qoddobadii diirada lagu saaray ka mid ahaa:- Aragtida dadyowga ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay ka qabaan talaalka cudurka Karoonaha, iyada oo halkaasi lagu soo bandhigay su’aalo dhowr ah oo ka tarjumayay aragtida & dareenka dadku ka qabaan talaalka, waxaanna su’aalahaasi ka jawaabayay Inge Solomons oo ka socotay hay’adda GGD oo ah hay’ad dowladda Nederlands u qaabilsan arrimaha la xiriira talaalka. Qoddobka 2-aad ee kulanka lagu soo qaaday wuxuu ahaa;- Wacyigelin la xiriirtay in gebi ahaanba dalkan “Nederlands” ay mamnuuc ka tahay nuuc kasta oo gudniinka gabdhaha ah, waalidiinta falkaasi sameeyana ay mudanayaan ciqaab isugu jirta xarig & ganaax. Cabaas Cali Nuur oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, oo barnaamijka xiriirnayay ayaa ka soo qeybgalayaasha oo isugu jiray wadamo dhowr ah, si koobban ugu sharaxay in talaalku yahay dhabaha qura ee xalka u noqon karo waqtigan haddii qofku qaado cudurka Karoona inuu ka bogsan karo hadduu ALLE qadaro. “Anigu, waxaan ka mid ahay dadka qaba in la is talaalo, haddana waxaa jira dad walaac badan ka qaba talaalka, walaacoodu wuxuu u badan yahay ku tiri-ku-teen, dadka qaar baa ku leh haddaad is talaasho 2 sanno kaddib ayaad dhimaneysaa, run-na ma ahan, waxaan ugu baaqayaa dadku in ay talaalka qaataan yar & wayn ba,” ayuu yiri Cabaas Cali Nuur. Nafiso Nuur Cusmaan oo ah Soomaaliyad, kana mid ah howl-wadeenada la shaqeeya hay’adda GGD, ayaa iyada oo sharaxeysa fikirkeeda la xiriira talaalka waxay ku baraarujisay ka qeybgalayaasha inay qaataan talaalka, waxayna intaasi ku dartay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in talaalku dhibaato ku yahay bad-qabka qofka. “Soomaalidu waa bulsho si dhaqsi ah hadalka isugu gudbisa, si degdeg ahna u aaminta beenta, haddii talaalka lagu jiranayo maxay Hollandeeysku u qaadanayaan.? in talaalka lagu xanuunsanayo waxba kama jiraan, waxaan kula talinayaa qof kasta oo Soomaali ah isaga iyo qoyskiisa ba in ay talaalka qaataan,” ayeey tiri Nafiso Nuur Cusmaan. Guddoomiye ku-xigeenka FSAN Maxamed Cusmaan [Guurre] oo munaasabada ka hadlay wuxuu u mahadceliyay Jamaal Foundation & Himilo, isaga oo ugu baaqay dadka Soomaalida in ay is talaalaan. Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda Cabduqaadir Cali [Nuune] oo la hadlay ka soo qeybgalayaasha wuxuu dhinaciisa ku nuuxnuuxsaday sida ay muhiim u tahay in bulshadu hesho jawaabaha su’aalo dhowr ah oo maskaxdooda ka dhex guuxaya, isaga oo uga mahadceliyay hay’ada Jamaal Foundation abaabulka kulankan. “Runtii waa loo baahan yahay isu imaatinada nuucan ah, oo dadku ay aragtidooda is dhaafsanayaan, waxyaabaha mugdiga ku jirana fursad loo siinayo in wax laga weydiiyo dadka cilmigaas ku shaqada leh, waana sida ay diinteenu ina fareyso “fas’aluu ahla dikri in kuntum laa taclamuuna”, waxaan u mahadcelinayaa hay’adda Jamaal Foundation oo inoo suurtagelisay in ay inoo keento GGD si wax looga weydiiyo su’aalaha ugu badan ee dadka maskaxdooda ka dhex guuxaya,” ayuu yiri C/qaadir Nuune. Fatuma Kamara oo u dhalatay dalka Siraliyoon, kana mid aheyd ka qeybgalayaasha waxay soo bandhigtay aragti ka duwan tii dadka badidood ay muujiyeen, waxayna dhinaceeda tilmaantay in ay jiraan dad badan oo markii ay talaalka qaateen ku xanuunsaday. “Saaxiibteey markii ay talaalka qaadatay waa xanuunsatay, waana dhimatay, waxaa jira dad kale oo fara badan oo ku xanuunsaday, anigu ma dhahayo yaan la is talaalin haddana waxaan qabaa in la ogaado sababta soo dedejisay dadkani ugu xanuunsadeen talaalka,” ayeey tiri Fatuma Kamara. Wejiga 2-aad ee aqoon isweydaarsiga waxaa si qoto-dheer looga hadlay mowduuc kale oo xiiso gaar ah xambaarsanaa kaas oo ahaa; sida ay mamnuuc uga tahay guud ahaan dalalka Yurub, gaar ahaan dalkan Nederlands in gabdhaha la gudo. Cabdikariin Maxamuud oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Himilo ayaa soo bandhigay macluumaad dhammeystiran oo la xiriira waxa ay mudan karaan waalidiintu haddii ay ku dhaqaaqaan falalka gudniinka gabdhaha. “Nasiib darradu waxay tahay in weli ay jiraan waalidiin caruurtooda [gabdhaha] xilliyada fasaxa dibedda ku soo guda, ha ogaadaan sharuucda dalkan ma ahan shuruuc laga dhuuman karo,” ayuu yiri Cabdikariin, isaga oo dadyowga ajnabiga ah kaga digay in ay ku dhaqaaqaan fal lidi ku ah shuruucda dalkan. Qaar ka mid ah ka soo qeybgalayaasha ayaa fursad u helay in ay wax ka weydiiyaan Cabdikariin arrimaha la xiriira gudniinka gabdhaha, waxaanna su’aalihii la weydiiyey ka mid ahaa, haddii waalidku isaga oo ka dhega xiran shuruucda dalka ka jirta ay gabdhahooda dibedda ku soo gudaan waxa ay mudan karaan. “Sharciga ciqaabta ah ee lagu qaadayo qofkii falkaasi ku dhaqaaqa looma kala qaadayo miyuu ogaa mise qabar-daar ayuu ahaa.? dalkan sharcigiisu wuxuu qeexayaa in ay mamnuuc tahay in gabar la gudo, qofkii falkaasi lagu ogaado inuu gaystayna wuxuu mudanayaan ciqaab adag, annagu howsheena waxay tahay inaan dadkeena arrintaasi ka wacyigelino,” ayuu yiri Cabdikariin. The post Aqoon is-waydaarsi looga hadlayay qodobo muhiim ah oo lagu qabtay Netherlands appeared first on Caasimada Online.
  6. Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo saaka ka soo laabtay saddex maalmood oo fasax ah ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda. Hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland ayaa Baarlamanku dib ugu celiyay wasaaradda Warfaafinta, waxaana xildhibaannada lagu wargeliyay in ay fasax yihiin mudda afar maalmood ah, islamarkaana dib u soo laabtan Khamiista todobaadkan. Fasaxa ayaa ku soo beegmay, iyadoo isu- soo dhowaansho laga muujiyay khilaafkii ka dhashay wax-ka beddelka xeer-hoosaadkii Baarlamanku ansixiyay, kadib wada-hadal dhexmaray dhinacyada. Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan dib ugu soo laabto caasimadda Garoowe. Madaxweyne Deni, ayaa sida wararku sheegayaan kulamo gaar ah la yeelan doona xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamanka, si loo xalliyo murankii ka dhashay wax-ka beddelka Xeer-hoosaadka. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
  7. MOGADISHU (HOL) - A female intelligence official who went missing two weeks may be in possession of a list of Somali youth who were clandestinely sent to Eritrea for supposed military training, a former intelligence boss has claimed. Source: Hiiraan Online
  8. Jigjiga (PP News Desk) — Mustafa Omar, the President of the Somali region of Ethiopia, earlier this week held a meeting with Liyu Police commanders to persuade them to join a new campaign against Tigray. Mustafa Omar faces criticism for trying to mobilise the Liyu police to fight for Amhara chauvinists and supremacists Omar reportedly failed to explain what Somalis had to do with “Amhara genocidal war against Tigrayans.” “Regional forces have no mandate to take part in a civil war. Abiy Ahmed wants to portray the unjust war against Tigray as a war in which all other Ethiopian ethnicities band together against Tigrayans” said a person, who attended one of the meetings Mustafe Omar held with political and security stakeholders of the Somali region of Ethiopia. The Ethiopian government has mobilised multi-ethnic militias in violation of the ceasefire in Tigray under the pretext “that TPLF is recruiting child soldiers.” The rejection of the mobilisation campaign will dent Mustafe’s authority, said a political analyst in Addis Ababa. Mustafa (right, seated) with Amhara supremacists with the pre-1991 Ethiopian flag in the background “After an intense pressure campaign on Mustafa & the Liyu Police by Abiy & his Amhara allies; the response is a resounding REJECTION! LP force rank & file & the wider Somali public made clear they got no business dying outside Somali soil, especlly for an Amhara genocidal crusade!” tweeted Mohamed Olad. “We do not want to be involved in demonisation and bloodthirsty campaigns of Amhara chauvinists against people of Tigray” a Somali elder in Jigjiga said. © Puntland Post, 2021 The post Somali Region of Ethiopia Rejects Mobilisation Against Tigray appeared first on Puntland Post.
  9. Qore: Maxamed Cabdimalik Dabayaaqadii bishii Juun, dowladda Galmudug waxay soo bandhigtay miisaaniyadda sanadka 2021 oo gaareysa US$ 27 milyan oo doollar. Miisaaniyaddani oo ahayd tii ugu badanayd abid, ayaa u dhigantaa koror 58% marki loo eego tii sanadki 2020. Ka dib dhowr sano oo koror yar oo joogto ahi, marka laga reebo hoos u dhaca sanadki 2019, Galmudug ayaa labadii sano ee la soo dhaafay diiwaan gelisay koror miisaaniyadeed oo aad u ballaaran. Waa Maxay Miisaaniyadda? Sanad kasta dowladaha maamul goboleedyada iyo tan federaalka waxay soo saaraan qorsheyaal lagu qoondeeyo maalgelinta adeegyada iyo barnaamijyada bulshada Soomaaliyeed. Miisaaniyadda waxa ku xusan howlaha ay dowladda siinayso mudnaanta, lacagaha la qoondeeyey iyo dakhliga la filanayo. Dakhliga miisaaniyadda wuxuu inta badan ka yimaada canshuuraha, deeqaaha ama ijaar waxaana lagu maalgaliyaa adeegyada asaasiga sida difaaca, amniga, musharaadka shaqaalaha iyo caafimaadka. Miisaaniyadda Galmudug ee 2021 waxa ay shaqeyn doontaa laga bilaabo 1da Janaayo ilaa 31da Diseembar. Sidee loo kharash garayn doona miisaanayada? Si guud, miisaaniyadda Galmudug ee sanadkan 88% waa kharashaadka joogtada ah sida mushaaradka ciidanka iyo shaqaalaha, iibka alaabta yaryar, adeegyada xafiisyada, shidaal, kiro, kulan iyo safarrada. Kharashaadka ugu badan waxaa loo asteeyey adeega arimaha gudaha, amniga iyo xallinta khilaafaadka, waxaana sanadkan loo qoondeeye wadarta lacag gaaraysa US$ 7,735,896 una dhiganta kudhowaad saddex meelood meel (28%) qarashka guud ee miisaaniyada. 10ka Lacagaha Ugu Badan Loo Qoondeeye Hey’adda qarashka ugu badan loo qoondeeye waa wasaaradda amniga, waxaana loogu talogalay in sanadkan ay isticmaasho US$ 4.9 milyan oo u dhiganta ku dhawaad 20% wadarta guud. Dhanka kale, shanta wasaaradood ee ugu qoondada badan ayaa wadar ahaan loo qorsheeyey US$ 16.6 milyan ama 61% miisaaniyada. Lacagta hartay ayaa loo qorsheeye inay isticmaalan 27 wasaaradood iyo wakaaladood, waxaan midiiba celcelis ahaan kusoo aadayo lacag ka yar US$ 200,000. Maxkamadda Sare ee Galmudug ayaa sanadkan loo qorsheeyey lacag gaaraysa US$ 310,715, wasaaradda haweenkana US$ 293,015, wasaaradda dhaliyarada iyo isboortigana waxaa loo qoondeeye 173,618. xafiiska garyaqaanka guud oo qarashki ugu yara sanadkan loo qorsheeye ayaa waxaa isna u qoran US$ 60,100 kaliya. Ilaha Dakhliga Wasaarada maaliyada ayaa sanadkan qorshaynaysa in dakhliga gudaha laga soo xareeyo US$ 11 milyan oo u dhiganta in kabadan seddex laab lacagti la qabtay sanadkii 2020 (US$ 3.4 milyan). Dakhligan xoogan ayaa la filanaya inay kasoo kordhaan labo ilo: canshuuraha alaabada & adeegyada iyo canshuuraha wax isdhaafsiga. Sanadkan 2021 waxaa Galmudug rajaynaysa in labadan ilo laga soo xarayn doono US$ 10 milyan, halka sanadki hore iskujir laga heley kaliya US$ 3.3 milyan. Inta ka dhiman miisaaniyadda sanadkan oo ah 16 milyan (ama 59%) waa kab laga rajaynaayo inay ka imaan doonan deeqaha dowladda federaalka, mashaaricda ururada caalamiga iyo dowladaha shisheeya. Miisaaniyadda Galmudug ee 2021 ayaa mudnaanta siinsaysa 13 qodob oo ay qaar ka mid yihiin hirgelinta siyaasad loo dhan yahay, abuurista jawi nabdoon, ka hortaga COVID-19, xafiisaynta 10 wasaradood, shaqo abuur 5000 oo dhalinyaro ah, dib u dhiska ciidanka booliska iyo daraawiishta. Horumarka laga sameeye xasillinta Galmudug, uruurinta iyo maamulka canshuuraha ayaa loo aanaynaaya sare u kaca ballaaran ee miisaaniyadda sanad maaliyadeedka 2020 iyo 2021. Maxamed Cabdimalik waa weriye madax banaan ahna madaxa Xaruunta la Socodka Marin Habaabinta ee FESOJ. Kala soco bartiisa Twitter-ka @mabdimalik Source: goobjoog.com
  10. Waxaa sii xogeytay rabshadaha dalka koonfur afrika, xilli laga soo warinayo dalkaas in banaanbaxyada ay ku sii fideen gobala badan. Madaxweynaha dalka koonfur afrika Cyril Ramaphosa ayaa dhankiisa sheegay in rabshadaha ay ahaayen kuwa horay loosii qorsheyay. Ciidamada ammaanka dalka koonfur afrika ayaa xiray in kabadan 2,500 qof kuwaas oo qeyb ka ahaa rabshadaha welli ka socda dalka koonfur afrika, xilli madaxweynaha dalkaasi uu sheegay in 200 qof ay ku dhinteen rabshadaha ka dhashay xarigga madaxweynihii hore ee dalka koonfur afrika Zuma, kaas oo ay maxkamadda sare ee dalkaas ay ku heshay falal musuqa la xiriira. Dowladda koonfur afrika ayaa ku dhawaaqday in la soo rogayo seddax bil oo xaalad deg deg ah, xilli dowladda ay dalbatay in la soo bixiyo 25,000 askar oo dheeri ah kuwaas oo sugta ammaanka dalka oo dhan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Dowladda Seychelles ayaa sheegtay in ay sii daysay shan nin oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haystay danbiyo la xiriira Burcad-badeednimo. Maxkamadda Sare ee Seychelles, ayaa sheegtay in aysan jirin wax caddayn oo muujinaya in Raggaas ay Burcad-badeed ahaayeen, sidaas darteedna xabsiga looga sii daayay. Saraakiil ka tirsan dowladda Seychelles, ayaa laga soo xigtay in ragga la sii daayay lagu celin doono dalkoodii Soomaaliya. Waxa xusid mudan, in weli aan la shaacin magacyada ragga la sii daayay, islamarkaana aan faahfaahin intaas ka badan laga bixin xogtooda. PUNTLAND POST The post Dowladda Seychelles oo sii daysay rag Soomaaliyeed oo Burcad-badeednimo loo haystay appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Haiti)-Taliyaha booliska Haiti ayaa shaaca ka qaaday magaca qof uu sheegay inuu amray dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise. Sarkaal hore uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo la yidhahdo oseph Felix Badio ayaa la sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Colombia uu ku amaray inay khaarajiyaan madaxweynaha ka dib markii uu ugu caga jugleeyay inuu xidhayo. Janaraal Jorge Luis Vargas ayaa sheegay Joseph Felix Badio uu markii hore u sheegay laba ka mid ah askartii hore ee Colombia oo mas’uul ka ahaa calooshood u shaqeystaasha Colombia inay soo xidhaan madaxweyne ovenel Moise. Hase yeeshee maalmo ka hor howlgalka ayuu Joseph Felix Badio u sheegay in qorshihii uu is baddalay sidaa darteed ay khaarajiyaan madaxweynaha. Mr Badio waxa uu ka mid ahaa dhowr qof oo liiska madow ugu jiray booliska Haiti. Waxaa lagu soo eedeeyay dil, abaabulka saadka, iibsashada gawaadhida iyo isku dubaridka howlgalka kooxda dadka dila. Hadalka Janaraalka ayaa imanaya iyadoo uu shalay madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque uu sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay “aqoon durugsan” u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahii Haiti. Mr Moïse ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gurigiisa iyadoo sidoo kalana xaaskiisa la dhaawacay. Booliska Haiti waxay sheegeen in koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka koobnaa askar hore oo reer Colombia ah ay dileen Mr Moïse. Mr Duque wuxuu sheegay in dadka reer Colombia badankood la khiyaameeyay maadama loo sheegay inay ilaaliyaal ka noqon doonaan Haiti. Laakiin waxaa ku jiray koox yar oo iyaga ka mid ah oo aqoon buuxda u leh howlgalka, ayuu u sheegay idaacadda Colombia. 28-ka nin ee la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska ee dilay Mr Moïse, marka laga reebo laba ka mid ah waxay ahaayeen reer Kolombiya halka labada kale ay dhalasha Mareykan ah, asalkoodu yahay Haiti. Source
  13. In the wake of the recent Somaliland elections, we spoke to Sheffield-based Somalilanders. The election has since seen a coalition formed by the leading opposition parties. We explore the journey towards these delayed elections and ask what next, for Somaliland. Qaran News
  14. (SLT-Jigjiga)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed ayaa waraysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in ciidamada deegaanka ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacan wax kasta oo lid ku ah qaranimada Itoobiya. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Dowlad Deegaanka Itoobiya uu mar walba diyaar u yahay la dagaalanka jabhadda TPLF ayna naf iyo maalba u hurayaan. Mar wasiirka wax laga weydiiyay hadallada la isla dhexmaraya ee sheegaya in ciidan ka socda dowlad deegaanka la gayn doono waqooyiga Itoobiya oo ay la dagaalami doonan TPLF ayaa wuxuu kaga jawaabay: “Ciidamada la yidhi waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayna xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan anaga u shaacinnay.” “Waxaan rabaa in dadka deegaanka aan u sheego in ciidamadaan ay yihiin kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida, waa xoogagii difaacayay deegaanka, waxayna kaalin ku leeyihiin difaacidda qaranka Itoobiya, tusaale ahaan waxay ka qayb qaateen dagaalkii Eriteria iyo Itoobiya. Ciidamada Dowlad Deegaanka waxay sidoo kale ahaayeen kuwii la dagaalamayay Al-shabab ee xuduuda Soomaaliya galay.” Ayuu raaciyay. Source
  15. The international community’s engagement with the government of Somalia and their reluctance to validate Somaliland’s inalienable right to sovereign nationhood is being challenged by the realities on the ground in the breakaway republic. Source: Hiiraan Online
  16. Five Somali nationals suspected of piracy were acquitted on Friday after the Seychelles Supreme Court found that there was not enough evidence to support the charges. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - The Somali Prime Minister, Mohamed Hussein Roble, welcomed the FEIT Federal Electoral Commission (FEIT) election schedule for the election of Somalia's Parliament. Source: Hiiraan Online
  18. Fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa saaka oo Sabti ah dib u furmaya, kadib mudda saddex maalmood ah oo xildhibaannadu fasax ku maqnaayeen. Ajandaha Fadhigan ayaa lagu sheegay ka doodista Hindise-xeereedka dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo Madaxweynaha Puntland u soo gudbiyey Baarlamanka. Hindise-sharciyeedkan dhawrista goobaha Taariikhiga ah ee Puntland waxa akhriska labaad mariyay guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee golaha. Mudanayaasha ayaa la filaya in ay dood kadib ansixiyaan Xeerkan oo muhiim u ah dhawrista goobaha Taariikhiga ah. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo dib uga soo laabtay fasax saddex Cisho ah appeared first on Puntland Post.
  19. Two Lewiston men who came to that city as Somali refugees were sentenced in federal court Friday for their respective roles as interpreters in a health care fraud scheme that bilked MaineCare out of more than $1.8 million through a Lewiston office providing mental health and substance abuse counseling services. Source: Hiiraan Online
  20. Port-au-Prince (Caasimada Online) – Taliyaha booliska Colombiya ayaa shaaca ka qaaday magaca qof uu sheegay inuu amray dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise. Sarkaal horay uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo la yirahdo oseph Felix Badio ayaa la sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Colombia uu ku amaray inay khaarajiyaan madaxweynaha ka dib markii uu ugu caga jugleeyay inuu xirayo. Janaraal Jorge Luis Vargas ayaa sheegay Joseph Felix Badio uu markii hore u sheegay laba ka mid ah askartii hore ee Colombia oo mas’uul ka ahaa calooshood u shaqeystaasha Colombia inay soo xiraan madaxweyne ovenel Moise. Hase yeeshee maalmo ka dib ka hor howlgalka ayuu Joseph Felix Badio u sheegay in qorshihii uu is baddalay sidaa darteed ay khaarajiyaan madaxweynaha. Mr Badio waxa uu ka mid ahaa dhowr qof oo liiska madow ugu jiray booliska Haiti. Waxaa lagu soo eedeeyay dil, abaabulka saadka, iibsashada gawaarida iyo isku dubaridka howlgalka kooxda dadka dila. Hadalka Janaraalka ayaa imanaya iyadoo uu shalay madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque uu sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay “aqoon durugsan” u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahii Haiti. Mr Moïse ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gurigiisa iyadoo sidoo kalana xaaskiisa la dhaawacay. Booliska Haiti waxay sheegeen in koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka koobnaa askar hore oo reer Colombia ah ay dileen Mr Moïse. Mr Duque wuxuu sheegay in dadka reer Colombia badankood la khiyaameeyay maadama loo sheegay inay ilaaliyaal ka noqon doonaan Haiti. Laakiin waxaa ku jiray koox yar oo iyaga ka mid ah oo aqoon buuxda u leh howlgalka, ayuu u sheegay idaacadda Colombia. 28-ka nin ee la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska ee dilay Mr Moïse, marka laga reebo laba ka mid ah waxay ahaayeen reer Kolombiya halka labada kale ay dhalasha Mareykan ah, asalkoodu yahay Haiti. Isha: BBC The post Yaa bixiyey amarka DILKA madaxweynihii dalka Haiti? appeared first on Caasimada Online.
  21. Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Howl-galkan oo uu horkacayey ku simaha taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa waxaa si gaara looga fuliyey deegaanka Caliyoow Boorow ee gobolkaasi, halkaas ay ku sugnaayeen Xoogaga kooxda Al-Shabaab. Ku simaha taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay ku khaarijiyeen xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Nuux Dhagool. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka lacag uruurinta, sida uu hadalka u dhigay. Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa sidoo kale xusay inuu howl-galkooda uu guuleystay, isla-markaana ay sii wadi doonaan, inta laga saaro Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guullaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daraamayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Si kastaba, waxaa gobolkan si weyn ugu xoogan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro iyo qaraxyo culus kasoo abaabula deegaanada ay ka maamulaan Sh/ Hoose. The post Ciidamada Danab oo howl-gal qorsheysan ku dilay Nuux Dhagool appeared first on Caasimada Online.
  22. Access to health care is a major issue in developing countries due to insufficient infrastructure and resources. Source: Hiiraan Online
  23. Unrest in South Africa has claimed 212 lives, the government said on Friday, a sharp jump from the 117 deaths announced the previous day. Source: Hiiraan Online
  24. Somalia is sending two athletes to compete at the Tokyo Olympics, and they include the country’s first non-runner — female boxer Ramla Ali. Source: Hiiraan Online
  25. Jigjiga (Caasimada Online) – Maamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF ee maamusha gooblka Tigray ee waqooyiga dalkaas. Go’aankan ayaa yimid saacado kadib markii madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya. “Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu Mustafa ku yiri qoraalka. Saacado kadib qoraalkaas, ayaa Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed oo waraysi BBC-da, waxa uu sheegay in ciidamada deegaanka ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacan wax kasta oo lid ku ah qaranimada Itoobiya. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Dowlad Deegaanka Itoobiya uu mar walba diyaar u yahay la dagaalanka jabhadda TPLF ayna naf iyo maalba u hurayaan. Wasiirka ayaa dhinaca kale beeniyey warar soo baxaya oo sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ka socda maamulka loo qaadayo furimaha hore ee dagaalka, “Ciidamada la yiri waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayno xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan anaga u shaacinnay,” ayuu yiri. Haddii ay maamulka Soomaalida uu ku biiro dagaalka, wuxuu noqonayaa maamulkii afaraad ee sidaas sameeya. Saddex ka mid ah maamul goboleedyada kale ooEthiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, kuwaas oo kala ah; maamul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP. “Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. Waxaa horey dagaalka qeyb uga ahaa maamulka Amxaarada, oo ay deris yihiin Tigrayga. Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan billaabay weerar cusub oo la doonayo in ciidamada qowmiyadda Amxaarada looga saaro dhul lagu muransan yahay oo ku yaalla galbeedka iyo koonfurta gobolka Tigray. Ayaga oo ka jawaabaya, ayaa ciidamada iyo maleeshiyada Amxaarada waxay isu abaabuleen si xooggan, waxaana afhayeen u hadlay Gizachew Muluneh uu Arbacadii sheegay in ciidankooda ay difaaca ka baxeen oo ay weerar qaadayaan. The post Maamulka Soomaalida oo shaaciyey go’aan la xiriira ku biirista dagaalka TIGRAY-ga appeared first on Caasimada Online.