-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
https://youtu.be/BXDb6yfkmlM Source
-
Itoobiya ayaa todobaadkan waxaa ka dhaceysa doorasho guud oo lagu dooranayo mudanayaasha baarlamaanka iyo ra’isul wasaaraha. Doorashada oo ah midda 6-aad muddo 30 sano ah, dalka ay tirade dadkiisu gaarayaan 109 Milyan, waxaa isku diiwaan-geliyey iney codeeyaan 37.4 million, waxayna ka dhici-doontaa dalka oo dhan marka laga reebo gobollada Tigreyga iyo midka Soomaalida. Gobolka hore waxaa ka jirta xasilooni-darro amni halka gobolka Soomaalida loogu dib dhigay sababo la xiriira is-qabqabsi dhexdooda ah, labaduba waxay doorasho geli-doonaan September 6. Cod-bixiyeyaasha ayaa u codeyn doona ilaa 547 oo ka titsan xildhibaannada baarlamaanka iyo cidda noqoneysa ra’isul wasaaraha, Guddiga doorashada waxaa ay sheegeen in aan xilliga la dooran doonin 78 ka mid ah 547-baad kursi, oo dib loo dhigay. Doorashadii ugu dambeysay ee guud waxaa ay dhacday 2015. Midowga Yurub ayaa sheegay in ay qeyb ka noqon doonin korjoogeyaasha caalamiga kadib markii uu fashilmay heshiis ay la geli lahaayeen Adis Ababa. Dhanka kale, ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Adis Ababa ayaa Goobjoog News u sheegay in iyada oo laga ambaqaadayo (Pan-Africanism), madaxa midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa doorashada Itoobiya usoo diray kor-joogeyaal ka socda in ka badan 37 dal oo qaaradda ah, Soomaaliya waxaa uga qeyb-galaya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Yarey) oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka. Ilaa hadda xisbiga Prosperity Party ee ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa la filayaa inuu guul weyn ka helo. Wararka arrimaha doorashada Itoobiya, Kala soco. Waa Sawirrada Kooxda Afrikaanka ee korjoogteyn-doonta doorashada Itoobiya: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Source
-
(SLT-Laascaanood)-Maxkamada gobolka Sool ayaa maanta ansixisay islamarkaana dhaarisay, xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Laascanood oo ka kooban 13 Xubnood. Munasibada Dhaarinta waxaa goob-joog ahaa masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Sool, Sarakiisha lamaha amaanka iyo masuuliyiin kale. Source
-
Sawirka Maanta oo is-fasiraya+Aqlabiyada Xildhibaanada Degaanka Boorama Magaalada Boorama Ma jirto ilaa hada Maayar iyo ku xigeen la doortay. Goobtii shalay lagu balamey waxaa fadhiya oo keliya 7 muddane , waxaana gabi ahaan-ba ka maqan goobta xildhibaanadii xisbiga Kulmiye. Kooramka golaha ayaa ku buuxsamaya 8 Muddane , waxaana ilaa hada loo xaniban yahay mudanayaasha maqan. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha Deegaanka Ee Magaaladda Baligubadle ayaa yeeshay Fadhigoodii ugu horeeyay, Waxaanay Iska Dhex Doorteen Mayor Iyo Ku Xigeen Cusub. Fadhigan Waxa Ka soo xaadiray 8 Xubnood, Waxaana maqnaa Oo aan Goobta imani Hal Xubin. Dhaarta Ka dib Golaha Deegaanka Ee Baligubadle ayaa Shiine Cabdi Hayaan oo Xisbiga Kulmiye Ka soo Baxay U Doortay duqa Magaaladaasi Hogaamin Doonta Haddii Allaah Uu Idmo Shanta Sano Ee soo Socota iyada Oo Ku Xigeenkana Loo doortay Cabdirisaaq Xasan Oo Xisbiga Waddani Ka soo Baxay. Labadan Xubnood ayaa helay Codad aqlabiyad ah Oo ah 8 Xubnood. Source
-
Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah musharixiintii ku soo guuleysatay doorashada golaha deegaanka ee gobalka maroodi-jeex ayaa maanta loo doortay maayarka hargeyso. Mooge ayaa ku soo baxay codad kor u dhaafayo 26,000 oo cod doorashadii dhacday 31 may . Cabdikariin ayaana cod aqlabiyad leh kugu guuleystay kadib markii ay mudanayaasha golaha deegaanka gobalka maroodi-jeex ay u codeeyen . Xilka ayuuna kala wareegaya Cabdiraxman Saltelco oo muddo 10 sano ka badan ahaa maayarka hargeysa . Khadar Axmed Nur ayaa dhankiisa loo doortay mayar ku-xigeenka hargeysa. Labada mas’uul ayaa ka socda xisbiyada mucaaradka somaliland UCID iyo WADANI. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Mayarka iyo maayir ku-xigeenka Magaalada Hargeysa ayaa saaka la doortay. Cabdikariim Axmed Mooge oo ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si rasmiya loogu doortay Maayirka Caasimadda Hargeysa halka ku-xigeenkiisana loo doortay Khadar Axmed Nuur oo ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID. Dhammaan Mudanayaaasha ayaa u codeeyay Maayirka iyo ku-xigeenka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galayey dood ah lagu qabtay barta Twitter Space ayaa markii ugu horreysay si daah-furnaan ah uga helay xarigga Sheekh Mkhqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku dhowaad sadex sano u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa marka hore afduub ku tilmaamay xarigga Mukhtaar Roobow, wuxuuna tilmaamay inuu sharci darro yahay xarigiisa, isaga oo arrimo siyaasadeed uu sababeeyey. Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Roobow uusan u xirneyn arri amni darteed, balse xarigiisa laga leeyahay dano kale. “Waa la afduubtay, waxaan ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed umana xirno arrin amni.” ayuu yiri musharrax madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xarigga Sheekh Mkhqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) inuu meesha ka saaro in hoggaamiyeyaal kale ee kasoo baxaan Al-Shabaab,sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu xusay in dowladdu ay albaabka kasoo ooday hoggaamiyeyaal muhiim ah, oo dib uga soo noqon lahaa kooxda Al-Shabaab. “Dowladda Waxay gebi ahaanba xirtay in Shabaab ay hoggaamiyeyaal kale ka yimaadaan. Arrinta xiridda Mukhtaar illaa iyo maanta waxay albaabka ka soo ooday dad muhiim ah oo hoggaamiyeyaal ah in Shabaabka ay dib uga soo noqdaan”. Roobow oo muddo ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay bishii August ee sanadkii 2017-kii, isaga bilo kadib, markii lagu soo dhoweeyey Muqdisho uu isku soo taagay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse xilligii doorashada oo aheyd bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. The post Xasan Sheekh: Waxaan ku tilmaami karaa Roobow qof la soo afduubtay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay dhowaan dib u furaneyso safaaraddii ay ku laheyd magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, si loo xoojiyo xiriirka ay la leedahay dowladda dhexe. Hadalkan ayaa waxaa ka dhawaajisay Elin Bergithe Rognlie oo ah danjiraha Norway u qaabilsan Soomaaliya, kadib kulan ay la qaadatay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, MudaneBalal Maxamed Cismaan. Marwo Elin Bergithe ayaa shaaca ka qaatay in haatan ay bilaabatay qaban-qaabada dib loogu furayo safaaradooda magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in dowladda Norway, gaar ahaan agaasinka socdaalka uu aqoonsaday baasaboorka Soomaaliya, si loo fududeeyo isku socodka labada dal. “Safiiradda Norway ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday qaban-qaabada dib loogu furayo xafiis diblomaasiyadeed oo joogta ah oo ay ku yeeshaan Muqdisho si loo fududeeyo howsha rasmiga ah iyo midda adeegga ah, iyadoo shaaca ka qaaday in Agaasinka Socdaalka Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, waxayna muujisay taageerada dalkeeda ee ku aadan hannaanka doorashada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay wasaaradda arimaha dibada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Dhankiisa wasiir Balal Maxamed Cismaan ayaa soo dhoweeyey go’aanka Norway iyo dib u furashada safaaradeeda Muqdisho, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay danayneyso xoojinta xiriirka diblumaasiyaasadeed iyo iskaashiga kale ee ka dhexeeya labada wadan. “Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa cadeeyay sida ay Soomaaliya u danaynayso xoojinta xiriirka ay la leedahay Norway, halkaas oo ay ku nool yihiin jaaliyad aad u tiro badan oo Soomaaliyeed, taasoo leh aragti horumarineed iyo mid wax dhisid leh, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga istiraatiijiyadeed si loo gaaro dano wadaagga labada dal ee saaxiibka ah” ayaa lagu soo xiray qoraalka. Norway ayaa ka mid ah wadamada reer Yurub ee sida weyn u taageero Soomaaliya, iyada oo qeyb ka ah wadamada beesha caalamka ee dadaalka ku bixinaya doorashooyinka 2021. The post NORWAY oo aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, kadibna dib u furaneyso safaaradeeda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
A lawyer for a nurse under investigation in the death of Argentine football great Diego Maradona said Wednesday that doctors killed him through negligence. Source: Hiiraan Online
-
Negotiations are continuing to establish a final set of restrictions on the movement and activities of an Adelaide woman recently released from jail after being convicted of being a member of a terrorist group. Source: Hiiraan Online
-
Since the war in Syria broke out a decade ago, refugees have fled to countries in the Middle East and Europe as well as to countries in Africa that face instability, like Somalia. But now Somali officials say Syrian refugees are enriching the host nation culturally and economically. Source: Hiiraan Online
-
Taiwan will dispatch a medical mission to the self-governing African territory of Somaliland, the Ministry of Foreign Affairs (MOFA) said Wednesday in a statement, without providing a timeline for the mission. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online ku heshay xog la isku haleyn karo, madaxweyne Farmaajo ayaa wali farogelin ku haya soo magacaabista guddiyada doorashada ee gobalada Waqooyi. Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana laga soo doorto Gobalada Waqooyi ayaa Caasimada Online u sheegay 15-ka xubnood ee gobalada Waqooyi ay 9 kamid ah ku imaan doonaan rabitaanka Farmaajo, halka 6-da kale uu soo gudbin doono Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka Cabdi Xaashi. Xogta ayaa tilmaameysa in 6-da Xubnood ee la siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed laga soo gudbin doono xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale, xogta ayaa tilmaameysa in 3-da xubnood ee kalana oo uu soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagana ay Villa Somalia ku heyso farogelin, waxaana arrintaan qeyla dhaan ka muujiyay siyaasiinta gobalada Waqooyi. Xildhibaano Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Xildhibaanada laga soo doorto gobalada Waqooyi iyo kuwa kale ayaa shalay Muqdisho ka sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wali maamulayo soo magacaabista guddiyada ka imaanaya gobalada Waqooyi ee Soomaaliya iyagoona baaq u diray RW Rooble. Ka sokow xubnaha gobollada waqooyi, madaxweyne Farmaajo ayaa saameyn xooggan ku yeeshay xubnihii laga soo xulay HirShabeelle, oo badankood la sheegay inay ku yimaadeen rabitaankiisa, sida ay xaqiijisay Caasimada Online. The post Xog: Farmaajo oo awood loo siiyay soo xulashada sagaal xubin oo ka mid ah guddiga doorashada ee G/Waqooyi appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu xilal agaasimeyaal guud oo dowladda dhexe ah siiyay Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada qaar. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Cali Guudlaawe uu geestay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dhowaan la magacaabay. Qoor Qoor ayaa sidoo kale geestay agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka ee dhowaan la magacaabay, halka Mahdi Guuleed uu geestay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu isagana keensaday agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaanshaandhigga Soomaaliya, kaasoo ay qaraabo dhow yihiin. Si rasmi ah looma oga sababta, hase yeeshee waxaa soo baxaya in ay jiri doonaan agaasimyaal kale oo ka imaan doona maamulada kale ee harsan sida Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Madaxda maamul gobaleedyada oo ka faa’ideysanaya xiliga kala guurka ah iyo culeysyada heesta ayaa la sheegay in ay damacsan yihiin in ay isaga yareeyaan magacaabista xilal kala duwan, kuwaasoo ka dhici doona dowladda dhexe iyo maamulada dhaxdooda. Rooble ayaa kahor magacaabistan wuxuu wasiirada dowladda ka reebay inay sameeyaan wax magacaabis agaasimeyaal ah, isaga oo si toos ah ula wareegay awoodihii wasiirada xukuumaddiisa. The post Xog: R/W Rooble oo xilal ku abaal mariyey qaar ka mid ah madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay weli dhibaatooyin ka wadaan Gobolka Gedo, ayna sidoo kale xanibaado kusoo rogeen qeybo ka mid ah gobolka. “Waxaan doonayaa ummadda Soomaaliyeed inaan la wadaagno dal iyo dibadba inaysan Kenya joojin dhibaatooyinkii ay ka waday Gobolka Gedo,” ayuu yiri Afhayeenka. Inkastoo Kenya ay Khamiistii dib u fasaxday duulimaayadii labada dal oo bishii May ay xanibtay sababo aanay sheegin awgood ayuu Afhayeenku sheegaya inay sii waddo dhibaatooyinka ay ku hayso dadka reer Gedo. “Xilli maalmo ka hor ay Kenya qaaday cunaqabateyntii ay ayada isa saartay ee duulimaadyadii labada dal ayay hadana dhibaatooyin kale ka waddaa Gobolka Gedo. Tusaale ahaan buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq baabuur ganacsi oo Caasimadda Soomaaliya laga raray intuu ka gudbay ma taggi karo Gobolka Gedo degmo ka mid ah. Garbahaarey ma taggi karo, Beled Xaawo ma taggi karo, Doolow iyo Luuq dhexdooda oo aad ammaan ah uun baa laga yaabaa inuu baabuur ka gudbo,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle oo Warbaahinta ka soo muuqday. Waxa kaloo uu yiri “Degmada Ceelwaaq, Kismaayana uma furno, Gedo inteeda kalena uma furmo. Deegaanada Faafaaxdhuun, Buusaar, Samaroole, Dhaso, Burcalaan, Ceelcadde, Wargaduudo iyo Ceelgaduud kiilada (1kg) sonkorta waxay ka joogtaa shan dollar ($5), wax ganacsi ahna aysan gelin. Gaadiidka ganacsiga waxay ka baqayaan in diyaaradaha Kenya ay duqeeyaan, sidii dhacdayba.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa xusid mudan Degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq, Ceelwaaq iyo Garbahaarey, Ceelwaaq iyo Beled Xaawo, Ceelwaaq illaa Diif inta ka dhaxeyso meel deegaan ah oo jiingad cad ay ka dhisan tahay oo lagu hoydaa ma jirto. 4-ta galabnimo ayaa meel kastaa oo la degan yahay laga caraabaa, hooyooyinka umulaya geedaha bay ku hoos umulaan oo dadkaasi habeenkii oo dhan duurkaas ayay yaallaan, oo kaneecada iyo dhibaatada ay hoos jooggaan. Deegaanadii la deganaa xilliyada habeenkii waxaa gaaf wareegaya diyaaradaha Kenya.” Waxaa uu intaa ku daray “Shirkaddii Isgaarsiinta Hormuud oo dadkaa u ahayd manfac, shanta qaaradood qaraabadoodii jirtay ee lacagaha ugu soo diri jireen teleefanadooda gacanta waa laga burburiyay, sababtoo ah adeegga EVC Plus deegaanadaasi waa ka go’an yahay. Wax kale iska daayee naftoodii baa qof walba wuxuu leeyahay goormaa diyaaradi gantaal kugu dhufan doontaa.” Hadalka Aadan Rufle ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Soomaaliya ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u gudbisay cadeymo muujinaya labaatan duqaymo oo dhanka cirka ah, oo diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka gaysteen Gobolada Koonfureed ee dalka. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka hordhigay cadeymaha duqaymahaasi, isagoona sheegay in Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada Dagaalka ay tahay in baaritaan ay ku sameyso duqaymahan. “Nooca duqaymaha tirada badan ee joogtada noqday ee gaaraya illaa iyo labaatanka ee lala beegsaday dad shacab ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaa oo ay gaysanayaan Ciidamada Kenya ayaa gaarsiisan heerka dembiyo dagaal, marka la eego sharciga caalamiga ah. Tacadiyadan ay gaysanayaan Ciidamada Kenya ayaa u baahan in baaritaan deg-deg ah ay ku sameyso Maxkamadda Caalamiga. Waa waajibaad saaran dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobey inay difaacaan shuruucda caalamiga ahi. Tacadiyadani waxay u baahan yihiin in golahani uu mowqif adag ka qaato, si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo xasilloonida adduunka, isla-markaana lagula xisaabtamo kuwii ka dambeeyay jebinta shuruucda caalamiga iyo kuwa bani’aadanimadaba,” ayuu yiri Abuukar Baalle. Danjire Baalle ayaa markale yiri “Soomaaliya uma dulqaadan kareyso weeraro noocaani oo ka dhacaya xuduudahayaga, maadaama duqaymahani ay gaysayanaan ciidamo lagu aaminay inay suggaan ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxa ay su’aal gelinayaan doorka nabad ilaalineed ee Kenya, waxayna noqonayaan kuwa xagal-daacinaya doorka Ciidanka AMISOM, joogitaankooda Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.” The post Kenya oo xanibaado kusoo rogtay qeybo ka mid ah Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland: Nin Kuu Digay Kumuu Dilin: W/Q Cabdiraxmaan Cadami Wasiirka wasaaradda gaadiidka Itoobiya gabadha la yidhaahdo Daagmaawiit Moges mar ay la hadlaysay warbaahinta waxay sheegtay in dawladda Itoobiya dhawaan meel marisay ama ansixisay siyaasad cusub oo ku aaddan ‘Logistics-ka’ dalka oo qodob ka mid ah tilmaamayo Itoobiya in ay sii isticmaali doonto dekedaha dalalka jaarka ah inta ay ka helayso deked ay iyadu leedahay. Professor Matewos Insermo oo wax ka diyaariyay sharcigan iyo damaca ay dawladda Itoobiya ku doonayso in ay deked gaar ah yeelato isna wuxuu yidhi: “ Waxa lagama maarmaan ah Itoobiya in ay deked ku hesho Iib, gorgortan, kiro muddo dheer (lease) oo ay iyadu maamusho ama siyaabo kale ku hesho”!!! Taliyaha Militariga Itoobiya Jeneral Birhano Julla mar sii horaysay isna wuxuu yidhi: “macquul maaha lamana aqbali karo in Itoobiya oo dadkeedu 100 malyuun kor u dhaafay bad la’aato.” Taliyihii hore ee ciidamada Itoobiya Gen Adam Maxamed mar uu tababar u soo xidhayay saraakiishii u horaysay ee ciidamada badda isna wuxuu yidhi: “ Saldhigga ciidanka Badda ee Itoobiya waxa laga dhisi doona meel ka mid iyo dal ka mid ah dawladaha jaarka ah.” Ra’isal wasaaraha Itoobiya wuxuu isaguna dhawr jeer wuxuu ku celceliyay sida dalkiisu ugu baahan yahay deked si aanay marti ugu ahaan dekedaha waddamo kale. Inkasta oo ay ilaa hadda ay sir u tahay saaxiibadii isbahaystay (Afwerki, Abiy iyo Farmaajo) haddana waxa laga warqabaa in madaxweynihii hore (Farmaajo) ee Soomaaliya afar dekedood ka iibiyay Abiy Axmed isaga oo kaga bedeshay in Itoobiya iyo Ereteriya gacan ku siiyaan in uu Soomaaliya xukumo waligii laguna ilaaliyo. Ogow dekedaha uu xaraashay waxa ka mid ah kuwa Somaliland. Muwaadin weedhahan ka soo yeedhaya madaxda kala duwan ee Itoobiya waxay la kawsadeen doorashadii Abiy Axmed ee 2018, hase ahaatee hadda ka hor waxay ahaayeen hindiseyaal iyo aragti mala-awaal ah oo aan dhab(Serious) loo qaadan Karin haddase sida ay wasiirraddu sheegtay waa siyaasadda rasmiga ah ee dawladda Itoobiya oo wakhti ay noqotaba fulinteeda la isku dayi doono. Waxaan u malaynaya Somaliland in aan waxba loo qarin waana farriimo cad oo u baahan in lagu baraarugo, Jabuuti qudheedu waxay ka mid tahay meelaha Itoobiya ku taamayso. Soomaalidu waxay tidhaahda : Nin kuu digay kumuu dilin. Haddaba madaxda Jamhuuriyadda Somaliland maxaa la gudboon? In si dhab ah loo qaato digniinaha ka imanaya dhinaca Itoobiya iyo in Beesha Caalamka lala socodsiiyo ujeedooyinka ra’isal wasaaraha Itoobiya ee gobolka Geeska Afrika. In siyaasad iyo diyaargarow laga yeesho damaca iyo dekedo raadinta Itoobiya ku doonayso in ay wax ka bedel ku samayso xuduudihii Isticmaarku ka tegay si ay bad u hesho. In hoggaamiyeyaasha gobolku iskaga yimaaddaan talo midaysana ka yeeshaan siyaasadda dhul balaadhsiga ah ee Itoobiya. Waxa la yidhaahda : ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow. Somaliland waxay u baahan tahay in ay hesho quwado iyo xulufo heshiisyo militari lala galo oo inaga caawin kara casriyaynta iyo qalabaynta ciidanka Qaranka si ay u awooddaan difaaca dhulka, cirka iyo badaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami abdirahmanadami22@gmail.com Maqaalkani ma ah mid ay shabakadani leedahay ee waa aragtida mid ka mid ah akhristayaasha Qaran News
-
Qaar ka mid ah culimada Puntland ayaa ka horyimid xeerka gudniinka gabdhaha oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Puntland, hadana horyaalla baarlamaanka. Culimada ayaa sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha uu yahay mid ka hor imanaya qodobka 9-aad ee dastuurka Puntland iyo sharciga Islaamka. Shir jaraa’id oo culimadu uga hadlayso xeerka Wadaada ayaa baarlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meelmarin hindise sharciyeedkan oo ay ku tilmaameen mashruuc dana gaara laga leeyahay. Xeerka muranka dhaliyay oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa mamnuucaya gudniinka gabdhaha nooc walba oo yahay. PUNTLAND POST The post Puntland: Culimo ka hortimid xeer horyaalla Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa ka deyriyey xaaladda cunta-yarida ka jirta dalkiisa, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda. Kim ayaa sheegay in dhaqaalaha dalkiisa uu sanadkan horumar sameeyey, balse wuxu ku baaqay tallaabooyin wax looga qabanayo xaaladda cunta-yarida food-saartay dalkaas. Kim ayaa hoggaamiyey kulan ay yeesheen xisbiga Talada haya ee shaqaalaha, kaasi oo dib u eegis loogu sameynayey siyaasadaha waa weyn ee dalka, laguna dejinayey tallaabooyin lagu xalinayo xasaradaha dhaqaale ee dalkaas. Kim ayaa sheegay in si guud dhaqaalaha Korea-da Waqooyi uu barkii hore ee sanadkan horumar sameeyey, ayada oo wax soo saarka warshadaha uu sare u kacay 25%, marka loo eego sanad kahor, sida ay sheegtay warbaahinta. Xisbiga ayaa wacad u maray in uu dhammaan dadaallada isugu geyn doono beerashada sanadkan. PUNTLAND POST The post Kim Jong Un oo ka deyriyay xaaladda dalkiisa appeared first on Puntland Post.
-
The four-day G7 summit in Cornwall ended with little cause for celebration from anyone worried about climate change. Most of the pledges that emerged were relatively old news, with the UK repeating its promise of £500 million for ocean conservation efforts and the group reaffirming its commitment to end support for coal production abroad. The leaders of (supposedly) the world’s richest democracies failed again to agree to new funding to help poorer parts of the world invest in green technology and adapt to extreme weather. But more interesting than these pledges and non-pledges were the things that weren’t mentioned at all. One of the greatest unmentionables at climate summit after climate summit is just how badly we keep track of contributions to global warming. It’s the elephant in the room at any gathering where the leaders of rich countries discuss climate change: historical responsibility. Everyone knows that G7 nations have contributed disproportionately to the global warming that has already happened. But exactly how much more? If you search online for which country has caused most global warming, you find a list of how much countries emit each year. Delve deeper, and the next thing you find is how much they have reduced their emissions since 1990. This flatters mature economies, whose emissions are declining. But for carbon dioxide – the effects of which last almost indefinitely (and to an only slightly lesser degree, nitrous oxide, a byproduct of fertiliser production and use) – it’s accumulated emissions over time that determine a country’s contribution to global warming, not emissions in any given year. Focusing on current emissions is particularly kind to the G7’s host. The UK’s emissions have declined sharply since 1990, but the country did start belching carbon dioxide out of its dark satanic mills almost 100 years before the rest of the world caught on. A tonne of carbon dioxide emitted by an English cotton mill in 1800 is having exactly the same impact on global temperature today as a tonne of carbon dioxide emitted by a Vietnamese power station in 2021. Brazil promoted an effort to quantify country-level contributions to global warming in the 2000s, but it was quietly allowed to die. At present, the United Nations Framework Convention on Climate Change (UNFCCC), the main forum for international climate action, only requires countries to report their contributions to emissions, not warming. And everyone else, from corporations to personal carbon footprint calculators, follows suit. “Isn’t that the same thing?” you might ask. Sadly, no. The method the UNFCCC has settled on to report emissions reflects their effect on the balance between the energy the Earth absorbs from the Sun and the energy it emits back into space over the 100 years after the date of the emission. This is somewhat related to their effect on global temperature, but it is a very long way from the same thing. For emissions that accumulate in the atmosphere over decades to centuries, like carbon dioxide and nitrous oxide, the distinction doesn’t matter. But for methane, and a host of other climate pollutants that persist from only a few days to a couple of decades, it matters a lot. Any country contemplating setting up a fracking industry (notorious for leaking methane) can be quietly confident that it will be 100 years before the warming effect of their fugitive methane emissions will be accurately reflected in their reports to the UNFCCC. Landing the plane with one eye shut In the Paris Agreement, the world set itself a very ambitious goal. The headline goal is not about emissions, but to limit the rise in global average temperature to “well below 2°C”, pursuing efforts to limit warming to 1.5°C if possible. That’s a good thing. By and large, the effects of climate change depend on how much we warm the planet overall, not warming by any given date, or the rate of emissions and warming at any given time, and certainly not planetary energy imbalance summed over an arbitrary time horizon. But right now, it is impossible to take stock of progress towards this temperature goal because countries, in their plans for 2030 and beyond, only report aggregate emissions using this rather odd accounting system that doesn’t reflect the effect of these emissions on global temperature. If rich countries like the G7 are serious about stopping global warming, a good start might be clarifying who and what is causing it. There is no prospect of the UNFCCC changing its accounting system, but it does allow countries to report additional information if they deem it relevant. And what could be more relevant than actual contributions to global warming? At COP26, the Glasgow climate conference in November 2021, the G7 nations could step up and declare they will henceforth report, in addition to their emissions, how much warming they have caused already, how much they continue to cause, and how much they propose to cause in future. All the information exists. Warming contributions can be calculated using precisely the same formulae used for the UNFCCC’s own emissions reporting. It is simply a matter of putting the numbers out there and encouraging everyone else to do the same. This isn’t just about outing the guilty rich. Acknowledging what is causing warming should focus minds on what it will take to stop it. And if we add up the G7’s planned contributions to future warming – never mind the contributions from China, India and the rest – it will soon become clear that we don’t just need to stop causing global warming as soon as possible, but we also need to be able to reverse it by taking carbon dioxide back out of the atmosphere and storing it, safely and permanently, somewhere else. Which is another topic they prefer to avoid at climate summits. Source: The Conversation The post Climate change: what G7 leaders could have said – but didn’t appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay magaalada Muqdisho, Safiirka Norway ee Soomaaliya, Marwo. Elin Bergithe Rognlie, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal. Safiirka Norway ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday qaban-qaabada dib loogu furayo xafiis diblomaasiyadeed oo joogta ah oo ay ku yeeshaan Muqdisho si loo fududeeyo howsha rasmiga ah iyo midda adeegga ah, iyadoo shaaca ka qaaday in Agaasinka Socdaalka Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, waxayna muujisay taageerada dalkeeda ee ku aadan hannaanka doorashada Soomaaliya. Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa cadeeyay sida ay Soomaaliya u danaynayso xoojinta xiriirka ay la leedahay Norway, halkaas oo ay ku nool yihiin jaaliyad aad u tiro badan oo Soomaaliyeed, taasoo leh aragti horumarineed iyo mid wax dhisid leh, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga istiraatiijiyadeed si loo gaaro dano wadaagga labada dal ee saaxiibka ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Norway oo dib u hawl-gelinaysa safaaradeeda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay Ganacsatada Puntland. Sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Siciid Deni ayaa la wadaagay ganacsatada horumarka dalka ka socda iyo guulaha dowladdu ka gaartay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda, Kaabayaasha dhaqaalaha , Arrimaha Bulshada iyo Tayeynta Hay’addaha Dowladda. Madaxtooyadu waxay sheegtay in madaxweynuhu Ganacsatada uga mahadceliyay Shaqada wanaagsan ee socota iyo isbedelka dhabta ah ee muuqda. Waxayna la wadaageen Madaxweynaha inay diyaar u yihiin wixii doorkooda ah inay sii laba jibaaraan ka qeyb qaadashada horumarka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan Casho ah la yeeshay Ganacsatada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’yahay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo kuwo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda. Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah uga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si adag u beeniyey in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku maqan ay ka dagaalameen dal kale. “Xaqiiqadu waxay tahay ciidan uu dal tababar u dirsaday, wadan kale dagaal ma geli karo, boqolaal kun oo ciidan ayuu leeyahay dalka Eritrea, marka waxaba ugama baahna ciidan dal kale, cid u ogolaaneysana maba jirto, marka waa been, mana dhici karto in ciidankeenii uu dagaal galay,” ayuu yiri Jeneraal Biixi. Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye Biixi in dowladdu ay soo celin doonto ciidamada tababarrada uga maqan dalka markii ay dhameystaan tababarkooda, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan rumeysan wararka suuqa ku jira. Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo war iyo wacaal toona laga waayey, dowladuna ay dhagaha ka fureysatay in jawaab waafi ah ay ka bixiso nolosha ama geerida dhalinyaradaas. Hadal heynta iyo baadigoobka dhalinyaradaas ayaa soo cusboonaatay todobaadkii hore markii hey’adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ay soo saartay warbixin sheegeysa in ciidan Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyga dalka Itoobiya. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/06/WhatsApp-Audio-2021-06-15-at-20.37.11-online-audio-converter.com_.mp3 The post Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dhalinyarada ku maqan Eritrea appeared first on Caasimada Online.