Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxda cusub ee Wasaaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Jubaland ayaa kulan booqasho is barasho la yeeshay madaxda xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya,wuxuuna u jeedka kulan ahaa in si dhaw ay u wada shaqeeyaan labada dhinaca,waxaana munaasabadan oo ka dhacday magaalada Muqdisho ka qeyb galaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,madaxda SOMFA iyo sidoo kale mas’uuliyeenta Wasaarada ciyaaraha Jubaland. Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa yiri “Waxaan Rabnaa In Aan Fursad Siino Halmilyan Oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Matasha Xulka Qaranka Soomaaliya”. Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) “Waan In La Tageeraa Xulka Qaranka Soomaaliya Minifootboolka Ee Ka Qeybgalaya tartanka Qaaradda Afrika ” Wasiir ku XIgeenka Ciyaaraha & Dhalinyarada Jubaland Faadumo Cali Cabdikariim ayaa sheegtay “Hadii kubad cagyraha si wanaagsan u shaqeeyo,waxaan helaynaa dhalinyaro tayo wanaagsan,guul iyo horomar ayaa u rajaynayaa madaxda Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya “. Ciyaaryahan hore kubbadda kolyaga Soomaaliya Axmed Muuse ayaa isna sheegay “ Xiriirka Minifootboolka Waxay Kor U Qaadeen Sumcada Soomaaliya” Sidoo Kale Aqriso Wararka Ku Saaban SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “Bulshada Soomaaliyeed Waan In Ay Taageeraan Xulka Qaranka Minifootboolka”. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  2. Garowe (PP News Desk) — President of Puntland State of Somalia Said Abdullahi Deni yesterday issued a decree to enforce the mandatory use if Somali language for government communication, conference themes and signage. “Puntland State Constitution stipulates preservation of the Somali language” reads the letter from Puntland Presidency. Puntland Government has devised strategies to promote literacy through effective use of the Somali language for public services and the private sector. There has been an increase in the number of shop signs in English and Arabic languages at the expense of the Somali language in Puntland. President received plaudits for promoting mandatory use of the Somali Language for government commutations and business promotions. Workshops organised by local NGOs in conjunction with foreign NGOs drive up the trend to use less Somali for workshop banners. A Puntland State Government official who spoke to Puntland Post anonymously said that President Deni had become aware of the poor Somali literacy skills of NGO workers and public servants in Puntland who prefer a foreign word to a standard Somali administration terminology for workshop banners. “We have seen foreign language banners for workshops attended by non-English speaking participants in Puntland. We have doubts about the utility of those workshops” said the official. Yusuf Shaa’ir, a poet and literary critic, has lauded President Deni for preservation of the Somali language. Yusuf Sha’air, a Hargeisa-based Somali poet and literary critic, has commended President Deni for taking bold steps to promote mandatory use of Somali language for government and business communications and business promotions. “I congratulate Puntland President Said Abdullahi Deni for ensuring that the Somali language remains the official language of government” said Yusuf Shaa’ir. © Puntland Post, 2021 The post PUNTLAND TO ENFORCE MANDATORY USE OF SOMALI LANGUAGE FOR GOVERNMENT AND BUSINESS COMMUNICATIONS appeared first on Puntland Post.
  3. MOGADISHU (HOL) - Somali leaders at the federal and state level will meet on Saturday to review the recently adopted electoral agreement ahead of elections, the office of the Prime Minister has said. Source: Hiiraan Online
  4. Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa Istanbul kulan gaara kula qaatay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi. Cali Guudlaawe oo loo fidiyey casuumad heerkeedu sarreeyo ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshaay jaaliyadda Soomaaliyeed, isaga oo uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka. Madaxweynaha HirShabelle waxaa kulankan ku wehlinayey xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya, kana soo jeedo HirShabelle. Ugu horreyn Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa ka mahad-celiyey casuumaadda loo fidiyey iyo sida ballaaran ee loogu soo dhoweeyey dalka Turkiga. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi inay maal-gashadaan dalkooda hooyo, si looga faa’iideysto ganacsigooda. Dhankooda ganacsatada oo kulanka ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay taageeri doonaan horumarka ka jira Soomaaliya, si gaar ah HirShabelle oo haatan wajaheyso xaalad adag. Socdaalka madaxweynaha HiirShabelle uu qaatay maalmo kooban ayaa la filayaa inuu dib ugu soo noqdo dalka si uu uga qeyb-galo shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble. The post Cali Guudlaawe oo kulamo ka wada Turkiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukun dil toogasho ah ku fuliyey nin lagu eedeeyey ‘inuu toorey ku dilay hooyadiis oo 72 jir aheyd iyo walaalkiis’, kaas oo ay xukuntay maxkamadda Al-Shabaab. Dilkan qisaasta ahaa ee lagu fuliyey marxuum Maxamed Calow Cabdi ayaa waxa uu ka dhacay fagaare ku yaalla deegaanka Shaw oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Maxkamadda ayaa sheegtay in dhacdadan argagaxa leh ee ka dhacday degmada Jalalaqsi, kadib markii ‘gacan ku dhiiglaha’ la toogtay uu mindi ku dilay hooyadiis marxuumad Xaliimo Cismaan Cumar iyo sidoo kale walaalkiis Macalin Maxamuud Calasow Cabdi. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa boqalaal dadweyne ah oo la’isugu yeeray fagaarahaasi iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo maamula deegaanka Shaw oo ayqisaastu ka dhacday. Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaaciyey in ninka la toogtay uu soo dacweeyey walaalkiis Ibraahim Calasow Cabdi, isaga oo intaasi ku daray in gacan ku dhiigalaha uu qirtay inuu geystay dilka hooyadiis iyo walaalikiis oo uu mindi ku gowracay. Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana ku yaallo maxkamado la soo taago eedeysanayaasha ay gacanta ku dhigto kooxdaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay ‘nin dilay’ hooyadiis oo 72 jir aheyd iyo walaalkiis appeared first on Caasimada Online.
  6. Xeer Lambar 12 wuxuu ka kooban yahay 22 qodob iyo hal lifaaq, kolka se laga hadlayo xeerkan; waxaa la soo qaataa kaliya qodobka 14aad, faqraddiisa koowaad. Kolkaas ayaa ra’yi badan lagu dul dhisaa. Xog run ah haddiiba badhna lagaa qariyo, badhna laguu sheego; xogtaas laf ahaanteedu waxay yeelanaysaa macne ka duwan teedii asalka ahayd – waa isla farsamaday adeegsadeen dadkan xeerkan ka hadlaa, si ugu ambiyaan ra’yul caamka u nugul in la ambiyo. Muxuu ahaa 10% la siiyay Wajaale iyo Berbera? Markii la mideeyay nidaamka cashuuraha, waxaa la sameeyay laba Kastam, iyadoo degmooyinka ay ku yaallaanna loo jaray cashuur 10% ah. Degmooyinkii hore u lahaan jiray kastammada, iyagana waxaa la siiyay magdhow loogu yeedhay ‘Kabka’. Degmo walba waxa la siiyay kab u dhigma celceliska oddoroska wixii ka soo geli jiray kastamkeeda. Kabkaas oo dawladda dhexe ka imayaa wuxuu kala yahay sidan: Hargeysa: 51.26% Burco: 21.39% Boorama: 9.86% Gabiley: 9.87% Sheekh: 3.75% Saylac: 2.18% Baki: 1.69% Burco oo hesha 21.39% kab ah, dadka xeerkan falanqeeyaa waxay u ekaysiiyeen degmo in wax laga qaado mooyee aan waxba lagu soo celin – waana isla sida ay dad badan oo caammo ahi u fahansan yihiin maanta. Weydiintu waxay tahay: Waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya 10% iyo horumar la’aanta degmooyinka kale? Haddiiba se la joojiyo siduu u horumarinayaa degmooyinka kale? Magaalada Berbera oo ka mid ah labada degmo ee kastamkooda ka hela 10% laga jaray cashuurta guud ee ka soo xeroota, dabcan waa dekadda kaliya ee Somaliland oo idil wax uga soo degaan, waxaana saaran culays aan saarnayn gobollada kale oo dhan. Tusaale yar iga hoo. Cimriga laamigu wuxuu ku xidhan yahay laba arrimood: tirada baabuurta marta laamigaas iyo culayska rarka ay sidaan baabuurtaasi. Aynu soo qaadanno laba Laami oo X iyo Y la kala yidhaahdo. Haddiiba ay laamiga X maraan 10 gaadhi oo xammuul ah oo rarkoodu yahay min shan ton, way ka cimri gaabanaysaa laamiga Y oo ay maraan 10 xaajiyadood oo min hal tan ahi. Ku darsoo, cimriga laamiyadaasi wuu sii gaabanayaa haddii baabuurtaas tobanka ah ay tiradoodi korodho oo ay noqdaan 30 baabuur. Dekadda awgeed, degmada Berbera waxa isugu yimaadda baabuur ka kala timid lixda gobol ee Somaliland, mana jirto degmo kale oo la qabta culayska baaxaddaas leh – macnaheedu waa in waddooyinka Berbera ay hal mar ku kulmayaan baabuur tiro ahaanna badan, rar ahaanna culusi; sababtaas awgeedna ay cimriga laamiyadeedu soo gaabanayo. Laamiyadaasi waxay u baahanayaan dayactir joogto ah oo dabcan aanay kaafin karayn cashuurta ay bixiyaan dadka reer Berberi, maadaama oo uu ku dhacayo culays ka badan kii degmadu ay lahayd oo ka imanaya gobolladu – dayactirkooduna reer Berbera oo kaliya dan uma aha, wuxuu u danaynayaa idil ahaan lixda gobol ee dalka. Sida ku qoran Xeer Lr. 23, qodobkiisa 40aad, faqradda 13aad – Maayarka waa guddoomiyaha Hayadaha ilaalinta nabadgelyada degmada. Dawladda Hoosee Berbera iyadoo kharash faro badani kaga baxayo dayactirka laamiyada, waxaa u dheer inay ilaaliso nabadgelyada. Berberana waxaa taalla hantidii reer Somaliland oo dhan – xiitaa tii dalalka jaarka ah, nabadgalyadeeduna waxay saaran tahay Dawladda Hoose. Ilaalinta nabadgelyada, kharash intee le’eg baa ku baxaya? Ka warran hadday budhcadnimo ka bilaabanto Berbera? Ma cid baa wax kala soo degaysa? Saw Somaliland oo dhan dhuun uma aha! Magaalada Berbera waxaa ku yaalla haamaha kaydka shidaalka, ka warrama hadday gubtaan? Deb-damis awooddiisu intee le’eg tahay ayay u baahanayaan? Ka warrama hadduu dab ka kaco dekadda oo ay taallo hanti tira-beel ahi? Ka warrama hadduu markab shidaal gubto? Mar kale Dowladda Hoose ee Berbera waxaa ku waajib ah inay dhisto dab-demis awood badan leh oo wakhtiga ugu kooban ku bedbaadinna kara hantida badan ee Berbera taalla. Waxaa kaloo intaas u dheer, qashinka xad-dhaafka ah ee ay la imanayaan baabuurta gobollada kale, iyo waliba shilalka oo badan – waayo, degmooyinku waxay u kala shilal badan yihiin siday u kala baabuur badan yihiin. Si markaas Berberi u noqoto magaalo la tartanta dekadaha kalee innagu dhawdhaw, waa inay yeelataa caafimaad tayo leh, waddooyin fiican, amni buuxa, deb-damis awood leh iyo adeegyo inoo soo jiidi kara inay innagu soo xidhmaan dalalka jaarku. Markay sidaas tahay, 10% muxuu ka noqonayaa culayska laamiyada, ka nabadgelyada, maaraynta qashinka aan degmada ka iman, gubashada ay u nugushahay dekaddu, shilalka badan iyo tayaynta caafimaadka? Berberi miyaanay ku dulmanayn 10%? Wajaale iyana waa la mid. Waxay afaaf u tahay boqol milyan oo aan dekad lahayn, ugu yaraanna 30 Milyan oo ka mida ayaa toos ugu xidhan Wajaale. Dhan walba waxaa saaran culays la mid ah ka Berbera saaran – waxaana u dheer baabuurta qaadka ah, ee lagu qiyaasay in lixdii saacadoodba ay 450 gaadhi oo qaad ahi soo galaan magaaladaas. Sida loo dhigay, laguma qasbin inay baabuurtaasi Wajaale soo maraan; waxay se ku doorteen laamiga dhisan ee sida tooska ah isugu xidha Wajaale ilaa Jigjiga. Waa run oo 10% wuxuu ka yimaaddaa cashuur laga qaado dalkoo dhan oo ma aha waxsoosaar u gaar ah degmoooyinkan; laakiin dalkoo dhani labadan degmo lama qabo culayska noocan ah ee saaran – waa sababta loo siiyay 10%. Haddiiba la leeyahay 10% ha laga qaado, waa sax e gobolladuna culayskooda ha la noqdaan. Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
  7. (SLT-Washington)-Wasaaradda Caddaladda Maraykanka ayaa sheegtay inay hawada ka saareen 33 Shabakado Warar ama Websaytyo oo xidhiidh la leh Dowladda Iran, isla markaana lag baahin jirey Warar Been Abuur ah, waa sida hadalka loo dhigay. Qoraal ka soo baxay Waaxyaha Garsoorka iyo Ganacsiga ee Maraykanka ayaa lagu muujiyey inay gacanta ku dhigeen Websayto ay leeyihjiin Ururka Idaacadaha iyo Telefishinka ee Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran, oo ay Dowladda Maraykanka hore u calaamadaysteen bishii October ee sannadkii hore ee 2020-kii. Saraakiisha Maraykanka waxa ay ku eedeeyeen Warbaahinada la xayiray hore u baahiyeen Warar aan Xaqiiqo ahayn oo ku aadanaa Marin-habaabinta Doorashadii Madaxtinimada Maraykanka ka dhacday dabayaaqadii sannadkii hore. Dhinaca kale, Maraykanka waxay sheegeen inay xayireen 3 Websayt oo ay Ururka Xisbullaahi Lubnaan leeyihiin iyo Telefishinka Al-Masiirah ee Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Websaytyada la xayiray oo ay ka mid yihiin PRESS TV, AL-ALAM TV, AL-MASIIRAH TV ayaa hawada ka maqan, waxayna Wakaalladda Rasmiga ee Wararka u faafisa Iran ee IRNA sheegtay inay Dowladda Marykanka ka dambaysay falka lagu xayiray Waraabinaadaasi. Marka la booqdo Websaytyadaasi waxaa saaran Ogeysiis ay Dowladda Maraykanka soo dhigtay, kuna sheegtay in loo xidhay sababo qeyb ka ah Xoojinta Sharciga. Source
  8. Wararka ka imaanaya gobalka Tigree ayaa sheegaya in halkaasi ay ka qarxeen dagaalo u dhaxeeya Jabhaadda TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya. Ciidamada difaaca Tigreega ee magacabooda looso gaabiyo TDF ayaa sheegay in ay la wareegen magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobalka kadib dagaal ay la galeen ciidamada Dowladda. Dagaalka ayaana la sheegay in uu ahaa mid culus kadib markii November sanadkii tagay dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay ka adkaatay kooxda TPLF. Wararka ka soo baxaya gobalka Tigree ayaa sheegaya in weli laga cabsi qabo in magaalooyinka qaar ay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya dowladda iyo TPLF. Afhayeenka Jabhadda Gebre GebreTsadiq ayaa sheegay in ay TDF ay bilaabeen in ay qaadan weeraro joogta ah oo ay ku qabsanayaan deeganada qaar. Afhayeenka ciidanka Korneel Getnet ayaa xaqiijiyay inuu dagaal jiro laakiin wuxuu beeniyay in magaalooyin, qalab ciidan ama askar la qabtay. “Intii ay dawlada Itoobiya ku mashquulsanayd doorashooyinka qaranka iyo arrimaha GERD [biyo xireenka weyn ee itoobiya dhisanayso], argagixisada TPLF [oo qayb muhiim ah oo ka tirsan TDF], kuwaas oo ay weheliyaan dhalinyaro ay dhawaan qorteen, waxay si firfircoon uga qayb qaateen howlo argagixiso,” ayuu yiri. Dalka Itoobiya ayaa hadda waxaa ka socda doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanka, xilli gobalka Soomaalida iyo Gobalka Tigreega aysan ka qeyb galeynin Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo laga helayo warar kala duwan. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo beegsaday bar-koontarool ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramcad ay ku leeyihiin halkaas oo sidoo kale laga ilaaliyo dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in weerarka, kadib dagaal kooban uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo raggii hubeysnaa, kaas oo ay guullo ka sheegteen ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa gaarka ah ee Haramcad. Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday iyo baabuur NOHA ah oo ay wateen kooxdaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in haatan baaritaano dheeraad ah lagu hayo ragga gacanta lagu dhigay, kuwaas oo ay la wareegeen hay’adaha ammaanka dowladda. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa saaka deggan, waxaana ku sugan ciidamada Haramcad oo howl-gallo amni xaqiijin ah ka bilaabay halkaasi. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah ah amniga, kuwaas oo u badan dila qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay galeyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha intaba. The post Rag hubeysan iyo gaari ay wateen oo lagu qabtay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. (SLT-Japan)-Cabdixakiim Cabdiraxmaan oo ah 44 jir asalkiisu Soomaali yahay ayaa ka mid ah orodyahanada u tartamaya waddanka Maraykanka tartanka Olombikada adduunka oo dhowaan ka furmaya dalka Japan. Cabdirahman waa oradyahankii ugu da’da weynaa ee Mareykan ah ee abid u tartamaka sameeya koox ka socota dalka Maraykanka ciyaaraha Olombikada. “Waxaan ahay 44-jir, waxaanan xubin ka ahay kooxda Olimbikada Mareykanka. Waxaan u maleynayaa inaan ka mid noqon doono dadka ugu da’da weyn tuulada Olimbikada, gaar ahaan dhacdooyinka orodka. Kaliya waxaan matalayaa dhamaan ragga da ‘dhexaadka ah ee banaanka jooga kuwaas oo u maleynaya inaysan tartami karin. ”ayuu yidhi Cabdixakiim. Cabdi wuxuu ku dhashay Soomaaliya waxa uu ahaa ilmo yar markii qoyskiisa ay qaxooti ku noqdeen xeryaha qaxootiga. Waxay aakhirkii degeen Arizona oo wuxuu noqday muwaadin Mareykan ah. Waxaan ahay Mareykan Waxaan ku koray halkan, ayuu yidhi. “Dalkan wuxuu i siiyay wax kasta oo aan nolosha ka doonayay: waxbarasho lacag la’aan ah, shan jeer oo Olombikada ah. Waan u hanweynahay sida Mareykan, waxaan ugu han weynahay sida Soomaalida. Waan ku faraxsanahay labada dal, ”ayuu yidhi. “Waxaan u tegey tababaraha Kulliyadda Pima, waxaanan u sheegay inaan jeclaan lahaa inaan ordo, wuxuuna i weydiiyay inaan waligey hore u soo ordo. Waxaan ku idhi maya. Aniguna waxaan galay kaalinta labaad maalintaas. Taasina waxay ahayd bilowgii shaqadayda orod, si aan daacad u noqdo, ”ayuu sii raaciyay Cabdi oo ka hadlayay taariiqda noloshiisa. Source
  11. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xusen Rooble ayaa magaalada Muqdisho isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada dalka shir lagu dar dargelinayo howlaha doorashada, kadib heshiiskii 27-kii May Muqdisho ku gaareen . Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee xaafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa loogu baaqay madaxda dowlada gobaleedyada in ay mudqisho shir wadatashi isugu yimaadan . Rooble ayaa sidoo kale sheegay in shirkan uu furmayo maalinta sabti ah ee soo aaddan . “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusen Roble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.”ayaa lagu yiri qoraalka. Shirkan ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli madaxda doawlad gobaleedyada dalka iyo dowladda federaalka ay soo wada magacaaben guddiga doorashooyinka dalka . Goobjoog Source: goobjoog.com
  12. The Ugandan contingent of the African Union Mission in Somalia, AMISOM, have relocated from Marianguwaay Forward Operating (FOB) base in Lower Shabelle region in the Southwest State of Somalia as part of troop realignment to provide more effective security to the Main Supply Routes, MSRs, and the general area. Source: Hiiraan Online
  13. Turkey is in talks with three countries as it seeks help in developing a space port in Somalia and a rocket to carry out lunar landings, according to the head of its space agency. Source: Hiiraan Online
  14. The Somali army said Tuesday that it killed nearly 20 al-Shabaab terrorists in the southern province of Middle Shabelle. Source: Hiiraan Online
  15. Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur, oo kamid ah Culimaa’udiinka ka horyimid xeerka Puntland ku mamnuucday gudniinka gabdhaha, ayaa jawaab ka bixiyay warkii shalay ka soo yeeray dowladda. Sheikh Fu’aad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, eedaynta ka timid wasiirka Caddaalada Puntland, oo ku saabsan in culimadu ay siyaasad ahaan u diiddan yihiin go’aanka xukuumadda. Wadaadka ayaa sheegay in muranka taagan xeerka gudniinka gabdhaha, uu soo bilowday wakhtigii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole, sidaas darteedna uusan ahayn siyaasad ka dhan ah xukuumadda Deni. Sidoo kale, wuxu hoosta ka xarriiqay in aysan jirin colaad ka dhexaysa xukuumadda madaxweyne Deni iyo culimaa’udiinka, balse murankaas ku koobanyahay xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha. PUNTLAND POST The post Culimada oo jawaab ka bixiyay eedayn ka timid xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. OVERVIEW. New immature swarms are forming from hopper band infestations in northwest Somalia; however, the number and sizes of the swarms remain low so far. Source: Hiiraan Online
  17. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa wada-hadallo kula jirta saddex dal, ayada oo raadineysa in laga caawiyo qorshe ay Soomaaliya uga dhiseyo xarun laga diro dayax-gacmeedyada, sida uu sheegay madaxa hay’adda Serdar Huseyin Yildirim, oo ah madaxa hay’adda hawada sare u qaabilsan Turkey ayaa hadalkan u sheegay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik isaga oo ku sugan magaalada Saint Petersburg oo 14-kii illaa 18-kii June lagu qabtay shirka caalamiga ah ee sahminta hawada sare Inkasta oo uusan sheegin saddex dal ee ay Turkey la hadleyso, haddana hadalladiisa ayaa waxaa laga fahmay in Russia ay tahay mid ka mid ah. “Waxaan Ruushka kala shaqeyn karnaa dhinacyo badan, mid ka mid ah waa xarun laga diro dayax-gacmeedyada. Waxaan kala xaajoonay suurta-galnimada ah in Ruuska ay gacan ka gaystaan dhismaha xaruntan. Khibrad weyn ayey u leeyihiin dhinacan,” ayuu yiri Yildirim. Bishii Febraayo ayaa waxaa lagu warramay in Ankara ay ka fakareyso inay Soomaaliya ka dhisto saldhig laga diro dayax-gacmeedyada oo ku kacaya hal bilyan oo dollar, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka sahminta hawada sare. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay qorsheyneyso inay dayaxa sare tagto 2023, markaasi oo ku beegan 100 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda. Turkey ayaa dhistay hay’ad qaabilsan hawada sare bishii December 2018. 2020-kii waxay ku dhowaaqday inay horumarisay gantaal hawada sare loo diri karo, kaasi oo ay sameysay shirkad qandaraasle ah oo lagu magacaabo Roketsan. Waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay cir bixiyeeno u dirtay saldhigga hawada sare, ayna dirto satellite u gaar ah, si ay u aas-aasto nidaamka meeleynta caalamiga ah ama la yiraahdo GPS (Global Positioning System). The post Turkey oo war cusub kasoo saartay xarunta ay Soamaaliya ka sameyneyso ee laga diri doono dayax-gacmeedyada appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda diyaar garowga maalmaha xorriyada ee ku asteysan xuska sanad guurada 61-aad ee markii laga xoroobay gumeystihii Ingriiska iyo Talyaaniga 1960-kii. Magaalada Muqdisho oo si weyn looga dareemayo diyaar garowga maalmaha xorriyada ee 26-June iyo 1-da Luulyo ayaa waxaa wadooyinka Muqdisho la suray tabeelooyin lagu muujinaayo qiimaha maalmaha xorriyada. Hase ahaatee waxaa tabeelooyinka la suray ka mid ah mid uu sawiran yahay madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu hoos qoray “Lixdan iyo kow guurada Xorriyada iyo Midnimada 1960-2021”. Sawirkaan oo baraha bulshada si weyn looga faafiyay ayaa dhaliyey su’aalo xoogan oo ku saabsan danta laga leeyahay, wuxuuna muujiyey marin habaabin jiilka danbe lagu sameynaayo iyo gudbinta in Farmaajo lala meel dhigay halgamayaashii xorriyada usoo halgamay ee dhiigooda iyo dhiicaankooda ku baxay, inkasta oo uusanba dunida joogin maalinkii la qaatay xoriyadda. Qoraalada barraha bulshada la isla wadaagay ayaa dhamaantood muujiyay in ay gef iyo aqoondari inay tahay in sawir lagu muujinaayo maalmaha xorriyada in lagu soo gudbiyo madaxweyne mudo xileedkiisa dhamaaday, taasoo dhaawacaysa dowladnimada iyo xuska loo sameynaayo maalmaha xorriyada. In boorarka lagu xusaayo halgamayaashii xorriyada usoo dagaalamay in lagu xardo sawirka madaxweynaha waxay muujineysaa ama gudbineysaa in shaqsiga lagu sawiray lala meel dhigo halgamaayaashii xorriyada soo gaarsiiyay dalka, taasina waa qeyb ka mid ah marin habaabinta iyo xukun jaceylka ku dhisan diktatooriyada. Tan iyo burburkii dalka Somalia soo maray ee dowladdihii KMG iyo tii danbe ka gudubtay KMG marna ma dhicin in maalmaha xorriyada madaxweyne lagu xayeysiiyo, iyadoo guddiyadii abaabulka maalmahaasi ay si waafaqsan sharciga iyo muujinta dareenka jaceyl ee loo qabay halgamayaashii gumeysi la dirirka lagu muujin jiray boorarka loo diyaariyo maalmaha 26-ka June iyo 1-da Luulyo. Gobolada Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa markii ugu horeysay gumeysitihii Ingriiska xornimada ka qaatay 26-kii June, halka gobolada Koonfureed ay ka xoreebeen gumeystihii Talyaaniga 1-dii Luulyo, halkaasina uu ka dhashay israacii gobolada Waqooyi iyo Koonfur. The post Su’aalo ka dhashay sawir Farmaajo ah oo lagu daray boorarka maalmaha xorriyada appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog muujineysa in inta badan shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir aysan qaadan mushaarkii bishii hore ee May, xili ay dhammaad joogto bisha June. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa 15-kii bishan billaabay bixinta mushaaraadka, waxaana la siiyay qeybta arrimaha Bulshada iyo guddoomiyaasha degmooyinka, hase yeeshee waxaa dhiman in ka badan 3 meelood shaqaalaha gobolka, oo weli sugaya mushaarkooda. Qeybaha dhiman ayaa kala qeybta amniga iyo siyaasadda, qeybta Howlaha Guud, qeybta maaliyadda iyo qeyb kale oo hoos tagta xafiiska guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in markii la billaabay mushaar bixinta la joojiyay maalin kadib markii la waayay lacag shaqaalaha la siiyo. Caasimada Online ayaa todobaadyo ka hor xog ay heshay waxay ku sheegtay in gobolka Banaadir uu wajahayo dhaqaale la’aan xoog leh waxaana muuqata in hadda ay dibadda usoo baxday xogtii aan baahinay maalintaas. Waxaa isa soo taraya qeyla dhaanta ka soo baxeysa shaqaalaha gobolka oo intooda badan sheegay in ay halis ugu jiraan in laga saaro guryaha ay dagan yihiin oo kiro ah, halka qaarkoodna ay wajahayaan daruufo kale. Xariiro aan la sameynay mas’uuliyiinta gobolka kama aysan jawaabin wicitaankeenna, si aan wax uga weydiino cabashada shaqaalaha oo wajahaya daruufo badan. The post Xog: Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo loo la’yahah mushaaraadkii appeared first on Caasimada Online.
  20. Riyadh (Caasimada Online) – Booliska Sacuudiga ayaa waday 10-kii cisho ee u dambeeyay qab-qabashada muwaadiniinta Ethiopian-ka ah ee ku sugan dalkiisa, kuwaasi oo si kala sooc laheyn loogu guray xabsiyada, sida uu baahiyey wargeyska Middle East Eye. Howl-gal ay sameeyeen booliska Sacuudiga oo lagu bartilmaameedsanayay xaafadaha ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah ayaa waxaa lagu xiray kumanaan Ethiopian ah oo ku baahsan boqortooyada. Waxaa howl-galka si isku mid ah loogu soo qabtay Ethiopian-ka aan sharciga haysan iyo kuwa dukumtiyada leh, midaasi oo mowjada xariga ka dhigtay mid bartilmaameed gaar ah, taasi oo bilaabatay saqdii dhexe ee habeenimadii 11-kii June. Ethiopian-ka ku sugan Sacuudi Carabiya oo la hadlay wargeyska ayaa ku sifeeyay howl-galka booliska “qab-qabasho aan kala sooc lahayn”, waxayna sheegen in qaarkood ay booliska xoog ku galeen guryahooda. “Booliska waxay dhaheen ‘waxaan haynaa amarro aan ku qaadano wixii Xabashi ah’. Xataa sababaan ku qanacno nama siiyaan. Waxay joojinayaan qof kasta oo u muuqda inuu Ethiopian yahay,” ayuu yiri mid kamid ah dadka degan Jeddah. Hawl-gallada booliska ee muhaajiriinta ku sugan Sacuudi Carabiya ayaa aheyn mid ku cusub dalkaas, balse midkaan ayaa waxa uu kaga gedisan yahay in booliska uu ku darayo dadka uu aruurinaya xataa kuwa haysta degenaanshaha sharciga ah, midaasi oo si rasmi ah loo ogeyn ujeedka ka dambeeya. Sacuudiga ayaa tallaabada masaafurinta inta badan uga dan leh yareynta dadka tirada badan ee waddanka ku nool ee aan haysan dukumiintiyada, kuwaasi oo badankoodna ay yihiin Ethiopian. Waxaa xusid mudan in howl-gal kan lamid ah oo dhacay sanadkii 2013-kii ay dowladda xirtay oo ay masaafurisay ilaa 100,000 oo Ethiopian ah. Si kastaba, 10-kii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxay booliska soo qabteen tiro aad u badan oo Ethiopian ah oo wata waraaqaha degenaanshaha sharciga, kuwaasi oo qeyb ka ah dadka ay soo aruuriyeen, waxaana socda dadaalo ku aadan furdaaminta dadkaas oo ay ku howlan tahay qunsuliyada Ethiopia ee Jeddah. The post Sacuudiga oo billaabay olole ka dhan ah Itoobiyaanka appeared first on Caasimada Online.
  21. Dagaal u dhexeeyay Booliiska Haramcad ee dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, ayaa xalay ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho. Dagaalkaan ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii xubno ka mid ah Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Bar koontarool oo Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi, gaar ahaan halka laga ilaaliyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Saraakiil ka tirsan Haramcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Shabaabka, isla markaana uu dhacay dagaal kooban oo dhexmaray dhinacyada. Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen saddex kamid ah xubnihii weerarka ku qaaday Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Barta koontarool ee ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi. PUNTLAND POST The post Dagaal dhexmaray Booliiska Haramcad iyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.