-
Content Count
213,026 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta xilkii ka qaaday afhayeenkii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, una magacaabay mid cusub. Taliye Xijaar ayaa afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed u magacaabay Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka mid ahaa ciidanka Booliska Soomaaliueed. Gashaanle Cabdifataax Aadan ayaa sidoo kale kamid ahaa saraakiisha firfircoon ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, taasi oo uu Taliyaha ugu magacaabay xilkaan cusub. Afhayeenka cusub ayaa waxa uu bedelayaa Korneyl Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo horay u ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Afhayeenka Ciidanka ayaa inta badan ka warbixiya shaqooyinka booliska, howl-gallada iyo kiisaska xasaasiga ah ee lala wadaagayo bulshada, waana midda uu qaban doono Afhayeenka cusub ee maanta la magacaabay. The post Xijaar oo is-beddel ku sameeyey mid ka mid ah xilalkii ugu muhiimsanaa taliska booliska appeared first on Caasimada Online.
-
Another successful Vertiv 2021 EMEA Channel Roadshow in Africa, this time in Mogadishu, Somalia. Vertiv had an exciting and engaging reseller event in partnership with Pure Earth International LLC (PEI Distribution) Vertiv’s Distributor in the Horn of Africa region. Great feedback on the award-winning Vertiv Partner Program and the vast product portfolio. PEI Distribution thanks once again our reseller partners for attending the Vertiv 2021 EMEA Channel Roadshow. Be sure not to miss out on the upcoming Vertiv Channel Road Show in Africa, we will be coming next to Addis Ababa in partnership with PEI Distribution. Vertiv (formerly Emerson Network Power) is a global leader in designing, building and servicing critical infrastructure that enables vital applications for data centers, communication networks and commercial and industrial facilities. Headquartered in Columbus, Ohio, USA, Vertiv employs approximately 20,000 people and does business in more than 130 countries. For more information, and for the latest news and content from Vertiv, visit Vertiv.com. Pure Earth International (PEI Distribution) is Horn of Africa’s leading distributor for Information technology, data center, power & telecoms products. PEI has in-depth knowledge and understanding of its fast growing market and a broad local presence such as warehousing facility and show rooms in Somalia, Ethiopia, Djibouti, and Dubai. Through the years, PEI has maintained an excellent distributor relationship and market presence facilitation to leading global IT brands such as Vertiv, D-link, Lenovo, Epson, Estap, Toshiba, McAfee and other brands. For more information, and for the latest news and content from PEI, visit pureearthint.com. The post Vertiv “Keep IT Running” Tour successfully completed in Mogadishu, Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihi la soo dhaafay xoogeystay dagaallada ka socda dalka Itoobiya, iyadoo jabhadda TPLF ay sii waddo faariisimaha ay ka sameysaneyso goballada deriska la ah. Hogaanka sare ee ciidamada Tigray-ga ayaa sheegay in ay isku ballaarinayaan xadka gobalkooda uu la wadaago gobalada Canfarta iyo Amxaarada. General Tsadkan Gebretensae, oo la sheegay inuu haatan yahay hogaamiyaha garabka ciidanka ee TPLF oo la baxay TDF, islamarkaana ahaa taliyihii ciidanka milatariga itoobiya ee xiligii dagaalka Eritrea, ayaa sheegay inay maalmo gudohood kula wareegi doonaan jidka Addis Ababa iyo Djibouti isku xira. ”Hawlgalkii Charchar ilaa Mile ee deegaanka Canfarta wuxuu kusoo gaba gaboobay si wanaagsan, haatan waxaan si deg deg ah kula wareegi doonnaa jidka isku xidha Itoobiya iyo Djibouti waxaana si toos ah gargaarka ugu furi doonnaa dadkayaga,” ayuu yiri General Tsadkan Gebretensae. Waxa uu intaas ku daray inay ciidamadooda ay ku guuleysteen inay bur buriyaan fariisimo ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegano dhowr ah . “Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaan ku guulaysanay inaan burburino ciidankii ku sugnaa aaga Qobo iyo Woldie, oo ay kamid ahaayeen ilaaladii madaxtooyada, haatana awooda ciidan waa mid anaga noo xaglinaysa, waxaana Addis Ababa gali karnaa anagoon wax iska caabin oo wayn ah la kulmin,” ayuu yiri jeneraalka. Dhanka kale, wararka ka imaanayo Gobalka Canfarta ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in ay dadka shacabka ah billaabeen in ay isaga baxaan guryaha xilli ay ka cabsi qabaan inay soo weeraraan Tigray-ga. Abiy iyo xulafadiisa ayaa waxaa tan iyo May ku sucda dagaallo ay adkaatay in ay iska caabiyaan, TPLF ayaana wacad ku martay in ay dalka kala wareegeyso xukuumaddiisa. The post TPLF oo ku hanjabtay inay maalmo ku qabsan doonto jidka Addis Ababa iyo Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
-
Innago ogg maamul xumada wadanka ragaadisey ee xukuumadda Kulmiye oo sababtey dhaqaale darro’ iyo shaqa la’aanta dhalinyaradeena heysata oo sannad walba tobanaan kun ay jaamacadaha ka qalin jabiyaan, maalinti dhaweyd na 32 kun oo ardey ay u fadhiisteen imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka sideedaad iyo form four ( Dhameystirka secondariga ); kuwaaso iyaguna dhawaan ku soo biiri doona malaa’inka shacab ee bila shaqada ah ( Unemployment rate is almost above 80% in Somalilnd ), aya nasiib darro laga jooga SHAN iyo KONTON CASHO doorashada isku sidkan ee golaha wakiilada iyo degaanka ee ka qabsontey Somaliland 31 May, 2021. Maah maah ingiriisa tidha ‘’ Time is money ‘’ oo macnaheedu yahey ‘’ Waqtigu wa lacag ‘’; Carabtuna waxey tidha ‘’ الوقت كالسيف إذا لم تقطعه يقطعك ‘’ Guddiga doorashada qaranka Somaliland waxey natijadda hor dhaca ah ku dhawaaqeen 6 June, 2021. Maxkamadda Sare iyadon wax ba ka bedelin natiijada hor dhacda ee guddiga doorashadu soo gudbiyeen waxey ku qaadatey muddo bil ah ( 6 June – 7 July, 2021 ) si ay u ansixiso. Madaama natiijadaa hordhacda ah ( 6 June, 2120 ) ay noqtey ta rasmiga ah, laga bilaabo maalintaa, xukuumadda Kulmiye waxay geed gaaban iyo geed dheer u fuushey muddo laga joogo KONTON CASHO sidi ay uga heli la heyd ugu yaraan 12 xildhibaan isbaheysiga mucaaridka Ucid iyo Waddani oo leh 52 xildhibaan si ay u hesho absotule majority; dabadeedna shir guddoonka golaha wakiilada hanato. Haddaba bal ila eega wuxu dhigaayo xeerki doorashada 2021 ee madaxweyne Muse saxeexey. Qodobka 136 aad : Dhaarinta xildhibaanada la doortey ee golaha wakiilada. 1- Ka dib ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah, Maxkamadda Sare aya cayimaysa taariikhda dhaarinta muddo aan ka badnayn todobada casho gudahood oo ka bilaabmanta maalinta natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqay. Waxaana lagu dhaarinaya xubnaha golaha wakiilada ee la doortey xarunta golaha waxiilada si waafaqsan Qodobka 129 ee dastuurka qaranka. 2-Kulanka dhaarta waxa furaya, hoggaaminayana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sida ku cad qodobka 44 ( 3 ) ee dastuurka. Bal ka dastuurkana eega : Qodobk 44 aad ee dastuurka Somaliland : Isugu yeedhida golaha cusub 1-Golaha cusub wuxu qabanayaa fadhigisa ugu horreeya 30 casho gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada; ( Halkaa ma cadda, ma maalinta ( 6 June, 2021 ) guddiga doorashada ku dhawaaqda ee natiijada hordhacda mise wa maalinta maxkamadda sare ansixisa, 7 July, 2021 ?? ) Waxaana isugu yeedhaya madaxweynaha. 2-Haddi Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45 aad laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada 3-Golaha cusub waxa furaya guddoomiyah Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxa guddoominaya shirka xubinta ugu da’da weyn; waxaana goluhu iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo laba guddoomiye ku xigeen. Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid Eng. Bashe C Gaboobe Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa xalay wada hadalo khadka Zoom-ka ka yeeshay xaaladihii ugu dambeeyey doorashada Soomaaliya. Wada-hadalka Rooble iyo Maamul Goboleedyada ayaa dood dheer ka yeeshay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka, Arrinta Somaliland, , Hirgelinta soo jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada. Sida ay xogta sheegeysa wada-hadalka Xalay ayaa kusoo dhamaaday fashil, mana jirto wax natiijo ah oo laga gaaray qodobadii laga wada-hadlay. Dhinacyada ayaa ku kala aragti duwanaaday arrinta Somaliland, waxaana soo ifbaxay in madaxda Maamul Goboleedyada ay dhexooda kala taageerayaan labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Kulanka Xalay ayaa kusoo aadayo xilli Dib u dhac uu ku yimid Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS oo waqti ahaan loo asteeyay 25-ka July 2021 oo maanta ku began in ay lagu qabto Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo. Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa dhawaan xoojiyay habraaca lagu hagayo Doorashada Aqalka Sare, Golaha Shacabka & tan Madaxweynaha balse dib u dhaca jira uu sababi karo in uu isbadal ku yimaado jadwalka. The post Wada-hadal guuldareystay oo Xalay Zoom-ka ku dhex maray Rooble & Maamul Goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Aadan Xuseen Xaashi, oo Hargeysa lagu xidhay 8/3/2021 ayaa maanta xorriyadiisii dib u helay. Aadan Xaashi, ayaa lagu eedeeyay in uu fashiliyay Guri Sirdoonka Somaliland ku leeyihiin Koonfurta Hargeysa. Garyaqaan Jamaal Maandeela, oo ah Qareenka u doodayay ayaa sheegay in wax dambi ah lagu waayay Xaashi.a Maxkamadda Milatariga Somaliland ayaa maanta xorriyaddiisa dib ugu celisay muwaadinkan muddo 4 bilood ah xidhnaa Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawlada Somaliland ayaa shaacisay inay gacanta ku hayso hirgelinta hay’ad dowladeed oo qaabilsan faaf-reebka Buugaagta ay qoraan bahda Qalinleyda ah. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta hadal ka jeediyey daah-furka Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sannadkii 14aad galay, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan gacanta ku hayaan sameynta Xafiis faaf-reeb oo ay ka hawl-geli doonaan khubaro ku xeel-dheer qoraalka Af-Soomaaliga. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in qorshaha ka dambeeyey hirgelinta xafiiska oo ay ka qayb-qaadan doonaan khubaro ku xeel-dheer Qoraalka Afka Soomaaliga ay tahay sidii ay u dhiirri-gelin lahaayeen hal-abuurka qoraalka. “Waxaanu sameyn doona Xafiis faaf-reeb oo imika faraha lagu hayo, waa xafiiska aanu isleenahay, waxaad isugu-geysaan dad khubaro ah oo sixi kara qorista buugaagta bulshada lagu soo dhex-daynayo,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaanu doonaynaa inaanu dhiiri-gelino qorista oo ay bulshadu ka faa’iidaysato inay dadku wax qoraan”. Tallaabada xukuumaddu ku hir-gelinayso xafiiskan ay ku sheegtay Faaf-reebka Qoraallada Buugaagta ayaan la garanayn waxa wakhtigan keenay, iyada oo dadka wax odorosa ku tilmaameen inay tahay talaabo lagu wiiqayo xorriyada hadalka qoraalka iyo hadalka oo ay Somaliland ku hanno-qaaday. Lama oga in shaqada xafiiskani qaabilsanaan doono ku kooban tahay faaf-reebka buugaagta oo kaliya, balse marka la eego qaabka ay u shaqeeyaan hay’adaha shaqada noocan ah qabta oo waddamo badan ka jira, kuwaas oo aanay shaqadoodu ku koobnayn qoraallada balse sidoo kale hawl-qabadkooda uu ka mid yahay faaf-reebka wararka iyo warbixinaha warbaahinta laga sii daayo. Waddamada deriska oo uu ka mid yahay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, waxa ka jira xafiisyo dowladeed qaabilsan faaf-reebka wararka iyo warbixinaha laga sii daayo warbaabinta madax-bannaan, kaas oo maamul ahaan hoos yimaadda wasaaradda Warfaafinta dalka Jabuuti. Xafiiskan ayaa faaf-reeb iyo dib u eegis ku sameeya wararka laga sii daayo telefishannada madax-bannaan iyo mareegaha Wararka oo aan baahin karin warar iyo qoraallo aan xafiiskan soo marin. Source
-
Guddoomiyaha baarlamaanka ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr. Cali Saciid Faqi ayaa goordhow magaacaabay xubnaha xildhibaanada golaha wakiilada ee qaban-doona Doorashada Aqalka Sare ee BF. Koonfur galbeed ayaa noqonaya baarlamaankii 2-aad ee dowlad goboleedyada ah oo sidaasi sameeya kadib markii uu horay sidaa u sameeyey midka Jubbaland. Akhriso: Qoraalka: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid markii saddexaad doorashada Aqalka Sare oo Guddiga Doorashada heer federaal uu shaaciyey inay bilaaban doonto 25-ka July, 2021 oo ku beegan Maanta. Dib u dhacan ayaa la sheegay inuu ka yimid diyaar garow la’aan iyo cagajiidka Maamul Goboleeyada, waxaana ugu dhow Maamulka Jubbaland oo howsha Doorashada Aqalka Sare ay uga harsan tahay inuu Madaxweynaha maamulkaasi liiska Musharixiinta u gudbiyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland. Ilaa iyo hadda a jirto Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da Ogost, mana muuqdo olole doorasho oo socda. Arrintan waxay mugdi kale sii gelineysaa Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa. Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay shuruud ka dhigtay qabashada Doorashada Aqalka Sare si ay u bixiso dhaqaalaha doorashada, laakiin maamul Goboleedyada iyo Gudiyadooda ayaa doonaya in dhaqaale lagu siiyo Doorashada Aqalka Sare, taasoo beesha caalamka ay diidan tahay. Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT), iyo xubno la socda ayaa Shalay Magaalada Kismaayo u tegay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. The post Dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare iyo Beesha Caalamka oo shuruud ku xirtay lacagta…. appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda degmada Caluula Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Caluula oo ka tirsan gobolka Gardafuu ayaa maanta xukuntay afar nin oo ku eedaysnaa kiis kufsi wadareed ah. Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay caddaymo muujinaya in afartaas eedaysane ay ka dambeeyeen kufsi wadareed degaanka loogu gaystay dhibbane Samsam Saalax Muuse. Maxkamada ayaa min 12 sano oo xabsi ah ku ridday afartan eedaysan kadib markii ay dhegaystay soo jeedinta Xeer ilaalinta iyo caddaymihi la soo bandhigay. PUNTLAND POST The post Maxkamadda degmada Caluula oo xukuntay rag ku eedaysan kufsi wadareed appeared first on Puntland Post.
-
Muddooyinkii u dambeeyay, waxa isa soo tarayay warar ku saabsan, in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, uu doonayo in uu u tartamo xilka madaxtinimada Soomaaliya. Wararkan oo baraha bulshada wareegayay waxa faafintooda qayb ka ahaa dadka taageersan Siciid Deni iyo kuwa mucaaradsan labadaba. Madaxweyne Deni, marna isaga dadweynuhu kama maqal, xaqiijin ama beenin ku aaddan hadal-haynta soo noq-noqatay ee sheegaysa, in uu tartan u geli doono doorashada madaxtinimada Soomaaliya. Haddaba, maxaa ka run ah arrintan? Dad lagu kalsoonyahay oo Puntland Post su’aashaas weydiisay, waxay xaqiijiyeen in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya musharraxnimada madaxweyne Deni ee doorashada Soomaaliya. Sidoo kale, waxay sheegeen in faafinta wararkaas ay si hoose ugu jireen saraakiil iyo saaxiibo ka ag-dhow Mr. Deni, si aan loo dareemin murashax uu ololihiisa dhisayo Siciid Deni oo saamayn muuqata ku leh arrimaha doorashooyinka dalka. Waxa xusid mudan in aan si cad loo xaqiijin karin murashaxa uu taageerayo madaxweynaha Puntland, taas oo dadka looga mashquuliyay wararka la xiriira in isaga ( Siciid Deni) uu tartanka geli doono. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in Siciid Deni u tartamayo doorashada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Shabeeloow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanada hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ururka Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Shabeeloow oo hoostaga gobalka Mudug. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay ay burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen deeganka . Deegaanka Shabeeloow oo dhaca koonfurta gobalak Mudug ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhafay ku sugna xubno ka tirsan ururka al-shabaab. Ciidamada Galmudug, kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo dadka deegaanka ah ayaa dagaal kula jiro kooxda Al-Shabaab oo maleeshiyo badan kusoo daabushay deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan Mudug, waxaana Al-Shabaab laga saaray dhowr degmo kadib dagaal qaatay muddo bil ah. Ciidamada huwanta oo garab ka helayo diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Mareykanka ayaa qorsheenayo inay gaaraan Magaalada Xarardheere oo ah saldhigga ugu weyn ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada Galmudug. Safka hore ee dagaalka ayaa waxaa ku jiro Taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda Soomaaliya, General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo General Saadaq Joon, waxaana muuqato in Al-Shabaab looga adkaaday dagaalkii Gobolka Mudug. The post Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Shabeeloow appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta dunida ayaa wax ka qoray dedaallo ay Dawladda Taiwan kor ugu qaadayso Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Dunida. War-bixinnada Warbaahinta Dunidu ka qortay arrintan, ayaa yimid ka dib markii ay soo baxday in dhawaan Taiwan ay Xafiis diblumaasiyadeed ka furanayso Dalka Lithuania oo ka mid ah Dalalka ku yaalla Qaaradda Yurub. Warbaahinta qaarkood ayaa soo bandhigay Meeqaamka Xafiisyada diblumaasiyadeed ee Taiwan ka joogaan dalalka ay ka furan yihiin, waxaana War-bixinnadaa lagu soo hadal-qaaday Xafiiska Taiwan ku leedahay Somaliland. Taiwan oo dunida ku leh 74 Xafiis oo ka shaqeeya Diblumaasiyadda, ganacsiga iyo xidhiidhka ay Dunida inteeda la leedahay isla-markaana uu ku jiro ka ay ka furanayso Lithuania ayaa Warbaahintu waxay ku soo dareen Xafiiska Taiwan ay Somaliland ka furatay Magaalada Hargeysa sannadkii hore ee 2020. Warbaahinta formiche oo ka soo baxa Dalka Talyaaniga oo ka mid ah Warbaahinta arrintan wax ka qoray ayaa sheegay “Xaqiiqdii, dhammaan xafiisyada kale, oo ay ku jiraan kan Viale Liegi ee Rome, waxaa loo yaqaan “wakiilka Taipei”; laakiin mida kaliya ee soo tabineysa tixraaca tooska ah ee Taiwan waa xafiiska laga furay 2020-kii maamulka Somaliland…”ayay qortay formiche. Somaliland iyo Taiwan ayaa sannadkii 2020 Xafiisyo Diblumaasiyadeed ka furtay Caasimadaha dalka Dal, waxayna leeyihiin xidhiidh qoto-dheer, laakiin labadooda midna ma haysto aqoonsi Caalami ah. Source
-
Waxaa saacadihi la soo dhaafay xoogeystay dagaalada ka socda dalka Itoobiya, iyadoo jabhadda TPLF ay sii waddo faariisimaha ay ka sameysaneyso gobalada deriska ah . Hogaanka sare ee ciidamada tirgrayga ayaa sheegay in ay isku balaarinayaan xadka gobalkooda uu la wadaago gobalada Canfarta iyo Amxaarada. General Tsadkan, oo la sheegay inuu haatan yahay hogaamiyaha garabka ciidanka ee TPLF oo iyagu labaxay TDF, islamarkaana ahaa taliyihii ciidanka milatariga itoobiya ee xiligii dagaalka eritrea, ayaa sheegay inay maalmo gudohood kula wareegi doonaan jidka Addis ababa iyo Djibouti isku xidha. ” Hawlgalkii Charchar ilaa Mile ee deegaanka canfarta wuxuu usoo gaba gaboobay si wanaagsan, haatan waxaan si deg deg ah kula wareegi doonaa jidka isku xidha Itoobiya iyo Djibouti waxaana sitoosa gargaarka ugu furi doonaa dadkayaga.” ayuu yiri General Tsadkan Gebretensae. Waxa uu intaas hadalkiisa ku sii daray Tsadkan in ay ciidamadooda ay ku guuleysteen in ay bur buriyaan fariisimo ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegano dhowr ah . “Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaan ku guulaysanay inaan burburino ciidankii ku sugnaa aaga Qobo iyo Woldie, oo ay kamid ahaayeen ilaaladii madaxtooyada, haatana awooda ciidan waa mid anaga noo xaglinaysa, waxaana Addis Ababa gali karnaa anagoon wax iska caabin oo wayn ah la kulmin”, ayuu yiri generaalka. Dhanka kale wararka ka imaanayo Gobalka Canfarta ee dalka Jabuti ayaa la sheegaya in ay dadka shacabka ah bilaabeen in ay isaga baxaan guryaha xilli ay ka cabsi qabaan xoogagagga in ay weeraro soo qaadan. Abiy iyo xulafadiisa ayaa waxaa tan iyo May ku sucda dagaallo ay adkaatay in ay iska caabiyaan, TPLF ayaana wacad ku martay in ay dalka kala wareegeyso xukuumaddiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanada hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ururka al-shabaab kala wareegeen deegaanka Shabeeloow oo hoostaga gobalka Mudug. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay ay burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen deeganka . Deegaanka Shabeeloow oo dhaca koonfurta gobalak Mudug ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhafay ku sugna xubno ka tirsan ururka al-shabaab. Sikastaba deeganada galmudug ayaa waxaa ka socda dagaallo al-shabaab laga saarayo deeganada ay maamulkaasi kaga sugan yihiin Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kabul (Caasimada Online) – Ururka Taalibaan ayaa sheegay iney dooneyn talada dalka Afghanistan iney xoog ku marookistaan, waxayna carrabka ku dhufteen iney marnaba suuragalayn nabad dalkaasi ka hanaqaado ilaa dowlad ku meel gaar ah la dhiso madaxweyne Ashraf Ghani-na xilka laga qaado. Afhayeenka Ururka Taalibaan Suhail Shaheen oo wakaaladda wararka ee AP wareysi siiyey ayaa sharraxaad ka bixiyey mowqifka ururka Taalibaan ee ku aaddan mustaqbalka dalka Afghanistan. Suhail Shaheen ayaa sida oo kale ka mid ahaa ergooyinka ururka Taalibaan ka socda oo waddama badan wadaxaajoodyo ka dhacay ururka Taalibaan ku matalay. Kaddib marki ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada NATO ay billaabeen iney dalka Afghanistaan ka baxaan ururka Taalibaan ayaa gacanta ku dhagay qayba badan oo dalkaasi ka mid ah. Mark Miller oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ka hadlay war-saxaafadeed lagu qabtay Pentagon wuxuu sheegay Ururka Taalibaan inuu leeyahay bartilmaameed uu ku socdo. General Mark Milley ma uusan inkirin Taalibaan inuu awood u lahaa Afghanistan oo dhan inuu la wareego xataa inti ay ciidamadoodu dalkaasi howlgalka ku joogeen. “Wadahadallo kaddib Kabul marka laga dhiso dowlad ay dhinacyada oo dhan raalli ku wada yihiin, Dowladda Ashraf Ghani-na meesha ay ka baxdo markaas ayuu Ururka Taalibaan Hubka dhigayaa” ayuu yiri Suhail Shaheen oo u warramay wakaaladda wararka ee AP. “Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanan dooneyn inaan talada dalka Afghanistan xoog ku qabsanno sababta oo ah dowladaha waxay marar badan isku dayeen in awoodda dalka la qaybsado balse dadaalladoodi hal bacaad lagu lisay ay noqdeen.” Suhail Shaheen wuxuu sida oo kale uu soo hadal qaaday dowladihi fashilmay uu Taalibaan maamulayey. Wuxuuna caddeeyey inuu ururkiisa dooneyn inuu markale uu qaato qaacidadii khaldaneyd uu horay ugu soo fashilmay. Balse ururka Taalibaan wuxuu markale caddeeyey in arrinta Madaxweyne Ashraf Ghani aan wax tanaasul ah laga sameyneynin. Talaadadi khudbad uu Madaxweyne Ashraf Ghani uu ka jeediyey munaasabadda Bakrid wuxuu ku weeraray ururka Taalibaan. Ururka Talibaan oo hadalka Ghani ka jawaabayana waxay Ashraf Ghani ku tilmaameen nin dagaalka ka ganacsada. Suhail Shaheen wuxuu sheegay madaxweyne Ashraf Ghani inuu farahiisa ka baxay xuquuqdi uu u lahaa inuu dalka Afghanistan uu hoggaamiyo. Waxayna Taalibaan madaxweyne Ghani ku eedeeyeen doorashadi 2019-ka inuu hab musuqmaasuq ah uu ugu guuleystay. The post Taalibaan oo shuruud adag ku xirtay nabad laga helo Afghanistan appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa fashil uu ku yimid qaar ka mid ah jadwalkii doorashooyinka dalka, xilli maanta ay ku beegan tahay maalinti loo asteeyay in ay bilaabato doorashada doorashada Aqalka sare ee dalka. Illaa iyo hadda madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayaanan soo gudbin liiska xubnaha musharixiinta ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee dalka. Dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka sare ee maanta ayaa sidoo kale la filaya in ay dib u dhac ku keento jadwalka doorashada golaha shacabka iyo tan madaxweynaha oo dhamaantood loo asteyay in ay ku dhacaan labada bilood ee soo aaddan. Maamulka Jubbaland ayaa maalmihi la soo dhaafay ay ka socdaan diyaargarowga doorashada Aqalka sare xilli maamulada kale aan laga dareemeynin wax dhaq-dhaqaaq doorasho ah. Axmed Madoobe madaxweynaha Jubballand ayaa saacadaha soo socda la filaya in uu shaaciyo liiska xubnaha musharixiinta Aqalka sare ee deganada maamulkaas, xilli Kismaayo ay ku sugan yihiin hogaanka guddiga doorashooyinka dalka. Dhanka kale waxaa aan weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta Somaliland, ra’iisul wasaare rooble oo dhawaan la kulmay Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka iyo Mahdi Guleed ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa faray in ay heshiis ka gaaran arrinta Somaliland. Labada mas’uul ayaanan weli dhankooda soo saarin hogaan guddi doorasho oo ay ku mideysan yihiin, kadib markii laba doorasho ay kala qabsadeen guddiyadi ay magacaabeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Jigjiga)-Ciidamada amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada Jigjiga ku xidhxidhay 28 xubnood, oo lagu eedeeyay inay taageero maaliyadeed siinayeen Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray. Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Cali Xasan ayaa dadkan ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerayeen TPLF oo dowladda dalkaasi ay u aqoonsatay urur argagixiso. “Dagaalka TPLF ay wadaan wuxuu ka dhan yahay dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, waayo waxay rabaan inay soo celiyaan dhibaatooyinkii 27-kii sano ay dalka ku hayeen,” ayuu yidhi Taliyaha. Taliyaha ayaa sheegay in laysla gartay in laga hortaggo dadka dhaqaalaha siiya jabhadda TPLF. “Nimankan TPLF meel kasta oo dalka ah way jooggaan, oo waad ogsoon tihiin 27-kii sano ee wadanka haysteen meel kasta way ku baaheen, dhaqaalo ayayna ku sameysteen, dad-na way ku sameysteen. Sidaa darteed waxaa la’isla gartay cidda xidhiidhka la leh ee hantida u direysa, weliba kuwa dagaalka ku jira ee hantidooda dagaalka uga shaqaynaya in laga hortagga. Ninka dagaalka ku jira ee dalka inuu burburiyo doonaya ee hantidiisana ay halkan taalo dee waa khasab in laga hortaggo,” ayuu yidhi Taliyaha. Taliyaha ayaa yidhi “Sidaa darteed anagu waxaan qabanay 28 xubnood, gawaadhi badan oo iyagana aan qabanay way jiraan, kuwo badan oo hadda dabagal ku haynana oo qaban doonnaa jira.” Ayuu yidhi Taliyaha oo intaa ku daray “Hantida noocaas ah runtii waan diiwaangelinaa iminka.” Source
-
(SLT-Muqdisho)-Waxaa maanta oo taariikhda ku beegan tahay 25-ka bisha July, 2021 lagu waday in dalka Soomaaliya ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid markii saddexaad doorashadaasi. Madaxda maamul Goboleedyada ayaa la filayay inay shalay soo gudbiyaan Liiska kama dambaysta ah ee Musharraxiinta u tartameysa Aqalka Sare, si Maanta ay u bilaabato doorashada, sida ku qoran Jadwalka doorashada ee lasoo saaray. Sidoo kale Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad Goboleedyada ayaan weli soo magacaabin Guddiyada maamuli lahaa doorashada Aqalka Sare, waxaana magacaabay oo kaliya maamulka Jubbaland. Waxaa xusid mudan in Baarlamaanka Galmudug uu fasax ku maqan yahay, iyaga oo la sheegay inay isku imaan doonaan 1-da bisha soo socota ee Augusto 2021, isla markaana ma jiro weli diyaar garoow ku aadan qabashada doorashada oo socda. Guddiga dooraahada heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in doorashada Xubnaha Aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 25-ka bishan oo maanta ku beegan, hayeeshee ma jirto doorashada halkaas ka dhaceysa maanta. Dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sidoo kale dib usii riixaysaa Jadwalka guud ee doorashooyinka Soomaaliya, xilli laga heshiiyay khilaaf muddo ku dhow sannad ka taagnaa doorashada dalka Soomaaliya. Source
-
(SLT- Afghanistan)-Ururka Taalibaan ayaa sheegay inay dooneyn in tallada dalka Afghanistan ay xoog ku maroojistaan, waxayna carrabka ku dhufteen in ayna marnaba ka suuragalayn nabad dalkaasi ka hanaqaado ilaa dowlad ku meel gaadh ah la dhiso madaxweyne Ashraf Ghani-na xilka laga qaado. Afhayeenka Ururka Taalibaan Suhail Shaheen oo wakaaladda wararka ee AP wareysi siiyey ayaa sharraxaad ka bixiyey mowqifka ururka Taalibaan ee ku aaddan mustaqbalka dalka Afghanistan. Suhail Shaheen ayaa sida oo kale ka mid ahaa ergooyinka ururka Taalibaan ka socda oo waddama badan wadaxaajoodyo ka dhacay ururka Taalibaan ku matalay. Kaddib marki ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada NATO ay billaabeen iney dalka Afghanistaan ka baxaan ururka Taalibaan ayaa gacanta ku dhagay qayba badan oo dalkaasi ka mid ah. Mark Miller oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ka hadlay war-saxaafadeed lagu qabtay Pentagon wuxuu sheegay Ururka Taalibaan inuu leeyahay bartilmaameed uu ku socdo. General Mark Milley ma inkirin Taalibaan inuu awood u lahaa Afghanistan oo dhan inuu la wareego xataa intii ay ciidamadoodu dalkaasi howlgalka ku joogeen. “Wadahadallo kaddib Kabul marka laga dhiso dowlad ay dhinacyada oo dhan raalli ku wada yihiin, Dowladda Ashraf Ghani-na meesha ay ka baxdo markaas ayuu Ururka Taalibaan Hubka dhigayaa” ayuu yiri Suhail Shaheen oo u warramay wakaaladda wararka ee AP. “Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanan dooneyn inaan talada dalka Afghanistan xoog ku qabsanno sababta oo ah dowladaha waxa ay marar badan isku dayeen in awoodda dalka la qaybsado balse dadaalladoodi hal bacaad lagu lisay ay noqdeen.” Suhail Shaheen wuxuu sida oo kale uu soo hadal qaaday dowladihi fashilmay uu Taalibaan maamulayey. Wuxuuna caddeeyey inuu ururkiisa dooneyn inuu markale uu qaato qaacidadii khaldaneyd uu hore ugu soo fashilmay. Balse ururka Taalibaan wuxuu markale caddeeyey in arrinta Madaxweyne Ashraf Ghani aan wax tanaasul ah laga sameyneynin. Salaasadii khudbad uu Madaxweyne Ashraf Ghani uu jeediyey wuxuu ku weeraray ururka Taalibaan. Ururka Talibaan oo hadalka Ghani ka jawaabayana waxay Ashraf Ghani ku tilmaameen nin dagaalka ka ganacsada. Suhail Shaheen wuxuu sheegay madaxweyne Ashraf Ghani inuu farahiisa ka baxay xuquuqdi uu u lahaa inuu dalka Afghanistan uu hoggaamiyo. Waxayna Taalibaan madaxweyne Ghani ku eedeeyeen doorashadi 2019-ka inuu hab musuqmaasuq ah uu ugu guuleystay. Kaddib doorashadi ugu dambeeysay ee dalkaasi ka dhacday Asharaf Ghani iyo ninki la loollamayey Cabdalla Cabdalla waxay labadooduba ku doodayeen iney doorashada ku guuleysteen. Inkasta oo marki dambe labada dhinac uu heshiis dhexmaray oo Cabdalla Cabdalla la siiyey kaalinta labaad ee guusha doorashada loona magacaabay madaxa guddiga dib u heshiisiinta qaran. Xoghayaha arrimaha saxaafadda ee aqalka cad Jen Psaki oo Jimcihi AP u warrantay waxay sheegtay madaxweyne Biden inuu taageerayo Madaxweyne Ashraf Ghani xilliga uu ururka Taalibaan uu dalbanayo in xilka uu ka dago. Source