-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdilladiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa maanta oo Jimce ah magacaabay guddi qaabilsan hubinta cabashooyin ka yimid dad daymo ku sheeganaya dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo. Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ayaa lagu magacaabay Guddigaas oo ka kooban saddex xubnood, islamarkaana hubin ku samayn doona daymaha lagu leeyahay maamulka degmada Gaalkacyo. Guddiga, ayaa hubin iyo kala saarid ku samayn doona dadka soo gudbistay cabashooyinka ku saabsan in ay daymo ku leeyihiin dowladda hoose ee Gaalkacyo sida lagu sheegay Wareegtada Guddoomiye Sanyare. PUNTLAND POST The post Guddi loo saaray hubinta daymo loo haysto dowladda hoose ee Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhoweyd ay koox hubeysan gudaha degmada ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliyeed. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda dilka geysatay oo ku hubeysneyd bistoolado ayaa waxay toogteen Ninkaas oo lagu magacaabi jiray Cumar Idiris, xilli uu sii galayay Masaajid ku yaala agagaarka Saldhiga degmada Yaaqshid. Cumar Idiris oo lagu soo waramayo inuu ahaa nin da’ah, ayaa waxaa si weyn looga yaqaanay degmada oo uu saldhigeeda ka shaqeeynayay sanado badan, isagoona ka ahaa OBI qoraha saldhiga degmada. Majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilkaan, islamarkaana ilaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas. Dilalka qosheysan ee noocan ah oo maalmihii u dambeeyay kusoo badanayey magaalada Muqdisho, ayaa waxaa inta badan fuliya dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag kala dhaxeeyo dowladda iyo ciidamadeeda. The post Faah-faahin ku saabsan dil maanta ka dhacay agagaarka Masjid ku yaalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Qahira (Caasimada Online) – Xiisada wabiga Nile-ka ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd dowladaha Masar iyo Ethiopia ayaa markale sii xoogeysatay, kadib markii ay bilowday xukuumadda Al-Sisi qorshe ay ku rabto in xulafeysi awood diblomaasiyadeed ka sameysato gudaha gobolka. Dowladda Masar ayaa waxay isku dayaysaa inay xoojiso awooddeeda diblomaasiyadeed iyo midda Millateri ee ay ku leedahay gudaha Afrika, xilli ay sare usii kacayso muranka kala dhaxeeya waddanka Ethiopia ee salka ku haya dhismaha biyo-xireenka Wabiga Nile-ka. Wararka ayaa sheegaya in ururka Juquraafi-yahannada Masar ee la aas-aasay 1875-kii ay kaydiyeen dukomintiyo muhiim ah oo ka tarjumaya danta fog ee ay Masar ka leedahay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika. Dukomintiyadaas ayaa waxaa kamid ah khariidad taariikhi ah oo muujinaysa in xuduudaha koonfureed ee Masar ay dhacaan Harada Victoria ee Bariga Afrika, waxaana xusid mudan in ururka juquraafi-yahannada laftigooda lagu sameeyay himilladii boqortooyada Masar ee mudada kooban jirtay. Qorshaha ururka hadda wada keydinta lagu sameeyay ayaa waxa qeyb ka ahaa in Suudaan hoos keentay maamulkii Masar, iskuna-dayday inay Ethiopia ku qabsato awood milateri intii u dhaxaysay 1874 illaa 1876, midaasi oo kusoo dhamaatay guuldarro bahdilaad ah. Masar waxa ay bilihii la soo dhaafay heshiisyo milateri iyo kuwa dhaqaale oo xiriir ah ay la saxiixatay dalalka Uganda, Kenya, Burundi, Rwanda iyo Jabuuti. Qaahira ayaa waxa ay markii horaba heshiisyo isdhexgal ah oo muhiim ah ay la laheyd Sudan, halkaas oo dhawaan ay labadaasi dal ka fuliyeen dhoollatus milateri oo ay wadajir u fuliyaan, kaas oo ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka iyo ciidammada gaarka u tababaranba. Xiisada wabiga Nile-ka ayaa si weyn uga dhex tafan Masar iyo Ethiopia, ayada oo dowlada Masar ay mar hore dhinac saartay dowladda Sudan oo uu khilaafka wabiga kala dhaxeeyo Ethiopia, waxaana socda dadaalo la isku gaashanbuureysanayo oo ka dhan ah biyo xireenka Ethiopia. The post Al-Sisi oo qaaday tallaabo kasii dareysa xiisadda Masar iyo Ethiopia ee biyaha Nile appeared first on Caasimada Online.
-
Although a bright student Ruweyda Hassan, 17, a resident of Galkayo town in Somalia’s northeastern semiautonomous province of Puntland has fears that she will be pulled out of school. Source: Hiiraan Online
-
Halkan ka daawo Muqaalka Warkaas:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sagootiyey wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida oo dalka u yimi ka qaybgalka munaasibaddii lagu furayey ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera. Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa madaxweynaha maamulka Soomaalida ugaga mahadnaqay kasoo qaybgalkiisa munaasibadda furitaanka dekedda Berbera, waxana kulanka goob joog ka ahaa xubno kamid ah golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirro katirsan dawlad-deegaanka Soomaalida iyo safiirka dalka Itoobiya u fadhiya caasimadda Hargeysa. Qaran News
-
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa maanta oo Jimce ah shaacisay liiska golaha degaanka cusub ee degmada Jarriiban oo ka tirsan gobolka Mudug. Wasaaradda ayaa soo bandhigtay liiska oo ka kooban 21 xubnood kuwaas ay soo xuleen odayaasha dhaqanka degmada Jarriiban. Xubnaha cusub ee golaha degaanka Jarriiban ayaa la filaya in ay saacadaha soo socda doortaan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas. PUNTLAND POST The post Golaha degaanka cusub ee degmada Jarriiban oo maanta la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, markii uu xilka qabanayey 4 sano ka hor waxaa uu ballanqaaday dib u habeynta garsoorka iyo ka shaqeynta caddaaladda, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Mar dambe dhici meyso , oo anaa ballan-qaaday, oo dowladda ayaa ballan qaadday, qof Soomaaliyeed intuu hor-tago maxkamad caddaalad darro lagu sameeyo, howshaasi waa waxyaabaha dalkani meesha uu taagan yahay gaar siiyay, oo ilaahey noogu carooday, oo aan adduunka uga hooseyno , Labo qof iyo saddex qof oo xun, ka yeeli meyno in magaceenna isticmaalaan ummadda Soomaaliyeed duleeyaan oo dhibaato u geystaan oo xaq-darro ku sameeyaan u adkeysan meyno”. Farmaajo waxaa loo dhiibay dal federal ah, iyada la sameeyey sharciga adeegga garsoorka, waxayna ahayd inuu dhammeystiro: (1). Dhammeystirka qabyo qoraalka dastuurka (2). Dhismaha Maxkamadda dastuuriga (3). Dhismaha Golaha adeegga garsoorka (4). Sameynta Xeerka nidaamka garsoorka federaalka ah iyo arrimo kale oo muhiim u ah madaxbannaanida garsoorka dalka. 4 sano uu Farmaajo joogay, Muxuu ka qabtay Garsoorka? Doorashadiisa kaddib, wuxuu wacad ku maray isbeddel xagga garsoorka ah, isagoo kusoo koobay shaqadiisa oo dhan inuu maxkamadaha darajada 1-aad ee gobolka Banaadir beddelay min labo-jeer, waxaa kale uu min hal goor beddelay maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta dalka. Iyada oo aan lasoo marin sharciyadda garsoorka ee shaqo ka tirista garsooreyaasha ayaa Farmaajo waxaa uu ceyriyey 23 garsoore, waxaa uu shaqaaleysiiyey garsooreyaal ka badan 30 iyo kaaliyeyaal kuwaas oo lagu beddelay dad dhintay iyo qaar isaga tagay shaqada. Miisaaniyadda Garoorka: Garsoorka federaalka waxaa sannad walba kordhayey miisaaniyaddiisa sida $2.8 Milyan oo ah 2018-kii, $2.7 Milyan ayuu ahaa 2019, $3 Milyan halka sannadkan yahay $7.7 Milyan, laakiin ma jirin garsooreyaal cusub ama adeeg hor leh ama mushaar shaqaale oo kordhay. Siyaasadeynta Garsoorka: Dadka qaar waxay rumeysan yihiin in Farmaajo uu garsoorka ku milay siyaasadda, sida kiisaskii Cabdirashiid Janan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, , kiisas musuq lagu sheegay oo wasaaradaha gargaarka iyo caafimaadka iyo mas’uuliyiin furdada ahaa, waxaa intaa wehliyey kiisaskii weriyeyaasha Cali Aden iyo Cabdicaziz Gurbiye, oo lagu daray kiisas ay dhaqaajisay xeer ilaalinta oo aan maxkamad gaarin sida kiisaska Xildhibaannada Saabir Shuuriye iyo Xasan Macallin iyo kiiskii weriyaha VOA-da Haaruun Macruuf. Marka laga tago in 4 sano kaddib, uu isku beddelay garsooreyaal iyo guddoomiyeyaal maxkamadeed iyo qaar kale, siyaasadeyeyna garsoorka dalka haddana waxba kama qaban shaqooyinkii laga sugayey sida dhismaha maxkamad dastuuri ah, golaha adeegga garsoorka, lagama heshiin xeerka nidaamka garsoorka dalka, mana ka shaqeyn in gasroorka la federaaleeyo, oo lagu baahiyo jamhuuriyadda federaalka ah oo dhan. Xaaladda Garsoorka Maamullada Dalka: Gobolka Banaadir: Banaadir kama jiro maamul goboleed u gaar ah, mana laha maqaam, waa gobolka ugu dadka badan Soomaaliya, Muqdisho waa xarunta dowladda federaalka ah, waxaa ka jira garsoor, tusaale ahaan sida ay sheegeyso maxkamadda sare, dhammaan degmooyinka marka laga reebo Boondheere. Marka laga reebo Wadajir oo maxkamad leh inta kale waxay ku shaqeeyaan saldhigyada booliiska iyo degmooyinka. Maxkamadaha racfaanta, xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidanka waxay ku dhex shaqeeyaan maxkamadda gobolka Banaadir. Hirshabeelle: Hirshabeelle waxaa ay ka kooban tahay Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, gobolka Shabeellada dhexe, Magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka waa magaalada keliya ee saddex maxkamad ku yaallaan, Racfaanka, maxkamadda gobolka iyo maxkamadda degmada, waxaa kale oo xusid mudan in Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado la lahaa aaney hadda lahayn!! Gobolka Hiiraan: Magaalada Baladweyn waxaa ay leedahay Maxkamadda degmada iyo midda gobolka, qarash la’aan dhacday awgeed, maxkamadda degmada ayaa la isugu geeyay dacwooyinka darajada 1aad halka maxkamaddii gobolka loo beddelay racfaan, Buula-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Guud ahaan maamulka Hirshabeelle ma laha maxkamad sare iyo xeer ilaaiye, Galmudug: Maamulkan Galmudug waxaa dhowaan la magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaiye, waxaa jira goddoomiyeyaasha maxkamadaha gobollada, sidaas ay tahay ma laha xafiisyo iyo shaqo socota. Caqabadaha heysta garsoorka Galmudug waxaa ka mid ah iney dacwooyinka ku qaadaan geedaha hoostooda, maamulka oo dhan ma laha xabsi, oo dad xukuman ayaa ku xiran saldhigyada magaalooyinka oo aan loo hayn xabsi, mushaar la’aanta waa dhibaato kale. Koonfur Galbeed: Maaamul Goboleedka Koonfur Galbeed wax gacan ah kama helin dowladda federaalka ah, laakiin waxay leeyihiin gole adeeg, Baydhabo keliya ayaa waxaa ay leedahay adeeg garsoor oo dhammeystiran, laakiin sharciyada waa qaar aan federal ahayn, oo duugoobay, loomana diyaarin, maamulkan waxaa ka diiwaan geshan 25 qareen iyo 14 isugu jira garsooreyaal iyo inta oo kale kaaliyeyashooda ah oo Bay jooga halka inta kale oo Bakool ama Shabeellada hoose ah aaney diiwaan gashneyn, mushaarna iskaba daa. Dhibaatooyinka amni xumida iyo baahin la’aanta ah ay keentay waxaa ka mid ah in dhammaan maamulka wixii dacwo madani ah loo aado Al-shabaab kaddib markii March 2019-kii wixii ka dambeeyey la joojiyey qaadista dacwadaha dhulka. Waxaa xusid mudan Bakool ma qabto maxkamad racfaan halka Waajid iyo Bardaale xabsi la’aan yihiin. Waxaa jira caqabado maamulkani haysta, tusaale ahaan Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan, dowladda dhexe waxba kama helaan, haddii xitaa ay maxkamad xukun gaarto lama hayo ciidan fuliya iyo xabsiyo la geliyo!! Jubbaland: Kismaayo waxaa uu leeyahay gole adeeg garsoor, laakiin garsoorka ma dhaafo Kismaayo, waxaa ku taallo Maxkamadaha degmada, midda gobolka Jubbada hoose iyo midda racfaanka, Dacwooyinka ay qabtaan waa madani iyo ciqaab, waxaa kale oo jirta maxkamadda ciidamada. Wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo, xitaa garsoorka Kismaayo ka shaqeeya waxaa tababar iyo lacag siiya mamulka Jubbalabd. Puntland: Maamul goboleedka Puntland waa midka ugu dhaw xagga sharciyada federaalka ah, waxaa uu leeyahay Maxkamadda sare, mid dastuuri ah, xeer ilaalin, racfaan, maxkamadaha darajada heerka 1aad, guddiga sare garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, 3 garsoore maxkamadda sare, 2 garyaqaan, iyo xeer illaalinta. In kasta oo Maxkamadaheeda ay u dhisan yihiin qaabkii federaalka ah haddana sharciyada ay ku shaqeeyaan waa nidaamkii garsoorka ee dowladdii dhexe 1991-dii. Caqabadaha Haysta Garsoorka Dalka: Garsoorkii 1991-kii: Garsoorka hadda dalka lagu dhaqo waa midkii ay ka tagtay dowladdii dhexe 1991-kii, waxaa ay dhibaato ka jirtaa iswaafajinta nidaamkaasi iyo midka federaalka ah. Dastuur Federaal Ah: Dhammestirka dastuurka iyo heshiisyada siyaasiga ah, waxaa ku xiran in nidaamyadii kale ee federaalka ahaa ay shaqeeyaan, taasi oo aan suurogal ahayn inta dastuurka uu qabyo yahay oo aan la ansixin. Dhisme Garsoor Federaal Ah: Weli ma billaaban ka hadlidda nidaamka federaalka ah, Garsoorka dalku wuxuu noqonayaa saddex Heer oo kala ah: (a) Maxkamad Dastuuri ah (b) Maxkamadaha Heer Dowlad Federaal; iyo (c) Maxkamadaha Heerka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka. Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Heer Federaal waa Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyadoo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyaguna yeelanayaan Maxkamad Sare ee heer Dowladaha Xubinta ka ah federaalka oo iyaga u gaar ah. Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka: Qodobka 109 ee dastuurka waxaa uu ka hadlayaa dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, golahan waa uu laalan yahay, illaa iyo hadda lama oga wax ku dheggan, golaha waa midka hawsha guud ahaan garsoorka ku xiran tahay. Asaaska Maxkamadda Dastuurka: Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan garsoore oo uu ku jiro Garsooraha Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare, shaqadan weli ma billaaban Magacaabista Garsoorayaasha: Caqabadda ugu weyn ayaa ah: in garsooreyaashaasi ku yimaadeen xeer madaxweyne, waxaa ay shaqada ka tagi karaan marka ay madaxweynaha u soo jeediyaan Golaha Adeegga Garsoorku isagana uu saxiiso, golahii soo jeedin lahaa Haddaba, Farmaajo waxaa uu 4-tiisa sano ee Villa Somalia ku dhammeystay qardo-jeex iyo habab baalmarsan sharciga iyo dastuurka jamhuuriyadda federaalka ah, wax shaqo ahna kama qaban garsoorka dalka, hal sharci oo arrintan la xiriirta ma keenin baarlamaanka, balse taa beddelkeed, waxaa uu isaga isku noqday fulin, sharci-dejin iyo garsoor. Xigasho: Goobjoog The post Qiimeyn: Farmaajo afar sano kadib, waa sidee garsoorka federaalka, Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Jimco ah la filayaa inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu magaalada Muqdisho kaga qayb-gelayaa shir ku saabsan dardar gelinta Arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo dhexmaraya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale, madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa isna la filayaa inuu Maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho. Shirka ayaa waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirka ayaa sida qorshu yahay waxaa uu dhici doonaa maalinta Berri ah, inkastoo ay jiraan warar sheegayo inuu dib u dhici karo illaa Maalinta Isniinta ah maadaama madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ay dalka ka maqan yihiin. Sida ay Caasimadda Online ogaatay, shirka ayaa la laga yaabaa in wax looga badalo qodobada qaar ee lagu heshiiyey 27 May, waxaana kamid ah qodobada laga yaabo in wax laga badalo tirada ergada dooraneyso Xildhibaanada oo la qorsheenayo in laga dhigo 61 Ergo halkii ay markii hore ahaayeen 101. Sidoo kale, qodobada in wax laga badalo laga yaabo waxaa kamid ah goobaha la dhigayo kuraasta oo la filayo in laga dhigo hal goob halka markii hore lagu heshiiyey in laga dhigo laba goob. Wax ka badalista qaar ka tirsan qodobadii markii hore lagu sheegay ayaa waxaa u ololeenayo qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada sida Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe oo doonayo in kuraasta Hirshabelle iyo Jubbaland kaliya la dhigo Jowhar iyo Kismaayo. Lama ogo sida ay ku suurta geli karto in wax laga badalo heshiiskii 27 May ay Muqdisho ku kala saxiixdeyn Ra’isulwasaare Rooble, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, balse wax kasta waxay soo bixi doonaan maalmaha soo socdo. The post Deni oo Maanta Muqdisho soo gaarayo iyo qodobo kamid ah heshiiskii 27 May oo wax laga badalayo appeared first on Caasimada Online.
-
Lamu terror victims refuse to evacuate camp six years on. They said they still feel unsafe. Source: Hiiraan Online
-
HARGEISA (HOL) - The Chief Justice of Somaliland, Adan Haji Ali has disclosed that the judiciary has received 23 election disputes emerging from the just concluded Local and Parliamentary elections. Source: Hiiraan Online
-
Mandera County Government through the Department of Trade has officially allocated the renamed and rebranded New Mandera enterprise market to various traders. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni, wuxu Muqdisho kaga qayb-gelaya shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo dhexmaraya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Shirka waxa ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Shirkaas ayaa sida qorshaysan Sabtida berri ah ka furmi doona magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Antalya (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in waqtigeeda oo lagu soo geba-gebeeyo hanaanka doorashada Soomaaliya ay muhiim u tahay dalka, xilli ay muuqato inay dib uga dhaceyso waqtigeeda. Doorashada ayaa heshiiskii la gaaray 27-ka May waxaa lagu go’aamiyey inay ku dhacdo 60 maalmood gudahood, waxaana ayada oo hadda ay baxday bil ka mid ah muuqata inaysan taasi suurta-gal aheyn. “In hanaanka doorashada waqtigeeda lagu soo dhameystiro, iyo si ku dhisan heshiis haysta dhammaan taageerada shacabka Soomaaliyeed, waa u muhiim xaqiiqdii wax ka qabashada ahmiyadaha dalku u baahan yahay ee dadka looga faa’iideynayo,” ayuu James Swan u sheegay wakaaladda wararka Anadolu, isaga oo ku sugan magaalada Antalya oo uu kaga qeyb-galay madasha diblomaasiyadda ee Antalya Diplomacy Forum. “Tani waa daqiiqad muhiim u ah Soomaaliya,” ayuu yiri madaxa howlgalka QM ee Soomaaliya. James Swan ayaa ammaanay dadaallada la xiriira doorashada ee uu wado ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo bishii April si rasmi ah ula wareegay maamulka doorashada iyo amnigeeda. “Aad ayaan ugu qanacsannahy in lixdii toddobaad ee tegay, uu ra’iisul wasaare Rooble hoggaamiyey wada-hadallo dhab ah oo uu la yeeshay madax goboleedyada, oo ay heshiis doroasho isku raaceen 27-kii May, kaasi oo deg deg ah loo hirgelinayo, waxaana si firfircoon u taageereynaa fulintiisa,” ayuu yiri James Swan. Swan ayaa sheegay in saaxiibo badan oo caalami ah ay si aad ahu daneynayaan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana Turkiga ay ka mid yihiin kuwa ugu muuqda. “Turkey waxay ku lug leedahay taageerada qeybta amniga, waxay ku lug leeyihiin dhaq-dhaqaaqyada arrimaha bani’aadannimo. Turkey sidoo kale waxay kaalin ka qaadaneysaa xiriirka dhinacyada aan dowliga aheyn,” ayuu yiri. “Waxaa jira caqabado amni oo weli taagan, gaar ahaa cawaaqibka joogitaanka Al-Shabaab ee dalka, waxaana sii dheer baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ka jira.” Swan ayaa sheegay in booqashooyin ay dhowaan xubno ka tirsan beesha caalamka ku tageen maamul goboleedyada ay qeyb ka tahay isku day lagu xoojinayo dardarta lagu qabanayo doorashada, si aan looga gaabin. The post James Swan oo war cusub kasoo saaray doorashada xilli dib u dhac uu muuqdo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay qaraar ka dhan ahaa Mareykanka, kaas oo ka soo baxay golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay, isla-markaana looga soo horjeeday xiyaaradda Mareykanka uu saaray Cuba. Qaraarkan oo ahaa mid xasaasi ah, laguna cambaareynayey Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale ka gaabsaday saddex dal oo kale oo Soomaaliya ay afar ku noqoneyso, kuwaas oo kala ah Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Myanmar, Moldova iyo sidoo kale Soomaaliya. Mareykanka ayaa cuna-qabateyta uu saaray Cuba ku sheegay inay aas-aas u tahay inay dalkaasi ka hirgasho dimuqraadiyad, sida uu shaaciyey Rodney Hunter oo ah isu-duwaha arrimaha siyaasadda howl-galka Mareykanka ee u qaabilsan Qaramada Midoobay. “Cunaqabateyntu waa dariiqa sharciga ah ee lagu gaari karo siyaasada arimaha dibada, amniga qaranka, iyo ujeedooyinka kale ee qaranka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri. Si kastaba waxaa qaraarka ka soo baxay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay taageeray illaa 184 wadan, halka ay kasoo horjeesteen Mareykanka iyo Israel. Xiyaaradda dhaqaale ee saaran Cuba ayaa waxaa soo rogay madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, wuxuuna saameyn ku yeeshay Cuba oo daris la ah Mareykanka. The post Dowladda Soomaaliya oo ka gaabsatay qaraar culus oo ka dhan ahaa Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa xannibay ruqsaddii shargi ee uu ku shaqeysan jiray Rudy Giuliani oo ah qareenka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaddib markii maxkamadda racfaanka ee gobolkaas ay ogaatay inuu been ka sheegay doorashadii Mareykanka ee 2020. Giuliani oo 77 jir ah ayaa sheegay in doorashadan laga xaday Donald Trump, haye yeeshee maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in been abuur cad iyo marin habaabin’ uu ka sheegay doorashadii uu ku guuleystay madaxweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee Joe Biden. Gareenka Trump, Giuliani ayaa hore u soo nooday Garyaqaankii degmada Manhattan iyo duqa magaalada New York, waxaa lagu ciqaabay hadallada uu ka sheegay doorashadan. Iyadoo tixraaceysa qalelaasihii lixdii Janaayo ee ka dhacay Xarunta Congress-ka Mareykanka ayaa Maxkamadda Racfaanku waxay sheegtay in been-abuurka Giuliani ay khatar galin karto kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada, taas oo astaan u ah dimoqraadiyada Mareykanka iyo sidoo kale xirfadda sharciga. PUNTLAND POST The post Qareenkii Donald Trump oo Ruqsadii laga xannibay appeared first on Puntland Post.
-
The UN’s special envoy to Somalia said that completing the electoral process on time and based on consensus in the Horn of Africa country is “critical.” “Completing this electoral process on time and in a consensus-based way that enjoys support from the Somali people is really critical to addressing other priority needs in the country for the benefit of the population,” James Swan told Anadolu Agency on the sidelines of the three-day Antalya Diplomacy Forum (ADF) which closed on Sunday. “This is an important moment for Somalia,” said Swan, who is also the head of the UN Assistance Mission in the country. Somalia has witnessed a political stalemate after presidential and parliamentary elections were delayed and the president’s constitutional mandate expired on Feb. 8. An agreement between the central government and regional leaders in the town of Dhusamareb on Sept. 17 last year was seen as a major step toward Somalia holding indirect parliamentary and presidential elections in late 2020 and early 2021, respectively. It had since stalled as the country’s divided political leaders differed on how to proceed with the elections. Noting that ADF in Turkey was a very fruitful platform, Swan said that he had a number of bilateral meetings to address specific concerns related to Somalia. As part of the forum he met with officials from Qatar and Kenya plus he had a discussion with Turkish Deputy Foreign Minister, Sedat Onal. UN effort to support Somalia On the situation in Somalia, Swan said: “The humanitarian situation is truly dire in Somalia.” “More than 20% of the population is facing acute food requirements. And out of a total population of about 15 million people, nearly 6 million require some element of humanitarian assistance. “So the United Nations partnered with the Somali government to advocate for humanitarian response plan. This year the requirement is more than $1 billion. And that covers everything from life-saving emergency assistance to food aid to cash transfers to addressing the needs of the refugee population and the like. And it’s thanks to generous support from donor countries that we are able, working with the Somali government to respond,” he said. On steps to be taken to support Somalia, Swan said: “There are many international partners, actively interested in Somalia. And Turkey is certainly prominent among them.” “Turkey is involved in support for the security sector, they’re involved in humanitarian activities. Turkey is also very active in terms of private sector relationships,” he added. Somalian elections Recalling the agreement reached last month by the federal administration and state leaders in Somalia to resolve the election crisis that brought the country to the brink of civil war, Swan said: “Among core priorities at this time in Somalia, or moving ahead with elections, they’ve recently concluded an agreement that will permit that to proceed on a rapid timeline.” “In addition, there remain very serious security challenges, particularly as a consequence of the presence of Al-Shabaab terrorist organization in the country. But in addition, as you already raised the humanitarian needs are acute, and of course, we can’t lose sight of longer-term development objectives in the country,” he added. “We’ve been very actively working over the past several years, to overcome an impasse, and communication between the federal government, and some federal member states,” he said. “And that impasse really blocked progress on election planning on constitutional reform on the fight against al Shabaab and so many other priorities,” he added. “So we’re very pleased that in the past six weeks, the Prime Minister [of Somalia Mohamed Hussein Roble] has led a series of discussions with federal member state leaders, they agreed on the 27th of May, to a set of actions to implement the electoral process on a short timeline, and we’re actively supporting that,” he said. Noting that they had many engagements with the Office of the Prime Minister on the issue, he said: “I recently led a multilateral delegation of the African Union, European Union, Intergovernmental Authority on Development and the United Nations in meetings with federal member state leaders to ensure that momentum is sustained and that they continue to move forward on the election implementation.” Source: Anadolu Agency The post Completing electoral process ‘critical’ for Somalia: UN envoy appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dekedda Berbera oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay, isagoona ku naqdiyey Farmaajo inuu kasoo horjeesto horumarka Somaliland. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dekedda Berbera uu kal hore isku dayey inuu is hortaago madxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo. “Farmaajo iyo xukuumaddiisaba waxay ka hor yimaadeen ballaarinta Dekadda Berbera, iyagoo halhayskoodu ahaa waa damac shisheeye,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale waxa uu dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ku dhaliilay in Qaadka looga soo dhoofiyo Itoobiya ku bedelato Kalluun, xili ay dowladda Itoobiya ku howlan tahay ka faa’iideysiga kheyraadkeena. “Mowqifkeennu maalinkaa wuxuu ahaa horumarinta kaabe dhaqaale ee Soomaali leedahay in uusan dowlad Soomaaliyeed dhib ku ahayn.” “Wasiirradii Itoobiya ayaa daahfurkii ballaarinta Dekadda Berbera u jooga, Farmaajo iyo xukuumaddiisana waxay la gole yimaadeen; qaad ayaan kalluun ku beddelannay,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa. Hadalkaan ayaa imanaya xili maanta xariga laga jaray dib u ballaarin lagu sameeyay dekedda Berbera ee Somaliland oo ay gacanta ku hayso shirkada DP World, oo ay heshiiskeeda kasoo horjeesatay dowladda federaalka. The post CC Shakuur: Hal-hayskii Farmaajo ee ‘damac shisheeye’ iyo horumarka dekedda Berbera appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa, June 24, 2021 (FBC) –A high level Ethiopian Government delegation led by Ahmed Shide, Minister of Finance, arrived in Berbera, Somaliland. Upon arrival in Berbera, the delegation was received by Somaliland President Musa Bihi Abdi and other officials. The delegation will attend the inauguration of Berbera port, according to Somali regional state mass media agency Qaran News