-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxada ka taqaanaa Orodyahanada Soomaaliya ka soo jeeda asal ahaan ee metelayay Dalal kale Ciyaaraha Olimbikada Tokyo 2021? . Waxaa maalmihii u danbeeyey Tokyo ka socday ciyaaraha Olympics-ka oo lahaa noocyo kala duwan, haddaba waxa jirey orodyahanno Soomaali ah oo metelayey dalal kale. Waxaa se sannadkan ka maqan orodyahankii caanka ahaa ee Mo Farah, oo laba jeer oo hore ku guulaystay orodka olombikada ee 10000 ee Mitir. Waxaana sannadkan uu u seegayaa dhaawac soo gaadhay. Qoraalkan waxaynu ku eegaynaa orordyahannadaas iyo taariikhdooda oo kooban: Maxamed Axmed – Canada Maxamed Axmed, ayaa lagu naanaysaa Mospeed. Maxamed Axmed, waxa uu bishii january ku dhashay magaalada Muqdisho, waxa uu u ordaa dalka Canada. Waxa uuna ka mid ahaa orodyahannadii maalinkii dorrad ahaa ku tartamayey orodka dheer, isaga oo ku dhammaystay kaalinta lixaad, inkasta oo wareegga qaybtii hore hoggaaminayey haddana wareegii u danbeeeyey ayaa la gala wareegay hoggaanka orodkaas.. Axmed wuxuu ku guuleystay billadda maarta ah ee 5000 m ee tartanka orodka adduunka ee 2019 ee Doha, oo uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Canadian ah ee billad ku muteysta dhacdadaas. Waxaana uu sidoo kale laba billadood oo qalin ah ku guulaystay Ciyaaraha Barwaaqo-sooranka ee 5000 iyo 10,000 m . Axmed waxa uu sidan oo kale qayb ka ahaa Olombikada Xagaaga ee 2012 iyo 2016. Bashiir Cabdi – Belgium BASHIIR CABDI Bashiir, ayaa kaalmaha hore ka galay tartamo badan Bashiir Cabdi, waxa uu dhashay sannadkii 1989 bishii bishii Feebarweri, isaga oo ku dhashay magaalada Ceel Afweyn, ee gobolka sanaag, Somaliland. Waxa uu u ordaa dalka Biljam, waxaana uu caan ku yahay orodka dheer. Wuxuu ka qayb galay 10,000m orodka ah oo dhacayey sannadkii 2014 horyaalada ciyaaraha fudud ee Yurub. Ciyaarihii Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016kii. Bashiir wuxuu ku tartamay labada orod ee 5000m iyo 10000m. Wuxuu ku dhameystay kaalinta 20 -aad ee finalka 10000m, tartankaas oo uu ku guuleystay Mo Farah, orodyahan Soomaali ah oo metela dalka Britain. Sannadkii 2017 -kii Bashiir wuxuu ka qayb -galay tartankii London 2017 ee Ciyaaraha Fudud ee orodka 5000m ee ragga, isagoo kaalinta 6 -aad ka galay tartankaas. Waxaana uu ka qaybgalay tartamo kale oo caalami ah, sannadkii 2019 waxa uu kaalinta labaad galay tartankii Vitality Big Half Marathon, oo kaalinta koobaadna uu galay Mo Farah. Isaga oo sida oo kale isla sannadkaad isla London Marathon oo ku guulaystay Eluid Kipchoge galay kaalinta lixaad. Sida oo kale waxa uu kaalinta labaad galay tartankii orodka ee ka dhacay Jabbuuti. Sannadkanna waxa uu ka mid yahay orodyahannada ka qaybgeli doono ciyaaraha Olympic-ka ee Tokyo. Cabdixakiin Colaad – Denmark Colaad ayaa metela dalka Denmark Cabdixakiin Colaad, waxa uu ku dhashay bishii 1991 magaalda Kismaayo, waxaana uu hadda u ordaa dalka Denmark, isaga oo ku metela oroddada dhaadheer ee 5000 mitir iyo 100000 mitir. Isaga 11 jir ayuu Colaad dalkan qaxoonti ahaan u yimi. Maratoonkiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa 2015, taas oo ahayd markii labaad ee uu isku dayay masaafadan masraxa Hamburg, wuxuu ku dhammeystay waqtiga ugu wanaagsan ee qof Dheenish ahi ku dhammaysto tan iyo 1989 – 2h 14 min 3sec, ayuu ku orday, taas oo sababtay in uu u soo baxo tartankii Olombikada Xagaaga ee 2016 ee Rio de Janeiro. Sannadkii 2018, wuxuu ku tartamay marathonkii ragga ee Ciyaaraha Fudud ee Yurub ee 2018 oo lagu qabtay Berlin, Germany. Ma uusan dhameyn tartankiisaasBishii Diseembar 2019, wuxuu ku orday sida ugu fiican shaqsi ahaan masaafada marathon -ka ee Fukuoka Marathon ee Japan. Markii oo jaray masaafadaas 2h 11min 3sec waxayna sababtay in uu soo baxo Ciyaaraha Olombikada Xagaaga 2020 ee Tokyo, Japan, kuwaas oo hadda qabsoomaya uuna ka qaybgelayaasha sannadkan. Cabdixakiin Cabdiraxmaan – USA Cabdixakiin, ayaa noqday qofkii ugu da’ weynaa ee ciyaarahan ku metelaya Maraykanka Cabdixakiin Cabdiraxmaan, waxaa uu ku dhashay Muqdisho bishii jannaweri sannadkii 1977, wuxuuna u ordaa dalka Maraykanka isaga oo ku caan ah orordka dheer. Waana markii shanaad ee ku tartamayo tartanka Olombikada. Sannadkii 2008, Cabdiraxmaan wuxuu ku guuleystay 10,000 oo mitir Tartankii Xulashada Olombikada Mareykanka. Wuxuu sidoo kale ahaa horyaalkii ragga ee Monument Avenue 10K ee Richmond, VA. Tijaabooyinkii Olombikada Mareykanka ee 2020 ee Atlanta, Cabdiraxmaan wuxuu ku dhammeystay kaalinta 3aad ee marathon -ka isagoo ku orday 2:10:03, hal ilbiriqsi kana dambeeya Jake Riley wuxuu xaqiijistay booskiisa kooxda shanaad ee Olombikada, isagoo 43 jir ah. Hadda se waa 44 jir. Wuxuuna sidaa ku noqday orodyahankii ugu da’da ee abid Maraykanka ku metelaya Olombikada. Waxaana uu haddadan tartanka Tokyo ka mid yahay haddaanu ahaynba kan ugu weyn ciyaartoyda waaweyn ee ka qaybgelaysa tartankaas. Cabdi Nageeye – Netherland ,ABDI NAGEEYE Nageeya ayaa haysta rikoorro badan oo dalkiisa ah. Nageeye wuxuu ku dhashay bishii Maarso 1989 magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Isaga oo 6 jir ah, waxaa dib u -dejin loogu sameeyay sidii qaxootinimo dalka Nederland. Ka dib markii uu afar sano ku qaatay Netherlands, waxa uu muddo kula soo noolaa qoyskiisa Suuriya iyo Soomaaliya. Ka dib, Nageeye wuxuu ku soo noqday Netherlands isagoo sii maraya Itoobiya waxaana soo korsaday qoys Oldebroek ah. Nageeye wuxuu ku dhameystay kaalinta 8aad ee Marathon -ka Boston ee 2016. Dabayaaqadii sannadkaas wuxuu ku dhammeystay kaalinta 11 -aad orodka marathon -ka ee Rio. 2018. Abdi Nageeye, sida oo kale waxa uu tartammo kaga qaybgalay dalka Kenya isaga oo galay kaalmaha hore. Waxaana ay soo wada tababarteen Eluid Kipchoge, oo ah orodyahanka ugu caansan Kenya. Dalka ee u ordana wuxuu haystaa rikoorro badan, Halka dhanka kale Cabdi yahay luuqad yahan ku hadla, Soomaaliga, Dutch, Carabi, English iyo Amxarariga. Qaran News
-
Doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacaysa magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wefti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Koonfur Galbeed. Xubnahan guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona doorashada Aqalka sare ee ka dhacaysa halkaasi. Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee bilaabaya doorashada Aqalka sare waxaana ka horraysay Jubaland oo keliya. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo maanta qabanaysa doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
Tartan Loo Galay Iftiiminta Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Hargeysa-(Dawan)- Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland ayaa shaaciyay tartan loo geli doono mashruuca iftiiminta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, waxaana tartankani soo xaraystay 14 shirkadooda. Ugu horrayntii guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen oo madasha ka hadlay ayaa yidhi “saaka oo ay bishu tahay kow bishii sideedaad sannadka 2021-ka waxa aynu furanaynaa qandaraaska iftiiminta Hargeysa Stadium, waxa ku soo tartamay 14 shirkadood, guddidu waxa ay idin balanqaadaysaa in si daahfuran ay u soo bandhigi doonto shirkadda ku guulaysata haddii Alle yidhaa, mashruucan waxa laga maal-gelinaya miisaaniyadda xukuumadda ee sannadka 2021-ka” ayuu yidhi Nuuxu Maxamed Xuseen guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland. Dhankooda iyaguna waxa hadallo ka jeediyay madashii lagu soo bandhigayay tartanka mashruucan qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkaddaha kala duwan ee tartankan gali doona waxaana ka mid ahaa hadalladoodii “waxaan ka socdaa shirkadda Tayo Production waxaanu ka soo qayb-galnay tartanka iftiiminta garoonka Hargeysa Stadium, shaqooyin noocaas oo kale ah oo aanu hore u soo qabanay ayaa jira insha Allah guul ayaanu rajaynaynaa” waxaa sidaa yidhi masuul ka hadlayay afka shirkadda Tayo Production oo ka mid ahayd shirkadihii ka soo qayb-galay tartankan. “Aniga oo ka hadlaya magaca shirkadda Oroginal groups oo ka mid ah tartamayeyaasha maanta u tartamaya qandaraaska ee ay soo xayaysiisay guddiga qandaraasyadu ee ah ee ballaadhinta iyo casriyaynta garoonka Hargeysa Stadium, waa markii ugu horraysay ee aanu ka soo gayb-galno tartan noocan ah waxaanu rajaynaynaa in insha allah in aanu ku guulaysan doono, waxaanu rajaynaynaa in uu noqdo tartan caddaaladeed, aad iyo aad ayaanu runtii ugu faraxsananay guddiga qandaasyaddana waxaanu ugu mahadnaqaynaa sida quruxda badan leh ee ay markasta qandaraasyadda noocan oo kale ah ay u soo baahiyaan amma ay ganacsatada waaweyn ee dalka qof kaste oo danaynayaana uu si xor iyo xalaal ah ugu tartamo” waxa sidaa yidhi masuul kale oo ku hadlayay afka shirkadda Oroginal groups oo ka mid ahayd shirkadihii maanta ka soo gayb-galay tartankan. Qaran News
-
Xoghayaha Golaha Wakiilada oo ka Hadlay Xeer Hoosaadka lagu Hagi Doono Fadhiga Cusub ee Wakiillada Berrito Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa ka hadlay Xeer hoosaadka lagu hoggaamin doono fadhiga ugu horeeya ee Golaha Wakiillada ee Cusub. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu usoo jeediyay Xildhibaanada Cusub ee Golaha Wakiillada in ay soo qaataan kaadhka dhalashada isla markaana Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada ay ku caday in Xildhibaanada u sharraxan Shirguddoonka Golaha Wakiilada in ay soo gudbiyaan sii fiiyadooda. “Waxa aanu faraynaa Xildhibaanada soo baxay in ay soo qaataan Kaadhkii dhalashada waxaanay Maxkamadda sarre noo soo gudbisay magacyadii Xildhibaanada,” ayuu yidhi Sidoo kale Cabdirisaaq Ayaanle waxa uu sheegay in looga baahanyahay Xildhibaanada u taagan Shir-guddoonka in ay soo qortaan Siifiiyadooda. “Xildhibaanada Musharraxiinta ee u taagan in ay hoggaamiyaan golaha wakiillada sida xeer hoosaadka sheegayo ,waxa looga baahanyahay in Xildhibaan kastaa soo qorto codsigiisii booska uu ku tartamayo ee guddoomiyaha Golaha iyo ku Xigeenka Koowaad iyo guddoomiye ku Xigeenka labaad iyo saddexaad. waana in ay soo raaciyaan siifiiyadooda iyo iyo labo sawir xeerka waxa ku qoran Maalinta ay fadhiistaan golaha wakiilada xildhibaanka ugu da’da weyn ayaan shirguddoomin doona fadhiga ugu horeeya, waxaana fadhiga furaya guddoomiyaha maxkamadda sarre marka uu dhaariyo Xildhibaanada guddoomiyaha Maxkamadda sarre waxa uu Sheegayaa Xildhibaanka ugu da’da weyn ee fadhiga hoggaamin doona,”. Qaran News
-
La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Suliivan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Tunisia inuu deg deg Tunisia ugu soo celiyo waddada dimoqraadiyadda kadib markii uu Axaddii tagtay la wareegay awoodaha maamulka, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad. Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa dalka geliyey xaalad deg deg ah oo la xiriirta faafitaanka cudurka Coronavirus iyo maamul xumo, si uu u eryo ra’iisul wasaraaha, u hakiyo baarlamanka, ulana wareego awoodda fulinta. Kooxaha mucaaradka Tunisia, oo uu ugu weyn yahay xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda, ayaa tallaabadan ku macneeyey afgambi. Wada-hadal teleefon oo uu la yeeshay, ayuu Sullivan hoosta uga xariqiay madaxweyne Qays baahida loo qabo “inuu deg deg usoo dhiso dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare karti leh oo xasiliya dhaqaalahaTunisia, kana hortaga faafitaanka cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo baaq u jeediyay madaxweynaha Tunisia appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta, kadib markii caasimada Jabuuti ay ka dhaceeyn qul-qulatooyin u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo sababay khasaare xoog-leh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac & burbur hantiyeed. Saciid Nuux Xasan oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu aysan u dul-qaadan doonin sii socoshada rabashadaha kasoo cusboonaaday dalkaasi ee Soomaaliyda iyo Canfarta. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii ay soo socdaan qul-qulatooyinkaasi ay halis ku tahay Jamhuuriyadda Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu faray ciidamada ammaanka inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortegayo rabshadahaas, si aysan u dhicin waxyeelo kale oo la gaarsiiyo shacabka. Rabshadaha saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay caasimada Jabuuti ayaa waxa ay dhaliyeen dhimasho, dhaawac iyo burbur baahsan oo loo geystay guryo ay daganaayeen rayid. Ugu dambeyn rabshadahan ayaa sababay in ciidamada Booliska ay kusoo baxaan, isla-markaana ay dadka u adeegsadaan sunta dadka ka ilmi-siisa, si loo kala ceyriyo. Si kastaba xiisada kasoo cusboonaatay Jabuuti ee u dhexeysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ayaa daba socota dagaallada ka socda magaalada Garba Ciise ee Itoobiya. The post Dowladda Jabuuti oo si adag uga hadashay dagaalllada Soomaalida iyo Canfarta appeared first on Caasimada Online.
-
Boliska waddanka Madagaskar waxay sheegeen in la xiray 21-qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Milliteriga iyo kuwa Xoojinta Sharciga, kuwaasi oo lala xiriirinayo Afgembigii xilka looga tuuri lahaa Madaxweyne Andaray Rajoelina. Xeer-Ilaaliyaha Guud ee dalkaasi, Bertin Razafiyarifuni ayaa u sheegay Suxufiyiinta in 14 ka midah Eedeysanayaasha la xiray loo gudbiyey Hay’adaha Baaritaanka. Waxa uu intaasi ku daray in Baarayaasha heleen Dukumenti faahfahin ka bixinayo Qorshaha Istraatijiyada ee lagu khaaarijin lahaa 5 Siyaasi oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Madagaskar. Bishii la soo dhaafay ee July ayaa la fashiliyey Afgembigaasi, iyadoo la xiray dhowr qof oo ay ka mid ahaayeen 2 Muwaadin oo Faransiis ah. PUNTLAND POST The post Dad Loo Xiray Afgembigii Fashilmay Ee Dalka Madagaskar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah uga jawaabay warbixin ay dhowaan diyaariyeen guddi qiimayn ah oo ka socday Midowga Afrika, taas oo looga hadlay mustaqbalka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa aad u dhibsatay warbixintaas oo ku talisay in afar qaab midkood uu yeesho hawlgalka AMISOM wixii ka dambeeya bisha Decembar ee sanadkaan 2021-ka. Afarta qaab oo guddigaas uu ku taliyey ayaa kala ahaa: 1 – Inuu noqdo hawlgal ay wadajir u fuliyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey 2 – In dib u habayn iyo wax ka beddel lagu sameeyo hawlgalka haatan jira ee AMISOM. 3 – In AMISOM gebi ahaanba ka baxdo dalka. 4 – Iyo In ciidamo kale oo ka socda waddamada Bariga Afrika la keeno Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay VOA ayaa dafiray wax ku oolnimada warbixintaas, isagoo si faahfaasan u duray qodobada ku xusan qoraalkii uu Midowga Afrika u gudbiyey Qaramada Midoobey. Wasiirka ayaa dhaliilay tayada ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in gabi ahaanba aysan la howlgelin ciidamada Soomaaliya, taas oo keentay in la hana waayo ammaanka guud ee dalka, sida uu hadalka u dhigay wasiir Maxamed Cabdirisaaq. “Hadii aan samenay qiimeyn waxaa noo soo baxday wadashaqeyn la’aantu in dhankeena aysan ka imaan, ciidamada Soomaaliyeed waa shaqeeyaan, waa dagaalamaan, weerarrada ayagaa qaada, meeshii ay qabsadaan ayey AMISOM degtaa, laakiin ayagu weerar ma qaadaan, markii laga reebo qeybta koowaad ee howlgalka oo ah ciidamada Uganda, kuwaas oo mar mar ka qeyb qaata howlgallada,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaa dhacda in ciidamada Soomaaliya ay mararka qaar arkaan fursad ay jab ku gaarsiin karaan cadawga, laakiin aysan heleynin, gacan siinta ay uga baahan yihiin AMISOM.” Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/08/c11f6b67-0d8a-467a-a5f0-0c434f339b47_16k.mp3 The post DF oo jawaab rasmi ah ka bixisay warbixintii xasaasiga aheyd ee Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale xafiiskiisa ku wada qaabilay guddoomiyaha golaha waqtigu ka dhamaaday ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, sida lagu shaaciyey qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble oo horay ula kulmay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ka sugaayey inay xal ka gaaraan khilaafka ka dhaxeeya ee salka ku haya doorashada kuraas gobollada waqooyi ee BFS. Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa kala hoggaaminaya laba garab oo ay u kala jabeen siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, waxuuna haatan khilaafka ugu adag ka taagan yahay doorashada guddoonka guddiga 11-ka xubnood ah oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahdi Guuleed iyo Rooble. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Rooble. Sida lagu sheegay qoraalka Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo fursad hal maalin ah, si khilaafkooda ay u soo afjaraan labada garab oo ay kala hoggaanimayaan isaga iyo Mahdi Guuleed, iyadoo dalabkaasna uu ka aqbalay Rooble. “Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada Somaliland ayaa u kala jabay laba garab oo kala taabacsan siyaasiyiinta ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, maadaama ay horay u soo kala magacaabeen xubnahaan, waxuuna garab kasta sameystay guddoon u gaar ah. Todoba xubnood oo guddigaas ka mid ah, kuwaas oo afar uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, seddaxna Rooble ayaa bilaabay doorasho hal dhinac ah, iyagoo iska dhex doortay guddoomiye iyo ku xigeen, sidoo kale afartii kale ee uu soo magacaabay ayaa Cabdi Xaashi ayaa dhankooda iska dhex doortay guddoon, waxaana cirka isku shareeray khilaafka labada garab ee siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi. The post Maxaa la isku afgartay kulankii R/W Rooble, Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka digay in garabka Mahdi Guuleed ee doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada Waqooyi ee Somaliland ay ku dhaqaaqan inay qabtaan doorasho, xili ay haystaan aqlabiyada guddiga. Cabdi Xaashi ayaa sheegay haddii uu garabka Mahdi Guuleed ku dhaqaaqo tallaabadaas ay dhinacooda qaban doonaan doorasho, maadama uu xusay in garabka kasoo horjeeda ee guddiga doorashada gobolada Waqooyi iska dhago tireen dadaaladii lagu rabay in labada dhinac oo mideysan doortaan hogaan. “Waa idinka kuwa doorashada xaqa u leh ee soo saaranaya xubnahooda Baarlamaan, haddii ay kolkaas dhacdo arrintaas u diyaar-garoowa in doorasho aad sameysaan,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi. “Sida la leeyahay doorasho ayey sameynaynaa oo guddigii la idiin sheegayay ee laga dhigo 7 halkaas ah (Mahdi Guuleed iyo xukuumadda) iyo 4 halkaan ah, iyaga ayaa la leeyahay waa intii badneyd oo iyaga ayaa soconaysa, markaa waa idinka kuwa doorashada xaqa u leh.” Khilaafka ka taagan guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa illaa hadda xal rasmi ah laga gaarin, ayada oo fashil kusoo dhamaadeen kulamo ay labada dhinac ka yeeshen dib u mideynta guddiga u kala jabay labada garab, kuwaasi oo leh labo guddoon oo kala duwan. Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka kooban afar xubnood, halka garabka Mahdi Guuleed uu ka kooban yahay afar xubnood, oo sida la fahamsan yahay u dheer yihiin 3 xubnood oo kale oo xukuumadda kasoo galay guddigaas, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble. The post Daawo: Cabdi Xaashi oo shaaciyey tallaabo ay qaadi doonaan haddii la qabto doorasho hal dhinac ah appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida qandaraasyadda qaranka somaliland ayaa shaaciyay tartan loo geli doono mashruuca iftiiminta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, waxaana tartankani soo xaraystay 14 shirkadooda. Ugu horrayntii guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen “saaka oo ay bishu tahay kow bishii sideedaad sannadka 2021-ka waxa aynu furanaynaa qandaraaska iftiiminta Hargeysa Stadium, waxa ku soo tartamay 14 shirkadood, guddidu waxa ay idin balanqaadaysaa in si daahfuran ay u soo bandhigi doonto shirkadda ku guulaysata haddii Alle yidhaa, mashruucan waxa laga maal-gelinaya miisaaniyadda xukuumadda ee sannadka 2021-ka” ayuu yidhi Nuuxu Maxamed Xuseen guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland. Dhankooda iyaguna waxa hadallo ka jeediyay madashii lagu soo bandhigayay tartanka mashruucan qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkaddaha kala duwan ee tartankan gali doona waxaana ka mid ahaa hadalladoodii “waxaan ka socdaa shirkadda Tayo Production waxaanu ka soo qayb-galnay tartanka iftiiminta garoonka Hargeysa Stadium, shaqooyin noocaas oo kale ah oo aanu hore u soo qabanay ayaa jira insha Allah guul ayaanu rajaynaynaa” waxaa sidaa yidhi masuul ka hadlayay afka shirkadda Tayo Production oo ka mid ahayd shirkadihii ka soo qayb-galay tartankan. “Aniga oo ka hadlaya magaca shirkadda Oroginal groups oo ka mid ah tartamayeyaasha maanta u tartamaya qandaraaska ee ay soo xayaysiisay guddiga qandaraasyadu ee ah ee ballaadhinta iyo casriyaynta garoonka Hargeysa Stadium, waa markii ugu horraysay ee aanu ka soo gayb-galno tartan noocan ah waxaanu rajaynaynaa in insha allah in aanu ku guulaysan doono, waxaanu rajaynaynaa in uu noqdo tartan caddaaladeed, aad iyo aad ayaanu runtii ugu faraxsananay guddiga qandaasyaddana waxaanu ugu mahadnaqaynaa sida quruxda badan leh ee ay markasta qandaraasyadda noocan oo kale ah ay u soo baahiyaan amma ay ganacsatada waaweyn ee dalka qof kaste oo danaynayaana uu si xor iyo xalaal ah ugu tartamo” waxa sidaa yidhi masuul kale oo ku hadlayay afka shirkadda Oroginal groups oo ka mid ahayd shirkadihii maanta ka soo gayb-galay tartankan. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa markii u horeysay faah-faahin ka bixiyay sababtii looga reebay liiska musharaxiinta ee uu shalay soo saaray madaxweyne Lafta-gareen. Waxa uu sheegay in liiskaas looga reebay kala aragti duwanaanshaha Madaxda joogta Villa Somalia, wuxuuna xusay inaysan saamayn ku yeelan doonin u “adeegistiisa shacabka Soomaaliyeed” in uu waayay kursigiisii xildhibaanimo ee Baarlamaanka Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in la gaari doonaa waqti rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed uu shaqeeyo, kuna doortaan matalayaashiina siyaasadda. Halkaan ka aqriso qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook Bismillaahi, Marka Koowaad mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatey, marka xigtana waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan taageerada iyo dhiirigelinta ay ila garab istaagnaayeen. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaa shacabka Koonfur Galbeed oo aan ku matalayay Aqalka sare muddo xileedkii la soo dhaafay. Insha Allah waxaa la gaari doonaa waqti rabitaankiinu shaqeeyo kuna doorataan matalayaashiina siyaasadda. Muddadii aan u soo adeegayay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed waxaan ku dadaaley wixii karaankeyga ah inaan si daacadnimo ku jirto ugu adeego, una doodo xuquuqaha siyaasadeed iyo kuwo bulsho, anigoo ka tirsanaa Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal. Dadaal weyna aan ka gaystay howshaas wali qabyada ah. Intaas ka dib, waxaan aaminsanahay Qadarta Rabbi iyo in Alle SWT uu bixiyo Mulkiga doonistiisana wax lagu helo waxna lagu waayo, haddii ay insaanka oo dhan wax kula doonaana ay ku xiran tahay un doonista Alle. Qalinka waxaa haysta mas’uul siyaasi ah oo heshiis siyaasadeed fursad loogu siiyey inuu kala doorto gaar ahaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad. Cabbirka fikirka madaxbannaan ee dhaqanka ii ahaa muddo xileedkii la soo dhaafay, ayaan aaminsanahay inay sabab u ahayd in la iga reebo tartanka Aqalka Sare ee xilligan. Insha Allah waxaan balanqaadayaa in waayidda xilkii xildhibaanimo ee BFS aaney saameyn ku yeelan doonin mabaadii’deyda ku dhisan in daacad loogu adeego shacabka Soomaaliyeed anoo xil haaya iyo anigoon hayninba. Waxaan uga mahad celinayaa shacabkii iyo masuuliyiintii aad u jeclaa inaan mar kale tartamo, waxaanna ugu baaqayaa inay is dejiyaan. Mahadsanidiin, Hussein Sheikh Mohamud The post Senator Xuseen Sheekh oo faahfaahin ka bixiyey sababta looga reebay liiska A/Sare appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Saacad iyo il-bidhiqsi walba kan ka dambeeya, waxa cirka isku sii sharreeraya xamaasadda iyo xiisadda loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,Sidoo kale, iyana waxa sida cir-toobta oo kale samadda isku xidhay guuxa, galeydhka iyo guura-bahalaynta xubnaha dhinacyada kala taageersan shaqsiyaadka qaarna hanku shidayo, kuwa kalena ficilku waddo. Loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa hadda maray marxaladii ugu dambaysay,waxaana la filayaa in toddobaadkan dhex-diisa uu qabsoomo kal-fadhiga koobaad ee Golaha Wakiillada, isla markaana uu Madaxweyne Biixi cayimi doonna wakhatiga ay Muddanayaasha cusub isku imanayanaa kal-fadhigaasm maddaama oo ao afar maal-mood oo qudhi ka hadhay wakhtigii soddonkii maal-mood ee Madaxweynaha uu dastuurku siiyey uu eeg shanta bishan ogos . Haddaba waxaynu halkan idinku soo gudbinaynaa Magac-yadda Xildhibaannada kale taabacsan Musharraxiinta shir guddoonka Xukumadda iyo Musharraxiin shir guddoonka isbahaysiga iyo weliba tiradda Xildhibaannada ay kale haystaan iyo degaannada ay ka soo jeedaan. Xildhibaannada Taabacsan Musharraxiinta Shir Guddoonka Golaha Wakiillada Ee Xisbiga KULMIYE Ayaa Kale Ah: 1- Axmed Maxamed Maxamud Kaare. Kulmiye M/Jeex. 2- Axmed Cabdi Muuse Cige. Kulmiye M/Jeex. 3- Cabdikariin Maxamed Muxumed. Kulmiye M/Jeex. 4- Yaxye Cabdilaahi Amiin Ararse. Kulmiye M/Jeex. 5- Xassan Saleebaan Dhuxul Laab Saalax. Kulmiye M/Jeex. 6- Maxamed Xuseen Jaamac Raanbo. Kulmiye M/Jeex. 7- Axmed Yuusuf Nuur Guruuje. Kulmiye M/Jeex. 8- Cabdilaahi Sh Muxumed Axmed. Kulmiye M/Jeex. 9- Cabdikariin Aadan Cali Dubad. Kulmiye Togdheer.”wuu maqan yahay Xildhibaankaas” 10- Aamiin Saleebaan Jaamac Rooble. Kulmiye Togdheer. Wuu maqan yahay isna “ 11- Nuuradiin Axmed Dayib Cabdiraxman. Kulmiye Togdheer. 12- Jaamac Abokor Maxamed Mire. Kulmiye Togdheer. 13- Abiibakar Siciid Cali Gaboobe. Kulmiye Awdal. 14- Cali Xuseen Nuur Kooshin. Kulmiye Awdal. 15- Bashiir Xuseen Xirsi Bulaale. Kulmiye Awdal. 16- Fu,aad Axmed Diiriye Faarax. Kulmiye Awdal. 17- Yaasiin X.Maxamud Xiir Faratoon. Kulmiye Sool. 18- Mukhtar Ibraahin Xaashi Cilmi. Kulmiye Sool. 19- Saleebaan Maxamed Faarax Cige. Kulmiye Sool. 20- Axmed Xassan Cali Yuusuf. Kulmiye Sool. 21- Saalax Maxamed Diiriye Xujaale. Kulmiye Sanaag. 22- Maxamud Saalax Cabdi Axmed. Kulmiye Sanaag. 23- Axmed Cabi Ducaale Maxamed. Kulmiye Sanaag. 24- Ibraahin Cai Jaamac Suudi. Kulmiye Sanaag. 25- Eng Xirsi Cabdilaahi Xirsi Odowa. Kulmiye Saaxil. 26- Aadan Cismaan Xirsi Cawaale. Kulmiye Saaxil. 27- Cabdilaahi Muuse Cabdi Cawaale. Kulmiye Saaxil. 28- Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse. Kulmiye Saaxil 9 Xildhibaan oo Ucid ah oo Kulmiye Heshiis La Galay Iyo Xildhibaan Gaar ugu Biiray Kulmiye oo Ucid Ah. 29- Siciid Faarax Mire Giirre. UCID Sanaag. 30- Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qoddax. UCID M/Jeex. 31- Guuleed Maxamed Warsame. UCID Togdheer.” Dhakhtarka ayuu ku jiraa shil gaadhi ayuu ku dhaawacmay “ 32- Saleebaan Axmed Carab Jaamac. UCID Togdheer. 33- Maxamed Xassan Siciid Maxamud. UCID M/Jeex. 34- Maxamed Cismaan Maxamed. UCID M/Jeex. 35- Cali Jaamac Caraale Barre. UCID Saaxil. 36- Maxamed Jaamac Liibaan Cawaale. UCID Saaxil. 37- Mubaarig Xuseen Maxamed Cige. UCID Saaxil. Iyo Xildhibaan Ucid ah oo Gaar ugu biiray 38- Jimcaale Axmed Cilmi Yoonis. UCID Awdal. Xildhibaanada Xisbiga Waddani ee Ku Biiray Kulmiye. 39- Jamaal Aadan Diiriye Ciise. Waddani M/Jeex. 40- Ibraahin Maxamed Jaamac Khadar Guun. Waddani M/Jeex. 41- Axmed Maxamud Cabdilaahi Fanax. Waddani Togdheer. Magacyadda iyo degaannada ay ka soo jeedaan Xildhibaanada Isbaahaysiga labada Xisbi Mucaarid ee Ucid Iyo Waddani ee taageersan MusharraxiintaShir Gudoonka isbahasiga 1- Barkhad Jaamac Batuun. Waddani M/Jeex. 2- Axmed Dayib Aadan Guuleed. Waddani M/Jeex. 3- Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye. Waddani M/Jeex. 4- Eng Axmed Cabdi Ibraahin Cige. Waddani M /Jeex. 5- Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi. Waddani M/Jeex. 6- Maxamed Khadar Daahir Mooge. UCID M/Jeex. 7- Maxamed Jaamac Ismaaciil. UCID M/Jeex. 8- Xuseen Aadan Cabdi Axmed. Waddani Togdheer. 9- Xassan Axmed Cilmi Gelle. Waddani Togdheer. 10- Saleebaan Nuur Warsame Faarax. Waddani Togdheer. 11- Axmed Maxamed Hurre Ducaale. Waddani Togdheer. 12- Cabdilaahi Yuusuf Axmed Abokor. Waddani Togdheer. 13- Maxamud Faarax Jaamac Maxamed. Waddani Togdheer. 14- Faysal Yuusuf Jaamac Xaashi. UCID Togdheer. 15- Jamaal Cali Aadan Jaah. UCID Togdheer. 16- Axmed Yaasiin Maxamed Xassan. Waddani Awdal. 17- Cabdiqani Maxamed Aadan Cali. Waddani Awdal. 18- Cabdikariin Aadan Cumar. Waddani Awda 19- Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac. Waddani Awdal. 20- Mukhtar Xassan Maydhane. Waddani Awdal. 21- Cali Xaamud Jibriil Faarax. UCID Awdal. 22- Nuur Cismaan Guuled Warsame. UCID Awdal. 23- Khadar Cali Xassan Maxed. Waddani Sanaag. 24- Saleebaan Diiriye Barre. Waddani Sanaag. 25- Mubaarik Muuse Ismaaciil. Waddani Sanaag. 26- Siciid Jaamac Xassan. Waddani Sanaag. 27- Cumar Jaamac Faarax. UCID Sanaag. 28- Jaamac Axmed Caano Boodhe. UCID. Sanaag. 29-Cabdikariin Meecaad Isaaq. Waddani Sanaag 30- cabdirisaaq Khaliif Axmed. Waddani Sool. 31- Axmed Muuse Jaamac. Waddani Sool. 32- Bile Cabdi Ducaale. Waddani Sool. 33- Qaasim Aadan Saleebaan. Waddani Sool. 34- Maxamud Xayir Ducaale. UCID Sool. 35- Abokor Faarax warsame. UCID Sool. 36- Axmed Jaamac Saalax. UCID Sool. 37- Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed. Waddani Saaxil. 38- Xassan Cumar Xassan. Waddani Saaxil. 39- Cabdikariin Hugur Cabdi. Waddani Saaxil. 2 Xildhibaan oo Xisbiga Kulmiye Kasoo Baxay Isla Markaana Shaaciyey Inay la aragti Yihiin Isbaahaysiga Waddani Iyo Ucid. 40- Maxamed Xuseen Maydhane. Kulmiye Awdal. 41 Mustafe Axmed Cabdilaahi. Kulmiye Sool. Si kastaba ah-ahaatee labada dhinac ayaa hadda waxa muuqata inay tiro ahaan ay inay isku mid yihiin haddii uu Xisbiga KULMIYE ay u yimadaan laba Xildhibaan oo maqan iyo Xildhibaan isna shil gaadhi ku dhaawacmay oo isna ku jira cisbitaallada Hargeysa,waxaynu dhawrnaa waa halka ay saldhigato xaajadu iyo halka uu ku dambeeyo loollankaas. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiiradda Xukumadda Madaxweyne Biixi,ayaa ah qaar aan saldhigan xafiisyaddooda muddooyinkii ugu dambeeyey,kuwaas oo ku mashquulsan soo xero-gelinta Xildhibaanno kooramka u buuxiya KULMIYE. Wasiiradda Xukuumadda KULMIYE ayaa si weyn uga dhex-muuqda loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,kuwaas oo dhex-da u Xidhay raadinta iyo raacdada Xildhibaanno kooramka u buuxiya Xisbiga KULMIYE. Dhanka kalene xubna Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ficiladda ay samaynayaan ay yihiin qaar ay isku muujinayaan oo isku tusayaan Madaxweyne Biixi,isla markaana ay qaarkood ku ilaashanayaan kursigood oo ay is leeyihiin yaanno Madaxweyne Biixi ayaa xilka idinka qaadin. Geesta kalene xubnaha Wasiiradda Xukuumadda KULMIYE ayaa maal-mihii u dambeeyey la sheegay in aanay qaarkood tegin guryahoodii,isla markaana ay u howdaan Hudheelada, iyadoo la arkayey Hadhimo sharafeed-yo is daba joog ah oo ay Wasiiradda Xukuumadda ku tartamayaan oo ay u samanaynayaan Xildhibaannada taabacsan musharraxiinta shir guddoonka KULMIYE. Xildhibaan Axmed Dayib(Sheekh ku cadeeye) oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex uga soo baxay Xisbiga WADDANI ayaa arrintaas ka hadlay waxaanu yidhi “Maanta waad ogtahay wasiiraddii shaqadoodii faraha ayey ka qaadeen Xildhibaannada ayey ku foogan yihiin , Xildhibaanku wasiiradda wuu ka sareeyaa Barri waa ninka u yeedhaya ee la xisaabtamaya,waxay u muqataa in wasiiraddu ay ka yaacayaan Gole la xisaabtama uun ee inay shaqada Qaranka u qabtaan ayey ahayd .” Source
-
Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad sanad kadib markii uu qoraal yar oo uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu yahay musharax madaxweyne, ayaa waxaa weli dadka xog-ogaalka u ah siyaasadda Soomaaliya ay shaki gelinayaan dhab ahaanshaha musharaxnimada Xasan Cali Kheyre. Kheyre naftiisa ayaa tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaadayo, amaba uusan qaadan, ay kaga sii darayaan shakiga laga qabo inuu yahay musharax dhab ah, oo ay ka go’an tahay inuu kursiga kala wareego madaxweyne Farmaajo. Siyaasiyiinta badan iyo falanqeeyeyaal Soomaali iyo ajaanibba leh ayaa shakiga ka dhanka ah dhab ahaanshaha hanka Ra’iisul Wasaarihii hore sabab uga dhigaya dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin: Kheyre ma dhisin xisbi siyaasadeed: Dhammaan musharaxiinta miisaanka culus ee u taagan xilka madaxweyne waxay dhisteen xisbiyo siyaasadeed, oo ay hoggaamiyaan. Xasan Sheekh wuxuu madax u yahay UPD, Shariif wuxuu maamulaa Himilo Qaran, Cadbiraxmaan Cabdishakuur wuxuu dhisay Wadajir, Cabdikariin Guuleed wuxuu guddoomiyaa Sahan Party, halka Cabdulqaadir Cosoble uu madax ka yahay Ileys. Inkasta oo laga yaabo in xisbi aan lagu galin doorashada, haddana xisbiga waa madal kulmisa musharaxiinta iyo xubnaha taageersan. Sidaas darteed, musharax kasta wuxuu leeyahay xubno taageersan oo la yaqaan oo ku jira xisbigiisa. Illaa hadda ma naqaan hal siyaasi ama xildhibaan oo ku aragti ah Xasan Cali Kheyre. Xiriirka Villa Somalia: Ka sokow in shaki la gelinayo musharaxnimadiisa, Xasan Cali Kheyre waxaa weli lagu xantaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia, oo uu weli saaxiib qarsoon la yahay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Dadka ra’yigan qaba ayaa sheegaya kulamo qarsoodi ah oo dhinacyada dhex-maray, inkasta oo aan la xaqiijin karin. Xitaa qaarkood ayaa gaarsiinaya inuu yahay wakiil loo soo diray inuu ka dhex-shaqeeyo mucaaradka. Waxaa shakiga sii kordhinaya, in ilaa markii uu xilka ka tegay uusan Xasan Cali Kheyre si toos ah u magacaabin Farmaajo iyo Fahad, oo uusan marnaba u dhaliilin si shaacsan, xilli ay jirto qaladaad badan oo musharaxiinta kale ay ku eedeeyeen ayaga oo aan la gabban. Sidii uu xilka uga degay: In 7 daqiiqo gudahood xilka looga tuuro waxay muujisay in miisaanka siyaasadeed ee Xasan Kheyre uu aad u hooseeyo, sababtoo ah haddii Kheyre awood siyaasadeed ku dhex lahaan lahaa dalka, gaar ahanna baarlamanka, ma dhacdeen in 7 daqiiqo xilka looga tuuro. Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sidoo kale qaba in arrintan ay meesha ka saarayso rajadiisa ah in la doorto maadaama la filayo in ay dib u soo laabtaan xildhibaanandii riday ugu yaraan 70% kamid ah, ayaga oo is-weydiinaya sida xildhibaano ku riday 7 daqiiqo gudahood ay madaxweyne ugu dooran doonaan. Muddadii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha hayay, saaxiibada siyaasadda ee kaliya ee uu lahaa waxa ay ahaayeen siyaasiyiinta ugu dhow madaxweyne Farmaajo, taas oo sababtay in aysan jirin koox siyaasadeed oo iibisa aragtidiisa islamarkaana la fududeysa caqabadaha siyaasadda. Siyaasi aan la aamini karin: Xasan Cali Khayre markii ugu horreysay waxa uu saaxada siyaasadda kusoo galay isaga oo kamid ahaa kooxdii Xasan Sheekh Maxamuud. Kheyre ayaa ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa heer uu gaaray inuu galo kooxdii olalahiisa madaxtinimada ka shaqeyneysay 2016. Xilligaas, Kheyre wuxuu isaga oo ka tirsan kooxda Xasan Sheekh, haddana si hoose ula shaqeynayey Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay in mid ka mid ah sababaha looga adkaaday Xasan Sheekh ay tahay in xogtiisa oo idil uu hayey Farmaajo. Marka xigtay, isaga oo fulinaya qorshaha Farmaajo ayuu markii uu noqday ra’iisul wasaare dagaal ku qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka oo istooda badan meesha ka saaray, halka madaxdii maamulladaas la geeyay ay fahansan yihiin in aysan aamini karin, xilligaasna uu fuliyay qorshe uu Farmaajo lahaa. Aaminaad la’aantan ayaa ka fogeyneysa Xasan Kheyre saaxiibo badan oo uu heli lahaa, taasi oo shakiga laga qabo musharaxnimadiisa sii kordhisay. Wax ay ahaataba, waxaa dhab ahaanshaha iyo awoodda siyaasadeed ee Kheyre ay kala caddaan doonaan marka laga gaaro doorashada. The post Maxaa shaki geliyey dhab ahaanshaha musharaxnimada madaxweyne ee Kheyre? appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Wararka PP) — Maanta, 1da Agoosto waxay ku beegan tahay sanadguurada 23aad ka soo wareegtay asaasiddii Puntland. Berri waa maalinta kowaad ee sanad-Dugsiyeedka 2021-2022 uu billaabmi doono. Markii ugu horreysay taariikhda waxbarashada Puntland dugsiyada sare ma heli doonaan arday ka gudubtay imtixaanka fasalka siddeedaad oo billaabi kara fasalka kowaad ee dugsiga sare. Sixid la’aanta imtixaanka fasalka siddeedaad oo la qaaday bishii Maajo 2021 ayaa ugu wacan in sanad-dugsiyeedka 2021-2022 billaaban doono jiritaan la’aanta fasalka kowaad ee dugsiga sare. Imtixaannada aan la sixin waxay saameeyeen carruur badan oo xaqoodii waxbarasho lagu gaboodfalay inkastoo dowladda Puntland u qoondaysay waxbarashada 8% miisaaniyad. Dowladda Puntland may caddaynin sababaha imtixaanka loo sixi waayay xilli maamulka hadda jira ku bixinayo lacag badan xafladda loogu damaashaadi doono sanadguurada 23aad ee asaaskii Puntland. “Yay Puntland ku eedeynaysaa niyadjabinta carruurta u diyaargarowday billaabista fasalka kowaad ee dugsi sare” ayuu bare doonaya inaan magaciisa la xusin u sheegay Puntland Post. © Puntland Post, 2021 The post Sixid La’aanta Imtixaanka Fasalka Siddeedaad oo Saameeyay Dugsiyada Sare ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Xulka Bari oo goosha u dabaal-degaya Xulka kubbadda cagta gobolka Bari ayaa guul ku furtay tartanka gobollada Puntland, ka dib markii uu 1-0 uga adkaaday dhigiisa Nugaal. Goolka guusha waxaa gobolka Bari daqiiqadii 59-aad qeybtii dambe ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Fu’aad Cabdirashiid Dable oo caawin ka helay Maxamed Maxamuud Saqraawi. Xulka gobolka Bari ayaa qeytii dambe ee ciyaarta ku ciyaarayay 10 ciyaaryahan, markii uu mid ka mid ah ciyaartoydooda uu kaarka cas qaatay. Madaxweynaha Puntland ayaa galabta garoonka Mire Awaare ee Garowe ka furay tartanka gobollada Puntland oo ay ka qeybgalayaan 9 kooxood oo kala ah Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag, Haylaan, Karkaar, Ceyn iyo Gardafuu. Waxaa guruubka ‘A’ ku wada jira Nugaal, Bari, Sool, Sanaag iyo Haylaan, halka guruubka ‘B’ ay ku wada jiraan Mudug, Karkaar, Gardafuu iyo Ceyn. Tartanka kubbadda cagta gobollada Puntland ayaa socon doona muddo 15 beriya. PUNTLAND POST The post Xulka Bari oo guul ku furtay tartanka gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Puntland is in the throes of a severe economic crisis. In light of the ramifications of this crisis, I dissect the key challenges to implementing Puntland’s budget, and attempt to discuss the ways forward. Challenges Poor budget planning, preparation and participation: Budget planning and preparation are the cornerstones of an efficient public expenditure management. In Puntland, the ministry does not provide sufficient time for budget preparation and planning which makes the implementation phase difficult. In addition, although the responsibility for preparing the budget usually lies with the ministry of finance with input from the line ministries, it is a sheer lunacy in the budgeting system that the Ministry of Finance does not provide adequate timeframes for consultation with other ministries. Furthermore, the House of Representatives failed to live up to the expectations of the public and hold public hearings. Lack of prioritization and fiscal responsibility: An efficient budget should aim at making the government’s priorities clear, but in Puntland context, it is apparent that there is lack of allocative efficiency which resulted in the disbursement of public funds to non-essential activities. In the fiscal year 2019, Puntland TV was allocated $54,500 per month while the Ministry of Environment, Agriculture and Climate Change was planned to receive only $25,524. That is a prime example of resource misallocation and fiscal irresponsibility. Biased forecasts: Biased forecasts are also a reason for setting budgets that do not reflect the state’s economic situation. This means that most of Puntland’s budget may be based on inconsistent macroeconomic assumptions. For example, the current tax system exposes dearth of an in-depth financial assessment before taxes are set, which led to the imposition of exorbitant taxes. Punitive taxes imposed on businessmen have resulted in the closure of many businesses, the loss of many jobs, and exacerbation of financial woes. Corruption: Widespread corruption hinders Puntland’s budget implementation, erodes people’s trust in the ministry and its leadership, and undermines the financial stability. In Puntland, ‘FADLAN’ corruption has become a norm, and this malpractice means that anyone who is ordered by the president or the finance minister to be paid will get paid without checking whether this order is in line with the budget. Lack of staff motivation: Lack of motivation and lower salaries for the Ministry of Finance revenue collection staff have led to significant delays in staff performance and revenue collection. It is noteworthy that sometimes staff are not paid for certain months. Therefore, you can imagine the consequences of not paying your employees and expecting all collected revenues to be transferred to the ministry’s banks or relevant offices. Lack of monitoring and review: Another critical aspect for the proper execution of the budget is monitoring and review. The ministry’s budget department rarely produces two reports that may be intended for monitoring; however, these reports do not cover all issues affecting the budget and the government’s finances in general. In the last few years, no one has held the ministry accountable for how it has implemented the approved budget and how it manages the entire state’s finance including the lingering currency crisis. Ineffective audit: The Office of the Auditor General has become incompetent and that has severely damaged the accountability of the state’s financial institutions. Having an effective oversight and audit is a key step to achieving financial transparency, inclusive growth and preventing loss of revenues. Weak leadership and institutional capacity: Overall the capability of the state’s financial institutions to have the capacity to formulate strategies and policies is terribly weak. While writing this article, a friend of mine told me that seminars designed to improve the capacity of the ministry staff benefitted people who were not the right ones for the trainings. Currently, the Ministry of Finance has reached the nadir of its weaknesses owing to its inept minister who has neither the knowledge nor the skills to manage the payroll for a small business, let alone to direct the state’s fiscal policies. Apart from that, the ministry has several professional consultants and competent staff who could do much to improve public financial management under the right leadership. Limited revenue sources: the scarcity of sources hampers the proper budget preparation and implementation. It is a pity that, with around three-quarters of the total budget being subsidized by foreign governments, our government has never considered creating new sources of revenue other than raising taxes. The Way Forward Reforms in the revenue collection and expenditure management: Reforming and modernizing the revenue collection system will help raise more revenue to finance essential social services, as well as facilitating financial transparency and accountability. Therefore, it is vital to carry out major reforms in expenditure management and resource allocation to lay the foundations for sound financial discipline and efficient service delivery. Installing Robust IFMIS (Integrated Financial Management Information Systems): IFMIS is an approach that allows all revenues and expenses to be managed in one suite of applications. It will enable the transparent use of public resources through increased visibility of financial transactions and the reduction of extravagant use of public resources. Installing sound IFMIS systems can play an indispensable role in empowering the government to gain effective control over their finances, boost integrity and combat corruption. Effective parliamentary oversight of budget implementation: In recent years, parliamentary oversight of budget management has been poor. To deal with the current rampant corruption, an effective parliamentary oversight must be put in place as it is crucial to implementing the budget and ensuring efficient service delivery to citizens. Leadership and Institutional capacity: The ministry of finance suffers from low institutional capacity, with most of the ministry workforce lacking the tools and trainings needed to perform the duties. To overcome these barriers, it is necessary to map out policies and procedures to improve the knowledge, skills, and the competencies of the staff. Another step that must be taken is to replace the ministry’s leadership since they failed to address the challenges plaguing the ministry. The fight against grand corruption and kleptocracy: Rooting out institutional corruption requires installing more transparent financial system, publication of user-friendly citizen’s budgets, building strong and independent audit, capacity building of the staff and reform of the recruitment system, strengthening parliament’s budgetary oversight, criminalizing kleptocracy, combating improper awarding of contracts and formulating anti-corruption policies. I firmly believe that corruption, which is currently a major hindrance to budget implementation, will decrease if we put all the above steps into effect. In conclusion, there is a need for the government to address the key underlying challenges, and for that to materialize, the current leadership has to deliver the implementation of reforms that support improving Puntland’s public financial system. By Abdullahi Sanco The post Puntland Budget Execution: Key Underlying Challenges and Ways Forward appeared first on Puntland Post.
-
Laacibka Xulka Qaranka Soomaaliya Yoonis Cabdirisaaaq Faarax ayaa ku biiray kooxda Eskilstun City ee ka dhisan Wadanka Sweden, waxaana xidigan ka dhalay xidigihii hore kooxaha Madbacada Qaranka iyo naadiga Horseed Cabdirisaaq Faarax Cumar Garooje. “Waan ku faraxsnahay horomarka iyo heeshiishka aan la gaaray kooxaha reer Sweden, waxaan u mahadcinayna cid kasta oo kaalin ka geystay guusha mashruucan” ayuu saxaafada u sheegay daafaca Xulka Qaranka Soomaaliya Yoonis Cabdirisaaq Faarax. Yoonis Faarax oo horay kooxda badan oo yurub ah ugu soo dheelay ayaa waxa uu ka mid yahay xidigaha Qurbajoogta ee kaalinta wanaagsan ka qaadatay horomarka iyo guulahaaXulka Qaranka Soomaaliy bilaawioyinkii la soo dhaafay , waxaana talabaadan ku bogaadiyay taageerayaasha Xulka iyo falanqeeyaasha Ciyaaraha kubbadda cagta Soomaaliya. “Yoonis Faarax wuxuu ka yimid qoys isboortis waan ugu hambalyaynaa horomarka uu samaynayo, waxaan kula dardaarmay in uu horomariyo xirfadiisa kubbadda cagt” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Faarax Daguur oo falanqeeye Ciyaaraha gudaha iyo dibadda. Aabaha dhalay Yoonis Ee Cabdisiaaq Faarax Garooje ayaa horay u soo noqday goolhaye u soo ciyaaray kooxaha Madbacada Qaranka iyo Horseed, wuxuuna iminka Muqdisho ka furay xarun lagu horomariyo goolahayaasha tayada wanaagsan ee kooxaha kubbadda cagta iyo Xulalka kala duwan ee Qaranka taas oo lagu magacaabo Garoje Goalkeepin Academy, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha kooxda kubbadda caghta Elman Sports Club. “Heshiiska uu sameeyay wiilkayga Yoonis waa mid taariikhi ah waan guul u soo hooyatay bahda kubbadda cagta Soomaaliya iyo taageerayaashiisa , waxayna arinta kor u qaadaysaa horomarinta iyo xirfadiisa ciyaareed” ayuu Goobjoog Sports u sheegay aabaha dhalay Yoonis mudane Cabdirisaaq Faarax Cumar Garooje. Daawo Falanqeeye Cabdullahi Oo Hambalyo U Diray Laacib Yoonis Sidoo Kale Aqriso Warark Ku Saabsan Garooje Guddoomiye Garooje“Demada Diinsoor Waxa Ay Helaysaa Mashaariica Badan Oo Dhinaca Ciyaaraha” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
