Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay inay qasab tahay in Iran ay wajahdo cawaaqibka weerarka nacasnimada ah ee ay ku qaaday markab ay maamusho shirkad Israeli ah oo marayey xeebaha Oman. Weerarkan oo dhacay Khamiistii tagtay ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo mid British uu yahay, halka kan kalena uu u dhashay Romania. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran ayaa dhankeedana sheegtay inay ka jawaabi doonto halis kasta oo la geliyo amnigeeda, kadib markii Mareykanka, UK iyo Israel ay ku eedeeyeen weerarka. Tehran waa ay beenisay inay ku lug leedahay weerarka oo la tuhunsan yahay in lagu fuliyey diyaarad Drone ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Ingiriiska oo digniin u jeedisay Iraan appeared first on Puntland Post.
  2. Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka New York Latitisa James ayaa dambi ku heshay guddoomiyaha gobolka New York, Andrew Cuomo, kaas oo ku eedeysan inuu faraxumeyn u geystay dumar ay shaqo wadaag ahaayeen. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqan Cuomo inuu is casilo, kaddib markii ay soo baxday warbixinta xeer-ilaaliyaha gobolka New York, waxaana sii kordhay tirada madaxda xisbigiisa Dimoqraadiga ah ee doonaya inuu banneeyo xaafiiska. Cuomo ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo heysto, isagoo warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog. PUNTLAND POST The post Joe Biden oo ku baaqay in uu iscasilo guddoomiyaha gobolka New York appeared first on Puntland Post.
  3. Pyongyang (Caasimada Online) – Gabadha saamaynta badan leh ee la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ka digtay in dhoolatuska milatariga ee ay sida sannadlaha ah u sameeyaan Kuuriyada Koonfureed iyo ciidamada Mareykanka uu wiiqi doono rajada laga qabo xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya laba Kuuriyo, maalmo uun ka dib markii Seoul iyo Pyongyang ay dib u fureen wada xaajoodyadooda aan tooska ahayn. Qoraal kasoo baxay Kim Yo Jong, oo ay baahisay warbaahinta dowladda, ayaa si gaar ah ugu socday Korea-da Koonfureed oo kaliya, taasi oo xoojineysa fikradda ah in go’aanka Korea-da Waqooyi ay dib ugu soo celisay xiriirka Korea-da Koonfureed looga dan leeyahay in lagu cadaadiyo Seoul inay Washington ka dhaadhiciso inay tanaasul ka sameyso wada-hadallada Nuclear ee cakirmay. “Mararka qaarkood waxaan maqlayay sheeko aan wanaagsanayn oo ah in dhoolatus milatari oo wada jir ah oo dhexmara ciidanka Kuuriyada Koonfureed iyo ciidamada Mareykanka uu dhici karo sidii loo qorsheeyay,” ayey tiri Kim Yo Jong. “Waxaan taas u arkaa horudhac aan la jeclayn oo si weyn u wiiqaya rabitaanka hoggaamiyeyaasha sare ee Waqooyiga iyo Koonfurta oo doonaya in ay arkaan tallaabo loo qaaday soo celinta kalsoonida labada dhinac taas oo sii xumaynaysa waddada ka horraysa xiriirka Waqooyi-ga iyo Koonfurta Kuuriya,” ayay tiri. Waxay intaas ku dartay: “Dawladeena iyo ciidankeenu waxay si dhow ula socon doonaan in dhinaca Kuuriyada Koonfureed ay soo bandhigaan dhoolatusyo dagaal, bisha Ogosto ama ay qaataan go’aan kale oo geesinimo leh.” Dhoolatusyada joogtada ah ee u dhexeeya Seoul iyo Washington waxay ahaayeen kuwa sii huriya cadaawadda muddada dheer ka taagnayd gacanka Kuuriya, iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay ugu yeertay tijaabinta duullaanka oo ay kaga jawaabtay tijaabooyin cusub oo gantaalo ah. Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa marar badan sheegay in dhoolatuskoodu yahay mid dabiici ah ama iska caadiya ah. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa baajiyay ama hoos u dhigay qaar ka mid ah dhoola tusyadooda si ay u taageeraan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo xiisadda nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ama masiibada COVID-19 awgeed. Markii wax laga weydiiyay arragtidooda dhoolatusyada xagaaga ee bisha soo socota, Boo Seung-Chan, oo ah afhayeenka Wasaaradda Difaaca Kuuriyada Koonfureed, ayaa khamiistii sheegay in Seoul iyo Washington ay dib-u-eegayaan arrimo ay ka mid yihiin xaaladda covid-19, ee hadda jirta, dadaallada lagu gaarayo ka-hortagga nukliyeerka ee gacanka Kuuriya iyo diyaarinta ciidanka. Diblumaasiyadda uu hoggaaminayo Mareykanka ee ujeeddadiisu tahay in Kuuriyada Waqooyi laga dhaadhiciyo in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliyeerka si ay ugu hesho abaalmarinno dhaqaale iyo siyaasadeed ayaan horumar samayn tan iyo markii shir madaxeedkii labaad ee Kim Jong Un iyo madaxweynihii xilligaas Donald Trump uu burburay sababo la xiriira khilaafyo ka dhashay hoggaaminta Mareykanka. Dowladda Kuuriyada Koonfureed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Moon Jae-in, oo dooneysa dib-u-heshiisiin ballaaran oo dhex marta Kuuriyada, ayaa mar hore ku xirtay Pyongyang iyo Washington si ay u diyaariso shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee dhexmara Trump iyo Kim. Laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa markii dambe dib u bilowday hadallo kulul oo ka dhan ah Kuuriyada Koonfureed, iyada oo u sheegaysa in aysan dhex gelin la macaamilka Mareykanka. Bishii Juun ee sanadkii hore, Pyongyang ayaa sidoo kale jartay wada xaajoodyadii curdunka ahaa ee kala dhexeeyay Seoul waxayna burburisay xafiis isku xira oo Kuuriyada Koonfureed ka dhisay dhulkeeda. Khubarada qaar ayaa sheegay in Pyongyang ay mas’uuliyadda burburkii shirweynihii labaad ee Kim-Trump u wareejisay Seoul oo ay ka xumaatay. Ka dib markii labada Kuuriya ay dib u fureen wadaxaajoodyadooda Talaadadii, ka hadal tallaabooyin dib -u -heshiisiin oo waaweyn sida shir kale oo u dhexeeya Kim Jong Un iyo Moon ayaa si dhaqso leh looga ololaynaa Kuuriyada Koonfureed. Laakiin Kim Yo Jong wuxuu ku tilmaamay dareenka noocaas ah “xukun deg -deg ah.” Waxay tiri “mala -awaalka degdega ah iyo fasiraadda aan sal lahayn waxay keeni doontaa quus.” Falanqeeye Cheong Seong-Chang oo ka tirsan machadka Sejong ee gaarka loo leeyahay ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in hadalka Kim Yo Jong uu yahay codsi ah in la joojiyo gabi ahaanba dhoolatusyada Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed , taas oo aysan aqbali doonin Kuuriyada Koonfureed. Falanqeeye Cheong Seong-Chang oo ka tirsan machadka Sejong ee gaarka loo leeyahay ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in hadalka Kim Yo Jong uu yahay codsi ah in la joojiyo gabi ahaanba dhoolatusyadii Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ee Kuuriyada Koonfureed aysan aqbali karin. “Kuuriyada Koonfureed ma lahan wax qiil ah oo ay ku qanciso Mareykanka inuu hakiyo dhoolatusyada Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka, gaar ahaan xilli Kuuriyada Waqooyi ay diidmo ka muujineyso shir-madaxeedka Koonfur-Waqooyi,” ayuu yiri Cheong. The post Kim Jong Un walaashiis oo soo saartay digniin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa jeediyay hadal kulul oo ku wajahan Iran, isaga oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday markab shidaal oo ay leedahay shirkad Israeli ah meel u dhow xeebaha Cumaan, usbuucii hore. “Waxaa dhammaaday waqtigii si raaxo leh la isaga fadhin jiray Tehran iyada dab laga hurinayo bariga dhexe,” ayuu yiri Mr Bennett. Hadalkan ayaa jeediyay xilli uu Bennett booqday Talaadadii saldhig militari oo ku yaalla Waqooyiga, isga oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee IDF, Aviv Kohavi. Bennett ayaa yiri: “Waxaan abaabuli doonaa caalamka, laakiin isla waqtigaas waxaan sidoo kale naqaannaa sida aan kaligeen wax uga qaban karno oo ay Iran ogaato cawaaqibka ka dhalan kara marka ay amnigeena halis galiso,” ayuu intaa ku daray Bennett. “Isla markii weerarka Iiraan ay ku qaaday markabka, waxaan la wadaagnay macluumaadka ay heleen sirdoonkeenna saaxiibbadeenna Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal kale,” ayuu Bennett hadalkiisa raaciyay. Ra’iisul wasaaraha Israel ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in “wakiil ka socda Midowga Yurub uu ka qeybgalayo xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi (Khamiista). Wuxuu uu canaan u jeediyay Midowga Yurub, isagoo yiri: “Suuragal ma ahan in laga hadlo xuquuqda aadanaha, iyadoo la sharfayo gacan ku dhiiglaha dalkiisa ka saaray boqolaal qof oo ka soo horjeeday nidaamka Iiraan”. Dowladda Iran ayaa Isniintii, sheegtay inay si deg deg ah uga jawaabi doonto wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda. Af -hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran Saciid Khatibzadeh ayaa sheegay in Israa’iil “ay tahay inay joojiso eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn” wuxuuna ugu baaqay Mareykanka iyo Britain inay keenaan caddeyn lagu taageerayo eedeymahooda. Khatibzadeh wuxuu sheegay in Iiraan “aysan ka labalabeyn doonin inay ilaaliso amnigeeda iyo danaha qarankeeda, isla markaana ay si degdeg ah uga jawaabi doonto wax kasta oo suuragal ah”. Iiraan iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu weerarro ku qaaday maraakiibta labada dhinac Britain ayaa u yeertay safiirka Iran waxayna ka codsatay maraakiibta inay si xor ah u dhex maraan gobolka saliidda hodanka ku ah. Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa sare u kacday tan iyo 2018 -kii, markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Tehran ay la gashay lix quwadood oo adduunka ah isla markaana uu dib u soo celiyay cunaqabateyntii dhaqaale ee curyaamisay dhaqaalaha Iiraan. Isha: BBC The post Israel oo markale hanjabaad culus u jeedisay IRAN appeared first on Caasimada Online.
  5. Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in howlgallada Al-Shabaab looga saarayo Gobolka Mudug uu soo bilowday 40 cisho ka hor, isla markaana haatan laga gaaray guulo muhiim ah kadib markii lagala wareegay deegaanno dhowr ah oo ku yaal Gobolka Mudug. Mudane Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in magaalada Camaara laga soo galay dhowr jiho, taasi oo keentay in ay ka baxaan Al-Shabaab magaalada Camaara, haatanna ay sii wadayaan dagaalka lagu jiro ilaa iyo inta laga saarayo degaannada Gobolka Mudug. “Waxaan rabaa inaan ugu bishaareeyo Hooyooyinkii arigooda ugu tabarucayay, kuwii raashinka Gaalkacyo, Cadaado iyo meelaha kale ka keenayay, Culimadii nala shaqeysay in dadkii shuhadada ee aan dhiigooda meel cidlo ah ku dhamaan in natiijo wax ku ool ah laga gaaray, cadowgiina uu dhabarka jeediyay,, laguna sii socon doono”. Ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiirka Amniga Galmudug ayaa shacabka iyo Madaxda uga mahadceliyay kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka lagula jiro A-Shabaab, isagoo ugu baaqay shacabka inay cadowga ka reebtaan waxkasta oo ay sitaan, maadaama ay yihiin dad ku dhuumaaleysanaya meelo yar, ayna ku bixi doonaan gacanta ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST The post Galmudug oo mar kale ka hadashay dagaalka koonfurta Mudug appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)- Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in Rooble uu caawa kulan qadka internetka kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada dalka, iyagoo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka. Qoraalka ayaa lagu yiri, “Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardar-gelinta howlaha doorashooyinka dalka.” Intii uu kulankaasi socday ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada uga warbixiyey halka uu marayo khilaafka xubnaha guddiga doorashada kuraasta BF ee gobollada waqooyi oo maanta xafiiskiisa uu ku qaabilay. “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Somaliland, iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu caawa baahiyey xafiiska Rooble. Khilaafka guddiga doorashada kuraasta reer Somaliland ayaa salka ku haya xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi oo u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. R/Wasaare Rooble ayaa horay u balan qaaday inuu xal deg deg ah u raadinayo khilaafka guddiga iyo siyaasiyiinta reer waqooyi, si doorasho lagu wada qanacsan yahay ay u dhacdo, isagoo maanta baabi’iyey nidaamka guddoono kala hoggaaminayey 11-ka xubnood ee guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada dowladda federaalka ku meteli doona Somaliland. Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in xubnaha guddigaas ay doortaan guddoon rasmi ah, isla markaana lasoo afjaro khilaafkooda. Sidoo kale kulankaan ay caawa yeesheen madaxda golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed soo doorteen xubnaha ku metelaya golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka 11-aad. Halka madaxda seddaxda dowlad goboleed ee kale aysan weli soo gudbin liiska musharaxiinta u tartameysa golaha Aqalka Sare, balse waxaa la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socday ay soo gudbiyaan. The post Maxaa looga hadlay kulankii uu caawa Rooble la yeeshay madax goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa caawa kulanka ay ku yeesheen aalada internet-ka waxay uga wada hadleen dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka guddiga doorashada Somaliland. Qoraal oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wada hadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka”. “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka guddiga maamulka doorashada gobollada Woqooyi ee Somaliland, iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha guddoonka guddiga maamulka doorashooyinka Somaliland” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta baabi’yay guddoonkii guddiga doorashada gobollada Waqooyi ee lagu muransanaa, wuxuuna ku amray in ay si deg deg ah isaga dhexdoortaan hoggaan cusub. PUNTLAND POST The post Golaha Wadatashiga Qaran oo ka shiray khilaafka doorashada gobollada Waqooyi appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Onine) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar culus oo ka dhan ah gawaarida xamuulka qaada ee ka shaqeeya Dekadda Muqdisho, kadib markii gaadiidkaas uu sababay saxmad iyo jaam ka dhashay jidadka magaalada. Gawaarida xamuulka kasoo qaada Dekadda Muqdisho ayaa lagu amray inay Dekadda kasoo bixi karaan laga bilaabo markii ay saacadu gaarto 10:00 Habeenimo ilaa 4:00 Habeenimo sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale mamnuucay inay gawaarida xamuulka ah soo qaadaan rar ka badan inta loogu talagalay, taas oo sababta inay ku rogmadaan gudaha magaalada, isla markaasna ay ka dhalatay dhibaato naf iyo maalba leh. Sidoo kale, Afhayeenka waxa uu sheegay in la amrayo ciidamada ku sugan Isgoysyada Taleex, Tarabuunka iyo Marinaayo ee magaalada Muqdisho inay soo deyn karaan kaliya Gaadiidka xamuulka ee sida tooska ah u galaya dekadda ee aan baakinka ama fariisinka ka dhiganeyn wadooyinka u dhow dekadda. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faray ciidamada Ammaanka inay hubiyaan dhaqan gelinta amarkaan loogu talagalay in lagu yareeyo saxmadda ka jirta jidadka Muqdisho oo ay sabab u yihiin gawaarida xamuulka qaada ee laga soo fasaxo Dekadda ama soo gelaya. Dhowr jeer oo hore ayaa laga soo saaray Gobolka Banaadir amaro kuwaan la mid ah mana aysan dhaqan gelin, haddana lama saadaalin karo sida uu ku hirgeli karo amarka cusub ee kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir. Hoos ka daawo Afhayeenka The post Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray go’aan adag oo ka dhan ah… appeared first on Caasimada Online.
  9. Camaara (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo galabta shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa faahfaahin ka bixiyey gulufka dagaal ee ka socda koonfurta gobolkaas, kaas oo hoggaamintiisa ay Taliyaha ku wehliyaan wasiirka amniga Galmudug, Jeneraal Saadaq Joon iyo saraakiil kale. Taliye Biixi ayaa wacad ku maray in hadalkiisa kan xiga uu ka jeedin doono gudaha degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo weligeed aan ka bixin gacanta Al-Shabaab intii ay jireen. Waxa uu sheegay in hadda si buuxda ay ula wareegeen deegaanada ku hareereysan Camaara oo xarun istaraatiiji ah u aheyd kooxda, isla markaana ay ciidamadu u gudbeen deegaano hor leh oo lagu tuhmaayo inay ku sugan yihiin Al-Shabaab. “Meesha aan inkala hadlayo waa gudaha Camaara oo si toos ah aan u qabsanay shalay, qorshaheena labaad waxaa uu yahay oo aan ku wajahanahay in aan cadowga ka sifeyno Xarardheere oo hadalkeyga kan ku xiga aan ka jeedi doono, markii ay dadkeenu afkeena ka maqlaan waxaan xoreyeynaa Xarardheere runtii aad ayey u farxaan,” ayuu yiri Jeneraal Biixi. Taliyaha ayaa aad u amaanay ciidamada ku jira dagaalka, sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ku nool deegaanadaas ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan Al-Shabaab. “Si qorshaha lagu xoreynayo Xarardheere uu u fulo, waxaan qorsheeyey in cadawga meel kasta laga soo galo, waxaa looga soo wajahan yahay Sh/Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, waxay dagaalo uga socdaan gobollada Bay iyo Bakool, shacabka iyo ciidankana waxaan u rajeynayaa guul, si gaar ah shacabka deegaanadaan Wisil ilaa Camaara oo si joogto ah noo gacan siinaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi. Hoos ka Daawo The post Jeneraal Biixi oo shaaca ka qaaday magaalada xigta oo ay weerarayaan (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  10. The ongoing civil war in Somalia with its different stages from 1978 has shocked both analysts and ordinary people because no one, except a few scholars, has ever imagined a homogenous society like Somalia could ever disintegrate and descend into anarchy and civil strife. Source: Hiiraan Online
  11. Applications for Chevening Scholarships to study in the UK are open between 3 August and 2 November 2021, with applications to be submitted here. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa dhalinyarada dowladda federaalka ay tobabarka ciidan u geysay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed. Barnaamijka Galka Baarista ayaa toddobaadkan markale diirada saaray ciidamada Soomaaliyeed ee dowladda federaalka geysay Eritrea, ayada oo lagu wareystay dhalinyaro kale oo kasoo baxsaday dalkaas, kuwaasi oo ka waramay xaalado bini’aadanimo oo aad u xun oo ku qabsaday xeryihii lagu tobabarayey ee ay ku jireen. Dhalinyarada kasoo baxsatay xeryaha lagu tobabaray ee Eritrea ayaa qaarkood waxay sheegen inay qaban jireen shaqo ka baxsan midka ciidanimo oo aad u adag, halka kuwa kalena ku dhinteen shaqaaqo dhex-martay ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Eritrea. “Waxaa dhacday maalin in meel lagu arkay rag Eritrean ah oo meel qodaya, waxaa la yiri qaar kamid ah dhalinyaradii Soomaalida ah ayaa dhintay oo halkaan ku aasayaan,” ayuu yiri Mid kamid ah dhalinyarada lagu wareystay barnaamijka Galka Baarista. “Meel aan ku tobabaran jirnay ayaa nin Eritrean ah oo macalimiinta kamid ahaa ayaa isku dal-dalay, kadib ayey ciidamada Eritrean-ka ay ku shamuumeen.” Sidoo kale waxay dhalinyarada lagu wareystay barnaamijkan ay xuseen in markii hore ee la qaadayay loo sheegay in la geynayo Qatar, balse laga dejiyay caasimada dalka Eritrea, sida ay hore u sheegen dhalinyaro kal hore kasoo baxsaday xeryihii lagu tobabaray. Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa idaacada VOA-da ayaa sidoo kale shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in dhallinyaradaas dib loo soo celiyo, xili muddooyinkii dambe ay sare u kacday xiisada ka dhalatay arrinkaas. Xogta uu helay Galka Baarista ayaa sheegaysa in madaxda sarre ee dowladda federaalka ay qorsheynayaan in dhalinyarada hadda ku sugan dalka Eritrea ay dib ugu soo celiso dalka toddobaadyo gudahood, ayada oo ay xusid mudan tahay in aan wax jawaab ah laga heynin muddo labo billood ah guddi uu Ra’iisul wasaare Rooble u xil saaray arrinta ciidamadaas. Ciidamada ay dowladda kasoo celinayso Eritrea ayaa ka howl-gali doona maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sida ay Galka Baarista u sheegen labo sarkaal oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la qariyay shaqsiyadooda, maadama aan loo ogoleyn inay la hadlaan warbaahinta. Hoos ka dhageyso barnaamijka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/08/galka.mp3 The post Galka Baarista oo shaaciyey XOG cusub oo laga helay askartii la geeyay Eritrea iyo qorshe ay bilowday DF appeared first on Caasimada Online.
  13. (SLT-Addis Ababa)-Sarkaal u dhashay waddanka Sudan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta gobolka Kassala ay ka heleen maydka ku dhawaad 50 qof webiga u dhexeeya Sudan iyo Itoobiya, oo sida muuqata ka cararayay dagaalka gobolka Tigray, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqdeen dhaawacyo rasaas lagu furay. Qaar kale oo ka mid ah dadkan ayaa gacmaha ka xidhnaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal arkay maydadkan. Sarkaalkan ayaa sheegay Isniintii in loo baahan yahay baaritaan dambi baaris ah, si loo ogaado sababaha dhimashada dadkan, waxaana sarkaakan uu codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan warbixintan loo fasixin warbaahinta. Laba shaqaale caafimaad oo Itoobiyaan ah oo ka tirsan bulshada ku nool xadka Sudan ee Hamdayet ayaa xaqiijiyay inay arkeen maydadka laga helay Webiga Setit, oo Itoobiya looga yaqaan Tekeze. Wabigan wuxuu dhex maraa qaar ka mid ah meelaha ugu dhibka badan ee sagaalkii bilood ee colaadda Tigray, halkaas oo qowmiyadda Tigreegu ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda xadgudubyo intii ay dagaal kula jireen ciidamada Tigrayga. Tewodros Tefera, oo ah dhakhtar qalliin oo ka cararay magaalada Humera ee Tigreega u dhow, kuna sii jeeday Suudaan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in laba ka mid ah meydadkan oo la helay Isniintii uu midkood ahaa nin gacmaha laga xidhay, halka kan kalena ay aheyd haweeney uu dhaawac kaga yaallay feedhaha, isagoo intaa ku daray in qaxooti kale ay aaseen ugu yaraan 10 mayd oo kale. Waxa uu sheegay Tewodros in kalluumeysatada webiga Humera ay maydadkan ka soo heleen sagxadda hoose ee webiga, isla markaana ay rumeysanyihiin inay jiraan maydad intaas ka badan oo ku jira biyaha hoose ee Webiga. In kasta oo ay adkayd in la aqoonsado meydadka, hadana dhaqtarkan ayaa sheegay in mid ka mid ah gacantiisa uu ku xardhanaa magac Tigrinya oo ah magac guud oo luuqadda Tigreega ah. Dhakhtar kale oo ka shaqeeya Hamdayet oo arkay meydadka ayaa u sheegay AP in qaarkood ay leeyihiin calaamado wajiga ah oo muujinaya inay yihiin qowmiyadda Tigreega. Bogga Twitter-ka ee ay dowladda Itoobiya Isniintii ku tilmaamay warbixinta meydadkan olole been abuur ah oo ay faafinayaan dadka ka dhex shaqeeya ciidamada Tigrayga. Source
  14. Camaara (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee shalay gudaha u galay Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay horjooge Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka afduubyada Ajaanibta. Horjoogahaan Al-Shabaab u qaabilsanaa afduubka ajaanibta ayaa waxaa looga cararay Magaalada Camaara oo Al-Shabaab ay shalay isaga baxeen markii ay ciidamada Dowladda oo ay kor ka taageerayaan diyaaradaha Mareykanka aad ugu soo dhawaadeen. Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Jabriil Saciid Cali Saciid ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii uu hoggaaminayey Jeneraal Saadaq Joon iyo saraakiisha ciidamada dowlada. Jabriil ayaa waxaa horey loogu eedeeyey inuu ka dambeeyey afduubka ajaanibta arrimaha samafalka u yimaada Soomaaliya oo uu u gacan gelin jiray kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo qaarkood lagu soo daayey madax furasho halka qaar kalana weli lagu la’yahay nolol iyo geeri. Shabakadda Caasimada Online, Jabriil iyo nin kale oo la socday oo saarnaa gaari ayaa lagu qabtay gudaha Magaalada Camaara, waxaana ninkaan markii ugu war dambeysay lagu ogaa Magaalada Xarardheere oo saldhig u aheyd. Jabril ayaa loo heystay inuu ka danbeeyeyy afduubka laba Saraakiil oo Faransiis oo sanadkii 2009 lagala baxay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, xilli ay dowladii kumeel gaarka ahayd u tababari lahaayeen ilaalada Madaxtooyada. Weli Xog faahfaahsan lagama heli qaabkii ay Ciidamada Dowladda ugu suurta gashay inay gacanta ku dhigaan horjoogahaan. Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo garab ka helayo diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugnaayen muddooyinkii ugu dambeeyey. Ciidamada huwanta ah ayaa waxay kaabiga ku hayaan Magaalada Xarardheere oo ah saldhigga ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Mudug, waxaana lasoo sheegayaa inay hadda bilaabeen inay isaga baxaan magaalada maadaama ay kusoo wajan yihiin ciidamada Dowladda. The post Horjoogihii Al-Shabaab u gacan geliyey Faransiiska laga afduubtay Hotel Saxafi oo la qabtay appeared first on Caasimada Online.
  15. PRESS RELEASE 3 August 2021 Applications for Chevening Scholarships now open for Somalis to apply Applications for Chevening Scholarships to study in the UK are open between 3 August and 2 November 2021, with applications to be submitted here Chevening Scholarships offer full financial support for scholars to study for any eligible master’s degree at any UK university, and are awarded to individuals who can demonstrate that they have the commitment and skills required to create positive change. Since the programme was created in 1983, over 50,000 professionals have had the opportunity to develop in the UK through Chevening. There are more than 1,500 scholarships on offer globally for the 2022/2023 academic year, demonstrating the UK’s ongoing commitment towards developing the leaders of tomorrow. British Ambassador to Somalia, Kate Foster, said: “I’m pleased to announce this year’s opening of 2021/22 Chevening Scholarship. This is a brilliant opportunity and I want to encourage as many Somalis as possible to compete for this life changing experience. Seeing Somali talent being developed through this scholarship is extremely fulfilling. “Since 2016, the Chevening Scholarship programme has so far benefitted 41 Somalis some of whom are now working at senior levels in government, private sector and international organisations.” In September, 11 Somali scholars will depart the country to undertake their chevening award for a one-year Master’s Degree programme in various universities across the UK. Many past scholars such as Somalia’s Deputy Prime Minister Mahdi Mohammed Guled and Chief Justice Bashe Yusuf Ahmed are now playing leading roles in Somali public life. Head of Scholarships at the UK Foreign Commonwealth and Development Office (FCDO), Naomi Rayner, said: “As the world continues to tackle major global issues such as Covid-19 and climate change, international cooperation is more essential than ever. Chevening seeks to build an international community of people who are committed to working together to drive positive change. We do this by bringing together incredible people from around the world and supporting them, through education, to achieve their goals.” The UK is committed to supporting the Somalia education system by empowering Somalia’s future leaders. The Chevening Scholarship is one of the ways we deepen the strong ties between the UK and Somalia. Qaran News
  16. Kooxda Kubbadda Cagta Heegan Sports Club ayaa soo bandhigtay tababarihii hore kooxaha Raadsan,Horseed,Elman iyo Dekedda Cabdiweli Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) oo ka mid ah tababaryaasha ugu wanaagsan kubbadda cagta gudaha ,wuxuuna sanadiii lasoo dhaafay soo saaray ciyaartooy tayo wanaagsan oo qeyb ka ah Xulka Qaranka iyo kooxaha kala duwan ee kubbadda cagta ,waxaana si weyn naadiga ugu soo dhaweeyay Maamulka,Ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda ,iyagoo sheegay in ay u rajaynayaan mustaqbal wanaagsan iyo guulo waaweyn sanadaha soo aadan. “Soo dhawaaw Macallin Cabdi Joon, Heegan farxad ayay u tahay in ay ku hesho adag oo kale, waxaan kuu rajayanyaa guulo wacan iyo in aad kooxda gaarsiiso guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan Sports Club mudane Cabdiraxmaan Mursal. Cabdi Joon oo horay ugu soo dheelay Xulka Qaranka iyo naadiga Elman ayaa ka mid ahaa ciyaartooydii tayada wanaagsaneyd ee kubbadda cagta, waxaan lixdii sanno ee la soo dhaafay oo guulo waaweyn gaarsiiyay kooxihii uu soo maamulayay, wuxuuna u qaaday tartamada kala duwan ee gudaha, balse wuxuu rajaynaa in kooxda Heegan u qaado horyaalka oo ugu danbeesay sanad ciyaareedka 2014. “Waan ku faraxsanahay in aan ku biiro kooxda Heegan , waxaan u mahadcelinaynaa maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen, waxaan rajaynayaa in aan kooxda la gaaro guulo waaweyn sanadaha soo aadan ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababaraha kooxda Heegan mudane Cabdiweli Maxamed Maxamuud. Sidoo Kale Aqriso Wararka Ku Saabsan Cabdi Joon Cabdullahi Faarax Daguur “ Tababare Cabdi Joon Wuxuu U Qalmaa Hogaaminta Xulka Qaranka Soomaaliya” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  17. Anakara (Caasimada Online) – Dhulka ku teedsan Xeebta koonfureed ee Turkiga ayaa gubanaya. Kaymaha ku yaalla buuralayda degmada Manavgat ee Antalya, qiiqa ayaa hawada isku shareeray. “Mar kasta oo dab kaynta la xakameeyo, mid kale ayaa bilaabanaya,” ayuu laga soo xigtay guddiga gurmadka deg dega ah. Holaca iyo qiiqa ayaa baabi’inaya dhulbeereedyada, waxaa soo ifbaxaya haraadigii dhirta gubatay iyo qalfoofka geedaha. Tani, dad badani waxa ay rumaysan yihiin in ay tahay tusaalihii ugu dambeeyay ee muujinaya heerka ay gaartay xaallada cimilada oo ka sii daraysa, Turkigu diyaar ma u yahay ?. waa su’aal kale! Lixdii maalmood ee la soo dhaafay, 132 oo goobood oo ku yaalla koonfurta iyo qeybaha kale ee Turkiga, waxaa ka kacay dab waxaana ku dhimatay siddeed qof si lamid ah gubtay ugu yaraan 118,789 hektar oo dhul ah, sida uu qabo machadka Macluumaadka Dabka ee Yurub. In kasta oo muranku aad u badan yahay, hadana qaar badan oo ka mid ah shacabka Turkigu ayaa rumaysan in dabku ka dhashay “no siyaasadeed” – aragti ayna dhiirragalinayaan siyaasiyiin badan – laguna soo beegay bilo abaar ba’an iyo heerkul aad u daran ka jiro Turkey. Antalya, oo ah goob dalxiis ayaa heerkulkeedu caadiyan ahaan jiray xilligaan oo kale 30C (95 Fahrenheit) balse toddobaadkan ayaa heerkulku gaaray 40C. Bishii July 20 -keedii, Turkiga ayaa diiwaangeliyay heerkulkii ugu sareeyay abid 49.1 (120.38 Fahrenheit) gaar ahaan gobolka koonfur -bari. Dabka ayaa baabi’iyay kaymaha u dhow xeebaha ay caanka ku yihiin dalxiisayaasha deegaanka iyo kuwa reer Yurub, sida Bodrum iyo Marmaris, iyada oo ay dadku ku cararayaan baabuurta, doomo yaryar iyo mararka qaarkood doonyaha raaxada. Iyada oo heerkulku sii kordhayo hadana waa jira kaymo badan dabku ka kacay kuwaas oo ku yaalla koonfurta Yurub, sida Giriigga, Spain iyo Talyaaniga. Manavgat ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee dabku saameeyay wadanka Turkiga, waxaana saraakiisha Turkigu la halgamayaan in ay si dhaqso leh u xakameeyaan dabka. “Goobtaan oo dhami shalay way fiicnayd,” ayuu yiri Mustafa oo deggan tuulada Sirtkoy, isagoo farta ku fiiqaya dhagxaan madoobaatay oo ah gurigii saaxiibkiisa. “Dabka ayaa kacay saaka 5 -tii subaxnimo tanina waa gubatay. 6 -dii subaxnimo, dabku wuu dhammaaday, laakiin 9 -kii subaxnimo ayay dabayshu mar kale soo celisay sidaan ayaa dabku u baabi’yay dhulkaan. ” Qaar ayaa ku dhaleeceeyay dowladda Turkiga sida ay u maareysay musiibada, gaar ahaan, iyada oo ay ugu wacan tahay in aysan diyaarin dab -damiska ee dalka. Taa baddalkeeda, laakiin dabinta dabka waxaa kala qayb galay Ukraine, Russia, Azerbaijan iyo Iran si ay u caawiyaan, Midowga Yurubna wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay caawinta Turkey. Khabiir ku takhasusay cilmiga dabka oo la yiraahdo Ismail Bekker ayaa sheegay in si looga soo kabsado dabka, ay muhiim tahay in dhulka Kaymaha ah la geeyo qalabka dab damiska oo ku filan balse aysan xal ahayn in dib loo beero kaymaha dabku baabi’iyay. “Waxaan u baahannahay inaan kaymaha ku darno qorshaynta magaalooyinka maaddaama masiibadani muujisay in dababka kaynta ay hadda gaaray heer ay khatar oo keeni karata in uu saameeyo magaalooyinka,” ayuu yir. “Marka cimiladu is -beddesho, way sii kululaan doontaa oo dabkuna wuu kori doonaa.” The post Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Turkiga iyo quus iyo su’aalo taagan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  18. GALKAYO (HOL) - Forces loyal to former Banaadir regional police boss Sadaq John have reportedly captured a senior al-Shabaab commander after fierce fighting in central Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray digniin ku saabsan doorashada Soomaaliya. Guddoomiye Shuute ayaa ciidamada qalabka sida ee kala duwan uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan inay farageliyaan doorashooyinka ka bilowday Soomaaliya. Guddoomiye Shuute waxaa uu ku amray Xeer ilaalinta maxkamadda inay dacwad kasoo gudbiyaan askarigii ama sarkaalkii farageliya Arrimaha doorashooyinka ee xilligaan ka socda dalka. Shuute ayaa sheegay in askarigi ama sarkaalkii lagu helo inuu faragelin ku sameeyey doorashada Soomaaliya lagu ciqaabi doono in gebi ahaanba laga saaro liiska Dowladda Soomaaliya. “ Meel kasta oo Ciidan uu joogo waan tegi doonaa, waxaana farayaa xafiiska Xeer ilaalinta in uu galdacwadeed kasoo gudbiyo ciidamada dhexdooda oo ka dhan ah shaqsiyaadka, iyada oo ciidamada ka tirsan ku milmay siyaasadda, waxaana qofkii lagu helo uu noqon doonaa mid aan u qalmin in uu ciidamada kasii mid ahaado ayuu yiri” Guddoomiye Shuute. Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa daba socda xilli Xubnaha musharixiinta Madaxweynaha ay dhowr jeer sheegeen in Madaxda joogta Villa Soomaaliya ay Ciidamada u adeegsadeen in lagu boobo doorashada. Lama ogo waxa ay faragelinta ciidamada ee doorashada Soomaaliya ka badali doonto hadalka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida inkastoo dhawaan lagu heshiiyey inay amniga doorashada sugan ciidamo isku dhaf ah iyo kuwa AMISOM. Soomaaliya ayaa gashay xaalad doorasho, waxaana la doortay illaa 9 xildhibaan oo aqalka sare ah oo kasoo kala galay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana doorashada Soomaaliya ka socoto mas’uul ka ah Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo lagu wareejiyey mas’uuliyadaas. The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo soo saartay digniin ku saabsan doorashada appeared first on Caasimada Online.