-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — Ethiopians voted Monday in a major test for Prime Minister Abiy Ahmed, whose rise to power initially seemed to signal a break with decades of authoritarian rule but who has since waged war in the Tigray region and whose party has been accused of election abuses. Source: Hiiraan Online
-
More than 19,300 boys and girls affected by war last year were victims of grave violations such as recruitment or rape, and the COVID-19 pandemic made it difficult for experts to reach them, the UN said in its annual report on Children and Armed Conflict (CAAC), published on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa la filayaa in ay bilowga todobaadka soo socda shir ku yeeshaan magaalada Muqdisho. Dhinacyada oo xalay wada-hadal Khadka Zoom-ka ku yeeshay, ayaa isku raacay in Sabtida todobaadka soo socda ay shir isu’gu yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo dardar geliyo Hawlaha Doorashooyinka. Guddiga Farsamada oo uu magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay hor-tagan shirka, islamarkaana ka jeediyaan Qorshayaasha Arrimaha Doorashooyinka ee soo socda. Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaruhu magacaabi doono Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo ka kooban heer Dowlad Goboleed kaas oo aysan ku jirin Jubaland. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Doorashooyinka oo Muqdisho uga furmaya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Two Kenyan MPs have expressed concern after three girls from the Somali community went missing. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah ehellada Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiishii ku dhaawacantay qaraxii Jimcihii ka dhacay degaanka Biya-cadde ayaa noo xaqiijiyay in Korneel loo qaaday dalka dibadiisa. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Korneelka galabkii Axadda loo qaaday dalka Turkiga, waxaana qaaditaankiisa iska kaashaday xubno kamid ah ehelkiisa, saraakiil iyo mas’uuliyiin ay xigto dhow yihiin oo ku jira dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa intaas ku daraya in Korneelka oo dhaawiciisa loo arkay in uu fududyahay uu wajiga ka bararay 48-kii saac ee ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in la isku raacay in dibadda loo qaado. Tan iyo markii uu dhaawacmay waxaa jiray dedaalo xoog leh oo ay wadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku dalbanayeen in la geeyo Isbitaallada Muqdisho midkood, halka ehelladana ay diidanaayeen, waxaana la tacaalayay dhaqaatiir loogu keenay gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Muqdisho. Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle ayaa uur ku taallo ku noqday xubnaha Mucaaradka oo u arkayay awoodda ugu weyn oo ay heestaan markii loo eego dagaalladii ay la galeen Farmaajo bishii April ee sanadkan, ee lagu diiday muddo kororsigiisa. Waxaa ilaa hadda jira su’aalo badan oo ku geedaaman weerarkii lagu qaaday xeradii uu ku sugnaa ee degaanka Biya-Cadde, ayada oo farta lagu fiiqay ciidanka Gor Gor ee ka amar qaata Farmaajo. “Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada Gor Gor iyagana gaariga ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. “Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankeena, wax nala cunaan, nala dagaal galaan, arrintaas shaki ayaa ka qabnay haddana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, oo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay ee ka hor-yimid muddo kororsiga Farmaajo. The post Dhaawaca Saneey Cabdulle oo dibadda loo qaaday – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay Dokumentiyo caddeynaya musuq maasuq xoog leh oo ka jira maamulka Gobalka Banaadir, kaasoo soo billowday bilo ka hor. Xogtaan oo aan ka helnay xafiisyo ka tirsan Maamulka Banaadir iyo Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigeysa in maamulka Gobalka uu xiray Akoonkii saxda ahaa ee lagu shubi jiray canshuurta Maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo ahaa Acc. No, 799. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa muujineysa in maamulka uu Banki gaar loo leeyahay ka furay laba akoon oo cusub loona wareejiyay dhamaan dakhliga dowladda Hoose ee Xamar ka qaado dadka Muqdisho. Akoonka gobalka oo ahaa mid guud, islamarkaana maamul kasta ku shaqeeya lana ogaa dhaq dhaqaaqiisa ayaa la xiray 10-kii bishii 5-aad ee sanadkaan, waxaana lagu badalay akoonada ay nambaradooda kala yihiin 31935449 iyo 31551472. Labadaan akoon ayaa mid kamid ah waxaa lagu shubi doonaa lacagta gaadiidka BL-ka iyo lacagta gaadiidka Bajaajta ah, halka kan kalane la amray in lagu shubo lacagta ee canshuuraha sida guryaha, dad dhigista iyo waxyaabaha kale oo ay qabato dowladda Hoose. Akoonkii maamulka Gobalka Banaadir ee 799 ayaa lagu xiray amar ka soo baxay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxaana heshiis ku ahaa isaga iyo ku xigeenadiisa. Dhinaca kale, Caasimada Online ayaa heshay warqad kale oo digniin ah oo ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowrka guud Qaranka, taasoo lagu amrayay maamulka Gobolka in ay joojiyaan xerida akoonkii saxda ahaa ee gobolka Banaadir. Warqadaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa soo baxday 23-kii bishii 5-aad ee sanadkaan, waxaana ku saxiixnaa Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, isagoo sidoo kale digniin u diray guddoonka goboka Banaadir kana digay cawaaqib xun oo ka dhalan kara. Digniinta Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa la sheegay in aysan keenin wax isbeddal ah, islamarkaana ilaa hadda lagu shaqeeyo akoonada gaarka ah. Caasimada Online ayaa sidoo kale heshay sababta loo xiray Akoonkii hore ee gobolka. Sida aan hore u baahinahay, maamulka Gobolka Banaadir waxay isku dhaceen shirkad caalami ah oo ka caawin jirtay kontaroolka Canshuurta Gobolka kadib markii lacag badan lagu yeeshay. Shirkadaan oo xariir la leh World Bank iyo hay’adda IMF ayaa la shaqeyn jirtay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana lagu shaqeyn jiray System sahli kara in lala socda dhaq dhaqaaqa akoonada danta guud, waxaana barnaamijkaas lagu magacaabaa PFM oo laga soo gaabiyay Public Finance Management. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale heshiis la galay shirkad kale oo gaar loo leeyahay taasoo qaadan doonto 25% lacagta soo xaroota, waxaana la sheegay in arrimahan oo dhan ay dhaawac weyn ku noqon doonaan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo qeyb kala socday System-kii hore ee PFM, kaasoo uu ka soo guuray maamulka Gobalka Banaadir. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada ay arrintaan quseyso, waxaana jira guux badan oo ka socda gudaha gobolka Banaadir ah. The post Caddeymo: Musuq-maasuq xooggan oo ka jira maamulka Gobalka Banaadir (Xog) appeared first on Caasimada Online.
-
Dabley hubaysan ayaa xalay Aargada Dayniile ku dilay Guddoomiyihii waaxda Kurdamac ee degmada Dayniile Cabdi Cabdulle Cismaan (Cabdi Juge). War ka soo baxay mas’uuliyiinta degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Laamaha Amnigu ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah dableydii dilka gaystay oo dhaawacan. Dhinaca kale koox hubaysan ayaa xalay xaafadda Xaawa-taako ee magaalada Beledweyne ku dilay Guddoomiyihii Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Faarax Diir Cabdi. Kooxda dilka gaystay ayaa sidoo kale dhaawac gaarsiiyay saddex qof oo weheliyay marxuumka sida laga soo xigtay Goob-joogayaal. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalkaas ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne. PUNTLAND POST The post Dilal ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea iyo waxa ka jira in ciidamadaas ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga. Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World ayaa beeniyey in ciidamada Soomaaliya ay ka dagaalameen waqooyiga Itoobiya. Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in natiijada saxda ah ee ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea laga sugayo guddiga uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. “Marin-habaabino badan way jiraan. Qaddiyadaan waanu kaga hadalnay madalo kala duwan. Si loo xaqiijiyo tani, ra’iisul wasaaraha wuxuu magacaabay guddi ka kooban milatari iyo diblumaasiyiin si ay u eegaan dhacdadan ayna runta u soo bandhigaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq. Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loogu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan Qaramada Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigrayga. Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer dibad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka Magaalada Muqdisho, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo celiyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan codsiga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan. Dhanka kale, intii wareysiga uu socday, Cabdirisaaq oo wax laga waydiiyey xiriirka xumaadey Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya ayaa tibaaxay in isu-soo-dhowaanshiyihii u dambeeyay ay astaan u tahay in hogaanka labada dal ay bog cusub furayaan. “Waxa aan hadda rajeynayno waa in aan sii wanaajiyo xiriirkeena kana wadahadalno amniga, ganacsiga, isu-socodka labada shacab; labadan dal waa kuwa waligood sii ahaan doona deris mana sii yeelan karno xiriir aan shaqaynayn. Qadiyadaha aan rabno in aan kawada hadalno waa in aan u wajahnaa si dhab ah,” ayuu yiri. The post Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ballan-qaaday runta kiiska dhallinyarada la geeyey Eritrea appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka qeyb-galay shirkii Diblumaaasiyada ee ka furmay magaalada Antalya ee dalka Turkiga ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal, fursadaha iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya iyo sidoo kale wada-tashiyo ku saabsan arrimaha danta guud. Intii uu socday kulanka ayaa waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka dalbaday dolwadda Turkiga kordhinta tobabarka ay siiso ciidamada dowladda Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa sidoo kale waxay si qoto dheer u lafo gureen qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhaxeeyay labada dal ee walaalaha ah, si loo waafajiyo hiigsiga labada dal. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiligaan waxaa ka dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo heer sarre ah, waxayna dowladda Ankara ka taageerta dowladda Soomaaliya la dagaalanka argagixisada, ayada oo ciidamo faro badan u tobabartay dowladda, kuwaasi oo qaarkood laga muujiyey cabasho. The post DF oo TURKIGA u gudbisay dalab la xiriira ciidamada appeared first on Caasimada Online.
-
Islamic finance is a financial industry, which is about some five decades old in its modern format and its activity is compliant with Islamic Shari’a or Islamic law. It provides financial services through instruments that handle risk sharing (Mudaraba and Musharaka) and profit/loss sharing Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho oo aan kulmin wixii ka dambeeyey markii uu dhacay heshiiskii doorashada ee la kala saxiixday 27-kii May ayaa caawa shir ku yeeshay qadka Zoom-ka. Shirkaas waxaa caawa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa qabsoomidda doorashooyinka dalka, iyadoo la iska xogwareystay waxyaabaha ka qabsoomay illaa hadda heshiiskii ay wada gaareen madaxdu. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah u ah shirkaas madaxdu waxay isku raaceen in maalinta Sabtida ah ee soo socota ay shir isugu yimaadaan, kaas oo ka furmi doona magaalada Muqdisho. Shirkaas waxay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban ra’iisul Wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoominaha gobolka Banaadir uga wadahadli doonaan dardar gelinta doorashada dalka. Shirka Sabtiga ka furmaya Muqdisho waxaa hor tegi doona guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la shiri doona dhamaan xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka. Sidoo kale xogta aan ka helnay shirkii caawa waxay sheegeysaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu magacaabi doono guddi dib u heshiisiin ah, kaas oo heer wasiirro ah, waxaana xubnaha guddigaas laga soo kala xuli doonaa xukuumadaha dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddigaas wasiirrada ah waxaa loo diri doonaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxayna kasoo tala bixi doonaan qaabka loo xalin karo is-mari waaga maamul ee ka jira gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland. The post Rooble iyo madax-goboleedyada oo isku raacay in Sabtiga ay Muqdisho ku shiraan, maxay ka hadli doonaan? appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (HOL) - A prominent youth leader in Hiiraan region was shot dead Monday evening in Beletweyne. Source: Hiiraan Online
-
90 qof oo Masaari ah oo ku xirnaa Xarunta lagu xiro Shisheeyaha Sharci-darada ku jooga dalka Libiya ayaa ugu dambeyn dadaal farabadan oo la sameeyay la sii wada daayey. Madaxa Ergada Diplomaasiyiinta Masaarida u joogta Caasimada dalkaasi ee Tripoli, Maxamed Tharot Salim ayaa dadaal u galay sidii Muhaajiriintaasi loo sii daayo lahaa oo ilaa Jimcihii hore ku xirmaa Xarun ay Hay’adda Socdaalka Libiya ku hayaan Muhaajiriinta sharci La’aanta ku jooga dalkaasi. Mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Masar ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Libya ay ku siideysay muhaajiriinta u dhashay dalkooda ee u xirnaa. PUNTLAND POST The post Dowladda Libya oo siideysay muhaajiriin Masaari ah appeared first on Puntland Post.
-
Credit.: Yasuyoshi Chiba/Agence France-Presse — Getty Images Ahead of Ethiopia’s general election on Monday, Prime Minister Abiy Ahmed has been laying out his grand ambitions for the country. He wants it to be “comfortable for all Ethiopians,” he recently told a TV interviewer, “where every Ethiopian moves around relaxed, works and prospers.” The country, he said, should be one whose “sovereignty is respected and feared, and whose territorial integrity is preserved. ”He’s going about it in a horrifying way. For eight months, Mr. Abiy’s government has been waging brutal war on one of its regions, Tigray, killing thousands of people, displacing over two million and creating a disastrous famine. Comfort, relaxation, work and prosperity could not be farther away. Far from respect, the act has brought international outcry. And as for territorial integrity, the war effort has relied on Eritrean soldiers, whom Isaias Afwerki, the country’s leader, refuses to withdraw. But the war in Tigray, though exceptional in its brutality, is not an isolated case. Since he came to power on a wave of enthusiasm in 2018, Mr. Abiy has consistently demonstrated his tendency to ruthlessly centralize power. Political opponents, set against the creation of a new ruling party in Mr. Abiy’s image, have been sidelined, even jailed. Many have been shocked by this behavior — after all, Mr. Abiy was awarded the Nobel Peace Prize in 2019 — but in fact, he’s following a coherent philosophy and strategy. Elaborately explained in his book “Medemer,” a word coined by the prime minister to mean togetherness, the approach seeks unity among the people of Ethiopia and cohesion in its state. And it’s tearing the country apart.For the disasters he’s unleashed, look no further than Tigray. Since Mr. Abiy announced the assault in November as a “law enforcement” mission, it has metastasized into all-out war. Numerous corroborated reports have revealed the horrific scale of violence, including massacres, endemic sexual violence and a famine that threatens the lives of more than 350,000 Tigrayans. While the world has yet to learn the real death toll, the region, with a population of more than six million, has been decimated. And there is no end in sight. The war, which has become a gruesome byword for ethnic cleansing, is Mr. Abiy’s punishment for Tigray’s refusal to accept his authority. (The precursor to the assault was the region’s decision, in defiance of the government, to hold an election in September.) But Tigray is not alone in paying the price for challenging Mr. Abiy’s centralizing moves. In Oromia, where he’s from, Mr. Abiy has overseen a brutal crackdown — responsible, in 2019 alone, for over 10,000 arrests and a number of extrajudicial executions — in the name of countering a rebellion led by the Oromo Liberation Army, an armed opposition group. After the assassination of a popular Oromo musician, Hachalu Hundessa, in June of last year, repression became yet more violent. In protests against the killing, whose perpetrators are still unknown, at least 123 people were killed, including 76 by security forces. In the aftermath, numerous opposition politicians — including Mr. Abiy’s former ally, Jawar Mohammed — were jailed. In response, the two main opposition parties withdrew from Monday’s election, leaving Mr. Abiy’s party to run the country’s largest region all but uncontested. Against this baleful backdrop, the election — which is expected to coronate Mr. Abiy and his party, cementing his power — is distinctly underwhelming. Not only is Tigray completely excluded, but logistical difficulties have also hampered the voting process. After problems with security, voter registration, defective ballots and legal challenges, the election has been postponed to September in two other regions as well as in dozens of constituencies. And about half a million internally displaced Ethiopians are unlikely to be able to vote. It’s a far cry from the free and fair election Mr. Abiy promised when he became leader three years ago: The much-vaunted transition to democracy is not very evident. Far from supplying legitimacy to the government and stability to the country, the election — boycotted by opposition parties and undertaken amid a war — is likely to pull Ethiopia further apart, to calamitous effect. But that doesn’t seem to bother Mr. Abiy. Ignoring international entreaties to end the war in Tigray and agree to an inclusive political settlement, he is instead determinedly preparing to govern an Ethiopia neither respected nor whole. His legacy, at least, is secure. Mr. Abiy will forever be the Nobel Peace laureate who refused to give peace a chance.More on Ethiopia and the war in Tigray Tsedale Lemma (@TsedaleLemma) is the founder of the Addis Standard, an English-language monthly magazine based in Ethiopia. Source: New York Times The post He Promised Peace. Then He Tore His Country Apart appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Kooxo hubeysan ayaa caawa siyaabo kala duwan magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne ugu dilay mas’uuliyiin ka kala tirsaneyd maamullada gobolka Hiiraan iyo kan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Ugu horeyn koox ku hubeysan bistoolado oo tiradooda lagu sheegay seddax nin ayaa caawa fiidkii agagaarka Aargada degmada Deyniile ku toogatay Allaha u naxariistee Cabdi Cabdulle (Cabdi Juge) oo ahaa gudoomiyihii Waaxda Kurdamac ee maamulka degmada Dayniile. Dilka marxuumkaas kadib ciidamo ka agdhawaa goobta ayaa baacsaday ragii hubeysnaa ee dilay guddoomiyaha, waxayna dhaawac ku qabteen mid ka mid ah 3-dii nin, kaas oo watay bistooladii uu uga qeyb qaatay dilka, sida ay muujinayaan sawirro ay soo bandhigeen ciidamada ammaanka. Waxaa gacanta ciidamada ka baxsaday laba nin oo kale kuwaas oo dilka marxuumka wax ka geystay, waxaana caawa qeybo badan oo ka tirsan degmada Deyniile ka socda howlgallo lagu baacsanayo ragaas baxsadka ah. Dhanka kale isla caawa koox hubeysan oo aan weli heybtooda la garan ayaa Faarax Diir Cabdi, oo ahaa guddoomiyihii ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan waxay ku dileen magaalada Beledweyne, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada. Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa markii uu dhacay dilka guddoomiyihii dhalinyarada gobolka Hiiraan kadib waxay bilaabeen baaritaano ka dhan ah raggii geystay dilkaas, kuwaas oo markiiba goobta isaga baxdasay. Hoos ka eeg sawirrada ninka loo heysto inuu wax ka fuliyey dilkii caawa ka dhacay Deyniile. Labada Marxuum ee caawa lagu kala dilay Muqdisho iyo Beledweyne The post Guddoomiyeyaal caawa lagu dilay Muqdisho iyo Beledweyne iyo nin dhaawac lagu qabtay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Dubai Customs Organizes 2nd DCCC Meeting With Business Groups Amid High Hopes Of Trade Recovery And Prosperity Dubai external trade is moving steadily toward more growth based on a number of success factors including Dubai’s outstanding capability, dynamism and agility in handling the pandemic crisis, and that, coupled with a safe and advanced infrastructure and strategic location, is urging many companies to move their production lines from to the emirate Dubai (UrduPoint / Pakistan Point News – 21th April, 2021) Dubai external trade is moving steadily toward more growth based on a number of success factors including Dubai’s outstanding capability, dynamism and agility in handling the pandemic crisis, and that, coupled with a safe and advanced infrastructure and strategic location, is urging many companies to move their production lines from to the emirate. This was the highlight of the opening statement of H.E. Sultan bin Sulayem, DP World Group Chairman & CEO and Chairman of Ports, Customs and Free Zone Corporation, Chairman of Dubai International Chamber of Commerce during the Dubai Customs Consultative Council meeting. The meeting was held virtually, in the presence of H.E. Ahmed Mahboob Musabih, Director General of Dubai Customs, executive directors, heads of customs departments and representatives of business groups in Dubai. Edris Behzad, Director of Client Happiness Department welcomed the participants and reaffirmed that these meetings are key to boost cooperation between Dubai Customs and business groups in Dubai to exchange creative ideas and knowledge. Bin Sulayem said: “Thanks to a number of development plans and the stimulus packages which Dubai Government launched following the directives of His Highness Sheikh Mohammed Bin Rashid Al Maktoum, Vice President, Prime Minister and Ruler of Dubai, our external trade sector showed impressive resilience and ability to recover and grow in the face of international crises. “Many companies have plans to headquarter in Dubai to benefit from our advanced technological infrastructure and good governance. The Dubai new international trade plan include the establishment of trade network lines to 200 new cities cementing the role Dubai plays in the global trade. DP World has recently signed an agreement with Ethiopia’s Ministry of Transport to develop the road linking Ethiopia to Berbera in Somaliland into a trade and logistics corridor. We plan to invest up to $1 billion over the next 10 years to develop supply chain infrastructure along the corridor. This will include dry ports, silos, warehouses, container yards, cool and cold chain depots, freight forwarding and clearing activities. “UAE has the world’s highest Covid vaccination rate, and the success of its strategy in delivering vaccines to more than 70% of the targeted segments is one of the success factors that stand behind the outstanding performance of Dubai external trade and tourism. “DP World has strong presence in 80 ports and terminals worldwide. We are now boosting our investments in the ports and logistics sectors in Africa and Asia. We look forward to more participation from business groups based in Dubai through our regular meetings towards more win-win projects.” In the same vein, H.E. Ahmed Mahboob Musabih, Director General of Dubai Customs said; “The government’s proactive policies and plans in dealing with the crisis, along with the stimulus packages, have played a positive role in containing the crisis and its repercussions on different sectors. In Dubai Customs, we aim to expand trade activity and open new lines targeting AED 2 trillion volume. Dubai external trade in Q1 this year made an impressive growth compared to corresponding periods in 2019 and 2020.” Ahmed Abdul Salam Kazim, Director of Strategy and Corporate Excellence Department at Dubai Customs delivered a presentation on Dubai external trade in Q1, 2021. Dubai foreign trade in this quarter touched AED354.4 billion growing 10% from AED323 billion in the corresponding period in 2020, and 5% compared to Q1, 2019, which reflects a rapid return to recovery and growth in the external trade sector and great resilience and adaptation to drastic changes in the international trade environment. Exports grew 25% to AED50.5 billion, weighing 5 million tons (20%+), imports accounted for AED204.8 billion, growing 9% and re-exports were recorded at AED99 billion, growing 5.5%. The meeting included a presentation delivered by Rehan Uddin, Expert – CSR who talked about Dubai Customs’ CSR vision and mission highlighting the initiatives and projects Dubai Customs implements to give back to community and protect the environment. Dubai Customs launched more than 1,000 social corporate initiatives in the last 5 years that targeted 7.63 million people, and that achieved 90% client and partner happiness in 2020. The Government Department saved a million dirhams in water and electricity in the past few years, with 95.4 implementation of Dubai Paperless Strategy. Around 379 tons of paper and waste were recycled, and 56 ecological projects were launched in compliance with ISO Standards 18001, 14001 and 45001. In 2020, despite the spread of the pandemic, Dubai Customs launched 145 social corporate initiatives that targeted 378,000 individuals, while taking all safety measures. Sudish Tchadurfiri, from Dubai Shipping Agents Association highlighted a number of initiaves that are expect to play a positive role in future shipping, logistics and supply chain sectors. These include the DP World’s Hyperloop project, and 3D printing. Dubai has opened the world’s first 3D-printed office. Other projects include Dubai South and World Central, which hosts a number of grand events including EXPO 2020. Sudish said that new technologies have improved global trade and enhanced production, transport, shipping and handling operations. Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ay sacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo shaaciyey tirada dagaalamayaal ay ka dileen kooxda Al-Shabaab. Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan oo howlgalkaas hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay ku weerareen deegaanada kala ah Saabuun, Baaroow, Madiina-Cadde, Gaaleef iyo Buurdheer oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladaas ay ku dileen ugu yaraan 8-xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo mid ka mid ah la toogtay isaga oo miino ku aasaya wado aad loo isticmaalo, sida uu sheegay Taliye Xasan Tuure. Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamadu burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa kooxda oo ay kasoo abaabuli jireen weerarrada ay ka fuliyaan deegaanada qaar ee gobolka Shabeellada Dhexe. Ururka 7-aad, Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab ayaa fuliyey howlgalkaas, waxuuna sarkaalkan hoggaaminayey ciidanka sheegay in qorshahooda uu ahaa ka hor-tagga weerarro ay qorsheynayeen Al-Shabaab, isla markaana ay ku guuleysteen. Mudooyinkii u dambeeyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxaa ka bilaawday howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna militeriga Soomaaliya ku guuleysteen inay ka saaraan deegaano dhowr ah oo ay horay u maamuli jireen. The post DANAB oo Shabaab badan ku dishay weerar ka dhacay Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
DOORASHADA JAMHURIYADA FEDERALKA SOMALIA IYO KHATARTA KAGA SOO FOOL LEH JAMHURIYADA SOMALILAND Dalka Jamhuuriyada federalka Somalia ayaa hadda waxa lagu heshiiyey gudiyadii doorashooyinka qaban lahaa oo mudo badan la isku maan dhaafsanaa , waxaana la soo xulay gudiyo cusub , gudiyada la soo xulay waxa ku jirta gudi loogu magac daray gudiga doorashooyinka Somaliland oo la rabo in ay soo xulaan dad la leeyahay waxa ay metelayaan Somaliland. Hore waxa u jirta in dhamaan hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha dalalka aduunka ee ay Somaliland xidhiidhka la lahayd ay muqdisho ku xidheen in laga doonto waxii ay jamhuuriyada Somaliland u baahan tahay , waxaana ka shaqeysay dawlada Somalia oo ku jirta in ay soo ceshato dhamaan awoodihii dawladii jamhuriyada Somalia ( Somali Republic ) oo kala noqotay jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka somalia. Waxa aan qarsoonayn in mashaariicda Somaliland ka socda iyo hay’adaha la shaqeeya wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada in muqdisho laga soo saxeexo oo ay dhamaan hoos tagaan wasaaradaha Somalia , mashaariicdana ay qorsheyso wasaarada qorsheynta Somalia. Waxani waxa ay ku dhaceen siyaasad xumadii iyo deg-degii wadahadalada Somalia lagu furay oo inagu keenay in mar kale Somaliland god madaw lagu rido , waayo wadahadalada Somalia dan kale kamay lahayn ee ujeedada ugu weyn waxa uu ahaa in ay soo ceshato awoodii sharciyeed ee caalamiga ahayd ee jamhuuriyadii Somalia lahayd. Iyaga oo waxan oo dhan hadimooyin ahi jiraan ayaa haddana waxa Somalia laga qabanayaa doorashooyinkii golayaasha shacabka iyo madaxweynaha oo lagu daray dad si cad loo leeyahay waxa ay metelaan Somaliland , wallow ay barigii horeba dad ku jiri jireen haddana 1991 kii shirkii Djibouti ilaa shirkii 2004 Kenya ee Embagati waxa caalamku si cad u ogaa in aanay Somaliland qayb ka aheyn. Waxa war murtiyeedyada lagu soo saari jirey war bixin ah in aanay Somaliland qayb ka aheyn ee la rabo in koonfur Somalia dawlad loo dhiso oo la xasiliyo , markaa ay dhameys tiranto in ay Somaliland markaa wadahadalo u furmaan oo haddana la galo qorshihii lagu mideyn lahaa ama lagu kala go’i lahaa . DOORASHADA LA FILAYO EE SOMALIA IYO QORSHEYAASHA QARSOON EE KU JIRA ; Doorashada la filayo maadaama caalamka loo sheegay in Somaliland ka mid tahay waxa la isku dayay qaabka Somaliland uga mid noqon karto Somalia oo hadii halkaasi muqdisho hore u hagaagi waydo dalka dhinaca Somaliland laga wado oo halkani la xoojiyo laakiin ay midnimadu horeyso. Waxa la isla soo qaaday in hadii madaxwayne Somaliland ahi yimaado gaar ahaan (ISAAQ) ay somaliland Somalia ka mid noqonayso , waxaa markiiba laga fekeray in madaxda somaliland ee hadda xilka haysa loo soo jeediyo qorshahaasi , waxaana cadeyntii koowaad ahaa kulankii uu rabay raisal wasaare Abiy Ahmed in Farmaajo hargeisa yimaado. Markii la arkay suurtagal in aanay ahayn waxa loo badinayey in madaxwayne ka soo jeeda ISAAQ muqdisho lagu caleemo saaro oo reerkiisuna awood ku leeyihiin somaliland si marka ay ugu yar tahay somaliland fawdo uga dhacdo , amaba somaliland gudaheega u kala shakido oo sidii 1960 kii muqdisho la iska wada dhiibo. 6 oct 2020 qoraal aan idin la wadaagay ayey ku jirtay laakiin waxa wax badan badelay xaqiiqada siyaasada Somalia maanta taalla oo mid reero ku saleysan ah , iyo beesha Mogadishu Clan oo kacdoonkoogii uu saameyntii iyo qorshihii dawlada Somalia wadatay wax badan ka badelay. Hadda waxa la sheegayaa in la rabo in madaxwayne ku xigeen madaxwaynaha lala doorto oo ISAAQ ah la keenayo si loo tuso caalamka in la miisaamayo siyaasad wax wada lahaansho oo la rabo in somaliland lagu soo xero galiyo , sidoo kale mansabyada xukuumada loo badiyo beesha Isaaq si ay dadkoogii u keenaan . Waa xeelad iyo xirfad siyaasadeed oo ay dawlada Somalia ciyaarayso iyaga oo aan dalkii Somalia wada maamulin oo muqdisho laga yaabo in aanay dawlada Somalia wada gaadhin , xukuumada somaliland ayaan mar qudha ka hadal in ay shirka Somalia ee muqdisho aanay somaliland ka mid ahayn taasi oo loo fahmayo aamusnaantooda in ay raali ka yihiin. Xisbiyada siyaasada ayaan marqudha ka hadal waxaana ay u eeg tahay in dano siyaasadeed la wada eeganayo oo masiirkii iyo halgankii qaranimo ee umadani ku soo jirtay mudada dheer la ilaaway , ama aan cid ilaashanaysaa muuqan , iyada oo lagu jiro xili aad u xasaasi ah oo siyaasadaha gobolka geeska Africa marayaan meel adag iyo is xulafaysiyo khatar ku noqon kara qadiyada iyo gooni isu taaga jamhuuriyada somaliland. Mohamed Abdi Jama Mohamed dhimbiil Qaran News
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku cadeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka. Guddiga ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan. “inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, lana joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.” “Guddigu wuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo kadib doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka. War-saxaafadeedka guddiga ayaa intaas ku sii daray, “Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.” Sidoo kale Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, “Waxaa naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay,” ayaa qoraalka lagu yiri. Guddigan u xilsaaran la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa ka digaya ku xadgudubka iyo ku takrifalka hantida qaranka, taas oo carqaladeyn ku ah ‘xaqa muwaadiniintu u leeyihiin helista adeegyada dowladda ee loo siman yahay.’ Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in fursadaha ol’olaha doorashada la doonayo inay noqdaan kuwo ay u siman yihiin dhammaan musharaxiinta oo ay ku jiraan musharrixiinta haweenka iyo kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha la hayb sooco. Si loo xaqiijiyo tallaabadaas waxuu guddigu qoraalkaan ku cadeeyey in kormeerayaal ka socda Guddiga loo xilsaari doono, isla markaana ay isha ku heyn doonaan goobaha codbixinta ee dalka oo dhan. “Guddigu wuxuu ahmiyad gaara siin doonaa Habka Baarista Dembiyada Doorashada oo ay ku jiraan xad-gudubyada maamul iyo kuwa dembiyeed labadaba. Sidoo kale, Guddigu wuxuu billaabi doonaa wacyigelinta bulshada, waxaana ugu baaqeynaa daneeyeyaasha maxalliga ah, kuwa qaran iyo kuwa caalamiga ahba inay nagu gacan siiyaan gudashada waajibaadka Guddiga,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Guddigu wuxuu xusuusinayaa dhammaan hawl-wadeennada doorashooyinka- oo ay ku jiraan kuwa heer federal iyo heer maamul gobolleed- in laga doonayo madax-bannaani, dhex-dhexaadnimo iyo isla xisaabtan. Guddiyada doorashada waxaan xusuusineysaa inay si adag u hoggaansamaan sharciyada qaranka iyo qaab-dhismeedka sharciga ee doorashooyinka.” Ugu dambeyntii qoraalka guddiga waxaa lagu yiri, “IACC waxay ku martiqaadeysaa xubnaha bulshada caalamka inay door muhiim ah oo gaarsiisan inay heer kormeer madax-bannaan oo leh dhex-dhexaadnimo iyo carqalad la’aan ah ka ciyaaraan doorashooyinka Soomaaliya si waafaqsan heerarka caalamiga ah.” The post Guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa oo soo saaray digniin la xiriirta doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa sheegaya in weerar sababay dhimashada 9 qof uu ka dhacay degmada Metta Wolkitte oo 100-KM u jirta caasimada dalkaas. Weerarka oo ka dhacay dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte ayaa imid kadib markii kooxda fulisay ay ku amreen shaqaalaha inay joojiyaan dhismaha buundada, taasi oo ay iska dhago tireen, sida ay sheegen qaar kamid ah ehelka dhibanayaasha “Dagaal-yahanada ayaa u sheegay shaqaalaha dhismaha buundada iney joojiyaan, laakiin way sii wadeen shaqada, maadaama uu ka baqayey inuu waayo shaqadiisa,” ayuu yiri mid kamid ah ehelka dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaas. Dadka la dilay oo u badnaa shaqaalihii ku howlanaa dhismaha buundada ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Nin la sheegay in uu cabitaanka bunka ah uu ku iibinayey wadada hareeraheedda. Faah-faahin intaas ka badan weli lagama hayo weerarkaan, hase yeeshe waxa uu qeyb ka noqonayaa qalaalasaha amni darro ee ka jira Ethiopia, tan iyo markii uu bilowday dagaalka qowmiyaduhu. Dhacdadaan ayaa Saraakiisha qaar ay sheegen inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada dalkaas oo maanta loo dareeray, maadama ay isasoo tarayaa walaac dhanka amaanka ah. The post Weerar lagu dilay dad horleh oo ka dhacay dalka Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay Magaca qofkii ka dambeeyay dilkii 17/5/2021 deegaan hoostega Magaalada Gaallkacyo loogu geystay Allah unaxariisto Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug. Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi Saraakiil baarayaal ah oo ka socda Xeer ilaalinta maxkamadda & CID-da loo diray degaanka uu dilka ka dhacay . Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in guddigaas ay waqti badan geliyeen sidii ay u ogaan lahaayeen qaabka uu dhacay dilka marxuumkaas iyo cidda ka dambeyso, waxayna caddeymaha dilka ka qoreen dad markhaatiyaal ah. Warka kasoo baxay xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer kadib ay xeer ilaalinta ogaatay in dilkaas uu ka dambeeyey Dable Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo. Xeerilaaliye Ku xigeenka aya intaa hadalkisa ku daray in dilka gacan ay ku siiyeen Askariga eedeysanayal kale ah ina Saciid Cabdi Xidig & ina baalbaal, oo dilka kadib u baxsady dhanka degmada Galodogob ee Gobolka Mudug. Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in guddiga barista dacwada ay soo saareen qodobada hoos ku xusan. 1) In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug inay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada. 2) Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan. 3) In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Eedeysanaha ayaa waxaa laga soo wareejiyey saldhigga Booliska Galdogob, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxayna xogta sheegeysaa inuu kamid ahaa askar ka tirsanaa Saldhigga Booliska Gaalkacyo oo loo xil saaray baaritaan lagu hayey Sheekha oo ay dacwad kusoo oogtay CID, isagoo si gaar ah u ahaa askarigii xabsiga kasoo saari jiray marka la wareysanayo Sheekha. Maalmo ka hor dilka Sheekha, ayuu Cabdisalaan ka goostay Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo kadib markii ay meel xun gaartay xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna 10-kii Bishii May soo wacay Sheekha dilka loo geystay oo kasoo jeedo Beesha dishay ninka ay qaraabada yihiin Cabdisalaan, isagoo u sheegay inuu ka socdo saldhigga loona soo dhiibay taleefoono horey looga qaaday Sheekha. Markii uu Sheekha usoo baxay banaanka gurigiisa ayaa waxaa gaari ku gaxeystay Cabdisalaan iyo 2 askari kale oo watay baabuur gaar ah, waxaana saacado kadib ku dileyn meel u dhow Galdogob oo markii hore laga soo badalay Cabdisalaan. The post Maxkamadda ciidamada oo shaacisay cidda loo haysto dilkii Sheekh Cali Dheere appeared first on Caasimada Online.