Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa markale saaka lagu xanibay magaalada Muqdisho, ayada oo loo diiday in uu udhoofo degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Cismaan Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane. “Saakay waxaa aaday garoonka diyaaradaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dareemaya in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisAl Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay,” ayuu yiri Macalimuu. “Ninka amarkaas soo bixiyay waa Cabdullaahi Kulane (Taliye ku-xigeenka NISA), waxaan ku qanci karnaa Ra’iisal Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado.” Arrintaan ayaa imaneysa xili uu maalin ka hor Ra’iisal Wasaaraha soo saaray amar uu ku mamnuucayo in garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo guud ahaanba dalka si bareer ah looga celiyo qof ka dhoofaya, kaasi oo u muuqda in uu shaqeyn waayey. Waxa uu xiligaa si adag u sheegay Rooble in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan. “Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa, oo magaalo uu ka tago, magaalo kalena uu tago, waxaan farayaa hey’adaha socdaalka iyo hey’adaha amniga, sida boliiska iyo NISA, marar badan waxaa i soo gaartay, in dad la celiyey oo meelo kala duwan laga soo celiyey, uma dulqaadan doono, qofkii uu fal noocaas ah ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu xiligaas yiri ra’iisul wasaare Rooble. Si kastaba, Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. The post Guddoomiyihii hore ee Gedo oo lagu xanibay Muqdisho iyo amarkii Rooble oo shaqeyn waayey appeared first on Caasimada Online.
  2. Nin hinaasay oo bambo ku weerarray meel ay joogtay saaxiibadii hore Nin da’ dhexaad ah oo kasoo jeeda magaalada Isiolo ee dalka Kenya ayaa lagu daweynayaa isbitaalka weyn ee gobolkaas kaddib markii ay walxaha qarxa uga dhaceen xubnaha taranka. Dhibbanaha ayaa meel makhaayad ah oo isla magaalada Isiolo ku taalla ku jiray marka qofka lagu eedeynayo falka oo 30-meeyo sano jira uu wax qarxa ku tuuray haweeney la sheegay inay xiriir jacayl lahaan jireen. Hase yeeshee ninka la tuhunsan yahay ayaa la waayay haweeneyda uu ku bartilmaameedsanayay waxayna bambadii ku dhacday ninka dhibbanaha ah. Ninkii oo argagaxay ayaa bambada gacmaha ugu qabtay si adag si aysan u qarxin, laakiin ma uusan awoodin inuu iska badbaadiyo. Haweeneyda uu bartilmaameedka ahaa, oo dhowr iyo labaatan jir ah, ayaa lagu soo warramay inay xiriirka u jartay ninka weerarka geystay oo la sheegayo inuu ka tirsan yahay booliska magaalada Isiolo. Arrintan ayaa dhacday aroornimadii hore ee maalintii Talaadada, oo taariikhdu ay ku beegneyd 20-kii bishan July. Booliska ayaa hadda baadhitaan ku wada sida ay makhaayaddaas wali usii furnayd xilli uu waddanka Kenya wali ka jiro bandhow socda inta u dhaxaysa 10-ka fiidnimo ilaa 4-ta arroornimo. Dadka dhacdada wax laga weydiiyay waxaa ka mid ah milkiilihii makhaayadda iyo qaar ka mid ah shaqaalihiisa. Laamaha amniga ayaa sheegay in haddii bambada ay dhulka ku dhici lahayd ay sabab u noqon kartay khasaare aad u badan. Haweeney shaqaale ka ah meheraddaas ayaa warbaahinta u sheegtay in ninka eedeysanaha ah iyo kan dhibbanaha ah ay labaduba macaamiil joogto ah ka ahaayeen makhaayaddaas. “Ninka falka geystay waa askari boolis ah, kan waxyeelladu gaartayna waa askari ka tirsan militariga. Labadooduba waxay ka tirsan yihiin saldhigyada Isiolo,” ayay tidhi gabadhaas oo ka gaabsatay magaceeda iyo aqoonsigeedaba. Qof kale oo goob jooge ah, xogna ka hayay xiriirka ninka iyo haweeneyda ayaa sheegay in uu aad u carooday kaddib markii ay xiriirka u jartay bishii May, durbadiina ay nin kale xiriir la yeelatay. Mas’uul ka tirsan isbitaalka Isiolo ayaa wargeyska Standard u sheegay in bukaanka loo keenay saacadihii hore ee Talaadadii, islamarkiina ay xaaladdiisa la tacaaleen. “Qaraxa wuxuu gebi ahaanba burburiyay xubintiisa taranka iyo qeybaha hoose ee jirka. Xaaladdiisa waa lala tacaalay laakiin wuxuu u baahan yahay in isbitaal kale loo wareejiyo si adeegyo caafimaad oo dheeraad ah loogu sameeyo,” ayuu yidhi. Booliska ayaa hadda ku raad jooga eedeysanaha oo baxsad ah ilaa markii uu weerarkaas dhacay. Qaran News
  3. Itoobiya ayaa dacwad kusoo oogtay hogaamiyayaasha sare ee TPLF, oo ay ugu horreeyaan Debretsion iyo Getachew Reda. Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Itoobiya ayaa dacwad ka dhan ah 62 xubnood oo ka tirsan hogaaminta xisbiga TPLF ka furay maxkadda la dagaalanka Argagaxisada ee dawladda Federaalka Itoobiya. Eedaymaha loo haysto xubnahan oo laga diyaariyey in ka badan 5300 Ducement waxa kamid ah, inay qabteen dooroshooyin aan waafaqsanayn Dastuurka iyo eedaymo kale oo la xidhiidha musuq maasuq. Sidoo kale waxa lagu soo eedeeyey in ay weerareen saldhigii waqooyi ee Ciidamada Militariga Itoobiya, bililiqaysteen hubkii ciidanka iyo in ay dileen askar aan tiradooda la garan karin. Barre Cali Qaaje Source
  4. Turks wanted to share Eid al-Adha joy with Somali brothers, sisters, says Turkish Red Crescent Society representative Source: Hiiraan Online
  5. Niman hubaysan ayaa maanta dilay Taliyihii degmada Gar-Adag ee gobolka Sanaag AHN Cabaas Maxamed Diiriye kadib markii ciidanka Booliska ee uu hogaaminayay ay sameeyeen hawlgal ay ku soo qabanayeen nin ay raadinayeen. Labada dhinac ayaa rasaas is waydaarsaday. Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray oo uu kaga hadlayo dhacdadan waxa uu ku yidhi sida tan INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan saqadhi isagoo ku hadlaaya afkiisa iyo ka Ciidan Weynaha Booliska JSL wuxuu Tacsi u dirayaa L/xle Cabaas Maxamed Diiriye Oo ahaa Taliyaha Saldhiga Dagmada garadag oo gacan ka xaq darani Ku dushay Deegaanka God heeli Dagmada Garadag Ee Gobalka Sanaag. Marxuumka ayaa ka mid ahaa Sarakishii Dhawaan u soo baxday Ciidanka Booliska Somaliland kaas oo ciidanka ka soo galay Barnaamijkii shaqo qaran. Taliyaha ayaa marxuumka ku sifeeyay Inuu ahaa sarkaal daacada oo shaqada qaranka kaalin weyn kaga jiray Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSl Source
  6. Mogadishu (HOL) - The Somali government said that Al-Shabaab " suffered another great loss" after an airstrike struck militants between Qaycad town and Xarardheere district in Galmudug district. Source: Hiiraan Online
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dalkiisa aanu bixin doonin, oo dal kale siin doonin hal Inji. Arrintan ayaa la sheegayaa inuu Uhuru Kenyatta ula dan lahaa muranka badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya. Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale ka hadlay in Kenyaay diyaar u tahay iney difaacato midnimadeeda sida ay u difaacday nabadda dalalka kale. Uhuru ayaa hadalkan ka jeediyey arbacadii booqasho uu ku tagay lama degaanka Boni isaga oo booqdya ciidamo amni oo halkaas tababar uga socday Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa taalo Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), waxayn dacwadaan keentay inuu xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Kenya inkastoo ay hadda bilaabatay dib usoo celinta xiriirka labada dal. Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. The post Uhuru Kenyatta: ma dhiibeyno hal Inji oo dhulkeenna ah appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) - The World Bank has approved $100 million to improve essential health and nutrition services in Somalia's most disadvantaged areas. Source: Hiiraan Online
  9. Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in duqayn cusub oo ka dhacday koonfurta gobolka Mudug lala beegsaday saldhig ay leeyihiin Al-shabaab. War ka soo baxay wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Al-Shabaab degaan u dhexeeya Qaycad iyo Hareeri-dheere. Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug oo iskaashanaya ay hore u galeen degaanka duqaynta lala beegsaday. “Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri-dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug”. PUNTLAND POST The post Galmudug oo sheegtay in mar kale Al-shabaab lagu duqeeyay koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaalka. Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga Doorashooyinka heer Federaalka kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi. Guddiga doorashooyinka ayaa Ra’iisul wasaaraha u gudbiyay in caqabadaha ay heysta ay kamid yihiin dhaqaalle yarida iyo in wali aysan soo gaarin dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal. Waxaa kaloo sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada qaarkood ayasan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare. Ra’isulwasaare Rooble ayaa guddiga u sheegay inuu kala shaqeyn doono sidii loo xallin lahaa cabaqadaha hor taagan qabashada doorashada. Kulanka Rooble iyo guddiga Doorashooyinka heer Federaalka ayaa imaanayo xilli ay muuqato dib u dhac ku yimid waqtigii loogu talagalay qabashada doorashada xubnaha aqalka sare oo lagu heshiiyey in la qabto 25 illaa 27 bishaan July. Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe ee Jubblanad ayaa u muuqada maamulka kaliya ee diyaarka u ah inuu waqtigeeda ku qabto doorashada aqalk sare, waxaana Kismaayo ka socdo dhaq-dhaqaaqyo dhanka doorashada ah. Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku maqan fasax, waxaana la filayaa inuu shaqada dib ugu soo laabto 10 Agoosto taasoo muujineyso in maamulka Galmudug uusan doorashada aqalka sare ku qaban karin waqtigii lagu heshiiyey. The post Rooble oo loo gudbiyey caqabadaha hor taagan doorashada Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  11. Qeycad (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga mamulka Galmudug, diyaarado ayaa duqeyn ka fuliyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Mudug. Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa xaqiijisay in laba Gantaal oo laga riday diyaarad lagu duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa Qeybcad iyo Hareeri dheere oo dhaca Gobolka Mudug. Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada huwanta ay gudaha u galeyn halka duqeynta laga fuliyey. Wasaaradda ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka dhanka diyaaradda ah ee lala beegsaday Al-Shabaab. “ Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Wasaaradda Amniga Galmudug. Dhawaan ayey aheyd markii duqeyn diyaarado laga fuliyey Degmada Qeycad taasoo sababtay in maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxaan iyadoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug. Gobolka Mudug waxaa ka socdo dagaal Gobolkaas looga sifeenayo kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamo badan kusoo daabuleysay, waxayna saraakiisha ciidamada Dowladda sheegeyn inuu dagaalka sii socon doono inta gacanta lagu soo dhigayo Magaalada Xarardheere. The post DEG DEG: Laba Gantaal oo lagu dhuftay saldhig ay Shabaab ku leeyihiin Hareeri dheere appeared first on Caasimada Online.
  12. Taliye ka tirsan Booliiska Somaliland, ayaa lagu dilay degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, sida ay sheegtay warbaahinta Somaliland. Taliyihii saldhiga Booliiska degmada Gar-adag laba xiddigle, Cabbaas Maxamed Diiriye, ayaa lagu dilay degaan u dhow degmada Gar-adag, sida warbaahintu ka soo xigatay goob-joogayaal. Marxuum Cabbaas ayaa lagu dilay degaanka God-hileey oo hoos taga degmada Gar-adag, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga helin sida dilkaas u dhacay. Warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in taliyaha lagu dilay halkaas xilli uu hawlgal ciidan ku jiray. PUNTLAND POST The post Taliye ka tirsan Somaliland oo lagu dilay Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  13. Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo jeediyay in xal loo helo tabashada guud & tan gaarka ah ee Dalka ka jirto. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya waxa uu codsaday in laga wada hadlo wax waliba oo sababay tabashada guud iyo tan gaarka ah si looga gudbo loona helo xalka lagu soo afjari karo. “Arrimaha qaar waxa ay u baahan yihiin in la iska warsado waana la is warsanayaa, wixii maanta la xalin karo waala xalin karaa, wixii kale berri ayaan u dhiganeynaa, Dadkaan dhexdiisa waxa nooga maqan yihiin oo wax duurjira ma aha” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa tagay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Mas’uuliyiintaan ayaa Cadale ka sameeyay Kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah oo ay la qaateen maamulka Degmada, Odoyaasha dhaqanka & qaybaha kala duwan ee Bulshada si xal loogu helo tabashada ay qabaan. Afarta qodob ee sababay in Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh safar deg deg ah ku tagaan Cadale ayaa kala ah. 1- Doodda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xoogeestay dood ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxeyso beesha Maxamed Caroone oo laba jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane ay haystaan laba kursi oo oo xildhibaan, waxayna doodda ku saabsaneed xuquuq ay sheegeen in laga duudsiiyay intii ay xilka haayeen Madaxweynayaasha maanta booqday ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif. Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxayna Jowhar iyo Muqdisho ka billaabeen qeyla dhaan iyo eedeyn loo jeedinayo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waana sababta keentay in safarkaas ay galaan labadaan mas’uul. Waxaa la filayaa in ay xal u raadiyaan tabashooyinka beelahaan inta ay joogaan Cadale, inkastoo ay ku geedaaman yihiin culeysyo badan. Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone waa labo Jufo oo aan wax dooran lana dooran wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya ee 2009-kii, waxaana kuraastooda la siiyay beelo kale oo ka tirsan beel-weynta Mudullood, sida ay ku doodeen. Joojinta abaabul dagaal oo ka socda Jowhar Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada Dhexe waxaa la geeyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan beelaha aan kor ku soo xusnay ee Cabdalla iyo Nugaale, kuwaas oo u diyaar garoobaya in aysan Jowhar ka dhicin doorasho haddii aan la xalin tabashadooda, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas dagaal ka qarxo haddii aan la xalin xiisada taagan. Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu ku war geliyay in labadaan beelood ay abaabul ka wadaan Jowhar, islamarkaana ay qasab tahay in ay ka qeyb-qaataan maadaama ay yihiin odayaasha Abgaal iyo Murashaxiin ka soo jeeda Beesha Abgaal, waana sababta 2-aad ee safarka loogu aaday Cadale oo ka tirsan Shabeellada Dhexe. Abaabulka Kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa la filayaa in ay gobalka Shabeelada Dhexe iyo guud ahaan dhulka ay dagaan beel-weynta Abgaal ay ka bilaabaan kacdoon ka dhan ah Al-shabaab si degaanka loogu sameeyo hormarin iyo fursado shaqo abuur ah. Dhowr jeer ayaa shirar ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale laga sheegay in Mudullood dhulkooda ay dhibaatooyin badan ku haayaan Al-Shabaab, taasina ay ceeb ku tahay beeshaan oo lagu tiriyo beelaha ugu awoodda, dhaqaalaha iyo dadka badan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa bilo ka hor shir ay Mudullood Muqdisho ku lahaayen ka sheegay in dhulka ay ka soo jeedaan uu la daalo dhacayo amni xumo iyo horumar la’aan waxaana la filayaa in uu dhowaan kacdoon ka bilaawdo gobalka. Saameenta Beesha Abgaal iyo Murashaxnimada Xasan iyo Shariif Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labadooduba ah Murashaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacayso sanadkaan waxay dadaal badan ugu jiraan in ay isku xirnaan iyo kalsooni ka dhax-abuuraan beelaha Mogadishu Clan, si gaar ah kuwa ay ka soo jeedaan ee Mudullood, taasoo la aaminsan yahay in caqabad ku noqon karto hadii aysan xalin tabashooyinka dhaxdooda doorashada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la filayaa in Murashaxiinta kale ee Mogadishu Clan ay dhankooda billaabaan isu keenida beelahooda maadaama uu jiro qorshayaal ay Villa Somalia la damacsantahay Murashaxiinta Mogadishu Clan, iyadoo ay xusid mudantahay in beelaha yaryar ee Hawiyaha ay sanadkan kicin ku waddo Villa Somalia. Lama oga waxa uu ku soo dhamaan doono safarka madaxdaan hase yeeshee waa mid kamid ah safaradii ugu muhiimsanaa oo ay galaan Shariif iyo Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay xilka ka dagaan sanadihii 2012-kii iyo 2017-kii. The post Xasan Sheekh Maxamuud: “Dalka oo dhan waa wada tabasho waana in la is warsadaa”. appeared first on Caasimada Online.
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal. Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddigaas ayaa kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Guddiga ku bogaadiyey hannaanka ay hadda wax u wadaan ee ku saabsan doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Gudiga Doorashooyinka heer Federaal appeared first on Puntland Post.
  15. In the video for her latest single, “Honey,” Amaal Nuux reveals herself slowly. Wrapped in a glamorous bodysuit, she displays only her silhouette first — a hint — before launching into a captivating strut through a hallway as she sings “super thick, superfly, Gemini.” It’s a move that subtly echoes the 31-year-old artist’s claim to a modest sexy power. Source: Hiiraan Online
  16. Quasim Dahir learned that the American military admitted to killing his 22-year-old sister and her four-year-old daughter in an airstrike while he was having tea in a shop in D’ac, a small village in the center of Somalia, and listening to the radio. It was April 5, 2019 at about 5:00 pm. The strike had occurred the year prior. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kulan qarsoodi ah ay yeesheen saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africom iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Saraakiisha la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wareejiyay warqad ay ku cadeed in Al-Shabaab ay Muqdisho kawadaan dhaq dhaqaaqyadii ugu xooganaa ee doorashada Soomaaliya islamarkaana ay u yeereen dhaqanka, ganacsatada, Barayaasha iyo qof kasta oo ay u arkaan in ay soo geli karaan ergadad doorashada. Madaxweyne Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay loo sheegay in haddii Al-Shabaab ay soo galaan siyaasadda Soomaaliya ama xildhibaano helaan ay noqon doonto halis amni oo aad u weyn, taasi oo mas’uuliyaddeda ay qaadi doonaan madaxda hadda joogta. Sidoo kale saraakiishaan ka socotay Africom ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in mudadii uu xafiiska joogay uu ku fashilmay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay xoogeysteen afartii sano ee la soo dhaafay awood ahaan iyo dhaqaalo ahaanba. Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in dowladdiisa ay qaado talaabooyin cad cad oo arrintaan wax looga qabanayo. Waxyaabaha dowladiisa lagu dhaliilay ee dhinaca ammaanka waxaa kamid ah in aysan waxba ka qaban dadka ay Al-Shabaab u wacayaan iyo goobaha dadka loogu yeero. Waxaa aad usoo kordhaya walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay soo galaan baarlamaanka Soomaaliya, taasoo haddii ay dhacdo keeni karto in qeyb ka noqdaan madaxda dalka ugu sarreysa, islamarkaana wax ka gaara go’aanada masiiriga ah. The post Mareykanka oo Farmaajo uga digay halis ku gadaaman doorashada xildhibaannada appeared first on Caasimada Online.
  18. More often than not, islamophobia is viewed as isolated incidents, related to individuals like former Prime Minister Stephen Harper. In 2019, however, the National Council of Canadian Muslims reported 51 incidents of hate-motivated attacks nationwide. Source: Hiiraan Online
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Waaxda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa meel ku sheegi weysay in ka badan 23 milyan oo dollar oo uu dalkaas ka helay Midowga Afrika si loogu maalgeliyo ciidamadiisa qeybta ka ah la dagaalka Al-Shabaab, sida ay daabacday warbaahinta Kenya. Xoghayaha maaliyadda Kenya, Dr Julius Muia, ayaa dhawaan ku guuldareystay in uu sharraxaad ka bixiyo lacag malaayiin dollar ah oo ka maqan dhaqaalaha uu Midowga Afrika ugu tala-galay ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Warbixin kasoo baxday hanti dhowraha guud ee Kenya oo ku saabsan miisaniyad sanadeedka 2018/19 ayaa lagu sheegay in lacagtaas aysan gaarin ciidanka Kenya ugu jira AMISOM oo tiro ahaan lagu sheegay 3,600 oo askari. Warbaahinta oo soo xigatay warqad 26-dii bishii July sanadkii 2018 uu wasiirkii maaliyadda Kenya u qoray xoghayihii gaashaandhigga ayaa waxay muujineysay in Kenya ay Midowga Afrika ka sugeysay lacag dhan 78 milyan oo dollar in muddo ah iyadoo dib u eegis lagu sameynayay arrintaas. Guddiga baarlamaanka ee arrimaha maaliyadda ayaa xoghayaha maaliyadda Kenya su’aalo dhowr ah ka weydiyay arrinta ku saabsan in uu meel ku sheego lacagaha maqan, gaar ahaan farqiga u dhexeeya warbixinta hanti dhowraha iyo diiwaankii uu horraan soo gudbiyay wasiirkii hore ee maaliyadda ee ku aadan kharashaadka ku baxay ciidamada Kenya ka joogo Soomaaliya. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa dejistay qorshe ah in bisha Disembar 2021 ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka, balse khuburada arrimaha ammaanka ayaa su’aal gelinaya suuragalnimada arrintasi. Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa bishii hore laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan 45 milyan oo dollar. Arrintan ayaa dhaqangeleysa sanad maaliyadeedka cusub ee bilowday bisha July, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo in ay ka baxaan Soomaaliya taas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya. Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland. Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab. Isha: Mustaqbal Media The post Sidee loo musuqay malaayiin dollar oo loogu talo-galay la-dagaalanka Al-Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
  20. Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiirka Gaashaandhigga Ireland Mudane Simon Coveney. Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Sidoo kale, Kulanka waxa looga hadlay doorashooyinka baarlamaaniga iyo midka madaxtinimo ee Soomaaliya, iskaashiga dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay ololaha Soomaaliya ee xubnaha Golaha amniga si guud ahaan dalka looga qaado cunaqabataynta hubka ee lagu soo rogay 23 Janaayo, 1992, taageerada amniga iyo howlgalka AMISOM. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Ireland oo ka wada hadlay taageerada amniga iyo wax wadaagga appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu guddi u saaray khilaaf culus oo u dhaxeeya Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo ku-xigeenkiisa dhinaca maaliyadda, khilaafkaas oo curyaamiyay dhamaan shaqooyinka gobalka Banaadir. Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in guddi ka kooban wasiiro, la-taliyeyaal Madaxweyne iyo Hanti-dhowraha Qaranka loo saaray in ay dhax-dhaxaadiyaan labadaan ma’suul si loo sii socodsiiyo shaqada dowladda Hoose oo wajaheysa culeysyo badan. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in bilooyinkii la soo dhaafay aan wax lacag ah laga soo bixin akoonada gobalka, waxaana diiday in uu saxiixo guddoomiyaha Maaliyadda, arrintaas oo sababtay in shaqaalaha qaar aysan mushaar qaadan muddo bilooyin ah iyo in ay istaagto shaqadii gobalka Banaadir. Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in ay sameeyaan qodobo lagu maamulo maaliyadda gobolka iyo jawi wadashaqeyn dhaxmarta Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Filish iyo ku-xigeenka dhinaca maaliyadda Caana-boore. Dowladda Hoose ee Xamar ayaa wajaheysa mid kamid ah marxaladihii ugu darnaa sanado kadib, waxaana la sheegay in ay ugu wacantahay maamul xumo iyo khilaaf ku dhax-raagay maamuliyiinta gobalka Banaadir. The post Farmaajo oo guddi u saaray khilaafka Gobalka Banaadir appeared first on Caasimada Online.