Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, markii uu xilka qabanayey 4 sano ka hor waxaa uu ballanqaaday dib u habeynta garsoorka iyo ka shaqeynta caddaaladda, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Mar dambe dhici meyso , oo anaa ballan-qaaday, oo dowladda ayaa ballan qaadday, qof Soomaaliyeed intuu hor-tago maxkamad caddaalad darro lagu sameeyo, howshaasi waa waxyaabaha dalkani meesha uu taagan yahay gaar siiyay, oo ilaahey noogu carooday, oo aan adduunka uga hooseyno , Labo qof iyo saddex qof oo xun, ka yeeli meyno in magaceenna isticmaalaan ummadda Soomaaliyeed duleeyaan oo dhibaato u geystaan oo xaq-darro ku sameeyaan u adkeysan meyno”. Farmaajo waxaa loo dhiibay dal federal ah, iyada la sameeyey sharciga adeegga garsoorka, waxayna ahayd inuu dhammeystiro: (1). Dhammeystirka qabyo qoraalka dastuurka (2). Dhismaha Maxkamadda dastuuriga (3). Dhismaha Golaha adeegga garsoorka (4). Sameynta Xeerka nidaamka garsoorka federaalka ah iyo arrimo kale oo muhiim u ah madaxbannaanida garsoorka dalka. 4 sano uu Farmaajo joogay, Muxuu ka qabtay Garsoorka? Doorashadiisa kaddib, wuxuu wacad ku maray isbeddel xagga garsoorka ah, isagoo kusoo koobay shaqadiisa oo dhan inuu maxkamadaha darajada 1-aad ee gobolka Banaadir beddelay min labo-jeer, waxaa kale uu min hal goor beddelay maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta dalka. Iyada oo aan lasoo marin sharciyadda garsoorka ee shaqo ka tirista garsooreyaasha ayaa Farmaajo waxaa uu ceyriyey 23 garsoore, waxaa uu shaqaaleysiiyey garsooreyaal ka badan 30 iyo kaaliyeyaal kuwaas oo lagu beddelay dad dhintay iyo qaar isaga tagay shaqada. Miisaaniyadda Garoorka: Garsoorka federaalka waxaa sannad walba kordhayey miisaaniyaddiisa sida $2.8 Milyan oo ah 2018-kii, $2.7 Milyan ayuu ahaa 2019, $3 Milyan halka sannadkan yahay $7.7 Milyan, laakiin ma jirin garsooreyaal cusub ama adeeg hor leh ama mushaar shaqaale oo kordhay. Siyaasadeynta Garsoorka: Dadka qaar waxay rumeysan yihiin in Farmaajo uu garsoorka ku milay siyaasadda, sida kiisaskii Cabdirashiid Janan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, , kiisas musuq lagu sheegay oo wasaaradaha gargaarka iyo caafimaadka iyo mas’uuliyiin furdada ahaa, waxaa intaa wehliyey kiisaskii weriyeyaasha Cali Aden iyo Cabdicaziz Gurbiye, oo lagu daray kiisas ay dhaqaajisay xeer ilaalinta oo aan maxkamad gaarin sida kiisaska Xildhibaannada Saabir Shuuriye iyo Xasan Macallin iyo kiiskii weriyaha VOA-da Haaruun Macruuf. Marka laga tago in 4 sano kaddib, uu isku beddelay garsooreyaal iyo guddoomiyeyaal maxkamadeed iyo qaar kale, siyaasadeyeyna garsoorka dalka haddana waxba kama qaban shaqooyinkii laga sugayey sida dhismaha maxkamad dastuuri ah, golaha adeegga garsoorka, lagama heshiin xeerka nidaamka garsoorka dalka, mana ka shaqeyn in gasroorka la federaaleeyo, oo lagu baahiyo jamhuuriyadda federaalka ah oo dhan. Xaaladda Garsoorka Maamullada Dalka: Gobolka Banaadir: Banaadir kama jiro maamul goboleed u gaar ah, mana laha maqaam, waa gobolka ugu dadka badan Soomaaliya, Muqdisho waa xarunta dowladda federaalka ah, waxaa ka jira garsoor, tusaale ahaan sida ay sheegeyso maxkamadda sare, dhammaan degmooyinka marka laga reebo Boondheere. Marka laga reebo Wadajir oo maxkamad leh inta kale waxay ku shaqeeyaan saldhigyada booliiska iyo degmooyinka. Maxkamadaha racfaanta, xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidanka waxay ku dhex shaqeeyaan maxkamadda gobolka Banaadir. Hirshabeelle: Hirshabeelle waxaa ay ka kooban tahay Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, gobolka Shabeellada dhexe, Magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka waa magaalada keliya ee saddex maxkamad ku yaallaan, Racfaanka, maxkamadda gobolka iyo maxkamadda degmada, waxaa kale oo xusid mudan in Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado la lahaa aaney hadda lahayn!! Gobolka Hiiraan: Magaalada Baladweyn waxaa ay leedahay Maxkamadda degmada iyo midda gobolka, qarash la’aan dhacday awgeed, maxkamadda degmada ayaa la isugu geeyay dacwooyinka darajada 1aad halka maxkamaddii gobolka loo beddelay racfaan, Buula-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Guud ahaan maamulka Hirshabeelle ma laha maxkamad sare iyo xeer ilaaiye, Galmudug: Maamulkan Galmudug waxaa dhowaan la magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaiye, waxaa jira goddoomiyeyaasha maxkamadaha gobollada, sidaas ay tahay ma laha xafiisyo iyo shaqo socota. Caqabadaha heysta garsoorka Galmudug waxaa ka mid ah iney dacwooyinka ku qaadaan geedaha hoostooda, maamulka oo dhan ma laha xabsi, oo dad xukuman ayaa ku xiran saldhigyada magaalooyinka oo aan loo hayn xabsi, mushaar la’aanta waa dhibaato kale. Koonfur Galbeed: Maaamul Goboleedka Koonfur Galbeed wax gacan ah kama helin dowladda federaalka ah, laakiin waxay leeyihiin gole adeeg, Baydhabo keliya ayaa waxaa ay leedahay adeeg garsoor oo dhammeystiran, laakiin sharciyada waa qaar aan federal ahayn, oo duugoobay, loomana diyaarin, maamulkan waxaa ka diiwaan geshan 25 qareen iyo 14 isugu jira garsooreyaal iyo inta oo kale kaaliyeyashooda ah oo Bay jooga halka inta kale oo Bakool ama Shabeellada hoose ah aaney diiwaan gashneyn, mushaarna iskaba daa. Dhibaatooyinka amni xumida iyo baahin la’aanta ah ay keentay waxaa ka mid ah in dhammaan maamulka wixii dacwo madani ah loo aado Al-shabaab kaddib markii March 2019-kii wixii ka dambeeyey la joojiyey qaadista dacwadaha dhulka. Waxaa xusid mudan Bakool ma qabto maxkamad racfaan halka Waajid iyo Bardaale xabsi la’aan yihiin. Waxaa jira caqabado maamulkani haysta, tusaale ahaan Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan, dowladda dhexe waxba kama helaan, haddii xitaa ay maxkamad xukun gaarto lama hayo ciidan fuliya iyo xabsiyo la geliyo!! Jubbaland: Kismaayo waxaa uu leeyahay gole adeeg garsoor, laakiin garsoorka ma dhaafo Kismaayo, waxaa ku taallo Maxkamadaha degmada, midda gobolka Jubbada hoose iyo midda racfaanka, Dacwooyinka ay qabtaan waa madani iyo ciqaab, waxaa kale oo jirta maxkamadda ciidamada. Wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo, xitaa garsoorka Kismaayo ka shaqeeya waxaa tababar iyo lacag siiya mamulka Jubbalabd. Puntland: Maamul goboleedka Puntland waa midka ugu dhaw xagga sharciyada federaalka ah, waxaa uu leeyahay Maxkamadda sare, mid dastuuri ah, xeer ilaalin, racfaan, maxkamadaha darajada heerka 1aad, guddiga sare garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, 3 garsoore maxkamadda sare, 2 garyaqaan, iyo xeer illaalinta. In kasta oo Maxkamadaheeda ay u dhisan yihiin qaabkii federaalka ah haddana sharciyada ay ku shaqeeyaan waa nidaamkii garsoorka ee dowladdii dhexe 1991-dii. Caqabadaha Haysta Garsoorka Dalka: Garsoorkii 1991-kii: Garsoorka hadda dalka lagu dhaqo waa midkii ay ka tagtay dowladdii dhexe 1991-kii, waxaa ay dhibaato ka jirtaa iswaafajinta nidaamkaasi iyo midka federaalka ah. Dastuur Federaal Ah: Dhammestirka dastuurka iyo heshiisyada siyaasiga ah, waxaa ku xiran in nidaamyadii kale ee federaalka ahaa ay shaqeeyaan, taasi oo aan suurogal ahayn inta dastuurka uu qabyo yahay oo aan la ansixin. Dhisme Garsoor Federaal Ah: Weli ma billaaban ka hadlidda nidaamka federaalka ah, Garsoorka dalku wuxuu noqonayaa saddex Heer oo kala ah: (a) Maxkamad Dastuuri ah (b) Maxkamadaha Heer Dowlad Federaal; iyo (c) Maxkamadaha Heerka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka. Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Heer Federaal waa Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyadoo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyaguna yeelanayaan Maxkamad Sare ee heer Dowladaha Xubinta ka ah federaalka oo iyaga u gaar ah. Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka: Qodobka 109 ee dastuurka waxaa uu ka hadlayaa dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, golahan waa uu laalan yahay, illaa iyo hadda lama oga wax ku dheggan, golaha waa midka hawsha guud ahaan garsoorka ku xiran tahay. Asaaska Maxkamadda Dastuurka: Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan garsoore oo uu ku jiro Garsooraha Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare, shaqadan weli ma billaaban Magacaabista Garsoorayaasha: Caqabadda ugu weyn ayaa ah: in garsooreyaashaasi ku yimaadeen xeer madaxweyne, waxaa ay shaqada ka tagi karaan marka ay madaxweynaha u soo jeediyaan Golaha Adeegga Garsoorku isagana uu saxiiso, golahii soo jeedin lahaa Haddaba, Farmaajo waxaa uu 4-tiisa sano ee Villa Somalia ku dhammeystay qardo-jeex iyo habab baalmarsan sharciga iyo dastuurka jamhuuriyadda federaalka ah, wax shaqo ahna kama qaban garsoorka dalka, hal sharci oo arrintan la xiriirta ma keenin baarlamaanka, balse taa beddelkeed, waxaa uu isaga isku noqday fulin, sharci-dejin iyo garsoor. Qiimeyn Hore: Farmaajo iyo Musuq-maasuqa 4-tii sano ee Lasoo dhaafay: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qaabiley wufuuda ku soo wajahan magaalo Marseedka Berbera oo maanta la shaacin doono furitaanka wejigii koowaad ee ballaadhinta Dekeda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkada Dp World. Madaxweynaha Somaliland ayaa la kulmay wefti ballaadhan oo uu hoggaamainayo wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele Iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu qaabiley ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Mudane Baciro Dja iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka soo qaybgalay munaasibada furitaanka Dekeda Berbera. Madaxweynaha Somaliland oo maalintii labaad ku sugan Gobolka saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera ayaa gelinka dambe ee maanta si ramsiya xadhiga uga jari doonta wajiga koowaad ee ballaadhinta dekada Berbera Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. On 25 April, the Somali National Army (SNA) shocked observers both inside and out the country as it split in two. Amid protests in the capital Mogadishu against the extension of the president’s term, gunfire erupted between hundreds of mutinous uniformed soldiers and those loyal to the government Source: Hiiraan Online
  4. Hanad Cali Guuleed, tifaftiraha TV-ga Goobjoog ayey xalay koox tuugaha ku dhaawaceen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Guuleed ayaa garabka bidix looga dhuftay toorey, waxaa loo geytay jir-dil ka hor inta aan laga qaadan labo Telefan agagaarka Siligga Mareykanka ee degmada Wadajir, caasimadda Muqdisho. Weriye Hana doo hadda xaaladiisa ay soo roonaaneyso ayaa lagu dhabiibay isbitaalka Kalkaal, waxayna dhakhaatiirta sheegeen inuu fudud yahay, oo uu guriga ku dhameysan karo daawada. “Hadda xanuun ayaa dareemayaa, laakin waxa i gaaray waa dhaawac fudud, ilaah ayaa mahad leh” ayuu yiri Hanad Guuleed oo la hadlay Goobjoog News Tuugada dhaca geysata ayaa kusoo badatay caasimadda Muqdisho iyaga oo aaney xaafadaha joojin wax askar ah ama ilaalo deegaan oo arrinkan wax ka qaban kara. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa saaka gaaray wafdi culus oo ka socda dowladda Itoobiya, kaas oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey dhismaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, waxaana sidoo kale qeyb ka ah madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar. Mas’uuliyiintan ayaa soo dhoweyn, kadib kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeeya Somaliland iyo sidoo kale dowladda Itoobiya. Ujeedka socdaalkooda ayaa la xiriira xarig jarka Dekedda Berbera, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hrageysa. Qaban qaabada munaasabadda daah-furka dekedda oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa haatan si weyn looga dareemayaa magaalada xeebeedka Berbera. Itoobiya ayaa saami ku leh dekedda magaalada Berbera, sidoo kalena waxay kala soo degtaa badeeco kala duwan oo la geeyo dalkaasi. Somaliland ayaa xiriir la-leh dowladda Itoobiya, walow muddooyinkii dambe uusan aheyn sidii hore, waxaana sameeyey isbaheysiga ay sameysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. The post Sawirro: Wafti ka socda dalka Itoobiya oo gaaray Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
  6. John McAfee oo ahaa asaasihii shirkadii ugu horreeyay ee sameysa barnaamijyada la dagaalanka virus-ka kombiyuutarada ayaa meydkiisa shalay laga helay qol ka mid ah xibsi uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Barcelona. John McAfee oo 75 sano jir ahaa ayaa dhimashadiisu timid saacado uun ka dib markii maxkamada qaranka Spain ay aqbashay in ay dib ugu celiso Mareykanka si uu ula kulmo dacwado la xiriira cashuur lunsi. “Wafdi garsoor ayaa yimid xabsiga si ay u baaraan sababaha keenay dhimashada, wax walba waxay tilmaamayaan dhimasho ismiidaamin ah (is dil ah)” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda gobolka Catalan. Bishii Oktoobar 2020 ayaa John McAfee lagu xiray Spain, isagoo doonayay inuu diyaarad u raaco Turkiga, waxaana lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu xereeyo canshuur celinta muddo afar sano ah. john David McAfee wuxuu ahaa barnaamij-yaqaan kumbuyuutar Ingiriis-Mareykan ah, ganacsade iyo musharax siyaasadeed oo sanadle ah. PUNTLAND POST The post Ninkii ugu horreeyay ee sameeyay Anti-virus oo is dilay appeared first on Puntland Post.
  7. Hilal Alhelwe's strike earned Lebanon a 1-0 win over Djibouti and a place in the FIFA Arab Cup 2021 main draw Wednesday. Source: Hiiraan Online
  8. Seket balaadhan oo ku taala Badhtanka Suuqa Hargeysa Oo Mar Qudha La faauqiyey Kadib Markii Uu Mulkiilihii Seketu Saddex Jibaaray Kiraddii Billaha Ahayd Sakad dheer oo illaa toban bakhaar in kabadani ku jireen oo ku taalay badhtamaha Suuqa weyn ee Hargeysa ayaa mar qudha la faaruqiyay kadib markii uu mulkiilihii lahaa uu saddex jiraabay kiraddii bilaha ahayd ee uu ay ku kiraynaayeen bakhaaradaasi. Ganacsatada ku ganacsanayay goobtan ee bakhaaradda ku lahaa dhismayaashan ayaa mar qudha faaruqiyay islamarkaana ka daad guraystay alaabtii u tiilay kadib markii uu Mulkiilihii lahaa dhismayaashan ku soo rogay lacag xad dhaaf ah oo la sheegay inay kor u dhaafayso 700-dollars “Todobada boqol oo Dollar”, taasi oo aad uga badan lacagtii ay markii hore ku kiraysnaayeen bakhaaraddaasi, waxaanay la noo xaqiijiyay inay markii hore guryahaasi ku kiraysnaayeen inta u dhexaysa 250 illaa 300 Dollar. Sakaddan oo ku taala kasoo horjeeda dhinaca qiblada ama woqooyiga Masjidka Ibraahim Dheere ee Badhtamaha Hargeysa oo markii hore camirnayd ayaa hadda hawaanaysa islamarkaana ay albaabadu u laaban yihiin kadib markii ay diideen ganacsatadu inay bixiyaan lacagta intaasi leeg, kana daad guraysteen agabkii ay ku iibinayeen, taasi oo ay sheegeen inaanu ganacsigoodu awoodi Karin inay kirada intaasi le’eg iska bixiyaan. Qaar ka mid ah Ganacsatadan oo Wargeyska Foore kula kulmay iyagoo alaabadooda ka daad guraysanaya ayaa noo sheegay inay dhismayaashaasi uga guureen kiraddii billaha ahayd oo qaab aan caadi ahayn mar qudha sare loogu qaaday, markii ay kasoo horjeesteen ee ay dalbadeen in wax laga dhimanna uu ka diiday mulkiilihii dhismahaasi lahaa, iyagoo sheegay inaanay jirin meel ay uga dacwoodaan keli ah inay uga guuraan mooyaane. Dhinaca kale, Wargeyska Foore oo isku dayay inuu helo mulkiilihii dhismahaasi ayaanay u suurtagali. Arintan ayaa muujinaysa xaaladdaha adag ee ay ku sugan yihiin ganacsatada yar yar ee ku ganacsada suuqyada Hargeysa kuwaasi oo la daalaa dhacaya kiro-qaaliyaw aan xad lahayd islamarkaana bil walba la kordhiyo taasi oo aan tudhaale lahayn islamarkaana waxa sidoo kale meesha ka maqan Doorkii Xukuumadda ee xakamayn lahayd qaaliyawga kiradda iyo doorkii ay ku bad baadin lahayd Ganacsiga yar yar oo door weyn ku leh dhaqaalaha dalka. Nidaamka kirada ee guryaha ah ayaa ah hadba waxa ku sar go’an inta uu doono qofka mulkiilaha guryaha ahi mana laha wax gorgortan ah, iyada oo aanay xukuumaddu wax saamayn ah ku lahayn ama ugu yaraan ah qiimo goyn la xidhiidha xaddiga lacagta kirooyinka. Waxaana inta badan guud ahaan Somaliland dadka ganacsatada ahi ka cawdaan xaddiga kirada guryaha ku habboon ganacsiga ee wajahaddaha ku yaalla oo aad qaali u ah. Qaran News
  9. (SLT-Hargeysa)-Maalmihii u dambeeyey, waxa uu kor u kac ballaadhani ku yimid qiimaha maciishada daruuriga ah ee bulshadu quudato, taas oo laga dareemayey guud ahaan-ba suuqyada Magaalooyinka waaweyn ee Somliland Maciishaddan kor u kacu ku yimid, ayaa waxa ka mid ah qiimaha badeecooyinka Raashinka oo ay ugu horreeyaan Sonkorta, Bariiska, Baastada, Daqiiqda iyo Saliida Cuntada oo ay cunnooyinka daruuriga ah ee shacabku ku nool yihiin taasi oo cidhiidhi galinaysa nolosha danyarta marka horeba sannadaha badan la soo dhibtoonayay qiim kaca mar walba ku yimaadda maciishadda daruuriga ah. Labadii Toddobaad ee ugu danbeeyay ayaa kiishka sonkorta ah waxa ku kordhay afar doollar, halka uu kiishka bariiska ah uu ku kordhay saddex doollar iyo badh, daqiiqda iyana beryahaba sare ayay u socotay, kartoonka baastada ah hal doollar ayaa isna fuulay, kartoonka sunfluorka ka ah laba iyo toban doollar ayuu kor u kacay. Dhanka kalena lama oga sababta keentay kor u kacan Maceeshada daruuriga ah, hase yeeshee, mid ka mid ah dad Bakhaarada ku haysa Hargeysa, ayaa Saxansaxo u sheegay in ganacsatada soo dejisaa, ay qiimaha kordhiyaan, marka Raashinku ku yaraado Bakhaaradooda, isla markaana Kaydooda gabaabsi noqdo, ee aanay Maraakiibna u taagnayn. Ganacsatada Somaliland, ayaa iyagu kolba sida ay doonaan ka yeela qiimaha ay ku iibiyaan raashinka, waxaana meesha ka maqan doorkii dawladda ee ilaalin lahayd lana socon lahayd qiimaha raashinka lagu iibiyo. Source
  10. Xubnaha Golaha deegaanka ee degmada Oodweyne ayaa maayarka degmada u doortay Xildhibaan Ibraahim Qasaal Rooble oo Xisbiga Waddani ka soo baxay, Halkay maayar ku xigeenka loo doortay Xildhibaan Maxamuud Macallin oo xisbiga Ucid ka soo baxay. Doorashadan oo muddo ay ku loolamayeen Xukumadda Kulmiye iyo isbahaysiga mucaaradka ayaa hadda ay ku guulaysteen xubnaha mucaaradka ka soo baxay oo iska dhex doortay maayarka iyo maayar xigeenka degmada. Qaran News
  11. Wefdi oo heer Federaal & heer Kilil isagu jira oo soo gaadhay MarsadaBerbera Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada ee JDFI Mudane Axmed Shide oo ay ku weheliyaan Wasiirada Gaadiidka ee JDFI Marwo Dhagmaawii Masgana iyo Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mudane Mustafa Muxumed Cumar iyo wasiirada DDS ayaa saaka ka kicitimay Magaalada Addis Ababa. Wafdigu kolka ay gaadheen Berbera waxaa ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Mudane Siciid Atqe iyo masuuliyiin xukuumada Somaliland. Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)-Sakad dheer oo illaa toban bakhaar in kabadani ku jireen oo ku taalay badhtamaha Suuqa weyn ee Hargeysa ayaa mar qudha la faaruqiyay kadib markii uu mulkiilihii lahaa uu saddex jiraabay kiraddii bilaha ahayd ee uu ay ku kiraynaayeen bakhaaradaasi. Ganacsatada ku ganacsanayay goobtan ee bakhaaradda ku lahaa dhismayaashan ayaa mar qudha faaruqiyay islamarkaana ka daad guraystay alaabtii u tiilay kadib markii uu Mulkiilihii lahaa dhismayaashan ku soo rogay lacag xad dhaaf ah oo la sheegay inay kor u dhaafayso 700-dollars “Todobada boqol oo Dollar”, taasi oo aad uga badan lacagtii ay markii hore ku kiraysnaayeen bakhaaraddaasi, waxaanay la noo xaqiijiyay inay markii hore guryahaasi ku kiraysnaayeen inta u dhexaysa 250 illaa 300 Dollar. Sakaddan oo ku taala kasoo horjeeda dhinaca qiblada ama woqooyiga Masjidka Ibraahim Dheere ee Badhtamaha Hargeysa oo markii hore camirnayd ayaa hadda hawaanaysa islamarkaana ay albaabadu u laaban yihiin kadib markii ay diideen ganacsatadu inay bixiyaan lacagta intaasi leeg, kana daad guraysteen agabkii ay ku iibinayeen, taasi oo ay sheegeen inaanu ganacsigoodu awoodi Karin inay kirada intaasi le’eg iska bixiyaan. Qaar ka mid ah Ganacsatadan oo Wargeyska Foore kula kulmay iyagoo alaabadooda ka daad guraysanaya ayaa noo sheegay inay dhismayaashaasi uga guureen kiraddii billaha ahayd oo qaab aan caadi ahayn mar qudha sare loogu qaaday, markii ay kasoo horjeesteen ee ay dalbadeen in wax laga dhimanna uu ka diiday mulkiilihii dhismahaasi lahaa, iyagoo sheegay inaanay jirin meel ay uga dacwoodaan keli ah inay uga guuraan mooyaane. Dhinaca kale, Wargeyska Foore oo isku dayay inuu helo mulkiilihii dhismahaasi ayaanay u suurtagali. Arintan ayaa muujinaysa xaaladdaha adag ee ay ku sugan yihiin ganacsatada yar yar ee ku ganacsada suuqyada Hargeysa kuwaasi oo la daalaa dhacaya kiro-qaaliyaw aan xad lahayd islamarkaana bil walba la kordhiyo taasi oo aan tudhaale lahayn islamarkaana waxa sidoo kale meesha ka maqan Doorkii Xukuumadda ee xakamayn lahayd qaaliyawga kiradda iyo doorkii ay ku bad baadin lahayd Ganacsiga yar yar oo door weyn ku leh dhaqaalaha dalka. Nidaamka kirada ee guryaha ah ayaa ah hadba waxa ku sar go’an inta uu doono qofka mulkiilaha guryaha ahi mana laha wax gorgortan ah, iyada oo aanay xukuumaddu wax saamayn ah ku lahayn ama ugu yaraan ah qiimo goyn la xidhiidha xaddiga lacagta kirooyinka. Waxaana inta badan guud ahaan Somaliland dadka ganacsatada ahi ka cawdaan xaddiga kirada guryaha ku habboon ganacsiga ee wajahaddaha ku yaalla oo aad qaali u ah. Source
  13. Following street protests in Mogadishu and elsewhere in Somalia by mothers of army trainees supposedly in Eritrea, as well as criticism from other entities, Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble has created a panel to investigate the claims. Source: Hiiraan Online
  14. Tuug waa is qariyaa halkuu ka xado tulud…ee toddobaadkan xaajow mid tiriig sita yimid. 2005, beesha maanta tirada ugu badan ka heshay golaha wakiilada, isla iyada ayaa sanadkaana haysatay kuraasida ugu badan ee golaha wakiilada, waxana ay la soo baxday xildhibaanada ugu badnaa golayaasha deegaanka Ceerigaabo iyo Hargeysa. Waxaan is weydiinayaa erayga uu wasiir hore Maxamuud Xaashi ku sheegay ” cuqdad” goorta ay shacabka intaa le’egi u xanuunsanayeen. Ku tiiq-tiiqsiga iyo xulashada uu Maxamuud Xaashi u isticmaalay mushtamaca intaa le’egi waa gef cadaan ah oon qaban. Bal aynu isweydiinee dadka uu sheegay goormay ka maqnaadeen golayaasha qaranka ee ay noqdeen kuwo la riixo oo la yaraysto ama ay laf ahaantoodu isu arkeen dad la yaraystay oon geyin hogaanka dalka ama golayaashiisa. Waaba u cudurdaari lahaa haddii uu ku koobo in doorashadani ay kaga duwanayd tii 2017kii in aanay tartamayn 3 qof oo madaxweyne doonaaya iyo ku xigeenadoodii oo aanay doorashadu ahayn mid xukuumaddii talada haysay ee uu isagu ku tagrifalaayay aanay qabyaaladeyn oo aanay jeegaamayn. Haddii maanta uu madaxweyne Muuse Biixi ka maarmay shirqooladii iyo talooyinkii beelaysnaa ee qarankan dib u dhigay ee Maxamuud uu ku dhaawacay taariikhdii xukuumaddii uu hogaaminaayay halyeygii,halgamaagii weynaa ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo “, waxay ahayd inuu beryo dhuunto, se waa nasiib daro inuu weli fagaarayaasha ka shubo hadalo laysku soo.toostoosiyay iyo ku faanid iyo dhoola-tus uu kula jiro madaxweynihii uu shalay lahaa ” Maaha Awr buubaal ah ee waa hayin biyo ma daadshaan ah “. Si kastaba ha ahaatee waxa nasiib daro ah in ummad dhan oo inta badan dhulka Somaliland ku nool oon weligood quudhsi tirsan uu ninkaasi ku sheego in cuqdadii haysay ay been ahayd oo ay doorashadan meesha ka saartay iyagoo tii tan ka horeysay ay 19.xildhibaan ku haysteen golaha wakiilada halka deegaanka ku soo xigay uu 16 xildhibaan lahaa. W/Q Mustafe Cabdi Ciise Shiine Source
  15. Muslim charities from across Canada, fearful they are being unfairly singled out for audits, want the national security watchdog to investigate the matter. Source: Hiiraan Online
  16. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sh/ Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhigaciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan ay ka qeyb-qaateen ciidamada AMISOM oo madaafiic ku riday raggii weerarka ku soo qaaday deegaanka Biyo Cadde. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaad ka hor weerar is-miidaamin ahaa ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Biyo Cadde, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyey saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay Korneyl Saney Cabdulle oo dhaawiciisa loo qaaday dalka dibadiisa. Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay inay la wareegtay deegaanada War-Ciise, Qordheere , kadib markii deegaannadaas ay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa baahisay in haatan ay maamuleyso gacan ku heynta deegaanadaasi oo dhowaan ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey labada dhinaca. Sidoo kale wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamadii ku sugnaa deegaanadaasi ay dib ugu laabteen degmada Raage Ceelle, waxaana hoggaaminayo taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan gobolka Sh/Dhexe. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada milatariga iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan Shabeelooyinka oo ay weli ku xoogan tahay Al-Shabaab. The post Dagaal culus oo markale ka dhacay Biyo Cadde + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  17. With the Olympics in Tokyo now just a month away, Somalia is set to send its first female taekwondo athlete to the games in Japan. Source: Hiiraan Online
  18. After the GOP moved to censure Ilhan Omar, House Democratic Leader Steny Hoyer defended her. Source: Hiiraan Online
  19. (SLT-Oodweyne)-Xubnaha Golaha deegaanka ee degmada Oodweyne ee xarunta Gobolka Daadmadheedh ayaa maayarka degmada u doortay Mudane Ibraahim Qasaal Rooble oo Xisbiga WADDANI ka soo baxay, halka maayar ku xigeenka loo doortay Mudane Maxamuud Macallin oo xisbiga UCID ka soo baxay. Doorashadan oo muddo ay ku loolamayeen Xukumadda Kulmiye iyo isbahaysiga mucaaradka ayaa hadda ay ku guulaysteen xubnaha mucaaradka ka soo baxay oo iska dhex doortay maayarka iyo maayar xigeenka degmada. Source
  20. Al-Shabaab militants have taken control of a town in Somalia shortly after the Uganda People’s Defence Forces (UPDF) handed it over to the federal government there. Source: Hiiraan Online
  21. The UN's special envoy to Somalia said that completing the electoral process on time and based on consensus in the Horn of Africa country is “critical." Source: Hiiraan Online
  22. (SLT-Tigray)-Ciidamada Falaagada TPLF ayaa la sheegay inay la wareegeen xarunta Raadeerada ee la socodka duulimaadyada gobolka Tigray. Warbaahinta ayaa tabineysa in dagaalka markale qarxay ee u dhaxeeya Millatariga dalka Itoobiya oo garab ka helaya kuwa Ereteria iyo ciidamada Falaagada Tigrayga inuu ka dhashay khasaara badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Deegaanka ay la wareegeen ciidanka Falaagada ayaa lagu magacaaba Raaya, waxaana la sheegay in halkaasi diyaaradaha dalka Itoobiya duqeymo culus ka geysteen. Saraakiisha TPLF ayaa sidoo kale sheegatay inay soo rideen diyaarad ay leeyihiin Millatariga dowladda Itobiya taasoo nooceedu yahay C-130 Hecules. Diyaaradaha Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeyn ka geysteen Suuq ku yaalla magaalada Makelle, waxaana la sheegay iney ku dhinteen dad gaadhaya 43 qof. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidammada TPLF aay qabsadeen Saldhigyo kale oo aay haysteen saacado kooban dabadeedna aay isaga baxeen si aanan loogu duqeynin. Dagaaladan dib uga billaamay gobolka Tigray ayaa imaanaya xilli gobolkaasi aay ka taagneed xaalad Bani’aadanimo midka ugu daran waxaana mar kale halkaasi dib uga bilaawday barakac xooggan oo ay sameynayaan dadkii ku harsana deegaanada gobolkaasi. Source
  23. (SLT-Barcelona)-Ganacsade John McAfee oo ah ganacsade ka shaqeeya barnaamijyada ladagaalanka virus-ka ayaa meydkiisa laga helay xabsiga Barcelona saacado kadib markii maxkamada Spain ay aqbashay inay dib ugu celiso Mareykanka si uu ula kulmo dacwado la xidhiidha la baxsi canshuur.Waaxda Caddaaladda ee Catalan ayaa sheegtay in dhakhaatiirta xabsiga ay isku dayeen inay badbaadiyaan, laakiin aysan ku guuleysan. Bayaan ay soo saartaya dowlada Spain ayaa lagu sheegay in Mr McAfee uu is dilay. Shirkadda Mr McAfee waxay soo saartay barnaamijkii ugu horreeyay ee ganacsi ee lagula dagaallamo fayraska. McAfee VirusScan wuxuu helay balaayiin doollar, ugu dambayntiina waxaa looga iibiyey shirkadda weyn ee teknoolojiyadda Intel in ka badan $ 7.6bn (£ 4.7bn). Bishii Oktoobar 2020, Mr McAfee waxaa lagu xidhay Spain isagoo doonayay inuu diyaarad u raaco Turkiga, waxaana lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu soo xareeyo canshuur celinta muddo afar sanno ah, inkastoo uu ka kasbaday malaayiin shaqo la-talin iyo barnaamijyo kale. Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku andacootay in Mr McAfee uu ka baxsaday mas’uuliyadda canshuuraha iyadoo dakhligiisa lagu shubo akoonnada bangiyada iyo akoonnada sarrifka ee loo yaqaan ‘cryptocurrency’ magacyada dadkale oo aan la aqoon. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu qariyey hanti, oo ay ku jiraan doonyaha iyo hantida maguurtada ah, isagoo isticmaalaya magacyada dad kale. Maxkamadda Qaranka ee Spain ayaa u oggolaatay dhiibistiisa Mareykanka inuu wajaho eedeymaha subaxnimadii Arbacada. Sannadihii la soo dhaafay, Mr McAfee wuxuu si isdaba joog ah u sheeganayay inay jirto qorshe la doonayo in lagu xidho – si kastaba maxkamada ayaa sheegtay in “aysan jirin cadeyn muujineysa” in loo maxkamadeynayo sababo siyaasadeed ama fikir, sida ay werisay El Pais. Ganacsadaha, oo ku dhashay magaalada Gloucestershire, ee dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay caan ku noqday 1980-meeyadii markii uu aasaasay shirkaddiisa tiknoolajiyadda McAfee VirusScan. In kasta oo uu hormood ka ahaa ammanka kombuyuutarka, haddana wuxuu mar qirtay BBC-da in uusan waligii barnaamijkaas ku isticmaalin kombiyuutarkiisa gaarka ah – ama barnaamij kasta oo ka hortagga fayraska. “Waxaan naftayda ku ilaaliyaa anigoo si joogto ah u badalaya cinwaankayga IP [internet protocol], anigoon magacayga ku lifaaqayn aalad kasta oo aan isticmaalo, iyo inaanan aadin goobaha aad ka qaadan karto virus,” ayuu u sheegay weriyaha teknolojiyada ee BBC Leo Kelion sanadkii 2013. Wuxuu sidoo kale bilaabay dadaalo uu ku doonayay inuu ku noqdo musharaxa Xisbiga Libertarian ee doorashooyinka madaxtinimada ee 2016 iyo 2020 balse wuu ku guuldareystey. Sannadkii 2019 Mr McAfee wuxuu muujiyey sida uu u neceb yahay canshuuraha, isaga oo bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuusan bixin wax canshuur ah muddo siddeed sano ah isagoo ku tilmaamay canshuurtu inay tahay sharci darro. Source