-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cismaan Xaaji Maye (Iskoot) oo ka mid ahaa difaacayadii ugu adkaa Xulka Soomaaliya iyo naadiga Horseed,sanadihii la soo dhaafay wuxuu ahaa macallinka Xulka Qarankaa Miniftootboolka ee ka qeybgalay tartamo caalami,welina isaga ayaa ah tababaraha Xulka Qaranka kubad cagyaraha Soomaaliya,maamulka Xiriirka Kubad cagyaraha iyo taageerayaasha Minifootboolka ayaa sheegay in ay ku kalsoonyihiin aqoonta iyo khibrada Macallin Iskoot. “Macallin Cusmaan Iskoot wuxuu ka mid yahay tiirarka uu ku taaganyahay Xiriirka Minifootboolka dalka,waxaan diyaar u nahay in aan ka faa’idaysano khibradiisa iyo aqoontiisa xaga hogaaminta Xulka Qarankeena” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadann Cabdulle. “Madaxda Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya ee SOMFA kaalin waaweyn ayay ku lee yihiin horomarinta iyo guulaha Minifootboolka Caalamka” ayuu Goobjoog ugu waramay Falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo oo ka faa’looda ciyaaraha gudaha iyo dibadda. “Macallinka Cusmaan Iskoota waa Hanti Qaran,Xulka Qaranka Minifootboolka wuxuu gaarsiiyay horomaro kala duwan,waxaan ka sugayaan in ay noo soo hooyo koobka Qaarada Afrika ee ka dhacaya Wadanka Nigeria ” ayuu Goobjoog u sheegay ciyaaryahan hore kubbadda cagta ahna falanqeeye ciyaaraha gudaha Cabdullahi Faarax Daguur. “Bandhiga iyo awooda iyo tababare Cusmaan Iskoot waxaan aragnay sanadii 2016 markaas uu watay dhalinyaro aad u yar,waxay xiligaas soo hooyeen guulo taariikh ah,balse Xulka Qaranka Minifootboolka waxaan ka sugayaan in Soomaaliya ay u soo hooyaan natiijo lagu faxo,maadama ay ka qeyb galayaan tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka” ayuu Goobjoog u sheegay Falanqeeye Cabdirashiid Maxamed Nuur (Shardinho). Sidoo Kale Daawo Warbixin Ku Saabsan Macallin Iskoot Aqriso Warar Kale Oo Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Rabnaa In Aan Fursad Siino Halmilyan Oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Matasha Xulka Qaranka Soomaaliya”. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-loollanka shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xaraaradiisu ay cirka isku shareeraysaa,kaas oo u dhaxeeya Xisbiyadda isbahaysiga Mucaaradka Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE oo isagu helay tiro yar oo kuraasta Golaha Wakiillada ah, kaas oo isku deyaaya in xubno kale uu ka soo jilaabto labada Xisbi Mucaarad,halka ay iyaguna difaaca xidheen,isla markaana ay samaynayaa isku dayo ay kuwiisa ku soo xod-xodanayaan. Haddaba loollanka shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ee u dhaxeeya isbahaysiga Mucaaradka Somaliland,ayaa ah mid u eeg kii isbahaysiigii UCID iyo KULMIYE ay sannadkii 2005-kii ku qabsadeen shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay kaga adkadeen Xisbigii UDUB oo xiligaas tallada dalka hayey,balse wuu ka xamaasad baddan yahay. Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa Guddoomiyaha Xisbigii UDUB ayaa xilligaas sameeyey dedaalo kale duwan oo uu ku doonnayey inuu ku mijo xaabiyo isbahaysiga UCID iyo KULMIYE,isagoo Xisbigiisu u baahnaa keliya lix Xilhdibaan si uu kooramku uu ugu buuxsamo,balse uma ay suuragelin,waxaanu go’aansaday inuu iska iimaansado intii uu haystay,isla markaana uu u badheedho in ka-fadhiga uu wakhtigiisa ku qabto oo aan dib loo dhigin,maddaama uu oggaa in aanu shir Guddooonka helayn,haddana waxa uu sameeyey dhiiranaan,taas oo ahayd in ay Xildhibaanadiisii yimadaan Golaha oo ay dhammaan ka soo qayb-geleen kalfadhigaas. Dhanka kalene Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka dhacday uu Xisbigiisa KULMIYE helay 30 Xildhibaan oo u baahan inuu helo 12 Xildhibaan si uu kooramku uu ugu buuxsamo,balse taas ayaa adag xilligan,maddaama oo ay si weyn isku hayaan isbahaysiga Mucaaradka Somaliland oo iyagu haysta aqlabiyadda Golaha Wakiillada,isla markaana ku heshiiyey inay xubnaha shir Guddoonka kale qataan,kuwaas oo qaydhinka ku sii kala qaybsaday xubaha Shir Guddoonka, iyadoo Xisbiga WADDANI uu qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,halka Xisbiga UCID uu isna qaatay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha. Geesta kalene waxa la is weydiinayaan Madaxweyne Biixi ma qaadan donnaa go’aankii geesinimadda lahaa ee Riyaale uu qaadatay xilligan oo kale ,Madaxwene Biixi ma ku furri doonnaa kal-fadhiga koobaad ee Golaha wakhtigiisi,? mise marka uu oggaado in aanu haweysanayn shir Guddoonka Golaha waxa uu bilaabi doonnaa xeelado kale iyo xubnaha xisbigiisa oo ka muquurta kal-fadhiga Golaha Wakiillada,? sida haddaba ay xubnaha Golayaasha degaanka ee Xisbiga KULMIYE ay fadhiyadda qaar uga muquurteen, marka ay arkaan in laga haysto aqlabiyadda,waxaynu dhawrnaa waa qabsoomida doorashada shir Guddoonka Golaha Wakiillada iyo tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweyne Biixi nooca ay noqon doonnaan. Source
-
Cabdirasaaq Khaliif Axmed waa afar iyo kontan sanno jir 54 laba xaas leh iyo Aabbaha sideed carruur ah,waxa uu kamid yahay Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ee Gobolka Sool laga soo doortay,kaas oo kamid ah masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga WADDANI,isagoo hadda u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI oo haysta aqlabiyadda Golaha Wakiillada ay isku raceen inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. Dhalashadiisii iyo Bar-baarintiisii Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa Magaalada Laascanood ku dhashay sannadkii 1967-kii,halkaas oo uu ku soo qaatay qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo iyo waxbarashadiisa aasaasiga ahayd. Heerkiisa Wax-barasho Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa wax-barashadiisii sare ku soo qaatay Magaalada Muqdisho. Jaamacadda Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa dhammaystay wax-brashada Jaamacadda heerka koobaad,waxaanu sidoo kale bartay culuumta caafimaadka,balse kuma uu shaqayn,sida uu sheegay isagu. Ganacsiga Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa laga soo bilaabo sannadkii 1991 ilaa 2010-waxa uu ku hawlanaan Ganacsiyo uu gaar ah isaga iyo kuwa uu saamiyo ku leeyahay,isaga oo madax ka ahaa shirkaddo waa weyn oo ka hawlgala guddaha dalka iyo deba. Siyaasadda iyo Xilalkii uu Soo Qabtay. Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa ah siyaasi degan oo qunyar socod ah,isla markaana u dhuun-dalloola siyaasadda Somaliland,waana siyaasi dhaqan yaqaan ah oo maddaale ah oo yaqaan shaxda siyaasadda Somaliland godadkeeda kale duwan hadba ka uu degayo. Cabdirasaaq Khaliif Axmed sannadkii 2010-kii ayaa Madaxweyne Siilaanyo uu u magaacabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland,waxaanu xilkaas hayey muddo saddex sanno ku siman, Sannadkii 2013-kii ayaa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u Magacaabay oo u beddalay Cabdirasaaq Khaliif Axmed inuu noqdo wasiirka wasaaradda hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta Somaliland,waxaanu xilkaas hayey muddo laba sanno ku siman,kaas oo uu si iskii ah iskaga casiley dabayaaqadii sannadkii 2015-kii Xisbiga WADDANI Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa ku biiray Xisbiga WADDANI,waxa aanu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxaam Maxamed Cabdilaahi Cirro uu u magacaabay sannadkii 2016-kii u Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga WADDANI . Sannadkii 2018-kii ayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxaam Maxamed Cabdilaahi Cirro uu u magacaabay Cabdirasaaq Khaliif Axmed inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI, kaas oo uu ilaa hadda hayo Gunaanadkii Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo ah nin siyaasad ahaan degan,ayaa hadda u tartamaya inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,kaas oo labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI ay isku raceen,waxaana loo sadaalinayaan inuu xilkaas uu ku guulaysan doonno dhawaan. Source
-
Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa si weyn uga dhex qarxay khilaaf xoogan oo la xiriira doorashada lagu wado inay ka qabsoomto dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Guddoomiye Gacal ayaa waxa uu khilaafkooda la xiriira xubnaha ka imaanaya maamulka Galmudug ee Aqalka Sarre, kuwaasi oo uu madaxweynuhu rabo inuu si madax-banaan u maamusho, halka Gacal uu ku doodayo in si daah-furan looga shaqeeyo. Xubnaha Galmudug ee Aqalka Sarre oo tiradooda dhan tahay ilaa Siddeed xubnood ayey hanaanka xulistooda ka taagan tahay maamulkaas, midaasi oo sarre u qaaday guux ka dhex taagna baarlamaanka iyo madaxtooyada Galmudug. Siddeeda xubnood ee ka imaanaya maamulka Galmudug ayaa waxaa dooranaya baarlamaanka maamulkaas, waxayna dooda u adag ka taagan tahay in kuraasta Siddeeda ah loo xiro shaqsiyaad gaar ah oo uu gadaal ka taagan yahay Qoor-Qoor iyo inay noqoto mid daah-furan oo loo tartami karo. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku doodaya in howsha doorashada iyo abaabulkeeda ay u xilsaaran tahay xukuumaddiisa, islamarkaana aysan jirin door badan oo uu ku leeyahay baarlamaanka, midaasi oo ka careysiisay Gacal oo asagu qaba in mas’uuliyad ka saaran tahay hanaanka xulista xubnaha ka qeyb-galaya doorashadaas. Si kastaba, khilaafka ka dhex qarxay Qoor-Qoor iyo Gacal oo xiligan maraya meel sarre, ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya loolanka adag ee mas’uuliyiintu ugu jiraan in xubno muuqda ku dhex yeeshan goleyaasha cusub ee soo socda. The post Xog: Khilaaf iyo loolan xoogan oo ka dhex qarxay Qoor Qoor iyo Gacal + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Midowga Yurub waa inuu cusbooneysiiyaa heshiiska socdaalka ee ay la saxiixdeen Turkiga sanadkii 2016, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Ursula von der ayaa sheegtay Talaadadii ka hor shir madaxeedka Midowga Yurub oo looga hadlayo cusboonaysiinta heshiiska. Bishii Maarso 2016, Midowga Yurub iyo Turkiga waxay gaareen heshiis lagu joojinayo socdaalka aan caadiga ahayn ee looga soo tallaabayo badda Aegean lana hagaajiyo xaaladaha in ka badan 3 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah oo ku sugan Turkiga. Heshiiska ayaa lagu guuleystay in la joojiyo qulqulka muhaajiriinta iyo qaxootiga, laakiin diidmada Midowga Yurub ee ah in qaxootiga laga qaado Turkiga, iyo caqabadaha xafiisyada ee wareejinta lacagaha loo ballanqaaday ee qaxootiga ayaa horseeday cambaareyn kulul oo uga timid siyaasiyiinta Turkiga. Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan wuxuu ku dhaleeceeyay Midowga Yurub inay ka gaabiyeen inay fuliyaan balanqaadkoodii ahaa inay dhaqaale ku siinayaan muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Turkiga oo qeyb ka ah heshiiska halka loo qoondeeyay balaayiin Yuuro Giriiga. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo sheegay in uu cusboonaysiinayo heshiiska socdaalka ee uu la saxiixday Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada Soomaalida ayaa ka hadlay falalka afduubka ah ee muddooyinkii dambe kusoo badanayey dalka Kenya, kaasi oo lagu kacay dad dhowr ah oo u badan Haween Soomaali ah. Sheekh Umal ayaa ugu horeyntii ka digay buun-buuninta falalka noocaas ah, midaasi oo uu sheegay inay ka dhalan karto cabsi iyo wel-wel ka badan isla dhacdadaas. Waxa uu shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay inay raacan 5 qoddob oo tallooyin ah si looga hortago Afduubka kusoo cusboonaday magaalooyin kamid ah dalka Kenya, kuwaasi oo kala ah; In qof kasta uu afka ku hayo xuska Alle iyo ducada oo uusan ka bixin, lagana tegin xirsi-xirka – isagoona soo jeediyay in la baro dumarka iyo carruurta ducooyinka iyo adkaarta. In lala dagaallamo shabakadaha afduubka geysta, islamarkaana laga wacyi-geliyo dhibaatadiisa dadweynaha. In qof kasta uu ka feejignaado oo uu iska ilaaliyo goobaha halista ah iyo in qofka inuusan socon xilliyada qaar. In aanan marnaba la bixinin madax-furasho, taasi oo horseedi karta haddii la fuliyo inay sarre u kacaan falalka afduubka ah. In marnaba aan gabaad la siin dadka afduubka geysta. Falalka afduubka ayaa kusoo badanayey dalka Kenya, gaar ahaan caasimada, ayada oo booliska ay saddex cisho ka hor soo bad-baadiyeen gabadh kamid aheyd dad lagu afduubtay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa. Waxaa cabsi weyn soo food-saartay Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan haweenka, tan iyo markii ay soo baxeen dhacdooyinka naxdinta leh ee afduubka ah. The post Sheekh UMAL oo soo saaray 5 qodob oo looga hortagayo afduubka ka bilowday Nairobi appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa dhamaan la fasaxay xildhibaanada baarlamaanka dalka Uganda kadib markii uu dalkaasi ku soo laba kac leya xaniinka corona virus. Guddoonka ayaa sheegay kadib markioi ay sara u kacday tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka corona ee gudaha dalka Uganda si looga taxadaro xanuunka in kulamada baarlamaanka la hakiyay . Qoraal ka baxay madaxada xiriirka bulshada iyo warbaahinta baarlamaanka ayaana lagu sheegay in la fasaxay xildhibaanada baarlamaanka . Source: goobjoog.com
-
Daraasad ay sameysay jaamacadda City ee magaalada Muqdisho ayey kaga digtay suurtagalnimada in la sumeeyo badda ka dib markii ay badatay dhimashada nooc ka mid ah kalliinada laga helo badda Soomaaliya. Daraasaddan oo ay soo saartay Machadka Kalluumeysiga iyo Cilmiga Badda ee jaamacadda City ayaa lagu sheegay maalmihi la soo dhaafay oo ay u kacsaneyd badda, sidoo kalena ay sii kordhayeen dhimashada mid ka mid ah Mallaayga oo aad loo isticmaalo . Kalluunka loo yaqaano Qurumbow (pufferfish) ayaa badda ay soo tuftay iyadoo kalluunka lagu arkayay hareeraha xeebta isagoo ku soo cariyay. “Qoraalladii hore waxay soo jeedinayaan in dhimashooyinka noocan oo kale ah ay mararka qaar u dhacaan si dabiici ah. Kalluunka Qarambow ee ku nool biyaha gacmeed ee u dhow xeebta kuma noolaan karo badweynta. Dabaylaha, duufaanka iyo hirarka mararka qaarkood waxay soo jiidaan biyaha waxayna ku tuuraan kalluunka xeebta, ’ ayaa lagu yiri warbixin horu-dhac ah oo ay soo saartay Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho . Cilmi baarista jaamacadda ayaa sidoo kale looga digay cunista kalluunkan iyadoo sheegtay in laga qabo casi ah in la sumeyay . Soo helitaanka kalluunka dhintay ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jirto cabsi laga qabo kadib markii uu quusay markab ay ku jireen dhowr tan oo kiimiko xilli uu marayay biyaha magaalada Colombo ee caasimadda Sri Lanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Afar kamid ah Sacuudiyaankii ka qeyb qaatay dilkii sanadkii 2018 Dalka Turkiga loogu geystay wariyihii Washington Post ee Jamal Khashoggi ayaa la sheegay inay tababar qaas ah ku qaaten Mareykanka hal sano ka hor xiliga ay shirqoolka sameenayeen. Qandaraaska Tababarka ay Mareykanka ku qaateen xubnahaan ka qeyb galay shirqoolkii ka dhacay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul ee lagu dilay Khashoggi ayaa waxaa ansixisay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, sida Talaadadii shalay aheyd lagu daabacay New York Times. Tababarka ayaa waxaa bixisay Tier 1 Group oo ay leedahay shirkadda sida gaarka ah loo leeyahay ee Cerberus Capital Management, waxaana ujeedka tababarka uu ahaa inay kamid noqdaan ilaalada gaarka ah ee madaxda Dowladda Sacuudiga, sida lagu daabacay New York Times. Shirkadda Cerberus Capital Management ayaan wax jawaab ah bixin kadib markii Wakaaladda Wararka ee Reuters u gudbisay codsi ah inay ka jawaabaan kiiska ku saabsan xubnahaan ka qeybgalay tababarka ay shirkaddaan qadaraaska kusoo qaadatay. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price oo ka jawaabayey warbixinta ay qortay New York Times ayaa sheegay in sharciga u yaalla Wasaaradda uusan u ogoleyn inuu ka jawaabo wax kasta oo ay qorto Warbaahinta. Price ayaa sidoo kale sheegay in siyaasada Mareykanka ee ku wajahan Sacuudi Carabiya “ay mudnaanta siin doonto sareynta sharciga iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.” Khashoggi oo heystay deganaanshaha Mareykanka ayaa Washington Post ku qori jiray faalooyin lagu dhaleeceeyey dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salman. Waxaa dilay oo jarjaray koox howl wadeeno ah oo xiriir la leh Amiirka, wuxuuna dilkaas ka dhacay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul Bishii October ee sanadkii 2018. Madaxa shirkadda Cerberus Louis Bremer ayaa xaqiijiyay doorka shirkaddiisu ku leedahay tababarka afar xubnood oo tirsan kooxda dilka Khashoggi sanadkii hore jawaabo uu ka bixiyay su’aalaha xubnaha Congreeska, taas oo qeyb ka aheyd magacaabistiis xilka sare ee wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon ee maamulkii madaxweyne Donald Trump, sida laga soo xigtay New York Times. Sharci-dejiyeyaasha Mareykanka weligood ma helin jawaabahan maxaa yeelay maamulkii Trump uma muuqan inuu Congresska u diro kahor inta aanu ka noqon magacaabista Bremer, sida laga soo xigtay New York Times oo intaas ku dartay in Bremer uu qoraal ahaan u gudbiyay. Bremer wuxuu sheegay in Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka iyo wakaaladaha kale ee dowladda ay mas’uul ka yihiin kala shaandheynta ciidamada shisheeye ee lagu tababaray iida Mareykanka, sidaana waxaa qortay New York Times. The post Raggii dilay suxufi Jamal Khashoggi oo la ogaaday in lagu soo tababaray dal kale appeared first on Caasimada Online.
-
Gaadhi Nooca Xamuulka Qaada oo xanibay Isusocodka Gaadiidka Waddada isku xidha Hargeysa & Berbera Gaar Ahaan Dooxa Darigodle. Gaadhiga Buudhigii Uu Jidaayay Oo Sibidh Saaranyahay Ayaa Dhex Ka Kala Leexday Oo Wadadu Halkay Dooxa Ka Gasho Isku Balaadhiyay Iyada Oo Taayirada Danbena Uu Kala Dhacay Buundada Dooxa Halka Kurtii Horena Bundad Dhinaceeda Kala Ka Laalaado. Goob Yar Oo Banaan Oo Doox Ah Ayay Gaadiidka 4WD Ahi Dirqi Ku Marayaan Marayaan Gaadiidka Intii Kale Waa Xanibanyihiin. Aniga Oo Kamida Dadka Halkaas Ku Xaniban Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi Aan La Hadlay Waxa Uu Iisheegay Inay Isaga Iyo Gurmad Kale Soo Socdaan Si Ay Wadadaas Ufuraan Qaran News
-
Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo saaciyey Dacwadaha la xidhiidha Doorashadii Golaha Wakiilada & Degaanka ee soo gaadhay+Dacwooyinka Xisbi kasta & Gobol Waliba soo gudbiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegay in 23 dacwadood, oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd, ee golaha Wakiillada ay mudaysay Maxkamadda Sare dhagaysiga dacwadahooda, fadhigii koowaad ee lagu dhagaysanayana maanta la guddo-galay. -Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan cabashooyinkii murashaxiintu u soo gudbiyeen Maxkamadda Sare, waxaanu sheegay in dacwadaha shalay la mudeeyay oo ay taariikhdu ahayd 22/06/2021, maantana si rasmi ah ay maxkamadu u gudo gashay dhagaysigooda. Ugu horayn guddoomiyuhu waxa uu warbixin kooban ka bixiyay ansixintii natiijada doorashada golayaasha deegaanka dalka oo shalay soo dhamaaday, taasi oo labadii todobaad ee u danbeeyay ay ansixinayeen maxkamadaha gobolada dalku, maadaama ay iyagu awood u leeyihiin ansaxinta iyo ka garnaqida dacwadaha ka yimaada golayaasha deegaanka sida uu dhigayo qodobka 153-aad farqada 2aad ee xeer lr 91/2020. Guddoomiyuhu waxa uu ku amaanay guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha maxkamadaha gobolada dalka, sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan, waxaanu xusay kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen maxkamadaha gobolada dalku dadajinta ansixinta natiijada rasmiga ah iyo dhaarinta golayaasha deegaanka dalka. isagoo dhinaca kalena u hambalyeeyay mudanayaashii loo doortay 20-ka degmo doorasho iyo maayarada iyo ku-xigeenadoodii, waxaanu Alle uga rajeeyay in uu ku asturo xilka loo dhaariyay. Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in khamiistii 17/06/2021 ay ku ekayd wakhtigii la qabanayay cabashooyinka murashaxiinta Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ay tiradoodud dhamayd 25 cabasho oo 2 ka-mid ahi ka noqdeen, halka 23-kii cabasho ee kale loo gudbiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka oo iyaguna 21/06/2021 ka soo jawaaay cabashadii ay Murashaxiintu kaga cabanayeen, waxaanu sheegay in shalay loo mudeeyay maantana si rasmi ah loo bilaabayo dhagaysiga dacwadaha. Mar uu guddoomiyuhu sharaxaad ka bixinayay cabashooyinka iyo sida ay u kala leeyihiin Xisbiyada Qaranka iyo gobolada dalku ayuu yidhi “25-kaa haddaan u kala sheego sida ay xisbi ahaan u kala leeyihiin iyo sida ay gobol ahaan u kala leeyihiin, Xisbiga Waddani 4 cabasho ayaa ka yimid, Xisbiga UCID waxa ka yimid 7, halka xisbiga Kulmiye ay ka yimaadeen 12 cabasho. Marka gobol ahaan loo eego, gobolka Awdal waxa ka yimid 6 cabasho, gobolka Sool waxa ka yimid 5 cabasho, gobolka Togdheer waxa ka yimid 4 cabasho, gobolka Sanaag waxa ka yimid 2 cabasho, gobolka Saaxil waxa ka yimid 1 cabasho halka gobolka Maroodi-jeexna ay ka yimaadeen 5 cabasho.” Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dharaaro kooban Maxkamadu ku soo af-jari doonto dacwadaha la xidhiidha natiijada hordhaca ah ee golaha Wakiilada JSL oo ay Maxkamad Sare ee Dastuuriga ah awood u leedahay sida uu dhigayo Qod. 152 faqrada 1aad ee Xer.Lr 91, 2020, taasi oo ay hore ugu soo gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxaanu xusay in marka ay soo af-jaraan dacwadahan hadda soo gudbay, kadib ay Maxkamadda Sare sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqi doonto natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, maalintaa ay ku dhawaaqdo maxkamadu go’aamada doorashada laga bilaabo ilaa 30 maalmood gudahoodna, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu iskugu yeedhayaa golaha Wakiillada la doortay, sida uu dhigayo qodobka 44, faqradiisa koobaad Dastuurka JSL. Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, hay’addaha dastuuriga ah ee qaranka dhammaantood, guddida doorashada qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo axsaabta qaranka sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen qabsoomida doorashada iyo dhamaystirkeeda, waxaanu ku tilmaamay doorka ay ka qaateen in uu ahaa door shariif ah. Qaran News
-
Hogaanka Xisbiga UCID ayaa shaaciyey inay Caydhiyeen Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Hogaanka Xisbiga UCID ayaa shaaciyey inay xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen xoghayihii Arrimaha gudaha Xisbiga Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax. Ramaax ayaa ka soo horjeestay Mawqifka & Shirgudoonka ay Shaaciyeen isbahaysiga Xisbiyada Waddani iyo Ucid, Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in shirka uu Sabtida shaaciyey ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ee ay iskugu imaanayaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran in wax ka bedel lagu sameyn doono Jadwalka doorashada. Shirka Sabtida ayaa sida uu qorshuhu yahay waxay madaxda kaga wada-hadli doonaan howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar gelinta shaqooyinka harsan oo qaarkood muddo dhaaf ku imaaday. Xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa qorsheynaya in shirka Sabtida uu madaxda usoo bandhigo in muddo cusub lagu daro middii hore loo cayimay ee dhigeysay in doorashada ku qabsoomto 60-maalmood gudahood, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan xafiiska Rooble. Soo jeedinta xafiiska Rooble oo maan-gal ah ayaa u muuqaneysa xiligan in madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku raaco, maadama uusan xiligan jirin khilaaf weyn oo sababi kara in madaxdu ay ka hor-imaadan muddo kordhinta jadwalka doorashada. Sida uu dhigayo Jadwalkii ay kal hore soo saareen Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran waxa ku cadaa in doorashada lagu qabto muddo 60-maalmood ah, waxaana hadda ka baxay in ku dhow soddon cisho. Jadwalka cusub ee doorashada ayaa waxaa si wada-jir ah loogu soo saari doona shirka lagu wado in maalinta Sabtida uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaasi oo ay iskugu imaanayaan Ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan dadaal xoogan ugu jira sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, ayada oo ay weli jiraan caqabado kooban oo ku hor-gudban, kuwaasi oo qaarkood laga gudbay, isagoona ku guuleystay dib usoo celinta kalsoonidii dhinacyada isku hayey doorashada. The post Xog: Isbedel lagu sameynayo jadwalkii doorashooyinka ee horey loo dejiyey + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaallo u dhexeeya ciidamada milatariga Itoobiya iyo fallaagada (TDF), oo ah koox ka dhalatay isu-tagga TPLF, maleeshiyo deegaanka ah iyo ciidan kasoo goostay dowladda federaalka, ayaa lagu soo warramayaa inay dib uga qarxeen waqooyiga dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalladan dib uga billowday gobolka Tigray ay yihiin kuwii ugu cuslaa waxii ka dambeeyey bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, xilligaas oo ay dowladdu shaacisay inay ku guuleysatay dagaalladii ka socday gobolkaasi. Xoogaga fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa shaaciyey inay la wareegeen gacan ku heynta magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolka, isla-markaana ay haatanka talinayaan. Sidoo kale goobjoogayaal la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay arkeen xoogaga fallaagada oo roondo ka sameynaya magaalooyinkaasi. Dhinaca kale saraakiil u hadashay milatariga Itoobiya ayaa beeniyey wararka soo baxaya ee ku aadan in ciidamada fallaagadu ay la wareegeen magaalooyin ku yaalla Tigray, iyaga oo tilmaamay in wararkaasi ay yihiin been abuur lagu faafiyey baraha bulshada Internetka. Dagaalka gobolka Tigray ayaa saameyn xoogan ku yeeshay gobolka, waxaana ku dhintay kumanaan, iyada oo ay ku barakaneen kumanaan kale oo rayid ah. Waxa kale oo haatan gargaar deg-deg ah u baahan illaa shan milyan oo qof oo ku nool waqooyiga Itoobiya, kuwaas oo 350,000 ka mid ah ku nool yihiin xaalad macluul ah. Itoobiya ayaa haatan ku jirto marxalad doorasho ayaa waxaa ku daba-dheeraadau dagaallada ka socda gobolka Tigray, kuwaas oo saameeyey xasiloonida dalkaasi. The post Dagaallo culus oo dib uga billowday gobolka Tigray iyo TDF oo qabsaday magaalooyin appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID ayaa xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaaday xoghayihii Arrimaha gudaha Xisbiga Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax. Ramaax, oo shalay hadlay ayaa ka soo horjeestay isbahaysiga Waddani iyo UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegay in 23 dacwadood, oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd, ee golaha Wakiillada ay mudaysay Maxkamadda Sare dhagaysiga dacwadahooda, fadhigii koowaad ee lagu dhagaysanayana maanta la guddo-galay. -Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan cabashooyinkii murashaxiintu u soo gudbiyeen Maxkamadda Sare, waxaanu sheegay in dacwadaha shalay la mudeeyay oo ay taariikhdu ahayd 22/06/2021, maantana si rasmi ah ay maxkamadu u gudo gashay dhagaysigooda. Ugu horayn guddoomiyuhu waxa uu warbixin kooban ka bixiyay ansixintii natiijada doorashada golayaasha deegaanka dalka oo shalay soo dhamaaday, taasi oo labadii todobaad ee u danbeeyay ay ansixinayeen maxkamadaha gobolada dalku, maadaama ay iyagu awood u leeyihiin ansaxinta iyo ka garnaqida dacwadaha ka yimaada golayaasha deegaanka sida uu dhigayo qodobka 153-aad farqada 2aad ee xeer lr 91/2020. Guddoomiyuhu waxa uu ku amaanay guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha maxkamadaha gobolada dalka, sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan, waxaanu xusay kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen maxkamadaha gobolada dalku dadajinta ansixinta natiijada rasmiga ah iyo dhaarinta golayaasha deegaanka dalka. isagoo dhinaca kalena u hambalyeeyay mudanayaashii loo doortay 20-ka degmo doorasho iyo maayarada iyo ku-xigeenadoodii, waxaanu Alle uga rajeeyay in uu ku asturo xilka loo dhaariyay. Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in khamiistii 17/06/2021 ay ku ekayd wakhtigii la qabanayay cabashooyinka murashaxiinta Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ay tiradoodud dhamayd 25 cabasho oo 2 ka-mid ahi ka noqdeen, halka 23-kii cabasho ee kale loo gudbiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka oo iyaguna 21/06/2021 ka soo jawaaay cabashadii ay Murashaxiintu kaga cabanayeen, waxaanu sheegay in shalay loo mudeeyay maantana si rasmi ah loo bilaabayo dhagaysiga dacwadaha. Mar uu guddoomiyuhu sharaxaad ka bixinayay cabashooyinka iyo sida ay u kala leeyihiin Xisbiyada Qaranka iyo gobolada dalku ayuu yidhi “25-kaa haddaan u kala sheego sida ay xisbi ahaan u kala leeyihiin iyo sida ay gobol ahaan u kala leeyihiin, Xisbiga Waddani 4 cabasho ayaa ka yimid, Xisbiga UCID waxa ka yimid 7, halka xisbiga Kulmiye ay ka yimaadeen 12 cabasho. Marka gobol ahaan loo eego, gobolka Awdal waxa ka yimid 6 cabasho, gobolka Sool waxa ka yimid 5 cabasho, gobolka Togdheer waxa ka yimid 4 cabasho, gobolka Sanaag waxa ka yimid 2 cabasho, gobolka Saaxil waxa ka yimid 1 cabasho halka gobolka Maroodi-jeexna ay ka yimaadeen 5 cabasho.” Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dharaaro kooban Maxkamadu ku soo af-jari doonto dacwadaha la xidhiidha natiijada hordhaca ah ee golaha Wakiilada JSL oo ay Maxkamad Sare ee Dastuuriga ah awood u leedahay sida uu dhigayo Qod. 152 faqrada 1aad ee Xer.Lr 91, 2020, taasi oo ay hore ugu soo gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxaanu xusay in marka ay soo af-jaraan dacwadahan hadda soo gudbay, kadib ay Maxkamadda Sare sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqi doonto natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, maalintaa ay ku dhawaaqdo maxkamadu go’aamada doorashada laga bilaabo ilaa 30 maalmood gudahoodna, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu iskugu yeedhayaa golaha Wakiillada la doortay, sida uu dhigayo qodobka 44, faqradiisa koobaad Dastuurka JSL. Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, hay’addaha dastuuriga ah ee qaranka dhammaantood, guddida doorashada qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo axsaabta qaranka sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen qabsoomida doorashada iyo dhamaystirkeeda, waxaanu ku tilmaamay doorka ay ka qaateen in uu ahaa door shariif ah. Wa bilaahi tawfiiq. Source