Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Isbahaysiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey xildhibaannada ay ku heshiiyeen inay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo loolankiisa uu socday maalmihii u dambeeyay. Guddoomiyeyaasha xisbiyada Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa isku raacay in guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland uu qaato xisbiga Waddani, halka labada kuxigeen ayagana la siiyey xisbiga Ucid. Waxay arrintaan imaneysa shirar isdaba joog ah oo socday maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay xisbiyada mucaaridka kal hore ku kala baxeen xilalkii golaha deegaanka ee maayirada iyo ku-xigeenadooda. Hoos ka aqriso magacyada mudaneyaasha loo doortay guddonka golaha wakiilada; 1. Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed = Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaa laga soo doortay gobolka Sool – xisbiga Waddani. 2. Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax = Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha, waxaa laga soo doortay gobolka Sanaag – xisbiga Ucid. 3- Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil = Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha, laga soo doortay gobolka Awdal – xisbiga Ucid Isbaheysiga xisbiyada mucaaradka ayaa meesha ka saaray in xisbul xaakimka Kulmiye uu xilal muuqda ku yeesho golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee Somaliland, oo aqlabiyada u badan ay lahaayeen mucaaradka. The post Gudoomiyaha iyo labada ku-xigeen ee golaha wakiilada Somaliland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  2. Xisbiyada isbahaysiga mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa shaaciyay magacyada musharaxiinta ay u dhisayaan guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland. Labada xisbi ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada u wata Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan Waddani, kana soo baxay gobolka Sool. Sidoo kale guddoomiye xigeennada koowaad iyo labaad ayay u wataan Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka Sanaag iyo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka Awdal, kuwaas oo labaduba ka tirsan xisbiga Ucid. Isbahaysiga mucaaradka ayaa maalmihii la soo dhaafay shirar ay kaga arrinsanayeen guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland uga socdeen magaalada Hargeysa. Dhanka kale xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa musharaxa guddoomiyaha Golaha Wakiillada u wata Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka soo jeeda gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Mucaaradka Somaliland oo heshiis ka gaaray musharaxiinta guddoonka Golaha Wakiillada appeared first on Puntland Post.
  3. Guddoomiyaha Aqalka sare cabdi xaashi cabdillahi ayaa gebi ahaan baabi’iyay wareegtooyin uu madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu saxiixay. Aqalka sare ayaa sheegay wareegtooyinkaas ansixintooda aan la soo marsinin senetorada Aqalka. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Aqalka Sare Wareegtooyinka La Baabi’iyay Source: goobjoog.com
  4. Somalia, Congo, Afghanistan and Syria top the list of the most dangerous conflict zones for children, the United Nations said Monday, accounting for nearly 60% of all violations among the entries on its annual blacklist of countries where children suffer grave abuses. “Children can no longer be the last priority of the international agenda nor the least protected group of individuals on the planet,” Virginia Gamba, U.N. special representative for children in armed conflict, told reporters Monday at the report’s launch. “We need to give children an alternative to violence and abuse. We need peace, respect for children’s rights, and democracy.” Gamba said the most widespread violations in 2020 were the recruitment and use of children by security forces and armed groups and the killing and maiming of children. “We are extremely alarmed at the increase in the abduction of children by 90% compared to previous years, as well as the increase in rape and other forms of sexual violence, registering an increase of 70% compared to previous years,” she added. More than 3,200 children were confirmed abducted in conflict situations in 2020, and at least 1,268 were victims of sexual violence, the report said. Of the worst offenders, Gamba said Somalia had the “most violations by far,” primarily perpetrated by al-Shabab terrorists. In Afghanistan, she said the Taliban was responsible for two-thirds of violations, and the government and pro-government militias the rest. Myanmar also ranked high on the list of grave violations, including for the highest numbers of children recruited and used, while Yemen has among the highest figures for children killed or maimed. Attacks on schools and hospitals remained high last year at 856, mostly in Afghanistan, Congo, Syria and Burkina Faso. “Education against girls was particularly targeted,” Gamba said. As with everything else in 2020, the COVID-19 pandemic only complicated matters. The report found, for example, that the use of schools by militaries rose last year. Many schools were closed temporarily because of the pandemic, making them easy targets for military occupation and use. New to the list are Cameroon, Burkina Faso and the Lake Chad Basin region. The report contained some good news. Due to advocacy efforts, armed groups and security forces released 12,643 children. And the number of actors engaging with Gamba’s office, signing on to action plans and making new commitments toward children is growing. However, human rights groups have criticized the report over the years, saying that double standards apply to the creation of the blacklist and that some countries escape accountability. “We strongly urge the (U.N.) Secretary-General to reconsider his decision and hold parties to conflict all over the world to the same standard,” Inger Ashing, CEO of Save the Children International, said in a statement. “Secretary-General (Antonio) Guterres is letting warring parties implicated in the deaths and maiming of children off the hook by leaving Israel, the Saudi-led coalition (in Yemen) and other violators off his ‘list of shame,'” said Jo Becker, children’s rights advocacy director at Human Rights Watch. “His repeated failure to base his list on the U.N.’s own evidence betrays children and fuels impunity.” Responding to the criticism, Gamba said that regarding Israel, violations carried out during the recent fighting in Gaza would be examined in next year’s report. She added that she did not experience any political pressure from parties in terms of who would be listed. Source: VOA The post Somalia, Congo, Afghanistan, Syria among most dangerous for children in conflict appeared first on Caasimada Online.
  5. The authorities of Turkey's Konya and Somalian capital Mogadishu agreed to strengthen their cooperation after senior Mogadishu municipality officials paid a visit to Konya and met with the city’s deputy mayor Ercan Uslu on Monday. Source: Hiiraan Online
  6. The top health official in the Horn of Africa nation of Djibouti on Monday received a delegation from Turkey’s Health Ministry. Source: Hiiraan Online
  7. Ankara (Caasimada Online) – Wafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Faarax Cabdi Diini, oo uu qeyb ka yahay Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir oo maalmihii dambe safar shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa la kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya. Mr. Ercan Uslu, oo ah ku-xigeenka duqa magaalada Konya, oo kamid tahay magaalooyinka ugu waaweyn dalka Turkiga, uguna taariikhaha fog, ayaa waxa uu si weyn usoo dhaweeyay wafdiga ka socday dowladda hoose ee Muqdisho, ayagoona kala saxiixday heshiis cusub. Labda Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada-hadlay kor u qaadida iskaashiga, maareynta biyaha iyo qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga dooday, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Hoose ee Muqdisho. Waxaa xusid mudan in kulanka intii uu socday laga mahad-celiiyay mudnaanta Gaarka ah ee Madaxweynaha Turkiga uu siiyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta caasimadda dalka ee Muqdisho. Waxay labada Dawlad hoose intaasi kadib qalinka ku duugen heshiis cusub oo dhigaya in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo arimaha soo socda; 1. Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada magaalo. 2. In Maareynta qashinta laga taageero Dawladda Hoose ee Muqdisho maadaama Maamulka Konya ay khinrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tabanaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenadda nadaafadda Dawladda hoose ee Muqdisho. 3. Waxaa si wadajir ah ay labada Dawlad Hoose isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto. 4. In si deg-deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa taaso labada Maamul ku kala tagi doonaan Konya iyo Muqdisho. 5. In Machadka tababaradda Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho dhinaca tababaradda shaqaalaha isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeenada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya. The post Heshiis shan qodob ah oo ay kala saxiixdeen maamullada Muqdisho iyo Konya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  8. Maamulka magaalada Garowe ayaa go’aamiyey in magaalada laga saaro ”adhiga tirada badan” oo ay sheegeen iney cunaan dhirta magaalada lagu beero bilicda iyo nadaafadda magaaladana uu dhib ku hayey. Hase yeeshee, qaar ka mid ah milkiilayaasha ariga ee magaalada Garowe waxay ka soo horjeesteen tallaabbada maamulka magaalada uu qaaday iyaga oo sheegay ariga magaalada laga saaray inuu yahay go’aan hal dhinac ah oo aan lagala tashana dadkii ariga lahaa. Axmed Saciid Muuse, duqa magaalada Garowe ayaa sheegay in dhibaato badan uu adhiga ku hayay magaalada, waxa uuna xaqiijiyay in la geeyay dooxada magaalada dusheeda ah. “Adhiga in magaalada laga saaro waa go’aan ay gaadheen golaha degaanka ee degmada Garowe waxaana sababay in ariga uu nadaafad darro aad u faro badan uu ku hayaa magaalada, wuxuu fadhiistaa waddooyinka oo uu ku saalooda, sidoo kale gawaadhida ayaa jiiidha. Intaa waxaa dheer waxa uu cunaa dhirta lagu beeray maagalada si bilicdeeda loo soo celiyo.” Ayuu yidhi Axmed Saciid Muuse. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in adhiga laftirkiisa uu ku dhib qabo magaalada sababtoo ah waxa uu cunaa bacaha iyo qashinka oo uu xanuun ka qaadaa. “Waan u dignay dadkii lahaa oo waxaan siinay muddo bil ah inago farriinta u marinay warbaahinta iyo baraha bulshada ku wada xidhiidho sidaa darteed qof walba wuu ogaa in ka saaridda adhiga magaalada la bilaabayo, waana la bilaabay waxaan la uruuriyay ku dhawaad afar boqol oo neef waxaana la geeyay meel magaalada ka baxsan oo naq leh oo ay xooluhu daaqi karaan, haddi rabbi idmana halkaas ayaa lagu haynayaa ololuhuna wuu sii soconayaa ilaa magaalada laga cidhib tiro xoolaha ku dayacan,” ayuu yidhi guddomiye Axmed. Adhigaan ayaa waxaa la sheegayaa in inbadan oo ka mid ah aysan jirin cid leh oo ay ahaaheen kuwa ban joog ah iyadoo ay jiraan kuwa ay dadku leeyihiin oo u soo xarooda. Seynab waxa ay ka mid tahay dadka adhiga gudaha magaalada ku dhaqanayay, qaar ka baxsaday ayey u maleynaysaa in ahdigii la raafay looga daray, waxaana ay dhaliilsan tahay go’aanka maamulka degmada Garowe uu qaatay. “Xoolihii xalay la raray waxbaan ku laahayn oo baadi ayay inooga maqnaayeen laakiin dadkii kama ay fakarin danta culus oo dadka ka dhaxeysa, ” ayey tidhi Seynab. “Adhigaan dad badan baa ku hoos noolaa oo naga munaafacaad badnaa laakin waxaa weeye lagama fakarin oo aad loogama fiirsan sababtoo ah dad masaakiin baa ku noolaa, dad soo qaxay baa ku noolaa, dad haystay ilma agooma ah baa ku noolaa, dadkaa maxaa looga fakaray, shaqa fidin ma loo sameeynayaa.” Waxay Seynab ku talinaysaa in guddomiyaha uu ka iibsado adhiga iyadoo sheegtay inay faa’iido ku qabtay adhigeeda oo marka ay geeyso suuqa ku iibsan jirtay 90-100 doolar, marna ay maalan jirtay marka uu irmaan yahay. “Waan iibsan jiray, waan sadqeysan jiray laakin hadda afduub baa ina looga qaatay mana ahan afduubkaas mid dan inogu jirta anaga iyo dadweynaha Garowe Qaran News
  9. PRESS RELEASE AMISOM troops relocate from Marianguwaay Forward Operating Base in the Lower Shabelle region of Somalia and gives the community land back to the Federal Government of Somalia AMISOM set up the Marianguwaay FOB in October 2014 to ease the movement of troops between the port cities of Marka and Barawe MOGADISHU, Somalia, June 22, 2021/ — The Ugandan contingent of the African Union Mission in Somalia, AMISOM, have relocated from Marianguwaay Forward Operating (FOB) base in Lower Shabelle region in the Southwest State of Somalia as part of troop realignment to provide more effective security to the Main Supply Routes, MSRs, and the general area. AMISOM set up the Marianguwaay FOB in October 2014 to ease the movement of troops between the port cities of Marka and Barawe. Following the relocation, the FOB is now closed and the land ownership has reverted to the government. The AMISOM Uganda Contingent Commander, Brig Gen. Don Nabasa, on Sunday officially flagged off the FOB relocation. The event to mark this was attended by the Governor of Lower Shabelle, Abdikadir Murshid Sidi and the Deputy District Commissioner of Barawe, Ibrahim Abdinoor. Also present were the AMISOM Deputy Chief Operations Officer Lt. Col. Alemayehu Abera Kitila, the AMISOM Joint Support Operations Centre (JSOC) Officer, Maximillian Okech, and the Force Spokesperson Lt. Col. Daniel Mugoro. In his remarks, Brig Gen. Nabasa said the relocation is part of a harmonized joint operations plan laid out in April by AMISOM and the Somali National Army, SNA, to enable Somali Security Forces to assume security responsibilities ahead of AMISOM’s exit. “The recently concluded sector commanders conference guided by AMISOM Concept of Operations harmonized several tasks for execution by Sector I, which included the relocation of troops from Marianguwaay Forward operating Base to another area to beef up security. This will enhance operational efficiency as we pursue the AMISOM mandate,” said Brig Gen. Nabasa. “Marianguwaay has been one of the most peaceful areas. I extend my gratitude on behalf of AMISOM and Sector I to the local leaders and the community for cooperating with our troops,” he added. The Governor of Lower Shabelle, Abdikadir Murshid Sidi, noted that AMISOM joint operations with SNA had weakened the insurgents in the region, making it necessary for Somali Security Forces to take over security responsibilities. “You have helped us reach great milestones. The transfer of security responsibilities from AMISOM to Somali Security Forces is as a result of efforts and sacrifices made by our African brothers in the fight against terrorist group Al-Shabaab,” said Sidi. As part of the relocation process, Governor Sidi, the local leaders, and other AMISOM officers in attendance inspected the area and signed documents to hand over the community land on which the FOB operated. They also signed an environmental clearance certificate to certify that the troops did not degrade the environment. Ahead of the relocation, AMISOM troops conducted a cleanup that involved removing structures and levelling the ground to restore the environment in line with AMISOM’s environmental standard operating procedures. “We have cleaned everywhere to leave the environment the way we found it when establishing this FOB. Now we are set to leave for the next destination,” said the commander of the Uganda Battle Group 31, Colonel Francis Aragamoi. Since 2014, AMISOM troops have jointly operated in the general area of Marianguwaay, significantly improving the security situation of the area before the need to take up security responsibilities elsewhere in line with the ongoing AMISOM and SNA Reconfiguration Plan and the revised Concept of Operations (CONOPS) 2018-2021. AMISOM and the Somali Security Forces readjust and reorganize troop deployments to revitalize strategies that have enabled the recovery, consolidation, expansion and control of areas of South-central Somalia by the Federal Government of Somalia. Distributed by APO Group on behalf of African Union Mission in Somalia. SOURCE African Union Mission in Somalia Qaran News
  10. Dal Ciidankiisa Militariga Raashin & Saanad Ciidan looga yaboohayo caalamka Askariga aan darajo lahayn ee milatariga Lubnaan ayaa mushaarkiisa waxaa lagu qiyaasay 1.2m oo giniga lubnaan ah bilwalba taas oo u dhiganta $800 (£574) Milatariga Lubnaan ayaa kaalmo weeydistay quwadaha adduunka si looga caawiyo inay ka badbaadaan burburka dhaqaale ee dalkaasi, oo ciidamada baday gaajo iyo silic. Lacagta giniga Lubnaan ayaa boqolkiiba 90% hoos u dhacay sanadkii 2019kii arrintaas oo horseedday in mushaharaadka iyo dhaqaalaha ku baxaya milatariga ay meesha ka baxaan. Shir deeq-bixiyeyaasha isugu imanayaan oo uu martigelisnayo Faransiiska ayaan lagu codsan doonin dhaqaale balse waxaa la doonaya in laga codsado dalalka deeqda bixiya inay milatariga siiyan cuno, shidaal, daawo iyo agabyada lagu dayactiro hubka iyo gaadiidka. Ciidanku waa mid ka mid ah hay’adaha dalkaasi ee fara ku tiriska ah ee loo arko inuu yahay astaan Lubnaan mideysa islamarkaasina oo xasiliya dal dadkiisu ay aad u kala qaybsanyihiin. Waxaa uu caan ku yahay dhex-dhexaadnimadiisa waxaa uuna taageero ballaadhan ka haysta dhammaan 18-ka urur diimeed ee dalkaasi la aqoonsan yahay, iyo sidoo kale kooxaha siyaasadeed. Quwadaha reer galbeedka ayaa sidoo kale u arka ciidanka inuu yahay awoodda keli ee celinaysa dhaqdhaqaaqa Shiicada Islaamiyiinta xagjirka ah ee ay taageerto Iran, ee Xisbullah, kuwaas oo diiddan in hubka ay dhigaan. “Milatariga Lubnaan waa tiirka keli ee sugayo amniga sidoo kalena illaalinaya in amniga dalka , marka waa in si degdeg ah loo taagero si ay howlgaladooda ay u fuliyan,” waxaa sidaasi wariyasha u sheegay sarkal ka tirsan wasaarada gaashandhigga ee farasiika Faransiiska ayaa abaabulay shirkii deeq-bixiyeyaasha ee khamiistii ka dib markii taliyaha ciidamada Lubnaan Jeneraal Joseph Cawn uu bishii maarso shaaca ka qaaday “inay askartiisa silicsanyihiin oo ay u gaajaysan yihiin sida dadka kale”. Waxaa uu si cad u dhaleceyay hoggaamiyaasha siyaasadda Lubnaan kuwaas oo ku guuldareystay inay dowlad wadaag soo dhisan kadib markii Ra’isal wasaarihii ku meel gaarka ahaa Xasan Dhiyaab uu iscasilay, taas oo ka dambeeysay markii qaraxii dekkeda Beirut uu dhacay bishii Agoosto ee sanadki hore. ”halkeen u socona? Maxaad damacsantihin inaad sameysan?” ayuu isa su’aalay taliyaha. Khudbad uu talaadadi jeediyay ayaa Jeneraal Cawn uu ku yiri ” waxay danta nagu qasabtay inaan kaalmo weydiisano dalalka aan iskaashiga nahay , waxaana diyar u ahay in aan booqdo mesha dunida ugu dambeyso si milatariga uu cagahiisa ugu istaago.” Wakaalada wararka ee AFP ayaa soo xigatay ilo wareedyo ka ag dhaw wasiirka difaaca ee Faransiiska kaas oo sheegay in Milatariga Lubnaan ay waxyaabo waxyaabaha daruuriga ah, sida caanaha, burka, daawoyinka , shidaal iyo adeegyada qalabka ee saanad milatari. Dowladda Maraykanka ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxay sheegtay inay kordhin doonto dhaqaalaha taakulaynta Milatariga Lubnaan oo ay gaarsin doonto $120m. Bangiga Adduunka ayaa ka digay in Lubnaan ay wajahayso xaalad dhaqaale tii ugu xumeyd tan iyo qarnigii 19aad. In kabadan kala bar bulshada dalkaasi Lubnaan ayaa la rumeysanayahy inay ku nool yihiin wax ka hooseeya heerka saboolnimada ee waddankaas, arrintaas oo saameyn ku yeelatay noolasha shacabka iyo adeegyada aas’aasiga ah. Askariga aan darajo lahayn ee milatariga Lubnaan ayaa mushaarkiisa waxaa lagu qiyaasay 1.2m oo giniga Lubnaan ah bil walba taas oo u dhiganta $800 (£574) ee sarifka rasmiga ah ee caalamka balse suuqa madow ee dalkaasi ayaa markii lacagtaasi la fiiriyo waxay noqonaysa $80 doolar. Arrintan ayaa niyad jebisay askarta waxayna sababtay in tirada ciidanka ay hoos uga dhacdo wax ka badan 3000 kun iyadoo haatan tirada guud ay haatan tahay 80,874 oo askari. Qaran News
  11. Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo sheegay iney jiraan wax isdaba marin Guddiga doorashada ee Itoobiya, ayaa muujiyey walaaca ay ka qabaan cabashooyinka la xiriira in wax is daba marin ay ka dhaceen goobihii codka laga dhiibanayey, sida ay soo gudbiyeen xisbiyada mucaaradka. Wakiilo ka socda xisbiyada mucaaradka, ayaa soo tabiyey in laga hor istaagey indha indheynta goobihii codka laga ridayey ee gobolka Amxaarada, iyo kuwa kale ee gobolada koonfurta. Dr Desalegn Chane, oo ah murashax ka socda xisbiga qaranka ee Amxaarada, ayaa ku sifeeyey xaaladda goobihii codka laga dhiibanayey iney ahaayeen kuwo adag, isagoo intaa ku darey iney jiraan mararka qaarkood waxyaabo sharciga lid ku ah. Berhanu Nega, oo kamid ah hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, ayaa sheegay iney jiraan wax is daba marin, iyadoo dhacdooyin kaasi aanan lagu qiimeyn Karin kuwo waa weyn. Berhanu wuxuu intaa raaciyey in dhacdooyinka ka dhex dhacey doorashada inaaney saameyneyn natiijada doorashada. Xisbiyada mucaaradka qaarkood, ayaa qaadacey doorashadan, iyagoo sheegay in la xir xirey madaxdooda, dhibaatooyin kalana loo geystay. Qaran News
  12. Three police officers were on Tuesday morning injured when al Shabaab gunmen attacked their vehicle in Bambahowla area, Mandera County. Source: Hiiraan Online
  13. Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey 185 milyan oo dollar oo la siinayo Soomaaliya, ayada oo la marinayo dowladda federaalka, lacagtaas oo badankeed ay heli doonaan dadka tabaaleysan ee dalka, . Mashruuca Baxnaano ee uu horey u ansixiyey Bankiga Adduunka ee lagu taageero dadka saboolka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu kordhin doonaa taageero 110 milyan oo dollar ah, taasi oo dheeri ku noqon doonta 65 milyan oo dollar oo la ansixiyey bishii August ee 2019. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bankiga Adduunka, ujeedka ayaa ah in lasii wado dadaallada ay Soomaaliya ku maal-gelineyso horumarinta raasumaalka aadanaha ee dadkeeda ugu baylahan. “Taageeradeena mashruuca shabakadda badbaadada ee Baxnaano waxay dhameystiraysaa faro-gelinta aadannimo ee lagu dhisayo adkeysiga dadka saboolka ah ee miyiga ku nool,” ayey tiri Kristina Svensson oo ah maamulaha Bankiga Adduunka ee qeybta Soomaaliya. “Tani waxay gacan ka gaysaneysaa in la yareeyo kasoo barakaca miyiga xilliyada ay jiraan xasaradaha, taasi oo la filayo inay qafiifiso culeyska kaalmada bani’aadannimo ee xilliyada soke iyo kuwa fog,” ayey tiri. Mashruuca Baxnaano ayaa waxaa ka faa’iideysta 200,000 oo ah qoysas sabool ah oo ay u joogaan caruur da’dooda ay ka yar tahay shan jirka, kuwaasi oo bil walba hela 20 dollar qoyskiiba, si gacan looga siiyo inay helaan cunno, daryeel caafimaad iyo waxbarasho. Ka sokow 185-ka milyan ee loogu talo-galay barnaamijka Baxnaano, Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey 75 milyan oo dollar oo dheeraad ah oo lagu kordhiyey 40 milyan oo la meel-mariyey bishii June 2020 oo lagu taageerayo Soomaaliya si ay sare ugu qaaddo jawaabaha ay ka bixineyso dhibaatada ka dhalatay ayaxa ku habsaday. Sida lagu sheegay bayaanka Bankiga Adduunka, ujeedada guud ee mashruucan ayaa ah in la ilaaliyo amniga cunada iyo nolosha dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka dhashay ayaxa. Lacagta loogu talo-galay jawaabaha laga bixinyo dhibaatada ayaxa ayaa waxaa la siin doonaa 150,000 oo qoys, kuwaas oo bil walba heli doona 60 dollar, qoyskiiba. The post 185 milyan oo dollar oo la siinayo Soomaaliya oo la ansixiyey iyo shacab heli doona appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdsho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaciyey inuu ku xayiran yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo baaq u diray ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Macalimu ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda NISA ay ka dambeeyaan xayiraadiisa, isla-markaana laga hor istaagay inuu aado gobolka Gedo iyo qoyskiisa. “Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer Jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA,” ayuu yiri guddoomiyihii ee maamulka gobolka Gedo. Cismaan Nuux Xaaji ayaa xusay in tani ay muujineyso in amniga dalka aan si sax ah loogu wareejin ra’iisul wasaaraha, taasina ay beenowday, sida uu hadalka u dhigay. “Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo,”. Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray Ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu guddi gaar ah u xil-saaro dhibaato uu sheegay inay ka jirto garoonka Aadan Cadde, taas oo lagu hayo mas’uuliyiinta Gedo, xildhibaanada iyo sidoo kale Senatorada kasoo jeeda gobolkaasi. Halkan hoose ka aqriso:- FARIIN KU SOCOTO XAFIISKA RW ROOBLE Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan gaar ahaan shacabka Jubaland waxaan u rajaynayaa guul barwaaqo, nabad midnimo iyo dooraaho xor ah. Waxaan ka tacsiyaynayaa dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan shacabka Gedo iyo Soomaalida ku sugan Nayroobi oo ay u dambaysay dilal qorshaysan iyo qafaalashada dad shacab u badan, kenya ha ogaato in Soomaali tashan doonto oo iska caabin doonto gardaradooda haddii aysan joojin. Looma dulqaadan karo xasuuqooda, aduunkiina waa ka aamusay. Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo. Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA. BAAQ = RW ROOBLE waxaan ugu baaqayaa in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda. Sidee garbahaaray doorasho uga dhici kartaa iyadoo aan laga dhoofi karin garoonka aadan cade ? Yaa masuul ka ah amniga dalka ? Gedo soo dalka la wareejiyay amnigiisa kama mid ahan ? Ma Raysalwasaare Rooble baa amniga dalka masuul ka ah ? Mise Cabdulahi Kulane ? Jawaab baan ka rabaa xafiiska pm Rooble. Waxaana bixin doonaa waraysiyo dheeraad ah iyo macluumaad dherraad ah oo aan saxaafada la wadaagi doono maalmaha soo socda insha allah. The post Guddoomiyihii hore ee Gedo oo shaaciyey inuu Muqdisho ugu xiran yahay hay’ada NISA appeared first on Caasimada Online.
  15. Dowladda Puntland ayaa jawaab adag ka bixisay doodda ka taagan xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha, kaas oo horyaalla Baarlamanka, kadib markii xukuumaddu ansixisay 10-kii bishan June 2021. Wasiirka Caddaaladda Puntland, Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo u jawaabay dadka diiddan xeerkan, gaar ahaanna Culimaa’udiinka ayaa sheegay in aysan Puntland ka talin laba dowladood oo is-barbar-socda (Two Parallel Governments). Wasiir Xaamud ayaa muujiyay in xukuumadda Puntland aysan wax isbeddel ah ku samayn doonin xeerka mamnuucidda gudniinka gabdhaha, kaas oo dood iyo muran xooggan ka dhex abuuray dowladda iyo culimaa’udiinka. Sidoo kale, wuxuu digniin u jeediyay dadka diiddan xeerkan, oo uu ku tilmaamay kuwa meel kale laga soo diray. PUNTLAND POST The post Puntland oo jawaab adag ka bixisay muranka ka dhashay Xeerka gudniinka gabdhaha appeared first on Puntland Post.
  16. Wasiirka Cadaalada iyo Diinta ee Puntland Cawil Sheikh Xaamuud ayaa Fariin Adag u diray Culumada Puntland iyo waliba kuwa Soomaaliya. Wasiir Xaamuud wuxuu sheegey in Puntland aysan ka dhacayn Xukuumad ka Gees furan Xukuumada, “Culumada Waxaan ugu baaqayaa in Dalkaan aysan ka jiri karin Xukuumad ka Gees furan Xukuumad, Sacuudiga halkaan ma ahan, Wax walba Xukuumada ka masuula, Culumada boos ugama banaanna” ayuu yiri Wasiir Xaamuud . Hadalkaan ayaa kusoo aadaya kadib markii Culumo badan ay dhaliileen hadal uu jeediyey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay Xaqiiqda Gabdhaha Caruurta ah, iyadoo hada la ogaadey in Culumadaas qaarkood ay haystaan Gabdho qaab gaar ah oo aan la kulmin waxyaabaha uu Madaxweyne Deni ka digayo.Culamadaasoo ku andocoonaya in gabdhaha lagu sameeyo falal aysan iyagun ku sameyn gabdhohooda. Puntlandi.com Garowe The post Wasiirka Cadaalada Puntland “ Culumadu Dugsiyada iyo Masaajidyada ha ku ekaadeen’’ appeared first on . Source
  17. Amar kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu amray in la isticmaalo luuqada Soomaaliga, gaar ahaan Qoraalada ay soo saarayaan Xafiisyada Dowliga ah ayaa lagu amray in aan lagu qorin luuqad qalaad. Wareegtada ayaa Hay’adaha lagu faray in la xoojiyo isticmaalka Af-soomaaliga, si Sare loogu qaado isticmaalka afka Hooyo. Xafiisyada Dowlada ayaa caadeystay inay Qoraaladooda kusoo saaraan Ingiriis iyo Carabi, Waxaana laga tagay isticmaalka afka Hooyo, Qoraalada ku socda Bulshada ayay xitaa kusoo daabacaan luuqado qalaad oo aysan Shacabku fahmayn. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dambeeyay Wareegtada wuxuuna xusay in Af-ka Soomaalidu uu noqdo kan loo adeegsanayo shaqada Hay’adaha Dowliga ah. Hoos ka alhriso Wareegtada The post Hay’adaha Dowlada Puntland oo lagu amray inay joojiyaan Isticmaalka Luuqadaha Qalaad appeared first on . Source
  18. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, in si buuxda loo dhaqan-geliyo adeegsiga Af-Soomaaliga. Wareegto ka soo baxday madaxweyne Deni, ayuu ku amray hay’adaha dowladda Puntland in ay ku dhaqmaan adeegsiga AF-soomaaliga, islamarkaana loo isticmaalo qoraallada xafiisyada iyo wax kasta oo loo gudbinayo dadweynaha. Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sheegay in ay waajib tahay dhaqan-gelinta Sharciga Ilaalinta Af-Soomaaliga, sidaas darteedna loo isticmaalo dhammaan qoraallada iyo boorarka hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo amar dul-dhigay dhammaan hay’adaha dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku soo laba kacleyay safmareenka Covid-19, xilli dadka dalkaas ay la daala dhacayan la tacaalidda xanuunka . Hay’adda Qaramada Midobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xanuunka uu si aad ah ugu sii faafayo dalkan dhaca qaaradda Afrika . WHO ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhawaan dalka koonfur afrika ay ka sameyneyso xarun lagu baaro talaalka ay Covid-19 ay soo saaran shirkadaha ku yaallo dalka South Africa si wax loga qabto xanuunka, Talaabadaan ayuuna madaxweynaha dalkaas Cyril Ramaphosa ku tilmamay in ay tahay mid taarikhi ah , Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa shaaca ka qaaday in boqolkiiba 40% dhimashada ay sara u kacday soo laba kacleynta xanuunka awgii . WHO waxa ay sidoo kale sheegtay in dalka koonfur afrika ay ka dhaqan gelineyso ruqsad siinta shirkadaha dalalka saboolka ah ee doonaya soo saarista talaalka covid . “Maanta waa maalin ku weyn Afrika. Sidoo kale waa maalin weyn dhammaan kuwa ka shaqeeya sidii sinnaan loogu heli lahaa alaabada caafimaadka. Waxaan ku faraxsanahay Biovac iyo la-hawlgalayaasheena Koonfur Afrika inay doorteen WHO, maadaama Faransiisku ay taageerayeen sannado, ”ayuu yiri madaxweyne Macron. “Hindisahan ayaa ah kii ugu horreeyay ee liis dheer oo soo socda, oo ah inaan sii wadi doonno taageeridda, la-hawlgalayaashayada, oo ku mideysan aaminaadda in u adeegsiga badeecadaha guud ee adduunka ay tahay dagaalkii qarniga oo aan la sugi karin.” ayuu yiri Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus . Dalka Koonfur afrika ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxa sii kordhay kiisaska dadka laga helayo iyo kuwa u dhimanaya xanuunka Covid-19 . Dhanka kale Soomaali badan oo ku nool dalka koonfur afrika ayaa waxaa soo wajahay cabsi ku aaddan xanuunka, xilli xayiraado adag dowladda dalkaas ay saartay dalka. Goobjoog Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabey Mulkiilayaasha Maqaaxiyihii shalay kordhiyay Lacagta Shaaha ee magaalada Burco. Masuuliyiinta ilaa lix meheradood ayaa xidhan kuwaas oo kordhiyay qiimaha Shaah Soomaaliga, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladwayne ee maagalada madaxda gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay koxa hubeysan gudaha magaalada dil ugu geysteen mas’uul ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan . Mas’uulka la dilay ayaa ahaa guddoomiyaha dhalinyarada gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Faarax-Diir Cabdi Garruun. Garruun ayaa xilligii la dilayay ku sugnaa goob maqaaxi ah oo lagu caweyo, iyadoo kooxihii dilka guddoomiyaha ka dambeyay ay isaga baxsadeen goobta dilka kadib . Dilka guddoomiyaha kadib ayaa waxaa goobta soo garay ciidamada ka tirsan kuwa ammaanka magaalada Baladwayne, iyagoo baaritaano kooban ka sameyay goobta dilka kadib . Illa iyo hadda maamulka magaalada Baladwayne iyo kan gobalka Hiiraan kama aysan hadlin dilka Allaah u naxariiste guddoomiyaha gobalka Hiiraan . Goobjoog News Source: goobjoog.com