-
Content Count
211,194 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaadhi Nooca Xamuulka Qaada oo xanibay Isusocodka Gaadiidka Waddada isku xidha Hargeysa & Berbera Gaar Ahaan Dooxa Darigodle. Gaadhiga Buudhigii Uu Jidaayay Oo Sibidh Saaranyahay Ayaa Dhex Ka Kala Leexday Oo Wadadu Halkay Dooxa Ka Gasho Isku Balaadhiyay Iyada Oo Taayirada Danbena Uu Kala Dhacay Buundada Dooxa Halka Kurtii Horena Bundad Dhinaceeda Kala Ka Laalaado. Goob Yar Oo Banaan Oo Doox Ah Ayay Gaadiidka 4WD Ahi Dirqi Ku Marayaan Marayaan Gaadiidka Intii Kale Waa Xanibanyihiin. Aniga Oo Kamida Dadka Halkaas Ku Xaniban Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi Aan La Hadlay Waxa Uu Iisheegay Inay Isaga Iyo Gurmad Kale Soo Socdaan Si Ay Wadadaas Ufuraan Qaran News
-
Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo saaciyey Dacwadaha la xidhiidha Doorashadii Golaha Wakiilada & Degaanka ee soo gaadhay+Dacwooyinka Xisbi kasta & Gobol Waliba soo gudbiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegay in 23 dacwadood, oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd, ee golaha Wakiillada ay mudaysay Maxkamadda Sare dhagaysiga dacwadahooda, fadhigii koowaad ee lagu dhagaysanayana maanta la guddo-galay. -Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan cabashooyinkii murashaxiintu u soo gudbiyeen Maxkamadda Sare, waxaanu sheegay in dacwadaha shalay la mudeeyay oo ay taariikhdu ahayd 22/06/2021, maantana si rasmi ah ay maxkamadu u gudo gashay dhagaysigooda. Ugu horayn guddoomiyuhu waxa uu warbixin kooban ka bixiyay ansixintii natiijada doorashada golayaasha deegaanka dalka oo shalay soo dhamaaday, taasi oo labadii todobaad ee u danbeeyay ay ansixinayeen maxkamadaha gobolada dalku, maadaama ay iyagu awood u leeyihiin ansaxinta iyo ka garnaqida dacwadaha ka yimaada golayaasha deegaanka sida uu dhigayo qodobka 153-aad farqada 2aad ee xeer lr 91/2020. Guddoomiyuhu waxa uu ku amaanay guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha maxkamadaha gobolada dalka, sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan, waxaanu xusay kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen maxkamadaha gobolada dalku dadajinta ansixinta natiijada rasmiga ah iyo dhaarinta golayaasha deegaanka dalka. isagoo dhinaca kalena u hambalyeeyay mudanayaashii loo doortay 20-ka degmo doorasho iyo maayarada iyo ku-xigeenadoodii, waxaanu Alle uga rajeeyay in uu ku asturo xilka loo dhaariyay. Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in khamiistii 17/06/2021 ay ku ekayd wakhtigii la qabanayay cabashooyinka murashaxiinta Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ay tiradoodud dhamayd 25 cabasho oo 2 ka-mid ahi ka noqdeen, halka 23-kii cabasho ee kale loo gudbiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka oo iyaguna 21/06/2021 ka soo jawaaay cabashadii ay Murashaxiintu kaga cabanayeen, waxaanu sheegay in shalay loo mudeeyay maantana si rasmi ah loo bilaabayo dhagaysiga dacwadaha. Mar uu guddoomiyuhu sharaxaad ka bixinayay cabashooyinka iyo sida ay u kala leeyihiin Xisbiyada Qaranka iyo gobolada dalku ayuu yidhi “25-kaa haddaan u kala sheego sida ay xisbi ahaan u kala leeyihiin iyo sida ay gobol ahaan u kala leeyihiin, Xisbiga Waddani 4 cabasho ayaa ka yimid, Xisbiga UCID waxa ka yimid 7, halka xisbiga Kulmiye ay ka yimaadeen 12 cabasho. Marka gobol ahaan loo eego, gobolka Awdal waxa ka yimid 6 cabasho, gobolka Sool waxa ka yimid 5 cabasho, gobolka Togdheer waxa ka yimid 4 cabasho, gobolka Sanaag waxa ka yimid 2 cabasho, gobolka Saaxil waxa ka yimid 1 cabasho halka gobolka Maroodi-jeexna ay ka yimaadeen 5 cabasho.” Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dharaaro kooban Maxkamadu ku soo af-jari doonto dacwadaha la xidhiidha natiijada hordhaca ah ee golaha Wakiilada JSL oo ay Maxkamad Sare ee Dastuuriga ah awood u leedahay sida uu dhigayo Qod. 152 faqrada 1aad ee Xer.Lr 91, 2020, taasi oo ay hore ugu soo gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxaanu xusay in marka ay soo af-jaraan dacwadahan hadda soo gudbay, kadib ay Maxkamadda Sare sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqi doonto natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, maalintaa ay ku dhawaaqdo maxkamadu go’aamada doorashada laga bilaabo ilaa 30 maalmood gudahoodna, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu iskugu yeedhayaa golaha Wakiillada la doortay, sida uu dhigayo qodobka 44, faqradiisa koobaad Dastuurka JSL. Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, hay’addaha dastuuriga ah ee qaranka dhammaantood, guddida doorashada qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo axsaabta qaranka sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen qabsoomida doorashada iyo dhamaystirkeeda, waxaanu ku tilmaamay doorka ay ka qaateen in uu ahaa door shariif ah. Qaran News
-
Hogaanka Xisbiga UCID ayaa shaaciyey inay Caydhiyeen Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Hogaanka Xisbiga UCID ayaa shaaciyey inay xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen xoghayihii Arrimaha gudaha Xisbiga Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax. Ramaax ayaa ka soo horjeestay Mawqifka & Shirgudoonka ay Shaaciyeen isbahaysiga Xisbiyada Waddani iyo Ucid, Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in shirka uu Sabtida shaaciyey ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ee ay iskugu imaanayaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran in wax ka bedel lagu sameyn doono Jadwalka doorashada. Shirka Sabtida ayaa sida uu qorshuhu yahay waxay madaxda kaga wada-hadli doonaan howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar gelinta shaqooyinka harsan oo qaarkood muddo dhaaf ku imaaday. Xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa qorsheynaya in shirka Sabtida uu madaxda usoo bandhigo in muddo cusub lagu daro middii hore loo cayimay ee dhigeysay in doorashada ku qabsoomto 60-maalmood gudahood, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan xafiiska Rooble. Soo jeedinta xafiiska Rooble oo maan-gal ah ayaa u muuqaneysa xiligan in madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku raaco, maadama uusan xiligan jirin khilaaf weyn oo sababi kara in madaxdu ay ka hor-imaadan muddo kordhinta jadwalka doorashada. Sida uu dhigayo Jadwalkii ay kal hore soo saareen Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran waxa ku cadaa in doorashada lagu qabto muddo 60-maalmood ah, waxaana hadda ka baxay in ku dhow soddon cisho. Jadwalka cusub ee doorashada ayaa waxaa si wada-jir ah loogu soo saari doona shirka lagu wado in maalinta Sabtida uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaasi oo ay iskugu imaanayaan Ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan dadaal xoogan ugu jira sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, ayada oo ay weli jiraan caqabado kooban oo ku hor-gudban, kuwaasi oo qaarkood laga gudbay, isagoona ku guuleystay dib usoo celinta kalsoonidii dhinacyada isku hayey doorashada. The post Xog: Isbedel lagu sameynayo jadwalkii doorashooyinka ee horey loo dejiyey + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaallo u dhexeeya ciidamada milatariga Itoobiya iyo fallaagada (TDF), oo ah koox ka dhalatay isu-tagga TPLF, maleeshiyo deegaanka ah iyo ciidan kasoo goostay dowladda federaalka, ayaa lagu soo warramayaa inay dib uga qarxeen waqooyiga dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalladan dib uga billowday gobolka Tigray ay yihiin kuwii ugu cuslaa waxii ka dambeeyey bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, xilligaas oo ay dowladdu shaacisay inay ku guuleysatay dagaalladii ka socday gobolkaasi. Xoogaga fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa shaaciyey inay la wareegeen gacan ku heynta magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolka, isla-markaana ay haatanka talinayaan. Sidoo kale goobjoogayaal la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay arkeen xoogaga fallaagada oo roondo ka sameynaya magaalooyinkaasi. Dhinaca kale saraakiil u hadashay milatariga Itoobiya ayaa beeniyey wararka soo baxaya ee ku aadan in ciidamada fallaagadu ay la wareegeen magaalooyin ku yaalla Tigray, iyaga oo tilmaamay in wararkaasi ay yihiin been abuur lagu faafiyey baraha bulshada Internetka. Dagaalka gobolka Tigray ayaa saameyn xoogan ku yeeshay gobolka, waxaana ku dhintay kumanaan, iyada oo ay ku barakaneen kumanaan kale oo rayid ah. Waxa kale oo haatan gargaar deg-deg ah u baahan illaa shan milyan oo qof oo ku nool waqooyiga Itoobiya, kuwaas oo 350,000 ka mid ah ku nool yihiin xaalad macluul ah. Itoobiya ayaa haatan ku jirto marxalad doorasho ayaa waxaa ku daba-dheeraadau dagaallada ka socda gobolka Tigray, kuwaas oo saameeyey xasiloonida dalkaasi. The post Dagaallo culus oo dib uga billowday gobolka Tigray iyo TDF oo qabsaday magaalooyin appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID ayaa xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaaday xoghayihii Arrimaha gudaha Xisbiga Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax. Ramaax, oo shalay hadlay ayaa ka soo horjeestay isbahaysiga Waddani iyo UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegay in 23 dacwadood, oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd, ee golaha Wakiillada ay mudaysay Maxkamadda Sare dhagaysiga dacwadahooda, fadhigii koowaad ee lagu dhagaysanayana maanta la guddo-galay. -Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan cabashooyinkii murashaxiintu u soo gudbiyeen Maxkamadda Sare, waxaanu sheegay in dacwadaha shalay la mudeeyay oo ay taariikhdu ahayd 22/06/2021, maantana si rasmi ah ay maxkamadu u gudo gashay dhagaysigooda. Ugu horayn guddoomiyuhu waxa uu warbixin kooban ka bixiyay ansixintii natiijada doorashada golayaasha deegaanka dalka oo shalay soo dhamaaday, taasi oo labadii todobaad ee u danbeeyay ay ansixinayeen maxkamadaha gobolada dalku, maadaama ay iyagu awood u leeyihiin ansaxinta iyo ka garnaqida dacwadaha ka yimaada golayaasha deegaanka sida uu dhigayo qodobka 153-aad farqada 2aad ee xeer lr 91/2020. Guddoomiyuhu waxa uu ku amaanay guddoomiyayaasha iyo garsoorayaasha maxkamadaha gobolada dalka, sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan, waxaanu xusay kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen maxkamadaha gobolada dalku dadajinta ansixinta natiijada rasmiga ah iyo dhaarinta golayaasha deegaanka dalka. isagoo dhinaca kalena u hambalyeeyay mudanayaashii loo doortay 20-ka degmo doorasho iyo maayarada iyo ku-xigeenadoodii, waxaanu Alle uga rajeeyay in uu ku asturo xilka loo dhaariyay. Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in khamiistii 17/06/2021 ay ku ekayd wakhtigii la qabanayay cabashooyinka murashaxiinta Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ay tiradoodud dhamayd 25 cabasho oo 2 ka-mid ahi ka noqdeen, halka 23-kii cabasho ee kale loo gudbiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka oo iyaguna 21/06/2021 ka soo jawaaay cabashadii ay Murashaxiintu kaga cabanayeen, waxaanu sheegay in shalay loo mudeeyay maantana si rasmi ah loo bilaabayo dhagaysiga dacwadaha. Mar uu guddoomiyuhu sharaxaad ka bixinayay cabashooyinka iyo sida ay u kala leeyihiin Xisbiyada Qaranka iyo gobolada dalku ayuu yidhi “25-kaa haddaan u kala sheego sida ay xisbi ahaan u kala leeyihiin iyo sida ay gobol ahaan u kala leeyihiin, Xisbiga Waddani 4 cabasho ayaa ka yimid, Xisbiga UCID waxa ka yimid 7, halka xisbiga Kulmiye ay ka yimaadeen 12 cabasho. Marka gobol ahaan loo eego, gobolka Awdal waxa ka yimid 6 cabasho, gobolka Sool waxa ka yimid 5 cabasho, gobolka Togdheer waxa ka yimid 4 cabasho, gobolka Sanaag waxa ka yimid 2 cabasho, gobolka Saaxil waxa ka yimid 1 cabasho halka gobolka Maroodi-jeexna ay ka yimaadeen 5 cabasho.” Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dharaaro kooban Maxkamadu ku soo af-jari doonto dacwadaha la xidhiidha natiijada hordhaca ah ee golaha Wakiilada JSL oo ay Maxkamad Sare ee Dastuuriga ah awood u leedahay sida uu dhigayo Qod. 152 faqrada 1aad ee Xer.Lr 91, 2020, taasi oo ay hore ugu soo gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxaanu xusay in marka ay soo af-jaraan dacwadahan hadda soo gudbay, kadib ay Maxkamadda Sare sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqi doonto natiijada rasmiga ah ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, maalintaa ay ku dhawaaqdo maxkamadu go’aamada doorashada laga bilaabo ilaa 30 maalmood gudahoodna, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu iskugu yeedhayaa golaha Wakiillada la doortay, sida uu dhigayo qodobka 44, faqradiisa koobaad Dastuurka JSL. Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, hay’addaha dastuuriga ah ee qaranka dhammaantood, guddida doorashada qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo axsaabta qaranka sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen qabsoomida doorashada iyo dhamaystirkeeda, waxaanu ku tilmaamay doorka ay ka qaateen in uu ahaa door shariif ah. Wa bilaahi tawfiiq. Source
-
Madaxda cusub ee Wasaaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Jubaland ayaa kulan booqasho is barasho la yeeshay madaxda xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya,wuxuuna u jeedka kulan ahaa in si dhaw ay u wada shaqeeyaan labada dhinaca,waxaana munaasabadan oo ka dhacday magaalada Muqdisho ka qeyb galaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,madaxda SOMFA iyo sidoo kale mas’uuliyeenta Wasaarada ciyaaraha Jubaland. Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa yiri “Waxaan Rabnaa In Aan Fursad Siino Halmilyan Oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Matasha Xulka Qaranka Soomaaliya”. Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) “Waan In La Tageeraa Xulka Qaranka Soomaaliya Minifootboolka Ee Ka Qeybgalaya tartanka Qaaradda Afrika ” Wasiir ku XIgeenka Ciyaaraha & Dhalinyarada Jubaland Faadumo Cali Cabdikariim ayaa sheegtay “Hadii kubad cagyraha si wanaagsan u shaqeeyo,waxaan helaynaa dhalinyaro tayo wanaagsan,guul iyo horomar ayaa u rajaynayaa madaxda Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya “. Ciyaaryahan hore kubbadda kolyaga Soomaaliya Axmed Muuse ayaa isna sheegay “ Xiriirka Minifootboolka Waxay Kor U Qaadeen Sumcada Soomaaliya” Sidoo Kale Aqriso Wararka Ku Saaban SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “Bulshada Soomaaliyeed Waan In Ay Taageeraan Xulka Qaranka Minifootboolka”. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Garowe (PP News Desk) — President of Puntland State of Somalia Said Abdullahi Deni yesterday issued a decree to enforce the mandatory use if Somali language for government communication, conference themes and signage. “Puntland State Constitution stipulates preservation of the Somali language” reads the letter from Puntland Presidency. Puntland Government has devised strategies to promote literacy through effective use of the Somali language for public services and the private sector. There has been an increase in the number of shop signs in English and Arabic languages at the expense of the Somali language in Puntland. President received plaudits for promoting mandatory use of the Somali Language for government commutations and business promotions. Workshops organised by local NGOs in conjunction with foreign NGOs drive up the trend to use less Somali for workshop banners. A Puntland State Government official who spoke to Puntland Post anonymously said that President Deni had become aware of the poor Somali literacy skills of NGO workers and public servants in Puntland who prefer a foreign word to a standard Somali administration terminology for workshop banners. “We have seen foreign language banners for workshops attended by non-English speaking participants in Puntland. We have doubts about the utility of those workshops” said the official. Yusuf Shaa’ir, a poet and literary critic, has lauded President Deni for preservation of the Somali language. Yusuf Sha’air, a Hargeisa-based Somali poet and literary critic, has commended President Deni for taking bold steps to promote mandatory use of Somali language for government and business communications and business promotions. “I congratulate Puntland President Said Abdullahi Deni for ensuring that the Somali language remains the official language of government” said Yusuf Shaa’ir. © Puntland Post, 2021 The post PUNTLAND TO ENFORCE MANDATORY USE OF SOMALI LANGUAGE FOR GOVERNMENT AND BUSINESS COMMUNICATIONS appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa Istanbul kulan gaara kula qaatay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi. Cali Guudlaawe oo loo fidiyey casuumad heerkeedu sarreeyo ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshaay jaaliyadda Soomaaliyeed, isaga oo uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka. Madaxweynaha HirShabelle waxaa kulankan ku wehlinayey xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya, kana soo jeedo HirShabelle. Ugu horreyn Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa ka mahad-celiyey casuumaadda loo fidiyey iyo sida ballaaran ee loogu soo dhoweeyey dalka Turkiga. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi inay maal-gashadaan dalkooda hooyo, si looga faa’iideysto ganacsigooda. Dhankooda ganacsatada oo kulanka ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay taageeri doonaan horumarka ka jira Soomaaliya, si gaar ah HirShabelle oo haatan wajaheyso xaalad adag. Socdaalka madaxweynaha HiirShabelle uu qaatay maalmo kooban ayaa la filayaa inuu dib ugu soo noqdo dalka si uu uga qeyb-galo shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble. The post Cali Guudlaawe oo kulamo ka wada Turkiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukun dil toogasho ah ku fuliyey nin lagu eedeeyey ‘inuu toorey ku dilay hooyadiis oo 72 jir aheyd iyo walaalkiis’, kaas oo ay xukuntay maxkamadda Al-Shabaab. Dilkan qisaasta ahaa ee lagu fuliyey marxuum Maxamed Calow Cabdi ayaa waxa uu ka dhacay fagaare ku yaalla deegaanka Shaw oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Maxkamadda ayaa sheegtay in dhacdadan argagaxa leh ee ka dhacday degmada Jalalaqsi, kadib markii ‘gacan ku dhiiglaha’ la toogtay uu mindi ku dilay hooyadiis marxuumad Xaliimo Cismaan Cumar iyo sidoo kale walaalkiis Macalin Maxamuud Calasow Cabdi. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa boqalaal dadweyne ah oo la’isugu yeeray fagaarahaasi iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo maamula deegaanka Shaw oo ayqisaastu ka dhacday. Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaaciyey in ninka la toogtay uu soo dacweeyey walaalkiis Ibraahim Calasow Cabdi, isaga oo intaasi ku daray in gacan ku dhiigalaha uu qirtay inuu geystay dilka hooyadiis iyo walaalikiis oo uu mindi ku gowracay. Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana ku yaallo maxkamado la soo taago eedeysanayaasha ay gacanta ku dhigto kooxdaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay ‘nin dilay’ hooyadiis oo 72 jir aheyd iyo walaalkiis appeared first on Caasimada Online.
-
Xeer Lambar 12 wuxuu ka kooban yahay 22 qodob iyo hal lifaaq, kolka se laga hadlayo xeerkan; waxaa la soo qaataa kaliya qodobka 14aad, faqraddiisa koowaad. Kolkaas ayaa ra’yi badan lagu dul dhisaa. Xog run ah haddiiba badhna lagaa qariyo, badhna laguu sheego; xogtaas laf ahaanteedu waxay yeelanaysaa macne ka duwan teedii asalka ahayd – waa isla farsamaday adeegsadeen dadkan xeerkan ka hadlaa, si ugu ambiyaan ra’yul caamka u nugul in la ambiyo. Muxuu ahaa 10% la siiyay Wajaale iyo Berbera? Markii la mideeyay nidaamka cashuuraha, waxaa la sameeyay laba Kastam, iyadoo degmooyinka ay ku yaallaanna loo jaray cashuur 10% ah. Degmooyinkii hore u lahaan jiray kastammada, iyagana waxaa la siiyay magdhow loogu yeedhay ‘Kabka’. Degmo walba waxa la siiyay kab u dhigma celceliska oddoroska wixii ka soo geli jiray kastamkeeda. Kabkaas oo dawladda dhexe ka imayaa wuxuu kala yahay sidan: Hargeysa: 51.26% Burco: 21.39% Boorama: 9.86% Gabiley: 9.87% Sheekh: 3.75% Saylac: 2.18% Baki: 1.69% Burco oo hesha 21.39% kab ah, dadka xeerkan falanqeeyaa waxay u ekaysiiyeen degmo in wax laga qaado mooyee aan waxba lagu soo celin – waana isla sida ay dad badan oo caammo ahi u fahansan yihiin maanta. Weydiintu waxay tahay: Waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya 10% iyo horumar la’aanta degmooyinka kale? Haddiiba se la joojiyo siduu u horumarinayaa degmooyinka kale? Magaalada Berbera oo ka mid ah labada degmo ee kastamkooda ka hela 10% laga jaray cashuurta guud ee ka soo xeroota, dabcan waa dekadda kaliya ee Somaliland oo idil wax uga soo degaan, waxaana saaran culays aan saarnayn gobollada kale oo dhan. Tusaale yar iga hoo. Cimriga laamigu wuxuu ku xidhan yahay laba arrimood: tirada baabuurta marta laamigaas iyo culayska rarka ay sidaan baabuurtaasi. Aynu soo qaadanno laba Laami oo X iyo Y la kala yidhaahdo. Haddiiba ay laamiga X maraan 10 gaadhi oo xammuul ah oo rarkoodu yahay min shan ton, way ka cimri gaabanaysaa laamiga Y oo ay maraan 10 xaajiyadood oo min hal tan ahi. Ku darsoo, cimriga laamiyadaasi wuu sii gaabanayaa haddii baabuurtaas tobanka ah ay tiradoodi korodho oo ay noqdaan 30 baabuur. Dekadda awgeed, degmada Berbera waxa isugu yimaadda baabuur ka kala timid lixda gobol ee Somaliland, mana jirto degmo kale oo la qabta culayska baaxaddaas leh – macnaheedu waa in waddooyinka Berbera ay hal mar ku kulmayaan baabuur tiro ahaanna badan, rar ahaanna culusi; sababtaas awgeedna ay cimriga laamiyadeedu soo gaabanayo. Laamiyadaasi waxay u baahanayaan dayactir joogto ah oo dabcan aanay kaafin karayn cashuurta ay bixiyaan dadka reer Berberi, maadaama oo uu ku dhacayo culays ka badan kii degmadu ay lahayd oo ka imanaya gobolladu – dayactirkooduna reer Berbera oo kaliya dan uma aha, wuxuu u danaynayaa idil ahaan lixda gobol ee dalka. Sida ku qoran Xeer Lr. 23, qodobkiisa 40aad, faqradda 13aad – Maayarka waa guddoomiyaha Hayadaha ilaalinta nabadgelyada degmada. Dawladda Hoosee Berbera iyadoo kharash faro badani kaga baxayo dayactirka laamiyada, waxaa u dheer inay ilaaliso nabadgelyada. Berberana waxaa taalla hantidii reer Somaliland oo dhan – xiitaa tii dalalka jaarka ah, nabadgalyadeeduna waxay saaran tahay Dawladda Hoose. Ilaalinta nabadgelyada, kharash intee le’eg baa ku baxaya? Ka warran hadday budhcadnimo ka bilaabanto Berbera? Ma cid baa wax kala soo degaysa? Saw Somaliland oo dhan dhuun uma aha! Magaalada Berbera waxaa ku yaalla haamaha kaydka shidaalka, ka warrama hadday gubtaan? Deb-damis awooddiisu intee le’eg tahay ayay u baahanayaan? Ka warrama hadduu dab ka kaco dekadda oo ay taallo hanti tira-beel ahi? Ka warrama hadduu markab shidaal gubto? Mar kale Dowladda Hoose ee Berbera waxaa ku waajib ah inay dhisto dab-demis awood badan leh oo wakhtiga ugu kooban ku bedbaadinna kara hantida badan ee Berbera taalla. Waxaa kaloo intaas u dheer, qashinka xad-dhaafka ah ee ay la imanayaan baabuurta gobollada kale, iyo waliba shilalka oo badan – waayo, degmooyinku waxay u kala shilal badan yihiin siday u kala baabuur badan yihiin. Si markaas Berberi u noqoto magaalo la tartanta dekadaha kalee innagu dhawdhaw, waa inay yeelataa caafimaad tayo leh, waddooyin fiican, amni buuxa, deb-damis awood leh iyo adeegyo inoo soo jiidi kara inay innagu soo xidhmaan dalalka jaarku. Markay sidaas tahay, 10% muxuu ka noqonayaa culayska laamiyada, ka nabadgelyada, maaraynta qashinka aan degmada ka iman, gubashada ay u nugushahay dekaddu, shilalka badan iyo tayaynta caafimaadka? Berberi miyaanay ku dulmanayn 10%? Wajaale iyana waa la mid. Waxay afaaf u tahay boqol milyan oo aan dekad lahayn, ugu yaraanna 30 Milyan oo ka mida ayaa toos ugu xidhan Wajaale. Dhan walba waxaa saaran culays la mid ah ka Berbera saaran – waxaana u dheer baabuurta qaadka ah, ee lagu qiyaasay in lixdii saacadoodba ay 450 gaadhi oo qaad ahi soo galaan magaaladaas. Sida loo dhigay, laguma qasbin inay baabuurtaasi Wajaale soo maraan; waxay se ku doorteen laamiga dhisan ee sida tooska ah isugu xidha Wajaale ilaa Jigjiga. Waa run oo 10% wuxuu ka yimaaddaa cashuur laga qaado dalkoo dhan oo ma aha waxsoosaar u gaar ah degmoooyinkan; laakiin dalkoo dhani labadan degmo lama qabo culayska noocan ah ee saaran – waa sababta loo siiyay 10%. Haddiiba la leeyahay 10% ha laga qaado, waa sax e gobolladuna culayskooda ha la noqdaan. Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
Mareykanka Oo Hawada Ka Saaray Websaytyo Laga Leeyahay IRAN
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Washington)-Wasaaradda Caddaladda Maraykanka ayaa sheegtay inay hawada ka saareen 33 Shabakado Warar ama Websaytyo oo xidhiidh la leh Dowladda Iran, isla markaana lag baahin jirey Warar Been Abuur ah, waa sida hadalka loo dhigay. Qoraal ka soo baxay Waaxyaha Garsoorka iyo Ganacsiga ee Maraykanka ayaa lagu muujiyey inay gacanta ku dhigeen Websayto ay leeyihjiin Ururka Idaacadaha iyo Telefishinka ee Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran, oo ay Dowladda Maraykanka hore u calaamadaysteen bishii October ee sannadkii hore ee 2020-kii. Saraakiisha Maraykanka waxa ay ku eedeeyeen Warbaahinada la xayiray hore u baahiyeen Warar aan Xaqiiqo ahayn oo ku aadanaa Marin-habaabinta Doorashadii Madaxtinimada Maraykanka ka dhacday dabayaaqadii sannadkii hore. Dhinaca kale, Maraykanka waxay sheegeen inay xayireen 3 Websayt oo ay Ururka Xisbullaahi Lubnaan leeyihiin iyo Telefishinka Al-Masiirah ee Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Websaytyada la xayiray oo ay ka mid yihiin PRESS TV, AL-ALAM TV, AL-MASIIRAH TV ayaa hawada ka maqan, waxayna Wakaalladda Rasmiga ee Wararka u faafisa Iran ee IRNA sheegtay inay Dowladda Marykanka ka dambaysay falka lagu xayiray Waraabinaadaasi. Marka la booqdo Websaytyadaasi waxaa saaran Ogeysiis ay Dowladda Maraykanka soo dhigtay, kuna sheegtay in loo xidhay sababo qeyb ka ah Xoojinta Sharciga. Source -
Wararka ka imaanaya gobalka Tigree ayaa sheegaya in halkaasi ay ka qarxeen dagaalo u dhaxeeya Jabhaadda TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya. Ciidamada difaaca Tigreega ee magacabooda looso gaabiyo TDF ayaa sheegay in ay la wareegen magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobalka kadib dagaal ay la galeen ciidamada Dowladda. Dagaalka ayaana la sheegay in uu ahaa mid culus kadib markii November sanadkii tagay dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay ka adkaatay kooxda TPLF. Wararka ka soo baxaya gobalka Tigree ayaa sheegaya in weli laga cabsi qabo in magaalooyinka qaar ay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya dowladda iyo TPLF. Afhayeenka Jabhadda Gebre GebreTsadiq ayaa sheegay in ay TDF ay bilaabeen in ay qaadan weeraro joogta ah oo ay ku qabsanayaan deeganada qaar. Afhayeenka ciidanka Korneel Getnet ayaa xaqiijiyay inuu dagaal jiro laakiin wuxuu beeniyay in magaalooyin, qalab ciidan ama askar la qabtay. “Intii ay dawlada Itoobiya ku mashquulsanayd doorashooyinka qaranka iyo arrimaha GERD [biyo xireenka weyn ee itoobiya dhisanayso], argagixisada TPLF [oo qayb muhiim ah oo ka tirsan TDF], kuwaas oo ay weheliyaan dhalinyaro ay dhawaan qorteen, waxay si firfircoon uga qayb qaateen howlo argagixiso,” ayuu yiri. Dalka Itoobiya ayaa hadda waxaa ka socda doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanka, xilli gobalka Soomaalida iyo Gobalka Tigreega aysan ka qeyb galeynin Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo laga helayo warar kala duwan. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo beegsaday bar-koontarool ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramcad ay ku leeyihiin halkaas oo sidoo kale laga ilaaliyo dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in weerarka, kadib dagaal kooban uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo raggii hubeysnaa, kaas oo ay guullo ka sheegteen ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa gaarka ah ee Haramcad. Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday iyo baabuur NOHA ah oo ay wateen kooxdaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in haatan baaritaano dheeraad ah lagu hayo ragga gacanta lagu dhigay, kuwaas oo ay la wareegeen hay’adaha ammaanka dowladda. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa saaka deggan, waxaana ku sugan ciidamada Haramcad oo howl-gallo amni xaqiijin ah ka bilaabay halkaasi. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah ah amniga, kuwaas oo u badan dila qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay galeyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha intaba. The post Rag hubeysan iyo gaari ay wateen oo lagu qabtay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Japan)-Cabdixakiim Cabdiraxmaan oo ah 44 jir asalkiisu Soomaali yahay ayaa ka mid ah orodyahanada u tartamaya waddanka Maraykanka tartanka Olombikada adduunka oo dhowaan ka furmaya dalka Japan. Cabdirahman waa oradyahankii ugu da’da weynaa ee Mareykan ah ee abid u tartamaka sameeya koox ka socota dalka Maraykanka ciyaaraha Olombikada. “Waxaan ahay 44-jir, waxaanan xubin ka ahay kooxda Olimbikada Mareykanka. Waxaan u maleynayaa inaan ka mid noqon doono dadka ugu da’da weyn tuulada Olimbikada, gaar ahaan dhacdooyinka orodka. Kaliya waxaan matalayaa dhamaan ragga da ‘dhexaadka ah ee banaanka jooga kuwaas oo u maleynaya inaysan tartami karin. ”ayuu yidhi Cabdixakiim. Cabdi wuxuu ku dhashay Soomaaliya waxa uu ahaa ilmo yar markii qoyskiisa ay qaxooti ku noqdeen xeryaha qaxootiga. Waxay aakhirkii degeen Arizona oo wuxuu noqday muwaadin Mareykan ah. Waxaan ahay Mareykan Waxaan ku koray halkan, ayuu yidhi. “Dalkan wuxuu i siiyay wax kasta oo aan nolosha ka doonayay: waxbarasho lacag la’aan ah, shan jeer oo Olombikada ah. Waan u hanweynahay sida Mareykan, waxaan ugu han weynahay sida Soomaalida. Waan ku faraxsanahay labada dal, ”ayuu yidhi. “Waxaan u tegey tababaraha Kulliyadda Pima, waxaanan u sheegay inaan jeclaan lahaa inaan ordo, wuxuuna i weydiiyay inaan waligey hore u soo ordo. Waxaan ku idhi maya. Aniguna waxaan galay kaalinta labaad maalintaas. Taasina waxay ahayd bilowgii shaqadayda orod, si aan daacad u noqdo, ”ayuu sii raaciyay Cabdi oo ka hadlayay taariiqda noloshiisa. Source
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xusen Rooble ayaa magaalada Muqdisho isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada dalka shir lagu dar dargelinayo howlaha doorashada, kadib heshiiskii 27-kii May Muqdisho ku gaareen . Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee xaafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa loogu baaqay madaxda dowlada gobaleedyada in ay mudqisho shir wadatashi isugu yimaadan . Rooble ayaa sidoo kale sheegay in shirkan uu furmayo maalinta sabti ah ee soo aaddan . “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusen Roble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.”ayaa lagu yiri qoraalka. Shirkan ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli madaxda doawlad gobaleedyada dalka iyo dowladda federaalka ay soo wada magacaaben guddiga doorashooyinka dalka . Goobjoog Source: goobjoog.com
-
The Ugandan contingent of the African Union Mission in Somalia, AMISOM, have relocated from Marianguwaay Forward Operating (FOB) base in Lower Shabelle region in the Southwest State of Somalia as part of troop realignment to provide more effective security to the Main Supply Routes, MSRs, and the general area. Source: Hiiraan Online
-
Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur, oo kamid ah Culimaa’udiinka ka horyimid xeerka Puntland ku mamnuucday gudniinka gabdhaha, ayaa jawaab ka bixiyay warkii shalay ka soo yeeray dowladda. Sheikh Fu’aad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, eedaynta ka timid wasiirka Caddaalada Puntland, oo ku saabsan in culimadu ay siyaasad ahaan u diiddan yihiin go’aanka xukuumadda. Wadaadka ayaa sheegay in muranka taagan xeerka gudniinka gabdhaha, uu soo bilowday wakhtigii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole, sidaas darteedna uusan ahayn siyaasad ka dhan ah xukuumadda Deni. Sidoo kale, wuxu hoosta ka xarriiqay in aysan jirin colaad ka dhexaysa xukuumadda madaxweyne Deni iyo culimaa’udiinka, balse murankaas ku koobanyahay xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha. PUNTLAND POST The post Culimada oo jawaab ka bixiyay eedayn ka timid xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.