Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xaaladda Qalafsan ee soo wajahaday Soomaalida ku sugan Gobolka tigray ee collaaddu ka oogan tahay Qaraabada dadkii ay waxyeelada soo gaartay Tigray oo barooranaya Muddooyinkii u dambeeyey waxaa laga deyrinayey xaaladda gobolka Tigray ee dalka Itoobbiya. Gobolkaas, waxaa ku sugan arday Soomaali ah oo halkaa wax ka dhigta. BBC-da ayaa ka war doontay xaaladdooda iya sida uu u saameeyey dagaalkii maalmihii u dabeeyey ka taagnaa gobolkaas, Colaadda gobolkaas waxaa ku dhintay kumannaan qof, waxaana ku barakacay dad ka badan laba milyan oo qof. Ardayda Soomalida ee ku sugan halkaas ayaa gaaraya boqollaal, waxaanay u qaybsamaan kuwo ka yimi deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobbiya iyo kuwo deeq waxabarasho ka helay gobolkaas oo iyana ka yimi deegaammada kale ee Soomaaliya. “Magaalada Makelle ayan joognaa, mana jirto weli cid gaar ah oo nasoo raadsatay laakiin cabsi ayaannu qabnaa haddannu nahay ardayda Soomaaliyeed” ayuu yidhi Siciid Macallin Bahsiir. Waxaana Siciid cabsidaas ku sheegay in ay ka welwelsan yihiiin weerarro ugu yimaadda dhinacyada isku haya gobolka. “Illaa hadda wax dhibaata ah nama soo gaadhin se cabsidaasi way iska jirtaa oo mar walba su’aalo ayay ku weydiinayaan. Tusaale, ka warramo ciidammo Soomaali ah ayaa dagaalka ka qayb galay oo Ererteriya ku tababaranayay? markaa annaguna marwalba waxaan dhahnaa waxaasi ma jiraan. Se kollayba dadkii qalbigooda waxaasaa ku jira oo dad badan baa jira oo dadkoodii wax gaadheen arrinkaana dareemaya oo cuqdadi ku jirto, illaa hadda se wax nagu dhacay ma jiraan.” ayuu yidhi arday kale oo isaguna halkaa ku sugan oo lagu magacaabo Maxamed Shire Kooxda TPLF ayaa khilaaf aad u weyn kala dhaxeeyey raysal wasaare Abiy Axmed ka dib isbaddalkiisa siyaasadeed, in kasta oo qabsashadii saldhigyadii militariga federaalka ee Tigray uu horseed u ahaa duulaanka lagu qaaday halkaas. Kooxda TPLF ayaa wixii intaa kadambeeyay waxay kubiirtay xoogaga kooxaha kale ee ku sugan gobolka si ay udhisaan jabhada kacaanka ee difaaca (TDF). Dhanka kale waxaa maalmihii u danbeeyey laga soo sheegayay gobolka macalluul aad u daran, iyaga haayadaha xuquuqda aadamuhu ku qaylo dhaamayeen in la gurmado dadka halkaasi ku sugan. “Way jirtaa cunnayaridaas waana la dareejmayaa oo maciishaddii aad bay u qaaliyawday. Sannadihii u danbeeyey lacagta naloo soo diro waxaannu ku iibsan jirney kor bay u kaceen oo waa ay labanlaabmeen” Ayuu yidhi Siciid. Ardayda Soomaalida ayaa dhanka kale ka sii werweraya sida uu xaalka noqonayo. Xaaladda guud ahaa ka taagaan deegaanka Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay duqeymaha la sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka gaysteen gobolka Tigray taasoo sababta ay daraasin dad ah ay ku waxyeeloobaan. Midowga Yurub ayaa dhacdadani ku tilmaamay mid welwelkeeda leh iyagoo sheegay in ”si ula kac’ ah rayidka loo bartilmaameedsanaya. Miltaraiga Itoobiya ayaa beeniyaay in rayid la bartilmaameedsaday, balse xaqiijiyay inay jireen duqyemo. Mareykanka ayaa ku baaqay baaritaan deg deg ah oo madax banaan Nin ku dhawaacmay duqaynta Tobanaan qof ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen ama dhaawaceen ka dib markii ciidamada cirka ee Itoobiya ay duqeeyeen suuq ku yaal gobolka waqooyiga ee Tigray. Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada cirka ee Itoobiya ay Talaadadii duqeeyeen magaalada Togoga, oo 25 km u jirta magaalo madaxda gobolka, ee Mekelle. Milateriga Itoobiya ayaa beeniyay inay bartilmaameedsadeen dadka shacabka ah, iyagoo sheegay inay weerarrada u qaadeen si ay uga hortagaan “argagixisada”. Afhayeen u hadlay milateriga Itoobiya, Korneyl Getnet Adane, ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay dagaalyahanno oo keliya, balse aanay jirin dad rayid ah oo ku dhintay Togoga. Dhakhtar caafimaad oo ka howlgala isbitaalka weyn ee Mekelle ee Aider ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan 60 qof ay dhinteen in ka badan 40 kalena ay dhaawacmeen. Waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada ay intaa kasii badato. Mr Abiy oo Isniintii la hadlayey BBC-da ka dib markii uu codkiisa ka dhiibtey doorashadii qaranka ee labada jeer dib u dhac ku yimid, ayuu sheegay inuu la shaqeynayo ciidamada ku sugan dalka deriska la ah ee Eritrea si ay dalka uga baxaan balse wuxuu sheegay inuusan “dibedda u riixayn.” Waxaa lagu eedeeyay inay geysteen xasuuq, kufsi wadareed iyo xannibaaddo dhanka gargaarka bani’aadamnimada – eedeymahaas oo ay Eritrea beenisay. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ninkii caddaanka ahaa ee horay uga tirsanaa booliska Mareykanka Derek Chauvin ayaa lagu xukumay 22 sannadood ee badh oo xabsi ah dambiyo la xiriira dilkii George Floyd ee bishii May ee sannnadkii hore ee 2020-kii. Floyd ayaa geeriyooday ka dib markiii sarkaalka uu jilibka kaga hayay luqunta muddo ka badan 9 daqiiqadood. Mar sii horreeysay Derek Chauvin ayaa qoyska Floyd uga tacsiyeeyay geerida wiilkooda. Xeer Ilaaliyaha dacwada ayaa codsaday in lagu xukumo Chauvin xabsi soddon sano ah maadaama uu galay saddex dambi. Dhinaca kale Bannaanka dhismaha ayaa waxay dadka kaga doodayeen in xukunka uu yahay mid u qalma iyo in kale, waxayna dadka qaar ku doodayeen in sannadada lagu xukumay Derek Chauvin ay yar yihiin halka qaarna ay yirahdeen muddada la xukumay iyo dambiga waa ay isu dhigmaan. Dacwad oogaha ayaa dalbaday in Derek lagu xukumo 30 sannadood oo xabsi ah. Dhanka kale qaeenka qoyska Floyd Ben Camp ayaa xukunka ku tilmamay inuu yahay mid taariikhi ah oo ku aaddan xal u helidda midab takoorka Mareykanka. Dilkiisii ayaa waxa uu horseeday dibadbayo waaweyn oo ka dhacay guud ahaan dunida. Mr Chauvin waxaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo loo yaqaanno heerka labaad, taasoo micnaheedu yahay in dilka uu u geystay si aan ku talogal ahayn. Chauvin ayaa sidoo kale loo sheegay inuu isku diiwaan geliyo inuu yahay dambiile waxaana laga mamnuucay inuu yeesho qori noloshiisa oo dhan. Qoyska Floyd iyo taageerayaashiisa ayaa soo dhaaweeyay xukunka lagu riday Derek Chauvin. Mr Floyd walaashiis Bridgett Floyd ayaa sheegtay in xukunka “uu muujinayo in arrimaha ku saabsan naxariis darada booliska ugu dambeyn si dhab ah loo qaatay” laakiin wali “waxaa harsan wado dheer”. Madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in xukunka “uu u muuqday mid ku habboon” laakiin wuxuu qirtay inuusan ogeyn dhammaan faahfaahinta. The post Derek Chauvin oo xukun culus loogu ridday dilkii Floyd appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadda Xuska 26-ka Juun ee Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi, ayaa xalay lagu qabtay xarunta Villa Somalia, ayada oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Farmaajo. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa khudbado xambaarsan sooyaalkii halgankii Xorriyadda Soomaaliya ka jeediyey masuuliyiin, waxgarad, Abwaanno iyo Hoobollada Qaranka Waaberi oo suugaan ku cabbirayey qiimaha gobannimada, waddaniyadda iyo wadajirka. Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka Dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku ammaanay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed. “Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed,” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xejistaan gobannimadooda, wadajirkooda iyo sooyaalkooda, isaga oo walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Gobannimadu waa xujo hortaalla cidda hesha, oo uga baahan xejisasho iyo ka miro-dhalin. Waa inaan dhowrannaa, waa inaan wadajir iyo midnimo ku wada waardiyeysannaa. Awooweyaasheen waxa ay u dhinteen inaan xornimo helno, innana waa in aan u guntanno ilaalinteeda, innaga oo jiilasha danbe u diyaarinayna mustaqbal iyo nolol wanaagsan,” ayuu yiri Farmaajo. The post Sawirro: Sidee 26-ka June xalay looga xusay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  4. Xarunta madaxtooyada Somaliland, waxaa xalay lagu qabtay munaasabad ku saabsan sannad-guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay 26-kii Juun 1960 markaas oo ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xornimada ka qaateen dowladda Ingiriiska. Munaasibadda waxa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, hoggaanka saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay xuska 26-ka June. Dhinaca kale madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dagaal ku hayso Somaliland islamarkaana dhinaca dhaqaalahana dhaqaalaha xayiraad ka saartay arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin. PUNTLAND POST The post Somaliland oo xustay munaasabadda 26-ka juun appeared first on Puntland Post.
  5. “Qofka doonaya in Ilaahay SW arsaaqada u balaadhiyo, cimrigana u dheereeyow, qaraabadaada xidhiidhi, waa xadiis” Sh Maxamed Sh Cumar Dirir Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa kula dardaarmay bulshada in qof kastoo doonaya inuu Ilaahay SW arsaaqada u badiyo una balaadhiyo, oo cimriga u dheereeyow, qaraabadaada xidhiidhi, sida Nebigu CSW xadiis inoogu sheegay Khudbadii Jimcaha maanta oo Sh Dirir kaga hadlay qodobadda lagu kasbado xalaasha ayaa hadalkiisa ku bilaabay, marka aynu arrin ka hadlayno waa caam, cid gaar ah looma jeedo, laakiin qofkii xeynaadkaa isku arka waa inuu ku dedaalo ka fogaanshaheeda. Sheekh Maxamed ayaa sheegay in mowduuca khudabdu ku saabsna tahay xalaasha iyo sida loo kasbado, khudbadii hore waxay ku saabsanayd sida xaaraanta la isaga ilaaliyo ee dadkii hore wanaagsanaa xalaasha u raadsan jireen, iyo in qofku aanu han yaraan, oo isagoo xalaal heli kara, aanu xaraan ku dhicin, waxaanu yidhi, “Khudbadeenu waxay la xidhiidhaa dariiqooyin qof kastoo mara xalaasha iyo maal barakaysan ku kasban karto. Wa aarrin kulminaysa qofka aduunyo doonaya iyo qofka aakhiro doonaya, labadaba. Sheekh Maxamed oo sii faahfaahinayey mowduuca khudbada ayaa sheegay in asbaabaha risqiga lagu raadsado yihiin laba nooc, sababo muuqda iyo kuwo qarsoon, waxaanu yidhi, “Sababaha muuqda cid walba way taqaanaa, inuu ganacsi samaysto, inuu beero qoto, inuu xirfad uu ku shaqeysto barto. Sababaha qarsoon dadku ma wada yaqaano, qofkii Ilaahay SW waafajiyo ayaa og ee diintiisa ku camal falaya, kuna dhaqmaya. Ilaahay SW waxuu ballanqaaday in arsaaqda sababahaa lagu raadsado la helayo. Asbaabaha lagu heli karo maal badan oo barakaysan waxa ka mid ah inuu qofku istiqfaarta (Dembi-dhaafka) badsado. Nebi Nuux CS ayuu Ilaahay SW ka waramayaa oo qoomkiisa waaninaya, una tilmaamaya sidii ay maal barakaysan u raadsan lahaayeen, oo ku yidhi qoomkiisa “Ilaahay SW dembi-dhaaf weydiista, waxuu idin siin doona roob aad u badan, xoolo, wiilal, beero,” aayada Ilaahay SW waxay tilmaamaysa inuu xoolo badan (amwaal) siinayo. Sheekh Maxamed ayaa sheegay in asbaabaha arsaaqda lagu helo ka mid tahay taqwada, Alle SW ka cabsiga, taqwadu waa in adoomadu Ilaahay SW ka cabsadaan, sida quraanku inoo sheegayo, “Qofka Ilaahay SW ka cabsada, faraj ayuu uga samaynayaa waxii ku adkaada, meel aanu ka filayna, arsaaqad ayuu ka siiyaa. Sidoo kale Ilaahay SW waxuu aayad kale inoogu sheegay “Dadka aduunyada ku nool hadday Ilaahay SW ka cabsadaan cir iyo dhul waxaan uga soo furi lahaa barakaat.” Asbaabaha kale lagu helo arsaaqad barakaysan waxa ka mid ah in Ilaahay SW la tallo saarto, tawakalku waa in adoonku Ilaahay SW talo saartaan oo arrimahooda u dhiibto. Sida Ilaahay SW inoogu sheegay aayad “Qofkii talo saarta, Ilaahay SW wuu ku filan yahay,” Nebi Maxamed NNKH waxuu yidhi, “Hadaad Ilaahay SW talo saaran lahaydeen, talo saarasho dhab ah, waxuu idiin arsaaqi lahaa siduu shimbirta u irsaaqo, ee subaxii u wada kalahaan, galabtiina soo noqdaan iyagoo wada dheregsan” Waxa ka mid ah asbaabaha inaad cibaadada Ilaahay SW qofku u far-baxo oo markuu gudanayo aanu qalbigiisu meel kale jirin, balse uu u soo jeedo cibaadada. Xadiisal-qudsi saxeex ah waxuu Nebigu SCW ku yidhi, Ilaahay SW waxuu yidhi “Inna bani’aadam cibaadadayda u soo jeeso oo u far-bax markaad I caabudayso, Qalbigaaga Qanninnimo ayaan ka buuxinayaa, faqrigaagana waan oodi doonaa.. riwaayad kale waxay sheegaysaa, gacmahaaga arsaaqad ayaan ka buuxin doonaa. Hadaad sidaa diidana qalbigaaga mashquul ayaan ka buuxin doona, faqrigaagana wuu kugu soo butaaci.” Waxa ka mid ah inuu qofku Xajka iyo cumrada badsado haduu awood u leeyahay oo asbaabaha badiya arsaaqada ka mid ah. Nebiguna CSW sidaa ayuu xadiis saxeex ah inoogu sheegay, “Xajka iyo cumrada badsada qofkii awooda, sannad walba ha wado, waxay meesha ka saaraan oo ka reebaan qofka dembiga & faqriga, sida buuxinta dabku uga saarto qashinka” Waxa ka mid ah asbaabaha arsaaqad barakaysan lagu helo xidhiidhinta qaraabadda, sida Nebigu CSW ku xusay xadiiskii Bukhaari ku jiray “Qofka doonaya in arsaaqada loo badiyo loona balaadhiyo, oo cimriga loo dheereeyo, qaraabadiisa ha xidhiidhiyo.” Qaraabada waynu naqaanaa meelaha ay ka timaado. Dadka qaar ayaa isweydiinaya cimrigu wuu qornaa, side loo badinayaa? Laba siyaabood-ba, mid waa barako, waxa badan waxa barakada leh ayaa ka muhiimsan, oo Ilaahay SW ayaa u barakaynaya, midna waa inay hore ugu qornayd hadu qaraabada xidhiidhiyo inuu cimrigu u kordhayo, Ilaahay SW waxuu yidhi “Ilaahay SW waxuu doono wuu sugaa, waxuu doonana wuu tiraa, kitaabkuna agtiisa ayuu yaalaa” Waxa ka mid ah asbaabaha arsaaqad barakaysan lagu helo in meelaha kheyrka ah wax lagu bixiyo, taasoo qofku qanni ku noqon karo, maal barakaysan ku heli karo. Sida Ilaahay SW inoogu sheegay quraanka “Wax alaale waxii aad bixisaan, annigaa bedelkeeda idiin keenaya-weliba bedelku wuu ka badan yahay” Xadiis Muslim ee Abu Hureyra werinayo waxuu Nebigu NNKH yidhi, xadii-qudsi waxuu Ilaahay SW ku yidhi “Ibna Bani’aadamow bixi, anniguna waan ku siin” Xadiis Bukhaari waxuu tilmaamayey in labo malag maalin walba duco iyo habaar u taagan yihiin, mid odhanayo Ilaahow qofkii wax bixiya bedel sii, ka aan bixinna ku habaarayo Ilaahow ka qaad” Xadiis saxeex Muslim ku sugnaa nin ayaa maqlay daruur laga dhex hadlayo ‘beerta hebel waraabi’ beeraha kale maaha, way iska ba’ayaan, laakiin beertan ayaa bixi doonta. Daruurtii beer keliya ayey ku da’day, nin dhextaagnaa ayuu wareystay, maxaad samaysaa? Markaa ayuu ninkii beerta lahaa ugu jawaabay ‘beerta waxii ka soo baxa saddex meelood ayaan u qeybiyaa, meel dib ayaan beerta ugu celiyaa, meelna waan sadaqeystaa, meelna maasriif ayaan ka dhigtaa.” — Mohamoud Ali Walaaleye Tell. 00-252-63-4001235 Freelance Reporter http://www.funca.info/ Hargeisa- Somaliland Qaran News
  6. Maxaa lagu xasuusan doonaa Doorashadii ka qabsoomtey Soomaliland 2021? Somaliland oo ku caana maashey deganaan iyo kala dambeyn iyo weliba Doorashooyin xor ah oo Dadka reer Soomaaliland ay u muujiyeen Caalamka in ay yihiin Dad aaminsan Diimuqraadiyadda iyo Hanaanka xisbiyadda badan. Hore waxa uga qabsoomey Somaliland Doorashooyin u dhacey si xor ah, waxa xasuus mudan in 2010 ay qabsoomtey Doorashadii Madaxtooyada loogu tartamaayey, uuna ku guuleystey Xisbiga Kulmiye oo markaa xisbul mucaarad ahaa. Waanan wada ognahey sidii xaragadda laheyd ee Xukuumaddii markaa jirtey iyo madaxweyne Daahir Rayaale u aqbaleen Natiijadda. Sidoo kale maanta Doorashada qabsoomtey waxa lagu xasuusan doonaa Madaxweynaha iyo Guddida Kommishanka qaranku oo muujiyey dhexdhexaadnimo, Runtiina Guusha Doorashadani Ogolaashaha Eebe kadib ay madaxweynaha iyo Komishanka Qaranka ayaa iska leh .Dhexdhexaadnimadaa aan looga baran Doorashooyinka ka dhaca inta badan Caalamka dunida saddexaad ayey muujiyeen taasina waxey sobotey in ay Xisbiyadda mucaaradku ku guuleystaan Kuraasidii Golayaasha ee loo tartamaayey badankooda oo ay Dadku sidaa u codeeyeen. Waxase Guuldareystey Qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda hadda ka mid ah oo si qeyrul masuul ah oo u eg tabihii kaliddii taliyihii Stalin ku dhaqmey. Dadka wey u caga juglenayeen, xidhxidhayeen ,cabudhinayeen iyo weliba iyakoo farayey Odayaasha qabiilooyinku in ay Habaaraan Xildhibaanadda Xisbiyadda Mucaaradka ah ka tartamaya, aakhirkiina Xisbul xaakimka dhaxalsiiyey Guul darro aanu ka Istaahilin Shacabkiisa. Madaxweyne Ragaa haddii ay Xukuumadda kasii mid ahaadaan waxey ku noqon bar madow iyo magac dil Doorashadaa sida quruxda badan aad u agaasinteen. Abdi Elmi Jama cilmi91@yahoo.com Qaran News
  7. Wuerzburg (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay, 10 kalena si darran ayaa loogu dhaawacy weerar loo adeegsaday mindi, oo uu 24 jir ah Soomaali ah ka gaystay magaalada Würzburg ee dalka Jarmalka. Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan maalmihii dhowaa uu marayey daweyn xagga xanuunada maskaxda ah oo lagu qasbay, kadib markii laga yaabay hab dhaqankiisa. Booliska ayaa markii dambe joojiyey weerarkan kadib markii ninka Soomaaliga ah ay lugta ka toogteen, waxayna sheegeen inuu gaaray dhaawac aan halis gelineyn naftiisa. Joachim Herrmann, oo ah Wasiirka arrimaha gudaha gobolka Bavaria oo magaalada Würzburg ay ka tirsan tahay, ayaa sheegay in ayada oo inta badan dadka dhaawac ah ay xaaladdoodu ay aad u darran tahay, uusan hubin inta ka bad-baadi doonto. Ninka Soomaaliga ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa ku noolaa magaalada Würzburg tan iyo sanaddii 2015, sida uu sheegay Herrmann. “Xaaladdiisa ayaa laga war-hayey bilihii tegay, waxaana lagu arkay hab-dhaqan rabshado leh maalmo kahor, kadibna waxaa lagu qasbay inuu maro daweyn dhanka maskaxda ah,” ayuu yiri Herrmann. Herrmann ayaa goor dambe taleefishin u sheegay, in sida laga soo xigtay hal qof oo ka mid ah goobjoogeyaasha, uu Soomaaliga markii uu weerarka gaysanayey ku qeylinayey “Allahu Akbar”. “Taasi waxay soo jeedineysaa inay suurta-gal tahay in ficilladiisa ay dhiiri-geliyeen xagjirnimo, balse weli waa la baarayaa,” ayuu yiri Joachim Herrmann. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah wiil yar iyo mid ka mid ah waalidiintiisa. Booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax astaamo ah oo muujinaya in dad kale ay ku lug leeyihiin weerarka, islamarkaana xaaladda ay iminka caadi kusoo laabatay. Muuqaallo laga baahiyey taleefishinka ayaa muujinaya nin Soomaaliga ah oo cago cad, oo mindi ku eryanaya dadka. Muuqaallada qaarkood ayaa sidoo kale muujiyey dhiig daadsan waddooyinka. Würzburg oo ah magaalo qadiimi ah oo ay ku nool yihiin 130,000 oo qof ayaa 100 km koonfur-bari ka xigta magaalada Frankfurt. The post Nin Soomaali ah oo dhowr qof ku dilay weerar uu ka gaystay Jarmalka appeared first on Caasimada Online.
  8. MINNEAPOLIS (AP) — Former Minneapolis police Officer Derek Chauvin was sentenced to 22 1/2 years in prison for the murder of George Floyd, whose dying gasps under Chauvin’s knee led to the biggest outcry against racial injustice in the U.S. in generations. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu dhowaan ka furmo kulanka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka, ayada oo ay horyaalaan qodobo dhowr ah, oo is-beddel ku sameyn kara heshiiskii doorashada ee horey loo gaaray. Qodobkan ugu weyn ee la filayo in shirka lagu soo qaado ayaa ah isku day la doonayo in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga. Isku daygan ayaa waxaa wada madaxweynayaasha HirShabelle iyo Jubaland Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo doonaya in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada. Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. Qorshaha Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa gadaal kaga soo biiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo isna doonaya in doorashada ay ka dhacdo kaliya magaalada Baydhaba, oo laga soo wareejiyo Baraawe. Ma cadda inuu hirgeli doono qorshahan, wuxuuna wajahayaa caqabado xooggan oo ay ka mid yihiin sida looga gadi karo madaxweyne Farmaajo oo dagaal adag u galay arrinta Garbahaarey, beesha caalamka, ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada kale. Farmaajo ma fadhiyo miiska wada-hadalka, waxayna arrintiisa ku go’daa ogolaanshaha ra’iisul wasaare ama diidmadiisa. Sidoo kale beesha caalamka ayaa iyana ka hor-iman karin wax ay ku heshiisyaan madax goboleedyada iyo dowladda dhexe. Warar nasoo gaaray ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ay suurta-gal tahay inuu taageero qorshahan, isaga oo ugu daneynaya saaxiibkiis Axmed Madoobe, kuna xumeynaya Farmaajo. Waxaan weli caddeyn mowqifka Qoor Qoor, oo haddii isna uu taageero xoojin karta suurta-galnimada ah in qorshahan hirgalo. Si kastaba, in qorshahan hirgalo waxay ku jirtaa gacanta Rooble, waxaana go’aankiisa uu ku xiran yahay sida ay uga go’an tahay inuu ka horyimaado Farmaajo. Rooble, way u caddahay in Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ay doorashooyin ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey, sidaa darteedna haddii uusan qorshahan taageerin, waa in la helaa xal kale. The post Qorshaha xasaasiga ah ee Axmed Madoobe iyo Guudlaawe ma lagu taageri doonaa shirka Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho caawa waxaa ka socda u diyaar garowgii u dambeeyey ee dabaal-degga maalinta koowaad ee todobaadka xorriyadda Soomaaliya, waxaana saqda dhexe ee caawa saacadu markey tahay 12:00am la saari doonaa calanka dalka. Sida aan xogta ku heleyno, xuska caawa ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo koobay kaliya hal goob, waxaana loo diyaariyey in lagu munaasabadda 26-ka Juun, waana xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, taas oo dad kooban lagu casuumay. Warbaahinta madaxa-banaan ayaa galabta lagu war-geliyey in aysan ka qeyb-geli karin munaasabadda caawa ka dhaceysa madaxtooyada. Cabdulqaadir Maxamed oo wasaaradda warfaafinta u qaabilsan xiriirka warbaahinta mada-banaan ayaa weriyaasha u diray fariin uu uga cudur daaranayo in lagu casuumo kulankaas, isagoo u sheegay in loo soo diri doono Linki, si ay toos ugu baahiyaan munaasabadda. Fariinta uu Cabdulqaadir uu Weriyaasha u diray waxa uu ku yiri, “Asc Asxabta sharafta leh, Waxaan diyaariyay liis si aan uga qeyb galno xuska 26-ka Juun. Lkn waxaa looga baaqdey goobtii loo asteeyay xafladda Roob dartiis. Hool yar ayayna xaflada ka dhacee 30 TV ma qaado. Sidaas darteed linkiga live ka ayaan idinla wadaagi donaa 1001jeer Raali ahaada 1da luuliyo ayaa inoo balana in shaa Alaah.” Dadkii ugu badnaa ayaa caawa ku sugan fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon, kuwaas oo halkaas u soo aaday inay sawirro isaga qaadaan, sidoo kale dadka qaar waxay ku weydiinayaan halka lagu qabanayo munaasabadda weyn ee calanka saarka, si ay uga qeyb galaan. Dhanka kale magaalooyinka gobollada dalka qaar ayaan caawa lagu dhigeyn wax munaasabad ah, waxaana magaalooyinka aan xaqiijinay ka mid ah Dhuusamareeb iyo Garowe oo kala ah caasimadaha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland. Lama yaqaano sababta ka dambeysa in caawa caasimadaha dowlad goboleedyada qaar aan laga xusin 26-ka Juun, waxaana caawa oo kale calanka la saaraa saqda dhexe 12:00 am, xilligaas oo ku beegan markii ugu horeysay oo ciidda Soomaaliya laga toogay calanka buluuga ah 26-kii Juun sanadkii 1960-kii. The post Xuska 26-ka June ee caawa oo lasoo koobay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa markii u horeysay sheegay in musuq-maasuqa uu si maalinle ah uga dhaco hay’addaha dowladda, islamarkaana uu ka ballaaran yahay macnaha loo adeegsado erey bixintaas. Beyle oo ka qeyb-galay barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa telefishanka Universal ayaa sheegay in musuq-maasuqa uu ku dhex baahay bulshada dhexdeeda, taasi oo u baahan in wax laga qabto, sida uu sheegay. Waxa uu carabka ku adkeeyay in musuq-maasuqa uusan ku koobneyn lacag la’lunsado, balse uu yahay wax isdaba marin kasta oo ka dhacda hay’addaha dowladda iyo macaamilada bulshada dhexdeeda. Sidoo kale waxa uu is-dul taagay in musuqa uu qeyb ka yahay mas’uuliyiinta mushaaradka ka qaata dowladda, islamarkaana aan xaadirin shaqada ay ku magacaaban yihiin ee ay bilkasta mushaarka ku qaatan. “Qof baa dhintay walaalkii ha lagu bedelo waa musuq-maasuq. Haddaa u fiirsato maalinkasta waxaa sameynayno Soomaali ahaan waa musuq-maasuq, waxaa ka hadalno oo dhan ayaa musuq-maasuq ah. Markaa musuq-maasuq ma aha lacag la xado ee waa waxaas oo dhan oo ay tahay in aan bedelno,” ayuu yiri Wasiir Beyle. Ugu dambeyntiina waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la bedelo nidaamka dowliga ah iyo hab dhaqanka bulshada caadiga ka noqday, kaasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka yihiin musuq-maasuqa. The post Beyle: Maalin kasta waxaan sameyno waa musuq-maasuq appeared first on Caasimada Online.
  12. Kampala (Caasimada Online) – Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisey in dalalka Afrika oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya ay la kulmayaan mowjad saddexaad oo cudurka COVID-19 ah. WHO ayaa sheegtay in kiisaska ay kor ugu kaceen 474,000, shan toddobaad oo isku xiga, laga soo bilaabo bishan 20-kii bishan June. Waxay sheegtay in kororka kiisaska uu muujinayo faafitaan ka dhakhso badan kii labaad ee qaaradda, oo bilaawday horaantii sanadkan, midaasi oo muujineysa halis hor leh. Kororka kiisaska ayaa waxay eedeynta u weyn dusha ka saaraysa WHO dhowris la’aanta talaabooyinka caafimaadka ee bulshada oo daciif ah, kororka is-dhex-galka iyo dhaq-dhaqaaqa bulshada, iyo sidoo kale faafitaanka mowjadda nooca cusub ee cudurka oo markii ugu horreysay laga helay India oo laga soo sheegay 14 dal. Hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale waxay sheegtay in 1% hal oo kaliya dadka reer Afrika si buuxda loo talaalay. Madaxa xarunta ka hortagga cudurada ee Afrika ayaa sheegay in mawjadda seddexaad la timid darnaan iyadoo waddammada badankood u diyaarsanayn sidaa darteedna ay tahay mowjad aad u xun, wuxuuna ku cel-celiyey baahida loo qabo in si dhakhso leh loo helo tallaalo badan. Si kastaba, Halista cudurka Coronavirus oo bilihii hore ka taagneyd dalka Soomaaliya ayaa xiligan u muuqata mid hoos u dhacday, sida ku cad warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, hase yeeshe khubarada caafimaadka ayaa walaac ka qaba sarre u kaca markale ee cudurka. The post Maxay tahay halista ay WHO uga digeyso dalal ay ku jirto Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa u yimid magaalada Muqdisho si uu uga qeyb-galo shirka uu dhawaan iclaamiyey ra’iisal wasaare Rooble, kaasi oo ay madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ka yeelanayaan dar-dar gelinta doorashada. Lafta-gareen ayaa noqonaya madaxweyne goboleedkii u horeeyay ee soo gaara Muqdisho, xili ay maalin keliya ka harsan tahay shirka uu Golaha iskugu yeeray ra’iisal wasaare Rooble, kaasi oo la iskaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May. Shirka oo la qorsheeyey inuu furmo maalinta berri ah, ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya inuu dib u dhici karo illaa maalinta Isniinta ah, maadaama madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ay dalka ka maqan-yihiin. Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka uu yeelanayo Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa waxaa lagu meel-marin doona wax ka bedel lagu sameynayo jadwalkii hore ee doorashada iyo qoddobo kamid ah heshiiskii ay hore u gaareen dhinacyadu. Si kastaba, Waxaa lagu wadaa inay soo gaaraan caasimada dalka Madaxda kale ee dowlad goboleedyada, si ay uga qeyb galaan shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee markale Muqdisho uga furmaya ra’iisal wasaaraha iyo dowlad goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Banaadir. The post Madaxweyne goboleedkii u horeeyay oo gaaray Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay ee shirka appeared first on Caasimada Online.
  14. Our further expansion of the port in a second phase, and its integration with the special economic zone we are developing along the Berbera Corridor, reflects our confidence in Berbera and intent to develop it into a significant, world class centre of trade. Sultan Ahmed Bin Sulayem, Group Chairman and CEO of DP World „ Follow me on Twitter(opens in new window) Add me on LinkedIn(opens in new window) Berbera Port’s new container terminal inaugurated, has capacity for 500,000 TEUs a year Second phase expansion of terminal will increase capacity up to two million TEUs a year Berbera Economic Zone under development aims to attract investment and new businesses, and to create jobs Expanded port, economic zone and Berbera corridor will transform Berbera into an integrated maritime, industrial and logistics hub in the Horn of Africa DP World, a leading provider of integrated logistics solutions, and the Government of Somaliland, today inaugurated the new container terminal at Berbera Port, following completion of the first phase of the port’s expansion as part of its development into a major regional trade hub to serve the Horn of Africa. The new terminal was officially opened by His Excellency Muse Bihi Abdi, President of Somaliland, and Sultan Ahmed bin Sulayem, Group Chairman and CEO of DP World, at a special event attended by over 200 guests, including a Government delegation from Ethiopia, led by their Excellencies Ahmed Shide, Minister of Finance and Dagmawit Moges, Minister of Transport. The event also included a symbolic ground-breaking for the new Berbera Economic Zone, the first phase of which is under construction. The new container terminal with a deep draft of 17m, a quay of 400m and three ship to shore (STS) gantry cranes, can handle the largest container vessels in operation today, and increases the port’s container capacity from current 150,000 Twenty Foot Equivalent Units (TEUs) to 500,000 TEUs annually. The terminal also includes a modern container yard with eight rubber tyred gantry cranes (RTGs). A new port One Stop Service Centre is also currently being built and will be ready in quarter three this year. DP World has committed to investing up to US$442 million to develop and expand Berbera Port, and with the first phase now complete, Mr bin Sulayem also announced that work is already underway to further expand the port in a second phase. This includes extending the new quay from 400 to 1,000 metres, and installing a further seven STS gantry cranes, increasing the total from three to 10, enabling the port to handle up to two million TEUs a year, and multiple large container vessels at the same time. Part of the overall Berbera plan and modelled on DP World’s Jebel Ali Free Zone in Dubai, the economic zone is linked to the port and strategically located along the Berbera to Wajaale road (Berbera Corridor). The economic zone will serve as a centre of trade with the aim to attract investment and create jobs, and will target a range of industries, including warehousing, logistics, traders, manufacturers, and other related sectors. It will allow producers, suppliers, and customers to operate in a conducive and competitive environment for investment and trade. The Berbera Corridor road upgrade project, funded by the Abu Dhabi Fund for Development (ADFD) and the UK’s Department for International Development (DFID), and the Hargeisa Bypass Road funded by UK Aid, is set for completion in quarter four, 2021 and quarter three 2022, respectively. The road will link to the existing modern highway on the Ethiopian side and position Berbera as a direct, fast, and efficient trade route for Ethiopian transit cargo. His Excellency Muse Bihi Abdi, President of Somaliland, said: “This is a proud and historic moment for Somaliland and its people, as the completion of the first phase has made our vision of establishing Berbera with its strategic location into a major trade hub in the region a reality. With the new terminal, along with the second phase of expansion and economic zone along the Berbera corridor, we are now firmly positioned to further develop and grow our economy through increased trade, attracting foreign direct investment and creating jobs”. Sultan Ahmed Bin Sulayem, DP World Group Chairman and CEO, said: “Our further expansion of the port in a second phase, and its integration with the special economic zone we are developing along the Berbera Corridor, reflects our confidence in Berbera and intent to develop it into a significant, world-class centre of trade. It will be a viable, efficient and competitive option for trade in the region, especially for Ethiopian transit cargo”. DP World Berbera, which began operations at the port in March 2017, has since increased volumes by 35 percent and vessel productivity by 300 percent, and reduced container vessel waiting time from four to five days, to only a few hours. DP World and the Ethiopian Ministry of Transport signed a Memorandum of Understanding (MoU) in May this year, with the aim of developing the Ethiopian side of the road linking Addis Ababa to Berbera, into one of the major trade and logistics corridors of the country’s international trade routes. Boilerplate We are the leading provider of worldwide smart end-to-end supply chain & logistics, enabling the flow of trade across the globe. Our comprehensive range of products and services covers every link of the integrated supply chain – from maritime and inland terminals to marine services and industrial parks as well as technology-driven customer solutions. We deliver these services through an interconnected global network of 128 business units in 60 countries across six continents, with a significant presence both in high-growth and mature markets. Wherever we operate, we integrate sustainability and responsible corporate citizenship into our activities, striving for a positive contribution to the economies and communities where we live and work. Our dedicated, diverse and professional team of more than 53,220 employees from 131 countries is committed to delivering unrivalled value to our customers and partners. We do this by focussing on mutually beneficial relationships – with governments, shippers, traders, and other stakeholders along the global supply chain – relationships built on a foundation of mutual trust and enduring partnership. We think ahead, anticipate change and deploy industry-leading technology to further broaden our digital vision to disrupt world trade and create the smartest, most efficient and innovative solutions, while ensuring a positive and sustainable impact on economies, societies and our planet. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan booliska gobolka Banaadir oo ay kamid ahaayeen taliye ku-xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka, taliyaha qeybta galbeed, taliyaha saldhiga degmada Wadajir iyo guddoomiyaha degmada ayaa gurigooda ku booqday qoys dhawaan warbaahinta ka sheegay inay cadaallad u waayen dil loo geystay wiil ay dhaleen. Saraakiisha ayaa qoyska wiilka laga dilay oo lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed Cali Atoore ayaa waxay u ballan-qaadeen inay cadaalada marsiin doonaan dambiilaha ku eedeysan dilkaas, islamarkaana ay ku kalsoonadaan cadaallada. “Waxaa markale kugu celinayna inaad xaqaaga helayso, oo aad ka helayso cidii gacan ku dhiiglaha aheyd ee wiilkaaga Cabdifataax dishay, sharciga ayaa idiin jooga oo garab idiin ah oo ay tahay inaad kaashataan,” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha u tagtay qoyska wiilkooda la dilay oo ballaan-qaadka u sameeyay. Dhacdada kiiska dilka Cabdifataax ayaa waxaa loo soo qabtay eedeysanayaal, waxayna saraakiisha sheegen inay wadaan baarista dilkaas, ayna ka warsugaan baarista uu wado booliska. Saraakiisha ayaa sidoo kale qoyska marxuumka ka dalbaday inay ku gacan siiyan sidii cadaalada loo marsiin lahaa gacan ku dhiiglaha dilay wiilkooda, iyagoona carabka ku adkeeyay in markasta u taagan yihiin sareynta sharciga. Booqashada saraakiisha iyo guddoomiyaha degmada Wadajir uu ku tegay hoyga qoyska laga dilay wiilkooda ayaa imaneysa kadib markii ay warbaahinta ka sheegen inay cadaalad ka waayen laamaha amniga, xili ay ku gudo-jireen duugista marxuumka. Hoos ka daawo Muuqaalka The post Video: Saraakiil ballan-qaad u sameeyay qoyskii laga dilay Cabdifataax Maxamed Cali appeared first on Caasimada Online.