Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,194
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar (Cabdullahi Carab) iyo Madaxa Waxbarshadda Bariga iyo Koofurta Afrika Muna Salih Meky ayaa Aaladda Fogaan Aragga (Zoom meeting) kaga wada hadlay sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen hurumarinta Waxbarshada. Wasiirka Waxbarashada, Madaxa Madaxa Hurumarinta Waxbarashada Banka Aduunka ee Bariga, Koofurta Afrika ayaa kawada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan labada dhinac, uuna maalin gelinayo Bangiga Adduunka, ayaga oo isku afgartay in la bilaabo mashaariic cusub oo hadda diyaar ah. Wasiirka Waxbarashada ayaa balanqaaday ka miro dhalinta Mashaariicda ay kawada shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Somaaliya ee Arrimaha Waxbarashada. Shirka ayaa kusoo dhamaaday ayada oo la isku afgartay dhaman qodobadii laga wada hadlay iyo sii xoojinta wada shaqeynta Ka dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Bankiga Adduunka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxa Waxbarashada Bariga yo Koonfurta Afrika appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu dhawaan madaxda dowlad goboleedyada ku casuumay shir loo asteeyey in Sabtida uu ka furmo magaalada Muqsisho ayaa waxaa soo baxaya shaki la xariira in dib u dhac uu ku imaan karo shirkaas. Shirkaas ayaa loo qorsheeyey in la isaga wareysto howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka, tan iyo heshiiskii la kala saxiixday 27-kii May, sidoo kale waxaa diiradda la saari doonaa dardar gelinta shaqooyinka harsan. Ustaad Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa isagoo la hadlayey BBC waxaa la hor dhigay su’aalo ku saabsan waxa laga filan karo shirkaas uu iclaamiyey Ra’iisul wasaaraha Rooble. Ustaad Daahir ayaa sheegay in sida uu qiyaasayo dib u dhac u uku imaan karo shirkaas, in kastoo sida uu qabo haatan madaxda ay ka dhex jirto xasilooni siyaasadeed oo wax badan ka bedeshay shakigii iyo cabsidii ay qabeen dadka Soomaaliyeed. “Tan iyo markii uu dhacay heshiiskaan wax weyn oo muuqda lama qaban, laakiin madaxda waa inaan u garaabo, sababtoo ah xasilooni siyaasadeed ooh or u socod leh ayaa la helay, gudiyadiina waa la soo xareynayaa, hada wixii ka dambeeya waxaa laga wadahadlayaa waxyaabaha xasaasiga ah ee dib u dhigi kara doorashada,” ayuu yiri Daahir Qoriyow oo ka faallooda arimaha siyaasada Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu qabaa in heshiiskii ay gaareen madaxdu uusan ku dhaqan geli karin waqtiga loo qorsheeyey, isla markaana ay ku qasbanaa doonaan in waqti dheeraad ah lagu daro. “Aad ayey u adag tahay in 60 cisho lagu qabto doorashooyinka, sidii horay loogu heshiiyaba, marka waxaan ka sugeynaa kulanka uu ra’iisul wasaaruhu iclaamiyey qorshe macquul ah oo bulshada Soomaaliyeedna ay ku qanci karaan, waana rajeynayaa in waqtiga howsha lagu qabanayo ay tahay waxyaaba ugu badan eel aga wadahadli doono,” ayuu yiri. Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay casuumad rasmi ah u diray madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si maalinta Sabtida ay iskugu imaadaan shir ka dhacaya magaalada Muqdisho. Casuumaadaan waxay timid kadib kulan ay qadka Zoom-ka ku yeesheen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo lagu go’aamiyey in la isugu yimaado Muqdisho. The post Shiki laga muujiyey dib u dhac ku yimaada shirka Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweyne Muuse Biixi & Wefti uu hoggaaminayo oo Gaadhay Magaalada Berbera+Ujeedada safarkiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo uga baxay caasimadda Hargeysa, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee la socda oo safar shaqo halkaas u tegay, ayaa waxa si diirran u soo dhaweeyey madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, siyaasiyiin iyo madax kale. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu maalinta berri ee khamiista ah xadhigga ka arii doona wejigii hore ee Mashruuca Balaadhinta Dekedda Berbera. Qaran News
  4. Aniga iyo Faysal waa la arki kaayaga xisbiga laga eryo……Siyaasi Ramaax Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii Arrimaha gudaha xisbigaasi Maxamud Cali Saleeban Ramax. Xoghayaha xilka iyo xubinnimada Xisbiga laga eryey, ayaa shalay warbaahinta ka dhaleeceeyey qorshaha isbahaysiga Mucaaridku ku doonayaan Shirguddoonka Golaha Wakiillada, isagoo tilmaamay in aanu Xisbigu isku raacsanayn arrintaasi. Hase yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta soo saaray qaraar xil ka qaadis ah oo ku socda masuulkaasi.Dhankiisa waxa jawaab ka bixiyey arrintaasi Siyaasi Ramax oo ku tilmaamay mid cayaayir ah oo aan waxba ugu filayn Guddoomiye Faysal. Qaran News
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Culimada Puntland ayaa maanta si adag uga jawaabay eedeyn uu u jeediyay maamulka Puntland, taasi oo la xiriirtay xiisada ka dhalatay xeerka gudniinka Gabdhaha ee ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo kamid ah culimada Puntland ee dhawaan ka hor-yimid xeerka gudniinka ayaa “waxba kama jiraan” ku tilmaamay eedeyntii uu Wasiirka Cadaalada Puntland u jeediyay ee aheyd in siyaasad ahaan u diidan yihiin culimadu xeerkaas. “Majirto colaad gaar ah oo naga dhaxeysa anaga (culimada) iyo xukuumadda Deni, wuxuuna ku kooban yahay muranku xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in xeerkaas aysan uga soo horjeedin arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadda Deni, balse ay aheyd arrin u murankeeda uu soo bilowday xiligii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole. Culimaa’udinka Puntland qaarkood ayaa dhawaan si adag uga hor-yimid xeerka lagu joojinayo gudniinka gabadhaha maamulkaas oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland. Waxaa tan iyo markii la ansixiyey xeerkaasi xiisad cusub ka dhex qaraxday Culimada iyo maamulka Deni, midaasi oo maalmihii dambe cirka isku shareertay, kadib hadalo adag oo hawada isku mariyeen labada dhinac. The post Culimada Puntland oo si adag uga jawaabay eedeyn loo jeediyey iyo xiisad ka taagan appeared first on Caasimada Online.
  6. Tehran (Caasimada Online) – Weerar curyaamin ah ayaa lagu qaaday xarun nukliyeer oo ay leedahay dowladda Iran, taasi oo uu ka socday barnaamijka nukliyeerka rayidka, sida ay baahisay Shabakad warar oo aad ugu dhow hay’addaha amniga dalkaas. Weerarka oo lagu qaaday dhismo ku yaallo meel u dhow magaalada Karaj, oo 40 km galbeed ka xigta caasimadda Tehran ayaa la fashiliyay ka hor inta uusan waxyeelo u geysan dhismaha. Nournews, oo ah website la rumeysan yahay inuu ku dhow yahay Golaha Sare ee Amniga Qaranka, ayaa maanta ku warramay in weerarkaas lagu curyaaminayay howlgalada Iran ee horumarinta nukliyeerka. “Ka hor inta uusan wax waxyeelo ah u gaysan dhismaha ayaa la fashiliyey weerarka, waxaana hadda baaritaan lagu wadaa dhacdadaas,” ayaa lagu yiri qoraalka shabakada ee ay ku shaacisay weerarka la fashiliyay. “Weerarka ma sababin waxyeelo maaliyadeed iyo mid bani’aadam midna,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta weerarka maanta lagu qaaday xarunta nukliyeer ee Iran. Sidoo kale wakaaladda wararka Iran ee ISNA ayaa ayaduna baahisay weerarkaas lagu bartilmaameedsaday xaruntaas oo kamid ah kuwa nukliyeerka ee Iran. Majirto faah-faahin intaas ka baxsan oo laga helayo weerarkaas iyo noociisa, mana aha markii u horeysay ee weerar curyaamin ah lagu qaado xarumaha nukliyeerka ee leedahay Iran. Weerarka maanta ayaa imanaya xili bilihii dambe weeraro curyaamin ah lala beegsaday xarumaha nukliyeerka Iran, waxaana bishii April, xarunta nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ku taalla ee Natanz lala beegsaday weerar sababay waxyeello gaartay mashiinada kobciya uranium-ka iyo in korontada ay ka tagto. Waxaa la rumeysan yahay in Israel ay inta badan fuliso weerarada curyaaminta ah, maadama ay xiisad adag kala dhaxeyso Iran, hase yeeshe ma jiraan warar rasmi oo ku aadan arrintaas. The post Weerar lagu qaaday xarun nukliyeer oo leedahay IRAN iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  7. Siyaasi Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) iyo Safiirka Muqdisho u fadhiya Turkiga, Mehmet Yilmaz ayaa maanta ka wadahadlay arrimo la xiriira Puntland. Asad Diyaano ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan si gaar ah uga wada hadalnay xiriirka Turkigu ay la leeyihiin Puntland oo ay dhawaan ka furteen Qunsuliyad soo dhoweysay adeegga ay bulshadu deegaankaas u baahnaayeen, dhinaca Waxbarashada, safiirku wuxuu ii xaqiijiyey in dugsigii labaad ee farsamada gacanta iyo Macaahid kale ay hay’adda MACAARIIF ka hirgelin doonto guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Puntland. “Waxaan si gaar uga mahadceliyey Safiirka, in dowaldda Turkiya ay ka fulisay 4 ceel biyood deegaanada Sool oo ahmiyad gaara u lahayd degaankaas” ayuu sii raaciyay qoraalka. Sidoo kale Asad ayaa sheegay in uu Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ka wadahadleen dib-u-dhiska ciidanka Soomaaliya oo ka mid ah heshiisyadii iskaashiga amniga iyo xarunta tababarka ee TURKSOM. Asad Diyaano oo ahaa musharaxii looga guuleystay doorashadii Puntland ee 2019 ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo siyaasadeed ka waday Muqdisho. PUNTLAND POST The post Maxay ka wadahadleen Asad Diyaano iyo Safiirka Turkiga? appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Berbera)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo uga baxay caasimadda Hargeysa, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee la socda oo safar shaqo halkaas u tegay, ayaa waxa si diirran u soo dhaweeyey madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, siyaasiyiin iyo madax kale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalinta berri ee khamiista ah, xadhigga ka jiri doona wejigii hore ee Mashruuca Balaadhinta Dekedda Berbera. Mashruucan oo socday labadii sanno ee u dambeeyey, aya ah kii u balaadhnaa ee Dekeddaas laga hir geliyo tan iyo markii ay si rasmi ah Xukuumaddii Madaxweyne Siillaanyo ugu wareejisay Dekeddaasi shirkadda Dp World sannadkii 2016-kii. Mashruucan oo xadhigga ka jari doono Madaxweyne Biixi, ayaa ka kooban dhawr qaybtood, iyada oo qaybta u muhiimsan ay tahay dhismaha 400M balaadhinta Dheega Maraakiibta lagu xidho. Eng Yussuf Abdilaahi Abdi, oo ka mid ahaa Injineerada ka shaqaynayey Mashruucan, ayaa yidhi, isaga oo Faah faahinayey qaybaha uu ka kooban yahay. Mashruucu wuxu ka koobna qaybo kala duwan waxaana kamid ah 1. 400M Quay wall ama dheega maraakibta lagu xidho. 2. Conatiner Yard /baraxada containers lagu kaydiyo 3. Reefer Containers/Qaybta containers ka leh qaboojiyayasha. 4. 16 dhismayal guri oo kala duwan. 5 .Warshad laydh/Power Plant 6 .warashada sifaynta bulaacadaha/Sewage treatment Plant (STP) 7. Buundada lagu eegayo culayska/Weigth Bridges 8 .Roads /wadooyin. Mashruuca waxa maalgalisay Dpworld waxaana dhistay shirkada SHAFA ALNAHDA BUILDING CONTRACTOR. Mashruuca waxaan ka wada qayb galnay dadyaw kalla duwan oo kala wadamo iyo qaarado ah sida S.koreans, indians, phillipines, Americans, Ethopians,Sudanese,Irlands, South africans,Tanzanian, Smalilander, Chainese iyo Brazilian. Source
  9. PRESS RELEASE South Sudan’s Block 5A Recommences Oil Production Block 5A is expected to reach a peak of 45,000 bpd by 2028 JUBA, South Sudan, June 23, 2021/ — Sudd Petroleum Operating Company (SPOC) – the operator of the Block – will unpack its production resumption journey at the upcoming South Sudan Oil & Power (SSOP) 2021 conference, organized by Energy Capital & Power (www.EnergyCapitalPower.com), taking place at the Crown Hotel, Juba, on June 29-30; Block 5A is expected to reach a peak of 45,000 bpd by 2028; The resumption of operations marks a significant milestone for SPOC. Production in South Sudan’s Block 5A – operated by Sudd Petroleum Operating Company (SPOC) – has resumed from the Tharjiath Central Processing Facility into the Tharjiath – WNPOC Heglic Control Centre pipeline after seven years of production shutdown due to civil war. SPOC will unpack its production resumption journey at the upcoming South Sudan Oil & Power 2021 conference, organized by Energy Capital & Power, taking place at the Crown Hotel, Juba, on June 29-30. The Block will produce more than 8,000 barrels per day (bpd) by the end of 2021, 16,000 bpd by mid-2022; 30,000 bpd by 2025 – and is expected to reach a peak of 45,000 bpd in 2028 once four field development projects have been completed. Block 5A is the final operating Block to resume production after the Greater Pioneer Operating Company, which operates the Unity Field in northern South Sudan; and Dar Petroleum Operating Company, which operates Blocks 3 and 7 in the Melut Basin. SPOC’s resumption of production is highly significant, as it is the last joint operating company to resume production after the civil war. “The resumption to us as a government means economic security, not only to the government of South Sudan, but also to the communities in the oil producing region,” Minister of Petroleum Hon. Puot Kang Chol said at the official relaunch ceremony on Monday. Meanwhile, SPOC, with the support from its partners, has also launched its Magnetic Tomography Method; a new pipeline inspection technology which is the first of its kind in South Sudan and has helped accelerate its 172km export pipeline integrity assessment work. As part of its Corporate Social Responsibility program, SPOC commissioned its upgraded water treatment plant in Tharjiath that sources water directly from the Nile River located 16km away from the Tharjiath field, ensuring the security of water supply is sustained throughout the year and enabling SPOC to provide continuous clean and fresh water supply to over 20,000 community members surrounding its operations area. The operator has also launched a Geocell System for pond reinstatement, which ensures a low bearing base, stabilizes eroded slopes, reinforces embankments and effectively protects liner. “This production resumption would not be possible without the trust, belief and effort from the Ministry of Petroleum, the SPOC Partners – PETRONAS, ONGC and NILEPET, the resumption service providers as well as all SPOC employees. With the Water Treatment Plant upgrading and commissioning, SPOC has brought the river directly to our community. We truly believe that this small effort from SPOC, with the support of the Ministry of Petroleum and SPOC Partners – PETRONAS, ONGC and NILEPET; will make a big change to our surrounding community,” Gerry added. Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. Access Multimedia Content SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
  10. Cismaan Xaaji Maye (Iskoot) oo ka mid ahaa difaacayadii ugu adkaa Xulka Soomaaliya iyo naadiga Horseed,sanadihii la soo dhaafay wuxuu ahaa macallinka Xulka Qarankaa Miniftootboolka ee ka qeybgalay tartamo caalami,welina isaga ayaa ah tababaraha Xulka Qaranka kubad cagyaraha Soomaaliya,maamulka Xiriirka Kubad cagyaraha iyo taageerayaasha Minifootboolka ayaa sheegay in ay ku kalsoonyihiin aqoonta iyo khibrada Macallin Iskoot. “Macallin Cusmaan Iskoot wuxuu ka mid yahay tiirarka uu ku taaganyahay Xiriirka Minifootboolka dalka,waxaan diyaar u nahay in aan ka faa’idaysano khibradiisa iyo aqoontiisa xaga hogaaminta Xulka Qarankeena” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadann Cabdulle. “Madaxda Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya ee SOMFA kaalin waaweyn ayay ku lee yihiin horomarinta iyo guulaha Minifootboolka Caalamka” ayuu Goobjoog ugu waramay Falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo oo ka faa’looda ciyaaraha gudaha iyo dibadda. “Macallinka Cusmaan Iskoota waa Hanti Qaran,Xulka Qaranka Minifootboolka wuxuu gaarsiiyay horomaro kala duwan,waxaan ka sugayaan in ay noo soo hooyo koobka Qaarada Afrika ee ka dhacaya Wadanka Nigeria ” ayuu Goobjoog u sheegay ciyaaryahan hore kubbadda cagta ahna falanqeeye ciyaaraha gudaha Cabdullahi Faarax Daguur. “Bandhiga iyo awooda iyo tababare Cusmaan Iskoot waxaan aragnay sanadii 2016 markaas uu watay dhalinyaro aad u yar,waxay xiligaas soo hooyeen guulo taariikh ah,balse Xulka Qaranka Minifootboolka waxaan ka sugayaan in Soomaaliya ay u soo hooyaan natiijo lagu faxo,maadama ay ka qeyb galayaan tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka” ayuu Goobjoog u sheegay Falanqeeye Cabdirashiid Maxamed Nuur (Shardinho). Sidoo Kale Daawo Warbixin Ku Saabsan Macallin Iskoot Aqriso Warar Kale Oo Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Rabnaa In Aan Fursad Siino Halmilyan Oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Matasha Xulka Qaranka Soomaaliya”. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-loollanka shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xaraaradiisu ay cirka isku shareeraysaa,kaas oo u dhaxeeya Xisbiyadda isbahaysiga Mucaaradka Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE oo isagu helay tiro yar oo kuraasta Golaha Wakiillada ah, kaas oo isku deyaaya in xubno kale uu ka soo jilaabto labada Xisbi Mucaarad,halka ay iyaguna difaaca xidheen,isla markaana ay samaynayaa isku dayo ay kuwiisa ku soo xod-xodanayaan. Haddaba loollanka shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ee u dhaxeeya isbahaysiga Mucaaradka Somaliland,ayaa ah mid u eeg kii isbahaysiigii UCID iyo KULMIYE ay sannadkii 2005-kii ku qabsadeen shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay kaga adkadeen Xisbigii UDUB oo xiligaas tallada dalka hayey,balse wuu ka xamaasad baddan yahay. Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa Guddoomiyaha Xisbigii UDUB ayaa xilligaas sameeyey dedaalo kale duwan oo uu ku doonnayey inuu ku mijo xaabiyo isbahaysiga UCID iyo KULMIYE,isagoo Xisbigiisu u baahnaa keliya lix Xilhdibaan si uu kooramku uu ugu buuxsamo,balse uma ay suuragelin,waxaanu go’aansaday inuu iska iimaansado intii uu haystay,isla markaana uu u badheedho in ka-fadhiga uu wakhtigiisa ku qabto oo aan dib loo dhigin,maddaama uu oggaa in aanu shir Guddooonka helayn,haddana waxa uu sameeyey dhiiranaan,taas oo ahayd in ay Xildhibaanadiisii yimadaan Golaha oo ay dhammaan ka soo qayb-geleen kalfadhigaas. Dhanka kalene Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka dhacday uu Xisbigiisa KULMIYE helay 30 Xildhibaan oo u baahan inuu helo 12 Xildhibaan si uu kooramku uu ugu buuxsamo,balse taas ayaa adag xilligan,maddaama oo ay si weyn isku hayaan isbahaysiga Mucaaradka Somaliland oo iyagu haysta aqlabiyadda Golaha Wakiillada,isla markaana ku heshiiyey inay xubnaha shir Guddoonka kale qataan,kuwaas oo qaydhinka ku sii kala qaybsaday xubaha Shir Guddoonka, iyadoo Xisbiga WADDANI uu qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,halka Xisbiga UCID uu isna qaatay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha. Geesta kalene waxa la is weydiinayaan Madaxweyne Biixi ma qaadan donnaa go’aankii geesinimadda lahaa ee Riyaale uu qaadatay xilligan oo kale ,Madaxwene Biixi ma ku furri doonnaa kal-fadhiga koobaad ee Golaha wakhtigiisi,? mise marka uu oggaado in aanu haweysanayn shir Guddoonka Golaha waxa uu bilaabi doonnaa xeelado kale iyo xubnaha xisbigiisa oo ka muquurta kal-fadhiga Golaha Wakiillada,? sida haddaba ay xubnaha Golayaasha degaanka ee Xisbiga KULMIYE ay fadhiyadda qaar uga muquurteen, marka ay arkaan in laga haysto aqlabiyadda,waxaynu dhawrnaa waa qabsoomida doorashada shir Guddoonka Golaha Wakiillada iyo tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweyne Biixi nooca ay noqon doonnaan. Source
  12. Cabdirasaaq Khaliif Axmed waa afar iyo kontan sanno jir 54 laba xaas leh iyo Aabbaha sideed carruur ah,waxa uu kamid yahay Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ee Gobolka Sool laga soo doortay,kaas oo kamid ah masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga WADDANI,isagoo hadda u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI oo haysta aqlabiyadda Golaha Wakiillada ay isku raceen inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. Dhalashadiisii iyo Bar-baarintiisii Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa Magaalada Laascanood ku dhashay sannadkii 1967-kii,halkaas oo uu ku soo qaatay qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo iyo waxbarashadiisa aasaasiga ahayd. Heerkiisa Wax-barasho Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa wax-barashadiisii sare ku soo qaatay Magaalada Muqdisho. Jaamacadda Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa dhammaystay wax-brashada Jaamacadda heerka koobaad,waxaanu sidoo kale bartay culuumta caafimaadka,balse kuma uu shaqayn,sida uu sheegay isagu. Ganacsiga Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa laga soo bilaabo sannadkii 1991 ilaa 2010-waxa uu ku hawlanaan Ganacsiyo uu gaar ah isaga iyo kuwa uu saamiyo ku leeyahay,isaga oo madax ka ahaa shirkaddo waa weyn oo ka hawlgala guddaha dalka iyo deba. Siyaasadda iyo Xilalkii uu Soo Qabtay. Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa ah siyaasi degan oo qunyar socod ah,isla markaana u dhuun-dalloola siyaasadda Somaliland,waana siyaasi dhaqan yaqaan ah oo maddaale ah oo yaqaan shaxda siyaasadda Somaliland godadkeeda kale duwan hadba ka uu degayo. Cabdirasaaq Khaliif Axmed sannadkii 2010-kii ayaa Madaxweyne Siilaanyo uu u magaacabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland,waxaanu xilkaas hayey muddo saddex sanno ku siman, Sannadkii 2013-kii ayaa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u Magacaabay oo u beddalay Cabdirasaaq Khaliif Axmed inuu noqdo wasiirka wasaaradda hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta Somaliland,waxaanu xilkaas hayey muddo laba sanno ku siman,kaas oo uu si iskii ah iskaga casiley dabayaaqadii sannadkii 2015-kii Xisbiga WADDANI Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa ku biiray Xisbiga WADDANI,waxa aanu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxaam Maxamed Cabdilaahi Cirro uu u magacaabay sannadkii 2016-kii u Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga WADDANI . Sannadkii 2018-kii ayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxaam Maxamed Cabdilaahi Cirro uu u magacaabay Cabdirasaaq Khaliif Axmed inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI, kaas oo uu ilaa hadda hayo Gunaanadkii Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo ah nin siyaasad ahaan degan,ayaa hadda u tartamaya inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,kaas oo labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI ay isku raceen,waxaana loo sadaalinayaan inuu xilkaas uu ku guulaysan doonno dhawaan. Source
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa si weyn uga dhex qarxay khilaaf xoogan oo la xiriira doorashada lagu wado inay ka qabsoomto dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Guddoomiye Gacal ayaa waxa uu khilaafkooda la xiriira xubnaha ka imaanaya maamulka Galmudug ee Aqalka Sarre, kuwaasi oo uu madaxweynuhu rabo inuu si madax-banaan u maamusho, halka Gacal uu ku doodayo in si daah-furan looga shaqeeyo. Xubnaha Galmudug ee Aqalka Sarre oo tiradooda dhan tahay ilaa Siddeed xubnood ayey hanaanka xulistooda ka taagan tahay maamulkaas, midaasi oo sarre u qaaday guux ka dhex taagna baarlamaanka iyo madaxtooyada Galmudug. Siddeeda xubnood ee ka imaanaya maamulka Galmudug ayaa waxaa dooranaya baarlamaanka maamulkaas, waxayna dooda u adag ka taagan tahay in kuraasta Siddeeda ah loo xiro shaqsiyaad gaar ah oo uu gadaal ka taagan yahay Qoor-Qoor iyo inay noqoto mid daah-furan oo loo tartami karo. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku doodaya in howsha doorashada iyo abaabulkeeda ay u xilsaaran tahay xukuumaddiisa, islamarkaana aysan jirin door badan oo uu ku leeyahay baarlamaanka, midaasi oo ka careysiisay Gacal oo asagu qaba in mas’uuliyad ka saaran tahay hanaanka xulista xubnaha ka qeyb-galaya doorashadaas. Si kastaba, khilaafka ka dhex qarxay Qoor-Qoor iyo Gacal oo xiligan maraya meel sarre, ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya loolanka adag ee mas’uuliyiintu ugu jiraan in xubno muuqda ku dhex yeeshan goleyaasha cusub ee soo socda. The post Xog: Khilaaf iyo loolan xoogan oo ka dhex qarxay Qoor Qoor iyo Gacal + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  14. MOGADISHU (HOL) - Swedish ambassador to Somalia Staffan Tillander arrived Wednesday in Belet-weyne where he inspected ongoing rehabilitation works to address perennial flooding in the town. Source: Hiiraan Online
  15. Midowga Yurub waa inuu cusbooneysiiyaa heshiiska socdaalka ee ay la saxiixdeen Turkiga sanadkii 2016, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Ursula von der ayaa sheegtay Talaadadii ka hor shir madaxeedka Midowga Yurub oo looga hadlayo cusboonaysiinta heshiiska. Bishii Maarso 2016, Midowga Yurub iyo Turkiga waxay gaareen heshiis lagu joojinayo socdaalka aan caadiga ahayn ee looga soo tallaabayo badda Aegean lana hagaajiyo xaaladaha in ka badan 3 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah oo ku sugan Turkiga. Heshiiska ayaa lagu guuleystay in la joojiyo qulqulka muhaajiriinta iyo qaxootiga, laakiin diidmada Midowga Yurub ee ah in qaxootiga laga qaado Turkiga, iyo caqabadaha xafiisyada ee wareejinta lacagaha loo ballanqaaday ee qaxootiga ayaa horseeday cambaareyn kulul oo uga timid siyaasiyiinta Turkiga. Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan wuxuu ku dhaleeceeyay Midowga Yurub inay ka gaabiyeen inay fuliyaan balanqaadkoodii ahaa inay dhaqaale ku siinayaan muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Turkiga oo qeyb ka ah heshiiska halka loo qoondeeyay balaayiin Yuuro Giriiga. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo sheegay in uu cusboonaysiinayo heshiiska socdaalka ee uu la saxiixday Turkiga appeared first on Puntland Post.
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada Soomaalida ayaa ka hadlay falalka afduubka ah ee muddooyinkii dambe kusoo badanayey dalka Kenya, kaasi oo lagu kacay dad dhowr ah oo u badan Haween Soomaali ah. Sheekh Umal ayaa ugu horeyntii ka digay buun-buuninta falalka noocaas ah, midaasi oo uu sheegay inay ka dhalan karto cabsi iyo wel-wel ka badan isla dhacdadaas. Waxa uu shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay inay raacan 5 qoddob oo tallooyin ah si looga hortago Afduubka kusoo cusboonaday magaalooyin kamid ah dalka Kenya, kuwaasi oo kala ah; In qof kasta uu afka ku hayo xuska Alle iyo ducada oo uusan ka bixin, lagana tegin xirsi-xirka – isagoona soo jeediyay in la baro dumarka iyo carruurta ducooyinka iyo adkaarta. In lala dagaallamo shabakadaha afduubka geysta, islamarkaana laga wacyi-geliyo dhibaatadiisa dadweynaha. In qof kasta uu ka feejignaado oo uu iska ilaaliyo goobaha halista ah iyo in qofka inuusan socon xilliyada qaar. In aanan marnaba la bixinin madax-furasho, taasi oo horseedi karta haddii la fuliyo inay sarre u kacaan falalka afduubka ah. In marnaba aan gabaad la siin dadka afduubka geysta. Falalka afduubka ayaa kusoo badanayey dalka Kenya, gaar ahaan caasimada, ayada oo booliska ay saddex cisho ka hor soo bad-baadiyeen gabadh kamid aheyd dad lagu afduubtay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa. Waxaa cabsi weyn soo food-saartay Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan haweenka, tan iyo markii ay soo baxeen dhacdooyinka naxdinta leh ee afduubka ah. The post Sheekh UMAL oo soo saaray 5 qodob oo looga hortagayo afduubka ka bilowday Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  17. Waxaa dhamaan la fasaxay xildhibaanada baarlamaanka dalka Uganda kadib markii uu dalkaasi ku soo laba kac leya xaniinka corona virus. Guddoonka ayaa sheegay kadib markioi ay sara u kacday tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka corona ee gudaha dalka Uganda si looga taxadaro xanuunka in kulamada baarlamaanka la hakiyay . Qoraal ka baxay madaxada xiriirka bulshada iyo warbaahinta baarlamaanka ayaana lagu sheegay in la fasaxay xildhibaanada baarlamaanka . Source: goobjoog.com
  18. Daraasad ay sameysay jaamacadda City ee magaalada Muqdisho ayey kaga digtay suurtagalnimada in la sumeeyo badda ka dib markii ay badatay dhimashada nooc ka mid ah kalliinada laga helo badda Soomaaliya. Daraasaddan oo ay soo saartay Machadka Kalluumeysiga iyo Cilmiga Badda ee jaamacadda City ayaa lagu sheegay maalmihi la soo dhaafay oo ay u kacsaneyd badda, sidoo kalena ay sii kordhayeen dhimashada mid ka mid ah Mallaayga oo aad loo isticmaalo . Kalluunka loo yaqaano Qurumbow (pufferfish) ayaa badda ay soo tuftay iyadoo kalluunka lagu arkayay hareeraha xeebta isagoo ku soo cariyay. “Qoraalladii hore waxay soo jeedinayaan in dhimashooyinka noocan oo kale ah ay mararka qaar u dhacaan si dabiici ah. Kalluunka Qarambow ee ku nool biyaha gacmeed ee u dhow xeebta kuma noolaan karo badweynta. Dabaylaha, duufaanka iyo hirarka mararka qaarkood waxay soo jiidaan biyaha waxayna ku tuuraan kalluunka xeebta, ’ ayaa lagu yiri warbixin horu-dhac ah oo ay soo saartay Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho . Cilmi baarista jaamacadda ayaa sidoo kale looga digay cunista kalluunkan iyadoo sheegtay in laga qabo casi ah in la sumeyay . Soo helitaanka kalluunka dhintay ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jirto cabsi laga qabo kadib markii uu quusay markab ay ku jireen dhowr tan oo kiimiko xilli uu marayay biyaha magaalada Colombo ee caasimadda Sri Lanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Washington (Caasimada Online) – Afar kamid ah Sacuudiyaankii ka qeyb qaatay dilkii sanadkii 2018 Dalka Turkiga loogu geystay wariyihii Washington Post ee Jamal Khashoggi ayaa la sheegay inay tababar qaas ah ku qaaten Mareykanka hal sano ka hor xiliga ay shirqoolka sameenayeen. Qandaraaska Tababarka ay Mareykanka ku qaateen xubnahaan ka qeyb galay shirqoolkii ka dhacay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul ee lagu dilay Khashoggi ayaa waxaa ansixisay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, sida Talaadadii shalay aheyd lagu daabacay New York Times. Tababarka ayaa waxaa bixisay Tier 1 Group oo ay leedahay shirkadda sida gaarka ah loo leeyahay ee Cerberus Capital Management, waxaana ujeedka tababarka uu ahaa inay kamid noqdaan ilaalada gaarka ah ee madaxda Dowladda Sacuudiga, sida lagu daabacay New York Times. Shirkadda Cerberus Capital Management ayaan wax jawaab ah bixin kadib markii Wakaaladda Wararka ee Reuters u gudbisay codsi ah inay ka jawaabaan kiiska ku saabsan xubnahaan ka qeybgalay tababarka ay shirkaddaan qadaraaska kusoo qaadatay. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price oo ka jawaabayey warbixinta ay qortay New York Times ayaa sheegay in sharciga u yaalla Wasaaradda uusan u ogoleyn inuu ka jawaabo wax kasta oo ay qorto Warbaahinta. Price ayaa sidoo kale sheegay in siyaasada Mareykanka ee ku wajahan Sacuudi Carabiya “ay mudnaanta siin doonto sareynta sharciga iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.” Khashoggi oo heystay deganaanshaha Mareykanka ayaa Washington Post ku qori jiray faalooyin lagu dhaleeceeyey dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salman. Waxaa dilay oo jarjaray koox howl wadeeno ah oo xiriir la leh Amiirka, wuxuuna dilkaas ka dhacay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul Bishii October ee sanadkii 2018. Madaxa shirkadda Cerberus Louis Bremer ayaa xaqiijiyay doorka shirkaddiisu ku leedahay tababarka afar xubnood oo tirsan kooxda dilka Khashoggi sanadkii hore jawaabo uu ka bixiyay su’aalaha xubnaha Congreeska, taas oo qeyb ka aheyd magacaabistiis xilka sare ee wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon ee maamulkii madaxweyne Donald Trump, sida laga soo xigtay New York Times. Sharci-dejiyeyaasha Mareykanka weligood ma helin jawaabahan maxaa yeelay maamulkii Trump uma muuqan inuu Congresska u diro kahor inta aanu ka noqon magacaabista Bremer, sida laga soo xigtay New York Times oo intaas ku dartay in Bremer uu qoraal ahaan u gudbiyay. Bremer wuxuu sheegay in Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka iyo wakaaladaha kale ee dowladda ay mas’uul ka yihiin kala shaandheynta ciidamada shisheeye ee lagu tababaray iida Mareykanka, sidaana waxaa qortay New York Times. The post Raggii dilay suxufi Jamal Khashoggi oo la ogaaday in lagu soo tababaray dal kale appeared first on Caasimada Online.