Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,016
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nin loo haystay isku-day dil Madaxweyne oo geeriyooday,Waase kuma Madaxweynahaa Dilka ka badbaadey? Madaxweyne Assimi Goita Ninka lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu dilo hoggaamiyaha militariga ah ee Mali Assimi Goita, ayaa xabsiga ku geeriyooday, sida ay dowladda sheegtay Axaddii. Tuhmanahan, oo dowladda aysan shaacin aqoonsigiisa, ayaa waxaa xabsiga la dhigay kadib isku day lagu dili lahaa Goita, oo maalinkii Talaadada ee Ciidda ka dhacay Masjidka weyn ee magaalada caasimadda ee Bamako. “Intii uu socday baaritaanka… caafimaadkiisa ayaa sii xumaaday,” waxaana la dhigay Isbitaalka, hase yeeshee “nasiib darro waa uu geeriyooday,” ayey dowladda ku tiri bayaan ay soo saartay. Waxay dowladda intaas ku dartay in si deg deg ah loo amray baaritaan lagu sameeyo meydka, si go’aan looga gaaro sababta dhimashada. Kadib Salaaddii Ciidda ayaa nin mindi watay wuxuu usoo dhaqaaqay dhanka Goita, hase yeeshee waxaa durba madaxweynaha la orday ciidamada ammaanka. Ninka weerarka soo qaaday oo watay jiinis iyo shaati cad ayaa isla goobta lagu xiray, waxaana watay sirdoonka Mali. Eedeysanaha ayaan marnaba la horgeyn mas’uuliyiinta caddaaladda. Dowladda ayaa sheegtay in geeridiisa aysan joojin doonin baaritaanka, “gaar ahaan, maadaama caddeymo horudhac ah iyo xog sirdoon ay muujinayaan in dhacdadan aysan aheyn mid uu ku keli ahaa.” Goita ayaa madaxweyne loo dhaariyey bishii June kadib markii uu hoggaamiyey afgambigii labaad ee dalka ka dhaca wax ka yar laba sano gudahood. Qaran News
  2. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa beeniyey eedeymo ku saabsan in madaxdooda ay software-ka ay sameyso Israel ee Pegasus u adeegsadaan inay ku jaajuusaan suxufiyiinta iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha. War-saxaafadeed Khamiistii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaa lagu yiri “Tuhunnada sheegaya in Imaaraadka Carabta uu ka mid yahay dalal dhowr ah oo lagu eedeeyey inay koor-joogteyn ku beegsadaan suxufiyiinta iyo shaqsiyaadka kale looma hayo wax caddeymo ah oo saldhig u noqon kara.” Eedeymaha noocaas ah “waa been cad,” ayaa lagu yiri qoraalka. Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa Arbacadii iyana sheegtay in “sarkaal Sacuudiyaan ah uu beeniyey tuhunno dhowaan lagu sheegay warbaahinta oo ah in hay’ado iyo shaqsiyaad ka tirsan boqortooyada ay software-ka Pegasus u adeegsadeen inay kula socdaan taleefonada.” “Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in eedeymaha noocan ah ay yihiin kuwa been ah, islamarkaana siyaasadda boqortooyada aysan taageerin dhaqamada noocan ah.” Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowlado dhowr ah oo lagu eedeeyey inay Pegasus u adeegsadeen inay kula socdaan dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka iyo kuwa dhaliila. Xogtan ayaa lagu ogaaday 50,000 oo qof lagu beegsaday barnaamijka Pegasus oo loo dusiyey hay’ado xuquuqda aadanaha. Hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International, kooxda Forbidden Stories ee fadhigeedu yahay Paris iyo warbaahin ay ka mid yihiin Washington Post, Le Monde, iyo The Guardian ayaa ka wada shaqeeyey in la taxliiliyo liiskan lana shaaciyo. Shirkadda Israel ee NSO iyo barnaamijkeeda Pegasus, ayaa awood u leh inay daaraan kaamirada ama mikrafoonka taleefonka, si ay u helaan xogta qofka ama u dhageystaan. Shirkaddan ayaa caalamka markii ugu horreysay uu kusoo baraarugay 2016, kadib markii loo adeegsaday in lagu jaajuuso mucaaraadka Imaaraadka Carabta. “Software-ka NSO waa hubka ay doortaan dowladaha dadka caburiya si ay u aamusiyaan suxufiyiinta, u weeraraan una burburiyaan mucaaradka, oo ay halis geliyaan nolol badan,” waxaa sidaas yiri madaxa hay’adda Amnesty Agnes Callamard. The post Maxay tahay fadeexadda Pegasus ee hareysay madaxda Sacuudiga iyo Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.
  3. The situation in Ethiopia, with elections postponed again and a war waging in the Tigray region, is a tragedy not only for Ethiopia but all of Africa. Prime Minister Abiy must make peace at all costs, says New African editor Anver Versi. Ethiopia’s national elections have been postponed from 5 June to 21 June. On May 15, the head of Ethiopia’s National Elections Board, Birtukan Mideksa, announced that the elections had been postponed, citing low registration, security concerns and ‘logistical challenges’, including printing ballot papers and training polling staff. A week later it was announced that the rescheduled elections would take place on 21 June. We should keep in mind that the current civil war in Tigray Province was triggered by an earlier postponement of the same election, then scheduled for August 2020. Before the 2020 election, in a bid to unite the country’s traditionally fractious political forces, Abiy had persuaded three of the ruling coalition’s most powerful ethnic-based parties to merge into a single party, the Prosperity Party. The Tigray People’s Liberation Front (TPLF), the ruling party in Tigray Province, one of the 12 ethnically based provinces in the country, declined to join. Following the postponement of the 2020 election due to Covid-19 lockdowns, the TPLF went ahead with its own regional elections, pointedly snubbing the federal government. The central government cut off funding to Tigray. The TPLF, which had ruled Ethiopia from 1991 with an iron fist before losing to Abiy Ahmed’s Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) in 2018, said Abiy’s position had lapsed and attempted a takeover of national forces stationed in the region and their arms. In response, the central government launched what it hoped would be a surgical strike to oust the TPLF leadership and bring the province under the control of the federal government. The government forces were met with well-organised resistance and the situation has spiralled into a full-scale civil war with all involved, including forces from the country’s northern neighbour, Eritrea, being accused of gross human rights violations and atrocities. The UN and the Ethiopian Human Rights Commission agreed to form a joint inquiry into atrocities and Abiy, pledging that those found guilty would be punished, also slammed the activities of Eritrean forces, whose conduct he said had been unacceptable. Given this background, it is to be hoped that the general election will be held on 21 June as promised by the electoral commission and that it will be fair and free… A successful, free and fair election – even if regretfully without the participation of Tigray and some of the opposition parties who have said they will boycott them – will signal a measure of normality that the country craves at this moment. A tragedy for Africa What is happening in Ethiopia is a tragedy not only for the country but for the whole of Africa. Ethiopia is not only geographically at the heart of the continent, it is in many ways its soul. It is one of the oldest nation-states in the world; it had a flourishing civilisation that was a marvel of organisation and innovation during Biblical times and before; it has deep symbolic meaning for Christianity, Judaism and Islam; it was the central link between all the ancient African civilisations and continued to be so, even leading up to and after independence. It was one of the founder members of the OAU and today it hosts the AU and UNECA headquarters. Ethiopia, with economic growth projected at almost 9% this year, continues to be one of the fastest, if not the fastest-growing countries in the world. This growth is now under threat. With the election of Abiy Ahmed as the first Prime Minister from the majority Oromo ethnic group in 2018 and his subsequent policy of inclusion – offering olive branches to former foes, releasing all political prisoners, creating a diverse government and bringing the decades-old simmering state of war with Eritrea to an end – it had seemed that at last, Ethiopia would free itself from its centuries-old chains of ethnic rivalry and hatred and embark on a glorious new era. It was not to be. It proves again that there are no silver bullets; that change cannot always come about overnight. It is a gradual process with many wrong turns. But during the ‘honeymoon’ period, we could see what is possible. Abiy Ahmed has weight, authority and power behind him and he must make peace with Tigray at any cost. It will not be easy – there has been too much pain and anguish – but it is possible. He has no other choice. It is said that in Ethiopia, to compromise is to lose face – a fate worse than death, according to some. But only the very strong and munificent have the courage to compromise, because they are bigger than themselves. Nobel Prizes are awarded to such people. Abiy must make peace at all costs – Ethiopia and Africa demand and expect it from him. Source: New African The post Ethiopia’s Abiy must make peace at any cost appeared first on Puntland Post.
  4. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax nooca miinada ah gobolkaasi lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Soomaaliyeed, xilli ay howl-gal ka wadeen halkaasi. Qaraxa ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamadaas, xilli ay howl-gal qorsheysan ka wadeen inta u dhexeysa magaalada Beledweyne iyo degmada Maxaas ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyaadka loo yaqaano Macawiisleyda ee ka howl-gala halkaas. Ugu yaraan labo askari oo uu mid ka mid ah ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya, halka kan kena uu ka tirsanaa maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa ku dhintay qaraxaasi. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo kale oo ka tirsanaa ciidamada qaraxa lagula eegtay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in weerarka qaraxa ah, kadib ciidamadu ay sameeyeen howl-gallo lagu baadi kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Kadib ciidamada ayaa la sheegay inay isaga sii dhaqaaqeen goobta qaraxa lagula eegtay, waxayna dib ugu noqdeen fariisimihii ay markoodii hore kasoo baxeen. Hiiraan ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, kuwaas oo ay wadeen ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala HirShabelle. The post Wararkii ugu dambeeyey QARAX ka dhacay duleedka Beledweyne + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaalka iyo kan Jubbaland u qaabilsan arrimaha doorashada ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta, kaas oo looga wada-hadlay qabsoomida doorashooyinka. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), kaas oo shalay Jabbaland gaaray, una tegay arrimaha doorashooyinka gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya. Labada guddi ayaa sidoo kale ka wada-hadlay sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen, si markaasi ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Sidoo kale labada dhinac ayaa isku af-gartay in si deg deg ah loo hirgeliyo doorashada, gaar ahaan kuraasta taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Doorashada ugu horreyso ee la qabanayo ayaa ah tan Golaha Aqalka Sare, waxaana guddiga doorashada Jubbaland uu shaaciyey in la diyaariyey goobtii lagu qaban lahaa. “Xubnaha guddiga federaalka ka socda iyo guddiga Jubbaland waxa ay isla garteen in la hirgeliyo qabsoomidda doorashooyinka labada gole ee BFS waxaana howsha koowaad laga qabanayaa doorashada Aqalka sare” ayuu yiri xubin ka tirsan guddiga doorashada Jubbaland. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in kaliya haatan ay harsan tahay in lagu dhaqaaqo doorashada sideeda kursi ee Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Jubbaland. Si kastaba dib u dhac ayaa ku yimid qabashada doorasha golahan oo horey loogu asteeyey 25-ka bishan oo shalay ku beegneyd, waxaase socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo xulista Senatorada cusub ee baarlamaanka waxaana ku xiga mida Golaha Shacabka. The post Maxay ka wada-hadleen guddiga doorashada heer federaal & kan Jubaland? appeared first on Caasimada Online.
  6. Tunisia (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah, wuxuuna kala diray baarlamaanka dalkiisa, isaga oo shaqadiina ka ceyriyey ra’iisul wasaarihiisii Hichem Mechichi, sidoo kalena casilay golaha xukuumadda. Kais Saied ayaa shaaca ka qaaday inuu la wareegayo talada dalka, isla-markaana uu soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub oo gacan ka siiya xaaladda adag ee Tunisia. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu damacsan yahay inuu dejiyo qorshe ballaaran oo wax looga qabanayo xaaladda dalka, is dib loogu soo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta. “Waxaan qaadanay go’aannadan, illaa inta nabadda ay ku soo noqoneyso Tuunisia iyo in aan badbaadinno dowladda,” ayuu ku yiri Mr Saied khudbad uu ka jeediyey telefishinka. Arrintan ayaa timid, kadib markii dibad-baxyo waa weyn ay ka dhaceen dalka Tunisia, kuwaas oo looga soo horjeeday saameynta ballaaran ee ka dhalatay cudurka Covid-19 oo saameeyey dhaqaalaha dalkaasi. Dadka Tunisia ayaa sidoo kale dalbanaya inay dhacdo dowladda, maadaama ay ku fashilantay wax ka qabashada xaaladaha adag ee haatan ka jira dalkaasi. Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Tunisia Raashid Ganushi ayaa ka horyimid go’aanka madaxweynaha, wuxuuna tilmaamay inuu qaaday tallaabo u muuqdo ‘Inqilaab’, isaga oo shaaca ka qaaday inuu xilka sii heyn doono, baarlamaankana uu shaqeynayo. Si kastaba go’aanka madaxweynaha dalka Tunisia ayaa noqday mid lama filaan ah oo ‘lala yaabay’ kadib markii uu kala diray baarlamaanka, uuna ceyriyey ra’iisul wasaarihiisa. The post Madaxweyne ceyriyey ra’iisul wasaarihiisii, kala dirayna baarlamaanka DALKIISA appeared first on Caasimada Online.
  7. TOKYO (HOL) - Somali female boxer Ramla Ali will be taking on Romania’s Maria Nechita in round 16 under the women featherweight category this afternoon in the ongoing Olympics in Tokyo, Japan. Source: Hiiraan Online
  8. MOGADISHU (HOL) - Somali prime minister Mohamed Roble has called on the country’s regional governments to expedite the election of new federal senators after a missed electoral milestone Sunday. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sida la xaqiijiyay u sharraxan kursi kamid ah golaha shacabka oo laga soo doorto gobolka Mudug. Wasiirka oo taageero xooggan ka helaya kooxda olaha doorashada u qaabilsan madaxweyne Farmaajo, ayaa tartan u geli doona mid kamid ah kuraasta beeshiisu ku leedahay aqalka hoose ee baarlamanka dalka. Wararku waxay sheegayaan, in sidoo kale Maxamed Cabdirisaaq uu kooxda ololaha Farmaajo wakiil uga yahay gobolka Mudug, islamarkaana doonayo in uu xildhibaanno uga soo saaro. Waxa xusid mudan, in wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud uu ilaa saddex jeer golaha amniga qaramada midoobay u gudbiyay qoraal ka dhan ah Puntland iyo Jubaland wakhtigii muranka arrimaha doorashada. Qoraalkiisi u dambeeyay ayuu ku sheegay in Puntland iyo Jubaland ay yihiin caqabadda ugu weyn ee hor-taagan xallinta khilaafka doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kooxda ololaha madaxweyne Farmaajo oo xildhibaan la raadinaya Maxamed Cabdirisaaq appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo booqasho ku tegay safaaradda Mareykanka ee ku taalla Muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxa siyaasadda iyo nabad-gelyada ee safaaradda, Wendy Stancer, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeyso doorashada. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa howl-wadeeno kale oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya & saraakiil la socotay taliyaha ciidamada Booliska. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arimaha amniga doorashooyinka iyo mashaariicda ay isla wadaan safaaradda Mareeykanka iyo Booliska Soomaaliyeed. Wendy Stancer iyo Xijaar oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday wada-shaqeynta labada dhinac iyo muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo, maadaama la galayo doorashooyin oo isugu jiro baarlamaanka labada Aqal iyo mida madaxweynaha. Madaxa Siyaasadda iyo Nabad-gelyada fafaaradda Mareykanka Wendy Stancer ayaa sidoo kale ku boggaadisay ciidanka Booliska, sida ay u wadaan howlaha sugida ee amniga dalka. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dardar-gelinta howlaha amniga doorashooyinka dhowaan ka dhacaya dalka. Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo dhankiisa ka hadlay ayaa Mareykanka uga mahad-celiyey sida uu mar weliba u garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Mareykanka oo mashaariic kala duwan iyo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliya Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageero dowladda federaalka ah. The post Mareykanka oo DF u sameeyey ballan-qaad la xiriira doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  11. Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur (Sanyare), ayaa sheegay in laba qodob oo keliya, haddii la sameeyo Al-shabaab looga baabi’in karo Soomaaliya oo dhan. Guddoomiyaha oo ka hadlayay shir ku saabsan Amniga, oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa ku baaqay in la fuliyo labadaas qodob, haddii la doonayo in Al-shabaab laga adkaado. Qodobka kowaad ayuu ku sheegay, in la joojiyo odayaasha damiinka ku sii daaya xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee la qabto, ka hor inta aan baaritaan dhammaystiran lagu samayn. Qodobka labaad ayuu sidoo kale ku sheegay, in mas’uuliyiinta dowladeed ay joojiyaan u hoggaansanka awaamiirta Al-shabaab ee ku dhisan cabsi-gelinta. Halkaan ka daawo Hadalka Guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Gudoomiye Sanyare “Laba qodob oo kaliya ayaa Al-shabaab looga guulaysan karaa” appeared first on Puntland Post.
  12. Abdi Ismail Samatar reflects in the recent unrest in South Africa and compares it to Somalia, writing that South Africa will not collapse as Somalia did, there are extraordinary parallels between the postcolonial political histories of the two countries. Source: Hiiraan Online
  13. A British citizen has raised concerns that highly controversial forms of torture and interrogation practices used during the War on Terror are still being employed by US-linked officials. Source: Hiiraan Online
  14. Mohamed Abdulkadir is a MCRI employment specialist who is a former refugee who has recently been awarded for his efforts. Source: Hiiraan Online
  15. Courage, corruption, culture and competition – all major factors in the life and times of the first women’s football team in Somalia and its inspirational young coach, Shaima Sellal. The government gave the go-ahead for a women’s team in 1994, but it did not take off because of the continuing civil war. Football can be a casualty of the conflict in a “failed state”. Source: Hiiraan Online
  16. Nobody was watching Ahmed Hafnaoui in lane eight of the Olympic pool. Source: Hiiraan Online
  17. Odayaasha iyo Cuqaasha Beesha Maxamed Ciise, oo ka tirsan Beel-weynta Ciise Maxamuud, ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Beesha Abokor Ciise. Odayaasha oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa raalli-gelin ka dalbaday qaar kamid ah Nabadoonada iyo Cuqaasha Beesha Abokor Ciise, oo sida ay sheegeen gef iyo xaqiraad ku sameeyay. Sidoo kale, waxay ka hadleen saamiga kursiga Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo laga soo doorto Gobolka Nugaal. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post GAROOWE: Beesha Maxamed Ciise oo jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeeray Abokor Ciise appeared first on Puntland Post.
  18. Waxaa maanta la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu shaaciyo liiska musharaxiinta Aqalka sare ee Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in liiska la filayo aaney ka marnaan doonin inta badan kuwa maamulka uu raali ka yahay halka kuraasta qaar laga yaabo in aan lala tartaminba! Soo bandhigidda liiska waxaa xigi doona in la siiyo musharaxiinta labo maalin oo olole ah, halka sidoo kale lasoo dhejin doono waqtiga khudbadaha iyo xilliga doorashada. Jubbaland sida ay u qabato doorashada Aqalka sare waxay fure u noqon doontaa sida ay u dhaceyso doorashooyinka kale. Source: goobjoog.com
  19. Fiidnimadii Axada, Madaxweynaha Tunisia Qeys Saciid Ayaa soo saaray go’aan uu xilka uga qaadayo raiisul wasaare Hishaam Al-Mashishi. Mr saciid ayaana kadib kulan deg deg ah oo uu la yeeshay saraakiisha ciidamada iyo kuwa nabadsugida waxa uu go’aansaday in “la joojiyo shaqada baarlamaanka, lana qaado xasaanada xildgibaanada” isagoo tilmaamay in go’aankan ay ahayd inuu qaato bilo ka hor. Madaxweynaha Tunisia ayaa intaa ku daray inuu sidoo kale go’aansaday inuu la wareego awooda fulinta isagoo kaashanaya ra’iisul wasaare cusub oo uu magacaabayo. Shalay booliska caasimada, Tunis, iyo magaalooyin kale oo dhowr ah waxay isku dhaceen mudaaharaadayaal ku baaqayay in xukuumadda ay xilka ka degto iyo lakala diro Baarlamaanka. Hase ahaate Hogaamaayimaha xisbiga XARAKA AL NAHDA ahna Afhayeenka baarlamaanka Tunisia Rashiid Qanuushi ayaa ku eedeeyey madaxweyne Qeys Saciid inuu baal kacdoonkii Tunisia iyo dastuurka, kadib markii uu ku dhawaaqay halinta hawlaha baarlamaanka iyo xil ka xayuubintiisa ka dhanka ah xukuumada. “Waxaan u tixgelinaynaa hay’adaha dastuuriga kuwo wali taagan, taageerayaasha Elnahda iyo shacabka Tunisia waxay difaaci doonaan kacaanka,” me qanuushi hogaamiyaha xisbiga Alnahda, ayaa sidaa usheegay Reuters. Isla Fiidnimadii Axada wax uun kadib go’aankii madaxweynaha ee uu xasaanada kaga xatuubiyay baarlamanka, gawaarida ciidamada Tunisia ayaa isku gadaamay dhismaha baarlamaanka Tunisia Mas’uuliyiinta Tunisia waxay qaadeen tallaabooyin adag oo amniga ah agagaarka baarlamaanka, iyadoo muuqalo lagu faafiyay baraha bulshada ay muujinayeen koox gawaarida gaashaaman ee militariga iyo xubno ka tirsan ciidamada amniga oo hor taagan xarunta sharci dejinta, iyadoo go’aadamada madaxweynaha ay soo dhoweynayaan dad waddooyinka isugu soo ururay. Laba goobjooge ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dadka meesha isugu yimid ay ku dhawaqayeen heeska calanka tunisia waxayna sido kale ku luuqeynayeen heeso ay ku amaanayaan ciidanka madaama gawaaridooda ay hareereeyeen xarunta baarlamaanka. Source: goobjoog.com
  20. London (Caasimada Online) – Muwaadin British ah ayaa sheegay in lagu jir dilay Soomaaliya, oo ay su’aalo ku weydiiyaan saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Guardian. Ninkan oo 45 jir ah kana soo jeeda magaalada London ayaa sheegaya in gacanta mas’uuliyiinta Soomaaliya uu ku asiibay ficillo ay ka mid yihiin inay madax uga ganbiyeen dhar, u adeegsadeen aaladaha qofka dareenka tira, madaxana u geliyeen biyo, si looga dhaadhiciyo inuu la shaqeeyo CIA-da Mareykanka. David Tylor, oo magaciisa saxda la beddelay kadib codsi ka yimid qoyskiisa, ayaa waxa uu muddo laba sano ah ku xiran yahay Soomaaliya, ayada oo aan wax dacwado ah lagu soo oogin. David ayaa ka cabsi qaba in haddii aysan dowladda UK soo faro-gelin xaaladdiisa uu wajahayo dil toogasho oo ay ku xukunto maxkamadda militariga Soomaaliya, ama loo dhoofiyo Mareykanka. Qoyskiisa oo ku sugan London ayaa sheegaya “inay ka qalbi-jabeen” xaaladdiisa, waxayna Xafiiska Arrimah Dibedda UK ku eeedeeyeen “inuu gebi ahaanba dayacay.” Warqado sharci ah oo sharxaya xaaladdiisa ayaa toddobaadkii tegay loo gudbiyey Xafiiska Arrimaha Dibedda, waxaana loogu sheegay inay haystaan illaa Arbacada soo socota, si ay uga jawaabaan “fashilka weli taagan” ee ay ku wajaheen arrintiisa. Warqadahan oo ka kooban sagaal bog ayaa lagu sheegay in sirdoonka Mareykanka ay aad u daneynayaan arrinta David. Waxaa lagu sheegay warqadaha in 30-kii June, “laba sarkaal oo Mareykan ah oo isku sheegay inay ka tirsan yihiin FBI-da” ay su’aalo ku weydiiyeen Muqdisho. Dokumentiyada ayaa lagu yiri “waxay weydiiyeen inuu jeclaan lahaa inuu ku noolaado Mareykanka. Waxay tuseen sawirrada shaqsiyaad kala duwan, oo ay weydiiyeen haddii uu garanayo.” Mid ka kid ah sawirrada la tusay ayaa ah Mahdi Hashi, oo ah muwaadin British ah oo kaso jeeda xaafadda Camden ee waqooyiga London, kaasi sanaddii 2012 si sir ah loogala baxay Jabuuti looguna qaaday Mareykanka, kadib su’aalo culus oo ay weydiiyeen CIA-da Mareykanka. Mahdi ayaa waxaa loo xiray inuu taageerayey kooxda Al-Shabaab. Hase yeeshee waxaa la sii daayey sanadkii tegay. Inkasta oo aan wax sabab ah – ama caddeymo ah laga siin sababta loo xiray – haddana sawirrada la tusay David ayaa muujinaya in CIA-da ay tuhmeyso inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab. Wiil uu dhalay David, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa yiri “aabahey waxaa lagu hilmaamay xabsi dal shisheeye, isaga oo ku sugan xaalad halis ah, wax dacwado ahna aan lagu soo oogin. Waa muwaadin British ah, wax taageero ahna kama haysto dalkiisa.” Waxa uu intaas ku daray “waxaan Xafiiska Arrimaha Dibedda wacayey maalin kasta si aan uga baryo inay sameeyaan wax kasta oo ay karaan si loo soo daayo aabahey, oo dalkiisa loogu soo celiyo.” Xafiiska Arrimaha Dibedda UK, ayaa ka war-hayey xariga David tan iyo bishii April 2019, iyo tuhunada ku saabsan jir-dilka tan iyo bishii December 2020, markii ay xaaskiisa oo ku sugan London la xiriirtay. David Taylor ayaa Soomaaliya u guuray 2009, halkaasi oo uu deganaa, hase yeeshee 13-kii April 2019 ayaa la xiray kadib markii uu Yemen u aaday inuu soo cusbooneysiisto baasaboor ka dhacayey, si uu London ugu laabto. Waxaa saddex bil kadib loo wareejiyey saldhig militari, waxaana sida ku cad warqadha sharciga ah “loo sheegay in qof ka tirsan CIA-da Mareykanka uu doonayo inuu arko. Qofkaas ayaa isku sheegay ‘John’. Wuxuuna ku hadlayey lahjad Mareykan ah.” 19-kii September 2019, waxaa loo wareejiyey Muqdisho, kadibna isaga oo indho xiran, gacmo xiran ayaa loo qaaday magaalada Janaale. Dabaa-yaaqadii 2019 ayaa mar kale David waxaa loo soo wareejiyey xabsiga dhexe ee Muqdisho, oo la rumeysan yahay inuu hadda ku jiro. The post David Taylor – “Waxaa lagu jir dilayaa Muqdisho, ayadoo DF ay ku qasbeyso inuu la shaqeeyo hay’adda CIA-da” appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil – gabadhii la waayey ee loo heysto NISA, saraakiil uu sheegay in la khaarajiyey, kuwo loogu awood sheegtay shaatiga dowladda iyo tallaabadii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga xayuubiyey Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad sugidda Qaranka Cabdullahi Kullane. “Waxaan maanta ka hadlayaa mushkilado badan oo waayahaan ka jiray caasimadda Muqdisho, waxaana ka hadlayaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin arrinta Ikraan Tahliil Faarax, saraakiil ka horeysay oo qaar meydkooda la helay, qaarna aan weli la arkin, waxaan kaloo rabaa inaan ka hadlo tallaabadii Ra’iisul wasaaraha oo soo dhaweyn mudun runtii,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Nabadoon Xaad. Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ayaa sheegay in tallaabada uu Rooble qaaday mar hore loo baahnaa, isagoo ku tilmaamay mid muhiim ah. “Dalku maanta hal caqabad ayuu leeyahay, waxayna ka imaaneysaa caqabadaasi madaxweynaha iyo qolada la shaqeysa oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA Fahad Yaasiin, ku xigeenkiisii Kullane Jiis iyo Taliyaha NISA ee gobolka Yaasiin Farey, ragaas oo dhan waxay caqabad ku yihiin hiigsiga umadda Soomaaliyeed iyo doorashada hadda dalku galay, waan soo dhaweynaynaa in caqabadahaas qaar inuu Rooble wax ka qabtay, laakiin faro kama qodna ayaan leenahay,” ayuu yiri. Nabadoon Xaad ayaa musiibo ku tilmaamay madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, “Lanadaas nin intey meesha joogaan dadka Soomaaliyeed nabadda iyo dowladnimada ay sugayaan rajo badan malahan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Waxa uu sheegay in ragaas ay hadda ka shaqeynayaan in dadkii horay ula soo shaqeyn jiray ee xog ogaalka ahaa ay maalinba mid afduubtaan oo dilaan intii wax og, sida uu sheegay Nabadoon Xaad. Sidoo kale Nabadoonka ayaa soo tiriyey magacyada saraakiil uu sheegay inay la shaqeyn jireen Farmaajo iyo Fahad, kuwaas oo qaar meydadkooda la helay, qaarna nolol iyo geeri lagu la’yahay. “Dadkii lagu aaminay masiirka umadda iyo mustaqbalkii soo koraayey, inay dadkii laayaan oo midba mar la dilo, kuwa hadda noolna ay xag Ilaahey ka noolyihiin, kuwo kalena weli la daba joogo, waa wax lala yaabo oo aan horay loo arag, dalkeenana ku cusub, waa wixii argagixisadu ka shaqeyn jirtay,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoonka oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan rabaa inaan si gaar ah isu dul taago kiiska Ikraan Tahliil, waa ka xunahay waxa ku dhacay ehelkeedana waan u tacsiyeyneynaa, qof dhalinyaro ah oo dalka meelaha halboolaha u ah ka shaqeyneysay ayey aheyd, waxay ka mid aheyd dhalinyaarada dalkaan inay meel gaarsiiyaan laga sugaayey, sida arxan darrada ah ee gabadhaas loo afduubtay, ee nolol iyo geeri lagu la’yahay, waan uga tacsiyeeynayaa waalidiinteeda iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed.” Hoos ka daawo The post Daawo: Xaad oo soo saaray baaq xasaasi ah oo ka dhan ah Farmaajo iyo Fahad appeared first on Caasimada Online.
  22. Ha’yadda Caymiska Somaliland oo Amaawiir Culus dul Dhigtay Gaadiidka dalka oo dhan Guddoomiyaha hay’adda caymiska Somaliland, Saleeban Cawad Cali (Bukhaari), ayaa sheegay in sannadka soo socda bishiiisa koobaad gaadhigii aan Caymis lahayni inuu jidadka maro an la aqbali doonin. Sidoo kale waxa uu xusay in ay soo saareen wareegto gaadiidlayda kala duwan ee ku sugan gudaha dalka ku waajibinaysa in la caymiyo dhibaatada uu gaysto gaadhiga qofku uu wato. Dhanka kale agaasimaha guud ee hay’adda caymiska Qaranka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Muuse Cabdi, ayaa sheegay in wareegtadan ay tahay mid hirgelinaysa oo fudaydinaysaa, in dekaddii la isticmaalo, isaga oo ku sababeeyay in jidka isku xidha Berbera ila Wajaale gaadiidka mara bila caymis ay ku marayeen. WAXAA KALE OO WAREEGTADAN LAGU SHEEGAY IN AY DHAQANGELAYSO ISLA MAALINTII AY SOO BAXDAY, ISLA MARKAANA AY WAAJIB KU TAHAY DHAMMAAN GAADIIDLEYDU INAY GALAAN CAYMIS, SI LOOGA BAAQSADO DHIBTA AY DADKU QABAAN BIXINTA MAGAHA KA DHASHA SHILALKA GAAIIDKA. Guddoomiyaha hay’adda caymiska Qaranka Saleeb Cawad Cali Bukhaari isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Hay’adda caymiska Qaranku waxa ay soo saartay wareegto waajibinaysa Caymiska gaadiidka ee dhinaca saddexaad, ujeedadeeduna tahay in la caymiyay dhibaatada uu gaysto gaadhiga aad wadatid ama ka ganacsiga aad ku sameynaysid, ama adigu aad leedahay. Haddaba inaga oo ka duulayna baahida loo qabo Caymiska oo imikaba madax dhaqameedka iyo odayaasha iyo dadweynuhu ay khaati ka taagan yihiin gaadhi gaystay mag, lagana yaabo in ay tiro badan tahay, deetana la yidhaaho ninka gaadhiga leh iyo qofka adhigiisa ku raacanaya hawdka intuba ha bixiyeen dhibtii uu keeno, taasi waxa ay noqotay in cabasho badan iyo culays badani ka timaado lagana yaaba in la yidhaaho berri ma waxa la qabanaya gaadhiga soconaya, iyada oo la weydiinayo caymiskiisi jawaabtu waa maya. Waxa aanu siinayna wakhti ay ku dhammeystirtaan hawshaasi, ma laba biloodba, ma lix biloodbaa, ma saddex biloodba, kay noqoto balse waxa aanu ku qanacsanahay sannadka soo socda bishiiisa koobaad gaadhigii aan Caymis sidani waddada in aanu mari doonin” “Gaadiidka oo ah mid mihiima oo waddankeenu aad ugu baahan yahay, waxa maanta laga bilaabo haddii ILLAAHEY yidhaaho, inoo bilaabo maanta in ay mihiim tahay in la caymiyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sababto waa mid inoo mihiima”Ayay tidhi guddoomiye ku xigeenka hay’adda caymiska Qaranka marwo Sahra Aadan Yuusuf. Agaasimaha guud ee hay’adda caymiska Qaranka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Muuse Cabdi, ayaa sheegay in wareegtadan ay tahay mid hirgelinaysa oo fudaydinaysaa, in dekaddii la isticmaalo, isaga oo ku sababeeyay in jidka isku xidha Berbera ila Wajaale gaadiidka mara bila caymis ay ku marayeen.“Wareegtadan waxa ay hirgelinaysa oo ay fudaydinaysaa in dekaddii la isticmaalo, sababto ah jidka isku xidha Berbera ila Wajaale gaadiidka mara bila caymis ayay ku marayeen, haddii shil dhaco dhibaato badan ayaa soo gaadhi jiray waxaanay wareegtadani xal u noqonaysa arrinta mudada badan hortaagneyd” Qaran News
  23. TPLF oo war cusub ka soo saartay Dagaalada Maalmihii u danbeeyay u dhexmaray Dawlada Itoobiya+Hanjabaad Hor leh Waxaa saacadihi la soo dhaafay xoogeystay dagaallada ka socda dalka Itoobiya, iyadoo jabhadda TPLF ay sii waddo faadhiisimaha ay ka sameysaneyso goballada deriska la ah. Hoggaanka sare ee ciidamada Tigray-ga ayaa sheegay in ay isku ballaadhinayaan xadka gobalkooda uu la wadaago gobalada Canfarta iyo Amxaarada. General Tsadkan Gebretensae, oo la sheegay inuu haatan yahay hogaamiyaha garabka ciidanka ee TPLF oo la baxay TDF, islamarkaana ahaa taliyihii ciidanka millatariga Itoobiya ee xiligii dagaalka Eritrea, ayaa sheegay inay maalmo gudohood kula wareegi doonaan jidka Addis Ababa iyo Djibouti isku xidha. ”Hawlgalkii Charchar ilaa Mile ee deegaanka Canfarta wuxuu kusoo gaba gaboobay si wanaagsan, haatan waxaan si deg deg ah kula wareegi doonnaa jidka isku xidha Itoobiya iyo Djibouti waxaana si toos ah gargaarka ugu furi doonnaa dadkayaga,” ayuu yidhi General Tsadkan Gebretensae. Waxa uu intaas ku daray inay ciidamadooda ay ku guuleysteen inay bur buriyaan fadhiisimo ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegano dhowr ah . “Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaan ku guulaysanay inaan burburino ciidankii ku sugnaa aaga Qobo iyo Woldie, oo ay kamid ahaayeen ilaaladii madaxtooyada, haatana awooda ciidan waa mid anaga noo xaglinaysa, waxaana Addis Ababa gali karnaa anagoon wax iska caabin oo wayn ah la kulmin,” Dhanka kale, wararka ka imaanayo Gobolka Canfarta ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in ay dadka shacabka ah billaabeen in ay isaga baxaan guryaha xilli ay ka cabsi qabaan inay soo weeraraan Tigray-ga. Abiy iyo xulafadiisa ayaa waxaa tan iyo May ku socda dagaallo ay adkaatay in ay iska caabiyaan, TPLF ayaana wacad ku martay in ay dalka kala wareegeyso xukuumaddiisa. Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey tallaabadii uu shalay qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble ee uu ku magacaabay guddiga ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, inta lagu guda jiro howlaha doorashooyinka dalka. Qoraalka Qaramada Midoobey ayaa lagu balan qaaday inay sii taageeri doonaan haweenka Soomaaliyeed, si qoondadooda ay u helaan matalaadooda. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta baarlamaanka federaalka ay haweenku ku yeelanayaan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay QM. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Qaramada Midoobay waxa ay ku celineysaa taageeradeed buuxda ee ka qeybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo matalaadooda doorashooyinka soo socda.” Ra’iisul wasaaraha XFS Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, kaas oo ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada haweenka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka. 13-ka xubnood ee uu ka kooban yahay guddigaas hal ka mid ah waa rag, halka inta kale ay yihiin haween, waxaana guddoomiye looga dhigay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ku magacaaban guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso magacyada guddigaas The post QM oo war ka soo saartay tallaabadii uu qaaday Rooble appeared first on Caasimada Online.