Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc ballaaran oo dib u dhis iyo casriyeyn loogu sameeyey marsada caalamiga ah ee Berbera, taasi oo baaxaddeedii hore loogu kordhiyey 400 (Afar boqol). Munaasibadda xarig ka jarista marsada Berbera ayaa waxaa ka qayb-galay wafuud caalami ah oo ay kamid yihiin wafdi Imaaraatiyiin ah oo uu hoggaaminayo maamulaha guud, ahna guddoomiyaha shirkadda DP World, Wafdi ballaadhan oo ka socda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda oo ay wehlinayso wasiirka gaadiidka iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida. Sidoo kale waxaa wafdiga qeybta ka ahaa munaasibadaas kamid ahaa wafuud uu hoggaaminayo ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau, Mudane Baciro Dja, wafdi ka socda dalka Kenya, Safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka deriska iyo Taiwan, diblumaasiyiin caalami ah. Maxaa lagu kordhiyay; Waxaana ay markiiba xammili kartaa 500 oo koonteynaro cabbirkoodu yahay TEU. Waxaa lagu soo kordhiyey 8 wiish oo kuwa gashaaman ah. Qorshuhu wuxuu yahay in la gaadhsiiyo illaa 2 milyan oo TEU Waxaa lagaa dhigayaa goob uu ku soo hirto ganacsiga geeska Afrika. Waaa lagu dhawaaqay wejigii labaad ee dekedda Berbera. Deked cusub ayaa iyana diyaar ahaan doonta saddexda sano ee soo socota oo la dhisi doono. Heshiiska DP World ee dekedda Berbera ee ay la gashay Somaliland ayaa wuxuu soo bilaabmay 2016-kii, ayada oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen 9-kii bishii Agoosto ee isla sanadkaas, taasi oo is-qab-qabsi gaaray gacan ka hadal uu ka dhacay fadhigii lagu ansixinayay ee baarlamaanka Somaliland. The post Sawirro: Dekedda Berbera oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay – Maxaa lagu soo kordhiyay? appeared first on Caasimada Online.
  2. (SLT-Addis Ababa)-Millatariga Itoobiya ayaa beeniyay inay duqeyn cirka ah ay ku dileen dad ku sugnaa suuq ku yaalla gobolka Tigray, balse ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanada mucaaradka oo dhar shacab ah xidhnaa. Colonel Getnet Adane oo ah afhayeenka ciidamada difaaca qaranka Itoobiya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ayna jirin dad rayid ah oo duqeyn ay ku dileen isagoo intaa raaciyay in dagaalyahanada ku sugan magaalada Togoga ay xidhnaayeen dharka shacabka. Ugu yaraan 43 qof ayaa lagu dilay duqeyntii cirka ee suuq mashquul badan Talaadadii, sida ay sheegeen dhaqaatiirta caafimaadka. Qof ka mid ah dadka magaalada ayaa u sheegay Reuters Arbacadii in duqeynta cirka maalin ka hor ay ku dhacday suuq ku yaalla magaalada galbeedka ku taal Mekelle. Afhayeenka milatariga wuxuu sheegay in dagaalyahannadu aysan ku sugnayn gudaha suuqa, laakiin ay isugu yimaadeen magaalada si ay u xusaan sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la qarxiyay magaalo kale oo ka tirsan Tigray, Hawzen, 1988. Weerarkaas, oo ay geysteen hoggaamiyeyaasha shuuciga ee xilligaas xukumayay Itoobiya, waxaa ku dhintay boqolaal dadka waxaana si weyn looga xusaa Tigray. Afhayeenka oo wax laga waydiiyay caruurta ku dhaawacantay weerarkii Talaadadii ayaa sheegay in kooxda TPLF ay adeegsato dacaayad ayna caan ku tahay been abuurka. Wuxuu sidoo kale sheegay in dhakhaatiirta ay soo xigatay warbaahinta aysan aheyn dhaqaatiir dhab ah . Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay wararka sheegaya in ciidamadu xayireen daadgureynta dadka, waxayna ugu baaqeen maamulka Itoobiya inay baadhitaan deg deg ah ku sameeyaan. “Weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo weerarada aan kala sooca lahayn waa mamnuuc,” ayuu yidhi ku-simaha xoghayaha guud ee arrimaha bani’aadamnimada, Ramesh Rajasingham. Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay duqeynta lagu diley dadka rayidka ah. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa ficilkan la canaanan karo,” ayuu afhayeenka waaxda arrimaha dibada Ned Price ku yidhi hadal uu soo saaray. Madaxa siyaasada arimaha dibada ee midowga yurub Josep Borrell ayaa sheegay hadii la xaqiijiyo xanibaada ambalaaska inay noqon karto ku tumasho sharciga caalamiga ah. Duqeyntan “waxay ku sii kordhineysaa taxaddarradii foosha xumaa ee xadgudubyada sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo xuquuqda aadanaha” ee ka dhacday Tigray, ayuu sii raaciyay. Millatariga Itoobiya ayaa tan iyo bishii November la dagaalamayay xoogag daacada u ah xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo ahaa xisbigii hore u xukumi jiray gobolka. Dagaallada ayaa waxaa ku barakacay laba milyan oo qof, Qaramada Midoobayna waxay ka digtay macluul dhici karta. Source
  3. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan madaxda ka tirsan Itoobiya iyo shirkadda DP World ayaa maanta gelinkii dambe xarigga ka jaray wejiga kowaad ee mashruuca ballaarinta iyo casriyeynta dekeda Berbera. Dekeda Berbera ayaa wejiga kowaad lagu kordhiyey 400 (Afar boqol) oo mitir oo ay u dhammaystiran yihiin dhammaan waxyaabihii looga baahnaa deked caalami ah. Munaasibadda xarig-ka-jarista marsada Berbera waxaa ka qeybgalay Maamulaha guud, ahna Guddoomiyaha shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Sulaymaan, wafdi ka socda Itoobiya oo hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dawladda Federal-ka Itoobiya, Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka Gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, xubno wafdi ah oo hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Baciro Dja, wafdi ka socda dalka Kenya iyo diblumaasiyiin kale. Munaasibadda ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay dekeddu u leedahay guud ahaan bulshada geeska Afrika iyo gaar ahaan shacabka reer Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayso kor-u-qaadista dhaqaalaha iyo kobcaha dakhliga dadweynaha iyo dawladahaba. Wasiirka Wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sharraxay faa’iidada ay ballaarinta marsada Berbera u leedahay bulshada reer Somaliland iyo bulshooyinka geeska Afrika ku dhaqan, waxana uu tilmaamay inay dhaqaalaha Somaliland horumarin doonto. Wasiirrada Maaliyadda iyo Gaadiidka ee dawladda Federal-ka Itoobaiya, Mudane Axmed Shide iyo Marwo Dagmawit Moges oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna si isku mid ah u ammaanay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo kaalinta ay ka qaadanayso fududaynta iyo horumarka gancsiga Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya. Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey si gaar ah diirradda ugu saaray faa’iidada ay shacabka dawlad-deegaanku ka filayaan ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera iyo sida ay u xoojinayso ganacsiga labada shacab ka dhexeeya. Guddoomiyaha, ahna Maareeyaha guud ee shirkadda DP World Axmed Suldan Bin Sulaymaan, ayaa isaguna ka sheekeeyey muhiimadda ay dekedda Berbera u leedahay gobolka, isaga oo tilmaamay inay shirkad ahaan u hagar baxeen casriyeynteeda, islamarkaana ay u dhammaystireen wax kasta oo ay deked caalami ahi u baahan tahay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey wufuudda caalamiga ah iyo saaxiibbada Somaliland ee kasoo qayb-galay furitaanka wejiga koowaad ee ballaarinta dekedda Berbera. Muuse Biixi wuxuu tilmaamay in dawlado badan ka hor yimaadeen dhismaha dekeda Berbera oo ay duufaanno colaadeed ku kiciyeen, isaga oo madaxda shirkadda DP World uga mahadnaqay sidii ay ugu dhabar-adaygeen culaystyadii la saaray. Madaxweynaha Somaliland waxa uu farriin muhiim ah u diray shacabka reer Somaliland oo usoo jeediyey inay ka faa’iidaystaan dekedda loo dhisay ee la ballaariyey, muujiyaanna ilbaxnimo, aaminaad, furfurnaan, soo dhaweyn, shaqo-wanaag iyo hawl-fufudayn, karti iyo dedaalna kaga qaybgalaan tartanka dunida ka socda. PUNTLAND POST The post Wejiga kowaad ee ballaarinta dekeda Berbera oo xariga laga jaray appeared first on Puntland Post.
  4. Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya Xamase Saciid Xamse ayaa guul iyo natiijo wanaagsan u rajeeyay ciyaartooyda iyo macallimiinta Xulka Qaranka kubad cagyaraha Soomaaliya ee dhawaan ka qeyb galaya tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka kaas oo ku qabsoomaya Wadanka Nigeria. “Wasiir Xamse Saciid wuxuu ka mid yahay dadka dardargelinta la garab taagan Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya,sidoo kale Wasiir Xamse wuxuu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Xiriirada ka dhisan Soomaaliya iyo cid kasta oo doonaysa horomarinta isboortiga dalka” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka kubadcagyraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle “Xulka Qaranka Minifootboolka wuxuu la mid yahay Xulka kubbadda cagta,bulshada Soomaaliyeed waan in ay taageeraan Xulka Minifootboolka,Waxaan aaminsahay in aan ku guulaysan karno tartanka Qaarada Afrika ee African Minifootbool Nations” ayuu Goobjoog ugu waramay Cabdullahi Sahal Ducaale oo ah Guudoomiyaha Kooxda Bustaale oo ka mid kooxaha kubad cagyaraha Soomaaliya. ”Waan Garab taaganahay Ciyaartooyda Xulka Qaranka Minifootboolka ee dhawaan ciyaaraya tartanka Qaarada Africa ee Minifootboolka,ma ahan markii kowaad ay ciyaaraan tartamo caalami,balse ciyaartooyda iyo macallimiinta Xulka Minifootboolka,waxaan u rajayanyaa guul iyo horomar ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha isboortiga degmada Yaaqshiid mudane Xasan Tahliil. Wasiir Xamse Saciid Xamse bersamaadkii wuxuu ka mid ahaa naadiga Badda iyo Xulka Qaranka Soomaaliya waxa uu sheegay in Wasaaradda ciyaaraha uu maamulka ka yahay ay diyaar u tahay garab istaagida Xulka Qaranka Minifootboolka,isagoo dhinaca kale bogaadiyay da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya ee Somali Minifootbool Association. “Aqoonsiga iyo wadashaqeynta Wasaaradda Ciyaraha Soomaaliya iyo Xiriirka Kubad cagyaraha waxay ka mid tahay guulaha iyo talaabooyinka ugu waaweyn aan samaynay doorashadeena ka dib,waxaana rajayanayaa in ay halkeeda ka sii socota sanadaha soo socota” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Minifootboolka mudane Xasan Cabdi Goodax. Daawo Warbixin Ku Saabsan Wasiir Xamse Iyo SOMFA Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Cabdullahi Faarax Daguur “Macallin Cismaan Iskoot Waa Hanti Qaran ” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  5. DP World and Somaliland opened a new container terminal at Berbera Port, with work under way to further expand the terminal's capacity and develop it into a major regional trade hub serving the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Baanka Dhexe ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray amar uu ku socodsiinayo lacagta 50-ka dollar oo kal hore ay joojiyeen ganacsato ka tirsan kuwa ka howl-gala Soomaaliya. Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo kulamo la qaatay guddoomiyeyaasha Bangiyada, xawaaladaha iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee lacagaha danabeysan ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin lacag been abuur ah oo soo gashay dalka, kadib baaritaan dheer oo uu sameeyay Bankiga dhexe. Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in baaritaanka ay ku ogaadeen in baro-bagaado ay tahay wararka sheegaya in dalka lasoo geliyay lacag 50 dollar ah oo been abuur ah, islamarkaana ay tahay in ganacsatada ay qaadato lacagtaas oo aysan ka muujin shaki. “Laga bilaabo maanta in Bangiga dhexe uu amray qaadashada iyo bixinta 50-ka dollar, cidii u hogaansami weyda go’aankan uu la xisaabtami doono Bangiga dhexe. Waxaa madaxda ganacsatada isla qaadanay inay u hogaamsanadaan awaamiirta Bangiga,” ayuu yiri guddoomiyaha Baanka Dhexe, Cabdiraxmaan Cabdillaahi. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkadaha iska dhago-tira amarka Bangiga Dhexe, maadama aysan waxba ka jirin cabsida shacabka lagu abuuray ee la xiriirta in lacag Konton dollar ah oo been abuur ah ay ku jirto dalka. Amarka kasoo baxay Bangiga dhexe ayaa imanaya xili ay muddooyinkii dambe taagneyd hadal haynta in lacag been abuur ah oo Konton dollar ah ay ku jirto dalka, taasi oo keentay in gebi ahaanba lacagtaas ay iska diidan shirkadaha iyo dadweynaha wax kala iibsanaya. The post Baanka dhexe ee Soomaaliya oo soo saaray amar cusub oo ku saabsan lacagta $50 appeared first on Caasimada Online.
  7. Moscow (Caasimada Online) – Russia ayaa maanta ku eedeysay Britain inay faafineyso been ku saabsan iska hor-imaad Badda Madow ku dhex-maray maraakiibta dagaalka labada dal, waxayna ka digtay inay si xooggan uga jawaabi doonto daan-daansi kale oo ay sameeyaan ciidamada badda Britain ee ku sugan xeebta gobolka Crimea ee Russia ay goosatay. Russia ayaa u yeertay safiirka Britain ee Moscow si ay ugu gudbiso diginin diblomaasiyadeed oo rasmi ah, kadib markii markab dagaal uu ku xadgudbay wax uu Kremlin-ka ugu yeeray xuduuddeeda badda, hase yeeshee Britain iyo dunida inteeda kale ay u arkaan inay leedahay Ukraine. Britain ayaa sheegtay in Russia ay baahineyso akhbaar aan sax aheyn waxayna dood ka keentay sida ay u dhigtay dhacdada, ayada oo sheegtay inaysan jirin wax rasaas diginin ah oo lagu soo riday iyo bambooyin lagu tuuray marinka markabka lagu magacabao HMS Defender. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia ayaa u yeertay safiirka Britain Deborah Bronnert si ay ugu gudbiso “diginin adag”, waxaana afhayeenka wasaaradda Maria Zakharova ay London ku eedeysay “been cad.” “Waxaan rumeysannahay inay aheyd daan-daansi cad oo horey loo diyaraiyey,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov oo ka hadlay dhacdadan oo Moscow ay sheegtay in rasaas diginin ah ku furtay, bambooyinna ku qarxisay marinka markabka British-ka. “Haddii mar kale ay dhacaan ficilladan aan la aqbali karin ee daan-daansiga ah, haddii ficilladaas ay noqdaan kuwa xadkoda dhaafa, ma jirto wax meesha laga saari doono marka ay noqoto difaaca xuduudaha Russia,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Peskov. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain Dominic Raab ayaa weriyayaasha ugu sheegay dalka Singapore oo uu booqasho ku joogo inaysan jirin rasaas lagu furay markabka HMS Defender. Russia ayaa 2014 jasiirad u yaalka Crimea ka qabsatay Ukraine, kuna darsatay dhulkeeda, waxayna aagga xeebteeda u aragtaa inay ka tirsan yihiin biyaha Russia. Dalalka Reer Galbeedka ayaa Crimea u arka inay qeyb ka tahay Ukraine, waxayna diidaan sheegashada Russia. Reuters + VOA The post Ruushka oo rasaas ku furay markab British ah, soona saaray hanjabaad xooggan appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland. Bayaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in shirka Golaha Wasiirada looga hadlay Amniga, Dhismaha Marsada iyo Suuqa Boosaaso iyo warbixinta qorshaha horumarinta Puntland sida qiimeynta iyo dabagalka mashaariicda horumarin. Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka qeyblalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cimi Cismaan Karaash. PUNTLAND POST The post Qodobadii diiradda lagu saaray shirka Golaha Wasiirada Puntland appeared first on Puntland Post.
  9. Nin dowr weyn ka qaatay tiknoolojiyadda adduunka oo “xabsi isku dhex dilay” Aasaasihii baarnaamijka ka hortagga fayrasyada kombiyuutarada “McAfee Antivirus” John McAfee ayaa meydkiisa laga helay xabsi ku yaalla magaalada Barcelona saacado kadib markii maxkamad ku taal Spain ay aqbashay inay dib ugu celiso Mareykanka si loogu qaado dacwad ku aaddan canshuur lunsasho. Waaxda cadaallada ee maamulka Catalonia ayaa sheegtay in dhakhaatiirta gargaarka degdega ah ay isku dayeen inay badbaadiyaan McAfee, balse aysan u suurogelin. Waxay sheegtay inay jiraan calaamado muujinaya inuu isaga gacantiisa isku dilay. Shirkadda McAfee waxay soo saartay barnaamijkii ugu horreeyay ee ganacsi ee lagula dagaallamo fayraska kombiyuutarada. McAfee VirusScan wuxuu helay balaayiin dollar, ugu dambayntiina waxaa looga iibiyey shirkadda weyn ee teknoolojiyadda Intel in ka badan 7.6 bilyan oo dollar. Bishii Oktoobar ee 2020 John McAfee ayaa lagu xiray Spain isagoo markaas doonayay inuu diyaarad u raaco Turkiga, waxaana lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu soo xareeyo canshuur celinta muddo afar sannadood ah, inkastoo uu maaliyiin lacag ah ka sameeyay barnaamijyo kala duwan. Waaxda cadaallada Mareykanka ayaa ku andacootay in McAfee uu ka baxsaday mas’uuliyiinta canshuuraha iyadoo dakhligiisa lagu shubo akoonnada bangiyada iyo akoonnada lacagaha loo yaqaan ‘cryptocurrency’ oo adeegsanaya magacyada dad kale oo aan la aqoon. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu hanti maguurta ah oo uu lahaa oo ay ku jiraan doonyo iyo hantida kale uu qariyay, isagoo isticmaalaya magacyada dad kale. Maxkamadda qaranka ee Spain ayaa subaxnimadii Arbacada dowladda dalkaas u oggolaatay inay Mareykanka u gacan geliso McAfee si uu u wajaho eedeymahaha loo haysto. Sanadihii la soo dhaafay, McAfee wuxuu si isdaba joog ah u sheeganayay inay jirto qorshe la doonayo in lagu xiro. Si kastaba ha ahaatee maxkamada ayaa sheegtay in “aysan jirin cadeyn muujineysa” in loo maxkamadeynayo sababo siyaasadeed ama fikir, sida uu weriyay wargeyska El Pais. John McAfee oo ku sugan xeebta Miami Ganacsadaha, oo ku dhashay magaalada Gloucestershire, ee dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay soo caanbaxay sannadadii 1980-meeyadii ka dib markii uu aasaasay shirkaddiisa tiknoolajiyadda McAfee VirusScan. In kasta oo uu hormuud ka ahaa ammanka kombuyuutarka, haddana wuxuu mar qirtay in uusan weligii barnaamijkaas ku isticmaalin kombiyuutarkiisa gaarka ah – ama barnaamij kasta oo ka hortagga fayraska. “Waxaan naftayda ku ilaaliyaa anigoo si joogto ah u bedalaya cinwaankayga IP [internet protocol], anigoon magacayga ku lifaaqayn aalad kasta oo aan isticmaalo, iyo in aanan aadin goobaha aad ka qaadan karto virus,” ayuu u sheegay weriyaha teknolojiyada ee BBC Leo Kelion sanadkii 2013. “Tusaale ahaan, ma daawado muuqaallada anshax xumada ah ee ku jira internate-ka.” Wuxuu sidoo kale billaabay dedaalo uu ku doonayay inuu ku noqdo musharraxa Xisbiga Libertarian ee doorashooyinka madaxtinimada ee 2016 iyo 2020 balse wuu ku guuldareystey. Sannadkii 2019 McAfee wuxuu muujiyey sida uu u neceb yahay canshuuraha, isaga oo bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuusan bixin wax canshuur ah muddo siddeed sanadood ah isagoo ku tilmaamay canshuurtu inay tahay sharci darro. Isla sanadkaas muddo kooban ayaa lagu xidhay Dominican Republic ka dib markii lagu eedeeyay inuu hub soo geliyay waddankaas. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta xoog ku joojiyey oo is-hortaagay banaanbax ay dhigayeen Waalidiinta ay dhalintooda uga maqan tahay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe banaanbax ay ku muujinayaan cabashadooda ka dhigayay magaalada Muqdisho. Sida ay Caasimada Online u sheegen goobjoogayaal, ciidamada ayaa ku wargeliyay waalidiinta inaysan dhigi karin banaanbax, ayaga oo warbaahinta ka hor istagaay inay la hadlaan, si ay cabashadooda u muujiyan, islamarkaana ay sii wadaan dalbashada in caruurtooda loo soo celiyo. Waalidiinta oo saaka isku aruursaday Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho oo horey uga dhigi jireen banaanbaxa ay ku muujinayaan cabashadooda, ayaa waxay ciidamada booliska ku amreen in goobtaas aysan ku dhigi karin banaanbaxa, ayaga oo aan wax sabab ah ku wargelin. Ciidamada booliska oo watay gaadiid gaashaman ayaa ugu dambeyntii Waalidiinta ku qasbay inay iskaga tagaan goobta ay ku dhigayeen banaanbaxa, inkasta oo markii hore ay ka madax-adeygeen. Waa markii u horeysay ee dowladda u adeegsato ciidamada booliska banaanbax ay dhigayaan Waalidiinta ay dhalintooda uga maqan tahay Eritrea, kuwaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay banaanbaxyo ka dhigayay magaalada Muqdisho. Xiisada ka dhalatay dhalinyarada loo qaaday dalka Eritrea ayaa muddooyinkii dambe kasoo dareysay, ayada oo ay soo baxayeen xogo sheegaya xaalad argagax leh oo ay ku nool yihiin dhalintaas oo markii hore dalkaas loo geyay tobabar ciidan. The post Daawo: DF oo is-hortaagtay banaanbax ay dhigayeen waalidiinta ay caruurtooda ku maqan yihiin Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta billowday dhageysiga labo eedeysane oo Ajnabi ah, kuwaasi oo loo haysto inay ka tirsan yihiin argagixisada Al-Shabaab. Labada eedeysane ee maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Malaysia iyo Britain, balse weli lama shaacin magacyadooda. Eedeysanayaasha ayaa loo haysta inay sifo sharci darro ah kusoo galeen dalka iyo inay ka barbar dagaalameen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda. Sidoo kale labada eedeysane ayaa waxaa loo haysta in mudadii ay ku sugnaayeen Soomaaliya ay geysteen tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah muwaadiniinta, ayna ka qeyb galeen weeraro argagixisinimo. Labada eedeysane ee maanta maxkamadda la horgeeyay ayaa waxay kamid noqonayaan eedeysanayaal dhowr ah oo dacwado la xiriira Shabaabnimo loo haysto, kuwaasi oo dacwadooda ay dhageysigooda billowday maxkamadda ciidamada qalabka sida. The post Laba nin oo u kala dhashay Britain iyo Malaysia oo lagu maxkamadeynayo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  12. Waayaha nolosha iyo gedgeddoonkooda waxa lagu tilmaamaa mowjado oo kale. Waa mowjado iyaku is wada, oo aad qayb ka tahay. Mowjadahaasi jihada ay hadba u dhaqaaqayaan, Meesha ay ku geynayaan iyo natiijada ka soo baxaysa ma dadka ayaa saameyn ku leh, mise waa wax iska socda oo aynaan waxba ka beddeli karayn? Kii ay tahayba, runtu waa in noloshu tahay wax baaxad weyn, oo qof waliba yahay uun qayb yar oo ka mid ah. Qaxoonti in uu qof noqdo, waa waji ka mid ah uun wajiyada mowjaddaas weyn. Qaxoontinimadu badiyaa ma aha wax ku dhaca si qorshaysan iyo tashi – waa naf la carar. ‘I bixiyoow I bixi’ weeye xaalku. Source: Hiiraan Online
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Diyaarad ay leeyihiin millateriga Kenya ayaa maanta ku dhacday deegaanka Eremet ee Oltinga, Kajiado West, xili ay ku jirtay howl-gal tobabar, sida uu baahiyey Wargeyska The Standard. Wargeyska ayaa kusoo waramaya in diyaaradaas ay saarnayeen ugu yaraan 23 qof, waxaana la arkayay marka ay soo dhaceysay ayada oo aad u holcaysa. Diyaarada oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Kenya ayaa waxaa lasoo warinaya inay ku la’deen 17 kamid ah Askartii saarneyd, halka qaar kale la samatabixiyey ayaga oo dhaawac culus ah. Ciidamada Difaaca Kenya ayaa dhankooda ayaguna xaqiijiyey dhimashada in la diiwaan-geliyey shilkii subaxnimadii, in kasta oo aan la helin tiro cayiman oo khasaarooyin ah oo ay soo gudbisay afhayeenka ciidamada, Zipporah Kioko. “Waa wax laga xumaado, shilka kadib, waxaan la kulanay qasaaro nafeed. Geedi socodka lala xiriirayo qoysaska si aan u gaarsiino macluumaadka iyo tacsida KDF ayaa socota,” ayey tiri. Diyaarada oo aheyd nooca Helicopter-ka ayaa ilaa hadda la garaneyn sababta keentay inay soo dhacdo xili ay ku jirtay howl-gal tobabar. The post DEG DEG: Askar Kenyan ah oo ku la’day diyaarad la dhacday appeared first on Caasimada Online.
  14. MOGADISHU (HOL) - A TV journalist in Mogadishu suffered knife stab wounds Wednesday night following an attack by unidentified assailants. Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirada Maaliyadda iyo Gaadiidka dalķa Itoobiya Axmed Shide iyo Marwo Dagmawit Moges Bekeledalka iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar ayaa maanta gaaray magaalada Berbera. Ujeedka safarkooda ayaa ah ka qaybgalka furitaanka ballaadhinta wejiga koowaad ee dekeda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkada Dp World oo maanta galinka dambe la shaacin doono. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo maalintii labaad ku sugan magaalada Berbera ayaa la kulmay waftiga ka socda dalka Itoobiya. Sidoo kale madaxweynaha Somaliland ayaa qaabiley Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Baciro Dja iyo wafti uu hoggaaminayo oo ka qaybgalaya munaasibada furitaanka dekeda Berbera. Dowladda Itoobiya ayaa saami 19% ku leh maalgashiga dekeda Berbera, waana heshiis ay horay u wada galeen Somaliland, Dp World iyo Itoobiya. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay u jeedka safarka Wasiirada Itoobiya iyo Madaxweyne Mustafe Cumar ee Berbera? appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, markii uu xilka qabanayey 4 sano ka hor waxaa uu ballanqaaday dib u habeynta garsoorka iyo ka shaqeynta caddaaladda, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Mar dambe dhici meyso , oo anaa ballan-qaaday, oo dowladda ayaa ballan qaadday, qof Soomaaliyeed intuu hor-tago maxkamad caddaalad darro lagu sameeyo, howshaasi waa waxyaabaha dalkani meesha uu taagan yahay gaar siiyay, oo ilaahey noogu carooday, oo aan adduunka uga hooseyno , Labo qof iyo saddex qof oo xun, ka yeeli meyno in magaceenna isticmaalaan ummadda Soomaaliyeed duleeyaan oo dhibaato u geystaan oo xaq-darro ku sameeyaan u adkeysan meyno”. Farmaajo waxaa loo dhiibay dal federal ah, iyada la sameeyey sharciga adeegga garsoorka, waxayna ahayd inuu dhammeystiro: (1). Dhammeystirka qabyo qoraalka dastuurka (2). Dhismaha Maxkamadda dastuuriga (3). Dhismaha Golaha adeegga garsoorka (4). Sameynta Xeerka nidaamka garsoorka federaalka ah iyo arrimo kale oo muhiim u ah madaxbannaanida garsoorka dalka. 4 sano uu Farmaajo joogay, Muxuu ka qabtay Garsoorka? Doorashadiisa kaddib, wuxuu wacad ku maray isbeddel xagga garsoorka ah, isagoo kusoo koobay shaqadiisa oo dhan inuu maxkamadaha darajada 1-aad ee gobolka Banaadir beddelay min labo-jeer, waxaa kale uu min hal goor beddelay maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta dalka. Iyada oo aan lasoo marin sharciyadda garsoorka ee shaqo ka tirista garsooreyaasha ayaa Farmaajo waxaa uu ceyriyey 23 garsoore, waxaa uu shaqaaleysiiyey garsooreyaal ka badan 30 iyo kaaliyeyaal kuwaas oo lagu beddelay dad dhintay iyo qaar isaga tagay shaqada. Miisaaniyadda Garoorka: Garsoorka federaalka waxaa sannad walba kordhayey miisaaniyaddiisa sida $2.8 Milyan oo ah 2018-kii, $2.7 Milyan ayuu ahaa 2019, $3 Milyan halka sannadkan yahay $7.7 Milyan, laakiin ma jirin garsooreyaal cusub ama adeeg hor leh ama mushaar shaqaale oo kordhay. Siyaasadeynta Garsoorka: Dadka qaar waxay rumeysan yihiin in Farmaajo uu garsoorka ku milay siyaasadda, sida kiisaskii Cabdirashiid Janan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, , kiisas musuq lagu sheegay oo wasaaradaha gargaarka iyo caafimaadka iyo mas’uuliyiin furdada ahaa, waxaa intaa wehliyey kiisaskii weriyeyaasha Cali Aden iyo Cabdicaziz Gurbiye, oo lagu daray kiisas ay dhaqaajisay xeer ilaalinta oo aan maxkamad gaarin sida kiisaska Xildhibaannada Saabir Shuuriye iyo Xasan Macallin iyo kiiskii weriyaha VOA-da Haaruun Macruuf. Marka laga tago in 4 sano kaddib, uu isku beddelay garsooreyaal iyo guddoomiyeyaal maxkamadeed iyo qaar kale, siyaasadeyeyna garsoorka dalka haddana waxba kama qaban shaqooyinkii laga sugayey sida dhismaha maxkamad dastuuri ah, golaha adeegga garsoorka, lagama heshiin xeerka nidaamka garsoorka dalka, mana ka shaqeyn in gasroorka la federaaleeyo, oo lagu baahiyo jamhuuriyadda federaalka ah oo dhan. Xaaladda Garsoorka Maamullada Dalka: Gobolka Banaadir: Banaadir kama jiro maamul goboleed u gaar ah, mana laha maqaam, waa gobolka ugu dadka badan Soomaaliya, Muqdisho waa xarunta dowladda federaalka ah, waxaa ka jira garsoor, tusaale ahaan sida ay sheegeyso maxkamadda sare, dhammaan degmooyinka marka laga reebo Boondheere. Marka laga reebo Wadajir oo maxkamad leh inta kale waxay ku shaqeeyaan saldhigyada booliiska iyo degmooyinka. Maxkamadaha racfaanta, xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidanka waxay ku dhex shaqeeyaan maxkamadda gobolka Banaadir. Hirshabeelle: Hirshabeelle waxaa ay ka kooban tahay Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, gobolka Shabeellada dhexe, Magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka waa magaalada keliya ee saddex maxkamad ku yaallaan, Racfaanka, maxkamadda gobolka iyo maxkamadda degmada, waxaa kale oo xusid mudan in Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado la lahaa aaney hadda lahayn!! Gobolka Hiiraan: Magaalada Baladweyn waxaa ay leedahay Maxkamadda degmada iyo midda gobolka, qarash la’aan dhacday awgeed, maxkamadda degmada ayaa la isugu geeyay dacwooyinka darajada 1aad halka maxkamaddii gobolka loo beddelay racfaan, Buula-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Guud ahaan maamulka Hirshabeelle ma laha maxkamad sare iyo xeer ilaaiye, Galmudug: Maamulkan Galmudug waxaa dhowaan la magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaiye, waxaa jira goddoomiyeyaasha maxkamadaha gobollada, sidaas ay tahay ma laha xafiisyo iyo shaqo socota. Caqabadaha heysta garsoorka Galmudug waxaa ka mid ah iney dacwooyinka ku qaadaan geedaha hoostooda, maamulka oo dhan ma laha xabsi, oo dad xukuman ayaa ku xiran saldhigyada magaalooyinka oo aan loo hayn xabsi, mushaar la’aanta waa dhibaato kale. Koonfur Galbeed: Maaamul Goboleedka Koonfur Galbeed wax gacan ah kama helin dowladda federaalka ah, laakiin waxay leeyihiin gole adeeg, Baydhabo keliya ayaa waxaa ay leedahay adeeg garsoor oo dhammeystiran, laakiin sharciyada waa qaar aan federal ahayn, oo duugoobay, loomana diyaarin, maamulkan waxaa ka diiwaan geshan 25 qareen iyo 14 isugu jira garsooreyaal iyo inta oo kale kaaliyeyashooda ah oo Bay jooga halka inta kale oo Bakool ama Shabeellada hoose ah aaney diiwaan gashneyn, mushaarna iskaba daa. Dhibaatooyinka amni xumida iyo baahin la’aanta ah ay keentay waxaa ka mid ah in dhammaan maamulka wixii dacwo madani ah loo aado Al-shabaab kaddib markii March 2019-kii wixii ka dambeeyey la joojiyey qaadista dacwadaha dhulka. Waxaa xusid mudan Bakool ma qabto maxkamad racfaan halka Waajid iyo Bardaale xabsi la’aan yihiin. Waxaa jira caqabado maamulkani haysta, tusaale ahaan Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan, dowladda dhexe waxba kama helaan, haddii xitaa ay maxkamad xukun gaarto lama hayo ciidan fuliya iyo xabsiyo la geliyo!! Jubbaland: Kismaayo waxaa uu leeyahay gole adeeg garsoor, laakiin garsoorka ma dhaafo Kismaayo, waxaa ku taallo Maxkamadaha degmada, midda gobolka Jubbada hoose iyo midda racfaanka, Dacwooyinka ay qabtaan waa madani iyo ciqaab, waxaa kale oo jirta maxkamadda ciidamada. Wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo, xitaa garsoorka Kismaayo ka shaqeeya waxaa tababar iyo lacag siiya mamulka Jubbalabd. Puntland: Maamul goboleedka Puntland waa midka ugu dhaw xagga sharciyada federaalka ah, waxaa uu leeyahay Maxkamadda sare, mid dastuuri ah, xeer ilaalin, racfaan, maxkamadaha darajada heerka 1aad, guddiga sare garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, 3 garsoore maxkamadda sare, 2 garyaqaan, iyo xeer illaalinta. In kasta oo Maxkamadaheeda ay u dhisan yihiin qaabkii federaalka ah haddana sharciyada ay ku shaqeeyaan waa nidaamkii garsoorka ee dowladdii dhexe 1991-dii. Caqabadaha Haysta Garsoorka Dalka: Garsoorkii 1991-kii: Garsoorka hadda dalka lagu dhaqo waa midkii ay ka tagtay dowladdii dhexe 1991-kii, waxaa ay dhibaato ka jirtaa iswaafajinta nidaamkaasi iyo midka federaalka ah. Dastuur Federaal Ah: Dhammestirka dastuurka iyo heshiisyada siyaasiga ah, waxaa ku xiran in nidaamyadii kale ee federaalka ahaa ay shaqeeyaan, taasi oo aan suurogal ahayn inta dastuurka uu qabyo yahay oo aan la ansixin. Dhisme Garsoor Federaal Ah: Weli ma billaaban ka hadlidda nidaamka federaalka ah, Garsoorka dalku wuxuu noqonayaa saddex Heer oo kala ah: (a) Maxkamad Dastuuri ah (b) Maxkamadaha Heer Dowlad Federaal; iyo (c) Maxkamadaha Heerka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka. Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Heer Federaal waa Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyadoo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyaguna yeelanayaan Maxkamad Sare ee heer Dowladaha Xubinta ka ah federaalka oo iyaga u gaar ah. Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka: Qodobka 109 ee dastuurka waxaa uu ka hadlayaa dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, golahan waa uu laalan yahay, illaa iyo hadda lama oga wax ku dheggan, golaha waa midka hawsha guud ahaan garsoorka ku xiran tahay. Asaaska Maxkamadda Dastuurka: Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan garsoore oo uu ku jiro Garsooraha Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare, shaqadan weli ma billaaban Magacaabista Garsoorayaasha: Caqabadda ugu weyn ayaa ah: in garsooreyaashaasi ku yimaadeen xeer madaxweyne, waxaa ay shaqada ka tagi karaan marka ay madaxweynaha u soo jeediyaan Golaha Adeegga Garsoorku isagana uu saxiiso, golahii soo jeedin lahaa Haddaba, Farmaajo waxaa uu 4-tiisa sano ee Villa Somalia ku dhammeystay qardo-jeex iyo habab baalmarsan sharciga iyo dastuurka jamhuuriyadda federaalka ah, wax shaqo ahna kama qaban garsoorka dalka, hal sharci oo arrintan la xiriirta ma keenin baarlamaanka, balse taa beddelkeed, waxaa uu isaga isku noqday fulin, sharci-dejin iyo garsoor. Qiimeyn Hore: Farmaajo iyo Musuq-maasuqa 4-tii sano ee Lasoo dhaafay: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qaabiley wufuuda ku soo wajahan magaalo Marseedka Berbera oo maanta la shaacin doono furitaanka wejigii koowaad ee ballaadhinta Dekeda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkada Dp World. Madaxweynaha Somaliland ayaa la kulmay wefti ballaadhan oo uu hoggaamainayo wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele Iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu qaabiley ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Mudane Baciro Dja iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka soo qaybgalay munaasibada furitaanka Dekeda Berbera. Madaxweynaha Somaliland oo maalintii labaad ku sugan Gobolka saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera ayaa gelinka dambe ee maanta si ramsiya xadhiga uga jari doonta wajiga koowaad ee ballaadhinta dekada Berbera Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. On 25 April, the Somali National Army (SNA) shocked observers both inside and out the country as it split in two. Amid protests in the capital Mogadishu against the extension of the president’s term, gunfire erupted between hundreds of mutinous uniformed soldiers and those loyal to the government Source: Hiiraan Online
  19. Hanad Cali Guuleed, tifaftiraha TV-ga Goobjoog ayey xalay koox tuugaha ku dhaawaceen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Guuleed ayaa garabka bidix looga dhuftay toorey, waxaa loo geytay jir-dil ka hor inta aan laga qaadan labo Telefan agagaarka Siligga Mareykanka ee degmada Wadajir, caasimadda Muqdisho. Weriye Hana doo hadda xaaladiisa ay soo roonaaneyso ayaa lagu dhabiibay isbitaalka Kalkaal, waxayna dhakhaatiirta sheegeen inuu fudud yahay, oo uu guriga ku dhameysan karo daawada. “Hadda xanuun ayaa dareemayaa, laakin waxa i gaaray waa dhaawac fudud, ilaah ayaa mahad leh” ayuu yiri Hanad Guuleed oo la hadlay Goobjoog News Tuugada dhaca geysata ayaa kusoo badatay caasimadda Muqdisho iyaga oo aaney xaafadaha joojin wax askar ah ama ilaalo deegaan oo arrinkan wax ka qaban kara. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa saaka gaaray wafdi culus oo ka socda dowladda Itoobiya, kaas oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey dhismaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, waxaana sidoo kale qeyb ka ah madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar. Mas’uuliyiintan ayaa soo dhoweyn, kadib kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeeya Somaliland iyo sidoo kale dowladda Itoobiya. Ujeedka socdaalkooda ayaa la xiriira xarig jarka Dekedda Berbera, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hrageysa. Qaban qaabada munaasabadda daah-furka dekedda oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa haatan si weyn looga dareemayaa magaalada xeebeedka Berbera. Itoobiya ayaa saami ku leh dekedda magaalada Berbera, sidoo kalena waxay kala soo degtaa badeeco kala duwan oo la geeyo dalkaasi. Somaliland ayaa xiriir la-leh dowladda Itoobiya, walow muddooyinkii dambe uusan aheyn sidii hore, waxaana sameeyey isbaheysiga ay sameysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. The post Sawirro: Wafti ka socda dalka Itoobiya oo gaaray Hargeysa appeared first on Caasimada Online.