-
Content Count
211,194 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay qaraar ka dhan ahaa Mareykanka, kaas oo ka soo baxay golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay, isla-markaana looga soo horjeeday xiyaaradda Mareykanka uu saaray Cuba. Qaraarkan oo ahaa mid xasaasi ah, laguna cambaareynayey Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale ka gaabsaday saddex dal oo kale oo Soomaaliya ay afar ku noqoneyso, kuwaas oo kala ah Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Myanmar, Moldova iyo sidoo kale Soomaaliya. Mareykanka ayaa cuna-qabateyta uu saaray Cuba ku sheegay inay aas-aas u tahay inay dalkaasi ka hirgasho dimuqraadiyad, sida uu shaaciyey Rodney Hunter oo ah isu-duwaha arrimaha siyaasadda howl-galka Mareykanka ee u qaabilsan Qaramada Midoobay. “Cunaqabateyntu waa dariiqa sharciga ah ee lagu gaari karo siyaasada arimaha dibada, amniga qaranka, iyo ujeedooyinka kale ee qaranka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri. Si kastaba waxaa qaraarka ka soo baxay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay taageeray illaa 184 wadan, halka ay kasoo horjeesteen Mareykanka iyo Israel. Xiyaaradda dhaqaale ee saaran Cuba ayaa waxaa soo rogay madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, wuxuuna saameyn ku yeeshay Cuba oo daris la ah Mareykanka. The post Dowladda Soomaaliya oo ka gaabsatay qaraar culus oo ka dhan ahaa Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa xannibay ruqsaddii shargi ee uu ku shaqeysan jiray Rudy Giuliani oo ah qareenka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaddib markii maxkamadda racfaanka ee gobolkaas ay ogaatay inuu been ka sheegay doorashadii Mareykanka ee 2020. Giuliani oo 77 jir ah ayaa sheegay in doorashadan laga xaday Donald Trump, haye yeeshee maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in been abuur cad iyo marin habaabin’ uu ka sheegay doorashadii uu ku guuleystay madaxweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee Joe Biden. Gareenka Trump, Giuliani ayaa hore u soo nooday Garyaqaankii degmada Manhattan iyo duqa magaalada New York, waxaa lagu ciqaabay hadallada uu ka sheegay doorashadan. Iyadoo tixraaceysa qalelaasihii lixdii Janaayo ee ka dhacay Xarunta Congress-ka Mareykanka ayaa Maxkamadda Racfaanku waxay sheegtay in been-abuurka Giuliani ay khatar galin karto kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada, taas oo astaan u ah dimoqraadiyada Mareykanka iyo sidoo kale xirfadda sharciga. PUNTLAND POST The post Qareenkii Donald Trump oo Ruqsadii laga xannibay appeared first on Puntland Post.
-
The UN’s special envoy to Somalia said that completing the electoral process on time and based on consensus in the Horn of Africa country is “critical.” “Completing this electoral process on time and in a consensus-based way that enjoys support from the Somali people is really critical to addressing other priority needs in the country for the benefit of the population,” James Swan told Anadolu Agency on the sidelines of the three-day Antalya Diplomacy Forum (ADF) which closed on Sunday. “This is an important moment for Somalia,” said Swan, who is also the head of the UN Assistance Mission in the country. Somalia has witnessed a political stalemate after presidential and parliamentary elections were delayed and the president’s constitutional mandate expired on Feb. 8. An agreement between the central government and regional leaders in the town of Dhusamareb on Sept. 17 last year was seen as a major step toward Somalia holding indirect parliamentary and presidential elections in late 2020 and early 2021, respectively. It had since stalled as the country’s divided political leaders differed on how to proceed with the elections. Noting that ADF in Turkey was a very fruitful platform, Swan said that he had a number of bilateral meetings to address specific concerns related to Somalia. As part of the forum he met with officials from Qatar and Kenya plus he had a discussion with Turkish Deputy Foreign Minister, Sedat Onal. UN effort to support Somalia On the situation in Somalia, Swan said: “The humanitarian situation is truly dire in Somalia.” “More than 20% of the population is facing acute food requirements. And out of a total population of about 15 million people, nearly 6 million require some element of humanitarian assistance. “So the United Nations partnered with the Somali government to advocate for humanitarian response plan. This year the requirement is more than $1 billion. And that covers everything from life-saving emergency assistance to food aid to cash transfers to addressing the needs of the refugee population and the like. And it’s thanks to generous support from donor countries that we are able, working with the Somali government to respond,” he said. On steps to be taken to support Somalia, Swan said: “There are many international partners, actively interested in Somalia. And Turkey is certainly prominent among them.” “Turkey is involved in support for the security sector, they’re involved in humanitarian activities. Turkey is also very active in terms of private sector relationships,” he added. Somalian elections Recalling the agreement reached last month by the federal administration and state leaders in Somalia to resolve the election crisis that brought the country to the brink of civil war, Swan said: “Among core priorities at this time in Somalia, or moving ahead with elections, they’ve recently concluded an agreement that will permit that to proceed on a rapid timeline.” “In addition, there remain very serious security challenges, particularly as a consequence of the presence of Al-Shabaab terrorist organization in the country. But in addition, as you already raised the humanitarian needs are acute, and of course, we can’t lose sight of longer-term development objectives in the country,” he added. “We’ve been very actively working over the past several years, to overcome an impasse, and communication between the federal government, and some federal member states,” he said. “And that impasse really blocked progress on election planning on constitutional reform on the fight against al Shabaab and so many other priorities,” he added. “So we’re very pleased that in the past six weeks, the Prime Minister [of Somalia Mohamed Hussein Roble] has led a series of discussions with federal member state leaders, they agreed on the 27th of May, to a set of actions to implement the electoral process on a short timeline, and we’re actively supporting that,” he said. Noting that they had many engagements with the Office of the Prime Minister on the issue, he said: “I recently led a multilateral delegation of the African Union, European Union, Intergovernmental Authority on Development and the United Nations in meetings with federal member state leaders to ensure that momentum is sustained and that they continue to move forward on the election implementation.” Source: Anadolu Agency The post Completing electoral process ‘critical’ for Somalia: UN envoy appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dekedda Berbera oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay, isagoona ku naqdiyey Farmaajo inuu kasoo horjeesto horumarka Somaliland. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dekedda Berbera uu kal hore isku dayey inuu is hortaago madxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo. “Farmaajo iyo xukuumaddiisaba waxay ka hor yimaadeen ballaarinta Dekadda Berbera, iyagoo halhayskoodu ahaa waa damac shisheeye,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale waxa uu dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ku dhaliilay in Qaadka looga soo dhoofiyo Itoobiya ku bedelato Kalluun, xili ay dowladda Itoobiya ku howlan tahay ka faa’iideysiga kheyraadkeena. “Mowqifkeennu maalinkaa wuxuu ahaa horumarinta kaabe dhaqaale ee Soomaali leedahay in uusan dowlad Soomaaliyeed dhib ku ahayn.” “Wasiirradii Itoobiya ayaa daahfurkii ballaarinta Dekadda Berbera u jooga, Farmaajo iyo xukuumaddiisana waxay la gole yimaadeen; qaad ayaan kalluun ku beddelannay,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa. Hadalkaan ayaa imanaya xili maanta xariga laga jaray dib u ballaarin lagu sameeyay dekedda Berbera ee Somaliland oo ay gacanta ku hayso shirkada DP World, oo ay heshiiskeeda kasoo horjeesatay dowladda federaalka. The post CC Shakuur: Hal-hayskii Farmaajo ee ‘damac shisheeye’ iyo horumarka dekedda Berbera appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa, June 24, 2021 (FBC) –A high level Ethiopian Government delegation led by Ahmed Shide, Minister of Finance, arrived in Berbera, Somaliland. Upon arrival in Berbera, the delegation was received by Somaliland President Musa Bihi Abdi and other officials. The delegation will attend the inauguration of Berbera port, according to Somali regional state mass media agency Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha beesha Saruur oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay baaritaan laga soo saaray dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sheekh Cali Dheere oo kamid ahaa mas’uuliyiinta samafalka ka shaqeeya ee gobolka Mudug. Waxay sheegen in marnaba aysan fileyn qaabka shalay loo shaaciyey natiijada dilka Sheekh, ayada oo guddiga loo xilsaaray baarista dilkaas ay shaaciyeen dad ay ku sheegen inay ku cadaatay dilka Sheekh Cali Dheere, halka ay dalbadeen in mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Mudug iyo maamulkaas sharciga lala tiigsado. Odayaasha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay arrintaas, oo ay sheegen in dad gaar ah lagu bartilmaameedsaday, islamarkaana ah gef, sida ay hadalka u dhigeen. “Waxyaabo faro badan ayaa soo if-baxayay dhimashada Sheekha ka bacdi, waxaa xeerinayna wax badan, aamusnaantada aan aamusanahay kama turjumeyn dad aan fahmi kareyn waxa ku dhacaya laakiin waxaanu fiirineyn dhaawaca iyo xanuunka ay leedahay geerida,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay warbaahinta. “Shir jaraa’id ayey qabteen dadna wey magacaabeen, oo shaqsiyaad ayey target-gareeyen, waxaan rabnaa in aan meesha ka cadeyno oo aan u sheegno walaalaheen anagu waxaa nahay dadka Mudug dega, waxaana ka samirnay wax aan xaq u laheyn, markaa waxaa maanta na xanuujiyanaya anaga oo Mudug degan inay walaalaheen target-gareynayaan dad shaqo u tagay.” Odayaasha beesha Saruur ee maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxay si kulul uga hadleen tabasho ay ka qabaan beesha Sacad, oo ay isku hayaan arrimo dhowr ah oo ka taagan Gaalkacyo. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Beesha Sheekh Cali Dheere oo ka hor-timid natiijada baaritaanka dilkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Source
-
Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc ballaaran oo dib u dhis iyo casriyeyn loogu sameeyey marsada caalamiga ah ee Berbera, taasi oo baaxaddeedii hore loogu kordhiyey 400 (Afar boqol). Munaasibadda xarig ka jarista marsada Berbera ayaa waxaa ka qayb-galay wafuud caalami ah oo ay kamid yihiin wafdi Imaaraatiyiin ah oo uu hoggaaminayo maamulaha guud, ahna guddoomiyaha shirkadda DP World, Wafdi ballaadhan oo ka socda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda oo ay wehlinayso wasiirka gaadiidka iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida. Sidoo kale waxaa wafdiga qeybta ka ahaa munaasibadaas kamid ahaa wafuud uu hoggaaminayo ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau, Mudane Baciro Dja, wafdi ka socda dalka Kenya, Safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka deriska iyo Taiwan, diblumaasiyiin caalami ah. Maxaa lagu kordhiyay; Waxaana ay markiiba xammili kartaa 500 oo koonteynaro cabbirkoodu yahay TEU. Waxaa lagu soo kordhiyey 8 wiish oo kuwa gashaaman ah. Qorshuhu wuxuu yahay in la gaadhsiiyo illaa 2 milyan oo TEU Waxaa lagaa dhigayaa goob uu ku soo hirto ganacsiga geeska Afrika. Waaa lagu dhawaaqay wejigii labaad ee dekedda Berbera. Deked cusub ayaa iyana diyaar ahaan doonta saddexda sano ee soo socota oo la dhisi doono. Heshiiska DP World ee dekedda Berbera ee ay la gashay Somaliland ayaa wuxuu soo bilaabmay 2016-kii, ayada oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen 9-kii bishii Agoosto ee isla sanadkaas, taasi oo is-qab-qabsi gaaray gacan ka hadal uu ka dhacay fadhigii lagu ansixinayay ee baarlamaanka Somaliland. The post Sawirro: Dekedda Berbera oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay – Maxaa lagu soo kordhiyay? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Addis Ababa)-Millatariga Itoobiya ayaa beeniyay inay duqeyn cirka ah ay ku dileen dad ku sugnaa suuq ku yaalla gobolka Tigray, balse ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanada mucaaradka oo dhar shacab ah xidhnaa. Colonel Getnet Adane oo ah afhayeenka ciidamada difaaca qaranka Itoobiya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ayna jirin dad rayid ah oo duqeyn ay ku dileen isagoo intaa raaciyay in dagaalyahanada ku sugan magaalada Togoga ay xidhnaayeen dharka shacabka. Ugu yaraan 43 qof ayaa lagu dilay duqeyntii cirka ee suuq mashquul badan Talaadadii, sida ay sheegeen dhaqaatiirta caafimaadka. Qof ka mid ah dadka magaalada ayaa u sheegay Reuters Arbacadii in duqeynta cirka maalin ka hor ay ku dhacday suuq ku yaalla magaalada galbeedka ku taal Mekelle. Afhayeenka milatariga wuxuu sheegay in dagaalyahannadu aysan ku sugnayn gudaha suuqa, laakiin ay isugu yimaadeen magaalada si ay u xusaan sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la qarxiyay magaalo kale oo ka tirsan Tigray, Hawzen, 1988. Weerarkaas, oo ay geysteen hoggaamiyeyaasha shuuciga ee xilligaas xukumayay Itoobiya, waxaa ku dhintay boqolaal dadka waxaana si weyn looga xusaa Tigray. Afhayeenka oo wax laga waydiiyay caruurta ku dhaawacantay weerarkii Talaadadii ayaa sheegay in kooxda TPLF ay adeegsato dacaayad ayna caan ku tahay been abuurka. Wuxuu sidoo kale sheegay in dhakhaatiirta ay soo xigatay warbaahinta aysan aheyn dhaqaatiir dhab ah . Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay wararka sheegaya in ciidamadu xayireen daadgureynta dadka, waxayna ugu baaqeen maamulka Itoobiya inay baadhitaan deg deg ah ku sameeyaan. “Weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo weerarada aan kala sooca lahayn waa mamnuuc,” ayuu yidhi ku-simaha xoghayaha guud ee arrimaha bani’aadamnimada, Ramesh Rajasingham. Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay duqeynta lagu diley dadka rayidka ah. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa ficilkan la canaanan karo,” ayuu afhayeenka waaxda arrimaha dibada Ned Price ku yidhi hadal uu soo saaray. Madaxa siyaasada arimaha dibada ee midowga yurub Josep Borrell ayaa sheegay hadii la xaqiijiyo xanibaada ambalaaska inay noqon karto ku tumasho sharciga caalamiga ah. Duqeyntan “waxay ku sii kordhineysaa taxaddarradii foosha xumaa ee xadgudubyada sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo xuquuqda aadanaha” ee ka dhacday Tigray, ayuu sii raaciyay. Millatariga Itoobiya ayaa tan iyo bishii November la dagaalamayay xoogag daacada u ah xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo ahaa xisbigii hore u xukumi jiray gobolka. Dagaallada ayaa waxaa ku barakacay laba milyan oo qof, Qaramada Midoobayna waxay ka digtay macluul dhici karta. Source
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan madaxda ka tirsan Itoobiya iyo shirkadda DP World ayaa maanta gelinkii dambe xarigga ka jaray wejiga kowaad ee mashruuca ballaarinta iyo casriyeynta dekeda Berbera. Dekeda Berbera ayaa wejiga kowaad lagu kordhiyey 400 (Afar boqol) oo mitir oo ay u dhammaystiran yihiin dhammaan waxyaabihii looga baahnaa deked caalami ah. Munaasibadda xarig-ka-jarista marsada Berbera waxaa ka qeybgalay Maamulaha guud, ahna Guddoomiyaha shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Sulaymaan, wafdi ka socda Itoobiya oo hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dawladda Federal-ka Itoobiya, Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka Gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, xubno wafdi ah oo hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Baciro Dja, wafdi ka socda dalka Kenya iyo diblumaasiyiin kale. Munaasibadda ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay dekeddu u leedahay guud ahaan bulshada geeska Afrika iyo gaar ahaan shacabka reer Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayso kor-u-qaadista dhaqaalaha iyo kobcaha dakhliga dadweynaha iyo dawladahaba. Wasiirka Wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sharraxay faa’iidada ay ballaarinta marsada Berbera u leedahay bulshada reer Somaliland iyo bulshooyinka geeska Afrika ku dhaqan, waxana uu tilmaamay inay dhaqaalaha Somaliland horumarin doonto. Wasiirrada Maaliyadda iyo Gaadiidka ee dawladda Federal-ka Itoobaiya, Mudane Axmed Shide iyo Marwo Dagmawit Moges oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna si isku mid ah u ammaanay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo kaalinta ay ka qaadanayso fududaynta iyo horumarka gancsiga Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya. Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey si gaar ah diirradda ugu saaray faa’iidada ay shacabka dawlad-deegaanku ka filayaan ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera iyo sida ay u xoojinayso ganacsiga labada shacab ka dhexeeya. Guddoomiyaha, ahna Maareeyaha guud ee shirkadda DP World Axmed Suldan Bin Sulaymaan, ayaa isaguna ka sheekeeyey muhiimadda ay dekedda Berbera u leedahay gobolka, isaga oo tilmaamay inay shirkad ahaan u hagar baxeen casriyeynteeda, islamarkaana ay u dhammaystireen wax kasta oo ay deked caalami ahi u baahan tahay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey wufuudda caalamiga ah iyo saaxiibbada Somaliland ee kasoo qayb-galay furitaanka wejiga koowaad ee ballaarinta dekedda Berbera. Muuse Biixi wuxuu tilmaamay in dawlado badan ka hor yimaadeen dhismaha dekeda Berbera oo ay duufaanno colaadeed ku kiciyeen, isaga oo madaxda shirkadda DP World uga mahadnaqay sidii ay ugu dhabar-adaygeen culaystyadii la saaray. Madaxweynaha Somaliland waxa uu farriin muhiim ah u diray shacabka reer Somaliland oo usoo jeediyey inay ka faa’iidaystaan dekedda loo dhisay ee la ballaariyey, muujiyaanna ilbaxnimo, aaminaad, furfurnaan, soo dhaweyn, shaqo-wanaag iyo hawl-fufudayn, karti iyo dedaalna kaga qaybgalaan tartanka dunida ka socda. PUNTLAND POST The post Wejiga kowaad ee ballaarinta dekeda Berbera oo xariga laga jaray appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya Xamase Saciid Xamse ayaa guul iyo natiijo wanaagsan u rajeeyay ciyaartooyda iyo macallimiinta Xulka Qaranka kubad cagyaraha Soomaaliya ee dhawaan ka qeyb galaya tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka kaas oo ku qabsoomaya Wadanka Nigeria. “Wasiir Xamse Saciid wuxuu ka mid yahay dadka dardargelinta la garab taagan Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya,sidoo kale Wasiir Xamse wuxuu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Xiriirada ka dhisan Soomaaliya iyo cid kasta oo doonaysa horomarinta isboortiga dalka” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka kubadcagyraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle “Xulka Qaranka Minifootboolka wuxuu la mid yahay Xulka kubbadda cagta,bulshada Soomaaliyeed waan in ay taageeraan Xulka Minifootboolka,Waxaan aaminsahay in aan ku guulaysan karno tartanka Qaarada Afrika ee African Minifootbool Nations” ayuu Goobjoog ugu waramay Cabdullahi Sahal Ducaale oo ah Guudoomiyaha Kooxda Bustaale oo ka mid kooxaha kubad cagyaraha Soomaaliya. ”Waan Garab taaganahay Ciyaartooyda Xulka Qaranka Minifootboolka ee dhawaan ciyaaraya tartanka Qaarada Africa ee Minifootboolka,ma ahan markii kowaad ay ciyaaraan tartamo caalami,balse ciyaartooyda iyo macallimiinta Xulka Minifootboolka,waxaan u rajayanyaa guul iyo horomar ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha isboortiga degmada Yaaqshiid mudane Xasan Tahliil. Wasiir Xamse Saciid Xamse bersamaadkii wuxuu ka mid ahaa naadiga Badda iyo Xulka Qaranka Soomaaliya waxa uu sheegay in Wasaaradda ciyaaraha uu maamulka ka yahay ay diyaar u tahay garab istaagida Xulka Qaranka Minifootboolka,isagoo dhinaca kale bogaadiyay da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya ee Somali Minifootbool Association. “Aqoonsiga iyo wadashaqeynta Wasaaradda Ciyaraha Soomaaliya iyo Xiriirka Kubad cagyaraha waxay ka mid tahay guulaha iyo talaabooyinka ugu waaweyn aan samaynay doorashadeena ka dib,waxaana rajayanayaa in ay halkeeda ka sii socota sanadaha soo socota” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Minifootboolka mudane Xasan Cabdi Goodax. Daawo Warbixin Ku Saabsan Wasiir Xamse Iyo SOMFA Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Cabdullahi Faarax Daguur “Macallin Cismaan Iskoot Waa Hanti Qaran ” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
DP World and Somaliland opened a new container terminal at Berbera Port, with work under way to further expand the terminal's capacity and develop it into a major regional trade hub serving the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baanka Dhexe ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray amar uu ku socodsiinayo lacagta 50-ka dollar oo kal hore ay joojiyeen ganacsato ka tirsan kuwa ka howl-gala Soomaaliya. Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo kulamo la qaatay guddoomiyeyaasha Bangiyada, xawaaladaha iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee lacagaha danabeysan ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin lacag been abuur ah oo soo gashay dalka, kadib baaritaan dheer oo uu sameeyay Bankiga dhexe. Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in baaritaanka ay ku ogaadeen in baro-bagaado ay tahay wararka sheegaya in dalka lasoo geliyay lacag 50 dollar ah oo been abuur ah, islamarkaana ay tahay in ganacsatada ay qaadato lacagtaas oo aysan ka muujin shaki. “Laga bilaabo maanta in Bangiga dhexe uu amray qaadashada iyo bixinta 50-ka dollar, cidii u hogaansami weyda go’aankan uu la xisaabtami doono Bangiga dhexe. Waxaa madaxda ganacsatada isla qaadanay inay u hogaamsanadaan awaamiirta Bangiga,” ayuu yiri guddoomiyaha Baanka Dhexe, Cabdiraxmaan Cabdillaahi. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkadaha iska dhago-tira amarka Bangiga Dhexe, maadama aysan waxba ka jirin cabsida shacabka lagu abuuray ee la xiriirta in lacag Konton dollar ah oo been abuur ah ay ku jirto dalka. Amarka kasoo baxay Bangiga dhexe ayaa imanaya xili ay muddooyinkii dambe taagneyd hadal haynta in lacag been abuur ah oo Konton dollar ah ay ku jirto dalka, taasi oo keentay in gebi ahaanba lacagtaas ay iska diidan shirkadaha iyo dadweynaha wax kala iibsanaya. The post Baanka dhexe ee Soomaaliya oo soo saaray amar cusub oo ku saabsan lacagta $50 appeared first on Caasimada Online.