-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Dikreeto galabta ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay Garsoorayaal, kala fariisan doona maxkamadaha degmooyinka iyo deegaanada Galmudug. Qoor Qoor ayaa magacaabidda garsoorayaashaan kadib waxa uu ka soo amba-baxay Dhuusamareeb, isagoo soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee berri loo asteeyey inuu ka furmo Muqdisho. Garsoorayaasha uu madaxweyne Qoor Qoor magacaabay iyo degmooyinka uu u kala magacaabay ayaa kala ah: Maxkamadda Sare ee Galmudug: Mahdi Cabdullaahi Macalin Nuur- Garsoore Cabdullahi Cabdiqani Sh Yuusuf- Garsoore Maxamed C/llahi Ilbir- Garsoore Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud: Cabdullahi Axmed Cali -Gudomiye Cabdiraxman Xasan Cali -Garsoore Cabdirisaaq Cabdulle Xasan – Garsoore Maxkamadda Gobolka Galgaduud: Cismaan Cali Maxamed – Guddoomiye Axmed Salaad Kulane – Garsoore Cabdirisaaq Bashiir Sh. Ciise —Garsoore Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug: Nuur Cali Culusow – Garsoore Maxamuud Cabdi Cabdulle -Garsoore Maxkamadda Gobolka Mudug: Xuseen Aadan Axmed -Garsoore Cabdullahi Cabdiraxmaan Maxamed – Garsoore Maxkamadda Degmada Hobyo: Shaafici Cali Aadan – Guddoomiye Xirsi Maxamuud Xalane – Garsoore Maxkamadda Degmada Guriceel: Maxamuud Jimcaale Xalaned – Guddoomiye Cabdirisaaq Diiriye Faarax -Garsoore Maxkamadda Degmada Cadaado: Cabdicasiis Ciise Cali – Guddoomiye Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamuud -Garsoore Maxkamadda Degmada Balanbal: Xuseen Cabdullaahi Yuusuf – Guddoomiye Axmed Aadan Cilmi – Garsoore Maxkamadda Degmada Cabudwaq: Yuusuf Cumar Maxamed – Guddoomiye Ibrahim Yusuf Maxamuud – Garsoore Maxkamadda Degmada Xeraale: Shariif Ciise Maxamed – Guddoomiye Cabdiqaadir Cabdullaahi Maxamed – Garsoore Ugu dambeyntii wareegtadan waxaa lagu yiri, “Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan garsoorayaasha Cusub ee la Magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Xeerkaan waxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Madaxwaynaha Dowladda Galmudug. Waa uuna saxiixay.” The post Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay 25 GARSOORE kana safray Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
The security minister of Somalia's semiautonomous state of Puntland escaped a bomb attack on Saturday when his motorcade was targeted in the northeastern Bari region, according to local media. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa magaalada Balli-dhidin qarax lagula eegtay kolanyo ciidan ah oo uu la socday wasiirka Amniga dowlad gobaleedka Puntland . Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bar tilmaameedsaday Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamad Gallan, Taliyaha Ciidamdda Daraawiishta Puntland Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Abwaan, xilli ay ku socdaalayeen magaalada Billi-dhidin. Wasiirka ayaa xilliga qaraxa lala eeganayay ku jiray booqosho uu ku marayay deeganada gobalka Bari, wararka ayaana sheegaya in qaraxa wasiirka iyo mas’uuliyiintii la socotay ay ka badbaadeen. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay hal askari ayaa qaraxa ku dhintay halka laba kalena uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa lala eegtay kolonyada wasiirka amniga Puntland . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waa maxay Spaceport ama Cosmodrome? Waa meel leh qalabka lagu gano gantaalada xambaarsan dayax-gacmeedyada (satellites). Dayax-gacmeedyada Banii Aadam ka sammaysto waxaa loogu talo galay inay baaraan cimillada adduunyada, beeraha sida ay u baxaan, macdamaysiga, gubidda geedaha iyo dabcan arrimaha ciidamada inay jaasuusaan. Waxaa kaloo loogu talo galay inay baaraan oo war ka keenaan meereeyeyaasha nagu dhow, hab-qoroxeedka (Solar system) iyo galaxy yada aan ku dhex nool nahay sida Milky Way iyo kuwa kale, sida Andromeda Nebula. Haddaba maxaa Turkey u dooratay inay ka dhisto Spaceport waddan keena? Jawaabta waxay la xariirtaa farsamo. Spaceport laga sammeeyo dhulbaraha (Equator) wuxuu suurta gelinaa in xawaaraha uu kaga baxayo gantaalka sida dayax-gacmeedka uu badan yahay. Haddii spaceport laga sammeeyo meelaha ka fog dhul-baraha ee loolashooda badan yihiin (Latitude) waxaa ku baxay shidaal gaas cufan ah oo dareere laga dhigay oo aad u badan. Taas micnaheeda waa xamuul saaid ah oo shidaal ah ayuu wadaa. Waxaana loo baahan yahay xammuul yar inuu sido. Xamuul ka loo baahan yahay inuu qaado oo space ka geeyo waa dayax-gacmeedka iyo qalab kiisa. Mar allaale markaad shidaal badan qaadid, culayska ama cufka aad sare u lalin kartid waa yaraanayaa. Taasna waa khasaaro. Sidaas awgeed, Turkey waxuu rabaa inuu dhul-baraha Soomaaliya ka sammaysto. Gantaalada sida dayax-gacmeedyada way u sahlan tahay inay gaaraan majarraha ay ku wareegi lahaayeen haddii dhul-baraha laga diro. Xawaaraha wareegga dhulka wuxuu ku badan yahay aagga iyo xarriiqa dhulbaraha oo leh xawaare ama kaynaan la eg 465 m/s kaasoo yaraynaya shidaalka loo baahan yahay inay ku gaaraan majarraha (orbit) ku wareegaysan lahaayeen dayax-gacmeed yada oo 200 km ka fog dhulka, inta badan. Dayax-gacmeedyo badan ayaa dhulka ku wareegaysta oo tiradooda lagu qiyaasay 850 sannadkan 2021. Karaarka dhulka iyo cuf-isjiid kiisa: Karaarka (acceleration) oo cuf-is-jiid ka dhulka uu keeno wuxuu ku badan yahay cirifyad Waqooyi iyo kan Koofur. Sababtana waxay tahay dhulka oo aan kubbad ahayn, oo muuqaal kiia yahay sida ukunta, oo cirifyada u dhuuban, dhexdana ka buuran. Marka aad joogtid cirifyada dhulka, masaafada ama fogaashaha ay kuu jirto bartamaha dhulka way ka yar tahay markaad Dhulbaraha (Equator) joogtid. Taas waxay keenaysaa inaad ka dirtid gantaalada sida dayax-gacmeedyada meelaha dhulka ah ee u dhow dhulbaraha. Dhinaca kale, cufka dhulka (mass) iyo cufnaan (density) giisa waxay u kordhaysaa dhanka dhul-baraha. Sidaas awgeed, markaad dhul-baraha ka dirtid gantaal, xawaaraha dhulka waa 1670 km/saac, marka la barbar dhigo inuu xawaaraha yahay 1180 km/saac. Xawaare xooggan ayuu kaga baxaa dhul-baraha. Haddaba xaggee ku haboon? Waxaa ku habboon xarriiqa dhul-baraha meelaha uu Soomaaliya ka maro? Waa Jubbada Hoose, degmooyinka Jammaame iyo Afmadow. Haddana waxaa loo baahan yahay inuu ku dhawaado badda si qalabka marka la keenayo looga soo dejiyo dakad arrin taas loogu talo galay oo ku taalla Deemo ama Naftaaquur oo ah tuulooyin deexda Jammaame ee dhul-baraha leh. Markaan ku fiiriyay muuqaal dayax-gacmeed (satellite image) laboo bacaad waaweyn ee deexda ku yaalla ayaa ii soo muuqday. Laakiin meesha Spaceport ga laga sammaynayo waa inay u dhawaataa badda. Baaris taas ka gadaal, waxaa ii soo baxday meesha ugu mac ee ugu habboon inay tahay deexda Deemo ama Naftaaquur ee Degmada Jammaame oo hawshaas Spaceport in laga sammeeyo ku fiican. Meel aan meeshaas ka fogaynin ayaa waxay shirkad lagu magacaabo San Marco platform, Broglio Space Centre, Malindi, Kenya ka sammaysatay shirkad Talyaani ah 1967-1988 oo 9 jeer dayax-gacmeed ka dirtay. Dhulbaraha Brazil iyo Dhulbaraha Guyana ee Koofur Ameerika. Spaceport yada iyo Cosmodrome yada ugu caansan waa kuwan: 1. Bairkonur Cosmodrome ee Kazakhstan ee Ruushka uu ka dirsado 2. Cape Canaveral Space Force Station, Florida, USA 3. Capustin Yar Cosmodrome, Russia 4. Kennedy Space Centre, Florida, USA 5. Jiuquan Satellite Launch Centre, China 6. Satish Dhawan Space Centre, Andhra Pradesh, India 7. Palmachim Air Force Base, Isreal 8. Tanegeshima Space Centre ee Japan 9. Imam Khomeini Space Centre ee waddanka Iran. 10. iyo kuwa kale ee ka jira Australia iyo New Zealnad Soomaaliya maxay ka faa’idaysaa Spaceport ay Turkiga ka dhex dhistaan Soomaaliya? a. Shaqo ayaa laga helayaa, khaasatan dhilinyarada wax baratay b. Waddanka waa dhismayaa: dakad, jidad, dayaarad-degeen iyo dhismaha Spaceport ga. Waxaa la socda kaabayaasha dhaqaale. c. Farsamo iyo aqoon ayaa laga baranayaa oo laga dhaxlayaa d. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa sii xoogaysanayaa e. Aagga Spaceport ga, dhulka u dhow waxaa ka abuurmayo dalxiis W/Q: Abdulkadir Abiikar Hussein Almaas University, Mogadishu The post Sababta Turkey u dooratay inay Soomaaliya ka dhisto Spaceport iyo shan faa’iido oo ugu jirta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Somalis are one of the largest African diaspora communities in Canada, with an estimated 62,550 Somalis living in Canada, although ten years ago, Somali agencies estimated that number was closer to 150,000. Somali-Canadians represent a vibrant part of Ontarian and Canadian society. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Siciid Deni iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano, saraakiil iyo masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan. Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka wadatashi ee looga hadlayo dardar gelinta arrimaha doorashadda kaas oo uu icilaamiyey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Magaalada Muqdisho waxaa horey usoo gaaray Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaa iyana saacadaha soo aadan la filayaa in Muqdisho soo gaaraan madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug. Shirka Ra’isulwasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada uga furmayo Muqdisho ayaa inta badan waxaa looga hadli doonaa hanaanka doorashada iyo qaabka loo wajahaayo kadib markii ay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ka gaareen heshiis rasmi ah. Sida ay Caasimadda Online ogaatay, shirka ayaa la laga yaabaa in wax looga beddelo qaar ka mid qodobadii lagu heshiiyey 27-ka May, inkasta oo ay taasi ku xirnaan doonto sida ay madaxda iskula ogaaldaan, waxaana qodobadaas ka mid ah: 1- Jadwalka doorashada: Waxaa la filayaa in lasoo saaro jadwal doorasho oo cusub, maadaama ay caddahay inuusan hirgeli karin jadwalkii hore oo dhigayey in doorashada ay ku dhacdo 60 maalmood gudahood, oo kasoo billaabaneysa 27-ka May. Waxaa hadda baxday 30 ka mid ah, ayada oo aanay dhicin wax la taaban karo, marka laga reebo magacaabista guddiyada doorashada. 2- Tirada ergooyinka: Waxaa socda dadaallo la doonayo in tirada ergooyinka dooranaya xildhibaanada oo lagu soo kobo 61, halka ay markii hore lagu heshiiyey 101, si loo fududeeyo in doorashada ay ugu dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan, loona yareeyo qarashka ku baxaya. 3- Deegaan doorashada: Qodobada in wax laga badalo laga yaabo waxaa kamid ah goobaha la dhigayo kuraasta oo la filayo in laga dhigo hal goob halka markii hore lagu heshiiyey in laga dhigo laba magaalo halkii maamulba. Qodobkan ayaa waxaa u ololeynaya Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe oo doonaya in kuraasta HirShabelle iyo Jubaland kaliya la dhigo Jowhar iyo Kismaayo. Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. The post Sawiro: Madaxweynaha Puntland Deni oo si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka. Saciid Cabdullahi Deni ayaa lagu wadaa in Muqdisho uu kaga qeyb galo shirka wadashiga arrimaha doorashooyinka oo uu ku baaqay ra’iisul wasaaraha . Shirkan ayaa waxaa lagu dhameystirayaa heshiiskii doorosho ay muqdisho 27-kii May ku gaareen madaxda dowladda fedetaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka. Source: goobjoog.com
-
England: Mo Farah will not race for a third successive 10,000 metres gold medal in Tokyo this year after he again failed to make the Olympic qualifying time in the British Athletics Championships on Friday: his last realistic chance to do so. Source: Hiiraan Online
-
Qandala (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday gaadiid kolonyo oo ay lasocdeen Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidamada Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan. Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa Mas’uuliyiintaan lagula beegsaday degmada Qandala ee Maamulka Puntland, waxayna wafdiga ku guda jireen kormeer ka wadeen deegaanka Balli-dhidin ee degmada Qandala. Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan oo la hadlay Idaacadda BBC qeybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in isaga iyo Mas’uuliyiintii la socotay ay ka badbaadeyn qaraxaas. Wuxuu sheegay in qaraxa uu ku dhintay mid kamid ah askartii ilaalada aheyd ee la socotay halka laba kalana ay ku dhaawacmeen sida uu wasiirka xaqiijiyey. Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay howlgal lagula dagaallamayo kooxda Daacish ka wadeen buuralleyda, isla markaana ay u maleynayaan in miinada ay dhulka geliyeen kooxdaas. Ma jirto weli cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa lala beegsaday kolonyada ay la socdeyn Mas’uuliyiintaan ka tirsan maamulka Puntland. Buuralayda gobolka Bari waxaa ku xooggan dagaalyahano ka tirsan Daacish iyo Al Shabaab oo halkaasi kula dagaalamay ciidanka amaanka Puntland. The post Wararkii ugu dambeeyey qarax lala beegsaday kolonyo uu la socday wasiirka Amniga Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay qancinta Gobollada Waqooyi (Somaliland) kadib qoral hambalyo ah oo uu hawada usoo mariyey Shacabka Soomaaliyeed. Sheekh Shariif ayaa ku taliyey in waqti la geliyo sidii loo heli lahaa xal fure u noqon kara Dolwad ku dhisan Cadaalad, Midnimo & Walaalnimo taas oo dalka ka saari karta duruufaha kala duwan uu wajahayo. “Maanta oo kale 61 sano ka hor 26kii Juun 1960 waxa ay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin farxadeed, maalin xorriyadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay qeybo ka mid ah Soomaaliya” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. “Munaasabaddan qiimaha weyn darteed waa in aan dib uga fikirno wixii naga xumaaday, gacmahana aan isugu qabsanno oo aan waqti ku bixinno sidii walaalaha Waqooyi dib loogu qancin lahaa Soomaaliweyn, Midnimo iyo Walaalnimo, taas oo fure u noqon karta dowladnimo Soomaaliyeed oo caddaalad ku dhisan” ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa Shariif Sheekh Axmed. Shariif Sheekh ayaa soo bilaabay wadahadalka Dowladda & Somaliland, waxayna labada dhinac kulamo kala duwan ku yeesheen Ingiriiska, Turkiga, Jamhuuriyadda Jabuuti & Imaaraadka. Afartii sano ee uu xilka hayey madaxwenaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan wax hormar ah laga sameyn wada-hadalaadii u socday Soomaaliya iyo Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya , wuxuuna Muuse Biixi sheegay in Farmaajo uu dhaawac weyn gaarsiiyey wada-haladii u socday Soomaaliya iyo maamulkiisa. The post Sheekh Shariif oo soo jeediyey talo ku aadan wada-hadalada Somalia iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, khasaaraha ka dhashay laba qarax oo lala beegsaday wefdi uu hoggaaminayay wasiirka Amniga Puntland, kuwaas oo ku sii jeeday degaanka Balli-dhadin ee Gobolka Bari. Wefdiga oo ka ambabaxay degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, ayaa jida loo geliyay laba qarax oo nooca miinada loo yaqaan ah waxaana ka dhashay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac. Hal askari oo ka tirsan ciidamada ayaa ku dhintay qaraxyadaas, waxaana ku dhaawacmay saddex askari oo dhaawacyadooda loo qaaday dhinaca magaalada Boosaaso. Sidoo kale, waxa qaraxa ku burburay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen mas’uuliyiinta Puntland oo dhammaantood ka badbaaday qaraxaas. Wefdiga waxa kamid ahaa Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo qarax lagula eegtay Bari appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta garsoorayaal u magacaabay Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha gobollada iyo degmooyinka. Maxkamadda Sare ee Galmudug: 1. Mahdi Cabdullaahi Macalin Nuur- Garsoore 2. Cabdullahi Cabdiqani Sh Yuusuf- Garsoore 3. Maxamed C/llahi Ilbir- Garsoore. Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud: 1. Cabdullahi Axmed Cali -Gudomiye 2. Cabdiraxman Xasan Cali -Garsoore 3. Cabdirisaaq Cabdulle Xasan – Garsoore Maxkamadda Gobolka Galgaduud: 1. Cismaan Cali Maxamed – Guddoomiye 2. Axmed Salaad Kulane – Garsoore 3. Cabdirisaaq Bashiir Sh. Ciise -Garsoorem Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug 1. Nuur Cali Culusow – Garsoore 2. Maxamuud Cabdi Cabdulle -Garsoore. Maxkamadda Gobolka Mudug: 1. Xuseen Aadan Axmed -Garsoore 2. Cabdullahi Cabdiraxmaan Maxamed – Garsoore Maxkamadda Degmada Hobyo: 1. Shaafici Cali Aadan – Guddoomiye 2. Xirsi Maxamuud Xalane – Garsoore Maxkamadda Degmada Guriceel: 1. Maxamuud Jimcaale Xalaned – Guddoomiye 2. Cabdirisaaq Diiriye Faarax -Garsoore Maxkamadda Degmada Cadaado: 1. Cabdicasiis Ciise Cali – Guddoomiye 2. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamuud -Garsoore Maxkamadda Degmada Balanbal: 1. Xuseen Cabdullaahi Yuusuf – Guddoomiye 2. Axmed Aadan Cilmi – Garsoore Maxkamadda Degmada Cabudwaaq: 1. Yuusuf Cumar Maxamed – Guddoomiye 2. Ibrahim Yusuf Maxamuud – Garsoore. Maxkamadda Degmada Xeraale: 1. Shariif Ciise Maxamed – Guddoomiye 2. Cabdiqaadir Cabdullaahi Maxamed – Garsoore. PUNTLAND POST The post Qoorqoor oo xilal magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Farmaajo oo farriin u diray shacabka Soomaaliyeed + Sawirro
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta Ubax dhigay taallada dhagax-tuur, si loogu maamuso halgameyaashii naftooda u soo huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi. Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in halgan adag loo soo maray madax-banaanida dalkeena, isla-markaana taalada Dhadax-tuur ay tahay astaan qaran oo u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee ay leeyihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale madaxweynaha ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay adkeeyaan midnimada iyo wadaniyada, si looga gudbo caqabadaha jira. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Dalka ayaa ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo tilmaamay halgankii adkaa ee loo soo maray madax-bannaanida Dalka ayaa xusay in Taallada Dhadax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada, waxa uuna dul istaagay caqabadihii ay la kulmeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee inoo horseeday xorriyadda, qarannimada iyo gobannimada dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna. Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan XFS, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si mug leh u maamuusayey halyeeyadii u shahiiday gobanimadeenna. The post Farmaajo oo farriin u diray shacabka Soomaaliyeed + Sawirro appeared first on Caasimada Online. -
Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday gaadiid kolonyo ah oo ay wateen wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Puntland. Mas’uuliyiinta oo ka ambabaxay degmada Iskushuban ee Gobolka Bari kuna sii jeeday degaanka Balli-dhaddin ayaa la kulmay qarax jidka loo geliyay kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh. Hal askari ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Qaraxaas waxaana ku dhaawacmay saddex kale inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin khasaaraha. Faahfaahinta kala soco Puntlandpost The post Bari: Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo qarax lala eegtay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Soomaaliya ayaa ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo adkeeyay halgankii adkaa ee loo soo maray madax-bannaanida dalka ayaa xusay in Taallada Dhadax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada, waxa uuna dul istaagay caqabadihii ay la kulmeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee inoo horseeday xorriyadda, qarannimada iyo gobannimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna. Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada Dhagax-tuur appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde. Axmed Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hortegay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda. Madaxweynaha Jubbaland ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee soo gaaray Muqdisho, waxaana ka horreeyey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen. Ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ayaa waxa uu la xiriiraa ka qeyb-galka shirka golaha wada-tashiga qaran ee uu dhowaan iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa wararkii ugu dambeeyey ee sheegayaan inuu ku yimid dib u dhac, maadaama lagu ballamay inuu si rasmi u furmo maanta oo Sabti ah. Dib u dhacan ayaa waxaa sababay arrimo la xiriira dabaal-degga xuska 26-ka June oo maanta ku beegan iyo sidoo kale madaxda qaar oo aan weli soo gaarin caasimada. Sidoo kale waxaa haatan la sugayaa oo saacadaha soo socda imaan doono Muqdisho madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Puntland. Wada-hadallada markale Muqdisho ka dhacaya oo ku soo aadaya, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan qodobadii ka fuli waayey heshiiskii horey loo gaaray iyo dar-dar-gelinta jadwalka doorashooyinka 2021-ka. The post Madaxweyne goboleedkii labaad oo yimid & wararkii u dambeeyey shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ururka dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ayaa sheegay in dhaqaatiir looga dilay gobalka Tigre kadib markii ay dagaalo cusub ka qarxeen gobalka maalmihii la soo dhaafay . Kooxda ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay in seddax ka mid ah howl wadeenadeeda lagu dilay Tigre Khamiistii . Isku duwaha xaaladaha deg degga ah Maria Hernandez, kaaliyaha isku duwaha Yohannes Halefom Reda iyo darawalka Tedros Gebremariam Gebremichael ayaa la sheegay in meydookada la helay kadib saacado la weysana. “Waxaan ku cambaareyneynaa weerarkan lagu qaaday asxaabteena sida ugu macquulsan ayaan u baari doonna wixii dhacay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay MSF. Bayaanka ka soo baxay Dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ayaa sidoo kale lagu yiri “Ma jiro ereyo aan si dhab ah u soo gudbin karna murugadeena, naxdinta iyo carada aan ka qabno weerarkan argagaxa leh, mana joojin doonno gurmadka aan ka wadno Itoobiya “. Kadib markii xukuumadda Abiy ay sheegtay in la aga adkaday TPLF bilawgii sanadkan, Maalmihii la soo dhaafay ayeey soo laba kacleeyen Jabhadda iyagoo qabsaday magaalooyin badan oo ka tirsan gobalka waqooyiga dalka Itoobiya ku yaallo ee Tigre . GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidan ka tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar oo caasimad u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Booliska ee magaaladaasi, waxaana dhex-maray is rasaaseyn khasaare dhalisay oo muddo ka socotay magaalada. Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan labo askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac ay ku dhinteen dagaalkaasi, waxaana jira dhaawac kale oo ka dhashay iska hor imaadkaasi. Is-rasaaseynta ayaa dhacday, xilli loo dabaal-degayey xuska munaasadda 26-ka June, iyada oo cabsi soo wajahday dadkii ka qeyb-galayey xafladda dabaal-degga. Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dhalisay dagaalka dhex-maray labada dhinac, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga. Xaaladda ayaa maanta degan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa goobihii lagu diriray ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelah Dhexe. Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha magaalada Jowhar, waxaana ka dhasha khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba ciidamada Haramcad ayaa waxaa halkaasi loo geeyey sugida ammaanka, maadaama ay Jowhar ka dhaceyso doorasho heer baarlamaani ah. The post Dagaal culus oo ka dhacay Jowhar + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Koonfurta Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay wabiga Nile ka dhisayso biyo-xidheen koranto oo lamid ah kan Itoobiya ka dhisayso isla wabiga. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Koonfurta Suudaan Deng Dau Deng, ayaa sheegay in la dhammaystiray qorshaha biyo-xidheenka, sida dhererkiisa, xaddiga biyaha uu kaydin doono iyo tirada marwaxadaha la rakibayo, inkasta oo aanu faahfaahin dheeri ah ka bixin. Dalalka Masar iyo Suudaan oo ah dalal haatan khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya oo ku saabsan biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, ayaan wali wax jawaab ah ka bixin qorshaha Koonfurta Suudaan ay ku dhiseyso biyo-xidheenkan. Source
-
In early January this year, Mandera Governor Ali Roba raised concerns over the worsening security situation in his county, saying that Kenya’s security personnel have failed to secure the county and abandoned it to Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online