Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay caan ku tahay qudaarta kala duwan oo ay beertaan dadka deegaanka ku ah gobolka, in kasta ay sannadkan qudaarta soo go’day ay ka tiro yartahay muddoyinkii hore. Sababta ay qudaarta ugu yartahay suuqyada magaalada ayay beerlaeydu ku sheegeen in ay biyaha oo wabiga ee soo fatahay ay dhowr jeer xaalufiyeen tacabkii beeraha ee la sugayay guristooda. Beertan aan booqannay isla markaana uu leeyahay Maxamed Dhicis Cabdi oo ah wiil dhallinyaro ah haddana barta cilmiga beeraha, ayaa waxaa ka baxa nuucyada kala duwan ee qudaarta sida Afakaadho, baradho, liin bameelmo, liinta kale oo laba nuuc ah iyo muuska oo isna dhowr nuuc ka kooban.. Wabiga oo aan beerta ka fogeyn ayaa laga waraabiya, waxaana sannadkaan laga filayaa in ay ka soo go’do qudaar ka tiro badan intii hore…Maxamed Dhicis oo mas’uul ka ah beertaan ayaan ku booqday isaga oo ka shaqaynaya, waxaana uu iiga warramay nuucyaada kala duwan ee qudaarta uu beero, iyo waxyaabaha yareeya qudaarta soo go’da… Maxamed Dhicis, maalmo ka hor ayaa baraha bulshada lagu faafiyay isaga oo beeray baradho oo naadir ay tahay in dalkeena lagu abuuro, si aan arrintaa u xaqiijinno ayan wax ka weydiinay run ahaanshiyaha beerita Baradha, waxaana uu ii sheegay in uu dhowr kiilo ka soo gooyay dibna uu berrta ugu celiyay haddana ay tahay xillgii 2aad oo ka miro sugayao. Hoos ka daawo Muuqaalka Warbixin ay goobjoog ka diyaarisay Magaalada. Source: goobjoog.com
  2. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ay maleeshiyaad hubeysan xalay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Dhagxanya-cadde oo u dhow degmada Galdogob ee gobolka Mudug, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Maleeshiyaadka hubeysan oo goobta isaga baxsaday ayaa la sheegay inay mar qura rasaas ku fureen dadkaasi shacabka ah, xilli ay ku sugnaayeen hoygooda oo ku yaalla Galdogob. Inta la xaqiijiyey weerarkan ku dhintay ugu yaraan labo qof, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kaas oo haatan lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad. Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday dadkaasi, balse wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray deegaanka uu falkaasi ka dhacay, waxaana ay illaa iyo hadda wadaan howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey dhacdadaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana Dhagxanya-cadde laga dareemayaa xiisad xoogan oo ka dhalatay dilka loo geystay dadkaasi rayidka ah. Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal salka ku hayo aano Qabiil oo weli ka taagan deegaano dhaca gobolkaas oo ay marar kusoo noq-noqdeen dagaal beeleedyo. The post Weerar lagu dilay dad shacab ah oo ka dhacay gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.
  3. Co-operation agreement intends to help drive international investment into the east African city The central business district of Nairobi, Kenya’s capital. Officials have said the agreement could result in $2bn worth of deals over the next five years © Thomas Mukoya/Reuters Kenyan and British officials are to sign a deal on Tuesday to boost investment in Nairobi, with the ultimate aim of turning the city, which is home to some of the continent’s biggest banks, into Africa’s financial hub. The goal of the co-operation agreement, which officials have said could result in at least $2bn worth of deals during the next five years, is to help funnel international investment into Kenya and east Africa more broadly, people involved said. This should over time enable Nairobi to compete with Dubai, as a conduit for trade in the region. The deal includes closer links between the London and Nairobi stock exchanges, as well as moves to ease incorporation and registration of companies in Kenya, east Africa’s economic powerhouse. British insurer Prudential, which has grown rapidly in Africa, where it has 1.2m customers in eight countries, is the first non-African company to set up its regional head office in Nairobi under the new arrangements. Kenyan mining company Mayflower Gold has also announced plans to dual list its shares on both the London and Nairobi stock exchanges in a deal worth £14m. The agreement, which kicks off Kenyan president Uhuru Kenyatta’s three-day visit to the UK, could further bolster economic ties between the two countries. In March this year, Kenya and the UK ratified a trade agreement signed last December — one of more than a dozen deals inked during the Brexit transition period — with Britain saying it would help to boost the £1.4bn in mutual trade. UK foreign secretary Dominic Raab is to welcome Kenyatta to the Mansion House in London on Tuesday to unveil £132m of new British investments in Kenya. “This package of investments will create new jobs and unlock new opportunities for UK and Kenyan businesses by strengthening the relationship between Nairobi and the City of London,” said Raab. Nairobi’s advantages included political stability and good connectivity, as well as a stable exchange rate and diverse pool of talent, said Vincent Rague, a former senior adviser to the National Treasury of Kenya and the incoming chair of the board for the International Financial Centre. “Obviously, you have to have incentives, but I think much more fundamentally you have to [provide] the wider ecosystem in terms of the regulatory environment for financial services,” he said. With Kenyan banks such as KCB and Equity expanding regionally, an Africa-based British official said: “The point now is to bring more pan-African businesses into Nairobi, [it] could be an international bank from anywhere that wants to put its African headquarters in Nairobi. ”But for the Kenyan capital to become a hub “won’t be without challenges”, said a local banking executive, pointing to the World Bank’s Ease of Doing Business ranking, which puts Kenya behind Mauritius and Rwanda. Nairobi is also ranked behind Dubai and, in Africa, after Casablanca, Cape Town, Port Louis and Johannesburg in the latest Global Financial Centres Index. Source: Financial Times The post Kenya deal with UK aims to turn Nairobi into Africa’s financial hub appeared first on Puntland Post.
  4. Garaad jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in fasiraad qaldan loo sameeyay hadal uu maalmo ka hor ka jeediyay xafladdii Caana-shubka Garaad Maxamed Garaad Abshir, oo ka dhacday degaanka Widhwidh ee Gobolka Cayn. Garaadka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu cid gaar ah ula jeeday hadalkiisi ahaa in Islaan Ciise Islaan Maxamed uu dhaqanka ku adagyahay, islamarkaana qof kursiga Baarlamanka soo maray uusan mar kale ugu celin. Dadka qaarkood ayaa baraha bulshada ku qoray in Garaadku hadalkiisa ula jeeday xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya lagana soo doorto Gobolka Nugaal. Balse Garaad Jaamac ayaa caddeeyay in hadalkiisu aanu ku socon xildhibaan Cali Xoosh, isago sheegay in ciddii ay xildhibaan siyaasad ku muransan yihiin ay si kale u dhaliisho. Halkaan ka daawo Muuqaalka Garaadka PUNTLAND POST The post Garaad Jaamac Garaad Cali oo sheegay in laga been-abuurtay appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka heer federaalka iyo guddiga doorashooyinka Jubbaland . Axmed Madoobe ayaa warbixino ka dhageystay guddiga xilli dhawaan deeganada maamuulkaas ka bilaaban doonto doorashada labada gole ee baarlamaanka. “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland, isagoo ka dhagaystay duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hada shaqadu u socoto”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobaleedka Jubbaland. Warka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu yiri “Madaxweynaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqada Guddiga ay u dhacdo si hufan oo daah furan sida ugu dhakhsiyaha badan, Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayuu ku amaanay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam shaqada adag ee ay hayeen Guddiga maalmihii lasoo dhaafay”. Jubbaland ayaa lagu wadaa ay noqoto maamulka ugu horeeyo ee lagu qabto doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Xafiiska Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa soo saaray wax uu ku sheegay waxqabad doorasho, isaga oo soo gudbiyey shax uu ku sharaxayo kulamo uu Rooble sameeyey. Xafiiska ma sheegin arrinta cakiran ilaa hadda sida laba guddoon doorasho ee Somaliland, Baladweyn iyo arrimo kale. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  7. Taliyaha Booliiska Somaliland Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in Khamri iyo Xashiishad aan tiro lahayn Somaliland si sharci daro ah lagu soo galiyo, isla markaana booliisku fashiliyay tabo layaable oo dadka ka ganacsada maandooriyuhu isticmaalaan. Taliyaha ayaa ka sheekeeyay xadiga maandooriyaha kala duwan ee ciidanka booliisku ku guulaysteen, in ay qabtaan mudadii u dhaxaysay bishii kowaad ilaa bishii lixaad ee sanadkan, sidookale taliyuhu wuxuu ka hadlay dad tiro badan oo loosoo qabtay ka ganacsiga sharci darada ah ee maandooriyaha. “Jeenawari ilaa Juun 26,800 oo litir oo Khamri ah ayuu ciidanka boolisku qabtay, 10% kama aha wixii dalka soo galay, 10,55 Xashishad ah oo iskugu jirta tii la laabayay, tii sanka laga qaadanayay iyo mid dareere ah oo xididka layskaga mudo iyadana waala qabtay” ayuu yidhi Dabagale. “Ciidanka booliisku waxa kale oo uu qabtay 1,500 oo caagadood oo Isbiirto ah, 1001 eedeysane ayaa loo qabtay oo la hayaa lixdaa bilood, halkaa waxad ka fahmaysaa xadiga daroogadu ku leedahay waddankeena” ayuu hadalkiisa kusii daray Dabagale. Taliye Dabagale ayaa sheegay in maandooriyaha ugu badani uu Somaliland kasoo galo waddanka Itoobiya, waddamada kale ee jaarka, isla markaana xataa uu jiro maandooriye Somaliland looga soo dhoofiyo waddama kale ee caalamka kaasi oo Somaliland kasoo gala dhinaca badda. “Maandooriyuhu waxa uu ka yimaada waddmada jaarka inala ah oo dhan iyo kuwa caalamka oo baddana wuu inaga soo gala, 4 bilood kahor 400 oo litir markab sida ayaanu qabanay, lakiin 95% waxa uu inooga yimadaa waddamada aynu dariska nahay waxana ugu hadan Itoobiya” ayuu yidhi Dabagale. Dabagale ayaa sheegay in ciidanka boolisku fashiliyeen farsamooyin kala duwan oo dadka maandooriyaha Somaliland keena isticmaalaan, wuxuuna sheegay in lagu soo dhex qariyo baabuurta caanaha, baabuurta Qaadka, baabuurta khudaarta iyo xataa falaasadaha (darmuusyo) shaaha lagu shubo. Dagaalka uu booliisku kula jiro maandooriyaha Somaliland laga soo galiyo waddamada jaarka khaasatana waddanka Itoobiya oo Somaliland ay xuduud dheer wadaagaan, ayaa noqday shaqo maalin le ah, waxaana bilihii u danbeeyay kordhay xadiga maandooriyaha Somaliland sida qarsoodiga ah loogu soo iib geeyo. HOL Qaran News
  8. Wararka naga soo gaarayo deegaanka Galdogob oo hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in kooxa hubeysan ay xalay dad shacab ah ku dileen deegaan lagu magacaabo Dhagxanya-cadde oo hoostaga Galdogob. Weerarkan ay soo qaadeen koox aan heybtooda la aqoon ayaa la sheegay in ay ku dhinteen laba nin oo la sheegay in xoola dhaqato ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka Dhagxanya-cadde. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku sugnayeen hooygooda xilliga weerarka lagu soo qaaday. Dilka ayaa sidoo kale la sheegay in uu ku lug leeyahay aanooyin qabiil oo muddooyinkii la soo dhaafay ka jiray deegaanka. Sikastaba deeganada hoostaga gobalka Mudug ayaa la sheegay in muddooyinkii u dambeyay ay ka dhacayeen dilal noocan oo kale ah oo ku saleysan aanooyin qabiil. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Sheeko Xariir. Qiso Dhab ah …Ila qosol ..Qalinkii Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan (Jaafaa) Wiil iyo aabbihii ayaa waxay ku wada noolayeen magaalo, xoolana waxay ka lahayeen hal dameer oo ay ku xamaalan jireen, oo intay xaabo kaymaha uga soo guraan ayay iibin jireen oo nolol maalmeed kooda ka raadsan jireen. Wiilku ma ahayn mid bulshada si fiican u dhex galay oo shaqadiisa ayuu ku ekaan jiray, waxaase uu aad ula yaabi jiray oo uu ka war hayay in bini’aadamka weligood xan iyo dulmi aan laga waayeynin, adigu wax wanaagsan same ama ha sameynine. Wiilku wuxuu aabahii ku yidhi “aaboow dadku naftooda may ku ekaadaan, maxaa isku diraya oo isu geynaya?, sow qof walba tiisa kuma filna, waxa la sheegayo ee ah in dadka meel looga nabad galaa aysan jirin sax miyaa?” aabbihii oo ahaa nin waayo arag ah, sanaddo badana jirey, ayaa isagoo doonaya inuu tusaaleeyo in arrinta run tahay ayuu wuxuu ku yidhi “Maandhow, berri marka waagu baryo ayaad indhahaaga wax ku arki doontaayee, iska seexo caawa” Markuu waagii baryay ayaa aabbihii wuxu yidhi “haye aabbo dameerka noo soo wad”. Aabbihii ayaa fuulay dameerkii, wiilkiina xadhiguu u qabtay. Markay inyar socdeen ayaa waxay soo ag mareen koox dad ah oo meel wada fadhiya markay sii dhaafayeen aya waxay kooxdii si jees-jees ah yidhaahdeen “War oday hebel arka naxariis daranaa! Intuu isagii dameerka fuulay ayuu wiilkiisii yaraa xadhigii u dhiibey oo yidhi lugee yarkiisii !!”. Markaasuu Odeygii ku yidhi wiilkiisa “aabbo ma maqashaa waxay leeyihiin?” Maalitii labaad, ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhi ,“bal waa yaabe adigu u bax dameerka anigaa maanta kugu kaxeynayee”. Wiilkii dameerkii ayuu fuulay, markii ay waxyar socdeen ayaa waxay soo agmareen dad kale. Siddoo kale waxay ku yidhaahdeen “Alla bal eega wiilka waalid caasiga ah! Aabbihiis ayaa lugaynaya isaguna dameer ayuu fuushan yahay!!” Maalin saddexaad kii ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhi “maandhow dad warkii su ma dhammaadee, bal kolkan aan dameerka u wada baxno labadeenuba” dameerkii ayay wada fuuleen, markay muddo socdeen ayaa waxay soo agmareen koox kale oo dad ah, markaasay kooxdii yidhaahdeen “accuudu billaah! Dameerkaan ma la nacay, miyaan loo arxameyn, may hal qof saaraan!!” Maalintii afraad ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhi “maandhow ma aragtaa? Bal inaga wada deji oo labadeenuba wada lugeeynee”, wiilkii iyo aabbihiisa way wada lugeeyeen, cabbaar markay socdeen ayaa waxay soo agmareen koox kale, markay sii dhaafayeen ayaa waxay yidhaahdeen “Waar bal eega labada nine e dameerka iska daba jooga, alla doqonsanaa!, Bal may qof saaraan dameerku waxba ma saarnee!!”kkkkk. Markii intaas dhacday ayuu aabbihii ama Odeygii ku jeestay wiilkii oo ku yidhi “aabbo ma aragtaa?” Wiilkii oo wax weyn faa’iday ayaa yidhi “Wallee aabboow dad meel na uga baxsan meysid, gurigeena iyo dameer keenana ku dhahoo, Waxaase Doqon ah ninkii Dantiisa hadal Dad u daaya” . Qalinkii PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) ANKARA, TURKEY jaafaa66@gmail.com Qaran News
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer federaal & midka maamulkaasi, isagoo kala hadlay doorashada. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), waxaana intii uu socday shirkan diirada lagu saaray shaqooyinka labada guddi. Ugu horreyn madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warbixin ka dhageysatay guddiyadan, taas oo la xiriirta duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hadda shaqadu u socoto. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada ay u dhici doonto qaab hufnaan leh oo xor iyo xalaal ah. Sidoo kale wuxuu ku amaanay guddiyada doorashooyinka ee haatan diyaar garowga wda shaqooyinka u qabsoomay maalmihii lasoo dhaafay ee la xiriira qabashada doorashada. Ugu dambeyn madaxweynaha Jubbaland ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaalka iyo kan maamulkaasi inay laba jibaaraan dadaalladooda, si markaasi loo guda-galo qabashada doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya. Kulankan wuxuu ku soo aadayaa, xilli uu dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada xildhibaanada Aqalka Sare oo qorshuhu ahaa inuu bilowdo 25-kii bishan, balse waxaa haatan socda diyaar garowgii ugu dambeeyey, waxaana lagu horreysan magaalada Kismaayo oo lagu soo xuli illaa sideed kursi oo Jubbaland ay ku leedahay Aqalka Sare. The post Sawirro: Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay gudiyada doorashooyinka? appeared first on Caasimada Online.
  11. Miraa traders from Meru have petitioned the House to engage relevant government ministries to restore their market in Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. A large group of Somali students in Pakistan celebrated their country’s 61st independence day in Islamabad in connection with Eid-ul-Azha when they had some time off from their online studies. Source: Hiiraan Online
  13. The European Union (EU) and its partners cut by half the budget for troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia after a secret partial withdrawal of Kenyan soldiers. Source: Hiiraan Online
  14. Nin Soomaaliya oo loo heysto inuu gawracay Nin 52 jira oo lagu xidhay Jarmalka Nin Soomaali oo looga shakisanyahay inuu dilay Nin 52 Jir ah oo aan dhalashadiisa la sheegin ayaa lagu xidhay dalka Jarmalka Magaalada Regen oo ka tirsan Gobolka Bayern ee dalka Jarmalka ayaa Isniintii hore waxaa Maydkiisa laga helay 52 Jir ku noolaa Hoyga Dadka Bilaa Hoyga ah, kaasoo midi lala dhacay, sida ay warbaahinta qaar sheegayaana Madaxa laga Jaray. Laba saacadood kadib dhimashada 52 Jirkaas waxaa gacanta lagu dhigay Wiil Soomaali ah oo 21 Jir ah, kaasoo la sheegay inay wada daganayeen ninka 52 Jirka ah ee Geeriyooday . Booliska markii ay qabteen wiilka Soomaaliga ah ayaa ka dib baadhitaan ay ku sameeyeen waxay ogaadeen inuu Danbiyo hore galay kuwaasoo iskugu jira burbur hantiyeed iyo dhaawacyo Jidheed, kuwaasoo sababay in lagu tuhmo dilka ninkan.Booliska ayaa sheegay inuu wali baadhitaan ku socdo wiilka Soomaaliga, ayna raadinayaan cadeymo dhameystiran oo kiisan ku saabsan. Dadka degaankaasi ku nool ayaa aad uga naxay waxayna dhacdadani soo xasuusisay dhacdadii ka dhacay Magaalada Würzburg ee uu wiilka Soomaaliga ah 3 qof ku dilay, dhawr kalena ku dhaawacay. Shalay ayey aheyd markii Booliska Magaaladda Frankfurt ay toogasho ku dhaawaceen 27 jir Soomaali ah oo ku hubaysnaa laba midiyoood kaasoo isku dayey inuu dilo oday Waayeel ah oo uu weeraray. Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa ka walaacsan dhacdooyinkan iyaga loo nisbeynayo iyagoo ka cabsi qaba in loo geysto dhibaatooyin kaga yimaada dadka cunsuriyiinta ah ee neceb soo galootiga. Qaran News
  15. Farmaajo & Mid ka mida Saraakiishii ugu dhadhawaa,Isku beelna ka soo jeedaan oo khilaaf culus soo kala dhax-galay Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxii xasilinta amniga gobalka Bakaal Kooke uu khilaaf soo kala dhaxgalay, ayna xumaatay kalsoonidii ka dhaxeysay. Saraakiil xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka uu soo jiray bilooyinka la soo dhaafay waxaana Bakaal Kooke laga soo wareejiyay gobalka Gedo, iyadoo howlgal loogu diray gobalka Shabeelalda Dhexe. Bakaal Kooke oo ay qabiil ahaan is-xigaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaalay gobalka Gedo, iyadoo markii dambana uu Bakaal kamid noqday saraakiil loo diiday in ay gaaraan Gedo. Taliye Bakaal Kooke ayaa markii ugu dambeysay Madaxweyne Farmaajo u sheegay in gobalka Gedo uusan ku hagaagi doonin sida hadda wax-loo wado, isagoo sheegay in madaxweynaha uu kaliya wax la rabo beeshiisa oo aan daganeyn Gedo balse degta Galgaduud. Bakaal kooke Wixii markaas ka dambeeyay ayaa la sheegay in Bakaal Kooke iyo ciidan ka tirsan NISA howlgal loogu diray degmada Balcad, kaasoo la sheegay in muddo bilooyin ah socon doono balse waxaa jirtay in laba jeer uu ka mid noqday mas’uuliyiin reer Gedo ah oo laga soo celiyay garoonka Muqdisho. Arrintan ayaa muujineysa in Madaxweyne Farmaajo uu la dagaalay dhammaan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaashay gobalka Gedo. Shaqsiyaadka lagu jisaaray waxaa kamid ah, Bakaal Kooke, Macalimuu oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii gobolka iyo dhamaan guddoomiyaashii degmooyinka gobalka Gedo iyo saraakiil kale. Qaran News
  16. Dabley hubaysan ayaa dad shacab ah xalay ku laayay baadiyaha degaanka lagu magacaabo, Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob ee Gobolka Mudug. Laba nin oo kamid ah xoola-dhaqatada miyiga Dhagxanya-cadde ayaa ku dhintay weerarka, halka mid kalena ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen dadka degaankaas. Weerarkan oo la rumaysanyahay in uu la xiriiro aanooyin qabiil, ayaa dableyda fulisay ka yimaadeen dhinaca koonfurta Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Dad Rayid ah oo lagu laayay miyiga degmada Galdogob appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxii xasilinta amniga gobalka Bakaal Kooke uu khilaaf soo kala dhaxgalay, ayna xumaatay kalsoonidii ka dhaxeysay. Saraakiil xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka uu soo jiray bilooyinka la soo dhaafay waxaana Bakaal Kooke laga soo wareejiyay gobalka Gedo, iyadoo howlgal loogu diray gobalka Shabeelalda Dhexe. Bakaal Kooke oo ay qabiil ahaan is-xigaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaalay gobalka Gedo, iyadoo markii dambana uu Bakaal kamid noqday saraakiil loo diiday in ay gaaraan Gedo. Taliye Bakaal Kooke ayaa markii ugu dambeysay Madaxweyne Farmaajo u sheegay in gobalka Gedo uusan ku hagaagi doonin sida hadda wax-loo wado, isagoo sheegay in madaxweynaha uu kaliya wax la rabo beeshiisa oo aan daganeyn Gedo balse degta Galgaduud. Wixii markaas ka dambeeyay ayaa la sheegay in Bakaal Kooke iyo ciidan ka tirsan NISA howlgal loogu diray degmada Balcad, kaasoo la sheegay in muddo bilooyin ah socon doono balse waxaa jirtay in laba jeer uu ka mid noqday mas’uuliyiin reer Gedo ah oo laga soo celiyay garoonka Muqdisho. Arrintan ayaa muujineysa in Madaxweyne Farmaajo uu la dagaalay dhammaan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaashay gobalka Gedo. Shaqsiyaadka lagu jisaaray waxaa kamid ah, Bakaal Kooke, Macalimuu oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii gobolka iyo dhamaan guddoomiyaashii degmooyinka gobalka Gedo iyo saraakiil kale. The post Xog: Farmaajo iyo mid ka mid ah saraakiishii ugu dhowaa oo khilaaf uu kala dhax-galay appeared first on Caasimada Online.
  18. Siyaasi Cali Guray oo Amaaney Gudoomiye Cirro “Runtu Fanto Maaha”Cali Guray. Labadan Afhayeen labaduba waxay ka mid ahaayeen murashaxiintii u tartamaysay Baarlamanka Somaliland. Mid wuxu noqday murashaxii ugu codka badnaa 246kii tartamayay, kuwii soo baxay iyo kuwii aan soo bixinba. Kaasi waa Barkhad Batuun, Afhayeenka Xisbiga WADDANI. Afhaynka Madaxtooyada JSl oo dabcan musharixiintii Kulmiye ee odaygu dhabarka soo taabtay ka mid ahaana wuu dadaalay itaalkiisa balse nasiib darro muu soo bixin. Halkaa ma laga saadaalin karaa hogaaminta Gudoomiyaha WADDANI iyo hogaamiyaha KULMIYE isla markaana ah. Madaxwaynaha JSL, ilayn ninba awrkiisa ayuun baa u doobyaye? Guulaha Cabdiraxmaan Cirro ee aan qof ahaan u qirsanahay waxa ka mid ah sidii uu ula soo dabaashay Xildhibaan Barkhad Batuun oo si gaar ah aan ula socday tobankii sanadood ee ugu dambeeyay oo aan odhan karo gacanta ugu wayn ayuu ku lahaa guusha Barkhad. Siyaasi cali maxamed Yuusuf (Cali Guray). Qaran News
  19. Wasaaradda Warfaafinta S/land oo Shirkadda Telesom kala wareegtay Laba Warlaliye oo FM ah Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi’gelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa kala wareegay Shirkada Telesom laba War laliye FM ah oo loogu talo galay in lagu balaadhiyo idaacadda qur’aanka ee Raadiyo Hargeysa. Munaasibada la wareegida labadan War laliye oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa Waxaa ka hadlay Agaasiyeyaasha Waaxyaha Idaacadaha Axmed Ibraahin Cali “Axmed Shiine” Farsamadda Ayaan C.risaaq Jaamac iyo Telefishanka C.risaaq Cismaan Maxamed waxayna Shirkada Telesom uga Mahadceliyeen deeqdan ay soo gaadhsiisay wasaaradda Warfaafinta. Yaasiin Nuur Mooge oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Telesom ayaa sheegay in labadan War laliye ay ugu talo galeen in lagu balaadhiyo Idaacada Qur’aanka kariimka ah ee Radio hargaysa si ay meelo fog fog looga dhagaysan karo Waxa uu intaas ku daray in labadan War laliye ay awoodoodu dhan tahay 2000 oo Waat iyo Mid Kun waat ah. Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi’gelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo gabo gabadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Labadan War laliye ku xoojin doonaan gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in labadan War laliye ay door fiican ka qaadan doonaan tayada dhagaysi ee Idaacada Qur’aanka Kariimka ah, Waxa uu Agaasimaha Guud uga mahadceliyey Shirkadda Telesom deeqdan ay soo gaadhsiisay Wasaaradda Warfaafinta, Waxa uu agaasimaha Guud intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay dalbeen qalab kale oo FM ah oo la gaadhsiin doono Lixda Gobol ee Waaweyn ee dalka isla markaana wax weyn ka tari doona kor u qaadista maqalka idaacada radio hargaysa . Qaran News
  20. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Jubbaland. Xubnaha guddiga labada heer iyo madaxweynaha ayaa isdhaafsaday talooyin ku qotoma geeddi socodka doorashada, iyo diyaar garowga qabashada doorashada Aqalka Sare Madaxwaynaha ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ay hayaan guddiga waxa uuna sheegay in uu rajo wanagsan ka qabo in shaqooyinka adag ee loo igmaday ay si hufan oo hagar la,aaneed ay u gutaan. Sidoo kale, wuxu kula dardaarmay inay si daacad ah u gutaan waajibaadka saaran, isla mar kaana u dhabar adaygaan duruufaha qalafsan ee ku xeeran xayndaabka doorashada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka dadban appeared first on Puntland Post.
  21. 57 Muhaajiriin ayaa laga cabsi qabaa inay ku geeriyoodeen Dooni shalay ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalkaasi. Afhayeenada Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM, Safa Mesheli waxay tilmaamtay in Doonidasi oo ay la socdeen ugu yaraan 75 Muhaajiriin Afrikaan ah ay maalintii Axadda ee la soo dhafay ka soo shiraacatay Xeebaha Degmadda Khumusee Galbeedka Libiya, iyagoo ku wajahnaa Xeebaha Qaaradda Europe. Waxay intaasi ku dartay in 57 qof ee ku hafteen Badda, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen 20-haween iyo 2 carruur, iyadoo la soo badbaadiyey 18 qof oo ka soo kala jeeda dalalka Nigeria, Ghana iyo Gambia. Shilka Doonida shalay ku qalibantay Xeebaha Libiya waa shilkii labaad ee wax ka yar hal isbuuc ka dhaca meel ka baxsan Xeebaha Libiya, iyaadoo ay ugu yaraan 20 Muhaajiriin ah ku dhinteen Dooni degtay Arbacadii la soo dhaafay. PUNTLAND POST The post Muhaajiriin Ku geeriyootay dooni Ku degtay Xeebaha Liibiya appeared first on Puntland Post.
  22. After announcing she was quitting modelling in November 2020, Halima Aden has opened up about how she felt her hijab and her identity was being compromised in the world of fashion. Source: Hiiraan Online
  23. Miraa traders from Meru have petitioned the House to engage relevant government ministries to restore their market in Somalia. Source: Hiiraan Online