Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faallada Mustafa Cagjir hoos ka aqriso. Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay. Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida. Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dawladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan. Sidii iyagoo maanta xukuumada deegaanka Soomaalida taageerayaal u ah ama ku taageeri xitaa hadday qaadato go’aanada ay leeyihiin hala qaato waxay damaashaadkii ahaa TPLF baa wax jabisay ku badaleen yaan TPLF lala dagaalamin markii ay arkeen in deegaanada ka tirsan jamhuuriyada federalka dalku ay go’aansadeen inay garab istaagaan dawlada dhexe. Waxaa kale oo iyana shacabka ku abaabulaya in aan la garab istaagin dawlada dhexe garab ka mid ah ururka ONLF oo hoosna shacabka ugu leh yaan dawlada raisal wasaare Dr. Abiy loo birman dhinaca kalana Addis Ababa la fadhiya waan taageersan nahay talaabooyinka dawladda dhexe ay ku difaacayso dalka, taas oo caddeynteeda la soo bandhigi doono. Haddaba waxay tahay inay ogaadaan dabadhilifka TPLF iyo kuwa fursad siyaasadeed ka raadinaya colaada waqooyiga Itoobiya in buuqoodu uuna saamayn ku yeelan doonin go’aan kasta oo xukuumada deegaanka Soomaalidu kaga jawaabayso xaalada jirta. Waynu soo marnay magaalo qayrkaa u cay noocan oo kale ah oo loogu hiilinayo kuwii shalay ina gumaadday laguna raadinayo dano siyaasadeed oo lid ku ah masiirka fog ee shacabka DDS. Markaa, ma haboona in sheeko baraleey talo toolmoon loo ekeeysiiyay lagu dagmo. W/Q: Mustafa Omar Cagjar Madaxweynaha Somali State. Ethiopia The post Mustafa Cagjar oo qormo yaab leh ka qoray dagaalka dowladda Itoobiya iyo TPLF appeared first on Caasimada Online.
  2. Galmudug ayaa sheegtay in ay ku hareeraysan tahay 60 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kadib dagaalo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug. War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu yiri “Ciidamada huwanta ee qaranka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug oo ku hareeraysnaa saacidihii la soo dhaafay koox argagixiso ah oo ka kooban qiyaastii 60 maleeshiyo ah ayaa la rajaynayaa in ay isku soo dhiibaan ciidamada huwanta ah ama in ay waajihi doonaan in laga taqaluso”. Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Amniga Galmudug Dhanka kale Galmudug ayaa sheegtay in aroornimadii hore ee saakay la fashilayay isku-day weerar ismiidaamin ah oo lagu soo xiray gaari noociisu ahaa Land Cruiser oo ay Al-shabaab ku doonayeen in ay la beegsadaan ciidamada huwanta, waxayna tilmaameen in la toogtay wadihii gaarigaas. Wasaaradda Amniga Galmudug waxay sheegtay in ciidamada huwanta ah ay ku sii siqayaan magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn, iyadoo la burburiyey difaacyadii Al-shabaab ee deegaannadaas. Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Galmudug oo laga helayo deegaanadaas. PUNTLAND POST The post Galmudug oo sheegtay in ay ku hareeraysan tahay 60 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  3. Investment will reap benefits — in terms of jobs, growth and deeper engagement in the global economy Migrant children learning French at a charity centre in Medenine, Tunisia, in 2021 © Fathi Nasri/AFP via Getty Images In Africa, there has never been a better time to be alive. The past two decades have seen steady improvements, to the extent that a child born in Africa today has a better chance than ever of living longer, avoiding extreme poverty, receiving a primary school education and joining a growing economy. Yet not all the movement is in one direction. The Covid-19 pandemic is having a profound impact, forcing much of Africa into recession. While the continent’s long-term outlook for growth remains positive, too often the expansion is inconsistent, fails to create jobs and delivers benefits that do not trickle down. There is inconsistency, too, when it comes to governance — the issue that ties it all together. Without good governance, and without transparent, trustworthy and democratic leadership, social and economic gains are wasted. A good year can quickly be followed by setbacks and backsliding. That said, the past decade has broadly been a period of improvement. In 2019, a little over 60 per cent of Africa’s 1.3bn people were living in a country where overall governance, as measured by the Ibrahim Index of African Governance, was better than in 2010. Clearly, I am an optimist and there are good reasons to be optimistic. But we must also be realists. While some economies in Europe and the US are already bouncing back from the pandemic, with vaccination drives that have covered 60-70 per cent of their adult populations, Africa is still waiting. Its leaders deserve credit for enforcing lockdowns and limiting infections, but they have struggled to get hold of vaccines. By the start of June this year, only 32m vaccine doses had been distributed across Africa. While Covax — the multilateral programme to deliver vaccines to poorer countries — is responding to the challenge, and the G7’s pledges of assistance will no doubt be a boost, this is all too little, too late. It is too early to count the full cost of the pandemic for the continent. But this year’s Ibrahim Forum Report on Covid-19 in Africa highlights how it is only likely to deepen inequalities and impose deep costs on governments ill-equipped to handle the shock. The knock-on impact will be fewer resources — not only for health but also for areas such as education, training and investment, which can lead to frustration and anger, and an increased risk of unrest or conflict. In many African countries, children have missed out on months of education and social contact. At home with few resources, they have gone hungry, missed health check-ups, and been exposed to greater risk of violence and abuse. If home-schooling has been a struggle in the richest countries, think what a profound challenge it has been in Africa. It is at moments like these that governance comes to the fore. The pandemic is an unprecedented test of leadership, one that many African leaders have stepped up to. But they can’t rest on their laurels. Every day brings new, harder decisions that will shape outcomes for generations. On public health, on education, investment and even tax policy, leaders must act intelligently at a national, regional, and continental level. They need to seize the opportunity to introduce policies that provide better protection for their populations as they weather the pandemic and emerge from it. And they must be joined in that effort by partners globally that understand the continent and want to ensure that aid and development are seen as an investment in the future, not an emergency stopgap. This is where Britain and its allies need to think strategically. Investment that commits to the future is the sort that will reap benefits for Africans — in terms of jobs, growth and deeper engagement in the global economy. It will also benefit investors — in terms of a return, stronger trade links and better long-term relationships. By 2030, a fifth of the world’s population will be from Africa. Every year, tens of millions more young people from the continent join the labour market. They need the skills and training that allow them to realise their potential. Young people are our continent’s greatest asset, but if we do not create opportunities for them — to learn, to find work, to be productive — we risk losing them as they migrate to places that can deliver what they are looking for. An estimated 80 per cent of young Africans who migrate do so because of a lack of work. 1/5th Proportion of the world’s population that will be from Africa, by 2030I have no doubt Africa can overcome these challenges. But leaders need to take sound decisions, and countries such as Britain need to stand with them. Recent cuts to the UK’s aid budget are a serious concern. This is not a time for a generous donor such as Britain to be scaling back — especially if it wants to live up to its Global Britain label. The latest decision, cutting aid to Africa by two-thirds, from £2.2bn in 2020 to just £760m this year, cuts through the bone. The consequences far outweigh the money saved for the UK. The pandemic is a crisis for Africa, as it is for the world. But, like every challenge, it presents opportunities. With the right decision-making, the ground can be laid to strengthen education, investment, jobs and trade. When you look at the youth and dynamism in economies including Nigeria, Kenya, Ethiopia and Ghana, only a fool would write them off. Young citizens in Africa crave opportunities. Whether it’s in the digital economy, the green transition, resources, energy or infrastructure, Africa and Africans have a role to play. Britain shouldn’t miss out on the opportunity to make it happen. Mo Ibrahim is founder and chair of the Mo Ibrahim Foundation, which he established in 2006 to support good governance and exceptional leadership in Africa. Sudanese-born, he was the founder of Celtel International, one of Africa’s leading mobile telephone companies. Source: Financial Times The post UK can help shape a better future for Africa’s children with its wallet appeared first on Puntland Post.
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada heer dowlad goboleed ee Maamulka Jubaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney 25 bishaan qaban karaan doorashada Senatarada Aqalka Sare ku matalaya dowlad goboleedka Jubaland. Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubaland, oo uu warbaahinta u aqriyey guddoomiyaha guddiga Siyaad Maxamed Mursal ayaa lagu caddeeyay iney diyaar u yihiin qabashada doorashada Aqalka Sare. Guddiga ayaa Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ka codsaday inay magacabaan guddi kala shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorashada. Sidoo kale, Guddiga ayaa musharixiinta doonayo inay u tartamaan aqalka sare ka codsaday inay u diyaar garoobaan doorashada. Halkaan hoose ka akhriso qodobada ay soo saareyn guddiga 1- In guddiga higelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Jubaland uu diyaar u yahay qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka sare mudadii loo qorsheeyey ee aheyd 25 July 2021 2- Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed waxay guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ka codsanayaan inay magacaabaan guddi doorasho heer Baarlamaan ee guddiga hirgelinta doorashada kala shaqeeyo qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare 3- Dhammaan musharixiinta doonayo inay u tartamaan kuraasta Aqalka Sare inay isku diyaariyaan doorashada. 4- Guddiga wuxuu ka codsanayaa dowladda Jubbaland inay u diyaar garowdo sugidda Amniga Doorashada 5- Guddiga wuxuu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo saari doonaan jadwalka fulinta doorashada Aqalka Sare oo faahfaahsan. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee guddoomiye Maxamed Mursal The post Jubaland oo go’aan kasoo saartay doorashada Aqalka Sare iyo xilliga ay qabaneyso appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiillagu kalsoon yahay, taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa mushaarka ka joojiyay Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaasad Indha-Cade oo kamid ah xubnihii hogaaminayay ciidankii Badbaado Qaran. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ugu yaraan 3 bilood uusan wax mushaar ah qaadan Jeneraal Indha-cade iyo ciidanka la socda, waxaana durba billowday kulamo arrintaan ku saabsan. Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta Jenaraal Indha-cade iyo ciidankiisa musshaarka looga joojiyay ay la xariirto diidmadii muddo korarsiga, waxaana sidoo kale mushaarka laga joojiyay ciidamo badan oo ka tirsan ilaalada Jeneraalka iyo ciidan ka tirsanaa militariga balse markii ay xiisadda billaabatay kusoo biiray ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Arrintaan ayaa dhaawaceysa heshiiskii ay gaareen guddi ka socday ciidamadii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhigayey inaan laga aargudan karin ciidankii diiday muddo kororsiga. Ciidamadii diidanaa muddo korarsiga kama wada sinna mushaar joojinta, hase waxaa laga joojiyay qeyb yar oo ciidankaas ka tirsan, kuwaasoo markii hore qaadan jiray. Ra’iisul Wasaare Rooble oo la filayo inuu ilaaliyo dhinaca dowladda ee heshiiska ayaa u muuqda inuu ku guul-darreystay, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in awoodda uu ku dhex leeyahay dowladda ay ka yar tahay sida loo maleeeyo, islamarkaana go’aanada badankood ay ka go’aan Farmaajo. The post Xog: Dowladda oo qaaday tallaabo aargudasho oo ka dhan ah Jeneraal Indha Cade appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Nabad-sugida, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Dr. Tahliil Faarax oo la’layahay muddo ku siman 18-maalmood. Sanbaloolshe ayaa sheegay in Ikraan Tahliil ay kusoo biirtay NISA xiligii uu madaxda ka ahaa, oo asaga uu gacantiisa ku qoray, islamarkaana ay aheyd xubin fir-fircoon oo ka tirsan hay’addaas. Waxa uu sheegay in tuhunka maqnaanshaha Ikraan marka uu dhinac kasta ka eegay uu ku aroorayo hay’adda Nabad-sugida ee NISA, oo ay ka tirsaneyd howl-wadeenadeeda. “Haddii aan arrintaan kor ka eegay oo aan hoos ka eegay, tuhunka maqnaanshaha gabadhaan waxay ku arooraysa hay’adda NISA, haddii aysan jirin qof dambiga qiranaya ama lagu haayo, waxaa abuuraya shakiyo, oo ah meesha uu dambiga ka dhacay iyo dadkey la shaqeynaysay,” ayuu yiri. “Dad badan ayaa wareystay, si qaas ah ayaa u daba joogay kiiskaan, waxay dhex deganeyd gabadhu meel amaan ah oo la ilaaliyo, meeshey dhex deganeyd ama u dhaweyd waxay aheyd hay’adda Nabad-sugida, dhaq-dhaqaaq kasta iyo cid kasta oo meeshaas soo galeysa iyo cidkasta oo kasoo baxeysa si toos ah ayaa loo arki karaa ama CC-Camera ayaa laga arki karaa.” Sidoo kale waxa uu sheegay inay suurta-gal tahay inay dhibane u tahay arrin ay ogtahay oo aysan rabin saraakiisha iyo madaxda dowladda in la ogaado, lana rabo in gebi ahaanba la tir-tiro. “Dowladda ayaa la rabaa inay gabadhan nolol iyo geeri ku sheegto.. waxaa jira tuhun fara badan oo in Kiiskan Hey’adda Nabadsugida ku lug leeyihiin iyo dareen xooggan ah ayaa jira. Arrimo xasaasi ama xog xasaasi ah, waxaa laga yaabaa wax ay ogtahay inay dhibanne u tahay.. Database ciidamada Eritrea loo qaaday ayey heysay.. Waxaas oo dhan baaritaannada ayey kasoo bixi doontaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo farta ku fiiqay Hay’adda NISA. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda in meel ay ku sheegto gabadhaan nolol iyo geeri, isagoona ku gaabsaday inay ka hordhaceyn kiiskaas. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/07/ikraan.mp3 The post Sanbaloolshe oo bixiyey xog aan horey loo ogeyn oo ku saaban kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
  7. Hargeisa (HOL) - The Somaliland Ministry of Trade and Industries has revoked the license of a transportation company after it illegally entered Berbera Port. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - The Chief Justice of Somalia's Supreme Court, Bashe Yusuf Ahmed, has said that the Supreme Court will hear any complaints lodged against the Federal Electoral Commission. Source: Hiiraan Online
  9. Addis Ababa (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah maamul goboleedyada Ethiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, taasi oo muujineysa in dagaalka uu weji cusub yeeshay. Ciidamada ayaa ka imanaya mamaul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay warbaahinta dowladda. Duulaanka ay qorsheynayaan saddexda maamul ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu sheegay in ciidamadiisa ay iska caabin doonaan weerarada uga imanaya cadowgooda. “Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan billaabay weerar cusub oo la doonayo in ciidamada qowmiyadda Amxaarada looga saaro dhul lagu muransan yahay oo ku yaalla galbeedka iyo koonfurta gobolka Tigray. Ayaga oo ka jawaabaya, ayaa ciidamada iyo maleeshiyada Amxaarada waxay isu abaabuleen si xooggan, waxaana afhayeen u hadlay Gizachew Muluneh uu Arbacadii sheegay in ciidankooda ay difaaca ka baxeen oo ay weerar qaadayaan. Weriye ka tirsan AFP oo booqday magaalada Adi Arkay, ee ku dhow xuduudda gobollada Tigray iyo Amxaara, ayaa sheegay inuu arkay kumanaan askari oo halkaas ku sugan oo sugaya amar ay ku dagaal galaan. Saraakiisha Amxaarada ayaa sheegay inay ka cabsanayaan in ciidamada Tigray-ga ay doonayaan inay usoo siqaan koonfurta oo ay qabsadaan magaalada Addis-Ababa, si ay dowladda u ridaan. Madaxweynaha gobolka Oromia Shimeles Abdisa ayaa shir jaraa’id ku sheegay in hoggaamiyeyaasha Tigary ay doonayaan inay dalka oo dhan “xasillooni darro ka abuuraan.” Dagaalka ayaa hadda laga cabsi qabaa inuu noqdo mid sidii hore ka xooggan oo lagu hoobto, kuna saleysan qowmiyad. The post Saddex ka mid ah maamul goboleedyada Ethiopia oo ku biiray dagaalka TIGRAY appeared first on Caasimada Online.
  10. Beledweyne (HOL) - Police in Beledweyne on Wednesday say that a local Quranic teacher was killed by his wife. Source: Hiiraan Online
  11. NAIROBI, Kenya (AP) — Ethiopia’s government has accused humanitarian aid groups working in its war-hit Tigray region of “arming” Tigray fighters and threatened to halt some groups’ operations there. Source: Hiiraan Online
  12. A man sentenced to death for raping his three-year-old stepdaughter has been executed by firing squad in southern Somalia’s Jubaland state. BBC reports that the man, Hussein Adan Ali, had been chewing khat leaves, a mild stimulant, when he sexually assaulted the child. Source: Hiiraan Online
  13. Bacaadweyn (Caasimada Online) – Gaari walxaha qarxa lagu soo raray ayaa lagu weeraray Bar kontorool oo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug. Qaraxa ayaa dhaliyay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyey dhintay hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda halka ay dhaawacmeyn illaa 6 kale. Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, ciidamada Dowladda ayaa fashiliyey qaraxa gaariga, waxaana u suurta gashay inay toogtaan darawalka gaariga sidaasna waxaa markii dambe ku qarxay gaariga. Dhaawacyada askarta oo ahaa kuwa fudud ayaa waxaa lagu daaweynayaa magaalada Wasil ee Gobolka Mudug oo qiyaastii 30km u jirto degmada Bacaadweyn. Laamaha ammaanka Deegaanka Bacaadweyne ayaa bilaabay howlgallo ay ku xog ogaanayaan Qaraxa Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Deegaanka iyo sidii ay u ogaan lahaayeen waxyeelada uu geystay. Gobolka Mudug waxaa ka taagan saan-saan dagaal & dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka si gaar ah kuwa gaarka u tababaran ee DANAB, Militariga qaybta 21-aad iyo Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya kuwo deegaanka ah oo isku dhinac ah & Al-Shabaab. Ciidamada huwanta ah ayaa waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Bacaadweyn, waxayna kaga yimaadeen ilaa afar jiho halka ciidamadii Al-Shabaab ay isaga baxeyn deegaanka. The post Wararkii ugu dambeeyey ee qarax Ismiidaamin oo lagu weeraray ciidanka dowladda appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee dhinaca maaliyada ee maamulka gobalka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud “Caanaboore” ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u gudbiyay cabasho ka dhan ah guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in guddoomiye Caanaboore uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uusan la shaqeyn karin guddoomiyaha gobalka Banaadir islamarkaana ay istaageen dhammaan shaqooyinkii gobalka Banaadir kadib khilaaf dhaxdooda ragaadiyay. Ilaa hadda lama bixin mushaarka qeyb kamid ah shaqaalaha gobalka Banaadir, kaas oo ahaa mushaaraadka bilihii May iyo Juun, waxaana sidoo kale ilaa hadda aan wax lacag ah laga soo bixin akoonka dowladda hoose iyadoo uu wali taagan yahay khilaafka labada mas’uul oo sii xoogeystay. “Guddoomiye Caanaboore waxa uu Madaxweynaha u sheegay in uusan la shaqeyn karin Cumar Filish sidaas darteed waxa uu ka codsaday in labadooda midkood xilka laga qaado,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha maaliyada ee maamulka gobalka Banaadir. Khilaafka labadaan mas’uul oo taagan muddo bilooyin ah ayaa curyaamiyay dhamaan shaqooyinkii gobalka Banaadir, waxa uuna salka ku haayaa arrimo dhinaca maaliyada ah. The post XOG: Xiisadda FILISH iyo Caanaboore oo weli taagan, lana gaarsiiyey Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  15. Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo lagu qasbay inay galmo ku bedeshaan biyo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta sheegtay in muhaajiriin ay Soomaali ka mid yihiin oo ku jira xerooyinka xabsiyada ah ee Libya lagula kaco xadgudubyo galmo oo aad u xun oo ay geystaan ilaalada. Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xadgudubyada dadkaas loo geysto ay ka mid yihiin in biyaha nadiifka ah oo ay cabaan iyo cunada looga beddesho galmo lagu sameeyo. Warbixinta ayaa diiradda saartay muhaajiriinta laga qabtay badda meditareeniyaanka 2020 iyo 2021 kadibna lagu celiyey Libya, ayada oo la geeyo xerooyin ay xaaladdooda aad u xun tahay. Ilaadada xerada waxy yiraahdeen “waxaad dooneysaa biyo nadiif soo maaha iyo sariir, aan kula sameeyo galmo kadib xor ayaan kaa dhigayaa,” haweeney ayaa sidaas u sheegtay Amnesty, taasi oo ka mid ah dhowr gabdhood oo sheegay in ilaalada ay kufsadeen ama ay ku qasbeen galmo, si loo siiyo biyo nadiif ah ama la sii daayo. Xogtan ayaa lagu ogaaday wareysi lala yeeshay 53 qaxooti iyo muhaajiriin ah ah oo ay da’doodu u dhaxeyso 14 illaa 50, kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Nigeria iyo Syria. Qaar ka mid ah haween uur leh oo xerada ku jira ayaa Amnesty u sheegay in si joogto ah ay u kufsadeen ilaalada, halka raggana lagu qasbay inay xirtaan kaliya nigis ama kastuumo, si loo bahdilo. Warbixintan ku saabsan xaaladda ka baxsan bani’aadannimada ee ka jirta Libya ayaa daba socota warbixino kasoo baxayey dalkaas tan iyo 2017, oo ku saabsan garaac, jirdil iyo nadaafad darro lagula kaco muhaajiriinta. Ciidamada ilaalada xeebaha Libya, oo uu maal-geliyo Midowga Yurub ayaa badda ka qabtay kuna celiyey Libya qiyaastii 15,000 oo muhaajiriin ah, lixdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan, sida ay sheegtay Amnesty. Qaran News
  16. M/weyne Mustafa Cagjar oo si adag uga hadlay xaaladda ka aloosan Itoobiya MUSTAFA CAGJAR Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya. “Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in baraha bulshada ay taageerayaasha TPLF la dhex wareegayeen talooyin liita kuwaas oo uu ku tilmaamay inay kabaha u qaadayaan dadkii horay u xasuuqday shacabka deegaanka Soomaalida. “Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida. Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dowladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan.” Ayuu madaxweynaha raaciyay. Kaddib markii Jabhadda Tigray ay la wareegeen magaalooyinka Korem iyo Alamata, gobolla kala duwan ee dalka ayaa bilaabay inay ciidamo u daabuleen deegaanadaas. Gobolka Amxaarada ayaa sheegaya in kooxda TPLF ay soo weereen. Saraakiisha Gobolka Axmaarada ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan dagaal cusub oo ka dhan ah ciidamada Tigray. Ciidamada Tigray ayaa lawareegay magaalooyin muhiim ah todobaadyadii lasoo dhaafay. Gizatchew, agaasimaha guud ee xafiiska isgaarsiinta gobolka Amxaarada, ayaa sheegay in dulqaadkii uu ka dhamaaday “maanta laga bilaabo waxaan bilaabi doonnaa weerar cad.” Ciidamada amniga ee howlgabka ayaa loogu yeeray inay abuubulka iska caabinta ee ka dhanka ah TPLF ay ka qayb qaatan iyada oo sidoo kale dhamaan dadka gobolka Axmaarada loogu baaqay inay si mutadawacnimo ah isku abaabulaan. Dhanka kale, warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in Oromia, Sidama iyo SNNPR ay ciidamadooda gaarka ah u direen aagga ay colaaddu ka taagan tahay. Arbacadii, raiisul wasaare Abiy Ahmed iyo sarkaalka ugu sareeya militariga dalkaas, Jeneral Bacha Debele, waxay shacabka ka codsadeen in la taageero ciidanka iyo dowlada. Maamulka Deegaanka Amxaarada dhankiisa wuxuu sheegay: “Deegaannada ay shacabka Amxaarada muddo u soo halagamayeen ee jiritaankooda ku xiran” sida deeganada Raya, Alamata, Walqayt-Sagade iyo Satiit-Humera “inay difaacanayaan.” Abiy Axmed farriintiisu wuxuu ku sheegay: “Shacabka Tigray dareenka aan u qabno iyo beesha caalamka heerka aan u joogno marki ugu dambeysay ayaan tusnay.” Wuxuu intaasi ku daray: “Nabaddu waxay nooga baahan tahay xoogaha naf hurid ah, haddana waxaan ognahay xalka ugu dambeeyo inuu yahay mid nabadeed”. “Innaga oo dadaal ugu jirno in aan fududeyno howlaha gargaarka bini-aadamnimo ee lagu gaarsiinayo deegaanka Tigray, haddana dhinaca kale cadowgeenna gudaha iyo dibadda oo iskaashanaya waxay nagu soo qaadeen dagaal ay u mideysan yihiin, kulligoodna waan iska celineynaa,” ayuu yiri. Dagaalka Itoobiya ma wuxuu isu bedelay mid qabiil? Tani iyo marka uu dalka Itoobiyaha ka dhacay isbeddelka uu majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodayo iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey god ku sii rideyso. Tan iyo markii xukunka laga tuuray hogaamiye Mengistu Xayle Mariam sannadkii 1991 ilaa iyo 2018, TPLF waxay ahayd saaxiibka ugu weyn ee isbahaysigii xukunka xilligaasi hayay, sidoo kale waxay maamuleysay gobolka Tigeerga laftirkiisa. Kooxda TPLF ayaa door muhiim ah kulahaa jaga ka tuuristii madaxweyne Mengistu waxayna dooneysay oo keliya inay maamusho siyaasada wadanka iyo sidoo kale dhaqaalaha. Xiisad ayaa ka taagan gobolka Tigreega kaddib markii Ra’iisul wasaaraha uu ku dhawaaqay tallaabo militeri oo ka dhan ah maamulkaas. Is afgaran waaga ka dhex jira TPLF iyo Mr Abiy waxay ka dhigan tahay jab xoog leh oo salka ku haya awoodda dalka. Inta badan hogaamiyaasha gobolada Tigray, oo uu kamid yahay Mr Debretsion, waxay kasoo shaqeeyeen dowlada dhexe mudo dheer. Mr Debretsion, oo ah halgamaa ayaa mar soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen. Saaxiibadiis iyo la taliyayaashiisa ayaa sidoo kale xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ilaa Mr Abiy uu xukunka qabtay. Guddiga fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go’aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega. “Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrigeliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda” ayaa war-murtiyeedka lagu yiri. Hase yeeshee golaha ayaa go’aamiyay in dowladda ay maamulka sii heyso muddo aan la cayimin, iyagoo amar ku bixiyay in doorashada dib loo dhigo sababo la xiriira fayraska corona. Arrintaas ayaa horseedday xiisad weyn oo ka dhex billaabatay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta gobolka Tigray. Gobolka Tirgay ayaa looga dhawaaqay in doorashadiisa aan dib looga dhigi doonin waqtigii sharciga ahaa, taasoo horseedday ismariwaa baaxad leh. Maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanayay Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba. Xiisadda taagan waxay sare u qaadday cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya. Siyaasiyiinta TPLF waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas – oo xad la wadaaga Eretariya – uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya. Laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeereen “ismaamulka iyaga u gaarka ah”. TPLF waxay horraan dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka. Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii. Maxay TPLF doonayaan? Maamulka Tigray wuxuu dib u habaynta Mr Abiy u arkaa inay tahay isku day lagu doonayo in lagu dhiso nidaam dowladeed oo mideeysan kaas oo lagu burburinayo nidaamka federaalka ee hadda jira. Sidoo kale TPLF waxay ka biya diidantahay waxa ay ugu yeedhay saaxiibtinimada “aan mabda’a lahayn” ee ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki. Mr Abiy wuxuu ku guuleystey Abaalmarinta Nabadda ee Nobeelka ee sanadka 2019-kii taas oo uu ku mutestay dadaalkiisa ku aadan nabadeynta colaadda daba dheeraatay ee Ereteriya iyo Itoobiya. Laakiin kooxda TPLF waxay dareensantahay in danaha Tigreega la iska indhatiray waxayna doonayaan inay waxbadan ka yiraahdaan xiriirka mustaqbalka ee wadanka deriska la ah Itoobiya. Ra’iisal wasaaraha ayaa dhankiisa wuxuu aaminsanyahay in saraakiisha TPLF ay wiiqayso awoodiisa. Qaran News
  17. Wasaarada Ganacsaiga S/land oo Ruqsadii kala noqotay Shirkad oo uu leeyahayray Ganacsade Axmed Geelle-Arab Qaran News
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Xarumo dhowr ah oo ay deeganada Puntland kaga sugnaayeen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa gebi ahaanba la bur-buriyey, kadib howl-galo ay fuliyeen ciidamada Puntland, sida uu sheegay Wasiirka Amniga maamulkaas. Cabdisamad Maxamed Gallan, Wasiirka Amniga Puntland oo faah-faahin kooban ka bixiyey howl-galo ay dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari ka sameeyen ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa sheegay in lagu jabiyey argagixisada. Waxa uu sheegay in howl-galadaas cagta lagu mariyey inta badan dhulka Buuraleyda ah ee dhow Boosaaso sida; Sugul, Ceel-gobaad, Dhashaabo, Majiyahan, Maraje, Ceel-dibir iyo degaano kale. Gallan ayaa waxa kale oo uu sheegay in ciidamada ay bur-buriyeen xarumihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ee deeganadaas, ayada oo ay kaga qabsadeen Saanad ciidan oo iskugu jirtay Hub iyo Agab kale. Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka in wajigii labaad ee howl-galadaas oo ayaguna ka dhan ahaa Daacish laga fuliyay degaannada, Balli-dhidin, Tuulo-Ciise, Kaneecaleey, Dhabanacaddo, Dabdheero, Ceel Ileed iyo deegaano kale. Howl-gallada ciidamada maamulka Puntland ayaa kusoo aadaya xili ay dagaal adag kula jiro maamulku kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka howl-gasha Soomaaliya, kuwaasi oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliya maamulkaas. The post Xarumo ay ku sugnaayen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo la bur-buriyey appeared first on Caasimada Online.
  19. Beesha Fiqishini oo ka mid ah beelaha Mogadishu Clan, kana mid ah beelaha dega gobollada Waqooyi ayaa ku doodaysa in ay xaq u leeyihiin kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo hadda ay haysato beesha Dir Waqooyi. Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ka hadlayay shir looga hadlay arrinta kursigaas oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay hadii Dir Waqooyi ay siin weydo mid ah mid kuraasta Somaliland ay xoogayaan kursi Aqalka ee Dir koonfureed ku leedahay Galmudug. “Hadii nala ka dhaco kursiga Waqooyi waxaan xoogaynaa kan Dhuusamareeb ee Dir koonfureed, wallaahi labo cali isweydiinmayso, Qoorqoor-na labada dhegood baan goynaynaa” ayuu yiri Xaaf. Xaliimo Yarey iyo odayaal la beel ah ayaa sidaan oo kale shir dhawaan ka dhacay Muqdisho waxay si kulul uga hadleen arrinta kursigan, iyagoo siyaasiyiinta Waqooyi gaar ahaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ku eedeeyay in ay uu diidan yihiin xaqa ay ku leeyihiin kuraasta Waqooyi. Kuraasta Aqal Sare ee gobollada Waqooyi oo ka kooban 11 kursi ayaa doorashadoodu ka dhacaysaa magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo la isku haysto appeared first on Puntland Post.
  20. Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliyo iyo Qatar, Maxamed Xuseen Rooble iyo Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani ayaa xalay yeeshay wadahadal dhanka teleefoonka. Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar. “Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah” ayaa lagu qoraalka. Dhanka kale warar hoose ayaa sheegaya in labada Ra’iisul Wasaare ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ay Qatar doonayso in ay saameyn ku yeelato. Dowladda Qatar ayaa doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ku la hayd saameyn badan oo ay kaga adkaatay Imaaraaadka. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Qatar? appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah qodobada ugu adag ee la doonayo in laga beddelo heshiiska doorashada ayaa la kulmay caqabad xooggan oo kaga timid dhanka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo fashilisay isku dayo ay wadeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Hase yeeshee, dhinacyadan ayaa hadda dejiyey qorshe yaab leh, oo qodobkan wax looga beddelayo, ayada oo ay ku adkaan doonto Farmaajo inuu is-hortaago, halka sidoo kalena la rumeysan yahay in wax ka beddelkan ay si hoose u taageereyso beesha caalamka. Qodobkan ayaa ah midka la xiriira deegaan doorashada, waxaana socda dadaallo la doonayo in lagu soo koobo hal magaalo maamul goboleedkiiba, halka iminka qorshuhu yahay in doorashooyinka ay ka dhacaan laba magaalo halkii maamul goboleed. In doorashada lagu qabto laba magaalo ayaa wajaheysa caqabado farsamo, kuwa amni iyo mid dhaqaale iyo xiisado u dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo beelaha dega magaalooyinka la qorsheynayo in doorashada ay ka dhacdo. Illaaa saddex magaalo oo ka mid ah deegaan doorashada ayey adag tahay in doorasho laga qabto, waxayna kala yihiin Beledweyne, Garbahaarey iyo Baraawe. Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaan maamulladooda laga taageersaneyn Gedo iyo Hiiraan, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda, taasi oo adkeyneysa inay doorasho ku qabtaan Gabahaarey iyo Beledweyne. Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaano ku dhow magaalada Baraawe, waxaana magaalada ku sugan ciidamo aan badneyn oo isugu jira Soomaali iyo Amisom, oo ay adkaan doonto inay Shabaabka iska caabiyaan haddii weerar culus uu kaga yimaado, taasi oo adkeyneysa in maamulka Koonfur Galbeed uu doorasho ku qabto magaalada. Beesha caalamka ayaa si gaar ah uga walaacsan inay doorasho ka dhici karto magaalada Baraawe, ayada oo xubno ka tirsan beesha caalamka ay qabaan inay halis amni oo xooggan ka iman karto haddii doorasho halkaas lagu qabto. Ka sokow, caqabadaha sida gaarka ah uga jira Beledweyne, Garbaahrey, iyo Baraawe, waxaa jirta caqabad wada haysata dhammaan maamul goboleedyada, oo dhanka dhaqaalaha taasi oo adkeyneysa in laba magaalo ay doorasho ku qabtaan. Beesha caalamka ayaa weli diidan inay bixiso lacagta ku baxeysa doorashada oo dhan tahay $40 Milyan oo Dollar. Lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan. Dhammaan arrimahan oo la isku geeyey ayaa adkeeyey in laba magaalo doorasho lagu qabto, waxaana Rooble iyo madax goboleedyada ay isku raaceen in hal magaalo lagu soo koobo doorashada. Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo oo weli awood ku leh siyaasadda dalka ayaan marnaba aqbali doonin in hal magaalo lagu soo koobo doorashada, taasi oo meesha ka saareysa doorashada Garbahaarey, oo uu aad isugu haleynayo 16-ka kursi ee halkaas yaalla. Sida aan xogta ku helnay, si arrintan looga gudbo maamul goboleedyada iyo Rooble ayaa dejiyey qorshe ah in marka ay billaabato doorashada Aqalka Sare oo la doorto xildhibaanka ugu horreeyey ay kulan isugu yimaadaan, kuna dhowaaqaan inay kusoo koobayaan doorashada hal magaalo. Arrintan ayey rumeysan yihiin inay Farmaajo ku adkeyn doonto inuu is-hortaago, mar haddii doorashada la guda galay. Sidoo kale, ra’iisul wasaare Rooble ayaa qorsheynaya in inta laga gaarayo muddadaas uu booqdo dhammaan magaalooyinka ay doorashada ka dhaceyso, kadibna soo saaro warbixin uu ku sheegay in magaalooyinka qaar aysan doorasho ka dhici karin. Rooble oo toddobaadkii tegay booqday magaalada Garbaahrey ayaa xog aan helnay ay sheegeysa inuusan kusoo qancin xaaladda magaaladaas, uuna garowsaday inaan halkaas doorasho lagu qabin. The post Xog: Rooble iyo madax goboleedyada oo damacsan qorshe muran abuuri kara appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu sheegay in si fudud uusan uga baxeyn Villa Somalia. Senator Suudi ayaa sheegay in Farmaajo uu sharci darro ku jooga Villa Somalia, isagoona ka dalbaday ra’iisal wasaaraha in uu amar ka qaadan madaxweyne aan sharciyad laheyn. “Ra’iisal wasaaraha waxaa ka codsaneyna Nuur Cadde oo kale ha noqdo, sharafta ha la jiro, cidkasta isaga ayey ka amar qaadane, wax sharci ku jooga asaga ayaa ka jira, Nin aan sharci ku joogin (Farmaajo) ayuu amar ka qaadan,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay Senator-ka in halgankii ka dhanka ahaa muddo kororsiga Farmaajo ee Ciidamada Bad-Baado Qaran ka sameeyen dalka uusan weli dhameystirneen inta uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu dhex fadhiyo Villa Somalia. “Asaga oo aan bixin abaalmarin ma jirto, waa isa-sii diyaar-gareyn, dad lagu xad-gudbi maayo. Waxa la iskugu imid in looga mahad-celiyo nabad-galyada ay kusoo galeen baladka ee ay uga baxeen ee looga mahad-celin maayo shaqadii oo gaba-gabo ah wiilasha iyo madaxdoodii.” Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay inuusan faarujin doonin Villa Somalia, xataa haddii lagaga guuleysto doorashada, sida uu hadalka u dhigay. “Farmaajo meel walbo isaga oo ku dhagan ayaa laga fujinayay qaar waa lagu feeraaye qaar waa lagu xiraaye ,haddana hadii cod looga raayo in xoog looga baxsho maahee iska bax kuma baxaayo.” The post Daawo: Muuse Suudi oo ka digay arrin Farmaajo sameyn karo doorashada kadib appeared first on Caasimada Online.