Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. YAA KEENAY TALADA DALKA ETHIOPIA DR ABIY AHMED ALI KU YIMID ? Markii Dr Abiy Ahmed Ali Ethiopia taladeeda la wareegay waxa uu ku yimid kacdoonadii qoomiyada Oromo ay ka wadeen dalkaasi mudo dheer, oo ka soo bilaabantay xiligii Malez Zenawi Ethiopia Raisal wasaaraha ka ahaa. Waxyaabaha xiligaasi kiciyey waxa uu ahaa in caasimada Addis-Ababa la rabay in la fidiyo oo loo sii qorsheeyo dhul kale oo ka mid ah xayndaabka magaalada Addis-Ababa, dhulkaasi waxa uu ahaa dhul beereed ay leeyihiin qoomiyada Oromadu in xoog ay doontay in ay dawladu kula wareegto. Qoomiyada Oroma oo ah dadka Ethiopia ugu badan oo hore u tirsanayey in aanay talada dalka Ethiopia waxba ku lahayn iyaga oo ah dadka ugu badan, ugu wax soo saar badan, dhulkooguna yahay ka Ethiopia oo dhami isugu timi ee xudunta u ah dalkaasi. Waxa bilaabmay kacdoono iyo is-abaabul laga bilaabay dibada dalka iyo dhaq-dhaqaaqyo xoojin u noqday jabhado ay leeyihiin qoomiyada Oroma oo qaarna Ethiopia ku dhex dhuumaalaysan jireen, qaarna Erateria fadhiyeen. Kacdoonadii ugu horeeyey waxa ay noqdeen isu-soo baxyo la isku tijaabinayo in dadku mudaharaadaan oo dalkaasi Ethiopia aan noocoogu hore uga dhici jirin, waxaana xoog kaga hortagtay xukuumadii xiligaasi oo dad badan ku laysay, arintaasi waxa ay shidaal usii noqotay is-abaabulkii iyo dhaq-dhaqaaqyadii xaq u dirirka ahaa Oroma. Xiligii Haila Mariam Desalem waxa uu isku dayey in uu qanciyo oo uu dejiyo qoomiyada Oroma oo kacdoonada ay wadeen sii xoogeysanayeen, waxaana uu xukuumadii ku soo daray xubno oromo ah oo badan iyo madaxwayne Oroma ka soo jeeda oo cusub, markii madaxweynihiii hore isaga tagey kursiga. Arintaasi waxba kama ay badelin kacdoonkii qoomiyada Oroma ay ku rabeen in ay dalka Ethiopia xaqooda ka helaan , waxaana qasab noqotay in uu is casilo oo uu danta Ethiopia ka horeysiiyo kursiga uu fadhiyo Raisal wasaarihii ka soo jeeday shucuubta koonfureed ee Haila Mariam Desalem . Maamulkii Ethiopia oo ahaa ururo ku mideysan xisbiga EPRDF ayaa waxa ay isla garteen in loo dhiibo dalka Oromo, waxaana gudoomiye xiligaasi xisbiga Oromada ka ahaa Abiy Ahmed Ali ahaana xubin baarlamaanka federalka Ethiopia ah si uu talada dalkaasi usii wado qoomiyada Oroma oo uu ka soo jeedaana u degto. Abiy Ahmed judhiiba waxa uu sameeyey isbadelo iyo dhaq-dhaqaaqyo cajiib ah oo aan la fileyn kuwaasi oo xaaladihii dalka Ethiopia gudihiisa yaalay u jiheeyey dhinac kale , waa kii la heshiiyey Erateria, la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday maamulkeega, dhulkii Badame na qaatay qaraarkii qaramada midoobay ku siisay Erateria oo ay maamulka Ethiopia diidanaayeen. Arimahani waxa ay wax ka badeleen siyaasadii guud ee dalka Ethiopia laakiin tabashadii qoomiyada Oroma may dawayn, waxaana soo noqday kacdoonadii oo dib u bilaabmay, iyaga oo hubaysan iyo iyaga oo mudaharaado ah ba waxa uu la galay dagaal xoogan, waxaana uu xabsiga u taxaabay madaxii isbadalka iyo kacdoonka Ethiopia Jawar Mohamed iyo saraakiil sare oo wada Oromo ah. Waxa ay haddana iska hor yimaadeen TPLF oo ahaa maskaxda, cududa iyo caqliga Ethiopia ka talinayey 27 kii sanadood ee u dambeeyey, waxaa uu dhowr goor ku sigtay in Abiy Ahmed la dilo, waxaana uu ka badbaaday dhawr isku day oo la rabay in lagu khaarajiyo. Dr Abiy Ahmed oo la siiyey abaalmarinta nabada aduunka ayaa dalkiisii haddana gudaha dib uga karay, waxaana uu galay dagaalo siyaasadeed iyo qaar adag oo uu ku weeraray Tigray oo aduunka ay isaga hor yimaadeen, dhiig badani ku daatay, dad badani ku dhinteen , macaluul, barakac iyo burbur badana dhaliyey. HALKEE AY ISKA SEEGEEN MARAYKANKA IYO ETHIOPIA? Ethiopia waxa uu ahaa dalka ay dawladaha reer galbeedku sida weyn u ilaalin jireen gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub , dabadeedna Ethiopia waxa yimid China xikigii Malez Zenawi oo u soo saaray Gaasta dabiiciga ah , wadooyin iyo mashaariic badan oo horumarineed galiyey. Xiligaasi Ethiopia waxa lagu haystay in ay xad-gudubyo xuquuqda aadamaha ah ka geysatay gobolo dalka Ethiopia ka mid ah oo ka mid yahay gobolka Soomaalidu, waxaa dacwadi kaga socotay meelo badan waxaana laga yareeyey kaalmadii uu aduunku siin jirey, waana marka ay China doonteen iyo cid kale oo u badesha dawlada iyo ururada ay iska hor yimaadeen. Haddaba markii uu yimid Abiy Ahmed Ali markiiba gacmo diiran ayuu aduunku ku soo dhaweeyey oo ay sababtay ficiladiisii layaabka lahaa ee kala ahaa ; 1- Sii dayntii maxaabiistii siyaasadeed ee jeelasha Ethiopia buuxiyey. 2- Aqbalaadii qaraarkii qaramada midoobay ee dhulka Badame siinayey Erateria oo uu aqbalay. 3- Heshiiska nabadeed ee geesinimada lahaa ee Erateria iyo Ethiopia oo uu hindisay , kuna guuleystay. 4- Siyaasadii Ethiopia oo uu u rogay mid dimuqaradi ah oo furfuran iyo xukuumad kala badh haween yihiin oo uu dhisay. Halkaasi wax badana way ugu hagaageen xiligaasi hore , waxa maanta taagana waa halkii ay ka soo bilaabmeen ee ay isaga hor yimaadeen TPLF iyo Tigray oo u arkay in uu iyaga ku socdo, dhulkoogii bixiyey, ooda kaga qaaday maxaabiistii ay jeelasha ku gureen, ugaadgsadey saraakiishii Tigray ee talada gacanta ku hayey 27 kii sanadood ee la soo dhaafay . Maamulkii hore ee Tigray waxa ay dawlada maraykanka ka mideysnaayeen wax badan waxaana ay kuwada jireen dagaalka argagixisada iyo dagaalo kale oo badan, waxaana ay lahaayeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo aad u heer sareeya. Markii Abiy Ahmed talada la wareegay waxa maraykanka iyo Ethiopia isaga hor yimaadeen oo kale sida looga wada faaiideysanayo biyaha wabiga Nile oo uu maraykanku taageeray in la tix galiyo heshiisyadii hore ee caalamiga ahaa ee yaallay, kuwaasi oo aanay Ethiopia hadda u arkayn in ay dan u yihiin. Waxa kale oo aduunka iyo wadamada reer Yurub ay ku dhaliileen in uu soo celiyey nidaamkii cagajugleynta iyo cabudhinta dadka ahaa ee Ethiopia hore loogu dhaliili jirey, oo uu xidh-xidhay siyaasiyiintii mucaaridka iyo dadka bulshada ugu fir-fircoon ee u dooda xuquuqaha dadka . Halka sadexaad ee lagu kala fogaaday ee dhalisay dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo ahayd in uu doorashadii Ethiopia la meeraystay Abiy Ahmed oo ahayd fursad uu isaguna raadinayey mucaaridkiisuna ay ahayd halka ay rabeen in ay ugu quus gooyaan, waxaana uu sanad ka dib qabsaday doorasho la mid ah sidii kuwii EPRDF qaban jirtay oo kale ah oo uu xisbigiisu helay tirada ugu badan. MUXUU NOQON DOONAA MUSTAQBALKA ETHIOPIA? Dr Abiy Ahmed waxa soo waajahday xaalad adag oo u baahan sidii uu uga dabaalan lahaa xili adag oo gudaha dalka Ethiopia ay ka jiraan guux iyo dagaalo socda oo lagaga soo horjeedo maamulkiisa oo gabood falo foolxun ka geystay gobolka Tigray. Waxa uu u muuqdaa mid isku furaya dagaalo kale oo doonaya in uu kala doorto quwadaha aduunka ku hirdamaya, waxaana uu isku bar-barinayaa dhinaca Ruushka oo ay xukuumadiisu dhowaan la gashay heshiis ciidamada tayayntooda iyo hubeyntooda ah. Sidoo kale waxa uu rabaa in uu China ka dhigto halbowle uu ka helo waxyaabaha ay ka xayireen maraykanka iyo ururada caalamiga ahi oo dhamaantood ku cambeereeyey dagaalka uu ku qaaday Tigray isla markaasina ka aamusay doorashadii ka dhacday dalka Ethiopia 21 June 2021. Hadii xukuumada Abiy Ahmed ay sidaa ku adkaysato waxa hubaal ah in cimrigeedu soo gaaban doono dhawr sababood ba; 1- Dawladaha maraykanka iyo ururada caalamiga ahi waxa ay u fiirsanayaan gabood fal kasta oo Ethiopia ka dhaca waxaana la buun-buunin doonaa wax walba oo ku lid ah maamulkiisa iyada oo jidka dimuqaradiyada iyo xuquuqda aadamaha loo mari doono, waxaana ka hor iman doona dadka Ethiopia. 2- Waxa loo go’doomin doonaa dhaqaale ahaan maadaama aanay Ethiopia isku fileyn oo ay lacag badan iyo mashaariic badan beesha caalamku siin jirtay. 3- Waxa loo go’doomin doonaa siyaasad ahaan oo maamulka Ethiopia hadda joogaa waxa uu aduunka ka noqon doonaa tuke baal cad , taasi waxa ay fursad siin doontaa mucaaridkiisa dibada iyo kuwa gudahaba . SIDEE UU ABIY AHMED DALKA ETHIOPIA UGA BAD-BAADIN KARAA GO’DOON IYO DAGAALO DIBLOMAASIYADEED OO GUDAHANA DAGAAL KALE KAGA FURA ? Dr Abiy Ahmed Ali dalka Ethiopia waxa uu kaga badbaadin karaa caqabadaha ku soo fool leh dhawr qodob oo muhiim ah dalkiisa iyo mustaqbalkiisa hogaamineed; 1- In uu nabad iyo wanaag iskaga dhameeyo dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo uu heshiis taariikhiya la galo Tplf. 2- In uu guud ahaan dadka Ethiopia intii wax tabanaysa iyo cidii talada Ethiopia ku dulmanayd xaga awood qaybsiga uu maanta ka miisaamo dawladiisa isaga oo dadka Ethiopia ugu baaqaya isku duubni iyo walaalnimo. 3- In uu maxaabiista siyaasadeed ee xidh-xidhan ooda ka qaado , oo dalka Ethiopia u jiheeyo jiho hogaamin lagu wada qanacsan yahay oo qofwaliba fursadiisa eegto inta uu qoriga iska dhigo. 4- In uu iska hagaajiyo dhamaan xidhiidhada caalamiga ah , oo uu iska awdo gol-jilic kasta oo looga soo dhici karo , sidoo kale aanu kala jeclaan quwadaha aduunka ku loolamaya ee uu dalwalba oo danta Ethiopia ku jirto la heshiiyo. Mohamed Abdi Jama Dhimbiil Mohamed Qaran News
  2. Yaa keenay talada dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali ku yimid? Markii Dr Abiy Ahmed Ali Ethiopia taladeeda la wareegay waxa uu ku yimid kacdoonadii qoomiyada Oromo ay ka wadeen dalkaasi mudo dheer, oo ka soo bilaabantay xiligii Malez Zenawi Ethiopia Raisal wasaaraha ka ahaa. Waxyaabaha xiligaasi kiciyey waxa uu ahaa in caasimada Addis-Ababa la rabay in la fidiyo oo loo sii qorsheeyo dhul kale oo ka mid ah xayndaabka magaalada Addis-Ababa, dhulkaasi waxa uu ahaa dhul beereed ay leeyihiin qoomiyada Oromadu in xoog ay doontay in ay dawladu kula wareegto. Qoomiyada Oroma oo ah dadka Ethiopia ugu badan oo hore u tirsanayey in aanay talada dalka Ethiopia waxba ku lahayn iyaga oo ah dadka ugu badan, ugu wax soo saar badan, dhulkooguna yahay ka Ethiopia oo dhami isugu timi ee xudunta u ah dalkaasi. Waxa bilaabmay kacdoono iyo is-abaabul laga bilaabay dibada dalka iyo dhaq-dhaqaaqyo xoojin u noqday jabhado ay leeyihiin qoomiyada Oroma oo qaarna Ethiopia ku dhex dhuumaalaysan jireen, qaarna Erateria fadhiyeen. Kacdoonadii ugu horeeyey waxa ay noqdeen isu-soo baxyo la isku tijaabinayo in dadku mudaharaadaan oo dalkaasi Ethiopia aan noocoogu hore uga dhici jirin, waxaana xoog kaga hortagtay xukuumadii xiligaasi oo dad badan ku laysay, arintaasi waxa ay shidaal usii noqotay is-abaabulkii iyo dhaq-dhaqaaqyadii xaq u dirirka ahaa Oroma. Xiligii Haila Mariam Desalem waxa uu isku dayey in uu qanciyo oo uu dejiyo qoomiyada Oroma oo kacdoonada ay wadeen sii xoogeysanayeen, waxaana uu xukuumadii ku soo daray xubno oromo ah oo badan iyo madaxwayne Oroma ka soo jeeda oo cusub, markii madaxweynihiii hore isaga tagey kursiga. Arintaasi waxba kama ay badelin kacdoonkii qoomiyada Oroma ay ku rabeen in ay dalka Ethiopia xaqooda ka helaan , waxaana qasab noqotay in uu is casilo oo uu danta Ethiopia ka horeysiiyo kursiga uu fadhiyo Raisal wasaarihii ka soo jeeday shucuubta koonfureed ee Haila Mariam Desalem . Maamulkii Ethiopia oo ahaa ururo ku mideysan xisbiga EPRDF ayaa waxa ay isla garteen in loo dhiibo dalka Oromo, waxaana gudoomiye xiligaasi xisbiga Oromada ka ahaa Abiy Ahmed Ali ahaana xubin baarlamaanka federalka Ethiopia ah si uu talada dalkaasi usii wado qoomiyada Oroma oo uu ka soo jeedaana u degto. Abiy Ahmed judhiiba waxa uu sameeyey isbadelo iyo dhaq-dhaqaaqyo cajiib ah oo aan la fileyn kuwaasi oo xaaladihii dalka Ethiopia gudihiisa yaalay u jiheeyey dhinac kale , waa kii la heshiiyey Erateria, la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday maamulkeega, dhulkii Badame na qaatay qaraarkii qaramada midoobay ku siisay Erateria oo ay maamulka Ethiopia diidanaayeen. Arimahani waxa ay wax ka badeleen siyaasadii guud ee dalka Ethiopia laakiin tabashadii qoomiyada Oroma may dawayn, waxaana soo noqday kacdoonadii oo dib u bilaabmay, iyaga oo hubaysan iyo iyaga oo mudaharaado ah ba waxa uu la galay dagaal xoogan, waxaana uu xabsiga u taxaabay madaxii isbadalka iyo kacdoonka Ethiopia Jawar Mohamed iyo saraakiil sare oo wada Oromo ah. Waxa ay haddana iska hor yimaadeen TPLF oo ahaa maskaxda, cududa iyo caqliga Ethiopia ka talinayey 27 kii sanadood ee u dambeeyey, waxaa uu dhowr goor ku sigtay in Abiy Ahmed la dilo, waxaana uu ka badbaaday dhawr isku day oo la rabay in lagu khaarajiyo. Dr Abiy Ahmed oo la siiyey abaalmarinta nabada aduunka ayaa dalkiisii haddana gudaha dib uga karay, waxaana uu galay dagaalo siyaasadeed iyo qaar adag oo uu ku weeraray Tigray oo aduunka ay isaga hor yimaadeen, dhiig badani ku daatay, dad badani ku dhinteen , macaluul, barakac iyo burbur badana dhaliyey. Halkee ay iska seegeen Maraykanka iyo Ethiopia? Ethiopia waxa uu ahaa dalka ay dawladaha reer galbeedku sida weyn u ilaalin jireen gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub , dabadeedna Ethiopia waxa yimid China xikigii Malez Zenawi oo u soo saaray Gaasta dabiiciga ah , wadooyin iyo mashaariic badan oo horumarineed galiyey. Xiligaasi Ethiopia waxa lagu haystay in ay xad-gudubyo xuquuqda aadamaha ah ka geysatay gobolo dalka Ethiopia ka mid ah oo ka mid yahay gobolka Soomaalidu, waxaa dacwadi kaga socotay meelo badan waxaana laga yareeyey kaalmadii uu aduunku siin jirey, waana marka ay China doonteen iyo cid kale oo u badesha dawlada iyo ururada ay iska hor yimaadeen. Haddaba markii uu yimid Abiy Ahmed Ali markiiba gacmo diiran ayuu aduunku ku soo dhaweeyey oo ay sababtay ficiladiisii layaabka lahaa ee kala ahaa; 1- Sii dayntii maxaabiistii siyaasadeed ee jeelasha Ethiopia buuxiyey. 2- Aqbalaadii qaraarkii qaramada midoobay ee dhulka Badame siinayey Erateria oo uu aqbalay. 3- Heshiiska nabadeed ee geesinimada lahaa ee Erateria iyo Ethiopia oo uu hindisay , kuna guuleystay. 4- Siyaasadii Ethiopia oo uu u rogay mid dimuqaradi ah oo furfuran iyo xukuumad kala badh haween yihiin oo uu dhisay. Halkaasi wax badana way ugu hagaageen xiligaasi hore , waxa maanta taagana waa halkii ay ka soo bilaabmeen ee ay isaga hor yimaadeen TPLF iyo Tigray oo u arkay in uu iyaga ku socdo, dhulkoogii bixiyey, ooda kaga qaaday maxaabiistii ay jeelasha ku gureen, ugaadgsadey saraakiishii Tigray ee talada gacanta ku hayey 27 kii sanadood ee la soo dhaafay . Maamulkii hore ee Tigray waxa ay dawlada maraykanka ka mideysnaayeen wax badan waxaana ay kuwada jireen dagaalka argagixisada iyo dagaalo kale oo badan, waxaana ay lahaayeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo aad u heer sareeya. Markii Abiy Ahmed talada la wareegay waxa maraykanka iyo Ethiopia isaga hor yimaadeen oo kale sida looga wada faaiideysanayo biyaha wabiga Nile oo uu maraykanku taageeray in la tix galiyo heshiisyadii hore ee caalamiga ahaa ee yaallay, kuwaasi oo aanay Ethiopia hadda u arkayn in ay dan u yihiin. Waxa kale oo aduunka iyo wadamada reer Yurub ay ku dhaliileen in uu soo celiyey nidaamkii cagajugleynta iyo cabudhinta dadka ahaa ee Ethiopia hore loogu dhaliili jirey, oo uu xidh-xidhay siyaasiyiintii mucaaridka iyo dadka bulshada ugu fir-fircoon ee u dooda xuquuqaha dadka . Halka sadexaad ee lagu kala fogaaday ee dhalisay dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo ahayd in uu doorashadii Ethiopia la meeraystay Abiy Ahmed oo ahayd fursad uu isaguna raadinayey mucaaridkiisuna ay ahayd halka ay rabeen in ay ugu quus gooyaan, waxaana uu sanad ka dib qabsaday doorasho la mid ah sidii kuwii EPRDF qaban jirtay oo kale ah oo uu xisbigiisu helay tirada ugu badan. Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Ethiopia? Dr Abiy Ahmed waxa soo waajahday xaalad adag oo u baahan sidii uu uga dabaalan lahaa xili adag oo gudaha dalka Ethiopia ay ka jiraan guux iyo dagaalo socda oo lagaga soo horjeedo maamulkiisa oo gabood falo foolxun ka geystay gobolka Tigray. Waxa uu u muuqdaa mid isku furaya dagaalo kale oo doonaya in uu kala doorto quwadaha aduunka ku hirdamaya, waxaana uu isku bar-barinayaa dhinaca Ruushka oo ay xukuumadiisu dhowaan la gashay heshiis ciidamada tayayntooda iyo hubeyntooda ah. Sidoo kale waxa uu rabaa in uu China ka dhigto halbowle uu ka helo waxyaabaha ay ka xayireen maraykanka iyo ururada caalamiga ahi oo dhamaantood ku cambeereeyey dagaalka uu ku qaaday Tigray isla markaasina ka aamusay doorashadii ka dhacday dalka Ethiopia 21 June 2021. Hadii xukuumada Abiy Ahmed ay sidaa ku adkaysato waxa hubaal ah in cimrigeedu soo gaaban doono dhawr sababood ba; 1- Dawladaha maraykanka iyo ururada caalamiga ahi waxa ay u fiirsanayaan gabood fal kasta oo Ethiopia ka dhaca waxaana la buun-buunin doonaa wax walba oo ku lid ah maamulkiisa iyada oo jidka dimuqaradiyada iyo xuquuqda aadamaha loo mari doono, waxaana ka hor iman doona dadka Ethiopia. 2- Waxa loo go’doomin doonaa dhaqaale ahaan maadaama aanay Ethiopia isku fileyn oo ay lacag badan iyo mashaariic badan beesha caalamku siin jirtay. 3- Waxa loo go’doomin doonaa siyaasad ahaan oo maamulka Ethiopia hadda joogaa waxa uu aduunka ka noqon doonaa tuke baal cad , taasi waxa ay fursad siin doontaa mucaaridkiisa dibada iyo kuwa gudahaba . Sidee uu Abiy Ahmed dalka Ethiopia uga bad-baadin karaa go’doon iyo dagaalo diblomaasiyadeed oo gudahana dagaal kale kaga fura? Dr Abiy Ahmed Ali dalka Ethiopia waxa uu kaga badbaadin karaa caqabadaha ku soo fool leh dhawr qodob oo muhiim ah dalkiisa iyo mustaqbalkiisa hogaamineed; 1- In uu nabad iyo wanaag iskaga dhameeyo dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo uu heshiis taariikhiya la galo Tplf. 2- In uu guud ahaan dadka Ethiopia intii wax tabanaysa iyo cidii talada Ethiopia ku dulmanayd xaga awood qaybsiga uu maanta ka miisaamo dawladiisa isaga oo dadka Ethiopia ugu baaqaya isku duubni iyo walaalnimo. 3- In uu maxaabiista siyaasadeed ee xidh-xidhan ooda ka qaado, oo dalka Ethiopia u jiheeyo jiho hogaamin lagu wada qanacsan yahay oo qofwaliba fursadiisa eegto inta uu qoriga iska dhigo. 4- In uu iska hagaajiyo dhamaan xidhiidhada caalamiga ah , oo uu iska awdo gol-jilic kasta oo looga soo dhici karo , sidoo kale aanu kala jeclaan quwadaha aduunka ku loolamaya ee uu dalwalba oo danta Ethiopia ku jirto la heshiiyo. Mohamed Abdi Jama Dhimbiil Mohamed AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Mustaqbalka Abiy Ahmed ee hogaaminta Ethiopia iyo xaaladaha ku gadaaman appeared first on Caasimada Online.
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaacisay inay hub ka qabsadeen Al-Shabaab, islamarkaana ay la wareegen goobo ay ku sugnaayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab, kadib duqeymihii saaka lala beegsaday. Duqeymaha ayaa waxa ugu yaraan ku dhintay 60 kamid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab, halka kuwo kalena ay ku firxadeen baadiyaha ku dhow deegaanadaas, sida ay sheegen Saraakiisha ciidamada. Ciidamada huwanta ah ayaa howl-galo culus ka wada goobaha la duqeeyay, oo qeyb ka ah kuwa deegaanada maamulka Galmudug looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe si weyn iskugu soo aruursaneysay. Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sidoo kale kal hore xaqiijisay in laba Gantaal oo laga riday diyaarad lagu duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa Qeybcad iyo Hareeri dheere oo dhaca Gobolka Mudug. “Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Wasaaradda Amniga Galmudug. Dhawaan ayey aheyd markii duqeyn diyaarado laga fuliyey Degmada Qeycad taasoo sababtay in maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxaan iyadoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug. The post Galmudug oo Al-Shabab ka furatay hub iyo saanad ciidan appeared first on Caasimada Online.
  4. Addis Ababa (PP News Desk) — Dr Messay Kebede, a professor of philosophy at the University of Dayton, had sounded alarm bells over the leadership of the Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed whom he had criticised for being “inflexible”. “It cannot be assumed that Ethiopia will win” given the myriad challenges it faces, Professor Kebede told the Washington-based Ethiopian Satellite Television (ESAT). He pointed out that the dispute over the millennium dam and the conflict in Tigray constitute two formidable challenges that bear on other geopolitical realities in the Horn of Africa. Professor Kebede sees Abiy’s inflexibility as a major leadership handicap. While Professor Kebede views compromise for Sudan and Egypt over the Nice water as necessary, he doubts the rationale for making peace with Tigray People’s Liberation Front (now Tigray Defence Forces). “TPLF acted unlawfully because it refused to postpone the [regional] election” said Professor Kebede. “It is discouraging to see our eminent philosopher condoning Eritrean troops on Ethiopian soil, the persecution of Tigrayans by Amhara extremist and supremacist outfit, FANO” said an Oromo political activist in Addis Ababa. Professor Kebede said that Abiy Ahmed had refused to join the West’s fight against Chinese influence in Africa and that he is paying a price for not living up to the West’s expectations. “It is a racist attitude” added Professor Kebede. © Puntland Post, 2021 The post An Ethiopian Philosopher Faults Abiy Ahmed for “Inflexibility” appeared first on Puntland Post.
  5. Huddun (PP News Desk) — Traditional leaders of Ugaadhyahan, a subclan, have expressed willingness to uphold peace agreements following recurrent feuding between two subclans in parts of Sool. In a press statement read out after a week-long summit was concluded, the subclan resolved to coexist with other social groups peacefully. “We urge Somaliland government to take steps to stop damages wrought on the environment through cutting trees for charcoal, unauthorised hunting of the wild life and changing pasture areas into hamlets” reads the press statement. The paramount chief of the subclan chaired the summit held at Dibshabeel village near Huddun. The traditional leaders have called on Somaliland government to facilitate the implementation of Adhi’adeye Agreement concluded last year between Fiqishinni and Ugaadhyahan subclans. Meanwhile, the traditional leaders have expressed dissatisfaction with the lopsided power-sharing arrangement “because a fewer troops from our constituency get recruited nor do development projects have any impact on our districts and villages.” Garad Saleebaan Mohamed, the paramount chief of the subclan, chaired the summit held at Dibshabeel village on the outskirts of Huddun. Garad Saleebaan has campaigned for cessation of hostilities, and unconditional acceptance of the terms of the peace agreement. © Puntland Post, 2021 The post A ‘Somaliland’ Subclan Expresses Commitment to Upholding Peacemaking Outcomes appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray tallaabadii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilalkii uga qaaday saraakiil ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxay fariin u direen Madaxweyne Farmaajo. Ugu horeyn golaha ayaa taageeray go’aankii uu Ra’iisul Wasaaruhu xilalkii uga qaaday madaxii shaqaalaha ee hey’adda NISA Cabdullahi Kullane iyo Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh, kuwaas oo sida lagu sheegay qoraalkaan isku dayay “inay si sharci-darro ah u hor-istaagaan xaqa dastuuriga ah ee xoriyada safarka iyo dhaq-dhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.” “Golaha oo ka duulaaya marxaladda adag ee dalku marayo iyo xaaladda kala-guurka ah ee doorashada, waxay ugu baaqayaan dhammaan laamaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah loo dhawro Dastuurka iyo sarreynta sharciga, lagana dheeraado wax kasta oo khilaaf iyo dib u dhac abuuri kara,” ayaa lagu yiri Bayaankaan ka soo baxay golaha midowga musharaxiinta. Sidoo kale Golaha ayaa soo jeediyey in tallaabada uu Ra’iisul wasaare Rooble uga hortagayo xayiraadaha sharci-darrada ah ee ka dhanka ah xoriyada safarka muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka oo dhan. “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ka waantoobo ku tumashada Dastuurka dalka oo uu caadeystay iyo faro-gelinta joogtada ah ee uu ku haayo geedi socodka dalkan u jiheeystay in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta muddada loo cayimay,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta. The post Musharaxiinta oo war kasoo saaray xilal ka-qaaditsii uu sameeyey Rooble, fariin xasaasi ahna u diray Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  7. In a letter to the White House, the Somali-born Democrat demands answers about the legality and purpose of the attack. Source: Hiiraan Online
  8. U.S. Africa Command (AFRICOM) carried out another airstrike in Somalia Friday, the second under the Biden administration after a nearly six-month hiatus from targeting the al-Qaida affiliate al-Shabab and Islamic State terror group. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalka ka qaaday taliyaha NISA ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali iyo madaxa shaqaalaha NISA, Cabdullaahi Aaden Kulane (Kulane Jiis). Kulane Jiis, waxa uu ka soo jeedaa gobolka lagu muransan yahay habraaciisa doorashada ee Gedo, waxaana la aaminsan yahay in uu ahaa masuulka labaad ee ugu awoodda badan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA kadib Fahad Yaasiin. Dad badan ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday Rooble, kuna macneeyey inay ka dhigan tahay inuu si buuxda gacanta ugu hayo awoodda dalka, islamarkaana la wiiqay madaxweyne Farmaajo. Xubnaha soo dhoweeyey tallaabada Rooble waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada ugu saameynta badan mucaaradka, kuna qeexay inay bilow u tahay tilaabooyin kale oo lagu taabo-gelinayo dowldnimada iyo in sharcigu taliyo, sida uu hadalka u dhigay. Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in tallaabada uu qaaday Rooble ay tahay digniinta kama dambeysta ah ee la-siiyay taliyaha NISA, Fahad Yaasiin. Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in go’aanka uu Rooble xilka kaga qaaday labada sarkaal, si gaar ahna Kulane Jiis ay guul-siyaasadeed dadban oo gadaal kasoo bixi doonta u tahay madaxweyne Farmaajo. Xog lagu kalsoon yahay oo ay Caasimadda Online ka dhex heshay kooxda arrimaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijisay in tallaabada xil ka qaadista Kulane Jiis ay tahay qorshe uu Farmaajo ka leeyahay Jubaland iyo Puntland, ra’iisul wasaare Rooble-na uu arrintaas qeyb ka yahay. Ujeedada arrintan ka dambeysa ayaa ah in lagu cadaadiyo Axmed Madoobe, oo dhammaan kooxda ololaha doorashada Farmaajo ka xirtay albaabka laga galo Kismaayo ee garoonka diyaaradaha. Axmed Madoobe ayaa sideeddii bishan waxa uu garoonka Kismaayo ka celiyey diyaarad uu saarna la-taliyaha Farmaajo ee arrimaha doorashada, Cabdi Cali Raage xili ay kasoo degi rabtay garoonka. Taliyaha booliska qeybta Jubbada Hoose, Gaashaanle Sarre Sadiiq Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdi Cali Raage uu qeyb ahaa abaabulka koox dooneysay inay hub sharci darro ah soo geliyaan magaalada, si ay u khal-khal geliyaan amaanka maamulka Jubbaland, oo ay ka hortageen. Axmed Madoobe ayaa hadda laga soo xiray tallaabo kale uu Kismaayo ugu celiyo kooxda ololaha Farmaajo, haddii uu sidaas sameeyana waxay kusoo jeedin doontaa indhaha bulshada Soomaaliyeed oo idil, sida uu qorshuhu yahay Tallaabada xigta ee qorsheysan waa in Kismaayo loo diro kooxda olelalaha Nabad iyo Nolol iyo xildhibaano taageersan Farmaajo oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland, Axmed Madoobe-na lagu cadaadiyo in uu oggolaado in ay Kismaayo ka dhex oleleeyaan kana tartamaan. Isla arrinkaan oo kale waxa uu ka billaaban doonaa Puntland. Caasimadda Online ayaa ogaatay in kulan uu Rooble dhowaan Kismaayo kula yeeshay Axmed Madoobe la isku hadal qaaday arrinkan, taas oo ka careysiisay Axmed Madoobe, sababna u noqotay in Rooble uu diiday in Axmed Madoobe ama qof ka socda maamulkiisa uu ku wehliyo safarkiisii Gedo. Rooble ayaa horey u fuliyey tallaabooyin si dadban ama si muuqda ugu daneynaya Farmaajo, waxaana ka mid ah in saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay ee guddiga doorashada Somaliland ay noqdeen kuwa la saftay Mahdi Guuleed oo xulufo la ah Farmaajo, oo ay is-hayaan Cabdi Xaashi, ayada oo ballantu aheyd inuu soo magacaabo xubno dhex-dhexaad ah. Waxa uu sidoo kale ku guuleystay in uu si deggan kusoo afjaro dooddii Midowga Musharraxiinta, isaga oo dhammaan dib usoo celiyay guddoonka guddiga doorashada oo uu muranku ka dhasahy, kadibna wadahadal ku dhameeyay khilaaf soo kala dhax galay Farmaajo, Guudlaawe iyo Qoor-Qoor. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si dadban u dilay guddigii uu u magacaabay inay baaraan askartii loo diray Eritrea, kuwaasi oo lagu damiyey cadaadiska bulshada iyo mucaaradka, kadibna aan la ogeyn halkii u uku dambeeyey. The post Sidee ayuu madaxweyne FARMAAJO uga faa’iidayaa xil-ka-qaadista KULANE JIIS? appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu galabta Ra’iisul Wasaare Rooble xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha ee hey’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwaab Sheekh Cali, ayaa waxaa tallaabadaas qoraal ka soo saaray Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah. Xildhibaanka oo tallaabadaas ku taageeray Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in taasi ay digniin kama dambeys ah u tahay Agaasimaha Guud ee NISA Fahad Yaasiin, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Rooble xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxa Shaqaalaha Nabad Sugidda Kulane Jiis iyo Taliyaha Nabad Sugidda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Cabdi Wahaab Sheekh Cali. Tani waxay bilow u tahay tilaabooyin kale oo lagu taabogelinayo dowldnimada iyo in sharcigu taliyo. Waxaanan rajaynayaa digniinta kama dambeysta ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble galabta siiyay Fahad Yaasiin in ay tusaale fiican u noqon doonto inshaa’allah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu oo galabta warbaahinta u akhriyey wareegtada xilka looga qaaday saraakiishaas ayaa sheegay in sababta xilalkii looga qaaday Kullane iyo Cabdiwahaab ay tahay ka hor-imaasho ay ku sameeyeen amarkii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa in qof muwaadin ah aan lagu celin karin garoomada dalka oo aan laga hor istaagi karin safaradiisa. Xil ka qaadista galabta uu sameeyay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa daba socota tallaabo saakay diyaarad u socotay Gedo looga reebay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu). “Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda oo wareegtada akhriyey. Cismaan Macalimuu oo saakay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyey garoonka Aadan Cadde, isla markaana laga hor is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kullane, sida uu hadalka u dhigay. The post Mahad Salad oo sheegay hal arrin oo ay ka dhigan tahay tallaabada uu qaaday Rooble appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) - The Somali PM, Mohamed Hussein Roble, has sacked two high-ranking NISA officers on Friday for refusing to allow citizens to board at Mogadishu's international airport. Source: Hiiraan Online
  12. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali. Mas’uulyiinta xilka laga qaaday ayaa maanta Guddoomihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) iyo dad kale u diiday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku xusay in muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku jiraan kuwii maanta la xannibay xor u yihiin in ay u safraan meel kasta. Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimow oo goordhaweyd shir jaraa’id qabtay ayaa warbaahinta u akhriyay wareegtada Rooble ee xilka qaadista. Muuqaalka shirka jaraa’id Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horay u sheegay in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cidii muwaadiniin Soomaaliyeed socdaalkooda u xannibta arrimaha siyaasadeed. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan NISA oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
  13. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw xilka ka qaaday xubna sar sare oo ka tirsan taliska Nabad sugidda ee NISA. Rooble ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali, kuwaas oo lagu eedeyay in ay muwaadiniin soomaaliyeed oo ka safrayay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho in ay ka joojiyeen socdaalkoodi. Wareegto ka soo baxday xafiiska Rooble ayaana labada mas’uul xilka looga qaaday. Cabdullaahi Kulane ayaa waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu sameynta badan NISA, waxaana sido kale garab dhaw uu la ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaas oo la sheegay in hadda uu kala shaqeynayay qoridda xildhibaanada ka soo galaya gobalka Gedo. Waxaa safar Garbahaarey ah laga celiyay guddoomiyihii hore magaaladaas, xilli maanta uu ka safrayay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
  14. Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde: QARANJOOG IYO QURBEJOOG Iyo Xilligii Xilalka, Qaybtii 2aad Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde: QARANJOOG ILAA QURBEJOOG Iyo Xilligii Xilalka, Qaybtii 2aad – YouTube Hore waxa aad u daawateen qaybtii koowaad ee wareysi taxane ah oo aanu la yeelanay Cabdillaahi Saleebaan Bidde, oo ku saabsaanaa noloshiisii hore: halkii uu ku dhashay, ku barbaaray iyo heerarkii ka la duwanaa ee waxbarashadiisa. Qaybtan labaad na waxay ku saabsan tahay shaqooyinkii uu soo qabtay iyo xilalkii uu ka soo qabtay dawladdii kacaanka ee Soomaaliya. Waxa na wareysigu qayb ka yahay barnaamijka “KULANKA GORFAYNTA”, oo uu saare ka yahay Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”. QARANJOOG ILAA QURBEJOOG Iyo Xadhiggii Cabdillaahi Saleebaan Bidde Ee Xilligii Kacaanka Iyo Xogo Kale | Qaybtii 3aad QARANJOOG ILAA QURBEJOOG Iyo Xadhiggii Cabdillaahi Saleebaan Bidde Ee Xilligii Kacaanka|Qaybtii 3aad – YouTube Hore waxa aad u daawateen qaybtii koowaad ee wareysi taxane ah oo aanu la yeelanay abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde, oo ku saabsaanaa noloshiisii hore: halkii uu ku dhashay, ku barbaaray iyo heerarkii ka la duwanaa ee waxbarashadiisa, shaqooyinkii uu soo qabtay iyo xilalkii uu ka soo qabtay dawladdii kacaanka ee Soomaaliya. Qaybtan saddexaad na, waxay ku saabsan tahay xadhiggii Cabdillaahi Saleebaan iyo xogo kale oo ku saabsan abaabulkiisii gudaha ee halgankii hubaysnaa ee SNM ee horraantii siddeetanaadkii. Wareysigu waxa uu qayb ka yahay barnaamijka “KULANKA GORFAYNTA”, oo uu saare ka yahay Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde. Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Cabdullaahi Kullane iyo Cabdiwaab Sheekh Cali xilkii looga qaaday kadib markii ay ka hor-imaadeen amarkii Ra’iisal wasaaraha ee dhigayey in qofna lagu celin karin garoomada dalka. “Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda. Sidoo kale waxa uu afhayeenka sii xoojiyey in marnaba loo dulqaadan karin in qof muwaadin ah lagu celiyo garoomada dalka, xili la filayo in dalka ka qabsoomto doorashooyinkii lagu heshiiyey 27-kii May. Xil ka qaadista uu goordhoweyd sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayaa daba socota dhacdo saaka garoonka Muqdisho loogu xanibay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu). Cismaan Macalimuu oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane. The post Rooble oo xilalkii ka qaaday madax sare oo ka tirsan NISA + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  16. Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) ayaa sheegay in maanta laga celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isagoo u socday magaalada Garbahaarey. Macalimow waxaa uu tilmaamay in amarka lagu celiyay uu bixiyay Cabdullaahi Aadan Kullane oo ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna intaas ku daray in ay tahay markii afraad oo laga celiyo garoonka Muqdisho. Muqaal: Hadalka Macalimow Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble uu maalin ka hor sheegay in uusan mar dambe aqbali doonin in muwaadiniin socdaalkooda loo xannibo arrimaha siyaasadeed. Muuqaal: Hadalkii Ra’iisul Wasaare Rooble Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hay’adda socdaalka in ay si toos ugu soo wargeliyaan cidii la timaada arrimahaas, si uu tallaabo uga qaado. Sidoo kale wuxuu sheegay in aan meelna laga celin karin diyaaradaha duulimaadyada ee isaga goosha dalka. Wuxuu tilmaamay musharax walba in uu xaq u leeyahay in la dhawro xuquuqdiisa muwaadin iyo aragtidiisa siyaasadeed, sidaas darteed meesha uu raba u safri karo oo aan cidi hor istaagi karin. PUNTLAND POST The post Amar uu bixiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo la jabiyay appeared first on Puntland Post.
  17. PRESS RELEASE African Development Bank Group, Ethiopia, sign $118 million in grant agreements to support agro industrial park, youth employment and Ethiopia-Djibouti power interconnection The grant agreements were signed on 21 July 2021 by Ethiopian Finance Minister Ahmed Shide, and Kamara ADDIS ABABA, Ethiopia, July 23, 2021/ — The African Development Bank Group (www.AfDB.org) and the Government of Ethiopia have signed two separate grant agreements for new projects to boost youth employment and electricity trade between Ethiopia and Djibouti. The grants fall under the Bank Group’s concessional lending window, the African Development Fund, and will go towards the Productivity Enhancement to Support Agro Industrial Parks and Youth Employment Project worth $47 million, and the $71 million Ethiopia-Djibouti Second Power Interconnection Project, which aims to boost electricity trade between Ethiopia and neighbouring Djibouti. The industrial parks and youth project will see the development of irrigation and water management infrastructure around the Integrated Agro-Industrial Parks, offering opportunities for graduate “agri-preneurs” to establish agro-related, commercially viable businesses. The $102 million venture is being co-financed with the Arab Bank for Economic Development in Africa (BADEA), with a $5.25 million contribution by the Ethiopian government. Under the scheme, 12,607 ha of irrigated land would be developed and about 3,000 youths will receive both agronomic/agriculture and business development training. Bank financing is expected to cover 4,607 ha and BADEA financing another 8,000 ha. The irrigation infrastructure will strengthen water users’ associations; protect the water-shed areas around the irrigation schemes; go towards training farmers and youth agri-preneurs on soil and water conservation practices, agricultural production, value addition and marketing; and support established youth SMEs to access credit. The project will be implemented over a five-year period (2021-2026) under the supervision of the Ministry of Water, Irrigation and Energy and the country’s Irrigation Development Commission. The Ethiopia-Djibouti Second Power Interconnection Project follows an earlier Bank-financed power interconnection project between the two countries, and builds on its accrued benefits over the last 10 years. It will enable the construction of about 300 km of interconnector lines, 170 km of transmission lines to reinforce the network within Ethiopia, and new construction and expansion of substations in the two countries. In Djibouti, expected benefits include a 65% increase in customer connections and a sharp reduction in the use of thermal generation plants from 100% to around 16%. In Ethiopia, the project would lead to higher incomes from the power trade which over the last 10 years stood at over $275 million in revenue from power exports. Upon completion, Ethiopia’s revenue from power exports will increase, while at the same time boosting Djibouti’s access to reliable, affordable, and clean electricity and lowering its greenhouse gas emissions. “By enhancing economic ties through increased cross-border power trade and improved economic competitiveness, the project will contribute towards harnessing regional peace and stability and addressing regional fragility,” said Dr. Abdul Kamara, Deputy Director General, East Africa Regional Development and Business Delivery Office of the African Development Bank. The Board of Directors of the African Development Bank Group approved funding of both projects on 7 July 2021. The grant agreements were signed on 21 July 2021 by Ethiopian Finance Minister Ahmed Shide, and Kamara. The African Development Bank is a major player in Ethiopia’s development agenda and currently has operations valued at about $1.76 billion, covering basic services, energy, transport, water supply and sanitation, agriculture, governance, and the private sector. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  18. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, ganacsatada, Mujaahidiinta geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Ciise Cilmi (Musbaar) oo hadda ku geeriyooday Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Marxuumka, waxa aan Alle SWT uga baryayaa in uu dambigiisa dhaafo, Jannatul firdowsana ku abaal-mariyo, waxaa si weyn loo xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay dib u xorreynta iyo dib u dhiska dalkeenna, qoyskii, eheladii, asxaabtii, bahdii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadaq ah ha innaga wada siiyo. Aamiin. Qaran News
  19. Jerusalem (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay dib ugu biirayso Midowga Afrika, iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah. Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israel waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israel ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika. Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israel magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya. Warbaahinta Israel ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israel iyo Afrika.” Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israel ee qaaradda Afrika.” Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israel.” Lapid ayaa sheegay in Israel ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika. Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika. Israel ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta dalkaas. Arrimaha kale ee sababta u ah ku biirista AU waxaa ka mid ah in Israel ay doonayso sidii ay u badin lahayd waddamada ugu codeeya arrimaha ay ka doonayso hay’adaha caalamiga ah, sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Waxaa kale oo ay Israel doonaysaa inay kala shaqeyso arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, xakamaynta Covid-19 iyo kobcinta ganacsiga beeraha. Qaar ka mid ah bogagga internet-ka wax ku qora ee Israel ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay dhawaan xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula billowday dalalka Chad iyo Guinea, kuwaasoo ay horay xiriirka ugu jartay. Sanadkii 2020-kii, Israel ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo Morocco. Bishii May ee lasoo dhaafay, madaxa Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqaymihii ay Israel ka fulisay Marinka Qasa iyo weerarradii ay ciidamada Israel ka geysteen Masjidka Al-Aqsa. Wuxuu xilligaas sheegay in militariga Israel ay sameynayeen “ficillo gurracan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”. Faki ayaa sidoo kale shir Midowga Afrika ka dhacay sanadkii 2020-kii ku sheegay inuu kasoo horjeedo sida uu maamulkii Donald Trump u wajahayay qorshaha nabadeynta Bariga Dhexe. Sacab badan oo ay u sameeyeen ka qayb galeyaashii shirka ayuu ku kasbaday markii uu sheegay in “Trump ficilladiisa ay hagar daaminayeen xuquuqda dadka Falastiiniyiinta”. Bayaan uu Faki soo saaray Khamiistii ayuu ku sheegay in Midowga Afrika uu “caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan in labo dowladood oo iska barbar dhisan lagu xalliyo arrinta Falastiiniyiinta iyo Israel, taasina ay muhiim u tahay nabadda gobolka.” The post Maxay tahay ujeeddada ay ISRAEL ka leedahay ku biiritaanka Midowga Afrika? appeared first on Caasimada Online.
  20. The opening ceremony marks the beginning of the Summer Games, delayed by a year and held under unprecedented restrictions. Source: Hiiraan Online
  21. Sababta Israa’iil u doonayso inay u xoojiso xidhiidhkeeda qaaradda madow? Israa’iil waxay xiriir la leedahay 46 waddan oo xubno ka ah Midowga Afrika Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israa’iil ay dib ugu biirayso Midowga Afrika iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah. Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israa’iil waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israa’iil ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika. Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israa’iil magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya. Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israa’iil iyo Afrika.” Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israa’iil ee qaaradda Afrika.” Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israa’iil.” Lapid ayaa sheegay in Israa’iil ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika. Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika. Maxay tahay ujeeddada ay Israa’iil ka leedahay ku biiritaanka Midowga Afrika? Israa’iil ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta dalkaas. Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo dhahaya, “Tani waa maalinta dabbaal-dagga xiriirka Israa’iil iyo Afrika.” Arrimaha kale ee sababta u ah ku biirista AU waxaa ka mid ah in Israa’iil ay doonayso sidii ay u badin lahayd waddamada ugu codeeya arrimaha ay ka doonayso hay’adaha caalamiga ah, sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Waxaa kale oo ay Israa’iil doonaysaa inay kala shaqeyso arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, xakamaynta Covid-19 iyo kobcinta ganacsiga beeraha. Qaar ka mid ah bogagga internet-ka wax ku qora ee Israa’iil ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay dhawaan xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula billowday dalalka Chad iyo Guinea, kuwaasoo ay horay xiriirka ugu jartay. Sanadkii 2020-kii, Israa’iil ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo Morocco. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa booqasho ku tagay Uganda, taasoo qayb ka ahayd xoojinta xiriirka uu la lahaa Afrika Bishii May ee lasoo dhaafay, madaxa Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqaymihii ay Israa’iil ka fulisay Marinka Qasa iyo weerarradii ay ciidamada Israa’iil ka geysteen Masjidka Al-Aqsa. Wuxuu xilligaas sheegay in militariga Israa’iil ay sameynayeen “ficillo gurracan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”. Faki ayaa sidoo kale shir Midowga Afrika ka dhacay sanadkii 2020-kii ku sheegay inuu kasoo horjeedo sida uu maamulkii Donald Trump u wajahayay qorshaha nabadeynta Bariga Dhexe. Sacab badan oo ay u sameeyeen ka qayb galeyaashii shirka ayuu ku kasbaday markii uu sheegay in “Trump ficilladiisa ay hagar daaminayeen xuquuqda dadka Falastiiniyiinta”. Bayaan uu Faki soo saaray Khamiistii ayuu ku sheegay in Midowga Afrika uu “caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan in labo dowladood oo iska barbar dhisan lagu xalliyo arrinta Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, taasina ay muhiim u tahay nabadda gobolka.” Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa markale saaka lagu xanibay magaalada Muqdisho, ayada oo loo diiday in uu udhoofo degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Cismaan Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane. “Saakay waxaa aaday garoonka diyaaradaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dareemaya in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisAl Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay,” ayuu yiri Macalimuu. “Ninka amarkaas soo bixiyay waa Cabdullaahi Kulane (Taliye ku-xigeenka NISA), waxaan ku qanci karnaa Ra’iisal Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado.” Arrintaan ayaa imaneysa xili uu maalin ka hor Ra’iisal Wasaaraha soo saaray amar uu ku mamnuucayo in garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo guud ahaanba dalka si bareer ah looga celiyo qof ka dhoofaya, kaasi oo u muuqda in uu shaqeyn waayey. Waxa uu xiligaa si adag u sheegay Rooble in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan. “Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa, oo magaalo uu ka tago, magaalo kalena uu tago, waxaan farayaa hey’adaha socdaalka iyo hey’adaha amniga, sida boliiska iyo NISA, marar badan waxaa i soo gaartay, in dad la celiyey oo meelo kala duwan laga soo celiyey, uma dulqaadan doono, qofkii uu fal noocaas ah ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu xiligaas yiri ra’iisul wasaare Rooble. Si kastaba, Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. The post Guddoomiyihii hore ee Gedo oo lagu xanibay Muqdisho iyo amarkii Rooble oo shaqeyn waayey appeared first on Caasimada Online.
  23. Nin hinaasay oo bambo ku weerarray meel ay joogtay saaxiibadii hore Nin da’ dhexaad ah oo kasoo jeeda magaalada Isiolo ee dalka Kenya ayaa lagu daweynayaa isbitaalka weyn ee gobolkaas kaddib markii ay walxaha qarxa uga dhaceen xubnaha taranka. Dhibbanaha ayaa meel makhaayad ah oo isla magaalada Isiolo ku taalla ku jiray marka qofka lagu eedeynayo falka oo 30-meeyo sano jira uu wax qarxa ku tuuray haweeney la sheegay inay xiriir jacayl lahaan jireen. Hase yeeshee ninka la tuhunsan yahay ayaa la waayay haweeneyda uu ku bartilmaameedsanayay waxayna bambadii ku dhacday ninka dhibbanaha ah. Ninkii oo argagaxay ayaa bambada gacmaha ugu qabtay si adag si aysan u qarxin, laakiin ma uusan awoodin inuu iska badbaadiyo. Haweeneyda uu bartilmaameedka ahaa, oo dhowr iyo labaatan jir ah, ayaa lagu soo warramay inay xiriirka u jartay ninka weerarka geystay oo la sheegayo inuu ka tirsan yahay booliska magaalada Isiolo. Arrintan ayaa dhacday aroornimadii hore ee maalintii Talaadada, oo taariikhdu ay ku beegneyd 20-kii bishan July. Booliska ayaa hadda baadhitaan ku wada sida ay makhaayaddaas wali usii furnayd xilli uu waddanka Kenya wali ka jiro bandhow socda inta u dhaxaysa 10-ka fiidnimo ilaa 4-ta arroornimo. Dadka dhacdada wax laga weydiiyay waxaa ka mid ah milkiilihii makhaayadda iyo qaar ka mid ah shaqaalihiisa. Laamaha amniga ayaa sheegay in haddii bambada ay dhulka ku dhici lahayd ay sabab u noqon kartay khasaare aad u badan. Haweeney shaqaale ka ah meheraddaas ayaa warbaahinta u sheegtay in ninka eedeysanaha ah iyo kan dhibbanaha ah ay labaduba macaamiil joogto ah ka ahaayeen makhaayaddaas. “Ninka falka geystay waa askari boolis ah, kan waxyeelladu gaartayna waa askari ka tirsan militariga. Labadooduba waxay ka tirsan yihiin saldhigyada Isiolo,” ayay tidhi gabadhaas oo ka gaabsatay magaceeda iyo aqoonsigeedaba. Qof kale oo goob jooge ah, xogna ka hayay xiriirka ninka iyo haweeneyda ayaa sheegay in uu aad u carooday kaddib markii ay xiriirka u jartay bishii May, durbadiina ay nin kale xiriir la yeelatay. Mas’uul ka tirsan isbitaalka Isiolo ayaa wargeyska Standard u sheegay in bukaanka loo keenay saacadihii hore ee Talaadadii, islamarkiina ay xaaladdiisa la tacaaleen. “Qaraxa wuxuu gebi ahaanba burburiyay xubintiisa taranka iyo qeybaha hoose ee jirka. Xaaladdiisa waa lala tacaalay laakiin wuxuu u baahan yahay in isbitaal kale loo wareejiyo si adeegyo caafimaad oo dheeraad ah loogu sameeyo,” ayuu yidhi. Booliska ayaa hadda ku raad jooga eedeysanaha oo baxsad ah ilaa markii uu weerarkaas dhacay. Qaran News