Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Deputy President of the Somali Region, Mustafa Omer and the UN Resident Coordinator and UN Humanitarian Coordinator to Ethiopia Dr. Catherine Sozi discuss issues related to drought preparedness and related activities in the region. Source: Hiiraan Online
  2. Ciidmado ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa israsaaseyn xoogan oo sababtay khasaare dhismasho iyo dhaawac ku dhexmartay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay israsaaseynta waxaa ku dhintay labo qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sidoo kale israsaaseyn waxaa wararku sheegayaan in ay ku dhinteen askar. Intii dagaalka socday waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kale waxaa xirmay goobaha ganacsiga, oo markii dambe dib u furmay. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadl een israsaaseynta khasaaraha sababtay ee ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, taas oo ka bilaabatay muran ku saabsan lacago laga qaado gaadiid Isgoyska laba raro. Marar badan ayaa ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya is rasaaseyn khasaare ka dhashay ku dhexmartay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Shacab ku dhintay israsaaseyn Muqdisho ku dhexmartay ciidamo ka tirsan DFS appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay xilal ka qaadis ku sameeyey saraakiil ka tirsanaa hay’adda NISA ayaa helay boggaadin iyo taageero ay u muujiyeen shacabka & siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta taageeray go’aanka Rooble ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu u hiiliyey sarreynta sharciga, isla-markaana waxa uu kula taliyey inuu kusii adkeysto go’aankiisa ilaalinta sharciga iyo dowladnimada. Sidoo kale musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Rooble ay la gudboon tahay inuu muujiyo feejignaan dheeri ah, wuxuuna tilmaamay inay suuragal tahay inay ‘dagaal rogaal celis ah soo qaadaan madaxweynaha iyo taliyaha Nabad-sugida’. Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in ra’iisul wasaaraha looga fadhiyo inuu ku adkeysto ilaalinta sharciga, kana hortago in la sameeyo ku takrifal awoodeed. “Labo kaar oo jaale ah ayaa maanta loo taagay. Waa dhici kartaa in uu edboonaado, waxayse u badantahay in isaga iyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ay dagaal rogaal celin ah soo qaadaan. RW Rooble in aad sharciga ku adkaysato ayaa lagaa rabaa, sababtoo ah in badan ayaad u sabartay takrifalka Farmaajo iyo Fahad,” ayuu yiri Siyaasi CC Shakuur. Dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Booliska ay fuliyeen amarkii Rooble, isla-markaana ay faraha kala baxeen arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isaga oo ku amaanay garashada ay garteen ilaalinta sharciga, hase- ahaatee wuxuu qiray in weli taliyaha NISA uu faraha kula jiro arrimaha doorashooyinka. “Waxaa muuqata in Taliyihii ciidanka xoogga iyo booliska ay fuliyeen amarkii Raysalwasaaraha. Waxay dibadda ka tageen siyaasadda iyo arrimaha doorashada, laakiin taliyihii Nabadsugidda wuxuu si awood sheegasho leh ugu lug lahaa siyaasadda iyo doorashooyinka,” ayuu sii raaciyey hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli shalay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaaday agaasimihii shaqaalaha hay’adda NISA iyo taliyihii Nabad-sugidda ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay ka horyimaadeen amarkiisii ahaa in qofna lagu celin karin gudaha garoomada dalka, maadaama la guda-galayo doorashooyinka 2021-ka. The post Maxaa la gudboon Rooble, kadib talaabadii uu aaday? appeared first on Caasimada Online.
  4. Ethiopia's Afar region called Friday on civilians to take up arms against rebels from neighbouring Tigray, signalling a potential escalation in fighting that has already displaced tens of thousands this week. Source: Hiiraan Online
  5. Ambassador Sureer Abshir Muuse, oo u sharraxan xubinnimada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa booqasho dhiirra-gelin ah ku tagtay jidka isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Godobjiraan oo hab isku-tashi ah lagu dhisayo. Ambassador Sureer waxa halkaas ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Guddiga dhismaha jidka Garoowe-Godobjiraan Shiekh Daahir Maxamuud Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Sheikh Maxamuud Warsame, Madaxa Shaqada Guddiga Cabdixakiin Warsame Cilmi iyo Xoghaya Guddiga Cabdiweli Cabdi Aaden oo uu weheliyo Guddoomiyaha Tuulada Awrculus Cabdicasiis Cabdi Xuseen. Murashax Xildhibaan Sureer Abshir Muuse, ayaa Guddiga ku wareejisay deeq lacageed oo ay kaga qayb-qaadatay Dhismaha Jidka isku xira Garoowe iyo Godobjiraan, waxaana ay hadal dhiirri-gelin ah u jeedisay Guddiga. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Ambassador Sureer Abshir Muuse oo lacag ugu deeqday dhismaha Jidka isku xira Garowe iyo Godobjiraan appeared first on Puntland Post.
  6. Wararka naga soo gaarayo Ex-control Afgooye ayaa sheegaya in goordhaw ciidama kawada tirsan dowladda ay israsaaseyn ku-dhex martay halkaas. Ciidamada ayaa la sheegay in ay isku qabsadeen canshuur laga qaado gaadiidka dadweynaha ee adeegsada wadadaas. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay seddax qof ayaa ku geeriyootay israsaaseynta halka tiro intaa ka badan uu dhaawac ka soo gaaray. Dadka wax yeeladu ay soo gaartay ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad shacab ah oo xilliga ay israsaaseyntu dhaceysay marayay wadada. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka labada ciidan ku dhex maray isgoyska Ex-control Afgooye. Wixii faahfaahin ah ee warkaan ku soo kordha kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Iska hor imaadka oo muddo socday aya ka billowday isgoyska Ex-Control Afgooye, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo isku qabtay lacago laga qaado gaadiidka laga raro halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay afar qof oo shacab ahaa iyo labo askari, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale ayaa intaasi ku daraya in afarta ruux shacabka ee geeriyootay ay kala ahaayeen labo arday oo Jaamacad u socotay, Haweeney goobta ku lahayd maqaaxi iyo qof kale oo la socday gaari BL ah oo xilligaas marayey goobta uu dagaalku ka dhacay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana meesha uu dagaalku ka dhacay ay noqotay meel lagu kala cararay, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaq xoogan. Wararka ayaa intaasi ku daraya inay goobta gaareen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo ku baxay askarta ku dagaalantay halkaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan israsaaseyntaasi dhalisay dhimashada iyo dhaawaca. Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxaana khasaaraha uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. The post Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. The United States is again targeting fighters with the al-Qaida-affiliated al-Shabab terror group in Somalia, launching its second airstrike in the past four days following a nearly six-month hiatus that began when President Joe Biden took office. Source: Hiiraan Online
  9. Waxaa guud ahaan dalka ka socda diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashooyinka dalka oo lagu wado in todobaadkaan ay ka bilawdaan dalka. Guddiyada doorashada dowlad gobaleedyada ayaa dhankooda wada qorshahii ugu dambeyay iyo qaban qaabada doorashada Aqalka sare oo lagu wado in maalmo ka dib dalka ay ka qabsoomto. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in la xaliyay arrimo badan oo muran uu ka taagna kuwaas oo ay ka mid yihiin arinta gedo iyo tan Somaliland. Rooble oo xafiiskiisa kulan kula qaatay khamiistii Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa ugu baaqay in si deg deg ah xal uga gaarin arrinta Somaliland. “Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi”. ayaa lagu yiri qoraal shirka ka dib la soo dhigay barta Facebook-ga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha . Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada ayaa dhankoda lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gudbiyaan musharixiinta Aqalka sare oo ay doorashadooda beri bilaabmi doonta. Musharixiin badan ayaa ku sii qul qulaya gobalada dalka halkaas oo ay doorashooyinka golayaasha baarlamaanka intooda badan ka dhici doonto. Wasiirka koowaad ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa habeen ka hor ugu baaqay in siyaasiyiinta ay aadan deegaan doorashadooda dalka ay ka bilaabatay doorasahada. “Waxaan leeyahay siyaasiyiinta Kubadda waxa ay jirtaa Dowlad gobaleedyada magaalada inaad noo faarujisaan ayaan rabna oo gobalada aad aaddaan doorashadi waa bilaabatay yaan la isku mashquulin”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Golaha midawga musharixiinta ayaa soo dhaweyay go’aankii ra’iisul wasaare Rooble xilka kaga qaaday saraakiil ka tirsan NISA, kuwaas oo lagu eedeyay in socdaal ka celiyeen guddoomiyihii hore ee garbaaharrey xilli garoonka muqdisho uu ka safrayay. Midawga ayaa sheegay in taalabada Rooble ay xoojineyso kalsoonida ay ku qabi karaan hab maamulkiisa doorashada. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka golaha midawga musharixiinta Source: goobjoog.com
  11. Breaking through the barriers of cultural and gender norms in Somalia, Fardosa Hussein shares what it took for her to be able to practice what she is passionate about — photography, videography, and journalism — in a place where such a career is viewed with hostility and is, at times, dangerous for women. Source: Hiiraan Online
  12. Yaa keenay talada dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali ku yimid? Markii Dr Abiy Ahmed Ali Ethiopia taladeeda la wareegay waxa uu ku yimid kacdoonadii qoomiyada Oromo ay ka wadeen dalkaasi mudo dheer, oo ka soo bilaabantay xiligii Malez Zenawi Ethiopia Raisal wasaaraha ka ahaa. Waxyaabaha xiligaasi kiciyey waxa uu ahaa in caasimada Addis-Ababa la rabay in la fidiyo oo loo sii qorsheeyo dhul kale oo ka mid ah xayndaabka magaalada Addis-Ababa, dhulkaasi waxa uu ahaa dhul beereed ay leeyihiin qoomiyada Oromadu in xoog ay doontay in ay dawladu kula wareegto. Qoomiyada Oroma oo ah dadka Ethiopia ugu badan oo hore u tirsanayey in aanay talada dalka Ethiopia waxba ku lahayn iyaga oo ah dadka ugu badan, ugu wax soo saar badan, dhulkooguna yahay ka Ethiopia oo dhami isugu timi ee xudunta u ah dalkaasi. Waxa bilaabmay kacdoono iyo is-abaabul laga bilaabay dibada dalka iyo dhaq-dhaqaaqyo xoojin u noqday jabhado ay leeyihiin qoomiyada Oroma oo qaarna Ethiopia ku dhex dhuumaalaysan jireen, qaarna Erateria fadhiyeen. Kacdoonadii ugu horeeyey waxa ay noqdeen isu-soo baxyo la isku tijaabinayo in dadku mudaharaadaan oo dalkaasi Ethiopia aan noocoogu hore uga dhici jirin, waxaana xoog kaga hortagtay xukuumadii xiligaasi oo dad badan ku laysay, arintaasi waxa ay shidaal usii noqotay is-abaabulkii iyo dhaq-dhaqaaqyadii xaq u dirirka ahaa Oroma. Xiligii Haila Mariam Desalem waxa uu isku dayey in uu qanciyo oo uu dejiyo qoomiyada Oroma oo kacdoonada ay wadeen sii xoogeysanayeen, waxaana uu xukuumadii ku soo daray xubno oromo ah oo badan iyo madaxwayne Oroma ka soo jeeda oo cusub, markii madaxweynihiii hore isaga tagey kursiga. Arintaasi waxba kama ay badelin kacdoonkii qoomiyada Oroma ay ku rabeen in ay dalka Ethiopia xaqooda ka helaan , waxaana qasab noqotay in uu is casilo oo uu danta Ethiopia ka horeysiiyo kursiga uu fadhiyo Raisal wasaarihii ka soo jeeday shucuubta koonfureed ee Haila Mariam Desalem . Maamulkii Ethiopia oo ahaa ururo ku mideysan xisbiga EPRDF ayaa waxa ay isla garteen in loo dhiibo dalka Oromo, waxaana gudoomiye xiligaasi xisbiga Oromada ka ahaa Abiy Ahmed Ali ahaana xubin baarlamaanka federalka Ethiopia ah si uu talada dalkaasi usii wado qoomiyada Oroma oo uu ka soo jeedaana u degto. Abiy Ahmed judhiiba waxa uu sameeyey isbadelo iyo dhaq-dhaqaaqyo cajiib ah oo aan la fileyn kuwaasi oo xaaladihii dalka Ethiopia gudihiisa yaalay u jiheeyey dhinac kale , waa kii la heshiiyey Erateria, la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday maamulkeega, dhulkii Badame na qaatay qaraarkii qaramada midoobay ku siisay Erateria oo ay maamulka Ethiopia diidanaayeen. Arimahani waxa ay wax ka badeleen siyaasadii guud ee dalka Ethiopia laakiin tabashadii qoomiyada Oroma may dawayn, waxaana soo noqday kacdoonadii oo dib u bilaabmay, iyaga oo hubaysan iyo iyaga oo mudaharaado ah ba waxa uu la galay dagaal xoogan, waxaana uu xabsiga u taxaabay madaxii isbadalka iyo kacdoonka Ethiopia Jawar Mohamed iyo saraakiil sare oo wada Oromo ah. Waxa ay haddana iska hor yimaadeen TPLF oo ahaa maskaxda, cududa iyo caqliga Ethiopia ka talinayey 27 kii sanadood ee u dambeeyey, waxaa uu dhowr goor ku sigtay in Abiy Ahmed la dilo, waxaana uu ka badbaaday dhawr isku day oo la rabay in lagu khaarajiyo. Dr Abiy Ahmed oo la siiyey abaalmarinta nabada aduunka ayaa dalkiisii haddana gudaha dib uga karay, waxaana uu galay dagaalo siyaasadeed iyo qaar adag oo uu ku weeraray Tigray oo aduunka ay isaga hor yimaadeen, dhiig badani ku daatay, dad badani ku dhinteen , macaluul, barakac iyo burbur badana dhaliyey. Halkee ay iska seegeen Maraykanka iyo Ethiopia? Ethiopia waxa uu ahaa dalka ay dawladaha reer galbeedku sida weyn u ilaalin jireen gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub , dabadeedna Ethiopia waxa yimid China xikigii Malez Zenawi oo u soo saaray Gaasta dabiiciga ah , wadooyin iyo mashaariic badan oo horumarineed galiyey. Xiligaasi Ethiopia waxa lagu haystay in ay xad-gudubyo xuquuqda aadamaha ah ka geysatay gobolo dalka Ethiopia ka mid ah oo ka mid yahay gobolka Soomaalidu, waxaa dacwadi kaga socotay meelo badan waxaana laga yareeyey kaalmadii uu aduunku siin jirey, waana marka ay China doonteen iyo cid kale oo u badesha dawlada iyo ururada ay iska hor yimaadeen. Haddaba markii uu yimid Abiy Ahmed Ali markiiba gacmo diiran ayuu aduunku ku soo dhaweeyey oo ay sababtay ficiladiisii layaabka lahaa ee kala ahaa; 1- Sii dayntii maxaabiistii siyaasadeed ee jeelasha Ethiopia buuxiyey. 2- Aqbalaadii qaraarkii qaramada midoobay ee dhulka Badame siinayey Erateria oo uu aqbalay. 3- Heshiiska nabadeed ee geesinimada lahaa ee Erateria iyo Ethiopia oo uu hindisay , kuna guuleystay. 4- Siyaasadii Ethiopia oo uu u rogay mid dimuqaradi ah oo furfuran iyo xukuumad kala badh haween yihiin oo uu dhisay. Halkaasi wax badana way ugu hagaageen xiligaasi hore , waxa maanta taagana waa halkii ay ka soo bilaabmeen ee ay isaga hor yimaadeen TPLF iyo Tigray oo u arkay in uu iyaga ku socdo, dhulkoogii bixiyey, ooda kaga qaaday maxaabiistii ay jeelasha ku gureen, ugaadgsadey saraakiishii Tigray ee talada gacanta ku hayey 27 kii sanadood ee la soo dhaafay . Maamulkii hore ee Tigray waxa ay dawlada maraykanka ka mideysnaayeen wax badan waxaana ay kuwada jireen dagaalka argagixisada iyo dagaalo kale oo badan, waxaana ay lahaayeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo aad u heer sareeya. Markii Abiy Ahmed talada la wareegay waxa maraykanka iyo Ethiopia isaga hor yimaadeen oo kale sida looga wada faaiideysanayo biyaha wabiga Nile oo uu maraykanku taageeray in la tix galiyo heshiisyadii hore ee caalamiga ahaa ee yaallay, kuwaasi oo aanay Ethiopia hadda u arkayn in ay dan u yihiin. Waxa kale oo aduunka iyo wadamada reer Yurub ay ku dhaliileen in uu soo celiyey nidaamkii cagajugleynta iyo cabudhinta dadka ahaa ee Ethiopia hore loogu dhaliili jirey, oo uu xidh-xidhay siyaasiyiintii mucaaridka iyo dadka bulshada ugu fir-fircoon ee u dooda xuquuqaha dadka . Halka sadexaad ee lagu kala fogaaday ee dhalisay dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo ahayd in uu doorashadii Ethiopia la meeraystay Abiy Ahmed oo ahayd fursad uu isaguna raadinayey mucaaridkiisuna ay ahayd halka ay rabeen in ay ugu quus gooyaan, waxaana uu sanad ka dib qabsaday doorasho la mid ah sidii kuwii EPRDF qaban jirtay oo kale ah oo uu xisbigiisu helay tirada ugu badan. Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Ethiopia? Dr Abiy Ahmed waxa soo waajahday xaalad adag oo u baahan sidii uu uga dabaalan lahaa xili adag oo gudaha dalka Ethiopia ay ka jiraan guux iyo dagaalo socda oo lagaga soo horjeedo maamulkiisa oo gabood falo foolxun ka geystay gobolka Tigray. Waxa uu u muuqdaa mid isku furaya dagaalo kale oo doonaya in uu kala doorto quwadaha aduunka ku hirdamaya, waxaana uu isku bar-barinayaa dhinaca Ruushka oo ay xukuumadiisu dhowaan la gashay heshiis ciidamada tayayntooda iyo hubeyntooda ah. Sidoo kale waxa uu rabaa in uu China ka dhigto halbowle uu ka helo waxyaabaha ay ka xayireen maraykanka iyo ururada caalamiga ahi oo dhamaantood ku cambeereeyey dagaalka uu ku qaaday Tigray isla markaasina ka aamusay doorashadii ka dhacday dalka Ethiopia 21 June 2021. Hadii xukuumada Abiy Ahmed ay sidaa ku adkaysato waxa hubaal ah in cimrigeedu soo gaaban doono dhawr sababood ba; 1- Dawladaha maraykanka iyo ururada caalamiga ahi waxa ay u fiirsanayaan gabood fal kasta oo Ethiopia ka dhaca waxaana la buun-buunin doonaa wax walba oo ku lid ah maamulkiisa iyada oo jidka dimuqaradiyada iyo xuquuqda aadamaha loo mari doono, waxaana ka hor iman doona dadka Ethiopia. 2- Waxa loo go’doomin doonaa dhaqaale ahaan maadaama aanay Ethiopia isku fileyn oo ay lacag badan iyo mashaariic badan beesha caalamku siin jirtay. 3- Waxa loo go’doomin doonaa siyaasad ahaan oo maamulka Ethiopia hadda joogaa waxa uu aduunka ka noqon doonaa tuke baal cad , taasi waxa ay fursad siin doontaa mucaaridkiisa dibada iyo kuwa gudahaba . Sidee uu Abiy Ahmed dalka Ethiopia uga bad-baadin karaa go’doon iyo dagaalo diblomaasiyadeed oo gudahana dagaal kale kaga fura? Dr Abiy Ahmed Ali dalka Ethiopia waxa uu kaga badbaadin karaa caqabadaha ku soo fool leh dhawr qodob oo muhiim ah dalkiisa iyo mustaqbalkiisa hogaamineed; 1- In uu nabad iyo wanaag iskaga dhameeyo dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo uu heshiis taariikhiya la galo Tplf. 2- In uu guud ahaan dadka Ethiopia intii wax tabanaysa iyo cidii talada Ethiopia ku dulmanayd xaga awood qaybsiga uu maanta ka miisaamo dawladiisa isaga oo dadka Ethiopia ugu baaqaya isku duubni iyo walaalnimo. 3- In uu maxaabiista siyaasadeed ee xidh-xidhan ooda ka qaado, oo dalka Ethiopia u jiheeyo jiho hogaamin lagu wada qanacsan yahay oo qofwaliba fursadiisa eegto inta uu qoriga iska dhigo. 4- In uu iska hagaajiyo dhamaan xidhiidhada caalamiga ah , oo uu iska awdo gol-jilic kasta oo looga soo dhici karo , sidoo kale aanu kala jeclaan quwadaha aduunka ku loolamaya ee uu dalwalba oo danta Ethiopia ku jirto la heshiiyo. Mohamed Abdi Jama Dhimbiil Mohamed Source
  13. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar,oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa soo bandhigtey qorshe ah in la abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka. Qorshahan ayaa waxaa ay Ilhan Cumar garab ugaga heleysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin. Ilhan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka. Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tidhi: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno.” “Arrintaas waa in ay qayb ka noqoto dedaalka aan u sameyno raadinta xorriyadda dhinaca diimaha ee caalamka iyo xuquuqda aadanaha.” “Waxaan aragnaa inuu sare u kacay Islaam naceybka, uuna ka jiro meel walba oo ka mid ah dunida. Taas ayaa ah sababta aan u wadno warqad aan la kaashannay @RepSchakowsky, annagoo dalbaneyna in la sameeyo xafiis gaar ah oo la tacaala Islaam naceybka,” ayey soo qortay. Warqadda loo diray Blinken ayay Ilhaan Cumar iyo 23 xildhibaan oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimuqrdaaddiga ku codsadeen in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku sameyso Hay’ad la mid ah midda ka shaqeysa la dagaallanka Yuhuud naceybka, sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail. “Waa la soo dhaafay waqtigii uu Mareykanka si adag ugu istaagi jiray taageerada xorriyadda diimaha kala duwan ee dhammaan dadka iyo in uu mudnaanta ay u qalanto uu siiyo dhibaatooyinka Islaam naceybka ah ee ka jira dunida,” ayaa ka mid ah qoraallada ku jira warqadda oo uu helay telefishinka CNN. Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in madaxweyne Biden uu dhawaan magacaabi doono qof ay shaqadiisu tahay inuu noqdo danjire si gaar ah ula socda islamarkaana la dagaallama arrimaha la xiriira Yuhuud naceybka. Kooxda dimuqraddiga ee dhowr iyo labaatanka xildhibaan ka kooban ayaa codsigooda diray isla maalintaas gudaheeda. Shir jaraa’id oo ay qabteen ayay ku sharraxeen sida ay degdeg ugu doonayaan in la tixgaliyo dalabkooda. Xildhibaannadaas ayaa sidoo kale codsaday in Blinken uu sannad walba xogta dowladda ee xuquuqda bani’aadanka ku soo daro macluumaadka ku saabsan tacaddiyada dhinaca Islaam naceybka. Ilhaan, oo ka mid ah saddexda xildhibaan ee Muslimiinta ah ee Aqalka Wakiillada, ayaa hor kacaysa dadaalkan, waxaana barbar taagan wakiilka matala gobolka Illinois, Jan Schakowsky. Xildhibaannada kala ah Karen Bass, Judy Chu iyo Jim McGovern, ayaa sidoo kale saxiixay warqadda loo diray dowladda. Sidoo kale waxaa qayb ka ah Rashida Tlaib oo ah haweeneyda labaad ee Muslimka ah ee Aqalka Wakiillada ka tirsan Source
  14. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegsanayo Dib-u-dejinta Shaqaalaha Afganistan ee la shaqayn jirey Ciiddanka Maraykanka ee ku sugnaa dalkaasi tan iyo sanadkii 2001-dii. Shaqaalahaasi iyo Qoysaskooda ayaa la filayaa in loo soo daad-gureeyo dalka Maraykanka, iyadoo 2,500 oo qof dabayaaqada bishan la dejin doono Saldhiga Milliteriga Maraykanka ee Fort Lee ee Gobalka Virginia. Sidoo kale, Madaxweyne Joe Biden waxa uu ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegdan doono Maalgashiga Xukuumadda Maraykanka ee ku aadan dardar-gelinta Hawlahaasi. Dhinac kale, Aqalka Wakiilada Maraykanka waxay shalay ansixiyey in tirada dadka Reer Afghanistan ee la dejinayo Maraykanka la gaadhsiiyo 8,000 oo qof kuwaasi oo la siinayo Fiisooyaal Khaaska ee Muhaajiriinta (Special Immigrants Visa (SIV). Shaqaalihii Reer Afghanistan oo ay ku jiraan kuwa Turjumaanka u ahaa Hawlgalkii Millateriga Maraykanka ayaa la sheegay in iyaga iyo Qoysaskooda loo daabuli doono Maraykanka, si ay uga badbaadeen cabsi-gelinta Kooxda Daalibaan. Source
  15. (SLT-Boorama)-Wiil iyo gabadh dhalinyaro ah ayaa inta la ogyahay ku nafwaayay tiro kalena way ku dhaawacantay, shil baabuur oo ka dhacay meel aan ka fogayn hotelka Saw ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Shilka galaaftay noloshada dhalinyaradan, ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi nooca loo yaqaano Vitz ta ah iyo Bas-caasi rakaab ah oo ay leedahay shirkada socdaalka alaabada iyo rakaabka ee Bari iyo Galbeed. Shilalka baabuurta ayaa sannadkasta nolosha kumanaan qof ku galaafta dalka Somaliland, iyadoo shilkii ugu danbeeyay ee dad ku dhintaan uu 21 bishan ka dhacay degmada Xamaas oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera. Source
  16. (SLT-Paris)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa gebi ahaan bedalay telefoonkii uu isticmaali jiray kadib markii la xaqiijiyey in uu telefonkiisa kamid ahaa in ka badan 50-kun oo telefono caalamka ah oo lagu jabsaday barnaamijka wax lagu basaaso ee [Pegasus spyware] oo ay soo saartay Israa’iil. Madaxtooyada France ee Élysée Palace ayaa arrintan xaqiijisay iyagoo sheegay in sare loo qaaday illaalinta isgaadhsiinta xasaasiga ah ee Madaxweynaha iyo xafiiskiisa. Macron ayaa kulan albaabada u xidhan yihiin la yeeshay hay’adaha amaanka, shirkaasi oo lagaga hadlay tilaabadii ay Faransiiska qaadi lahaayeen si loo hortago weerarada noocaan ah. Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee (Pegasus) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan dalal kala duwan. Software-ka Pegasus ayaa waxaa sameeyey shirkada laga leeyahay Israel ee lagu magacaabo (NSO group) taasoo farsamadan caalamka u iib-geysa Source
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gabadh 13 jir ah oo ku nooleyd tuulada Jeerinle oo deegaan ahaan hoostagta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa u geeriyootay dhiig-bax xoogan, kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah. Gabadha yar oo lagu magacaabi jirey Fartuun Xasan Axmed ayaa si weyn u qabsatay geerideedu wakaaladaha wararka caalamiga ah, ayada oo lagu soo waramayo in dhacdadaan ay tahay middii ugu horeysay ee tan iyo sanadkii 2018-ka, oo xiligaas gabadh yar oo 10-jir ah ugu geeriyootay isla gudniinkaas. “Waxaan raadinay gaari si aan u qaadno isbitaal, laakiin nooma uusan suura-galin inuu nasoo gaaro waqtigii loogu tala-galay. Ma aanan ogeyn waxaan sameyn lahayn. Markii dambe waxaan helnay gaari, laakiin way dhimatay nasiib darro markii uu yimid,” ayey tiri Nadiifo oo ah hooyada Fartuun Axmed. Hooyo Nadiifo ayaa sheegtay in gabadheeda ay la joogtay ayada oo dhiig baxeysa saacado badan, laga soo billaabo subixii hore ilaa 4:00Pm galabnimo oo aheyd xiligay geeriyootay gabadha yar. Sidoo kale, Aabaha dhalay Fartuun oo araga naafo ka ah oo la hadlay warbaahin caalami ah ayaa sheegay in Gabadhiisa yar ay ka caawin jirtay shaqada reerka, ayada oo si fiicana u daryeeli jirtay “Wax walba way ii samayn jirtay. Way i caawin jirtay wayna ii karin jirtay cuntada, waxayna xanaanayn jirtay xoolaha markii aan nasanayo,” ayuu yiri Xasan Axmed oo ah aabaha dhalay Fartuun yar. Waalidka Fartuun ayaa si weyn uga qoomameeyay inay u ogolaadan in la gudo Gabadhooda yar, oo ayadu u geeriyootay dhiig bax laxaad leh oo soo food-saartay kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah. Dhacdadaan naxdinta leh ayaa lagu soo waramayaa inay dhacday horraantii bishan aan ku jirno, ayaa maalmihii dambe si weyn u qabsatay warbaahinta caalamka, waxayna noqoneysa middii labaad ee nooceeda ah ee la diiwaan-geliyo muddo 4-sano ah. Mana jirto qof loo soo qabtay falkaan, oo galaaftay nolosha Fartuun yar. The post Gabar 13 jir ah oo gudaha Soomaaliya ugu geeriyootay gudniin lagu sameeyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Badhasaabka Sool Oo Digniin U Diray Siyaasiyiinta Soomaaliya In Ay Ololeyaal Ka Sameeyaan Deegaamadda Somaliland Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta ka soo jeedda dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kuwaasoo marka ay soo dhawaato doorashooyinkoodu ololeyaal siyaasadeed ka bilaaba. Waxaanu sheegay maalmahan danbe deegaamo ka tirsan gobolka Sool oo xuduud la leh maamul goboleedka Puntland laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xidhiidha xulista ergooyinka soo dooranaya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. C/qani Maxaxmuud Jiidhe, ayaa Carrabka ku adkeeyay in aan arrintaasi laga ogolaan doonin suurto galna aanay ka noqon doonin gobolka Sool, isla markaana ciidamadda boolisku ay amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan cidii la arko iyadoo falal noocaasi ah ku hawlan. Guddoomiyaha gobolka Sool oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa mar kale ku celiyay digniintii uu hore ugu diray hudheeladda magaaladda Laascaanood ee ahayd in tallaabo laga qaadi doono cidii hudheelkeedda lagu qabto xaflado la xidhiidha doorashooyinka Soomaaliya. Geesta kale C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu ka hadlay xaaladda guud ee gobolka Sool oo uu sheegay in ay hadda aad u wanaagsan tahay guud ahaanba gobolka gaar ahaana magaaladda Laascaanood. Isagoona ciidamadda booliska magaaladda Laascaanood ku bogaadiyay sida ay Habeen iyo Malainba heeganka ugu jira sugidda amaanka magaaladda. Waxaanu sheegay badhasaabku in ay imika meesha ka baxday Qorryihii iyo hubkii ay dadka shacabka ahi sida sharci darrada ah magaaladda dhexdeedda iska sidan jireen, isla markaana ay arrintaasi soo af-jareen. Badhasaabka Sool waxa uu intaas raaciyay in cidii ku kacda falal nabadgeliyadda liddi ku ah in lagu dhaqaya ama loo raacayo xukunka denbiga uu galay xeerka ilaalinta anshaxa iyo nabadgeliyadda guud ee xeer LN. 51/2012. Dhinaca kale, C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa kaloo uu ka hadlay arrinta doorashadda guddoomiyaha golaha Wakiialdda Somaliland oo la filayo in dhawaan lagu doorto fadhiga u horeeya ee ay yeeshaan golaha Wakiiladda cusub. Taasoo uu tilmaamay in guud ahaanba bulshadda Somaliland ay muddooyinkanba aad u hadal hayso, isla markaana uu ku rejo weyn yahay in kursigaasi loo doorto ama uu ku guulaysan doono xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo uu sheegay in uu wax badan ummadiisa u soo shaqeeyay. Qaran News
  19. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn cusub ay ka fulisay qeyb ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa Jimcihii ka dhacday deegaanka Qaycad oo ay gaareen ciidamada huwanta, sida ay sheegtay afhayeenad u hadashay Pentagon-ka. Afhayeenada ayaa sidoo kale tilmaamytay in weerarkan dhanka cirka ah lagu garab siinayey ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee howl-gallada ka wada halkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada ciidamada Soomaaliya, isla-markaana ay ka go’an tahay la dagaalanka kooxaha argagixisada ah. “Duqeynta dhacday Jimcihii waxa ay ahayd lagu fududeynayo howlgallada Ciidamada Soomaalida, Mareykanka waxaa ka go’an la dagaalanka Argagixisada iyo taageerada Ciidamada Soomaaliya” ayey tiri Afhayeenadda u hadashay Pentagon. Mareykanka ayaa muddo kadib dib haatan u billaabay duqeymihiisii Soomaaliya, kuwaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku jiray hakad, waxaana taasi ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee jooga gudaha dalka Soomaaliya. Si kastaba dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinacyada dhaqaalaha iyo milatariga, waxaana ay tababar ay siisaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab. The post Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyntii MUDUG appeared first on Caasimada Online.
  20. Wasiirka Warfaafinta S/land oo Wefti ka socda Dalka Jabuuti ku soo dhaweeyay Hargeisa. Wasiira warfaafinta somaliland oo ay Weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada Gudoomiyaha xarunta dhaqanka hargaysa iyo safiirka jabuuti ufadhiya hargaysa ayaa madaar cigaal International Airport kusoo dhaweeyay wafti ka socda dalka jabuuti oo ah hogaaminayso wasiirka ciyaaraha iyo dhaqanka dalka jabuuti marwo Hibo Muumin. Wasiirka warfaafinta ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka waftigan ka socda dalka jabuuti oo magaalada hargaysa kaga qaybgali doona bandhiga buugaagta caalamiga ah. Dhanka wasiirka ciyaaraha iyo dhaqanka jabuuti ayaa ka mahad celisay soo dhawayntan iyadoo sharaxday ujeedada socdaalkeeda iyo xubnaha kale ee ku weheliya. HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN; Qaran News
  21. Xukumada S/land oo ka Hadashay Cabasho ay ka soo yeedhay Arday Deeq Waxbarasho ka Helay Jaamacadda Hargeysa Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa ka hadlay arday cabasho ka muujisay deeqo waxbarasho oo ay ka heleen jaamacadda Hargeysa. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Taajir ayaa sidoo kale fariin u diray masuuliyiinta xisbiyada Mucaaridka ah ,waxaanu wasiir ku xigeenku tilmaamay in sannadkii hore ay jaamacadda Hargeysa ku qoreen 62 arday, si ay deeq waxbarasho u siiyaan, waxaanu intaas raaciyey in ay jaamacadda isla qaateen in sannadka hore ay wasaaradda waxbarashaddu lacagta ardaydaas bixiso, saddexda sanno ee dambena ay jaamacaddu waxbarasho bilaashka ah siiso,madaama oo ay ardaydaasi culays ku noqdeen jaamacadda. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Taajir waxa uu sheegay in ay sannadkii hore bixiyeen lacagtii Semester-ka hore, kana ay bixin doonaan. Wasiir ku xigeenku waxa uu masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaridka ah usoo jeediyey in aanay dhalinyaradda horboodin, madaama oo aanay iyagu waxba ku tarayn Qaran News