-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Daalibaan ayaa si rasmi ah ula wareegtay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kabul kadib markii ay si dhameystiran uga baxeyn ciidamadii Mareykanka ee halkaas ku sugnaa. Mas’uuliyiin ka tirsan Taalibaan, oo warbaahinta kula hadlay dhabbaha ay ku ordaan diyaaradaha ee garoonka Kabul, ayaa ku dhawaaqay in Afghanistaan ay si buuxda u xaqiijisay madax-banaanideeda maadaama Mareykanka uu guud ahaan isaga dalkaas. Kooxda Taalibaan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Kabul ku wareejisay dagaalyahano wata diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca, waxayna joojiyeen dhammaan dhaq-dhaqaaqa garoonka illaa inta uu kasoo baxayo amarka guud ee madaxda Daalibaan. Ciidamada lagu wareejiyey garoonka oo ah garabka militari ee kooxda Daalibaan isla markaasna loo yaqaan “Badri 313” ayaa la arkayey iyagoo gudaha u galay dhammaan qeybaha kala duwan ee Garoonka iyadoo ay ka muuqato feejignaan heer sare ah. Ciidamada la wareegay garoonka ayaa ah ciidamo si gaar ah u tababaran, waxayna ku hubeysan yihiin hubka ugu casriga adduunka iyo gaadiid ay kaga duwan yihiin kuwa kale ee Daalibaan. Mareykanka ayaa garoonka diyaaradaha Kabul uga dhex tagay diyaarado yaryar iyo gaadiid uu adeegsan jiray illaa haddana lama ogo sababta keentay arrintaan, mana aysan ka hadlin kooxda Daalibaan. Diyaaradii Millateri ee ugu dambeysay oo uu Mareykanka leeyahay ayaa xalay ka baxday garoonka magaalada Kabul, taasoo soo af-jartay 20 sano oo ay ciidamadaas ku sugnaayeen Afghanistaan, iyo dagaalkii ugu muddada dheeraa ee Mareykanka. Taalibaan ayaa hore u sheegtay inay wada -hadallo kula jiraan “dhammaan kooxaha” si ay heshiis uga gaaraan dowladda mustaqbalka. Faahfaahinta sida kooxdu u maamuli doonto dalka, iyo waxa uu xukunkoodu uga dhigan yahay haweenka, xuquuqda aadanaha, iyo xorriyadda siyaasadda ayaan weli caddayn. The post Sawirro: Yey Taalibaan ku wareejisay garoonka Kabul kadib bixitaanka Mareykanka? appeared first on Caasimada Online.
-
LINCOLN — A U.S. Army special forces soldier who died while performing a rescue of a downed helicopter crew in Somalia was immortalized Monday with a memorial in his hometown. Master Sgt. Gary Gordon, a native of Lincoln, Maine, pleaded to be allowed to protect the helicopter crew members against a mob in Mogadishu in 1993. He and another soldier were killed. The pilot who survived was among those in attendance for the unveiling of the memorial for the Medal of Honor recipient. Republican Sen. Susan Collins, who attended Monday’s event, said the “integrity, devotion to duty, and courage that Master Sergeant Gordon demonstrated in Somalia nearly three decades ago were forged right here in Lincoln, in his family and in this community.” The memorial consists of a statue of Gordon holding a rifle with a scope atop a base engraved with his name. Gordon was a Delta Force sniper. He was portrayed by Nikolaj Coster-Waldau in the 2001 movie “Black Hawk Down.” The day began with U.S. forces doing battle with a Somali warlord’s soldiers. During the battle, two U.S. helicopters were shot down, and one of the crashed choppers was isolated from U.S. forces. Aloft in another helicopter, Gordon asked twice, and was turned down both times, to be allowed to help the unprotected crew. He and Sgt. 1st Class Randy Shughart were granted permission after a third request. “The pilot of the aircraft that inserted him said no one in their right mind would have asked to do that,” said retired Col. Ron Russell, a veteran of the battle who spoke at the memorial’s dedication. During the rescue, Gordon and Shughart pulled the injured pilot, Chief Warrant Officer 3 Michael Durant, from the helicopter. Durant, of Berlin, New Hampshire, was in attendance at Monday’s ceremony. The soldiers understood the Ranger and Special Forces creed that “I will never fail my comrades,” Russell said. “There were comrades in arms down below them who needed their help, and they were determined to provide it,” Russell said. Gordon and Shughart were both killed by enemy fire. The post Delta Force sniper killed in Somalia is memorialized in his Maine hometown appeared first on Caasimada Online.
-
As both federal and resistance forces continue to escalate a brutal and devastating civil war in Ethiopia’s Tigray region, this week the United States imposed sanctions on Filipos Woldeyohannes, the chief of staff of the Eritrea Defense Forces (EDF), citing the Global Magnitsky Human Rights Accountability Act and accusing the Eritrean military leader of serious human rights abuse. In a press release published on Monday, August 23, the U.S. Department of the Treasury’s Office of Foreign Assets Control indicated that “Today’s action demonstrates the United States’ commitment to imposing costs on those responsible for these despicable acts, which worsen a conflict that has led to tremendous suffering by Ethiopians. We urge Eritrea to immediately and permanently withdraw its forces from Ethiopia and urge the parties to the conflict to begin ceasefire negotiations and end human rights abuses.” This is a power move by the United States Government, and it is a good first step in putting an end to the crisis in Tigray. But it is not nearly enough. Every year, the Special Rapporteur of the United Nations (UN) submits a report to the Human Rights Council (HRC) and the General Assembly (GA) responding to individual complaints, conducting studies, providing advice, and undertaking country visits to assess specific human rights situations. In June, the UN Rapporteur released a report indicating that there was strong evidence that Somali trainees were transported to Ethiopia to engage as part of Eritrean forces and that these Somali trainees took part in the ongoing conflict in the Tigray region. The report released by the UN also indicated that “…that Somali soldiers were moved from military training camps in Eritrea to the front line in Tigray, where they accompanied Eritrean troops as they crossed the Ethiopian border.” Although the report did not specifically indicate the number of military troops sent into Eritrea, some Somalia federal lawmakers have claimed upwards of 10,000 recruits were deployed to Eritrea to participate in the Tigray conflict, without the consent or knowledge of the parliament. The situation in the Tigray region has become a massive humanitarian catastrophe, and that is probably not worded strongly enough. Blockades have hindered the delivery of both food and medicine. The licenses of humanitarian organizations like Doctors without Borders have been underhandedly and inconceivably revoked, preventing life-saving access to the thousands of individuals experiencing famine, sexual assault, eviction, and execution. This war has killed thousands of people and, regrettably, civilians have not been spared. The Associated Press have reported many accounts of gang-rapes, destruction of necessary infrastructure (health centers and hospitals), the burning of crops and forced civilian expulsions. The statement released by the US Treasury Department indicated that the “EDF troops have raped, tortured, and executed civilians; they have also destroyed property and ransacked businesses. The EDF have purposely shot civilians in the street and carried out systematic house-to-house searches, executing men and boys, and have forcibly evicted Tigrayan families from their residences and taken over their houses and property.” Sending Somalia troops to Ethiopia to escalate this criminal behavior and further this crisis is both abominable and unacceptable. But deploying Somalia troops to Ethiopia in an illegal backroom deal brokered under the cover of darkness and veiled in secrecy is dishonest and immoral and it needs to be condemned in the strongest possible language by the strongest nations on Earth. Including, and especially, the United States. Make no mistake about it, in as much as the EDF is responsible for the daily atrocities occurring in the Tigray region, the Somalia government is just as liable. And it is incumbent and just that the international community stand as one and condemn the actions of the Eritrean President Isaias Afwerki and Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo, His Spy Chief Fahad Yasin hold them all accountable to the International Court for the war crimes being committed in Tigray Region of Ethiopia. This week, the United States Government strongly and justly condemned the actions of the Eritrea Defense Forces. Now they must do the same for the actions of the Somalia Government. Many of the Somali troops remain missing. Many more are surely dead. And their parents are confused, outraged and demanding answers. Their teenage sons were deceitfully and illegally recruited and then hypnotized by promises of education and money before being sent off to an illegal war with little hope of ever returning. The parents deserve to know the truth. They deserve to know not only where their boys are, but why they were sent there in the first place. Author: Ismail D. Osman Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post Fahad & Farmaajo’s Role in the Tigray Crisis [WAR] Demands Accountability appeared first on Caasimada Online.
-
Garoon Diyaaradeed oo ku yaala Dalka Sacuudiga oo la weeraray+Khasaaraha Naf & maal ee la gaadhsiiyey Abha airport Weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye laheyn (drone) oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu dhaawacay sideed qof, sida uu sheegay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiag ee Yemen kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta. Kadib weerarkii hore “diyaarad labaad oo isku dayeysay inay weerarto garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Abha ayaa dhexda laga qabtay lana soo riday,” ayaa lagu yiri war-saxafaadeed kasoo baxay isbaheysiga, oo uu sii daayey taleefishinka boqortooyada Al-Akhbariya. “Sideed qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad rayid ah, sida ay sheegayaan warbixino horudhac ah,” ayuu intaas ku daray war-saxaafadeedka. Isbaheysiga ayaa sheegay in weerarka labaad ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha “uu ka dhigan yahay dambi dagaal.” Taleefishinka Al-Akhbariya ayaa intaas ku daray in firir uu ku dhacay dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka, islamarkaana muddo kooban la hakiyey duulimaadyada “si loo xaqiijiyo badqabka diyaaradaha imanaya iyo kuwa baxaya iyo sidoo kale shacabka.” Mucaaradka Xuutiyiinta ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarka. Sacuudi Carabiya ayaa faro-gelisay Yemen 2015-kii, ayada oo taageereysa dowladda caalamka uu aqoonsan yahay ee dalkaas, waxyar un kadib markii Xuutiyiinta ay qabsadeen caasimadda Yemen. Xuutiyiinta oo xulufo la ah Iran ayaa marar badan weeraro ku qaaday magaalooyinka Sacuudiga ee ku dhow xuduudda Yemen, waxayna weeraradan sii xoojiyeen bishan August. Qaran News
-
Min Muqdisho ilaa Kabul muxuu Maraykanka ugu jabaa dagaal kasta? Ka -bixitaankii Maraykanka ee Afgaanistaan ka dib, waxaa la isku dayayaa in la helo jawaabta su’aasha ah sababta dalkani isugu yaqaan inuu yahay waddanka ugu awoodda badan adduunka, oo leh ciidanka ugu casrisan, tiknoolajiyadda ugu horumarsan iyo ciidanka cirka ee ugu horumarsan, iyo in aanu ka adkaan karin Taalibaan. Waxgaradka Mareykanka iyo adduunka kaleba ayaa la yaabban sababta Mareykanka uusan ugu guuleysan karin dagaal casri ah? Su’aasha kale ee muhiimka ahina haddii bixitaanka ciidamada Mareykanka Talaadadan (31ka Ogosto) ay calaamad u noqon doonto soo afjaridda ku lug lahaanshaha Mareykanka ee Afgaanistaan, gaar ahaan xilli Shiinaha iyo Ruushku ay horay ugu sii ruqaansanayaan gobolka. Qaar ka mid dadka la dhacsan siyaasadda debedda ee Maraykanka nayaa ku dooda in Ameerika ay guulo badan ka soo hoysay Afghanistan iyo Ciraaq. Laakiin waxaa jira is -afgarad ka dhex jira Mareykanka oo ah in Mareykanku ku guuldarreystay inuu xididada u siibo argagixisada Afghanistan, Syria, Iraq iyo Yemen. Guusha dagaalka Taliban iyo ku soo noqoshada awoodda ayaa iyana ah caddaynta ugu weyn ee fashilka Ameerika. Markaan fiirino taariikhda, Ameerika waxay ku guuleysatay ku dhawaad dhammaan dagaalladii waaweynaa ilaa 1945, laakiin ilaa 1945 wixii ka danbeeyey, Ameerika waxay gaadhay guul macno leh dagaalo aad u yar. Mareykanku wuxuu galay shan dagaal oo waaweyn tan iyo 1945 – Kuuriya, Fiyatnaam, Dagaalkii Gacanka, Ciraaq iyo Afgaanistaan, iyo dhowr dagaal oo yaryar, oo ay ku jiraan kii Soomaaliya, Yemen iyo Liibiya. Marka laga reebo Dagaalkii Gacanka ee 1991, oo lagu tilmaami karo guul, Ameerika waxa ay guuldarraysatay dhammaan dagaalladii kale ee ay gashay. Carter Malkasian wuxuu sanado badan ku qaatay Afgaanistaan isagoo u shaqeynayay maamulka Mareykanka, waxa uu qoray buug ku salaysan khibraddiiisa oo u bixiyey ‘The American War in Afghanistan – A History’, oo la daabacay 1dii Luulyo Maxay dagaal kasta u jabaan? Buuggani, wuxuu ka iftiiminayaa dhinac xiiso leh. Waxay sheegaan in dagaalladii dhacay 1945 ka hor ay ahaayeen kuwo dhex maray waddamo, Ameerika had iyo jeer way ku guuleysataa dagaalladaas. “Laakiin waxay lumisay dhammaan dagaalladii xilligan cusub halkaas oo dagaalyahannadu ay yihiin fallaagada maxalliga ah, oo ka itaal roon xagga awoodda milateri laakiin ka dhiirran oo ka go’naansho badan.” Guuldarradu way ka duwan tahay, sida ay askarta Maraykanku ugu soo noqdeen xaalad gargaar la’aan ah Benghazi, Soomaaliya, Saigon iyo hadda Kabul oo ka sii dhigaysa guuldarada Mareykanka ceeb ka sii badan tii hore. Khubaradu waxay sheegaan inay jiraan sababo badan oo guuldarradaas keena, taas oo ay muhiim u tahay inaan la fahmin dhaqanka deegaanka. Dominic Tierney, oo ah khabiir ku xeel dheer siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, ahna bare wax ka dhiga Kuliyadda Swarthmore, ayaa wareysi email ah oo uu siiyay BBC Hindi ku yirdh, “Dagaallada sida Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya waa dagaallo sokeeye oo aad u waaweyn. gaar ahaan marka dal sida Ameerika oo kale uusan ka warqabin dhaqanka maxalliga ah ee uu la dagaallamo cadow ka aqoon badan kana ayna ka go’an tahay in uu is difaaco “. Waa maxay casharka Maraykanku ka bartay guuldarooyinkan? Hoggaanka Maraykanku waxba kama ay baran Saigon, Vietnam. Maraykanka sannadkii 1993kii, tallaabo militari oo laga qaaday gudaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay mar kale ku celiyeen khaladkii hore oo kale. Aragtida askar Maraykan ah oo dhintay oo lagu jiidayo waddooyinka Muqdisho ayaa dunida oo dhan laga cambaareeyay. Maraykanku wuu cadhooday markay arkeen aragtidan. Kuwo badan ayaa caadifad noqday. Tani waxay ahayd isbeddel ku yimid habkii Ameerika u aragtay Afrika. Bishii Oktoobar 1993kii, ciidamo Maraykan ah ayaa weerar ba’an ku qaaday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Ujeedadoodu waxay ahayd inay soo qabtaan dagaal oogihii Xoogga badnaa ee Soomaaliyeed, Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, iyo xulafadiisii muhiimka ahaa, laakiin ciidamada Mareykanka waxay iska caabin xooggan kala kulmeen maleeshiyadaas. Laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah oo American Black Hawk ayaa la soo riday. 18 Maraykan ah iyo laba askari oo UN ah ayaa la dilay. Waqtigaas Mareykanku wuxuu horkacayay hawlgal Qaramada Midoobay ah oo lagu soo afjarayay dagaallada sokeeye iyo macluushii ka taagnayd Soomaaliya. Lix bilood gudahood, Mareykanku wuxuu ciidamadiisii kala baxay Soomaaliya, fashilka hawshan wuxuu Mareykanka ka digay faragelintiisa dhibaatooyinka Afrika. Professor Dominic Tierney wuxuu leeyahay waxaa jira waxyaabo badan oo la barto. Sida uu sheegay, casharka ugu muhiimsan ayaa ah “Ha bilaabin dagaal labaad inta uusan dagaalka hore dhammaan. Ha bilaabin dagaal akhlaaqda iyo xamaasadda diimeed kacsan tahay, hana diidin haddii ay jirto fursad aad lagu wadahadalo. Samee hadafyo aad gaadhi karto. Xusuusnow Dagaalladu way ka adag yihiin dhammaadkooda in la bilaabaa”. Qaran News
-
Abha (Caasimada Online) – Weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye laheyn (drone) oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu dhaawacay sideed qof, sida uu sheegay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiag ee Yemen kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta. Kadib weerarkii hore “diyaarad labaad oo isku dayeysay inay weerarto garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Abha ayaa dhexda laga qabtay lana soo riday,” ayaa lagu yiri war-saxafaadeed kasoo baxay isbaheysiga, oo uu sii daayey taleefishinka boqortooyada Al-Akhbariya. “Sideed qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad rayid ah, sida ay sheegayaan warbixino horudhac ah,” ayuu intaas ku daray war-saxaafadeedka. Isbaheysiga ayaa sheegay in weerarka labaad ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha “uu ka dhigan yahay dambi dagaal.” Taleefishinka Al-Akhbariya ayaa intaas ku daray in firir uu ku dhacay dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka, islamarkaana muddo kooban la hakiyey duulimaadyada “si loo xaqiijiyo badqabka diyaaradaha imanaya iyo kuwa baxaya iyo sidoo kale shacabka.” Mucaaradka Xuutiyiinta ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarka. Sacuudi Carabiya ayaa faro-gelisay Yemen 2015-kii, ayada oo taageereysa dowladda caalamka uu aqoonsan yahay ee dalkaas, waxyar un kadib markii Xuutiyiinta ay qabsadeen caasimadda Yemen. Xuutiyiinta oo xulufo la ah Iran ayaa marar badan weeraro ku qaaday magaalooyinka Sacuudiga ee ku dhow xuduudda Yemen, waxayna weeraradan sii xoojiyeen bishan August. AFP + VOA The post Garoon diyaaradeed ku yaal Sacuudiga oo diyaarad lagu weeraray + KHASAARAHA appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo ka hadlyey go’aankii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku hakiyey kireynta dhismaha qeyb ka mid ah Tiyaartarka Qaranka ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday Rooble, una mahadceliyey. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato, oo laga iibiyey balse lagu daboolay kireyn 250 dollar ah bishii. Maareeye ku xigeenka Tiyaatarka abwaan Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) oo ka hadlay madasha ayaa mahad-celin kadib sheegay in weli ay shaki ka qabaan hadalkii wasiirka warfaafinta ee ahaa in illaa amar dambe la joojiyey kireynta xarunta Tiyaatarka. Jiir ayaa ka digay in la siyaasadeeyo arrintan, wuxuuna shaaciyey amar sidiisaba uu yahay fulin, loona baahan yahay in ganacsatada ay ka baxdo dhismaha Tiyaatarka Qaranka. “Ra’iisul wasaaraha waa mahadsan-yahay, dowladuna waa mahadsan tahay, laakiin wasiirku sida uu u hadlay fari kama qodna arrintii waa joojinay illaa amar dambe. Amarka dambe ee la sugayo muxuu yahay? miyaa meesha lagu dagaalamayaa? amar waa amar Tiyaatarka halaga baxo ganacsatadu haka baxdo, ” ayuu yiri Maareeye ku xigeenku Dhankiisa Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa tilmaamay in arrintu ay weli qaybo tahay, wuxuuna Rooble ugu baaqay inuu dhammeystiro. “Inaan sii sheegno in arrintii weli qabyo tahay, sidaas daraadeed Mudane ra’iisul wasaare waad mahadsan tahay fanaaniinta cabashadoodii waad ka jawaabtay waxaan leenahay inta dhimana inaad dhammeystirtid-baan kaa sugeynaa” ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf. Shalay ayey aheyd markii abwaanada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah fanaaniinta hobollada Waabari ay ka soo horjeesteen in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mid ah Tiyaartarka, taas oo keentay in ra’iisul wasaaruhu amar siiyo Dubbe, kaas oo gabi ahaan lagu joojiyey in shirkada Xaawo Taako oo ay leeyihiin ganacsato lagu wareejiyo Tiyaatarka. The post Xiisadda iibintii laga laabtay ee tiyaatarka oo weli taagan – Maxaa maanta soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
-
Istanbul (HOL) - Somalia's Minister of Defense Hassan Hussein Haji was in Istanbul on Monday to attend a ceremony for Somali officers graduating from the Turkish National Defense University. Source: Hiiraan Online
-
Nuxurka Mooshin Loo Gudbiyey Shirgudoonka Golaha Wakiilada.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Source -
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan yeeshay ayaa waxaa ay u codeeyeen Muddo-kordhin loo sameeyey Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageeradda Somalia (The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM). 15-ka Xubnood ee Golahaasi ayaa waxay isku raaceen in Hawlgalka UNSOMmuddo 9 bilood loogu kordhiyo xilli hawleedkooda oo ku ekaan lahaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 31-ka August ee sanadkan 2021-ka. Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee ay u codeeyeen oo Tirsigiisu yahay 2592 waxaa xilli hawleedka cusub ee UNSOM ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka. Dhinaca kale, Qaraarka ayaa waxaa lagu xusay inuu Hawlgalka UNSOM sii wado xiriirinta dadaalada QM iyo inay Iskaashi Buuxda la yeeshaan Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah iyo dhamaystirka Heshiiskii laga gaaray Nidaamka Doorashada ee Somalia. PUNTLAND POST The post Hawlgalka UNSOM oo wakhtiga loo kordhiyay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa war cusub ka soo saaray xarigga Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, isaga oo ka jawaabay dalabka ka soo yeeray Sheekh Cabdirisaaq Jiir oo ahaa in xorriyaddiisa si deg deg ah dib loogu celiyo Wariyaha xian. Sheekh Khaliil Cabdillaahi ayaa shaaca ka qaaday in qof kastaa oo khaldama la xirayo, sidoo kalena ka wasaarad ahaan ay iyagu u taagan yihiin ilaalinta diinta iyo dhaqanka “Diinta cid walba anaga ayaa uga lexejeclo badan ilaalinteeda, idiinma sheegno shaqadaanu hayno, inta qof ee diinta ku khaldamee laga saaro dalka la idiinma tiriyo, qofku hadduu khaldamo yaan la xidhin meelna kuma taalo adduunka” ayuu yiri wasiir Sheekh Khaliil. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dambi tahay in diin aan aheyn tan islaamnka lagu faafiyo guud ahaan deegaanada Somaliland. “Dalkan diinta islaamka diin aan ahayn in lagu faafiyaa waaba danbi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland. Coldoon oo loo heysto kiisas xasaasi ah ayaa haatan u xiran Somaliland, waxaana isa soo tarayo baaqyada soo baxaya ee ku aadan in si deg-deg ah loo siiyo xorriyaddiisa. Si kastaba Samafale Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa horey u baahiyey warbixino isdaba joog ah, isla-markaana liddi ku ah dugsiyada Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, waxaana ka mid ah xubnaha uu eedeeyey macalimad Joy Isa oo uu sheegay inay tahay Masiixiyad howl diimeed u timid magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland. The post Somaliland oo war cusub oo yaab leh kaoo saartay xarigga Cabdimaalik Muuse Coldoon appeared first on Caasimada Online.
-
Gedo (HOL) - The International Committee of the Red Cross (ICRC) and the Somalia Red Crescent Society (SRCS) said that they were "dismayed" by a blaze on Saturday at a clinic in Bardere, in southern Somalia's Gedo region that injured three staff members. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Booliska Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay qabteen 284 ruux oo qorshaynayay falal amni-darro. Taliye kuxigeenka Booliska Magaalada Addis Ababa Xasan Nagaash ayaa sheegay in xubnahani ay xiriir wadashaqayneed la lahaayeen Ururka TPLF ee dagaalka kula jira Ciidamada Federaalka Itoobiya. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ragga ay Ciidamada qabteen ay wateen hub kala duwan oo iskugu jira 199 Baaskooladood, 2453 oo xabo rasaasa 32 qoriga Kalaashkoofka ah iyo 5049 oo rasaastiisii ah iyo Afar xabo oo diirada Dagaalka ah. PUNTLAND POST The post In ka badan 280 ruux oo lagu qabtay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
-
A total of 1848 officers and men of the Uganda People’s Defence Forces (UPDF) under the Battle Group (BG) 33 were at the weekend flagged off to Somalia by the Chief of Defence Forces (CDF) Gen Wilson Mbasu Mbadi, at Singo Peace Support Operation Centre in Nakaseke District. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Duran Abdullahi Hassan, 22, started at Hobyo’s first free high school on 15 August, four years after completing middle school in central Somalia’s Mudug region. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadaha soo socda la filayo in madaxweynaha HirShabelle uu ku dhowaaqo liiska xubnaha musharixiinta ee ku tartamaya kuraasta taal halkaas ee golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa shaaca ka qaaday inuu dadajinayo doorashada Aqalka Sare, isla-markaana uu soo gaba-gabeeyey wada-tashiyadi uu waday, isaga oo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la sameeyay shaqsiyaad kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaxweyne Guudlaawe uu diyaariyey liiska xubnaha musharixiinta ah, kaliya la filayo inuu shaaciyo magacyadood. Jowhar waxaa sidoo kale gaaray qaar ka mid ah musharixiinta, kuwaas oo ku haminaya inay kusoo baxaan liiska laga sugayo inuu ku dhowaaqo madaxweynaha. Baarlamaanka HirShabelle ayaa dooranaya sideeda xubnood ee Golaha Aqalka Sare, kana imaanaya dhanka maamulkaasi. Ammaanka ayaa dhinaca kale aad loo adkeeyey, waxaana Jowhar laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ka dhaceysa magaaladaasi. Arrintan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shirkii golaha wada-tashiga qaran ee Muqdisho, kadib lagu ballamay in la dadajiyo doorashooyinka ka harsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Si kastaba HirShabelle oo haatan caqabado is-biirsaday ay ka jiraan ayaa weli bilaabin doorashooyinka, halka maamullada qaar ayba dhammeystireen doorashada Aqalka Sare. The post Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Taliban in talks with Qatar, Turkey to manage Kabul airport
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
After the US’s withdrawal Kabul airport is without air traffic control services and talks are on to secure the airport. Source: Hiiraan Online -
The Afghan group says the US defeat is lesson for everyone else, and says it wants ‘good relations’ with the rest of the world. Source: Hiiraan Online
-
Laba nin oo reer New York wadaa ahaa oo midna deegaanka Badhan ka soo jeeday, ka kalena ka soo jeeday deegaanka Laascaanood ayaa is dilay oo ay xurguf dhex martay ilaa markii danbe ay gacanta isu qaadeen. Dagaalka dhexdiisii ayaa kii reer Badhan sanka laga qaniinay. Adigu labaddii nin waa la heshiisiiyey oo ninkii reer Laascaanood waxaa lagu xukumay inuu kharashkii yaraa ee dhakhtarka bixiyo, xaalna bixiyo. Haddaba kii reer Laascaanood oo isagu ahaa Bad-mareen (sea-man) ayaa subaxdii xigtay markabkiisii New York ka fuulay. Muddo lix bilood ka dib ayaa ninkii reer Badhan isagoo maqaaxi Soomaali leedahay oo New York dhex fadhiya oo weliba turub ciyaaraya ayaa waxaa iriddii maqaaxidda ka soo muuqday ninkii reer Laascaanood ee hore isaga ay wax u kala gaadheen. Haddaba isagoo la filayo inuu gacantiisa kolkaasi ciyaaro ninkii reer Badhan ayaa kooxdii turubka la ciyaaraysay ku baraarugaysaa isagoo indhahiisu ay meel ku foogan yihiin. Mar qudha ayeey yidhaahdeen waar dee ciyaar maxaa kugu dhacay ee aad eegaysaa. Xaggay wax kale ka sugayeen ayuun buu yidhi; “Waxba igumay dhicine wakhtigii sanka layska goosanayey bay gaadhay!!!!” Asxaabtiina kolay ninkuu eegayey arkeen ayeey qosol kala jeesteen. W/Q Jamaal Cali Xuseen Source
