Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maraykanka oo shaaciyey Cadeymo Qoraala oo Sucuudiga ku xidhiidhinaya weerarradii Sept.9/11 , FBI-da Maraykanka ayaa shaacisay in aanay hadda ka dib ahayn sir in la qarinayo qoraalo muujinaya xidhiidhkii ay ku lahaayeen muwaadiniin Sucuudi ah oo ku noolaa Maraykanka iyo laba ka mid ah dadkii weerarka qaaday 9/11. Ehalada dadkii ku le’day weerarkaas ayaa mudo dheer xukuumadda ku tirtirsiyayey in la shaaciyo qoraaladaas, waxaanay ku doodayeen in saraakiil Sucuudi ahi ay ka warqabeen in weerarkaa la maleegayo hase yeeshee aanay waxba ka qaban sidii looga hortagi lahaa. Hase yeeshee, dukumentiyadaas ayaanay ku jirin wax caddayn ah oo muujina in xukuumadda Sucuudigu wax xidhiidh ah la lahayd weerarkaa 9/11. Shan iyo toban ka mid ah 19-kii afduubay diyaaradaha ayaa ahaa muwaadiniin Sucuudi ah. Ka hor intii aan qoraaladaa laga saarin xeerka sir ahaanshaha ayaa safaaradda Sucuudiga ee Washington soo dhawaysay in la shaaciyo qoraaladaas waxaanay mar kale beenisay in wax xidhiidh ahi ka dhaxeeyey boqortooyada iyo afduubayaasha, waxaanay ku tilmaantay eedaha noocaas ah “been iyo sumcad dilid”. Qoraaladan waxa la shaaciyey labaatan guuradii ka soo wareegtay weerarradii argaxixiso ee ugu ba’anaa ee ka dhaca dhulka Maraykanka oo qiyaastii 3000 oo qof ku dhinteen markii afar diyaaradood la afduubay, waana kuwii ugu horeeyey qoraaladani kuwo kale oo la filayo in la shaaciyo iyagana. Qoraaladan ay haatan faafiysay FBI oo 16 bog ah ayaa aad loo tifaftiray oo meelaha qaarkood la masaxay. Waxa qoraalkani ku salaysan yahay waraysiyo lala yeeshay dad magacyadooda la qariyey, waxanay tilmaamayaan dad door ah oo u dhashay Sucuudiga iyo laba ka mid ah afduubeyaasha Nawaf Al-Xasmi iyo Khalid Al-Mindar. Qayb ka mid ah qoraallada la shaaciyey Afduubeyaasha ayaa iska dhigay in ay arday yihiin oo sidaa ku galay Maraykanka sannadkii 2000. Qoraalada FBI waxay tilmaamayaan in markaa ka dib ay dadkaasi taakulo mug leh oo tas-hiilaadka ah ka heleen nin la yidhaa Cumar Al-Bayuumi oo ay maragyadu sheegeen in uu had iyo goor tegi jiray qunsuliyada Sucuudiga ee Los Angeles in kasta oo markaa sharciga uu dalka ku joogay ahaa ardaynimo. Bayuumi ayaa maragyada FBI sheegeen in uu “maqaam sare ku lahaa” qunsuliyada. “Bayuumi taageeradii uu siiyey Xasim iyo Midar waxa ka mid ahayd inuu turjubaan u ahaa, u qorsheeyey safarkooga iyo lacag ba” ayaa qoraalkaas ku taal. Qoraalka FBI waxa kale uu sheegayaa inuu jiray xidhiidh ay lahaayeen laba ka mid ah afduubeyaasha iyo Fahad Al-Sumayri oo ahaa imaam muxaafid ah oo imaam ka haa masaajidka King Fahad Mosque ee ku yaal Los Angeles. Waxa lagu timaayay inuu ahaa ubucda “aragtida xagjirka ah ee ay qabeen”. Bayuumi iyo Sumayri labaduba waxay Maraykanka ka dhoofeen todobaadyo uun ka hor weerarradii 9/11, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Wakaaladu waxay soo xigatay Jim Kreindler, oo ah qareen u dooday ehelada dadkii ku waxyeeloobay 9/11 oo sheegay in qoraaladaa la shaaciyey “ay marag u yihiin doodii aanu qabnay ee ahayd in xukuumadda Sucuudigu masuuliyad ku lahayd weerarkii 9/11”. Bishii hore ayaa dacwad ay gudbiyeen eheladaasi waxay ku doonayeen in dhawr sarkaal oo sarsare oo Sucuudi ah iyaga oo la dhaariyey su’aalo la weydiiyo. Maamulladii George W Bush, Barack Obama iyo Donald Trump ayaa dhamaantood diiday in ay shaaciyaan qoraaladaa iyaga oo ku sababaynay arimo nabadgelyo awgood. Joe Biden Laakiin Joe Biden ayaa todobaadkii hore amar ku bixiyey in dib loo eego dukumentiyadii baadhitaanka dhacdadaas, waxaanu saraakiisha u sheegay in ay shaaciyaan wixii la shaacin karo mudada lixda bilood ah ee soo socota gudaheeda. Waxa mudaba socday hadal hayn ah in sarkaal Sucuudi ahi ku lug lahaa weerarkaa, marka la eego tirada muwaadiniinta Sucuudiga ah ee ka qayb qaatay weerarradaas iyo in hogaamiyihii Al-Qaacida ee Usaama Bin Laadin ahaa Sucuudi. Hase ahaatee, warbixinta gudidii baadhitaanka 9/11 kuma jirto wax caddayn ah oo xukuumadda Sucuudiga ama saraakiil sarsare oo ka tirsan ah la xidhiidhinaysa dhacdadaas. Maraykanka iyo Sucuudigu waxay ahaayeen xulufo mudo dheer in kasta oo xidhiidhkoodu mararka qaar yara adkaa. Donald Trump ayaa sii xoojiyey xidhiidhkaa laakiin Joe Biden wuxuu Sucuudiga ku tilmaamay dal “faquuqan” marka la eego dilkii foosha xumaa ee lagu khaarijiyey suxufigii Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khaashoqji ee lagu dilay Turkiga. Frank Gardner oo ka tirsan BBC ayaa sheegay in Biden wixii intaa ka dambaysay debciyey mawqifkiisii ku aadanaa ninka ugu awoodda badan Sucuudiga ee ah dhaxal sugaha Maxamed Bin Salman, taasina ay ka dhalatay xaqiiqada ma dhaafaanka ah ee ah muhiimadda is xulufaysigoodu leedahay. Qaran News
  2. Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka codsaday in laga gudbo khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble. “Madaxweynaha waan la hadlay oo teleefan baan kula hadlay, waxaana ka codsaday in la joojiyo khilaafaadka. Khilaaf looma baahna hadda, sababtoo ah doorashaa la rabaa in la galo, iyadoo khilaaf jirin in la galaana rajeynayaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo wareysi siiyay Radio Shabelle ayaa yiri “Waxaan rajeynaynaa in khilaafku joogsado, dadkuna doorasho xalaal ah ay galaan oo xaq ah, ciddii dan u arkaana ay doortaan.” Mar wax laga weydiiyay sida khilaafka taagan looga gudbi karo ayaa waxa uu ku jawaabay “Waxaa looga gudbi karaa in khilaafaadka la’iska daayo, sida sharciga ama dastuurka uu qabana in doorasho la galo.” Cabdiqaasim Salaad ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaanay la kala safan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, oo ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga qabsoomi laheyd doorasho daahfuran. “Waxaan ugu baaqayaa shacabka inaanay cid la safaninee, laga codsado ciddii is haysataa, iyadoo heshiis la yahay oo Madaxda Qaranka iyo dadkuba ay heshiis yihiin in doorasho xalaal ah la galoa” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad. Cabdiqaasim Salaad ayaa intaa ku daray “Sidaan horey uga barinay Ilaahay, haddana waan u baryaa ummadda Soomaaliyeed inuu ka qaado culeys kastoo haysta. Dhibka muddada badan soo haystay inuu ka qaadaa Ilaahay uga rajeeyaa, waana u duceeyaa.” The post Madaxweyne Cabdiqaasim oo FARMAAJO u diray farriin la xiriirta khilaafka ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
  3. New York (Caasimada Online) – Ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM Amina Mohammed oo shalay booqasho ku timid Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar lagu la’yahay gacanta hay’adda NISA. Amina ayaa taageertay in kiiska gabadhaas la mariyo cadaaladda, taasi oo ah mowqif raacsan kan ra’iisul wasaare Rooble, qoyska gabadha, iyo inta abdan shacabka Soomaaliyeed. “Sareynta sharciga iyo caddaalad helista waa u muhiim in haweenka laga ilaaliyo rabshadaha, waana wax ay xuquuq u leeyihiin dhammaan haweenka,” ayey tiri. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay uga mahad-celiyey QM inay taageertay mowqifkiisa ah in qoyska Ikraan Tahliil Faarax ay helaan caddaalad. Qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri “Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahaliil Faarax, isagoo xusay in aysan habbooneyn in arrintaas la siyaasadeeyo.” Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble ayaa burburay kadib markii Farmaajo uu dalbaday in qoyska Ikraan la siiyo diyo, kiiskana halkaas lagu xiro, halka Rooble uu sheegay inay maxkamadda ciidamada ay baareyso kiiskan, islamarkaana caddaaladda la marinayo. Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay inay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada. “Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yiri qoraalkii ay beesha caalamka soo saartay. The post QM oo war ka soo saartay kiiska Ikraan Tahliil Faarax appeared first on Caasimada Online.
  4. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka. Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono in ay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ugu fadhido Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha jira. Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga. PUNTLAND POST The post Jaamacada Carabta oo taageero maaliyadeed u balan-qaaday doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Roble acts unlawfully when he bypasses the Somali Federal Parliament. Mogadishu (Commentary) — The outgoing Somali Federal Parliament raised objections to violations by Mohamed Hussein Roble, the Prime Minister of Somalia, who fired a Minister and appointed a new Minister. In violation of the parliamentary rules, Roble witnessed the oath taken by the new Minister, who was not endorsed by the Parliament. What are the implications of the power grab by Roble in a country that is gradually recovering from state collapse? Mohamed Osman Jawari, the former Speaker of the Parliament, said that amendments made to the draft constitution stipulate that, until a new parliament takes over, the incumbent parliament will retain its legitimacy. “Otherwise four people will unaccountably rule the country” Jawari added. He foresaw the current political deadlock in which Roble holds the electoral process hostage by making one hasty decision after another. The outgoing Somali Federal Parliament still retains legitimacy. How can the Prime Minister discharge his duties to prepare Somalia for indirect elections if he ignores the legislature and the draft constitution? It is quite discouraging to see the ambivalence of presidential candidates towards a political stand-off over foundations of governance. This is not a time to vacillate. Roble’s goal is to politicise the case of Ikran Tahlil, the “late” intelligence officer. A Prime Minister who briefly authorised a news blackout in the state media against his boss, the President, cannot be trusted to act impartially in electoral matters. Roble, a Swedish citizen, does not seem to understand the traumas Somalis are still undergoing despite efforts to reconstitute the Somali state. What are the roots of his undemocratic tendencies? His actions remind many Somalis of warlords’ reign of terror in Mogadishu. His closeness to the “opposition candidates” runs counter to the principle of impartiality during the electoral season. Roble should not have interpreted the transfer of the President’s duties to oversee the electoral process as a carte blanche to rule Somalia lawlessly. The Federal Parliament of Somalia has a duty to prevent Somalia from falling into the hands of Damuljadid clique. By Adan M. Dawad The post The Legitimacy of the Somali Federal Parliament is Intact appeared first on Puntland Post.
  6. Wasiirka waxbarashada sare ee maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay in haweenka dalkaasi ay si caadiya wax u baran karaan oo aysan jirin cid u diidan Wasiirka ayaa tilmaamay ay waajib tahay in fasalladu ay noqdaan kuwa kala saara ragga iyo dumarka, islamarkaana ay haweenku xirtaan lebiska Islaamiga ah. Abdul Baqi Haqqani oo ah wasiirka ayaa ku soo bandhigay siyaasaddan cusub shir jaraa’id oo uu qabtay, maalmo ka dib markii maamuleyaasha cusub ee Afghanistan ay dhiseen xukuumad dhammaan xubneheedu ay rag yihiin. Taalibaan ayaa sheegtay in ay hadda is bedeshay, oo ay ku jirto sida ay ula tacaamuli doonaan haweenka. Laakinse, waxa ay gacan bir ah u adeegsadeen haween maalmihii la soo dhaafay u bannaan baxayay in ay helaan xuquuq siman. PUNTLAND POST The post Taalibaan oo ka hadashay Waxbarashada Haweenka appeared first on Puntland Post.
  7. Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal nooca riddada dheer ah oo awood u leh inuu ku dhufto inta badan Japan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Isniintii. Dabayaaqadii isbuuca ayaa la arkay gantaallo socda masaafo dhan illaa 1,500km, sida ay sheegtay wakaaladda KCNA. Tijaabadan ma jabineyso qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey- ee ay Kuurirada Waqooyi ku muteysatay cunaqabateyn adag in lagu soo rogo. Laakiin waxay muujinaysaa in waddanku weli awood u leeyahay inuu soo saaro hub iyada oo ay jirto in dalkaasi ay soo food saartay cunto yaraan iyo dhibaato dhaqaale o kale. PUNTLAND POST The post Kuuriya waqooyi oo gantaal kale tijaabisay appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in dalalka Jaamacadda Carabta ay doorashada Soomaaliya u balan qaadeen taageero maaliyadeed, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ka codsatay kharash dhan $12 Milyan. Balan-qaadkaan ayaa yimid kadib markii shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar uu ka qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud. Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku tilmaamay shirkii Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira intii u dhexeysay 9-10 September mid miro dhal ah, iyadoo looga dooday ajandaha ah in dhaqaale lagu taageero doorashooyinka Soomaaliya, Arrinta Falastiin, xaaladihii ugu dambeeyay wadamada Suuriya, Yemen, Liibiya iyo Lubnaan, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono inay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ee walaalaha ah ay ugu fadhido Soomaaliya, si ay uga gudubto caqabadaha jira. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn sanadihii la soo dhaafay, balse ay weli u baahan tahay taageerada walaalaheeda Carbeed si loo horumariyo, dibna loogu dhiso hey’adaha dowladda, loona sii wado hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh ee ku suntan kor u qaadista qiyamka dimuqraadiyadda, xukunka oo si nabadgelyo ah la iskugu xil-wareejiyo iyo qabashada doorashooyin (iyadoo doorashada Aqalka sare ay bilaabatay , waxaa xigi doona doorashada Golaha Shacabka, kadibna doorashada Madaxweynaha) , iyo sidoo kale taageeridda hey’adaha dawladda, dib-u-dhiska dalka, deyn cafinta, iyo maalgelinta qeybaha muhiimka ah sida xoolaha, beeraha iyo kalluumaysiga. Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada. Markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, Soomaaliya waxa ay bixin doontaa lacagta ugu badan ee doorashooyinka baarlamaaniga iyo tan madaxweynaha, iyadoo dalalka reer galbeedka ay bixiyeen 7.7 milyan oo doolar oo ay soo marsiiyeen Qaramada Midoobey, halka lacagta laga uruurin doono musharrixiinta lagu qiyaasay 8.2 milyan oo doollar, taas oo ka dhigaysa Soomaaliya inay bixiso lacagta ugu badan ee miisaaniyadda guud ee loo qoondeeyay doorashooyinka. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal labo dhinacle ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga. The post Jaamacadda Carabta oo taageero maaliyadeed u ballan-qaaday doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in doorashada kuraasta Somaliland ay ku dhici doonto fikir wada-ogol ah oo aan cidna lagu dulmi doonin. “Waa ii farxad inaan maanta idinla kulmo idinkoo gacmaha is-heysta, waxaan diyaar u ahay goob kasta oo ay ku heshiiyaan Guddoomiyaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka in doorashada lagu qabto in aan ku raaci doono, shacabka Soomaaliyeed-na waxaan u sheegayaa in doorashadii Somaliland ay horay u socotay, waxaan sugnaaba waa doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo bilaabata,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble. Dhankiisa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay xallinta khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland, isagoo u ballan qaaday in ay ku garab taagan yihiin hoggaamintiisa howlaha doorashooyinka dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa yiri, “Waxaan galabta isugu nimid in aan ku kala war-qaadano dhaqaajinta howsha doorashooyinka Somaliland, waxaa noo qorsheysan in doorashada Aqalka Sare aan deg deg u guda galno anagoo mid ah, aniga iyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxaan soo gudbi doonaa liiska musharaxiinta Aqalka Sare, isada ugu dhaqsiyaha badan.” Mahdi Guuleed ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah ee soo socota ay bilaaban doonaan doorashooyinka Aqalka Sare ee Somaliland, isla markaana todobaadka soo socda la soo dooran doono 11-ka kursi ee Aqalka Sare ay leeyihiin siyaasiyiinta reer Somaliland. Hoos ka daawo The post Daawo: Goorta la billaabayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  10. Abdirahim Mohamed died on Thursday morning and so far three men have been arrested in connection with his death Source: Hiiraan Online
  11. “Waa Nasiib Darro Inuu Wasaaradda Kaliya U Kala Qaybiyey Reer Awdal, Madaxweyne Doorashooyin-baa Soo Socda Oo Awdal Waxba Kuma Yaallaan? (SLT-Boorama)- Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu ballamo uu la gallay Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Awdal uu kaga baxay,isla markaana uu dhabarka ujeeddiyey,waxaana lagu eeyeeyey Madaxweyne Biixi inuu caaddaystay ballan ka baxa reer Awda.. Shacabka ku dhaqan Magaalada Boorama ayaa sheegay in aanu Madaxweyne Biixi reer Awdal wax-ba u oggolayn,isla markaana uu si gaar ah u caddaadiyo,waxaanay ugu baaqeen xubnaha ka soo jeeda Gobolkaas ee xilalka ka haya Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay iska wadda casileen xilalka ay ka hayaan Xukuumadda Biixi,maddaama oo xilalka loo dhiibay ay yihiin qaar quudhsi ah,waxaanay ku bilabeen sidan:-“Madaxweynaha Qaranka sidaa kama aanu filayn C-iyo D, haddii Beesha dhexe ay A qaadato waxay ahayd in uu B nasiiyo,maddaama oo uu C iyo D nagu tuuray annagu cadka maqaarka ma qaadano waanu diidanay cadkaas,waxa aad rabtaa doorkan soo socda in aad doorasho gasho,sidaas-na haddii aad ku socoto wax Gobolka Awdal kuu yaallaa oo aad ku tallogelayso in aad noqoto Madaxweynaha soo noqon doonna annagu ma filayno runtii.” Waxa ay intaas ku dareen oo ay ugu baqeen masuuliyiinta xilalka ka haya Xukumadda Biixi ee reer Awdal inay iska soo casilaan xilalka “Waxa aan ugu baaqaynaa Wasiiradda laga dhigay D iyo C ee Gobolka Awdal dhammaan inay is casilaan ,waxa ka fiican cadka quudhsiga inta aad qaadanayso in aad is casishaan,waxaan kula tallin lahaa wasiiradda,wasiir ku-xigeenada,Agaasimayaasha guud dhammaan waxa kaga jira Dawladda reer Awdal inay is wadda casilaan,sidaana beesha dhexe aan ugu sacaba tuno,waayo cadka quudhsiga lama qaato adiga oo meesha ka maqnaada ayaa ka fiican.”ayey yidhaah-deen Sidoo kalene shacabka ku dhaqan Magaalada Boorama ayaa sheegay in aanay wax-ba ka sugayn Madaxweyne Biixi inta uu xilka hayo”Sida ka soo muuqata ee ifafaalada ah ee Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland uu ku dhaqmay ,wax fiican maaha Gobolka Awdal-na lagama filayn in wax quudhsi ah aanu qaadano mihiimadu waxa weeye,Wasiiradda iyo masuuliyiinta reer Awdal ee Dawlada ka tirsan waxaan ugu baaqaynaa inay iska soo casilaan,waayo meeshaa wax-ba la inoogama oggola ninkaas inta uu meesha jooggana ma leh wax uu innaga rabbaa ee iskaga kaalaya.” Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal Maxamed Aadan Suldaan ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu caaddaystay ballan kaga baxa reer Awdal,waxaanu sheegay inuu ka baxay ballamo kale duwan oo uu la gallay”Madaxweynuhu markii doorashada la gellayey waxa uu ballan-qaaday oo dad waa weyn oo muddo kar ah uu ku yidhi ,markii ay kale hadleen saami qaybsiga Doorashada kadib ayaan arrintaa dhammaynayaa ,may dhammaan tii, waxa ayaan darro ah ballantii uu qaaday Madaxweynuhu ee uu ka qaaday markii uu olollaha ku jiray reer Awdal ee wax qabad lahayd muu fullin,waxa iyana nasiib darro ah ballantii uu ka qaaday Madax-dhaqameedkii iyo wax-garadkii reer Awdal ee salluuga tirsanayey ee uu yidhi doorashadu ha ina dhaafto ma fullin Madaxweynuhu, waxa aad mooddaa Madaxweynuhu in uu reer Awdal ballan-darradooda caaddaystay.” Waxa uu intaas ku darray “Waa nasiib darro in halkii wax laga sugayey wasaaradda qudha inuu niman reer Awdal ah u kale qaybiyo “ Gunaannadkii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal Maxamed Aadan Suldaan ayaa sheegay in shacabka reer Awdal ay diyaar u yihiin inay beddelaan Madaxweynaha Biixi ” Xisbi ahaan waxaan leenahay Wasiiraddaada iyo shaqaalahaaga oo aad kale beddeshaa macno baddan ma samaynayso,balse Madaxweyne adiga ayaa beddel u baahan,shacabka reer Somaliland farriintii ay direen Madaxweynuhu inuu beddel yahay ayey direen .” Source
  12. Inta badan bulshada reer Somaliland boqol iyo labbaatankii (120-kii) maalmood ee u danbeeyay, waxa dheggaha iyo carabkooda kusoo noq-noqonayey hadal-hayno la xidhiidha isku-shaandhayn ay ka filayeen Madaxweyne Biixi inuu ku samayn doono golihiisa Wasiiradda, arrintaas oo marka si guud loo eego runtii ahayd mid mudada iyo ka hor-ba soo taxnayd, balse waxay hadal-haynteedu sii xoogeystay markii ay soo baxday guuldarrada Xisbiga KULMIYE uu kale kulmay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay dhammaadka bishii may ee sannadka 2021-ka. Geesta kale, marka si loo eego xaaladihii markaa taagnaa waxa la odhan karo, dhacdooyinkan oo dhammi waxay markii danbe isu-rogeen raggaad cusub oo kusoo saayi’dey cabashooyinkii ka dhashay qodxihii markii hore-ba ku taagnaa bulshada reer Somaliland, kuna kelifay hadal-haynaha la xidhiidha in Madaxweynuhu isbeddel ku sameeyo Xukuumadiisa, kuwaas oo marka doodaha arrinkan ee bulshada si gaar ah loo dhandhansho qaarkood u muuqdeen kuwo ku salaysan isbeddel togan oo waxtar leh inay helaan oo keliya. Haddaba marka xaalku sidaa yahay inkastoo uu muuqdo kala duwanaasho afkaareed inuu ka dhex jiro mu’caaridka iyo shucuubta kale isbeddel doonka ah, balse hadana waxa qudhee labadan xaaladood la odhan karaa way iska shabbahaan, waa arrinka isbeddelka. Hadii aynu arrinta intaa ku dhaafno, waxa isweydiin mudan maxay ahayd ujeedada sababtay isku shaandheynta madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa? ma’se la odhan karaa Isku Shandheyn?. Haddii aynu ku hormarno isweydiinaha hore, ee ku saabsan maxaa sababay, muxuu’se daaranaa isku Shaandheynta Madaxweynuhu dhowaan ku sameeyey Xukuumadda. Mida koowaad marka la eego xubnaha xilalkooda waayey,waxa lala xidhiidhiyey doorashooyinkii dhawaa ee dalka ka dhacay kuwaas oo uu Madaxweyne Biixi u arkayey kuwo qayb ka ahaa guul-darradii Xukuumadda KULMIYE ka soo gaadhay doorashooyinkii Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,kuwaas oo uu dan moodday inuu baddelo,isla markaana uu magacaabo xubno uu bidday inay kalsooni ka haystaan degaanaddooda oo uu miciin bidday inay guul gaadhsiin karraan doorashada soo socota ee Madaxtooyadda Dhanka kale, haddii aynu xooga iyana is-dul taagno meselada ku saabsan filashada iyo faa’iidada Xisbiga KULMIYE ugu jirta isku shaandhayntan ayaa waxa ay inta baddan ku doodayaan masuuliyiinta falaqeeya Siyaasada Xisbiga KULMIYE in isku shaandhaynta Madaxweyne Biixi ay ahayd kud ka guur oo qanjo u guur,isla markaana aanay wax faa’iido ah u keenay isaga, isla markaana uu lumiyey uun siyaasiyiin la soo halgamay,kuwaas oo ay kamid ahayeen Baashe Cawli Xaaji Cumar iyo kuw kale. Siyaasi Jamaac Shabeel oo kamid ahaa Xisbiga KULMIYE aya sheegay in isku shaandhaynta Madaxweyne Biixi uu sameeyey ay tahay mid uu wax isku yeellay,isa markaana uu kubadda goolka u salaxay WADDANI “Afar sannadood ayuu soo cifanayey oo uu marba lahaa waxa aan samaynayaa isku shaandhayn ,markaas ayuu Agaasimayaasha ku wareegi jiray,waxa korrodhso ayuu is lahaa oo isku shaandayn sameee teegeeradaadii soo kordhi oo intii hore ka xooggee ayuu is lahaa ,lakiin wax taas ka soo horjeeda ayuu sameeyey,reerihii qaar wuu sii khaarajiyey oo daraf-yaddii wuu ka maar-may,isaqiina wax kordhiso ayuu is yidhi,lakiin wax ayuu is yeellay,Doorashada Madaxtooyadda sidii looga adkaan lahaa ayuu fududeeyey wuu sii salaxay kubadda .”ayuu yidhi Jaamac Shabee Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo haysta fursaddo siyaasadeed oo qaaliya,kuwaas oo wakhtigan horyaal,isla markaana la dhawrayo sida uu uga faa’iidaynsan doonno.Xisbiga WADDANI ayaa doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay bishii May ee sannadka 2021 ka gaadhay guullo kale duwan,kuwaas muujinayey in bulshada reer Somaliland ay dannaynayso Xisbiga WADDANI,isla markaana ay la dhacsan tahay siyaasaddiisa. Haddaba guusha Xisbiga WADDANI uu ka gaadhay doorashooyinkaas ayaa soo jiidatay siyaasiyiin baddan iyo tageerayaal baddan,kuwaas oo u arka in Xisbiga WADDANI uu mustaqbal siyaasadeed leeyahay,isla markaana uu ku guullaysan karro doorashooyinka kale ee soo socda. Dhanka kale faallaqeeyayaasha arrimaha siyaasadada Somaliland ka faallooda ayaa ku dooddaya in Xisbiga WADDANI uu haysto fursado siyaasadeed oo qaaliya,isla markaana la dhawrayo sida uu uga faa’iidaysto,halka qaar-na ay ku doodayaan in hal xidhidhaale kale uu horyaal Xisbiga,kaas oo ah shir weynaha Xisbiga oo la filayo inuu dhammaadka bisha tobnaad ee sannadkan 2021 uu qabsoomo Siyaasi Jaamac Shabeel oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Shaxda god ayaa jira aan la bannayn oo la yidhaah irmaan oo inta laguu dego lagu odhanayo gurro bahasha,Godkii irmaanta ayuu banneeyey Muuse Biixi oo ninkii isaga ka soo horjeeday ayuu u banneeyey,shaxda waxa wadda dhigayey WADDANI iyo KULMIYE ayaa shaxda ciyaaraya Godkan uu ka guurray waa irmaan,haddii iyaga laftoodu gartaan reer WADDANI weeye.”ayuu yidhi. Si kastaba ha-ahaatee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa wakhtigan waxa horyaala fursado baddan oo siyaasadeed,kuwaas oo la dhawrayo sida uu uga faa’iidaysan doonno,waxaynu dhawrnaa waa Xisbiga WADDANI iyo in uu ka faa’iidaysto fursadahaa Siyaasadeed iyo in kale oo uu iska daayaco. Source
  14. “She took my life away,” said one of the women, Hamdi Mohamud, who was a senior in high school at the time. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta hadal ka jeediyey kulankii Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay ee u dhaxeeya isaga iyo Farmaajo. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyey sida ay ugu taageereen in baaritaan sax ah lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil. Rooble ayaa kulankaas ka sheegay inuu aad uga xunyahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray, kadib khilaafkii ka dhex qarxay isaga iyo Farmaajo, xilli uu dalku ku jiro doorashooyin. Waxa uu balan qaaday inuu dadaal ku bixin doono ka hortagga xiisad ka dhalata khilaafka u dhaxeeya xafiisyada ugu sareeya dalka, isla markaana uu xaaladaha taagan u maareyn doono si xilkasnimo iyo miyir leh. “Waxaan ku hawlanaa dhammaan in aan la tashiyo la sameeyo dadka ay khusayso in arrimaha lagu xaliyo wada hadal iyo si waafaqsan kala qaybsanaanta awoodaha Dastuuriga,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble. Waxa uu sheegay Rooble in ahmiyadiisa ugu muhiimsan ay tahay doorashooyinka, dadka Soomaaliyeed-na uu u xaqiijinayo in aanu marnaba ka weecan diirad saaridda doorashooyinka dalka ka socda. “Waxaa iga go’an inaan sii wado dadaalkan waxaanan ku kalsoonahay in iyadoo la kaashanayo Madaxweynayaasha saaxiibadeey ee Dowlad Goboleedyada in aan gacan kawada geysanno dadaalka dhexdhexaadinta, waxaan inshallah heli doonnaa xal nabadeed oo ku aaddan xaaladdan laga xumaado,” ayuu yiri. Ra’isul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in kiiska Ikraan aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado. “Kiis Ikraan Tahaliil Faarax ee aad maqasheen waxa uu noqday arin qaran oo dadka Soomaaliyeed oo dhan taabatay, mawqifkayga mabda’iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikran iyo qoyskeeda meesha laga saaraa, sidaa awgeed waxaan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha Beesha Caalamka mowqifka ay qaateen oo ah in kiiska Ikraan lagu sameeyo baaritaan dhameystiran,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble. The post Rooble oo war cusub kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax appeared first on Caasimada Online.
  16. Somalia's long-delayed elections will proceed "as planned", Prime Minister Mohamed Hussein Roble told visiting UN diplomats on Sunday, even as a damaging feud between him and the country's president sparked fresh fears for the troubled Horn of Africa Nation. Source: Hiiraan Online
  17. The woman who broke barriers as the first female foreign minister and deputy prime minister in culturally conservative Somalia now aims for the country's top office as the Horn of Africa nation moves toward a long-delayed presidential election Source: Hiiraan Online
  18. Laacibkii hore kooxda Horseed Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi) oo soo booqday xarunta dhaxeeya ee Goobjoog Media Group ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan sooyaalkiisa kubbadda cagta iyo ka tagistiisa kooxda Horseed ee ciidanka xooga dalka. “Waan u mahadcelinaynaa maamulka kooxda Horseed sida wanaagsan aan u wada shaqayanay mudadii aan joogay kooxda , balse waxaan aaminsahay in ay ii shalaay-doonaan kooxda Horseed “ ayuu Goobjoog Sports u sheegay Laacib Xasan Cabdi Nuur Geesay. Ciyaarahan Xasan Cabdi Nuur wuxuu sheegay in ay jiraan kooxo badan oo xiriir la soo sameeyay , balse wuxuu taageerayaashiisa u balanqaaday in ay ka arkoi doonaan warbaahinta Ciyaaraha gudaha iyo baraha bulshada. “Way jiraan kooxo badan oo xiriir ila soo sameeyay , balse hadii ay dhacdo in aan ku biro kooxda Dekedda waxaan la qaadi doonaan koobka koobabka ee Jeneraal Daa’uud “ ayuu hadalkiisa soo raaciyay laacib Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi). Dhinaca kale ciyaaryahanka wuxuu soo hadal qaaday sababaha keenay in uu ka tago kooxda Horseed, isagoo sheegay in la isku dayay in la inkiro xirfadiisa ciyaareeda iyo guulaha oo ka gaaray kubbadda cagta dalka. “Waxaan ahay laacib ugu sareeya kubbadda cagta Soomaaliya, iminkana haysta abaal marinta ugu saraysa kubbadda cagta dalka, kuwa doonaya in ay qariyaan guulaha aan gaaray waa loo jeeda qofka uu yahay laacib Xasaasi “ ayuu hadalkiisa sii raaciyay ciyaaryahankii hore naadiga ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee Horseed Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi). Ciyaaryahan Xasaasi oo ku soo caan baxay kooxda LLP Jeenyo ayaa sheegay in hamigiisa ugu weyn uu yahay in uu ka ciyaaro dalka dibadiisa, isagoo Goobjoog Sports u sheegay in mar walbo uu qaato tababar joogta ah, si uu horomariyo xirfadiisa kubbadda cagta. “Mar walbo waxaan qaataa tababaro joogta ah oo aan iskugu diyaaro dhacdooyinka soo socda ee heer Qaran iyo heer naadi, waxaa ii muuqda ifaalo wanaagsan” ayuu sheegay xirfadyahankii hore kooxda Horseed Xasan Cabdi Nuuur (Xasaasi). Ugu danbeyntii laacib Xasaasi wuxu u mahadceliyay xaaskiisa , isagoo sheegay heerka uu maanta ka gaaray kubbadda cagta ay qeyb weyn kula laheyd iyada, welina uu diyaar u yahay in qaato dhiirelinteeda wanaagsan. Daawo Xasaasi Oo Waraysi Siiyay Goobjoog Sports Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Xasaasi Muxuu Laacib Xasaasi Ka Yiri Goolkii Uu Ku Dhaliyay Garoonka Stadium Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Ayman Al-Dawaahiri oo ah hoggaamiyaha ururka Al-Qaacidda ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida ay kooxda Al-Shabaab ugu qancisay inay diinta Islaamka qaadato Caa’isha Romano, oo ah gabar u dhalatay dalka Talyaaniga, oo ay afduub u heysan jireen kooxdaan balse hadda ku sugan Talyaaniga. Al-Dawaahiri ayaa sheegay in qaadashada Diinta Islaamka ee Caa’isha Romano ay ku timid qaabka wanaagsan oo kooxdaan ula macaamishay intii ay ku jirtay gacantooda, wuxuuna sheegay in kooxda Al-Shabaab ay muujisay suuradda dhabta ah ee Islaamka, sida uu hadalka u dhigay. Hadalka uu soo diray Ayman Al-Dawaahir oo ay baahisay Mu’asasada As-Saxab ayuu ku sheegay inuu sidoo kale aad u bogaadinayo howlaha jihaadiga ah oo ay waddo kooxda Al-Shabaab. Si gaar ah wuxuu u ammaanay howlgallada Jihaadiga ah ee “Qudus lama Yahuudeynayo” ee ay ku beegsadeen saldhigyadii Mareykanka ee Soomaaliya iyo Kenya. Caa’isha Romano ayaa sheegtay inay qaadatay Diinta Islaamka, waxayna ugu dambeyn ku laabatay dalkeeda Talyaaniga halkaas oo ay ku guursatay nin Muslim ah, waxayna sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay si wanaagsan ula dhaqmi jireen intii ay ku jirtay gacantooda. Caa’isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Allah Subxaanahu Watacaala iyo iyada. Markii ay yareyd waxay sheegtay inay “fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.” Waxay intaa ku dartay inkastoo “khaladaad badan” ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.” Intii ay joogtay deegaanka Chakama ee dalka Kenya, waxaa ay tiri: “dad badan oo Muslimiin ah ayaan halkaas ku arki jiray, balse taasi ma aysan igu dhiiragelinin in aan qaato diinta islaamka”. “Waxaan arki jiray dad xiran khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan daneyn jirin diinta Islaamka,”ayay tiri mar ay la hadleysay wargeyska Laluce ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga. Waxay gabadhan sheegtay in markii la afduubay oo la sii watay ay isweydiisay su’aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: “Waxaan u imid Kenya in aan dadka caawiya oo wax wanaagsan ayaa sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aanan loo afduubanin gabdhaha kale?” Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. “Waxaa is dhahay – dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo.” The post Al-Dawaahiri oo war kasoo saaray sida Al-Shabab ay ula dhaqantay Caa’isha Romano appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) - Prime Minister Mohamed Hussein Roble has issued a new directive to the Somali finance ministry on Sunday not to disburse any funds without his consent during this transition period. Source: Hiiraan Online
  21. Cabdi Siciid (bidix), Buraale (dhexda) iyo Diinaari (midig) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye. Madaxweyne Deni ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Karkaar u magacaabay Cabdi Siciid Cismaan oo ahaa duqa degmada Qardho. Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa wareegto uu soo saaray ku kala diray golaha deegaanka degmada Qardho oo muddo xiliyeedkoodu dhammaaday. Madaxweyne Deni ayaa Maxamed Faarax Cabdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah ugu magacaabay guddoomiyaha degmada Qardho, sidoo kale wuxuu Maxamuud Maxamed Ciise (Diinaari) u magacaabay guddoomiye ku-xigeen. Qardho ayaa ka mid ah saddexda degmo Puntland ee la filayo in ay doorashooyin gole deegaan oo qof iyo cod ah ka dhacaan bisha soo socota ee October. PUNTLAND POST The post Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
  22. In January 2021, I published a paper on U.S. policy towards Somalia in which I expressed concern that the rapid withdrawal of U.S. military forces from Somalia could invite an Al-Shabaab takeover of Somalia. Fortunately, that did not occur. Yet that very scenario played out in Afghanistan where the government was too corrupt, weak, and isolated to sustain the fight against the Taliban. Whether an attempt by Al Shabaab to seize greater control would succeed will depend on the legitimacy and capabilities of Somalia’s political leadership and government institutions. Afghanistan and Somalia share some critical vulnerabilities, which makes Afghanistan’s fate instructive. Source: Hiiraan Online